Alle-ubaahne
Nomads-
Content Count
2,077 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Alle-ubaahne
-
GAROOWE : Pland Isims meet with Authorities in Goroowe!
Alle-ubaahne replied to xiinfaniin's topic in Politics
And Allah's forces will always be the upper hand, even if those negotiations will not work. Islam in Somalia is two-bladed, and it cuts each side for the interest of all Muslims. We will previal, insha-Allah, and I will become among the good leaders of the Islamic Courts of Somalia, only if they give me a little department, for example, the department of Marriage and Divorce. -
Kismayu; Clan courts and local elders find no common ground..
Alle-ubaahne replied to General Duke's topic in Politics
^^Ninyahow inaad xaq ku taagan tahay waxaa kuu cadeynaya dadkaan kugu dhagan, sababtoo ah qabiilkooda ninka hogaamiya ayaad wax ka sheegtay darteed. Marka iska sabir, oo ilaahey agtiisa ajar xisaabso, hadii kale jooji waxa aad wadid oo nacamle noqo, danbina ka dharag markaas. Koley wuu kula taliyay Alle-ubaahne. Waxaana intaas kuugu darayaa inaadan noqon dadka uu afkooda iyo ficilkooda is khilaafaan, jihaadka gal awoowe, si aan kuugu soo duceeyo markaad shahiidid, ama aan kuugu dayano, maadaama aad naga weyn tahay! -
Originally posted by General Duke: ^^^He is to be commended, a young soldier who actually belives in what he is doing. A good development no doubt. You can be him, don't underestimate your ability to lead Somalia to the right path. I believe you can be more than him, if you trust only Allah. Wake up brother, your tribe and uncle won't help you when you lay beneath this earth for good.
-
^^Waa runtaa saaxiib, laakiin ogow inaan taageer sanahay diinta Islaamka iyo Ilaahey, Xukunka meesha ka jirana uusan diyaar u aheyn dadkaas oo kale. Marka waakaas sababta aan dib ugu dhigtay socdaalkeyga, insha-Allah. Nabadeey, waxaa inoo balan ah 2009 sanadka miilaadiga markuu yahay, insha-Allah.
-
Qurux badanaa Badda Boosaaso, Masha-Allah! Cadde Muuse markii laga saaro meesha balan waaye inaan guri aan leeyahay ka dhisto, anoo Soomaali ah, Muslimna uu qabiilkeygu yahay.
-
^^But insha-Allah, PL will die soon and become part of Somalia, and even an staging ground to attack the Wyana of Ethiopia. Alle-ubaahne will make his own Islamic Courts in Gaalkacyo, insha-Allah, the hometown of my Awoowe! Generale, don't die with heart-attack, saaxiib.
-
October 14th, 2006 Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday: By Abdirahman Warsame Isbedelka baaxadda wayn ee Soomaaliya ka dhacay cid waliba si ayey ugu diirsatay siyaabo kala duwanna way ugu riyaaqday. Qaar waxay si wayn ugu riyaaqeen eryiddii hogaamiye kooxeedkii afduubka ummadda sanadaha badan ku haystay, taasoo ay mucjiso ku tilmaameen, qaar waxay soo dhoweeyey ammaanka iyo kala danbaynta, qaar kale waxay ka eegeen guusha maxkamadaha in ay tahay wado billaw ah oo ummada aafada qabyaaladeed ee macno darida ah looga bixin karo, laguna gaari karo dan qaran oo midaysan. Maqaalkani wuxuu isku deyi doonaa inuu arrinka dhinac kale ka eego guusha maxaakimta, taaso