Sheekadani waa sheeko run ah. Waxaan ka akhristay web site,,,,,,Enjoy
Yuusuf Xaaji Daahir:
Duhur dabadii markii la qadeeyey cagtuna yartahay dad iyo duunyoba hadh galeen. Ayaa Gadhi guuxaya gurigayagii xaafada oktoobar Burco isa soo hor taagey; Waa siisaw barwaaqo soo maray markaad eegto dhoobada dacalada kasaaran. Abtigay Haybe Aw Siciid ayaa ka soo degey. Daaqadaan ka arkay dabadeed albaabkii ayaan dhakhso uga furay wuxuu noo wadaa lax tebis ah oo aad u shilis iyo joog subag ah.
Yuusuf: abti salaama caleykum sideed tahay reerihii ka waran xageed hawshii kaga timi Haybe: abti aad ayaa loo fiican yahay dad iyo duunyoba waa la nabad qabaa xuduudka meel ka saraysa ayaan reerihii kaga imi nabad iyo caanaa lagu qabey.
Yuusuf hooyadii Caasha Dheeg ayaa hadalkii maqashay oo intay maqsin danbe ka soo baxday walaalkeed farxad iyo salaan ku soo dhoweysey gaadhigii wuu tegey gurigii ayaa la xidhay Haybe ayaa maqsin loo gogley biyo iyo tuwaalna loo diyaar gareeyey laxdiina candho gaadhi oo daarada taal ayaa lagu xidhay, kaluun iyo roodhi abtigii ku qadeeyo ayaa Yuusuf loo diray. Caasha iyo walaakeed waa lays xaal waraystay. Haybe oo hayey adhi ay leeyihiin reer Xaaji Daahir. Wanaag iyo taran ayuu ka sheegay xoolihii. Wakhtigana seben bax ayuu kaga waramay iyo caano geed sudh , Haybe wuxuu ahaa nin miyga badsaday magaalona aan ka madhnayn.
Yuusuf ayaa keenay kaluunkii iyo roodhidii hase yeeshe Haybe kaluunkii waa ka dhaartay roodhidii ayuun baa subag loo mariyey shaahna waa loo keenay. Reer Xaaji Daahir berigii hore miyiga ayay deganaan jireen xoolo wanaagsana way lahaayeen markiise Xaaji Daahir Sucuudiga galay oo shaqo ka helay ayuu reerka Burco keenay.
Yuusuf markay magaalada soo degeen lix jir ayuu ahaa laba hablood iyo wiil baana ka yaraa. Yuusuf quraankaa loo bilaabay sanad dabadeena schoolka ayuu galay isagoon dhamayn oo ah dugsiga sare fasalka labaad ayuuna ka tegey schoolkii! dhoof ayaa niyada ka galay ….. Maanta Yuusuf waa labaatan jir runtii wax la sheego aan magaalada ka qaban. Berito waa iid arafo reer Xaaji Daahir waa ladan yihiin aqalkay ku jiraan iyagaa leh xaga horna meherad yar ayaa uga furan waa aqal xaafad ku yaal oo iibka gacantu ma joogsato.
Caasha Dheeg waa qof lex jeclo badan oo aad ugu il dheer meherada iyo xoolahaa miyiga oo walaalkeed hayo sanad walbana waa weydiisaa wax ku kordhay isna waa ku waqaqaysaa yacni waa caawintaa oo walaalkeed Haybe kama ay hawl la ah. Haybe oon inamo lahayn isna xoolaha reer Xaaji Daahir hawl ayuu ku qabaa..sikastaba ha ahaatee waa walaalo isu wanaagsan ………
Casar dabadii ayaa Haybe iyo Yuusuf suuqa isu raaceen, maqaaxidaa la tegey laga shaaheeyey. Haybe miyigii ayuu Yuusuf u sakhiray wanaag iyo barwaaqo ayuu ugu sheegay wuxuu ku dhiiri geliyey inay is raacaan oo Yuusuf bal soo arko khayraadka dhulkii ka jira runtii gu bay ahayd roob aad u wanaagsan la helay xooluhuna cad iyo caanoba leeyihiin sawirkii bay lahayd Xasan Ganey sheegay oo ahaa (awrna dabarka lagu xidhin meel dheena laga deyin …oo dumarku xoolihii soo dabaala lee yiin). Yuusuf wuxuu ka helay sheekadii abtigii wuxuu go’aansaday inuu raaco ciida dabadeed.
