RedSea
Nomads-
Content Count
8,187 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by RedSea
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Somalia oo joojiyay dhismihii maamulka Gobolka Gedo. Warkii 22-Dec-2007 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa waxa uu joojiyay maamul hadda loo samayun lahaa Gobolka Gedo kaas oo ay yeelan lahaayeen dadka wada dega deegaankaasi oo uu mudooyin badan uu ka dhaxeeyay ficiltan dhinaca maamulka ah. Waxaa maalmihii udanbeeyay lagu hawlanaa sidii loo samayn lahaa maamul uu yeesho Gobolkaasi taas oo si wayn looga dareemay guud ahaan Gobolka iyo waliba siyaasiyiinta ku jira Dawlada KMG ah ee somalai ee kasoo jeeda Gobolkaasi. Sheekh Aadan Madoobe oo ah kusimaha madaxwaynaha dalka Somalia ayaa waxa u joojiyay dhismahaasi taas oo uu ku macneeyay kadib markii uu talooyin ka helay Odayaasha Gobolkaasi,siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolkaasi ee ku jirta Dawlada iyo waliba wasaarda arimaha Gudaha. Gudoomiyaha ayaa waxa uu ku tilmaamay arinkaasi mid ubaahan in la joojiyo intii uu keeni lahaa dhibaato ka timaada uuna sheegay inuu talooyinka ku helay in dhismaha maamukaasi uu ka dhacay sad bursi iyo xilal isku tax. Hadaba Gobolka Gedo ayaa ah Gobol ay isku hayaan Beelaha wada dega uuna yeelan maamul wada qanciya dadka deegaankaasi tan iyo intii ay dhacday Dawlada dhexe ee dalka Somalia taas oo bedeshay in marba koox ay qabsadaan hadana uu gacanyta ugu jiro maleeshiyo Beeleed aan cidna ka amar qaadan. Source: Afnugaal News Desk
-
Garowe: Somali security forces capture secessionist smuggling weapons
RedSea replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by General Duke: The Somali security forces will only get stronger with time. Thus no weapon smuggling in Puntland lads, thats a no no. That is for the weapons alright. But how about the smuggling of humans through the port of Bosaaso. It happens over and over again, how come those who are behind those illegal activities have not been brought in? -
Mogadishu: the Somali National Police Force is back. PICS
RedSea replied to General Duke's topic in Politics
Police 'smain duty is to KEEP a city that already has law and order, stay crime free. However Somalia is under occupation. So what is the point? -
Daandaansi gabar yaroo quruxbadan ayuu ucod eegyahay. just kidding. Has she found someone? If not, then there is always window of oppurtunity. However you must be willing to be flexible, meaning you should change some of the things that she came to know you previously. First take care of yourself. Nin meelkastoo baxan iska dhig. When YOU are in rock solid place, then approach her and tell her that you would like second chance. If let us say she says 'yes', then hore ka guurso, marry her right away, let her know that you are serious about reall relationship. Maybe she was tired about never ending relationship that had no direction, maybe she was looking for guur and not gaabsi. So try again, don't give up yet. Caano qubtay, daba qabasho ayey leeyihiin.
-
Originally posted by me: chick..................Badacase......you sadist...you know in ee kugu soo jeesanayaan...maxaa kuu geeyay waxan. Waxba igama qaadi karaan.
-
Originally posted by Sulekha: ^ yeah, what´s wrong with that? Suleekha why are you defending them Nigerians and Jamucians?
-
Jamaicans and Nigerians made the list. Dang it.
