Alle-ubaahne

Nomads
  • Content Count

    2,077
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Alle-ubaahne

  1. First of all, the poet's target was to earn the hearts and minds of those ladies, which he succeeded thru his poem. Secondly, All the respondents appear to be singles. Thirdly, their responses have all one thing in common, that is they had bad experiences about somali men. Fourthly, English language seems their first language, because they understood the poem deeply. And finally, I can say those girls don't display any sense of self-esteem from their responses, because all that mattered to them is praises, and that says alot about their personalities.
  2. Originally posted by Legend of Zu: ^^^ Who is Liberal now? hehehe Oh, I just realized how painful its for being called a liberal, I have to cease calling people liberal and so forth, since others can use it as a card against me. Nin baa hada ka hor waxaa dhacday in asoo geed weyn hoos jiifa ay sankiisa iyo bishimihiisa subxaanyo (xayawaan yar oo lugo badan leh) soo martay. Markaas buu dilay subxaanyadii. Dadkii ayaa ku yiri war maxaad u dishay subxaanyada maskiinta ah, waad ogtahay ineysay waxna dadka u dhimine? Wuxuu ugu jawaabay, "waxaan diidayay sankeyga iyo afkeyga inta u dhexeysa oo ay halaq-mareen ka dhigeyso." Marka saaxiib hadaad eraygaas iigu yeerto markale waa inaan gaashaanka iyo seefta galka kala baxaa!
  3. ^Waxaan aad ula yaabaa markeey dumarka dhexdooda isugu wacayaan erayga Naa, ama Naayaa, laakiin aysan ogoleyn in raga ay sidoo kale ugu yeeraan. Tusaale, maalin anoo u imid cid qaraabada ah, ayaan gabar yar oo jikada ku jirta, da'deeda ugu yaraan 12 sano jir camal, waxaan ku iri Naa ma joogaa hebel? . Markaas beey igu tiri, " Naa ha iigu yeerin yaah, aniga naa ma i dhihi kartide! " Midhaa hadeey gabar weyn ahaan laheyd wajiga ay iga fiiqi laheyd xanaaq dartiis. Fajac ayaa iga soo haray, oo hoos baan ka iri war cunugtaan yarna yaa baray waxa laga wado naa iyo naayaa. Marka aniga waan la yaabanahay eraygaan descrimination-ka ku socdo, qaarna loo ogolyahay, qaarna loo diidan yahay inay dhahaan. Maskiin, raali ahow saaxiib sheekada meel kale ay nala aadee, ehehehehe Aniga wali qaabkii soomaaliya aa igu qufulan, oo 1 ilaa 12 uu iigu xisaabsan yahay gabbalka markuu dhaco ilaa waaga ka baryo, iyo dabcan maalintoo dhan.
  4. Alle-ubaahne

    Camelot!

    Sh. Nur, waan ku salaamay marka hore. Waxaad ka sharqamisay gabay runtii 'benchmark' ama astaan u ah dareenka iyo himida sarre ay soomaalida ka qabto geella. Wuxuu geela dhaqanka iyo nolosha soomaalida ka taagan yahay halbowle aad u weyn. Sidaas darteed ayuu gabyaaga rabaa inuu dadka u dareensiiyo in geella xitaa uu aakhiro ka yahay bilic kasii muhiimsan tan aduunyada loogu dhaqdo. Waligeey baadiyo ma tagin, laakiin waxaan marqaati ka ahay inaan geella jeclahay, sababtoo ah yaraanteyda waxaan xasuustaa anagoo dugsiga Isbaheysiga Islaamka naloo diro inaan sii mari jirnay Suuqii Xoolaha ee Wardhiigleey. Jaceylka aan u qabo geella dartiis, waxaad arkeysaa wajigeyga 8-jirka ah oo ilmo ka daadaneysa, iyadoo indhaheyga amakaag dartiis ku dheygaagsan noollahaas uu Macbuudka Weyn uu quraankiis ku xusay dhowr jeer, isagoo ku dhaaranaya abuurkiisa. Wa'ilal ibili keyfa khuliqat! Ilaahoow geel waan jeclahee, anoon dhaqan ha i dilin.