fiidnimadii ayaa Yuusuf iyo abtigii gurigii ku soo noqdeen waa la casheeyey aad ayaa loo caweeyey berito waa iid waxaa la diyaar garaystay dharkii lagu ciidi lahaa Xaaji Daahir ayaa bil horteed soo diray shended weyn oo dhar ah reerkiisa wuxuu u soo diray min laba isku joog … Haybena wuxuu u soo diray arad beel aanuba filayn. Macawis sabarinda ah, shaadh xaafuuni ah, koofiyad sawaaxili ah, go’ shaal ah, singalaydh abu kabtan, ah nigis abu werde ah, intaa ayuu iso soo raaciyey. Walaashii Caasho Dheeg ayaa u soo dhigtay kursi agtiisa yaaley.
Waxba yaanan sheeko idinku daalin eh waagii baa beryey waa la tukadey salaadii ciida. laxdii oo laqalay ayaa beerkeedii barqadii loo soo noqday khayr iyo xarago iyo quxux baa muuqatay hadana qadadii oo ehel kale ka soo qayb galeen ayaa laysugu soo noday waa la ducaystey Yuusuf iyo abtigiiba waa qayilaan gurgii ayaa la fadhiistay oday ay Haybe saaxiib yihiin iyo inan kale ayaa iyana la qayilay. waa la sheeko talaxleeyey waa berigii ay socon jireen heesaha aad ka garanaysaan(xalay baan saqdii dhexe sariirtaanku jiifsaday sagaal jeer ka toosoo) iyo (dumarkaba sidiisaba subaxdaad isbarataan sahwiga weyska leeyiin) iyo (sida ubaxa waaberiga ama u) cajalada wareegta ayaa Yuusuf iyo saaxiibkii marba dhan u rogayaan xiiso ba’ana wey u qabeen heesaha xili danbay noqotay. Yuusuf iyo abtigii haybe iyo hooyadii Caasha Dheeg ayaa isu soo hadhay. Yuusuf wuxuu hooyadii u sheegay inuu raacayo abtigii oo miyigii gaadhayo inta guga lagu jiro islaantiina may khilaafin (ciyaaro se waa danbeeyaan).
Habeenkii layska seexay waagii baa beryey Haybe suuqii ayuu qabtay adhi uu saylada keenay buu lacagtiisii soo qaatay raashin iyo waxyaabihii reerkiisii u baahnaayeen ayuu diyaar saday nasiib wanaag siisawgii keenay dareewalkiisii ayay is arkeen wuxuuna u sheegay dareewalkii inuu dhuxul doonayo oo beri tegayo Haybena wuxuu u sheegay inuu raacayo isaga iyo inan uu abti u yahay wuxuuna kula balamay inuu ku soo maro gurigii uu kaga degey sidaasa lagu heshiiyey. Maalintii danbay noqotay 11 arooryo ayaa gaadhigii gurigii isa soo hor taagey Yuusuf iyo abtigiiba waa halabsadeen hawd bay kaga jareen. Yuusuf yare waa nin fariid ah gabadh gaadhiga la socotey ayuu hadal la galay haasaawe qosol laysla dhacay ayuu jidkii ku soo dhaafay abtigii il qoodhuu intaa kala socdey. waa la rugo yimi laga deg gaadhigii waxay siteena waa kala degeen.
