geeljire-gaboobay
Nomads-
Content Count
7 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by geeljire-gaboobay
-
Raaxada guurka[kadhiibo rayigaaga]
geeljire-gaboobay replied to geeljire-gaboobay's topic in News - Wararka
hee Hibo maxaa wacnaanlahaa ayaad leedahay waxba haqarine soo faahfaahi sheekada minanku minanakaa weeye abaayo wow. -
Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb ah oo ay habboon tahay in laga aamuso, waxaana weeye “waa siday ku andacoonayaane†wax Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog. Waxaa jira xaqaa'iq ka dahsoon xitaa kuwa isqabay tobanaanka sanadood oo intay isguursadaan, carruur isu dhala, dabeetana muddo dheer dabeeto kala dhinta iyagoon weli dhadhamin macaantii dhabta ahayd ee galmada. Inay jiraan dhibaatooyin u baahan in la xalliyo ha yeeshee daawadoodii la garan la'yahay, waxaad ka garan kartaa sida dhaqsaha leh ee uu u baaba'o jacaylkii ay isu qabeen labada ruux intii aanay aqalgelin, iyada oo durbaba kolka toddobaadka laga baxo aad arkaysid inuu billowdo kala-did iyo khilaaf laga yaabo inuu keeno furriin degdeg ah. Waxyaabaha khilaafka keena waxa ugu horreeya aqoon darrida ku saabsan isu diyaarinta galmada, qaababka galmada iyo gunaanadkeeda intaba, waxaanay ugu sii daran tahay kolka ay aqoon darridaasi ka timaado dhinaca ninka. Haddaba si aynu ummadda Soomaaliyeed u tusno in ka sheekeynta iyo dhaqangelinta qaababka kala duwan ee galmadu aanay ahayn ceeb ‘siday dadka qaar ku andacoonayaan’, waxaynu soo daliishanaynaa Aayad Qur’aan ah, annagoo weliba kahor marinayna qiso yar oo la sheegay inay soo degitaanka Aayadda sabab u ahayd. Ibnu Cabbaas (RC) waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waxaa wada degganaa dad Ansaar ah oo dhagxaanta caabuda iyo dad Yuhuud ah oo iyagu kitaab lahaa. Ansaartu waxay Yuhuudda u arkayeen dad ka aqoon badan, saa darteed bay wax badan dhaqankooda kaga dayan jireen. Dadka Yuhuudda ahi dumarkooda waxay ugu galmoon jireen oo qura qaabka dhinac dhinaca, iyada oo weliba cawrada haweeneydu ay aad u asturan tahay. Dadka Qurayshta ah iyaga waxa caado u ahayd inay dumarkooda qaab kasta ugu galmoodaan uguna raaxaystaan, hadday ahaan lahayd soo jeed, sii jeed, jiif iyo joog intaba. Kadib markii dadkii Muhaajiriinta (Quraysh) ahaa Madiina tageen, ayuu nin kamid ahi guursaday naag reer Ansaar ah, waxana uu damcay inuu ku billaabo qaababkii galmo ee ay Qurayshi caanka ku ahayd, waase ay ka diidday, waxanay ku tiri: “Dhinac dhinac baa naloogu tegi jiraye ama saa iigu tag ama iga tagâ€. Dhibaatadii qoyskaa dadoo dhami wuu ogaaday, Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam) way gaadhay. Markaas buu Allaha cisada iyo heybadda lihi soo dejiyey Aayadda: "Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin, ee ugu taga beertiinna saad doontaan". Macnaha Aayaddu waa haweenkiinna ugu galmooda siijeed, soojeed, jiif ama joog qaabkaad doontaan, waase inaad uga galmootaan xubinta taranka oo qura oo aydnaan marnaba ku fekerin in aad dabada uga tagtaan. Eebbe waxa uu aayadda Qur’aanka ku leeyahay: “Uga taga (dumarkiinna) halka Eebbe idin faray (inaad uga tagtaan)â€. Rasuulka Suubbanina (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu xadiis ku yiri: (Eebbe ma fiiriyo “maalinta qiyaamaha†ninka naagtiisa dabada uga galmooda). Haddaba barashada qaababka kala duwan ee galmadu waxa ay leedahay faa'iidooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin: - Kordhinta raaxada iyo macaanta jinsiyeed. Awoodda dareenka macaansi waxa uu ku xiran yahay sida ay isu haystaan labada isu galmoonaya iyo dhaqdhaqaaqooda xilliga ay galmadu dhacayso, taasi oo iyana ku xiran hadba aqoonta ay u leeyihiin arrintaasi. Waxa jirtay in aqoon yahan hore uu yiri: (Macaanta galmadu ma waarto haddii loo joogteeyo hal qaab, oo aan lagu beddelin qaabab kale). - Ka hortagga dhibaatooyinka iyo dhaawacyada caafimaad darrida keena. Dhibaatooyinkaasi oo si gaar ah khatar ugu ah haweeneyda uurka leh iyo ilmaha caloosheeda ku jira labadaba. Dhibaatooyinka caynkaasi ah waxa looga hortegi karaa in la isugu galmoodo qaabka ku habboon marxalad kasta. - Xakamaynta uurka. Waxa la hubiyey in qaab kasta oo kordhiya macaanta xilliga galmadu uu sidoo kale kordhiyo suuragalnimada uur-qaadista. Qaabka fududeeya in biyaha lagu tuuro gudaha hoose ee cambarku, waxa uu fududeeyaa inay xawadu u gudubto ilma-galeenka. Ha yeeshee fursadda uur-qaadistu waxay yaraataa kolka la isticmaalo qaab keena inay xawadu dibadda u soo baxdo. HORDHACA GALMADA Waxaynu ogsoonnahay in noolaha oo dhami aanu isu galmoon ilaa uu hordhac (Shukaansi) sameeyo. Kalluunka, Shimbiraha, Naasleyda iyo xitaa Cayayaanku isuma galmoodaan iyaga oon hordhac dheer soo marin, kaasi oo mararka qaar dhib badan. Shukaansigu waxa uu door muhiim ah ka cayaaraa galmada, isaga