Fiqikhayre

Nomad
  • Content Count

    5,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Fiqikhayre

  1. Press release: Statement by French ministry of foreign affairs spokesman on Somalia. France, as an observer of the Djibouti Agreement and as a friend of Somalia, regrets the unilateral decision of the Transitional Federal Parliament. Discussions about the post transition arrangements must indeed be an opportunity for open political dialogue, and avoid unilateral decisions of a particular institution. It is essential that the transitional federal institutions (President, Government and Parliament) demonstrate their credibility by acting responsibly for the benefit of the people, whose needs are immense. France reaffirms its confidence to the Special Representative of the United Nations Secretary-General, H.E. Mr. Mahiga, in his efforts towards dialogue. With its partners of the European Union, France will undertake an assessment of its support to Somali institutions before next August. PRESS CONTACT: Beatrice HONGO and Claire LABAT French Embassy in Kenya Tel: 254 (20) 277-8140/1 Cel: 0722 832 818 or 0711211736 beatrice.hongo@diplomatie.gouv.fr claire.labat@diplomatie.gouv.fr
  2. Mucjiso Lagu Arkay Dagaalkii Hagoogane Iyo Ciidamada SNM-Ta Oo Sheegay Inay Dhabar-Jebin Ku-Sameeyaan Niman Dharcad-Wata Oo Awr-Dushiisa Tikniko Ka Soo Ridiyay) Written by Administrator Tuesday, 08 February 2011 15:55 Ciidamadii Somaliland ee ka qeyb-galay dagaalkii Baliga Hagoogane oo iminkadan lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Burco,ayaa sheegay inay mucjiso Rabaani ah ku arkeen Dagaalkii ay la galeen Ciidamada SSC,kaasoo ay sheegeen in dagaalka ay ka qeyb-qaadanayaan Niman Awr Tikniko saaran ku-dagaalamaya,kuwaasoo uu hogaaminayey Sheekh dhar-cad xiran Dhaawacyada Somaliland ayaa badankood dadkii soo booqday ee eheladooda u sheegay in kolkii ay eryadeen Ciidamada SSC,inay dhabar-jebin ku-sameeyeen Ciidamo dhar-cad ku-labisan oo Awr saaran,kuwaasoo si hubka daran-dooriga u dhaca ka soo ridayay Awrka dushiisa Hadal-heynta ugu badan ee galabta goobaha lagu shaaheeyo ee Magaalada Buuhoodlo,ayaa looga sheekeysanayaa arinta ka soo yeertay Ciidamadii SNM-ta oo kolkii la jebiyay Ilaahay rucbi iyo cabsi ku-riday,iyagoo aaminay in dagaalka ay ka qeyb-galeen Malaa'ig uu hogaaminayey nin ka tirsanaan jiray Ciidamadii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,kaasoo lagu magacaabi-jiray Sheekh Cali Dhuux Allaha u naxariistee. Sheekhan ay Ciidamada dhaawaca ee SNM-ta ay leeyihiin dhabar-jebin ayuu nagu sameeyay,isagoo hogaaminaya ciidamo dharcad xiran oo Malaa'g ay ku sheegeen,waxa uu geeriyooday mudda laga joogo 70-sanno,waxaana uu ka mid ahaa Saraakiishii ugu sareeyay Ciidamadii Daraawiishta ee la dagaalami-jiray Gumeystahii Ingiriiska ee ku soo duulay Waqooyiga Soomaaliya Hadaba Xafiiska Shacabkamedia ee Buuhoodle ayaa ku guuleytay inuu helo sawir ka mid ah Awrkii hubka Tiknikada la-saaray ee dhabar-jebinta ku sameeyay Ciidamada SNM-ta,kaasoo ay ku sheegeen Ciidamo Malaa'g ah oo Awr-saaran,balse Ciidamada ayaa ahaa kuwo ka-tirsan SSC,Guutada loo yaqaan (Awrayaal)kuwaasoo Tiknikada saarta Awrka dushiisa,waxaana kolka aad aragto sawirka aad la yaabaysaa,habka Awrka dushiisa looga ridiyo Tikniko dushiisa lagu rakibtay,waana mida cabsida ku riday Ciidamada SNM-ta inay ku waashaan Malaai'g Awr-sidataa dhabar-jebin nagu sameysay Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono
  3. The secessionist outfit who attacked yesterday the organised citizens and militia of Hagoogane Cayn Region of Puntland tell a tale of fantasies in their sick-beds in a make-shift hospital in Burco about a heavenly miracle they witnessed in the battle against the SSC unionists. This has been the latest talk in Buuhoodle town capital of Cayn region of Puntland whereby the wounded secessionist attackers said clearly hallucinating that after they had defeated the militias in front of them that they were ambushed and attacked from the rear by a Sheikh in white robes with angels riding on camelback who had artillery mounted on top of their camels shooting heavily at their direction. They said the Angels who attacked them must have been lead by a freemdon fighter who died 70 years ago who fought against the British colonial rule in the last century. This long ago deceased freedom fighter by the name of Sheikh Ali was one of the bravest disciple and best army commanders of the late Somali hero Sayid Mohamed Abdulle Hassan better known as the Sayyid who fought against the British for twenty odd years in a rebellion against colonial rule and oppression. However Shacabkamedia office in Buuhoodle succeeded in getting a picture of one of these mounted camel 'technicals' the SNM militia described as being an army of Angels on camelback though in reality they were armed men from Buuhoodle belonging to the Camel-back division who mounted their artillery on top of the camel-backs and once you see the picture one is really astounded at the artillery fire coming off from the top of the mounted camel-back who the secessionists clearly were afraid and shaken by that they thought they were being angels on camel-back attacking them from the rear and subsequently causing their defeat.
  4. Shir looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya oo ka furmey Magaalada London Shir looga hadlaayo Xaaladda wadanka Soomaaliya ayaa ka furmey magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska. Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda arimaha dibadda ee Britain,waxaana ka qaybgalaaya madax kala duwan oo kasocda Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya arimaha Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibadda ee Dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo ka qaybgalaaya Shirka ayaa sheegay in sidoo kale ay kasoo qaybgali doonaan wefdi kasocda maamulada Puntland iyo Somaliland. Shirka ayaa intuu socdo lagu falanqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa Dawladda u harsan waqtiga yar kana talisa goobo fara kutiris ah oo ku yaalla Muqdisho. Beesha Caalamka iyo waddamada daneeya arimaha Soomaaliya ayaa qabtay shirar badan oo looga hadlaayo xaaladda Soomaaliya. Horseed Media
  5. Dhawaacii Dagaaladii Kalshaale oo Galkacyo la keenay. 08. February 2011 19 Dhaawac ah iyo 2 Dhimasha ah oo Gaalkacyo lag Soo gaasiiyay Deegaanka KalShaale. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Waxaa Maanta la Soo gaarsiiyay 19 Qof oo ka Mid ah dhaawacyadii Dagaalka Kalshaale ee Gobalka Cayn ee u Dhaxeeyay Ciidamada Soomaliland iyo Bulshada Gobalkaasi oo is abaabushay. Dadkan Waxaa Sidoo kale ka mid ah 2 nin oo Dhexda ku soo dhimatay kadib Markii dhaawac ahaan looga soo qaaday Deegaanka Kalshaale eeDagaalada Xoogan ay ka dhacayaan. Dadkan Dhaawaca ah ayaa Waxaa Xilligan lagu Dabiibayaa Cisbitaalka Guud ee Gobalka Mudug Waxaana Dhaqaatiirtu ay aad ugu Mashquulsantahay La Tacaalida Dhaawacyada 19-kaasi Qof Si ay u badbaadiyaan, Waxaana Sidoo kale Jira Gurmadyo kala Duwan oo Dadkan ay u Muujiyeen Bulshada Qaybaheeda kala Duwan ee Magaalada Gaalkacyo Waxaana Jira Dadaalo ay Waxgaradku Hormuud ka Yihiin oo Dadkaasi Lagu caawinayo Dhinacyo badan. Inkastoo Maamulka iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa aad u Mushquulsan. Arrintan iyo la Tacaalida Dadkan Dhaawacyada ah ayaa Hadana. Waxaanu goor dhawayd Xiriir la maysanay Agaasimaha guud ee Cibitaalka Gobalka Mudug C/raxmaan Maxamed oo loo yaqaano Xumbul Xaambul wuxuuna Sheegay Xaalada Cafimaad ee Dadkan in ay tahay Mid aad u Wanagsan islamarkaan loo Fuliyay Gargaaradii caafimaad ee ay U baahnaayeen Wuxuuna Tilmaamay in ay Jiraan Dad Qaliino kala Duwan ay ku sameeyeen Dhaqaatiirta gobalka Mudug, inkastoo uu sheegay Dhawacyada Dadkan in ay u badnaayeen Jajab iyo Waxyaabo la Mid ah. Sidoo Kale Waxaa Banaanka Kore ee Cisbitaalka aad u Soo buuxdhaafiyay Ilaa Saaka Qaybaha Bulshada Magaaladan oo Qaarkood la Ehel ah Dhaawacyada Dadkan la keenay iyo Qaar kale oo Iyaguna ka Mid Bulshada Gobalkan Mudug ee Arrintan aadka uga Damqatay. Dhinaca Kale Wararkii ugu Dambeeyay ee Deegaanka kalshaale waxay tilmaamayaan maanta in uusan wax Dagaal ah dhicin lakin ay Muuqdaan Saansaan Dagaal kale Hurin Karta. Waxaana Jira Abaabulo kala Duwan oo Labada Dhinac ay Wadan. AllIdamale.com
  6. Dad Ku Soo Dhaawacmey Dagaalkii Kalshaale Oo Gaalkacyo La Keenay Gaalkacyo (RBC Radio):- Meydka laba ruux iyo dhaawaca 19 kale ayaa la keenay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dadkani ay ahaayeen kuwa waxyeelo ay ka soo gaartey dagaal shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale ee Gobolka Ceyn, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Soomaaliland iyo Maleeshiyo deegaanka ah. Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo Dr, C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in dhaawac gaaraya 19 la keenay isbitaalka, dhaawacaasi oo laga keenay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn, isla markaana lasoo mariyey dhulka howdka ah. Waxaa Agaasimuhu intaa raaciyey in dhaawaca tiro ahaan uu gaarayey 21 ruux, hase ahaatee intii ay jidka soo socdeen in ay geeriyoodeen laba ruux oo dhaawac aad u culus ahaa, waxaa uuna intaa ku daray in dhaawacani intooda badan xaaladoodu wanaagsan tahay. Dhaawacyada la keenay ayaa isugu jira noocyo badan, kuwa lafaha ayaa burbursan, kuwa kale uur ku jirta ayay dhaawac ka qabaan, kuwana madaxa iyo meelo kale oo lugaha ay ka mid yihiin, waxaana durbadiiba gargaar caafimaad oo deg deg ah ku sameeyay dhakhaatiirta gobolka oo ay ka mid yihiin Dr, Bashiir Cali Biixi, Dr, Timir iyo dhaqaatiir kale, waxaana qaar ka mid ah dhaawacyadaasi oo aad u cuslaa lagu sameeyay qaliimo fudud iyo kuwa culus. Amaanka isbitaalka gobolka Mudug ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadada hore ee Isbitaalka lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta waxaana loo diiday in dadweynuhu gudaha u galaan isbitaalka oo ay arkaan dhaawaca, inkastoo mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo iyo kuwa Maamulka Gobolka Mudug ay Isbitaalka ku booqdeen dhaawaca. RBC Radio.