-
Zu, To be kind, courtous with your fellow brothers and towards all poeple is ideal part of ones faith. It's ultimately not what we preach to people that gets their attention, but our manners and how we practice what we preach. Allah exalted is HE in MIGHT said to the Prophet in Suratu Ala Imraan "Walow kunta fadan qaliidal fadi lanfaduu min xawlika, wacfu canhum...." Had the Prophet peace be upon been hard on the non believers, and had he not been kind, always welcoming, forgiving, then they would run away from his messege even though it was the right messege that which the Prophet peace be upon him was presenting to them. Kindess is BIG part of our faith. I do understand the way to approach anyone regardless of what you are telling them is to always be nice to them to get the same treatment back. Thus if I want to get an important messege across, I must be willing to draw your heart completely in positive way; that can only be done by me saying kind words to you. In addition, there is no Compulsion in religion. YOu can only tell someone of you believe as a way of simply informing them, if they take it, they take it, if not then that is their personal choice. There is no force or harsh words that should be involved in any way shaped.
-
Dabshid . No they didn't really. -Attractions is at first sight, but when we are dealing with long term relationship then that facial beauty can only last long.When it comes to reality, raganimo and karti is what matters.
-
Today I celebrated Eid among billions of Muslims worlwide. Eid Mubarak.
-
I've asked this question many ladies of all races. The #1 answer that I've gotten is. One who.. Takes good care of himself. In other words has plans/goals set for life. 2. Confident. How bout you SOL ladies?
-
That pic is from dayniile actually.
-
Because I know if I give it, they won't return the favor. So I better keep it instead of turning the ball over for no apparent reason, you with me here gacaliso? What is $20 bucks worth these days= half tank of gas, pair of cheap shoes on sale down in walmart or payless shoes stores. You seriously think that would satisfy me. I'd rather kidnap you, then get at least 5% as a bail. How is the weather up there?
-
It's like telling someone 'hey don't jump over this bridge, cuz you'll get hurt'! ..And they respond "step aside you self rightous gadheer, surwaalgaab, xabatu sowda oil marsade yahow shaatiga waynleh"! Allow sahal dheh.
-
hmmm. But first if I love that person, would there be a possibility that they might come around and love me? If yes....then I would give love to get it back. if Nay....then I'd take the love given to me and run away with it. My question is kinda long: Aren't you that broke inan that shopped at walmart and was pissed for spending 100 bucks, when did billions become your priority?
-
^Waryaa Mulah's manihin ninyow. Waalaga saxnaa gabadha and she knows it. Hers were just basically from personal opinion, but my stances or others weren't based on personal opinions and assumptions but hadiths that were reported in very strong chain. You can't argue against facts.
-
Originally posted by Kool_Kat: Getting rid of all my debts and having a couple of billion dollars would've been nice... Would you rather love or be loved? Billions? why not just start with millions first? My questions to this topic started with the redicolously long nick. Are you finished with school, if so. What field?
-
1. Paradise and its everlasting peace and happiness. :cool: 2. Great family and children that will benefit their people. 3. Being successsful in life. In other words, lots of money to make things easier.
-
Wali dhimashadii iyo maydad wiilal iyo gabdhaba leh ayaa lagu soo gurayaa bada. Dadkaasina waa dad somali ah. Kuwo bada si badheedh ah loogu guray iyo kuwa doonidi lacaariday oo dabadeedtana dabaalan kariwaayey. How can a pregnant women with children on their backs swim. Doonidan oo kale oo aadka uyar aad iyo aadkana uu xun ayaa in kabadan 100 qof hal mar lasaarayaa. The ocean current speeds up, the boat rocks up and down, the rest is history. Damn it. Maxaa ina haysta?
-
MMA, maya wallahi cid xataa ku qasabtay maleh. Ee waa somali, halkan joogtaa. Oo habeen kasta 'dalkeena' Ethiopia ku haysa iyadoo isla markaas umada somali galbeed xasuuq lagu hayo. Waa layaab!
-
There was no Eid today in Xamar. But as always the blind claim to seeing things.