  5. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Salaan... Eebbe-u-baahnoow, hada waxaa leedahay in qabiil la amaano meesha waa ku jirtaa, oo waa wax fiican. Ego-boosting iga dheh. Haye, sug waan kuu BURAANBURAA, koleey buraanbur dhan tol iyo reer amaanid ayuu ka kooban yahay: Nimaan Eebbe u baahneen manoolaadee Reer Alla-u-baahnoow Faracooda asluub badanoow Hantidooda amaan badanoow Sumcadooda sharaf badanoow Darajadooda sare badanoow Xishmadooda udgoon badanoow Akhlaaqdooda loo dhasho waayee Been la iskama keenee Iidheh kuma imaatee Eebbe naxariistiis ummada ka doortee Eebbe balaayo ka soocee Xikmo ugu hibeeyee Eebboow la'aantaa lama noolaadee Karaamada u siyaadi Reer Alle-u-baahne Haye, reer "abtigaa" xaada ma kacday? Yac! Maskiin, Saaxiib walaahi reer abti waa farxeen sidaad u amaantay, masha-Allah. Laakiin sheeko gaaban aan kuu sheego, waxaa jira xariif aan saaxiibo nahay, markaan anagoo dhalinyaro ah isku imaano, oo sheeko soomaaliya ah la isku soo qaado, waxaan amaan ku bilaabaa reerka uu kasoo jeedo. Been kuuma sheegaayo, ninkaas wajigiisa farxada iyo hamuunta ka muuqato waad yaabeysaa, kaliyah waxaan amaanay cida uu kasoo jeedo. Marka saaxiib psychology-gaas aa naga maqan, maahee wax walba waa noo hagaagi lahaayeen, hadii aan wanaageena isku sheeg sheegi laheyn. Qabiil aan fiicneyn soomaaliya ma jiro ayaan aaminsanahay. Qabiil iyo qof walba oo soomaali ah waan jeclahay, waxaanse ugu sii jeclahay, qabiilka Shiiqaasha iyo Asharaafta Soomaalida, waa laba cid oo diinta aad ugu hiiliyo, markaad fiirisid aqlabiyadooda guud. Laakiin dhamaanteen waan wada fiican nahay ee ilaah hana haleeshiiyo qaatumada iyo meesha ay maslaxada ku jirto. Haa... waa sidaas howsha adeer.
  6. The council of Alle-ubaahne Islamic Scholars are rejecting those fatwa's suggesting the nullification of the marriage on the bases of visualizing the nudity of two married couples. Our council see the whole of Al-azhar university as an institution that lucks the necessary credibility for presenting sound verdicts to the Ummah because of prior tarnishes on their scholarly reputation within the Ummah. Our council are strongly suggesting that such fatwa's should not be heeded, and until Al-azhar University disconnects its worldly relationship with the Cairo adminstration, then we believe its wise to avoid their jurisdictionally misleading verdicts at all costs.
  7. War ninka gees baad ku ceshateene iska daaya intuusan oran, 'waryaa reer hebel aheeeeeeeeeeeeeeeeey'.
  8. The public mindset of the somali people has become one of inward looking and tribalistic. We lost our vision to see the outside elements that perpetuate our misery. Before the civil war we had an understanding about who is our actual enemy and a solid framework of what our foreign policy is all about, by shaping our unity in tack. Nevertheless, its time to refurbish our foreign policy to create a sense of greater Somalian unity. And we can make that through projecting our political views towards the colonialistic enemies who propel our disunity and disintegrations. Hala joojiyo qaska iyo qabyaalada, hala bilaabo dagaalkii rasmiga ahaa iyo jihaadkii xaqa ahaa!
  9. Qodobka # 4 dood ayaan ka qabaa. Dadka chinesse-ka waxay maalin walba cunaan intaas xasharaad ah iyo baranbaro, wax ay ka jecel yihiinna majirto. Marka soo been maahan in la dhaho dadka iyagoo jiifo ayaa cayayaan 12 gaaraya afka ka gala sanadkiiba, iyadoo la ogyahay soomaaliya markaan joognay quraanjada shaaha nooga dhacda habeenkii inaan ku cabno, oo waliba dhadhanka dhanaanka laheyd!