oo ah garoon tijaabo lagu eegayo ilaa iyo inta uu isu qalmo dookha labada qof. Waxa kale oo shukaansigu uu ka dhigan yahay u diyaarin qanjirrada jinsiyeed loo diyaarinayo hawsha galmada. Hordhucu wuxuu leeyahay dhowr tallaabo oo si talan-taalli ah loo qaado, si loo gaaro tallaabada ugu dambeysa oo ah galmada tooska ah. 1- ISDIYAARINTA Labada qof ee isqaba waxaa la gudboon inay si wanaagsan galmada isugu diyaariyaan. Waa inay qubaystaan, afka cadaysadaan, iscarfiyaan, isqurxiyaan, jawiga guud ee guriga iyo jirkoodana ka dhigaan kuwo ku dhiirrigeliya inay isdoontaan. Haweeneydu waa inay gurigeeda si wanaagsan u nadiifisaa, u carfisaa, ugu shiddaa qamqam (Uunsi, Cuud, Foox, Qore-qudde, iwm), ku bilbishaa Catar kuna buufisaa Barafuun gaar ahaan nooca uu ninkeedu jecelyahay. Waa inay qolka jiifka ku qurxisaa Daahyo, Dhiinsooleyaal iyo Foodareyaal indhuhu ku doogsadaan, dabeeto intay nalalka iftiinka badan ka damiso, udaartaa nal leh midab gaar ah (cagaar, jaalle, amaba guduud), kaasi oo sii kordhinaya quruxda iyo roomaansiyada qolka. Waa inay casho aad u macaan, rabitaanka furta, nafaqo badanna leh u diyaarisaa ninkeeda. Suxuunta ay ku gurayso iyo miiska ay saaraysana nadaafadda iyo quruxdooda aad uga shaqaysaa.. Intay soo qubaysato, waa inay si wanaagsan isu udgisaa. Waa inaanay marnaba illaawin indhaha kuulan, bushimaha iyo wejiga cusburaysan, lugaha iyo gacmaha cillaaman iyo dharka khafiifka ah ee jirkeeda laga dhex arkayo midabka indhuhu ku nuursadaanna leh. Intuu odaygeedu casheynayo, waa inay soo agfariisataa. Dhaqaaq kasta, dhugasho kasta iyo erey kasta oo afkeeda kasoo yeeraa waa inuu batrool kusii daraa dabka qalbigiisa ka aloosan. Waa inuu ku labalabeeyaa ma raashinkaad horta cuntaa mise iyada. Waxa uu markaa ninku billaabaa inuu afka, caloosha, indhaha, dhegaha, sanka iyo dalool kasta oo jirkiisa kamid ah ka shidaal qaato. Ragga qaar baa jira aan ogayn inay dumarku sidooda oo kale dookh iyo dareen leeyihiin, iyaga oo doonaya naag qurux badan oo carfaysa, ha yeeshee aan iyagu waxba isku falin oo siday shaqada uga yimaadaan dhidid, shiir iyo af-ur kula duldhaca, sidaana galmo iyo raaxo uga doona. Ragga caynkaas ah waxaan xusuusinayaa xadiis Caa’ishah (RC) laga weriyey ooy ku tiri: (Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam†kolkuu guriga soo galo wuxuu ka billaabi jiray cadayga). Waxaan xusuusinayaa oo kale xadiiskii C/laahi bin Cabbaas (RC) oo ahaa: (Xaaskeyga waxaan isugu qurxiyaa sida aan aniguba jeclahay inay isugu kay qurxiso). Haddaba ninku waa inu qubaystaa, cadaysadaa, iscarfiyaa, timaha jartaa oo shanlaystaa (feedhaa), ciddiyaha iska jaraa, shaarubka gaabiyaa, galmadana isugu diyaariyaa sida uu ka doonayo xaaskiisu inay isugu diyaariso. 2- EEGMADA Eegmada oo ah tallaabada xigta isdiyaarinta, wuxu ninku xaaskiisa ka toogtaa meel fog, isaga oo jaraya xuduud kasta, kana dhex dusaya qalbigeeda. Eegmada naxariista leh ee ninku eegayo xaaskiisu, waxay toosisaa rabitaankeeda iyada oon is ogeyn. Haddii xaasku ay dareento inay ku faraxsan tahay sida ninkeedu ula dhacsan yahay, waxay isku daydaa siday ugu mahad celin lahayd ama ugu abaal gudi lahayd, taasi oo ah inay tusto inay weli u jeellan tahay diyaarna u tahay, iyada oo adeegsanaysa tabeheeda iyo xeeladeheeda u gaarka ah. 3- HADALKA Hadalka naxariista leh iyo sheekada macaan ee ninka, waxa lagu tiriyaa inay yihiin sahanka ka horreeya weerar jinsiyeedka. Haweeney kastaa - xitaa kuwa muddada dheer la qabay - kolka ay maqasho hadallada shukaansiga iyo ammaanta isugu jira ee ninkeeda ka soo yeeraya, waa ay jiriricootaa oo godlataa, dabeetana gaartaa heer isdhiibis. 4- DHUNKASHADA Dhunkashadu waxa weeye kicin ama baraarujin, iyada oo la isticmaalayo taabasho iyo ur. Kolkay dhunkashadu dhacayso, jirka haweeneydu waxa uu ku lismayaa jirka ninkeeda, kooda diirrimaad badan baana markaasi huwiya kan kale. Dhiigga ayaa dhaqaaqa, dareemayaalku firfircoonaadaan, jirka oo dhanna la saaqaa. Neefta labada ruux ayaa isku baxda, dareemaha urtuna billaabaa hawshiisii baraarujin iyo kicineed. Dhunkashadu waxay kulmisaa saddex waxyaabood oo saldhig u ah kicinta iyo baraarujinta dareenka jinsiyeed, kalana ah: Dhuuqmada:- Micneheedu waxa weeye in labada bushimood ee afka ninku ay ku lismaan kuwa xaaskiisa. Afku sida daloollada kale ee jirka, aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay. Kolkay bushimuhu isku lismayaan, labada isqaba mid waliba waxa uu gaarkiis u dareemayaa macaan aan xad lahayn. Urta:- Isku nabnaanta bushimaha ninka iyo kuwa naagtiisu waxay keentaa inay kulanto neeftoodu, mid walibana waxa uu markaasi uriyaa urta iyo neefta kan kale, arrintaasi oo door weyn ka cayaarta kicinta iyo baraarujinta dareemayaalka jinsiyeed. Udgoonka soo jiidashada lihi waxa uu xoojiyaa rabitaanka jinsiyeed, halka urta laga