-
Yaan la ilaabin Dhiiga Xamar yaala: "Never Forget Never forgive"...it year ago when the occupiers rolled into somalia's capital city. Axaddii 16/12/07 waxa indhaheygu qabteen dhacdooyin naxdin leh oon hore laabta ugu hayey, bal se aanaan indheha saarin. Waa warbixin uu si geesinimo ah u soo tebiyey Wariyaha Aljazera English ee Maxamed Caddow. Goobtu waa Muqdisho iyo suuqa Bakaaraha, waxa dhankaad eegtaba yaal mayd dhiig baxay, dhawacyo gurmad waayey, dad naxdini engejisay. Waa sawir cid kasta oo damiir lihi ka naxayso. Toddobaadkii hore ayaa anigoo dhakhtar u tegay, ayuu dhakhtarkii iiga sheekeeyey maqaal uu ka akhriyey jariidada Independent ee dalkan Ingiriiska ka soo baxda. Taas oo soo qaadatay dilka shacbiga Xamar iyo dhibaatada dhakhaatiirta, dawo la’anta iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan. Waxuuna ii sheegay inuu cabashadii uu shaqada ka qabay uu iloobay, Illaahayna u mahadnaqay koluu arkay duruufaha ay dhakhaatirtaasi ku shaqeeyaan. Waxuuna bilaabay inuu la xidhiidho Dhakhaatirti aan Xuduudka Lahayn (MSF), isagoo isu diyaarinaaya inuu seddex bilood sanadkii ka hawl galo. Waxuu I weydiiyey sida aan Soomaali ahaaan u dareeno dhibaatada Xamar ka taagan. Waxay igu noqotay dhinbiil dab ah. Waxaan la dhididay dareenka ninkaas iyo dhaayo la’aanteyda. Waxaan u sheegay kolka arrintaas oo kale adiga kugu dhacayso inaad yeelanayso adkeysi aad balaayada u barato. Kolkaas muddo labaatan sano ka badan ayaa Soomali dil iyo burburin ku jirtay taas ayaa dareeenkeena qalajisay. Waxaan u sheegay in ay dhibta iyo dhiiga loo barto, oo horaa loo yidhi balaayana barasho leh. Waana mid aan admigu ka soo waaqdeen aafooyinka ku habsada haddii ayna jirin. Waa nimco markaad sidaas u eegto. Haddana markaan sawiradii TVga arkay mar kaliya ayaa qalbigu I qoyey, waxaana indhaheyga la jaanqaadeen dareenka qalbiga iyo maskaxda taabtay, oo waxay ugu soo gurmadeen ilmo aan oohin wadan. Waxaana igu adkaatay inaan indhaha la raaco sawirada midba mid ka daran yahay. Kolba waan ka yare jeestaa, waxaa se si taam ah u furnaa dhegaha oo si qotodheer u duubaayey warbinta Al-Jazeera TV. Dhacdooyinkani waxay si kedis ah u fureen cajalad ku kaydsanayd qaybta xusuus-dhowrka ee maskaxdayda. Waxa i hor yimid cajalad 1988kii laga sii daayey TVga Wales, U.K oo markii ugu horeysay dunida loo soo bandhigay duqayntii dhul iyo cirba lahayd ee Hargeysa loo geystay, iyo qaxootigii Geeddeeble dayuuradahu kaga dabo tageyn. Cajaladdaas waxaan ka qaaday Cardiff anigoo ku imid fasax, geeyeyna Sacuudiga oon ka shaqayn jiray, deedna intaanu badinay meel walba u dirnay. Waa ayaan darro inaan labaatan sano ka dib sawirkaasi dareenkeyga dib ugu soo noqdo, iyadoo weliba waxa kiciyey tahay dhacdo u dhiganta oo manta dhab u taagan. Waxa meesha ku dhimanayaa waa shacbi taag iyo tamari ka idlaatay,oo meel ay u hayaamaan iyo gabad ay rasaasta noocyada badan ka galaan heysan. Waa dhimasho labada garab ee is haya midna faa’iido ugu jirin, bal se ay tahay mid labadaba wiiqaysa. Waa mid kala durkinaaya ehel, jaar iyo xigaal dhul iyo dad wadaaga. Waa mid raadkeedu kala fogayn karo fac aan weli dhalin, haddaan la dabo qaban. Ma