  10. Ilaahayoow roob sii walaalaheen soomaaliyeed ee ku baahan geeska africa. Ilaahow dhibka kheyr ugu badal, oo barwaaqo waxaad dhigtaa hareerahooda, dhinacyadooda, iyo gadaashooda. Aamiin, Aamiin, Aamiin. Raula, please forward their account number, and surely we'll campaign here for the victims of the great drought, insha-Allah.
  11. Waxaan ka baqaa gabdhaheenii quruxda badnaa in la arko iyagoo bidaar leh sida ay daawo iyo cosmetic iskula dhacayaan! Kuwii isku dayay inay is cadeeyaan, waala ogaa waxa ku dhacay maqaarka jirkooda: barabaro ayey yeesheen. The girl who dissatisfies with her complexion and physical appearance is not only suffering from lack of self-esteem, but she is also suffering from dearth of iimaan, or may be knows nothing about Allah's will. Raising your daughter in western countries has many implications, among them is causing her to despise her skin color and making her violate the natural disposition of her perfect design.
  12. Originally posted by LaVie: I do not think most people main objective for going to Hajj is to DIE! Logically one should go there to pray and to celebrate their religion. Although that I pray for all those who died to be blessed with heaven, we must bear in mind that dying during the pilgrimage does not imply an entry to heaven. Only Allah knows best. I believe that the Saudi government should be brought to justice for allowing each year civilians to die or be severely injured. Lets face it the government is cashing in so much each year and can easily afford to improve the conditions for the pilgrims. Personally, the families of those who perished should sue the Saudi gvt. That would definitely be a wake-up call to take responsibility. I never defended the Saudi Government, but I see your remarks very irrelevent, because its not the government that manages the affairs of the sacred house of Allah, its the council of Culimada who decide what to accomodate for the guests of Allah's House, the Kacbah. And in this case, according to the Al-Jazeera website, I gather that over 60,000 security personale were arranged to under take the task of working on the safety of the Xaajiyaasha. Then what neglegency would you accuse of the Saudi family, when we, at least the likes of me, know for sure that the Saudis deserve an accredition for their excellent services to the Kacbah and for the guests? Ilaahey ha u naxariisto, naxariistiisana ha geeyo dadkii ku naf waayay gudashadii sanadkan ee xajka, aamiin. Dad badan oo ehelkeyga ah ayaa sanadkan ka qeyb galay waajibkaas, ilaaheyna waxaan ka baryeeynaa inuu kheyrka waafajiyo, geeridana hadeey abshirta ugu jirto uu waafajiyo, maadaama meel lagu naf waayo ay ugu fiican tahay adoo camal kheyri ah gudanaya.
  13. Maskiin, Salaan ciid mubaarak ka dib, waan kugu raacsanahay waxwalba, waliba waxaan ka baqayaa inaan aniga iyo adiga isku meel kusoo barbaarnay, yacni fakarkaaga saliimka ah markaan eego. Balse aniga waxaa i quseysa meesha aa tiri qabiilka amaantiisa iima cuntanto. Waxaan kuu sheegayaa baryihii rasuulka scw lagu hayay dagaalka iyo dacaayada, waxaa jiri jiray nin carab ah oo Makka baneenkeeda daganaa. Ninkaas wax kale kuma caan bixin, wuxuu sameyn jiray wadada xujeyda ay soo maraan ayuu daganaa, markaas buu qabiil walba dadkiisa amaan iyo gabayo u qaadi jiray. Si kastaba ha ahaatee, ninkii wuxuu bulshadii waagaas jirtay ku mutay sumcad iyo wanaag farabadan. Hadaan soomaali nahay waxaa nalaga la'yahay inaan is amaanno dhexdeena oo aan wanaageena sheegsheegno. Waliba aniga waxaan jeclaan lahaa in hadaan soomaali nahay is qeybino, qolo walbaa ay wax ku caan baxdo oo wanaaga xagiisa ku tartanno. Waa fikrad fiican, si loo waayo caadifad qabiil. Waa ogtahay dhaqanka Soomaalida waligeed waxaa lagu faani jiray abtiga, sida inaad qof ku tiraahdid war anaa kaa reer abti fiican, oo abtiyaashey waa dad martida soorra oo wanaag u saaxiib ah, halka abtiyaashaana ay sidaas iyo sidaas yihiin. Yacni kaftan dabacsan oo aan ceeb iyo jaa'ifo keeni karin. Marka wadaayoow qabiilada in la is amaano waa banaan tahay ee maad arinta ka deysid 'waxwalba oo qabiil ku saabsan waa maqdac aan banaaneyn'.