Waa barwaaqo iyo nimco fatalaq weel walba caanaa ku jiraa wax la qabtaa ma jiro oon sheeko iyo cayaar iyo caana cab ahayn dhilinyaradu hal mayl ayay iska cilaaqdaan dadka labeen ayaa saaran. Habeenkii cada loolka iyo jiibka jaantu weheliso meel kastaba waa kaa xigtaa weli cirku waa da’yaa Yuusuf aad ayuu noloshaa uga helay abtigiina waa siduu rabey. Hablaha Haybe dhalay gabadhi waa doonan tahay oo gabaati wanaagsan baa laga siiyey. gabadhna si baa wax ka yihiin dhegahaysan wax ka maqal hase yeeshee kaalinteeda aad bay uga adag tahay habeenkii ragu guryahay yimaadaan maalintiina tuuladaa laysugu tagaa turub, shaah iyo sigaar ayaa la laba rogaa. Qaadkan mamar waa la helaa…………..Haybe xoolaha reer Xaaji Daahir waa ku hawl bateen markaa wuxuu damacsan yahay inuu ka siibto waa tiro iyo badh ido u badan wuxuu rabaa inuu yuusuf fooda u geliyo. Gabadh caqiibo badan oo garab weyn ah oo rajay ah oo ayeydeed wehelisa oo kun lagala baxo hase ahaatee nin fariidnimo dhaafa oo il dheer mooyee nin kale uu san arki karin ayaa Haybe aw Siciid ilaalada ka meershey Yuusuf ayuuna la rabaa inuu u dhiso.. gabadha Jawaahir baa la yidhaahdaa.
Jawaahir iyadaa rarta oo iyadaa waraabisa oo iyadaa raacda ayeydeed waa islaan waayeel ah hooyadeedna iyadoo yar bay dhimatay abeheedna sawaaxil baa lagu sheegaa tiro adhi ah oo riyo u badan iyo dameer ayay leeyihiin runtii Jawaahir waa naag dheg leh laf leh jidh isu dheeli tiran leh waxay se indhuhu ugu lalaan arad aysan dhar badan lahayn iyo hawshoo dhafoor daloolisey.
Tuuladey isku soo raaceen Haybe iyo Yuusuf. Wuxuu Haybe ku yidhi Yuusuf: abti iminka nin weyn baad tahay waxaad joogtaa xiligii ragu guursan jirey wiilkiis dhalaad tahay miyi iyo magaaloba reer X .Daahir waa buuxdaan xoogaagaa kula socda waqtiga waa laga faa iideystaa abtigaa baan ahay wanaag wax an ahayn kulama rabo gabadh baan kuu hayaa wax lagugu xidhayaa ma jirto waa qof isku filan iyadaa hawsheeda ka adag sidaas ayaan kula rabaa maxay kula tahay………….Yuusuf .. abti waa si wanaagsan eh ma waxaad rabtaa inaan reer miyi noqdo Haybe .. abti miyigu waxba ma qabo waa kaynu ku dab iyo reer keenay adigu se labadaba lug baad ku leedahay oo xoolo miyina waa leedihiin magaaladana waa ka dhisantahay gabadha aan kula rabaana waa naag isku filan Yuusuf .. oo abti gabadhu waa ayo oo magaceed xagayse joogtaa Haybe .. waa gabadh inaga ah geyaan ah Jawaahir baa la yidhaahdaa berina baligay imanaysaa oo anaa ku tusi doona tan kale abti markaad doontana waa tegi oo anakaa xoolaha wadayna markaad doontana waad nala joogi ma ilaah baa dhib ku baday anigu tarantaada uun baan rabaa iyo inaad qalbiga ka degto waa digii gabadhii gaadhiga inala saarnayd ba cilaaqanayee Yuusuf ,.. intuu qoslay abti khayr bay noqon insha ala… Haybe ..abti anaa huboo waa khayr iyo wax ka badan ba berina Jawaahir waan is kiin tusayaa hadii alle yadhaahdo, waxa laga yaabaa inay dhaan keento Yuusuf …ok abti …….
Yuusuf habeenkii ma seexan talaa ku cadaatay war maxaad yeeshaa. Wuxuu galgashoba wuxuu go’aansaday inuu yeelo abtigii wuxuu kula taliyey wuxuuna iskuqanciyey maxaa Kaa xumaanaya hadaad wax garan weydo Burcoba waad iskaga noqon.