ah fariisinta ama in hawlgab laga dhigo waxa maqaalku ugu yeeray fac fashilmay ama jiil saaqiday. Sida keli ah ee ay maxkamaduhu facan ama jiilkan aanu hoos ku qaadaa dhigi doono u hawlgebin karaan waa in ay iyaga ka socmaan oo ay dhaqan iyo aragti ka duwan la yimaadaan, laakiin hadii ay caqliyad iyo habdhaqan la mid ah kooxaha la yimaadaan wax wayn ma doorin doonaan halkudhigga diineedkana wax wayn uma shafeeci doono. Fac Fashilmay ama Jiil Saaqiday. Afartankii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxaa majaraha siyaasada u hayey waxa lagu tilmaami karo Fac ama Jiil fashilan. Jiilkani wax badan oo ay ummadu higsato sooma hoynin. Waxaa la oran karaa Facii hogaanka hayey tobankii sano ee hore oo intooda badanna ay xijaabteen ama cimri meel dhigay waa ay yara dhaameen kuwa hogaanka hayey 20kii sano ee ka danbaysay siyaasadana dhex boodayeyna 15 sano ee ina dhaaftay welina usoo taagan in ay saaqidnimadooda halkii kasii miisaan, iyagoo weliba isku haysta in ay yihiin indheergarad siyaasadeed oo dawladnimada Soomaaliya in wax laga waydiiyo ay tahay, la’aantoodna ayan waxba kala socon karin. Halkudhigoodu waa “ Siyaasada lagama fariisto ee waa laga dhintaa†sababta ugu wayn ee ay sidan u leeyihiina waa in ayan lahayn xirfad ama mihnad kale oo ay ku xamaashaan ama ku xoogsadaan. Waxaad arkaysaa, rag wasiiro , wasiir ku xigeeno, agaasimayaal, wakiilo wasaaradeed, iyo kuwo la mid ahaan jirey, hatana goobaha fadhi ku dirirka iyo maqaayadaha shaaha Soomaalida ka cabaan dalka iyo dibadaba tuban oo aad moodo in ay shaqaale goobahaas si full time ah uga shaqeeya yihiin. Dadka xilalka caynkaan ah soo qabtay dunida inteeda kale waxay u shaqa tagaan hay'adaha caalamiga, ganacsiga gaarka loo leeyahay, hay'adaha cilmi baarista, xarumaha waxbarshada, waxay noqdaan la taliyayaal, laakiin jiilkani arrinkan kama soo bixi karaan karti ay ugu qumaanna ma lahan sidaa daraadeed waxay u dhexeeyaan fadhi kudirarka maqaayadaha iyo shirarka Soomaalidda. Marka keli ah ee aad fadhikudirarka muuqooda ka weyneysid waa xilligii shir dib u heshiineed meel laga furo, waxaad arkaysaa kuwiiyo jubbado iyo suudad isku raray boorsooyinna sii garabsan, “waa siyaasiga beesha†labo maalin ka dib BBC ayaaba warkiisa laga hayaa oo busaaradii waa ay daysay. Facani waa kan god ku riday midnimadii ummadda Soomaaliyeed oo ummadii kala irdheeyey, Waa kan falsafadii dawladnimo iyo macnadeeda dadka u baray hanti la booboo iyo amar lagu gabood falo, waa kan abuuray xilka ka qaad ama xabsiga dhig, aniguu ii xiran yahay, boono ii qor, wiillkan meel dhacdhac leh iigu meeleey. Waa kan sababay in muwaadinkii Soomaaliyeed wadankiisa uu muwaadin darajo labaad iyo sedexaad ku noqdo, waa kuwa shacabwaynihii danta guud iyo tan gaarka ah isaga dhexyaaciyey, waa kuwa afkeena hooyo xarafka KA kusoo siyaadiyey . Ruuxu markuu hanti uu isagu shaqaystay guri ka dhisto waxaa la yiraahdaa hebel guri qurux badan ayuu dhistay, hadii hantidiisa u bulaashaanna waxaa la yiraahdaa ilaaheey waa u barakeeyey, laakiin qolyaha hantida guud ama tan samafalka dhaca dadku waxay