  14. Prof. Togane caaqil ma'ahan, caalim ma'ahan, geesi ma'ahan, waaya-arag ma'ahan, wadaad ma'ahan, hadaba ninka noocaas ah sidee looga filaa wanaag iyo in hadalkiisa wax kasoo qaad laga dhigo? Cajiib iga dheh, aduunkii midhaa sidaas noqday!
  15. ^^Ciyaal boovero soomaaliya oo dhan aa aheyd abaayo, marka laga reebo dadkii dowlada u shaqeyn jiray oo xoolaha shacabka iska dhuuqi jiray! I grew up in a family that is extremely below the poverty level of all times.
  16. MMA, Saaxiib adiga iyo anigaba waataan reer baadiye isla aheynee, goormaad baratay quraafaadkii ciyaal xamarka lagu yaqiinay? Waan kugu ogaa arimahaas, oo waatii aad ahaan jirtay wiil tuulooyinka iyo magaalooyinka jecel waagii aan baadiye joognay. Maskiin, markaan aqrinaayay sheekada waxaa igu soo dhacday ciyaartii la dhihi jiray, xumburi jabto, xeero jabto, xumburi jabto xeero jabto..... inta qofka lagu fariisiyo labo qofood gacmahooda oo markaasna lagu xambaaro. Laakiin sheeko aanan waligeey maqlin aaba keentay hada... Cajiib, sixirkii Hindiya miyaa hee, warka ii balbalaari hee. :eek:
  17. Originally posted by Bishaaro: Haldhaa: Saaxibtaa waa xayawaamad. Maxaa ayada ku watay nin weli geel jire ah oo Somalia dhex kaduudo? Aniga sheekooyinka noocaan ah markaan maqlo labo fiilo aa iskay taabato! Bishaaro waa iga qoslisay runtii. Hada waxaad leedahay qofkii qurbaha jooga, waa ilbax reer magaal ah, kii Soomaaliya ama Africa joogana waa jaahil reer baadiye ah? Been kuuma sheegaayo, qurbaha intaan joogay oo dhan wali waa ii dhiman tahay inaan arko dad macquul ah oo la dhihi karo waa reer magaal. Waxaaba moodaa dadkii reer miiga ahaa iney usoo qaxeen qurbaha. Aniga koley waxaan hada ahay kuwa reer miiga ah.
  18. Ducaqabe, Allow haku qaadin, saaxiib waa runtaa, anigana runtii ragaas maba kala xigsado, laakiin markaan u fiirsaday A/Y waxaa iisoo baxday ninyahow ninku inuusan diinta siduu u aflagaadeeyo oo kale uga dheer yahay, maadaama uusan soo xaadirin meelaha shacaa'irta diinta lagu weyneeyo, laakiin wixii run ah ilaa ayaa garan. To others, I would say, We are a Muslim society, and no one has the right to rule us in state of irreligiousity. The head of the republic should be a regular observer of Islam, otherwise no one is subject to abide by his adminstration. Siyad Barre has attempted to discourage our religion from Somali public, and we know what happen to him. Therefore, everyone who brings us an incompatible system will definately hit the same bloody road. That is a fact, indeed.