Haybe fiidnimadii ayuu gabadhii u dusey hadalna waa u horeeyey qisadii ayuu si fiican Jawaahir uga dhaadhiciyey wuxuu ku yidhi reer koodu waa tijaar Burcay degan yihiin intaad miyiga joogtaaba waa sanadka iyo haday u badato ka xiga waa nin kugu filan reer wanaagsan dabada ku haya hadaanad nimcada suxulka Ka leefin waxdanbe hay weydiin berito baliga barqadii kaalay si aad u aragtid sidaas ayuu Jawaahir ula balamay …. Beritadii bay noqotay Yuusuf iyo abtigii waa isa soo raaceen baligii bay yimaadeen Jawaahir ma joogto hablo kale ayaa dhar Ku maydhanayaa waa la sugey waa la cidi jiidey hablihii kalaa hadal iyo haasaawe la’la galay………..way raagtey oo iyagoo ka yabaalay ayay goor danbe timi iyadoo dameer ay waday laba haamood u saaran yihiin. Isha layska tusay maryo duugay sidataa laakiin aad u nadiif ah jidh isku jooga Ku dhacay. Indheeheeda lagama jeesan karo waa maariin dhalaal xiga laftuna waa hal geri.. waa ta hahay………..Yuusuf judhii uu indhaha ka qaaday ayay qalbigiisa sida Danabka u gashay isagoon is ogeyn ayuu u tegey intuu salaamay ayuu dameerkii ka Rogey haamihii. Sidii qof uu garanaayo wuxuu ku yidhi hayla yaabin caadaan u leeyahay in aan dadka caawiyo oo weliba hablha u buriyo, Jawaahir hadii aad sidaa tahay maad kuwaa dharka la maydhid, Yuusuf.. meel ha ka dhicin anigu hawsha ragaan qabtaa ,… Haybe abti gabadha miyaa is garateen……Yuusuf may abti waa se keligeed oo waan caawinayaa. Haybe wuu is baray Jawaahir iyo Juusuf. Haasaawe iyo sheeka lays weydaarsadey. Dhaankii ayay la kexeeyeen Haybe gurigiisii buu u baydhay Yuusufna Jawaahir ilaa gurigoodii buu dhaankii la wadey hadal badan ayaa lays yidhi hadalna waa ka horeeyey. Waxay isugu soo hoortay in Yuusuf iyo Jawaahir is guursadaan waa heshiiyeen in arinku dhamaado inta guga lagu jiro sheekadaasi waxay qaadatay ilaa caweys danbe Yuusuf .. habeenkii oo badh tegey ayuu yimid Gugurigii abtigii ardaagii ayuu iska seexday intuu cabey caano doobi kujirey.
Waagii baa beryey waa lays waraystay abtigii waxay ku heshiiyeen buu u Sheegay odaygii waa hawl galay Burcay ku soo noqdeen isaga iyo Yuusuf. Caasha Dheeg ayaa arinkii laga dhaadhiciyey..markii hore waa liqi weydey. Hase ahaatee markay walaalkeed iyo wiilkeedii isu dhaafeen doc kasta hadal kaga keeneen waa aqbashay .Yuusuf isagu Jawaahir wax aan ahaynba ma arko. Dhir iyo dhagaxba waa jiidhayaa siduu Jawaahir ula aqal geli lahaa.
Aqal miyi oo yiilay guriga caasha Dheeg, yuusuf hooyadii iyo raashin, khudrad, weel iyo foostooyin biya ah ayaa goor galaba laga saaray gaadhi….. Reer Xaaji Daahir gabadh mooyee cidi kama hadhin gaadhigaa laysku guray. Aradbeel wanaagsana gabadha ayaa gaadhigaa loo saaray . Yuusuf xagiisuu iskujoog wanaagsan jawaahir u soo iibiyey cidna ma tusin oo aradka Jawaahir baa dhibayey. Fiid ayaa rugihii la tegey reer Haybaa lagu degey sooryo fiican ayuu sameeyey. Qoladii gaadhigana habeenkii waa u hoyatey Yuusuf isku joogii ayuu jawaahir. Ula guureyey toob shanan ah iyo go foolge iyo beer kabo ah 2 masar iyo Googarad kulumbaawi ah intaasuu habeenkii jawaahir u geeyey .