didaa ka keento qabow iyo rabitaan la'aan. Dhadhanka:- Dhuuqmada uu labada qof midkood dhuuuqayo bushinta kan kale, waxay kordhisaa istiin qaadashada labada ruux. Kolka ay haddaba isdhuuqayaan dhuuqmo aan hagari ku jirin, waxay kaga dhigan tahay iyaga oo ka tallaabsaday marxalad difaac tii ugu dambeysay, billaabayna kulan jireedkii dhabta ahaa. Culimada jinsiga qaar baa aaminsan in haweeneyda nin u oggolaata inuu dhuuqo, aanay waxba la ahayn inay isu dhiibto. Waxa kale oo ay rumeysan yihiin in dhuuqmadu ay ka dhigan tahay hibadii ugu dambeysay ee ay dumarku ragga siiyaan, oo waxabay uga dhigan tahay iyaga oo u galmooday. Waxaa laga yaabaa in hadalkaasi uusan mar kasta sax noqon karin, marka laga eego nin kasta iyo naag kasta, waxase uu sax noqon karaa kolka uu arrinku joogo labada isqaba!!!!. Dhuuqmadu waxay leedahay noocyo badan; 1- Dhuuqmo si aayar ah la isugu daliigo bushimaha, iyada oo la isku xantaxanteynayo. Labada qof midkood bushimihiisa ayaa bushimaha kan kale marna si xoog ah u daliigaya marna si aayar ah, fooddooduna waxay mar qabataa foodda kuwa kale marna sii deysaa. Kolka qof bushimihiis kala qaadmaanba, qofka kale ayaa bushinta hoose uga nuuga sidii isaga oo malab dhuuqaya. Bushinta haweeneyda oo intay kululaato, barartaa, waxay ninkeeda ku dhalisaa inuu ilkihiisa si daldallayn yari ku jirto ugu salaaxo. 2- Dhuuqmada intay bushimaha ninku kala kacaan, kor ka toobaan bushimaha xaaskiisa (afkeeda oo dhami soo dhexgalo afkiisa), oo uu dabeeto sidaasi si wada jir ah ugu dhuuqo. 3- Waxa iyana jirta dhuuqmo ah in intay bushimaha ninku si adag u wada toobaan kuwa xaaskiisa, uu dabeeto carrabkiisa bidix iyo midig si fudud ugu salaaxo bushimeheeda, uguna gudbiyo afka hoose, kolka uu gudaha geliyana intay isku qabsato afkeeda uu carrabkiisa gudaha ugu sii riixo, dabeetana intuu bushimihiisa isku daboolo, ilkihiisu ay bushimeheeda u qanqaniinaan si fudud oo xanuun macaani ku dheehan yahay. Waxa kale oo laga yaabaa inay kulmaan labada carrab, isaga oo midba uu kan kale dhinaca ka curjinayo, amaba ruux waliba carrabkiisa kusii daayo gudaha afka kan kale, sidaasina ay labada carrab marna isu taabtaan marna u kala fogaadaan si istiin iyo kulayl aan la koobi karini ku jiraan. Intaasi oo qura kuma kala duwana dhuuqmadu, balse waxa kale oo ay ku kala duwan tahay halka la dhuuqayo, ama la dhunkanayo. Ragga nin baa jira ku raaxaysta dhunkashada indhaha gacaladiisa, mid kale bushimihiisa ayuu si xantaxanta leh ugu salaaxaa dhegeheeda dacalladooda, dabeetana ugu soo hoobiyaa hoos iyo dhanka daanka, uguna gudbiyaa luqunta. Ragga waaya aragga ah qaarkood waxay yiraahdaan (dhunkashada luqunta hoosteeda ilaa dhanka bidixo waxay keentaa istiin aad u kulul). Qaar kale waxay qireen in bushimaha oo si fudud loo hoos mariyo luqunta haweeneydu ay ku dhaliso galiilyo jirkeeda oo dhan dhaqaajisa, sidii iyada ooy koronto khafiif ahi qabatay, kicisana dareen jinsiyeedkeeda. Intaa dabadeed bushimuhu waxay u hoobtaan xaggaa iyo shafka iyo naasaha oo kamid ah meelaha ugu dareenka badan jirka haweeneyda, gaar ahaan ibaha naasaha. Dhunkashada naasuhu waxay leedahay dhowr dariiqo: - Bushimaha oo lagu xantaxanteeyo ibaha naasaha. Bushimuhu intay kala qaadmaan bay marna ibta qabtaan marna sii daayaan. - Bushimaha oo inta lagu cantuugo oo lagu qabto xayndaabka naaska, markaasi carrabka ibta lagu cayaarsiiyo. - Afka oo si toos ah ibta loogu nuugo. - Ibta oo loo qanqaniino si khafiif ah oo ay xaasku ku istiinto. Calaacasha gacanta oo la dhunkadaa ma laha istiin sidaasi u sii ridan, ha yeeshee waxa uu sii kordhaa kolba marka dhudhunka iyo gacanta xaggeeda sare loo sii dhaqaaqo, gaar ahaan dhanka gudaha. Sidoo kale dhunkashada xagasha lugtu waxay dhalisaa dareen sii kordha kolba marka loo sii socdo dhanka cajarrada ama bowdooyinka loona sii dhowaado xubnaha taranka, sababta oo ah hadba intay meeliba meel kaga sii dhowdahay xubnaha taranka maqaarkeedu waa uu ka sii jilicsan yahay, kana dareen kulul yahay ilaa laga gaaro xubnahaasi. 5- SALAAXISTA Waxa loo baahan yahay ah in fanka cayaarsiinta aan loo adeegsan oo qura bushimaha, sababta oo ah sida bushimaha oo kale amaba kasii daran bay labada gacmoodna qayb lixaad uga qaataan fankaasi, iyaga oo weliba gaara goobo istiin aanay bushimuhu gaari karin. Dareenka gacantu waxa uu ku badan yahay dhanka gudaha calaacasha (inta cad), waxase usii daran faraha oo dareenku ku sii kordho kolba marka loo sii dhaqaaqo dhinaca fooddooda. Taataabashadu waxay inta badan istiin ku abuurtaa qofka taataabtaha ah, waxayse ku xiran tahay xaaladda nafsiyadeed ee labada ruux. Waxa laga yaabaa inay taataabashadu mararka qaar keento natiijooyin aan loo aayin, sida la-taataabtaha oo xanaaqa haddii uusan raalli ka ahayan waxa dhacaya. Inkasta oo taataabashada ama salaaxistu ay jirka oo dhan raad