yiraahdaa hebel Guri ayuu KA dhistay, hanti ayuu KA faraqabsaday, halkaas ayuu KA noolaaday, KA tabcaday ). Waa kuwa qabyaaladdii innagu qarribay oo dadkii qaran illowsiiyey, waa kuwa qorshahoodu ahaa qaybi oo xukum, bulshadiina jufooyin iyo jilibyo u kala jejibiyey, waa kuwa sidii ay innoo sideen nagu dhex tuuray badwayn afar iyo bar la yiraado 4.5 oo damiirkoodu siiyey in qabaa’iil soomaaliyeed la yiraado jab ama nus ayaad tihiin. Qolyahani waxay u adeegga bulshada u haystaan in ay awood tahay, qaamuuskooda waa ay ka maran tahay weedha cadaaladda, islaxisaabtanka, awood wadaaga, saraynta sharciga, kartida iyo hufnaantao. Marka aad aragto qolyahan uma baahnid in aad si wayn isku waydiiso waxa soo dedeiyey qiyaamihii qarankii Soomaaliyeed. Xadiis nabiga laga wariyey ayaa ahaa NNKH “ Hadii hogaanka loo dhiibo cid aan ehelkiisa ahayn waxaad dhowrtaan waa qiyaamihii†Sidaas daraadeed qarankii Soomaaliyeed qiyaamihiisii ayaa dhacay markii uu qool u galay qolo aan ehelkiisa ahayn. Qolyahani gebi ahaanba waxaysan garawsanayn , in jiil Soomaaliyeed ee cusub oo aqoon, karti iyo hufnaan leh soo kacay, kuwaasoo ku kalsoon qiyamkooda asaliga ah kuna hubaysay cilmiga casriga ah. Ujeedkayga ma ahayn in aan ku dheeradu ka faallaynta jiilkan laakiin waa lagama maarmaan in tooshka lagu ifiyo sababtoo ah waa jiil saaqiday oo fashilmay, umadoodiina saaqidiyey oo fashiliyey. Mar qura ayaan markii kacdoonka uu dhacay ay iska waayeen shaashada hogaaneed ee ummadda, inkastoo ay meelaha qaarkooda ka taliyaan sida Hargaysa, Boosaaso iyo Baydhabo. Rajo siyaasadeed uma soo muuqato ummadda Soomaaliyeed inta facaas saaqiday uu siyaasi u yahay, facani waa inuu ummadda ka fariistaa, sida muuqatana diyaar uma ah inuu fariistee waa in laga fariisiiyaa sida Muqdisho ka dhacday. Ka sakow maxkamaduhu in ay Muqdisho iyo gobollada ku dhow, nabadgelyo kusoo dabaaleen, hogaamiye dagaalkii eryeen, bulshadii hiyi cusub u kiciyeen, waxay ahaayeen jiil cusub oo siyaasadda Soomaaliya u kacay. Intooda badan waa rag dhalinyaro ah oo saaxada siyaasada ku cusub, cusaybkaas qudhiisa ayaa abshir billaw ah. Maxkamaduhu waa in ay facan digtooni iyo taxadar ka qabaan, waa ay shaatiyo badan yihiin ( Bulsho Rayad ah, Oday dhaqameed, Indheergara siyaasadeed, iwm). Inkastoo qaarkood ay mucaaradnimo la soo mutuxan yihiin qaarna dhoollacadayn iyo mujaamalo aan meel fog jirin maxkamadaha tusayaan waa in aan lasoo kala soko marsan, laakiin aanan hal mar lawada tuurin ee mid walba xilligiisa loo fiiriyaa. Dabcan shaki kuma jiro in ay jiraan xubno ka mid ah jiilkan oo sharaf iyo wadaniyad leh, qiimo iyo qadarinna mudan, laakiin waxa aan ka hadlayaa waa intooda badan facan. Maxkamaduhu waa in ay wadada u xaaraan soona dhowaystaan jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Hadaba waxaa iswaydiin leh waa ayo jiilkan? Sideyse maxkamaduhu iyo jiilka cusub ee ay ka mid yihiin uga soocnaan karaan jiilkan saaqiday ama facan fashilmay Aragti cusub Maxkamadaha waxa looga fadhiyaa in ay aragti cusub la yimaadaan taasoo ka amba qaadaysa sedex qodob oo aasaasi ah. 1- Kalafujinta