  7. Axmed Karaash oo Dhaq-dhaqaaq Ciidan Kawada Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool. Wasiirki hore ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ee dhawaan xilka laga qaadey ayaa maalmahaan ku sugnaa inta u dhaxeysa degmada Tukaraq iyo Ganbara ee gobolka Sool halkaas oo ay la joogaan Ciidamo taabacsan isaga. Axmed Karaash oo ay maanta Saxaafada ku booqatay halkaas kula kulantayna geed hoostiis ayaa sheegay in uu halkaas u jooga howshii uu dalka uu yimid una ku faraxsanyahay joogitaanka goobtaasi. Wasiirki hore ee Wasaaradda Duulista Hawada oo ay Saxaafadu weydiisay Su’aal siweyn la isku weydiinayay oo ahayd inuu halkaas u tegay waxyaabo ka dhan ah Dawladda Puntland ayaa sheegay in uu halkaas u joogin wax Puntland tafaraaruq u keenaya isla markaana ku kacaynin wax aysan ku mideysneen dadka reer Sool,Sanaag iyo Ceyn oo u sheegay in ay kamid yihin Shacabka Puntland. Wuxuu intaas ku daray in madaxda Puntland ay yihin madaxdiisi isla markaana doonaynin inuu ku dhaqaaqo wax kala fogeynaaya iyaga iyo Bulshada ay madax u yihin. Axmed Karaash iyo Ciidanka uu wato ayaa tan iyo markii laga qaaday xilkiisa dhaq dhaqaaq Ciidan kawaday Tukaraq iyo Ganbaro kaasoo ku doonayaan in ay soo celiyaan dhulka maqan oo ay haysato maamulka Somaliland. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntlan
  8. Tukaraq: Ciidamo uu horkacayo Axmed Karaash oo dhaqdhaqaaq kawada deegaano kamid ah Sool. 7. februar 2011 APL Tukaraq: (Allpuntland)-Wararka lagahelayo Deegaanka Gambara ee gobolka Sool ayaa kusoo waramaya in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ciidan kawadaan ciidamo daacad u ah Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo mudooyinkii lasoo dhaafay kusugnaa deegaanka Tukaraq ee gobolkaas,waxaana ay wararku intaas kudarayaan ciidankan oo wata gaadiid dagaalo oo badani ay weerar ku yihiin dhanka magaalada Laascaanood. Wararku waxay intaad kudarayaan in ay deegaanada u dhexeeya Gambara & Tukaraq ay kajiraan Xamaasad dagaal islamarkaasna ay jiraan qaarkamid ah shacabka halkaas kusugan,waxaana ay wararku sidoo kale sheegayaan in ciidankan daacada u ah Axmed Karaash ay deegaanadaas gaareen kadib wadatashiyo uu mudooyinii lasoo dhaafay kawaday deegaanka Tukaraq oo ah halka ugu danbaysa ee ay joogaan ciidamada Somaliland. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qaarkamid ah Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in uu dhaqdhaqaaqaan ugala jeedo difaaca gobolka Sool oo uu sheegey in ay tahay sababta ugu muhiimsan ee uu dalka dibadiisa ugu yimid,waxaana uu sidoo kale sheegey inuu diyaar u yahay qabsashada magaalada Laascaanood oo uu sheegey in imika ay tahay waqtigii ugu muhiimsanaa ee la weerari lahaa islamarkaasna gacanta dadka deegaanka lagu celin lahaa. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  9. Deg Deg Ah: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood Laascaanood (RBC Radio):- Dagaal ayaa ka dhacay deegaanka Gambarre ee duleedka magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, Dagaalkaasi oo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo Ciidamo uu horkacayo Wasiirkii hore ee Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Dagaalka oo aan la shaacin ilaa iyo iminka khasaaraha uu geystay ayaa waxaa wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in labada dhinac uu soo gaarey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Wararka laga helayo aaga dagaalka ayaa ku soo waramaya in weerarka ay markii hore qaadeen ciidamo ka amar qaata Axmed Karaash kuwaasi oo wata gaadiid dagaal iyo hub farabadan, waxayna dagaalka kadib la wareegeen fariisin ciidan oo ay Soomaaliland ciidankeedu ku lahaayeen deegaanka Gambarre. Axmed Karaash iyo Ciidamada uu horkacayo ayaa la sheegayaa in ay ku sii siqayaan degmada Laascaanood oo ay u jiraan in ka yar 15 Km, waxaana wararku intaa ku darayaan in ciidamo tiro badan oo Soomaaliland ah ay ku soo qulqulayaan aaga dagaalka si ay isaga caabiyaan ciidamada uu wato Axmed Karaash. Dagaalkani ayaa ku soo beegmaya xilli maanta dagaal kan la mid ah uu ka qarxay deegaanka Kalshaale ee duleedka magaalada Buuhoodle halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidanka Soomaaliland iyo Maleeshiyaadka deegaanka. RBC Radio.