ku wada reebto, haddana jirku isku si' uma wada dareemo, waxana uu istiinku sii kordhaa kolba marka loo sii dhaadhaco dhinaca shafka ilaa laga gaaro labada naas. Waxaynu aragnaa in waqtiga isdhexgalka, dhabarka iyo barida oo la salaaxaa ay iyana istiin ba'an keenaan. Goobaha istiin qaadashadu guud ahaan, waxay ku badan yihiin agagaaraha daloollada jirka, labada naasna waxa lagu tiriyaa inay kamid yihiin goobaha ugu istiinka badan jirka, waxaana uu gaaraa heerkiisa ugu sarreeya kolka la maraanmaro ibaha naasaha. Waxa jira dhowr hab oo loo maraanmaro ibaha naasaha loona kiciyo dareenkooda waxaana kamid ah: - In calaacasha gacanta inteeda cad si fudud loogu cadaadiyo oo loogu salaaxo. - In faraha fooddooda si fudud loogu qabto, oo marna loogu salaaxo, marna loogu maraanmaro, sidii iyaga oo la lisayo. Intaasi marka ay dhacdo, waxa naaska ka soo buuxsama dhiig ku shubma xididdada oo dhan, dabeetana waa uu bararaa oo kululaadaa, ibtuna taagantaa, taasi oo si toos ah ishaaro u siisa xubinta taranka haweeneyda. Salaaxista haweeneydu, kuma koobna oo qura labada naas, balse waxa loo baahan yahay in la salaaxo meelo kale oo jirka kamid ah sida; labadeeda warqood, gudaha bowdooyinka, gumaarka, faruuryaha cambarka, iwm. Waxaan muran ku jirin in haweeneyda ninkeeda ay jeceshahay uu labada cajar dhexdooda kaga salaaxo mid kamid ah labadiisa gacmood, isaga oo isla markaasi tan kale kaga salaaxaya labadeeda naas, ay dareento istiin iyo raaxo labanlaab ah. Kolka gacanta ninku ay soo maamusho naasaha iyo shafka xaaskiisa, waxay u degtaa dhinaca caloosha, iyada oo salaaxaysa rugta xuddunta, dabeetana u jiitamaysa dhanka cajarrada iyo gumaarka, halkaasi bayna in muddo ah ku noqnoqotaa. Intaas dabadeed, kolka ay haweeneydu si wanaagsan istiinka u qaadato, labadeeda bawdo ayaa iskood u kala kaca, faruuryaha waaweyn ee cambarkuna waa ay kala fogaadaan, qanjirradiisuna soo daayaan dheecaan qooya cambarka gudihiisa oo idil. QAABABKA GALMADA Kolka cambarku dareere duuf ah oo afkiisa jilciya isku halleeyo, faruuryaha waaweynina kala qaadmaan, waxa la gaaray xilligii hawsha galmadu billaaban lahayd, haweeneyduna markaas bay cayaarta dhankeeda ka gashaa, muusikadu isku dhacdaa, ninkeeda iyo ayaduna niikada iyo naadada isu jiibiyaan. Waxaa in la xusuusnaado mudan in qanjirrada cambarku ay marmar la soo daahaan dareerahaasi, waxaana markaasi axmaqnimo ah inuu ninku isku dayo inuu geedka khasab ku geliyo, taasi oo keenaysa xanuun iyo dhibaato, gaar ahaan kolka cambarku yaryahay ama haweeneydu bekro tahay. Waxa markaasi wanaagsan in la isticmaalo waxyaabaha jilcisooyinka ah oo iyagu gelaya booskii dareerihii dabiiciga ahaa, fududeeyana hawsha gelinta. Candhuufta inta gacanta lagu soo qaado cambarka lala mariyo ayaa kamid ah waxyaabaha jilciso ahaanta cambarka loogu qooyo, waase hadday dani khasabto oo la waayo xeelad kale oo lagu qooyo. QAABABKA FOOL-KA-FOOL Qaababkaan haweeneyda iyo ninkeedu waxay iskaga hor yimaadaan si fool-ka-fool ah, waxaana ay kala yihiin: 1- Kolkay haweeneydu dhabarka u seexato, soona laabto labadeeda lugood, uu dabeeto ninkeedu daba fariisto: 1-1 Intay labadeeda cajar kala furto, uu ninku labadeeda lugood dhex galo, isaga oo isku xajjinaya jilbihiisa iyo xusulladiisa ama calaaculladiisa, dabeetana intay labadeeda lugood yare sare u qaaddo, cirbaheeda ku tiiriso labadiisa xagal-lugeed oo godan. 1-2 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo, garbihiisa dul saarato. 1-3 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo ilaa ay taabtaan shafka ninkeeda uu labadeeda bawdo dhex fariisto. 1-4 Ninku intuu xaaskiisa labadeeda lugood dhex galo, oo labadiisa gacmood dhinacyada ka kala mariyo, uu dabeeto ku dul dhabbacdo. 1-5 Intay labadeeda gacmood ku soo qabato labadeeda cajar, oo jilbaheeda gaarsiiso madaxeeda, ninkuna uu gadaal ka soo fariisto. 1-6 Ninka oo labadiisa gacmood labada cajar ee xaaskiisa kasoo gelsha dhanka hoose dabeetana sare ugu soo qaada oo isku soo nabo, iyaduna intay xoogaa isa soo qaaddo qoortiisa hab-siiso. Qaabkaani waa mid wanaagsan marka laga eego xag nafsiyeed. Waxa uu ninka oggolaanayaa in uu siduu doono uga bogto dareenkiisa rabitaan. Waxa kale oo uu ninku dareemayaa inu gacaladiisa dhabta ku qabanayo, iyada oo idilna uu hananayo. Haweeneyda lafteeda waxa ku dhalanaya dareenkaasi mid la mid ah, iyada oo dareemaysa inay meel aamin ah ku jirto. Qaabkaani waxa kale oo uu ku wanaagsan yahay, isagoo labada qof awood u siinaya inay siday doonaan isu istiimiyaan. Waxa laga yaabaa qaabkani inuu khatar geliyo ilma-galeenka buuxa xilliga ay haweeneydu uurka leedahay, khatartaasi oo uga imaanaysa culayska ninka dul saaran, iyo weliba awoodda garaacis ee ka dhalata dhaqdhaqaaqiisa. Sidaa daraadeed, waxa habboon in aan la isticmaalin xilliga uurka. 2- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, oo kadib kolka la isgeliyo labada xubno-taran, ay fidsato labadeeda lugood, oo sidaasi labadeeda cajar dusha uga qabtaan labada cajar ee ninkeeda. 3- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, ay labadeeda lugood mid sariirta ku dul dherersato, tan kalena ninkeeda dhabarka kaga soo qoolaashto, amaba ay garabkiisa dul saarato. Labadaan qaab (2,3) waxay aad ugu habboon yihiin kolka geedka ninku jilicsan yahay oo aanu si toos ah isu taagi karin. Qaabka 2aad waxa uu si gaar ah u kordhiyaa raaxada ninka, mana oggolaanayo geedku inuu cambarka dibaddda uga soo baxo, waxana ku taliya dhakhaatiirta. 4- Kolka labada isqabaa ay dhinaca u seexdaan: 4-1 Ninku intuu dhinaciisa bidix u seexdo, isaga oo isla dhererinaya xaaskiisa oo iyadu ka soo hor jeedda una jiifta dhinaceeda midig, uu dabeeto labadeeda lugood mid ku dhaafo sariirta, midda kalena cajarkiisa midig kudul rido. Qaabkani waxa uu ku habboon yahay kolka labada xubno taran ay kala weyn yihiin. Haweeneydu qaabkan iyada ayaa goobta maamusha, waxayna awood u leedahay inay ninkeeda hab u siiso siday doonto, sababta oo ah labadeeda warqood ayay u dhaqdhaqaajin kartaa sidii iyadu ay jeclaato. Ninku kolka uu dareemo in xaaskiisu aanay weli gaarin heer biyabbax isna biyuhu ka soo dhowyihiin, waa uu joojin karaa dhaqdhaqaaqa si uu biyaha isugu celiyo, isagoo markaasi fursad siinaya xaaskiisa, si ay labadoodu isku mar u biyabbaxaan. 5- Kolka intay haweeneydu sariirta ama miis is ag taagto qaarkeeda hore si dhacadiid ah ugu dul seexato, iyada oo gondaheeda ku taagan, amaba ku dul taagan walax adag oon dhaqdhaqaaqaynin, dabeeto xoogaa lugeheeda kala fogayso. Ninkii oo isna gondihiisa ku taagani uu markaa labadeeda jilib soo dhex galo, isaga oo qaarkiisa hore ka daba laabaya, labada gacmoodna kaga soo qabanaya garbaheeda, ama ku qabsanaya barkinta. Qaabkan waxa lagu fududeeyaa bekra jebinta dumarka aan la tolin, ha yeeshee ma garanayo inuu dumarka la tolayna u leeyahay faa'iido taa la’eg iyo in kale. Waxa si fudud oo dherer ah ugu dillaacaya xuubka bekrada, waana uu ka xanuun yar yahay qaababka kale. Waxa intaa dheer iyada oo xaaska aan bekrada ahayni ay aad ugu raaxaysato qaabkaan. Macaantiisa waxa barbar socda daal badan oo gaar ahaan ninka ku yimaada, mana fududeeyo inay xawadu u gudubto ilma-galeenka, geedka oon cambarka wada geli karin awgeed, taasi oo markaasi keenta suurtagalnimadii ubad dhalista oo yaraata. 6- Kolka intuu ninku dhabarka u seexdo ay xaaskiisu ku dul fariisato. 6-1 Intay ku dul fariisato, geedkana isgeliso, ay markaasi ku dul dhabbacato, oo naaseheeda shafkiisa ku dul qabato, labadeeda gacmoodna miskaha kaga soo qabato oo isku soo cadaadiso, dabeetana dhaqdhaqaq bilowdo. 6-2 Ninkii oo xoogaa lugaha soo laabay, intay labadiisa bawdo ku dul fariisato, geedkana isgeliso, iyada oo u dul saaran sidii inay faras fuushan tahay, ay markaasi dhabarkeeda kor iyo hoos ugu dhaqaajiso. Qaabka 6aad aad buu ugu wanaagsan yahay kolka uu ninku daallan yahay, waase qaab uga baahan haweeneyda khibrad dheer oo ah siday muruqyada cambarkeeda u xukumi lahayd oo isugu dhellitiri lahayd, ugana dhigi lahayd kuwo geedka ninka lisa. Qaabkaani in kasta oo aanu suuragal ka dhigeynin, in la isa salaaxo oo la isdhuuqo, haddana waxa uu ninka gaar ahaan u leeyahay faa'iido weyn oo aanay qaababka kale u lahayn, taasi oo ah isaga oo daawanaya xaaskiisa uu jecel yahay oo gebi ahaanteed dul saaran. Waxa kale oo uu labada qofba u oggolaadaa inuu mid waliba fiirsado sida uu kan kale u gurxamayo u riimayo isuna bedbeddalayo. Qaabkaan dhibaatooyinkiisa waxaa kamid ah isaga oo sahla gudbinta cudurrada, gaar ahaan kolka uu cudurku haweeneyda haayo, maadaama biyeheedii ay kusoo hoorayaan geedka ninka ibtiisa. Tan kale waa in aynaan illaawin in qaabkaani yareeyo suuragalnimada uur qaadista, kol hadday xawadii dib uga soo baxayso cambarka kolkay hawshu dhammaato. 7- Kolka intuu ninku fariisto oo lugihiisa xoogaa kala furo, ay xaaskiisu dhabtiisa kudul fariisato, oo labadeeda lugood si aad ah u kala fogeyso, dabeetana uu sidaa geedka hoos uga keeno. Qaabkaani aad buu u raaxo geliyaa haweeneyda, ha yeeshee waa uu daaliyaa ninka. Waxa intaa dheer, geedka oon cambarka wada geli karin, taasi oo markaasi yaraynaysa fursadda uur qaadista. QAABABKA DHABAR JEEDIN Qaababkaan waxay hawshu ka socotaa dhanka gadaale oo waxa isku beegan wejiga ninka iyo dhabarka xaaskiisa. waxanay kala yihiin sidaan soo socota. 1- Kolka ay haweeneydu sariirta si dhabbacaad ah ugu dul seexato, shafkeeda iyo naaseheeduna ay sariirta dul saaran yihiin, ama ku sii beegan yihiin 1-1 Kolka wejiga, shafka, caloosha, iyo bowdooyinka haweeneydu ay taabanayaan sariirta, uu ninku si dherer ah ugu dul seexdo, isaga oo qaarkiisa dambe xoogaa soo laabayana uu labadeeda doolood dhammaadkooda geedka ka soo geliyo. 