Qabyaaladda iyo siyaasada: Maxkamadahu waa inay si aan kala reeb lahayn oo geesinimo xikmadi ku dheehan tahay u kala siibaan labadan cunsur ee in mudo ah isku milganaa. Taasina waxa lagu garawsan karaa in la sameeyo halbeeg lagu xulo dadka hogaanka iyo xilka qabanaya, halbeegani waa inuu noqdaa aqoon, karti, hufnaan wadaniyada, intaas ka horna uu ruuxu aaminaa labo arrin, Islaanimo iyo Soomaalinimo. Waa in aan loo jixinjixin hadalka qowlaysatada qabyaalada ku qaraabata waqtina aa lagu lumin qancinta dadka qabyaaladdu dilootay. Nin Musaylamah la yiraahdo ayaa hada ka hor Nabigoo nool (NNKH) Nabinimo sheegtay, mid ay isku tol yihiin oo arrinkaa ka faalloonaya ayaa yiri " Inuu Maxamad runloow yahay waa ogahay Muslaymana uu beenloow yahay, laakiin Beenloow Rabiica ah oo tolkey ah ayaan ka jeclahay Runloow Banii Muddara ah ". Hadii Nabigu isku mashquulin lahaa raalligelinta dadka caynkaa ah risaaladiisu meel ma gaarteen. 2- Hogaanku inuu adeeg yahay: Sifaadka jiilka saaqiday looga soocnaan karo waa in loo fahmaa in hogaanku adeeg yahay ee uusan awood ahayn. Tan waxaa si wayn u fahmay dadka hogaamiya dunida galbeedka. Madaama arrinku adeeg yahay mar kasta hogaanka waxaa mudnaan leh ciddii adeegga sidii la doonayey u gudan karta. Nabi Daa'uud isagoo jooga ayey tolkiis warsadeen sida Quraanku sheegayo inuu Ilaaheey uga baryo inuu u soo bixiyo Boqor dagaalka ku hogaamiya, boqorkaas markuu ilaaheey tilmaamayey wuxuu ku sheegay mid karti iyo cilmi leh, waxaa halkaas ka muuqata in cilmigaasi uusan ahay mid diineed hadii ay sidaa tahay Nabi Daa'uud ayaa mudnaanta lahaan lahaa. Tan waxaan uga gol leeyahay in aysan culimadu isku khaldin aqoonta diinta iyo gudashada adeega guud. Adeega guud wuxuu u baahan yahay cid hawsha ka bixi karta hawl ka bixida waxaa sal u ah sedex (Aqoon, Xirfad, iyo Khibrad ). Hogaanka maxkamadahu waa inuu fahmaa in aqoonta xirfadda iyo khibradu ay kasbasho u baahan tahay sidaas daraadeed waa in mar kasta xushaan dad iyaga aqoon, khibrad iyo xirfad dhaama. Nabi Muuse markii Ilaaheey uu waydiistay in walaalkii Haruun uu wasiir uga dhigo wuxuu sheegay sifo muhiim ah taasoo uu isaga ku dhaamay "Waa iga codkarsan yahay". Cidda ay qoranayaan maxkamaduhu waa in ay tahay cid wax dheer iyaga. Waa in ay bedelaan caqliga ah in haddii uu ruuxu mar madax noqdo uu aqoonta ka waynaaday, si aysan taas u dhicin waa in ay helaan tababar iyo la talin joogta ah. 3- In Mashruuca la bulshadeeyo: Rasuulkeena Suuban waxaa laga wariyey inuu yiri "Umadaydu Khalad Iskuma Raacdo". Si ay maxkamaduhu uga soocnaadaan jiilkii saaqiday waa in ay arrinka bulshadda ka tixgeliyaan. Nabigeena isagoo ilaaheey u waxyoonayey ayuu hadana markasta raadinayey go'aanka iyo taladda Bulshada. Dagaalkii Beder ayaan ognahay isagoo leh " ASHIIROO CALAYA, WAR DADOOW WAX II SHEEGA". Taninna waa tan keentay in qadiyadaha qaarkood dadwaynaha afti lagu waydiiyo, taasoo ay ku khilaafaan waxa uu hogaaku doonayo. Waa in dadwaynaha loo ogaaladaa in ay si furan doodooda uga dhiiban karaan hawlaha maxkamadaha, su'aalo keeni karaan, la xisaabtami karaan