rabo inaan cidna eedeeyo. Waayo xili xisaabtan iyo anfac u dirir lama joogo. Kursi doon iyo aargoosi waxa laga dhaxlaa waa colaad iyo gaajo. Waxa la gudboon in cidda dabka shidaysaa ay keli u xisabtanto, oo ay qiimeyso hooga iyo halaaga ku habsaday dad aan galabsan. Ha eego mustaqbalka iyo nolasha ehelkiisa, ha xuso inaan xoog iyo is-muquunini aan wanaag lagu gaadhin. Xumaan waliba xumaan ayey dhashaa. Nabadda ayaa fure u ah wax kasta oo wanaagsan. Xaq iyo cadaalad iyadaa ka horeysa. Dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, iyo horumar bulsho dhammaan waxa ka mudan nabad. Dhinac waliba, qoff waliba, qoys waliba, jilib waliba, qabiil iyo beel waliba iskeed ha la timaado xabad joojin. Ha la timaado toobad ay Illaahay cafis ku weydiistaan. Ha tanaasilo oo awrka cirka ee u sawirmay ha ogaado inay tahay riyo been ah. Waxa wanaag iyo wado-tashi lagu waayey xabad iyo xoog ma soo xareyn karo. Dagaal kasta oo dhaca, awood kasta oo leysku riixo, dab kasta oo la shido, dil kasta oo la geysto, .dhac kasta oon waxba leyskaga tegin, waxa soo afjara nabad iyo tanaasul ka yimaada dhinacyada carooga iyo bigilka colaadda afuufay. Odhanmaayo waa dabaalnimo in dad ehel ah oo qoys keliya ihi ka dhergi waayaan dhiigooda 20taneeye sano, iyagoon dhawaaqa rasaasta habeena ka nasan. Waxaan se odhanayaa waa ma’siibo ku hoortay reer Muqdisho. Waana mid u baahan inay ka ducaystaan, loogana duceeyo. Geesigu ma aha kan dirirta ku wacan, geesigu waa kan colaadda ku soo afjara nabad iyo deganaanshe. Waxa ah waajib islaam oo ina saran inaynu dhammaan ku biirino dhawaaq, taakulin, iyo talooyin nabadeed. Waxa xil gaar ihi saran yahay aqoonyahanka, isimada, siyaasiinta iyo ugu horreyn culumada diinta. Colkeena nabadda haysta waxa inala gudboon inaynu ka qayb qaadano baaq iyo talooyin nabadeed. Waa inaynu ka naxnaa dhiiga sakooye, ee aynu inagu tol, xigaal iyo xigtaba u nahay. Waxa dareen walaalnimo looga baahan yahay Soomalida oo dhan meel ay joogaanba. Wa in isla mar sawaxan nabadeed laga maqlaa Soomaaliland, Jabuuti, Soomaalida Galbeed, NFD iyo gobal kasta oo ka tirsan Soomaaliya. Waxa sidoo kale looga baahan yahay qorbojooga, oo weliba looga fadhiyo tageero dhaqaale iyo baaqyo ay u qoraan Qaramada Midoobay, Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Urub, iyo Maraykanka iyo dawlad kasta iyo ha’yad kasta oo wax la moodo, laguna baraarujiyaa mugga ay dhibaatada aadmi ee Xamar ka jirtaa leegtahay. Iyadoo aynu ku jirno ayaamihii xajka, waxa inala gudboon inaynu duco, qoraan akhri iyo anigoo ku eegna indho raxmadeed walaalaheena colaaddu naafeysay. Gabayaaga iyo suugan yahanka waxa looga fadhiyaa hanuunin iyo wacyi-gelin nabadeed. Waana in hadafku ahaadaa xabad joojin iyo wada hadal soo afjaro dhiiga dharaar iyo habeenba sida roobka qulqulaaya wadooyinka iyo darbiyada Muqdisho. Waa in dhalinyarada jidhkooda la solaayo loo sheegaa inay dal xor ah oo ubadkoodu ku nasto, ay ku heli karaan oo keliya intooda diriraysa oo gacmaha is qabsada, nabad la yimaada, oo u guntada badbaadinta dadkooda iyo dalkooda. Mustaqbalka dhalinyaradaa leh, maantana iyagaa loo adeegtaa burburka iyo halaaga hadheeyey