1-2 Intay haweeneydu afarta ku istaagto iyada oo isku xajinaysa labadeeda jilib iyo labadeeda calaacal ama xusul, uu dabeeto ninkeedu gadaal kaga yimaado, oo dhabarka kaga dhaco. Qaabkaan si uur ku yimaadaa waa ay adag tahay, oo waxaba jirta in dadka aan uurka rabini ay isticmaalaan. Haweenka aan aadka tababarka u qabini ma jecla qaabkaan mana ku raaxaystaan. Waxa kale oo jirta in qaabkaani uu ku habboon yahay laba qof oo caato ah. 2- Kolka intay haweeneydu dhinaceeda bidix u seexato, uu ninku daba seexdo isagoo isna dhinaciisa bidix u jiifa, sidaasina uu wajigiisu ugu sii jeedo jeegadeeda, geedkiisuna dabadeeda. Dabeeto iyada oo ay lugteeda bidix dherersan tahay, tan midig ka laabto barta jilibka ah, yarahana hore u bixiso, sidaasina ninkeedu geedka ka soo geliyo daloolkii ay reebtay lugtii midig ee iyadoo laaban hore loo bixiyay. Qaabkan waxa la isticmaalaa kolkay haweeneydu uur leedahay, iyo kolkay caafimaad darri ama tamar darri guud jirto. Waxa xusid mudan in kolka qaabkaan la isticmaalayo ay gacanta midig ee ninku firaaqo tahay, oo uu siduu doono ugu istiimin karo xaaskiisa. 3- Kolka intay haweeneydu u istaagto sidii iyada oo rukuucsan ama dhulka wax ka soo qaadanaysa, lugaha xoogaa kala fogeyso, iskuna tiiriso gambar ama sariir gaaban. Qaabkaani waxa uu ku habboon yahay haweeneyda uurka leh, maadaama aanu khatar gelinaynin uurjiifka caloosheeda ku jira, dhakhaatiirta ayaana isticmaala kolkay baarayaan gidaarrada cambarka, iyo kolkay qalliin ku samaynayaan intaba. GUNAANADKA GALMADA Waxa laga yaabaa in rag badani kolka ay biyabbaxaan, u qaataan in hawshii galmadu ay dhammaatay, dabeetana intay dhinaca kale u jeestaan khuuro billaabaan, iyaga oon dheg jalaq u siin dhibaatooyinka uu falkoodaasi u geysanayo haweeneyda. Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u kicin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal eega Aayadda Qur’aanka ah: (Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale). Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey: (Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan). Haddaba waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka dambayso hawl kale oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan salaaxid, iyo istiimin fudud. Waxa loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa isla marka uu biyabbaxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo. Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo: (Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog. Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax. Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama dhigna inay galmadii dhammaatay, balse waa inuu kusii dhexjiraa gudaha cambarka siduu doono ha ahaadee intuu doonana halla ekaado eh, waana in haasaawihii, dhunkashadii iyo istiimintii halkii kasii socdaan ilaa ay biyabbax ka gaarayso, kolkaasi oo intay si xoog leh isugu nabto, jirkeedu wada gariiro, daqiiqado dabeetana kala daadato, cambarkuna geedka dibadda isaga soo saaro, kolka oonku si fiican u daayana iga deg ku tiraahdo. Ulajeeddada kale ee laga leeyahay isku sii dhexjirku waxa weeye iyada oo haweenka aanu kacsigu hal mar ka go'in, balse uu si tartiib tartiib ah uga soo jabo oo uga baaba'o. Haddaba salaaxista, shumiska, istiiminta fudud, iyo ereyada macaan ee jacaylka iyo ammaanta isugu jira ee ninku ugu deeqo ooridiisu waxay si tartiib-tartiib ah uga soo dejiyaan buurtii uu saaray kacsigii ka dhashay hawshii dhammaatay, ilaa ay ku soo noqoto xaaladdii caadiga ahayd. Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho. Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay intii shaqada galmada lagu jiray. Waxa laga yaabaa in hawshii dhammaatay ay reebtay xoogaa tamar darri iyo daal ah, waase kuwo raaxo u leh labada qof, iyagoo xubnaha jirkoodu ay u kala daadanayaan si gamaanyo (lulo) ku jirto. Daqiiqadaha ugu raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho iskula dul dhacaan hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo hurdaysan uu kan kale bogga kaga jiro. Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biyabbaxa kadib geedka kusii hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay mar kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna daqiiqado kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan isla hadafkaasi. Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna Islaamkuna qabtaa in galmada hore kedib geedka ninka biyo kulul lagu mayro, welibana hadday suurtagal tahay la qubaysto ama ugu yaraan la weyseysto, si firfircoonaan iyo looga helo dardar hor leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto garoonka la iskula laabto. Waase in biyabbaxa labaadna lagu soo af-jaraa isla gunaanadkii aynu soo sheegnay.