hogaanka maxkamadaha, diidi karaan waxa ay maxkamadahu la yimaadaan hadii aysan ahay wax Amniga wax u dhimaya. Waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in la saxo fahamka ama aragtida ka duulaysa waxaan wax u dhiibanaynaa ciddii ilaaheey raalli ka yahay, ciddii uu Ilaaheey raalli ka yahay isagu uunbaa og ee aadmigu ma oga, haddii la leeyahay cibaadadiisa iyo Alla ka cabsigiisa ayaan ku qiimaynayaa taasina sax maahan. Nabiga ayaa la wariyey in saxaabada nin ka mid uu masuuliyad ka dalbay isagoo u jawaabayanna wuxuu ku yiri " ADIGU RUUX DACIIF AH AYAAD TAHAY" taasoo macnaheeda ah masuuliyad ma qaadi kartida, isla saxiibigan nabigu (SCW) meel kale ayuu ku yiri " DHULKU MA QAADIN SAMADUNNA MA AYSAN HARAYNIN RUUX ABUU DARRAH KA RUN BADAN". Hadaba hadii sidaas Soomaalidu wada garawsato, taasoo ah in facan fashilan iyo jiilkan saaqiday laga soomiyo saamayn ay siyaasada Soomaaliya ku yeeshaan, maxkamadahuna sidaas taabba geliyaan, isla markaana la yimaadaan dhaqan ka duwan, kana soocan kii lagu yaqaannay facan fashilan, waxaan filaynaa rajo soo iftiimtay iyo qaran dib usoo kaca, oo halkii danbas laga filanayey uu dab kasoo dhasho.
-
^^Odayaashii hore waxay sameyn jireen markeey gabarta shukaansi ka diidi, habeenkii beey inta aayar soo guureyaan bey gurigeeda ka dafi jireen, oo inta la baxsadaan bey shiiq u geyn jireen si loo nikaaxiyo. Marka adiga in lagu dafi doono shaki ayaa iiga jira, mar hadaadba sidaan u dhaqmeysid, maadaama aduunka maanta ay ragii ku yaraadeen, adigana aad is leedahay fadhiga ha la iigu yimaado. Walee, sidaan u jeedo meel daran ayaad ku socotaa haduusan Alle-ubaahne gurmad dagdag ah kuusoo dirin! Ilaahow u gargaar maskiinta, Aamiin.
-
The capture of Kismaayo; the causes as well as repercussions.
Alle-ubaahne replied to Gabbal's topic in Politics
^^War Abtiyow sidee wax kaa noqdeen, ma sidaas baa abti iigu aheyd, inaad fitno ka shaqeysid. Mise waxaad rabtaa in hadhoow la igu dacaayadeeyo oo la i yiraahdo Abtigiis ayaa dagaal ooge ah oo Kismaayo raba inuu dhiig ku daadsho? cajjib -
Originally posted by sheherazade: quote:Originally posted by Alle-ubaahne: I was praying for you this holly month that you find a good guy other than me, sii wad. since I was taken by four wives who married me at one time waa lagu guurasaday miyaa? So, how is everything else sister? I am doing good, alxamdulilah. markaan kaa neefinwaayey ayaad banaanka buuqaaga u la soo baxday. An 'A' for persistence. Tell me about the other ladies that used to love me............ are they housed for good or they still roaming around? Waa la xereeyey. They wear straight-jackets over their duruuc. Oh, I miss this place, especially your constant targeting of my posts and endless deletings! Iga ma maarmi kartid. Adiga iyo tobaneyoo kale. Ok, ciid mubaarak hee, and nabadeey. Wali ma aha Ciid, yaakhi. The best of Ramadan remains laakin ciid wanaagsan, ducadana sii wad. Maan is guursano Ciidaan, inaan ku caawiyo ayaan rabaaye, ilaahey dartiis, si gabdhaha kale aad u soo qabatid ee dhowrka ciyaal dhalay intaad single-ka aheyd?