waa tahay Haybe habeenimadiiba inan uu adeer u yahay buu u diray Xoogsade oo Jawaahir Abtigeed ah oo meel durugsan yaal. maalintii danbay noqotay ragii tuuladii ayey qabteen casar liiqii ayaa xoogsade oo tuulada lagula balamay kasoo dhacay. Arinkii ayaa la falanqeyey waxa laysku afgartay in Jawaahir caawa la meheriyo. Aw Xasan oo ah wadaad, Xoogsade iyo ragii kaleba waa lays raacay gurigii Haybaa la tegey oo laba neef la qalay warkay sii hayeen, Xoogsade gurigii Jawaahir joogtey buu hore ugu maray si uu afti uga soo qaaddo waxba layskuma khilaafin dib ayuu reer Haybe ugu soo noqday habeenkaa ayaa meherkii dhacay 40 sabeenood ayaa Jawaahir lagu mehershey. Habeen danbena inay la wareegaan baa sheekadii noqotay.
waagii baa beryey aqalkii waxa laga dhisay halkay Jawaahir deganeyd. Aqal Soomaali weyn baa la dhisay dad badan baa isu yimid waxba yaan sheeko idinku daalin eh……………Aroos wanaagsan baa dhacay 7 cisho sacab iyo soor baa la wadey, xoolaha birtaa lagala daaley duco iyo mawliid baa lagu khatimay. Waa tahay waxay noqotay xabaal iyo ninkeed loo kala teg. Dadkii magaalo dib bay u noqdeen dadkii miyina guryohoodii bay ku kala noqdeen Jawaahir iyo yuusufna ugbaad iyo xiisay kala heleen xoolihii reer Xaaji Daahirna Yuusuf baa lawareegy…Gabadh yaroo Xoogsade dhalay baa loo keenay si ay hawlaha yaryar wax uga qabato. Muday sidaa ahayd inta badan Yuusuf maalmihii danbe tuuladu tagaa oo sigaarka ayuusan kamaarmin waana ku soo yare madax gadaa xiisahana xaaskiisuu kula soo noqdaa.
waa tahay waxay sidaa ahaatoba dabayshii xagaa baa soo dhacday. Aqladii ayaa xaga kale loo jeediyey yacni xagaagii laga jeediyey doogii ayaa cadaan isu rogey, dabayl ayaa dhirta ku wareegaalaysatey galookaa fooryey, Biyihii baa gabaabsi noqday, ooshii baa hawd sare qabatay hawshii baa badatay tuulihii baa dad yari ku hadhay xaalkii baa saawe saawe noqday. Xadiyo oo ah Jawaahir ayeydeed ayaa mar qudha xanuun isaga yimi.
Yuusuf maruu adhiga raaco iyo mar uu dameerka biyo ku doono ayay shaqadiisii noqotay durba noloshu wejigii xumaa bay tustay. Haybe hawd sare buu u guurey wuxuuna yuusuf ku yidhi islaanta baxnaaniya anigaana gaadiid celis idiin soo diraya.. waa tahay Yuusuf meeshii waa lasoo xumaatay Jawaahir se waa qof qadh adag oo hawl ka daal ah. Waxaasi waxba kuma aha inta badan hawleheeda iyadaa qabsata inkastay walacday oo soortii iska deysey hadana Yuusuf wax kuma halayso ..waxay sidaa ahaatoba Xadiyo ayaa nabarkii mawd lagu taagey waxay noqtay in Yuusuf adhigii malintii oo dhan uu la joogey qadada yartii yarayd adhiga ugu dhex geyso gabal dhicii markuu soo xereeyey wuxuu la kulmay islaantii oo Jawaahir madaxa hayso oo aad u tamar daran taahana aan kala joojinayn habeenkii oodhan baa loo soo jeedey waagu markuu beryey bay Xadiyo deysey. Jawaahir waxay ku tidhi Yuusuf waar dameerka kaxeeyo tuuladii biyo ka keen. Cid xabaahs sii qodana balami ana waan sii diyaar garaynayaa meydka adhigan yartaa eegi.