-
J'maal 11 sxb sheekadaada waan ladhacay laakiin sidii aan ku iqiin gabdhaha reer baadiyaha ah ma ogolyihiin in iyagoo cidkale ujeedo naaska iyo meelo kudhowdhowba laga taabto?waxaan umalaynayaa jawaabto waa maya sidii aan ku arki jiray gabdhaha reer miyiga ah,laakiin sheeko beelo ah aa noosheektay mahadsanid sxb.sheeko yaar ayan jeclaan lahaa inaan bal ana waxkataabto oo baadiyaha kusaabsan sxb. waa ayaan geela kuraaci jiray meel dooxo ah oo dagsiimadu kubadanyihiin,waxaajiray oo dagsiimada katirsanaa oday gorofle ah oo wuxuu leeyahay 3 gabdhood oo kaliya odagu wuxuu waardiyey yaa habeenkii 3 daas gabdhood oo wuxuu haystaa qori faal ah gabdhuhu wexey seexdaan aqalka gudihiisa usaguna wuxuu seexdaa ilinka ayuu isku gudbi inana ma uu baneeyo oo lamari karo kaaga dare qoriga kugu bajinmaayo ee caadi ayuu wadnaha kaaga soosaarayaa,gabdhuhu waa gabdho quruxbadan oo lama daynkaro dhalinyaradii xaafada oo dhan ayaa jecel kaaga darane oo gabdho hadal macaan oo soo jiidasho leh markaad maalintii lasheekaysato laakiin xitaa maalintii odagu wuu joogaa ee marmar qura uu guriga iyo aado ayaan usoo gaatamaa oo hadalo isweydaarsanaa,dhalinyarada oo dhan habeenkii ayeey kusoo guureeyaan gabdhaha mindhaa oadgu habeenkii wuxuu ridaa dhawr iyo toban xabadood oo uu kuridaaya dhalinyaradaas anaga odaga waan sheekaysanaa oo waan isnaqaan laakiin arimahaas lama sooqaado,maalintii dame ayaan gabar kamid ah gabdhihii waxaan isku aragnay ceelka aniga oo dhaan wada iyo duna sidoo kale markaas ayaan halkaas shukaansi iyo xodxodo kaga bilaabay markaas ayeey igu tiri caawa noo imow odagii magaaladii ayuu jiraa oo umalaynmaayo inuu imaanayo ee hadii uu imaanayona xili dame ayuu imaanayaa ee noo imow xili hore sidaas ayaan kubalanay haye maxaa xigay habeenkii ee dhacay, isla fiidkii markaan geela xereeyay ayaan isa soodaayay inigoo kabaqaya inuu odagii iga hor yimaado odagana waan sheekaysanaa oo inaan kuceeboobo ma,aan rabo maadaaba uu usagu aaminsanyahay inaan gabdhihiisa la xodxodankarin, waxaan soo ordaba gurigii ayaan waxaan kaga imi wajahada hore kkkkkkkkk illeeeeeeeen wuxuu illinka odagu kuxiraa bahal layiraahdo siriq ninkii yaqaan ayaa yaqaane oo god ayaa intii laqodo xarig iyo qoryo ayaa salka loogu xirayaa marka xariga waa laguntayaa godkana dusha waxba laga saarimaayo markaas aad laheshid cagta godka ayaa xarigu kugu roorayaa oo lugta iskaga kaa duubayaa waligaa iyo alahaana iskama furi kartid in aad cid hesho maahane bahala ayaana looxiraa inta badan laakiin odagani dadka ayuuba keenay inuu uxiro war yaanan sheeko kugu daaline kuguba daaliyayae J'jamaal 11 sxb sidaas usoosocday ayaa cagtii dalaq iitiri meeshii markaasuu xarigii igu rooray balaayo hakudhacdee illeeen odagiiba mar horuuba yimid wuu isku kaysoo qaaday usaga oo qurigiisii wata markuu maqlay dig tii iga yeedhay. markaas ayuu isyiri ninkani meesha ayuu galaye qoriga hakudhufan ee bal lahadal markaas ayuu toosh sooqaatay oo indhaha igaga qabtay mise waa ninkii sxbkiis ahaa war maxaad kasoo doontay gurigayga markaas ayaan fakaray isla markiiba fikir fiican ayaan helay waxaana iiri''adeer waa anigii waxaana maanta la iisheegay inaad aaday magaaladii sidaas daraadeed waxaan is iri sxbkaa bal soowarayso wixii uu war kasoo helay magaalada waana sax oo waasida ay reer miyigu isku waraystaan markaas ayuu yiri waan kaxumahay sxb kuwo nimana ayaa iwareeriyay oo aan ushigay meesha ee soodhowoow oo kaalay sheekaysanee oo gabdhihii yiri sookariya shaah meeshii ayaan iska sheekaysanay,sxb yaanan sheekada kusii dheeraane kuba dheeraadaye ugu damayntii gabdhihii wexey arkeen inuu odagaani dhib kuhayo oo intay gacsadeen ayeey joogi kari waayeen oo cun cunkii ayaa kubatay markaas ayeey 3 doodii iswaraysteen oo yiraahdeen waxaani waa doqoniinee talo aan keeno wexey sameeyeen inay odagii utashadeen inay dilaan habeenkii dame ayaa wiil kusoo guureeyay markaas ayuu odagii labooday qorigiisii sey intay qabsadeen 3 doodii ayeey sidey feer iyo garuun ugu wadeen bara laati kadhigeen odagii oo meelkasta go antahay ayaa magaaladii looqaaday subaxdii hade gabdhihii iyo wiilashii oo aan anigu kamid ahaa maxaa kadhacaya meeshii hadii uu odagii ilaahay naga qabtay waxaa kadhacay''cab sayr qub faataxayso maansha,alaah xaaaaaaaaaax waraa iga dhaaf waxaas waan kasoo gudbaye dib ha iigu celine adiga sxb iga raali noqo waan kudheeraaday ee ismaqal dame oo xiiso leh dhamaan akhyaarta meeshana waan salaamayaa hana soo hadleen dee maxaa kudhacay gabdhihii iyo aaway waryaaya warkiina hala helo ee nabadeeey.