-
Originally posted by Ducaysan: Walee tanoo kale... Are you that full of yourselve AU? Alaa ma tanoo kale wali ma arkin Boys would be boys Maxaa dhacay abaayo, sidee wax u jiraan? Haduu AU qaldan yahay waa inaan qabanaa, laakiin aan ka deyno buunbuuniska arinta, sababtoo ah wax sidaas u weyn oo meesha ka dhacay ma jiraan, sida ku cad hadalkaaga hunu-hunu'da ah! Insha-Allah hadaa rabtid adiga dhankaaga inaan wiil fiican oo baagamuudo ah kugu qabano, diyaar ayaanu u nahay, waana bil-ramadaan, meherkaagana jameecada masjidka ayaa bixin doonto, maadaama uusan shaqeynin wiilka. Kawaran arintaas, soo fikrad fiican maahan?
-
Originally posted by Valenteenah: quote:Originally posted by Alle-ubaahne: quote: Originally posted by Valenteenah: LoL... Tuujiye, dadka ha wareerin. If Zu marries anyone, it will be me, ma garatay? I never thought you were that desperate! :eek: the Islamic courts should find you a good guy to marry, and I pray for you sister, insha-Allah. I'm afraid that might be outside the Islamic Courts' capacity. I also don't need to be desperate to want to make Zu mine. He is a wise and accomplished man. And he rides a motorbike. Enough said. :cool: Masha-Allah, I am very delighted with your gentle response. I hope to see you in the Paradise, so that I can marry you, insha-Allah. The reason I said that is because I know that you don't like your husband to marry you with another woman. Xagaa noo balan ah, sister.
-
^^Ok, check the following sites, insha-Allah: www.boqolsoon.com www.aflaxa.net www.hanuun.com www.altaqwa.com And the most importantly, where you can find the latest Muxaadaro by all the Sheikhs of the Islamic Courts of Somalia, it is: www.addacwah.com Enjoy listening and please remember me in your prayers.
-
Nurteeloow, Ilaahey waxaan ka baryay inuu Janadiisa fardowsa qeybta ugu sareysa kaa geeyo, sida kartida iyo diinta ku dheehan aad arintaan uga hadashay. I would like to sincerely agree with you that such great people among us were really disdained for nothing but their skillful and social activeness by those Somalis who really are ignorant about the richness of our Islamic religion. Islam encourages work, decency, humbleness and all such attributions are available in the technocrat Somali man, but those warriors that you have mentioned are the ones defined the opposite of the technocrats, begging, looting, arrogance, obbsinity and all the bad that follows. Now, Islam had come, as Sh. Shariif said recently, 'Somalis become successfull when they practise their religion, but when they practise tribalism, they fail, become the worest of all people' And that is right indeed, since our generation has apparently experienced such equation in our time. We are going to sweep all such ignorant practises from our culture by using Islam and overcoming such cancerous fabric in our society. Insha-Allah, I am campaigning wholeheartedly with you on that, Sh. Nur, and please help me find the mother of my future children from those respectable family of technocrats.
-
^^ Nacam, Insha-Allah I will pray for them, indeed. But you really make me laugh when you said this as a 'strategy to reach power from the backdoor'. Walaahi that was a mixture of strong support and an attempt to gain power, at least in the respectable way. Laakiin Sh. Nurow diyaar aan ahay wixii kasoo baxa culimada, xitaa hadeey igu daraan gabar aysan iyaga aqoonin oo Kuntuwaarey joogto. Indeed, what happen in Somalia and the concerted efforts to bring about more Islamic changes by the brave Mujaahiduun is almost indicative to the begining of chain victories to come for Muslims against their enemies. If this is the reality we found ourselves in, after 16 years of uncivil wars, then its worth it, waana u qabnaa, because finally we were taught an unforgettable lesson by Allah, not to ever deviate from Islam, and continue upholding the rob till the ultimate departure of death comes to us. Allahu Akbar, Walilaahil Xamdu.