Yuusuf dameerkii ayuu tuuladii kula orday dhawr nin oo uu helay ayuu xabaashi ku balamiyey dib ayuu isu soo rogey biyihii buu keenay Jawaahir oo meydkii diyaarisay buu u yimi dermo fiican intay ku duubtay bay si wanaagsan dameerkii ugu xidh xidhay oo tidhi: gee tuuladii si laguula aaso. Yuusuf dheg kagama jirto shalay adhiguu raacay, xalay oo dhan waa soo jeedey, saaka wuu jarmaaday, hadan waa kaa meydkii dameerka ku qaaday waa duhur tuuladu wey durugsantahay. Tuuladii oo wax yar u jirta ayuu geed yarra fadhiistay oo xabad sigaar ah ku cab is yidhi oo suxulka dhigtay baabacadana barkday dameerkiina waa ag taagan yahay. Hurdaa samada kaga soo degtey Yuusuf maqrib dabadii ayuu isla boodey: Waar dameerkii mee? waar meydkii mee? marba doc buu u cararay tuuladii buu gabasho kaga soo laabtay. Gabal baa madoobaadey ruq iyo raad midna waa waayey. Isaga laftiisa ayaa gurigii dirqi ku soo gaadhay intuu maqnaa ayaa Xoogsade yimi oo isalaanta xanuunkeeda ogaa markuu isa soo taagey Jawaahir baa ka hor timi oo wediisey sida wax u dheceen. Wuxuu ku yidhi alxamdulilaa aasnay tuuladiina rag baan ka helay waa dhamaatay hawshii. Oo dameerkii mee bay hadana tidhi. Belaayadu intaanu aasayney ayuu baxsadey oo caawa dhanba isagaan doonayey. Waxay tidhi wuu iska iman oo guriga wuu yaqaan hadaan bahal cunin ama la xadin. Intaa markay is yidhaahdeen ayuu Xoogsade indha ku dhiftey dabadeed xoogday isa salaameen oo xagii guriga hore ugu mareen….
Jawaahir oo welli qolqolka taagan ayaa dameerkii ku soo mudh yidhi oo heeryadii jiidanaya iyo maydkii oo ruqruqsan .. alla hoogey ..alla hoogey.. Waar saw kan meydkii iyo dameerkii oo isjiidanayaa waar sidee alle kuu galay Yuusuf lama hadlin eh Xoogsade oo qudhiisu aad u naxay ayuu gacanta qabsaday oo xagaa ula durkay oo sida wax u dheceen iyo dhibta ilaa Doraato isu daba tiil uga waramay Xoogsade wuxuu ahaa nin miyir badan Inankaa reer magaalka iyo waxa la kulmay wuu u garaabay islaantuna Aayadii bay ahayd dabadeed Jawaahir oo qaylinaysa ayuu ku yidhi naa aammu oo dib isugu hagaaji maydka hadaanu tuuladii dib ugu celinaynaa eh qaderka lama diidee. Islaan kale oo marti ahaydna waa joogtey hawl danbay Jawaahir gashay, islaantii martida ahayna waa la shaqaysey maydkiina tuuladii baa lagu celliyey xabaashii oo diaar ahna wey la kulmeen hawshii mar xuumada sidaas ayey ku dhamaatay.
Yuusuf habeenkii ma seexan hawlina kama dhamaan hase ahaatee Xoogsade ayaa talo keenay oo yidhi beri ayaan awr idiin soo kaxaynayaa waanad ila degeysaan, waayo kiligiin iskuma filidin Yuusufna waa aqbalay. Malintii sadexaad bay guureen Xoogsaduu la degey ciidan iyo cududba waa ka helay maalintii danbuu Xoogsade ku yidhi Yuusuf: magaaladii ayaan inoogu safrayaa 10 ahmin ahna wuu soo kaxeeyey orodkii uu hawd ka soo orday Yuusuf Baqdaad Iraq ayuu noogu imid 1976 . Shaarica Rashiid oo Baqdaad ah ayuu qisadaa noogaga sheekeyey. Makii danbena Imaaraadkuu yimi Jawaahir oo afar wiil iyo gabadh u lehna wuu keenay.
Iminka Yuusyuf Ingiriiska ayuu jogaa waana ilaa 60 jir. Caruutiisa iyo caruutay dhashayna waa 18 waana dad waa weyn.