-
waraa akhyaarta waadba aamusyarayseene waa sidee mise geeliibaa idinka halaabay oo aad kuraadjoogtaan?Abwaan sxb ilaa waa aan 3 jir gaaray ayaa horta iigu horaysay oo aan geel raaco markaas geela ayaan nirgaha kacelinjira si hodhow marka ay xigsinta gaadho loo maalo hurugaalkana wuxuu iisurnaanjiray ushayda.ayaanti dame ayaan waxaan isku dayay isla sanadkaas inaan haruubkiii geela culo laakiin sifiican uma aanan aqoone hase yeeshee wexey igu ahayd iskuday aan isbiday,marka sida aad ogtahayba hog ayaa hurugaalka lagu culaa marka gudka aad qodo oo aad culayga intaad jajabiso kugurto oo uu ololo ayaad hurugaalka saaraysaa mar aniga waxaan sameeyay markaan saaray ayaan waxaan arkay nirgihii iyo geelee oo isga kaydarmay, waan orday oo kala ceshay kadib ayaan soolaabtay mise hurugaalkii wuu gubtay maalintaas kadib oo aan 3 jir ahaa wixii kadambaysay la iguma tagi wixii kusaabsan xaga geela anigaa dadka usharixijiray,sxb hadii aad geeljire noqotay umalaymayee inaad noqotaye raga waaweyn marka geelu cabo iyagu magaalada ayeey itay galaan iska baashaalayaan adigana wexey kudhahayaan MADAXA QOYSOO LAQABSO,markaas ciil ayaa kaaqabanaya laakiin ciilkasta oo kaaqabta geela iyo hala aad ugu jecehshay markaad eegto cidla ugama hari kartit oo wanaad iska siidaba daysaa.Marka sxb aniga markaan cunug dhalay ayaan ku iri WARAA MADAXA QOYSOO LAQABSO,AABE INTEE AYAAN SOOWADAY MAANTA WAA MAALINTAADII AAD INASI LAHAYD MARKAAS AYAAN qURBAHA IS IMI. waraa dhamaan akhyaarta waad salaamantihiin waa inoo saqda dhexe.
-
war waan idin salaamay raga meesha isugu yimid wixii gabdho ahna waan salaaxay,kkkkkkkkkkkkkkk. waraa Nuune sxb waad iga qoslisay laakiin waxaa layiri war la,aan ayaa wadaadada rogtay,sxb waxaad iimalaysay nin qurbahu uu latagay laakiin sxb magacaygu ma,ahan mid aan iskaga sooqoray meesha ee waxaan ahay geeljire gaboobay oo dhab ah adigana geelii ayaadba ila gashay waan jeclaystay runtii lakaiin adiga waxaad istiri ninkaan kuhafi saas miyaaa?kkkkkkkkkkkk sxb waa inoo next door. Baal dooro ninka layiraahdo waan kufahmay sxb sheekadaadii xiisaha lahayd waana,midakale Bishaaro iyo dhamaan dhalinyara wexey yiraahdeen ninka cusub ha cayrina waan qoslay walaahi aniga nin sas kutaga ma,ihi bishaaro ee lisskaas iga saar,midakale dhalinyarada kuli cabitaan ayeey kuwaasheen ma qaad baa kadharagteen waan bayaabee cabitaan lee kkkkkkkk. Nuune sxb sheekadaada waxaad isoo xasuusisay,dhalinyaro aan qurbaha ku arkay oo aan soomaaliga sifiican u aqoon wey yaqaaniin laakiin af somali qadiimi ah magaranayaan, marka marmar ayaan dhihi jiray somali mataqaaniin markaas ayeey yiraahdaan sow anagaan kuhadlayna markaas ayaan iraahdaa sheega soomaaligaan, ratigii intaan fuulay markaan baarka sare qabsaday ayaan waxaan fiirshay dawaadiisa mise markaas ayaan misana gadaashiisa fiiriyey mise wuxuu leeyahay dhabidii oo markaas intay xili kaliil ah tahay ayaantaana rati uu ladiriro mahelin oo madhabi tuban sidaas daraadeed jilif ayeey noqotay,markaas ayeey ugu xanaaqaan oo iyiraahdaan waxaasi somali maahan kkkkk. Daaldooro sida aad tiri waxkasta meesha waa laga helayaa dhamaana dhalinyara cabitaan ayeey kahadleen ee meeshu ma maqaaxibaa?waanba yaabee waxaa iigu daran qofta layiraahdo Wiilo aniga hooyooyinka igu tiri kkkkkkk kulayaabimaayo gabar soomaaliyeed ayaa tahay,waana arki jiray gabdha saas yiraahda ee next door.
-
asc wr wb:dhamaantiin waan idin wada salaamay salaan kadib,Bishaaro abaayadiis waad mahadsantahay,akhyaarta meesha horta intaan arkayay website afsomali lagu sheekaysto in mid kafiican waligay ima soomarin waayo hadalada ayaa ah kuwo aan aad ula dhacay iyo erayada aad isticmaashaan oo ah erayo waaweyn oo runtii wax lagu farxo ah. Dhalinyarada maansta qurbaha kula baahday ee soomaaliyeed afsomaligii wey katageen wey kuhadlikaraan afsomali badankood laakiin afsomali fiican kuma hadlikaraan waxaana qofka kagaranaysaa markuu wax kuusharaxayo hadba qaabka iyo sida uu u abaaro ayaad kafahmi kartaa somaligiisu intuu leeg yahay. Marka waxa aad idinku wadaan hada waa waxfiican runtii waxaana idin dhihi lahaa halkaas kasiiwada halgankiina oh busy ayaan noqday dib ayaan idinkala soo xiriiri doonaa insha,alaah nabadeeeeeey.
-
asc wr wb salaanta islaamak kadib,waxaan ahay nin cusub dhawaana soo aplicagareeyay websitekaan inkastoo aan huray u akhrinjiray oo aan soobooqanjiray.ilaa 6 bilood ayaan soobooqanayay ayaan umalaynayaa gaar,ahaan waxaan soobooqanjiray Doodwadaag waayo afkayga hooyo sheekooyinka ah ayaan jeclaa sidaas daraadeed waxbadan ayaan kafaa iday dhalanyara waxyaalaha ay iswaydaarsanayeen wuuna idhacay,marka waxaan jeclaaday inaan idin kusoobiiro idinka ayaa iisheegi doona siday wax usoconayaan iyo meesha sharciyadeeda ee Doodwadaag,dhalinyarada aan hada kahor inbadan ku arkay waxyaalaha ay post soodhigeen oo aan jeclaaday ama waxtar lahaa ama funnyba ha ahaatee waxaa kamid ah Wiilo,Nuune,Bishaaro,Jacaylbaro,Miskiin weybadanyihiin dhalinyarada aan meeshaan ku arkay sheekooyinkooda lakaiin nasiib daro midna iskama naqaan sidaas daraadeed waan isbarandoonaa khayr ayaana idiin rajaynayaa iyo guulnabaday. waana xagiina wixii aad igu caawinkartaan meeshaan mise meeshu waa ninkasta ha isdifaaco kkkk anyway ismaqal damoo xiiso leh.