-
Originally posted by Tuujiyee: Alle Ubaahne..shiikh sheydaan aa tahay!!!! Maxkamadaha ma ku karbaashayaan waa og tahay because tolkaada waaye..........Shiikh ahlul sheydaan waaxiid... Ramadaan aa wax walaaqanee ka waran..dadka kalena kistoo in ee ku riyoodaan waxaas oo kalena waa ka saqar suujinee oo ka marjinee..xaasidun waxasadaa waaxid.... Wareer Badanaa!!!! Oo kaalay xitaa wax lagaama shukaansan karo miyaa? Yaa yiri shukaansiga waa danbi? Sheydaan inaa dhahdid nin shiiq ah ma taqaan inta karbaash oo aad u qalantid in laguugu xukumo? 120 Karbaash in lagula dhaco waaye adiga, iyo 10 Karbaash oo edeb darro ah, ayna la jirta 18 karbaash oo shukaansigii aad naga dhex gashay aniga iyo Sheherazade. Hadaa arintaas mar kale u laabatidna waxaa laga yaabaa in aad mudatid caqiibo kale oo iskugu jiro, in timaha lagaa xiiro, iyo howlo kale oo aan laguu sheegeyn hadda!
-
Exposing The Lexicon Of The Anti-Somaliland Camp
Alle-ubaahne replied to N.O.R.F's topic in Politics
^How did you know it, then? -
Brother Nur, I have a complaint. I was looking for the daughter of either Sh. Xassan Daahir Aweys or Sh. Shariif Sh. Ahmed for marriage. But I couldn't find them. It seems that I will not be happy for the movement of the Courts if they don't take care of me, since I am one of their constituents, under the shade of Tawxiid and Sunnah, who desperately needs the marriage I deserve. Dear Sh. Nur, is the answer of my problem easy to get or I have ask something else? Afterall, Ciid Mubaarak, Yaa sheikh Nuur. Ilaahey haku xifdiyo ayaan ku leeyahay, kheyrka iyo wanaaga aad noo wadid marwalba, aamiin.
-
We Shall Destroy Somaliland Admin For Allah's Sake
Alle-ubaahne replied to Alle-ubaahne's topic in Politics
^Maxaa ka rabtaa Alle-ubaahne saaxiib, runta ayuu ka hadlaa soo maahan waxaa igu heysatid? Ok, Somaliland waa dowlad, soomaaliland waa saas, waana sidaas, waana shax shax. Haye hee qaado oo bal naga jooji qabiilka qayaxan ee aad rabtid inaad qaran nooga dhigtid! -
Exposing The Lexicon Of The Anti-Somaliland Camp
Alle-ubaahne replied to N.O.R.F's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Now u facing da whole world ,,,,,,,,,,,, total madness iga dheh ,, There are two worlds, the world of Islam and the world of non-muslims. So, which one you think I was confronting to? -
Originally posted by NGONGE: ^^^ Are you living in Dubai or do you have to commute there, saaxib? Traffic must be murder. What happen to you these months saaxiib? Did you marry Ayaan Hersi, or you....................
-
Range resources on Somali oil hunt [go Puntland]
Alle-ubaahne replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Cambarro: Salaam I only became interested since the Courts transformed Mogadishu. But this aint about politics but a hunger to have a home country to return to and eventually to live. Lets face it, muslim are having hard time in the west. Things will only get worse here. So before it does, i pray to Almighty that we have somewhere safe to call home. Mind you, i can bet on political issues without having a politician for a husband (if betting wasnt haraam). So, you are a single, which makes everything more interesting for me? -
I was praying for you this holly month that you find a good guy other than me, who fulfills your dreams of marriage, since I was taken by four wives who married me at one time, which surprised even the sheikh. So, how is everything else sister? I am doing good, alxamdulilah. Tell me about the other ladies that used to love me............ are they housed for good or they still roaming around? Oh, I miss this place, especially your constant targeting of my posts and endless deletings! Ok, ciid mubaarak hee, and nabadeey.
-
Originally posted by Tuujiyee: Wareer Badanaa!!! Aw Guuriyo Saaxiibkeey Legend of Zu. Waan ku faraxsannahay inaad xarootay runtii. Ilaahey haka dhigo guurkaaga kii loo aayo oo ubud kheyr qaba kala hela oo aduun iyo Aakhiro idin anfaca, insha-Allah. Again, congratulations brother!
-
Originally posted by Valenteenah: LoL... Tuujiye, dadka ha wareerin. If Zu marries anyone, it will be me, ma garatay? I never thought you were that desperate! :eek: the Islamic courts should find you a good guy to marry, and I pray for you sister, insha-Allah.
-
Popular Contributors