  19. ^^Ninyahow qalad ha iga fahmin, maahi qof nabada neceb, balse waan hilmaam badanahay. Soomaalina waxay tiraahdaa, "hilmaam hadal kuma jiro". Koley heshiiskii aan isla galnay adinkaa buriyay, markaad xijaabka Rahima wax ka sheegteen! laakiin waa hagaag hadaan intaas ku kala joogeyno, inta ciida ka dhamaaneyso, insha-Allah. Oo ninyahow ciid mubaarak ayaan ku leeyahay
  20. I always hear about some rumors that A/Y doesn't pray, and so forth. And it seems that he occationally goes to Haj and other activities, but never did he attend formal Islamic holidays and give an speech. To come out of that ambiguity, I think it will be wise to track the whereabouts of the warlord on this Eid. Because if you see Ex. President Cabdiqasim, you find him leading the prayers as the imam and lecturing people about Islamic issues at importance. Sh. Indha-cadde has said once, "the so-called president doesn't pray and we're not bound to follow someone who has disconnected the relationship with his Lord". That is more than true, at least the man should start praying and repenting to Allah, sw, because the society he means to lead are not pure secularistic. Let's see where the man goes for Eid prayer and what he says about the importance of Islamic festivity.
  21. Originally posted by chocolate & honey: subxanallah, dhiiga igu karay seriously how dare he? beats up his pregnant wife, the mother of his 7children? He should be stoned to death, no he should be beaten untill he coughs up blood, no..what am I saying.. where are my pills :confused: walaalo tell your friend(If you are a reall one) that her soon-to-be husband is a loser and abuser. and if she hates you for that, let her. She'll know the truth one way or the other ma aha? ------------------------------------------------- Get Up!Up Even the best fall down sometimes eheheheheheheh, ala qosol badanaa gabartaan, kulahaa where are my pills? Dadkii Liberary-ga kujiray aaba igu qoslay sidaan u qoslaayay darteed, kixkixkixkixkixkix.... As for the sister in need of advices, I would say, don't worry, it become the norm thesedays to fall in love with guys who are mastered with the art of lies, and that is what many girls are atunned into, because if you tell them the truth, they will immediately reject you for sure.
  22. Aniga waaba ka shakiyay Somaliaonline.com, Marwalba waxaad arkeysaa dad Moderator ah iyo kuwa qoraal badan oo diinta iyo Muslimiinta u gafaayo, cid wax ka qabaneysana uma jeedno ilaa iyo haatan. Waxaan aaminsanahay haduu website-kaan ahaan lahaa mid ay Soomaali leedahay, waliba dad diinta jecel, waxaan qabaa in arimahaan diin-ka-baxa ah marhore laga hortagi lahaa. Balse taasi ma dhicin, ee Soomaaliyeey ameey haboon tahay inaan raadino Wadanka Reergalbeedka ah ee sameeyay website-kan si aan u dacweyno, aflagaadada diinteena lagu hayo darteed. Soow fikrad fiican maaha, intii aan la murmi laheyn Castro iyo kooxdiisa oo diin iyo dhaqan meel ay kasoo jeedaan aan la aqoonin. Waa sii horeysay baa nin igu yiri, "war iska jooji internet-ka ha galine, waxaa laga sheegay dad jawaasiis ah oo hadana afka soomaaliga yaqaano, una dhashay gaaladaas cadcad". Arintu koley waxay tageysaa inaan jihaad ku bilowno dadkaan caadeystay inay maalin walba diinteena nagu hor caayaan, waxnana aysan noola harin. Koley aniga seefteyda galka waan ka siibay, oo waxay diyaar u tahay mid/qolo aan ku jano-tago, maadaama ay nagu bilaabeen warjeefid ba'an.
  23. Ciid Mubaarak aqyaarta dhamaantiin. Waxaan ka baryeeynaa Eebaha Weyn inuu Diinta nagu sugo, dalka noodajiyo, inshaAllah. Laakiin Ciid bilaa buufin iyo firinbi ah America aa loogu yimaadaa!
  24. I just called him to verify his nationality, since I know about Pakistan, the guy is not Pakistani, he is Somali who had left from Pakistan after living there for educational purposes. He is trying to trick some girls, especially those who are obsessed the Indian Drama Movies. So, watch out ladies! So far, he said, "more than thirty single mothers had called in refference to that add." Fantastic, indeed. (N.B. Gabdhaha in laga nixiyo soo maahan si ay uga cararaan tuugada rabta inay ajaraan/qiyaanaan?)
  25. do I know you, sir? the problem of forgetfullness lapses me back every time I try to recongnize old friends!