  10. Dagaalkii Kalshaale ayaa soo kordhiyey qasaare Naf iyo maalba leh Dagaalkan oo ahaa kii ugu qadhaadhaa ee 20 sano oo la soo dhaafay ka dhaca degaankan ayaa la sheegayaa inuu sii xoogaystey ka dib markii uu gurmad soo gaadhey maamulka la baxay Somaliland oo saaka aroornimadii laga awood roonaaday. Afar gaadhi oo kuwa gaashaaman ah ayaa ciidamadda degaanka Buuhoodle gacanta ku dhigay waxa kale oo la sheegayaa in maxaabiis ay hayaan aan la sheegin inta ay yihiin. Dhinaca kale waxaa cagta la mariyey dhamaan wixii raad ahaa ee halkaasi laga sameeyey bilihii la soo dhaafay, maraan la xidhiidhay nin ku sugan hagoogane oo ah halka u dhow ee isgaadhsiintu ka dhacdo waxaa loogu tegey dhul dhisme iyo magaalo laga sameeyey degaanka Kalshaale taasi oo si aad ah loo camiray balse dhamaan ay dad shacab ah oo cadhaysani cagta mariyeen. Radio Laascaanood.
  11. War Dag Dag ah Dagaalkasocda Buundada Booda ee Bariga Magaalada Laascaanood. Xiligan oo galab ah ayaa waxa dagaalk aad uculus uu kasocda bariga Magaalada laascaanood kaasoo udhaxeeya Ciidamo uu hogaaminayo Axmed karaash iyo ciidamada maamulka snm dagaalkan ayaa waxa uu kasocda inata udhaxaysa Buundad Booda iyo Garoonka Diyaada Dagaalkaas oo aan weli khasaarihiisa la soo sheegin ayaa ciidamada Xoogaga Xaq udirirka dhulbahane ay ku dhufteen Ciidamada SMNta degaankaas Kusugan Waxa lagu arkayaa gudaha magaalada laascanood ciidamada maamulka SNM oo gurmad koodu u sii qulqulayaan Halka dagaalkaasi kasocdo oo ujirta maagaalada 6km oo kiga beegan dhanka bari Dagaalkan ayaa Sababay kadib markii ciidamo katirsana maleshiyaadka SNM ee kusuga agaga magaalada laascaanood loodaad gureeyay Dagaal saaka manta kadhacay Degaanka kalshaale ee gobolka cayn Cadnaan Saalax M Cartan
  12. Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Deegaanka Kalshaale Ee Gobolka Ceyn Buuhoodle (RBC Radio):- 6 ruux ayaa geeriyootey 10 kalena waxaa soo gaarey dhaawac kadib markii deegaanka Kalshaale ee duleedka Degmada Buuhoodle uu ka dhacay dagaal dhexmaray Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Ciidamada Soomaaliland. Dagaalka ayaa ahaa mid khasaare geystay oo dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen, waxaana intaasi dheer in labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ay kala qabsadeen gawaarida dagaalka iyo maxaabiis. Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la kala geeyay degmooyinka Buuhoodle iyo Burco sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan degmooyinkaasi, waxaana ilaa iyo haatan aan la xaqiijin karin in dagaalku istaagay iyo in kale, maadaama aysan goobta lagu dagaalamayo laheyn isgaarsiin lagula xiriiro. Ma aha markii ugu horeysay ee deegaanka Kalshaale uu ka dhaco dagaal u dhaxeeya labadaasi dhinac, waxaana dagaalka maanta qeybaha isaga soo horjeeday midba kan kale uu ku eedeynayaa in uu isagu duulaanka soo qaadey kan kalena uu isdaafacayey. RBC Radio.