hoygoodii iyo nolashooda oo dhan. Illaahay aan barino inuu ciiddan inooga dhigo mid la kowsata nabad mar uun si dhab ah u hadhaysa dhammaan degaanada Soomaalidu degto. Qof walow gacmaha kor u tag laabta ku qabo duco Illaahay aad ka barido inuu nabad degdeg ah u soo dejiyo meel kasta oo Colaadi ka jirto oo Islaam dego, si gaar ah ugu xuso Muqdisho iyo degaanada Soomaalida. Seddex Qul Wale akhri, Fataxadana ku afjar iyo Saliga nabiga SCWS iyo Aamiin. Illaahow naga aqbal ducada, waxaanu nahay addoontaadii oo tamar u weyday inay wanaaga is-tusaan, ee Illaahow na soo hadee. Rabow nagu soo weeci wadiiqada xaqa iyo nabadda, naga leexi dhabbada colaadda iyo dhaca. Illaahow camalkayaga xun, ha nagu ciqaabin, taladana hanoogu dhiibin dar aan kaa baqeyn anagana noo naxeyn. Aamiin. DHAMMAANTIIN CIID MUB’AARIK IYO MAALIN DUCO. Fiiro gaar ah la socda barnaamajyada Aljazeera ee ay sida wacan adduunka ugu soo tebinayaan dilka iyo darxumada Soomaaliya ka jirta. Ahmed Arwo Cardiff, U.K. samotalis@gmail.com
-
The million plus that have fled and those still living in the nighmare in Muqdisho under the thugs, criminals, occupiers did not experience Eid at all. Magaalada Muqdisho oo aan maanta si weyn looga ciidin Arbaco, December 19, 2007(HOL): Maanta waxay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidda Carafo, waana maalin farxad leh oo ay dadka Muslimiinta ah si weyn u maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay dadka Muslimiinta ah leeyihiin. Hayeeshee Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaan maanta si weyn looga ciidin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uusan hagaagsaneyn ammaanka Muqdisho, isla markaana dagaallo ka dhacay ay ku barakaceen dad boqolaal kun gaaraya, kuwaasi oo badankood ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Maamuuska ay Dadka Muqdisho u sameeyeen Ciidda Carafo waxay kaliya sanadkan ku soo koobantay in ay guryahooda iyo masjidyada ku yaala xaafadahooda ay ku tukadaan Salaadda Ciidda, kadibna ay isal xaafadahooda ku xafladeeyaan. Sidii horay u dhici jirtay ma jirin saaka Dad isu maalin joogayay oo isa soo booqanayay, waxaana qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa aysan nabadgelyo darrada ka jirin lagu arkayaa caruur aan badneyn oo ku ciyaaraya guryahooda hortooda. Sidoo kalena, Ciiddan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay jiraan Dad badan guryahoodii ka barakacay, isla markaana ku nool geedo hoostood iyo weliba aqallo cooshado ka sameysan, kuwaasi oo ay ka sameysteen meelaha ay u qaxeen, waxayna dadkaas inta badan ku nool yihiin deegaanada Ceelashada Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, Dayniile, Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Magaalada Muqdisho duleedyadeeda. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Muqdisho ayaa saaka marka ay isugu hambalyeeyaan munaasabada Ciidda kadib waxay ku duceysanayeen in Allaah uu dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu Ciidaha soo socda gaarsiiyo iyadoo dalku nabad yahay. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
-
Eesh calaa Shaklak waa halkii Carabtee.
-
Popular Contributors