  13. Faah faahin dagaal maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Ceyn Puntland. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo la isku haleyn karo oo ku sugan deegaano ka mid ah deegaanadii uu maanta ka dhacay dagaalka dhexmaray labada dhinac waa Ciidamo beeleed ka soo jeeday deegaanadaas iyo ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland. Dagaalka oo bilowday gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa uu soconayay mudo saacado ah, iyadoona la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, . Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii dhinac ka mid aha labada dhinac uu dhaq dhaqaaq ka sameeyay afaafka hore ee deegaanada lagu dagaalamay sida deegaanka Kalshaale. Inkastoo aan la xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Maanta dhacay ayaa hadana waxaa la isla dhexmarayaa in dagaalkaasi ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 qof oo labada dhinac ka soo kala jeeda halka dhaawacuna uu intaasi laba jeer ka badanyahay . Sida la ogsoonyahay deegaanada ay dagaaladu ka dheceen ayaa waayadii ugu dambeysay waxaa ka taagnaa colaad u dhexeysa laba beelood oo halkaasi ku wada dhaqnaa kuwaas oo isku hayay dhulal halkaasi ku yaala, balse waxaa si gardaro ah halkaasi ku soo gaaray ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland kuwaas oo ay markii dambe isku dheceen dadka deegaanka dhanka Buuhoodle. Dagaalkii maanta dhacay ayaa ahaa dagaal aad u culus, waxayna mar ay hadleen qaar ka mid ah masuuliyiinta Maamulka labaxay Soomaaliland ay sheegeen in iyaga dhankooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay is difaaceen ciidankooda. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in iminka uu joogsaday dagaalkii labada dhinac marka laga reebo rasaas goos goos ah oo la maqlayo, waxaana halkii ka soconaya dhaq dhaqaaqa ciidan iyo gurmad labada dhinac soogaaraya .waxaana wixii warar ah ee ku sookordha kala socondoontaan wararkayaga dambe. SBC International Buuhoodle.
  14. War Degdeg ah: Dagaal culus oo kasocda Aaga Kalshaale. 7. februar 2011 APL Kalshaale: (Allpuntland)-Wararka imika lagahelayo Deegaanka Kalshaale ayaa kusoo waramaya in halkaas uu saaka Qaboonadii ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo katirsan kuwa Somaliland & qaarkamid ah dadka deegaankaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay halkaas isku horfadhiyey islamarkaasna ay horey dagaalo culus oo dadka & duunyadaba saamayn rasmi ah ku yeeshay ay ku dhexmareen aaga Kalshaale. Wararku waxay intaas kudarayaan in dagaalkan oo ah kii ugu cuslaa ee abid halkaas ka dhaca uu si xawli ah oo aan kala go’ lahayn usocday Sadexdii Saac ee ugu danbaysay,islamarkaasna ay dagaalka soo qaadeen ciidamo katirsan kuwa Somaliland iyagoo adeegsanaya hubka culculus,kan fudud & madaafiicda goobta oo saaka laga maqlayo deegaano ka fog halka uu dagaalku ku qarxay,waxaana sidoo kale iyana dagaalka si culus uga qeybqaadanaya dadka deegaanka. Dagaalkani wuxuu yimid kadib markii gurmadyo kala duwan oo aad ubadan oo labada dhinac ahba ay si xawli ah u gaarayaan goobta dagaalka saacadihii lasoo dhaafay,waxaana midkamid ah dadka deegaanka oo ay APL xalay lahadashay uu sheegey in ay cabsi ba’an qabaan kadib markii shalay uu jeeda dagaalka booqday gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland oo kasoo jeeda beesha bariga Burco oo dagaalkan qeyb ka ah islamarkaans auu ciidamo badan geeyey goobta kuwaas oo u badnaa kuwa beeshiisa. Wixii war ah oo dagaalkan kasoo kordha APL kalasoco. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  15. Dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Buuhoodle 7 Feb 7, 2011 - 4:19:20 PM Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan maamulka la magacbaxay Somaliland iyo maleeshiyo ka kooban dadka deegaanka ayaa maanta [Feb 8] ka dhacay deegaanka Kalshaale oo ka tirsan Gobolka Ceyn, waxaana ka dhashey dagaalkaas khasaare isugu jirra dhimasho iyo dhaawac oo kala gaarey dhinacyada dirirtu u dhaxeyso. Inta la og yahay ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintey dagaalka halka 25 qof oo dhaawac ah la gaarsiyey Isbitaalka Buuhoodle. Dadka dhintey iyo kuwa dhaawaca ayaa isugu jira ciidanka Somaliland iyo maleeshiyada degaanka. Gudomiyaha Gobolka Cayn Md. Xariir Max'ud Axmed ayaa Radio Garowe u sheegay in dhaawacyo la keenay magaalada Buuhoodle. Dagaalka ayaa bilowdey subaxnimadii hore ee saakey, ilaa iyo iminka wararka aanu ka helayno Buuhoodle waxey sheegayaan in uu socdo oo uusan istaagin, iyadoona gurmad kala duwan labada dhinac ay soo gaarayaan. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ilaa 13 ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa lagu qabtay dagaalkaas iyadoo laga gubay ilaa 1 gaari oo siday ciidanka Somaliland. Hubka culculus sida madaafiicda ayaa lagu isticmaalay dagaalkaas iyadoo uu dagaalkani yahay kii ugu cuslaa ee dhexmara ciidanka Somaliland iyo maleeshiyada degaanka. Dagaalka maanta ka duwanaa dagaal todobaadkii horre ka dhacey Kalshaale, sababtuna tahay dagaalkan oo la isku adeegsadey hubka cul culus waxana dadka Reer Buuhoodle ayaa Radio Garowe u xaqiijiyeen in daryanka madaafiicda laga maqlayey goobaha dagaalka ka fog fog sida Magaalada Buuhoodle. Wixii warar ku saabsan dagaalkas Garoweonline kala socda.
  16. http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Somalia_27/Somalia_Fierce_clashes_erupt_between_Somaliland_troops_and_local_clans.shtml
  17. Somalia: Fierce clashes erupt between Somaliland troops and local clans 7 Feb 7, 2011 - 4:42:51 AM Fierce fighting erupted Monday morning in northern Somalia after troops from the separatist region of Somaliland attacked local clans in Buhodle area, Radio Garowe reports. At least 10 people were killed and 25 others wounded during Monday’s clashes, which were continued as of print time (4pm local time Monday). Sources said Somaliland troops attacked local clan militias from three areas, but were repulsed. Heavy weapons including artillery were used in the fighting, which was concentrated around Kalshale village, a hotspot of fighting in recent months. Some reports said at least 13 Somaliland soldiers were captured alive and one vehicle burned by the local clan militias. Local sources said the fighters are *********** clan militias, who are part of ***** clan confederacy that rules Puntland. Officials in Puntland government said Puntland is not involved in the fighting. Somaliland's separatist government, dominated by ***** clan, claims Sool and Sanaag regions on the basis of colonial-era boundaries, but local clans say they want to be part of Puntland state to the west, with whom they share ***** clan ties. Located in northwestern Somalia, Somaliland unilaterally declared independence from the rest of the country in 1991. Puntland, located in northeastern Somalia, is stable and wants to remain part of a federal Somalia. GAROWE ONLIN