Showqi
Nomads-
Content Count
2,610 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Showqi
-
Cawrala muddo labbo sano ah wax war iyo wacaal ah kamay helin Calimaax! waxaana ku sii badatay walwalkii iyo kal gacalkii ay u haysay Cali maax, Balse masaafada iyo fogaanta ay isu jiraan degaamada XIIS oo ay Cawrala ku noolayd iyo BADHAN oo uu Calimaax deganaa, iyo waliba dagaaladii Daraawiishtu ay kula dagaalamayeen Ingiriiska oo markaa gobolka Sanaag ka socday ayaa keentay in xaalada war is gaarsiintu noqoto mit liidata. Waxaa kale oo wakhtigaas gobolka Sanaag soo galay cudurkii Daacuunka oo ay dad baddani u dhinteen, Cawrala oo aan Aabbaheed ninkii uu siiyey wali ku wareejin, ayaa ku geeriyootay magaalada xeebta ah ee XIIS. Taariikhdu may kala saarin ilaa hadda cudurkii Cawrali u dhimatay inuu ahaa Jacayl iyo Boholyowgii ay u qabtay Calimaax iyo inay u geeryootay cudurkii waqtigaa tarab tarabka ka dhigay dadkii ku noolaa magaalada Xiis ee xeebta gobolka Sanaag oo ahaa Daacuun.<O:p</O:p Si kastaba ha ahaatee Calimaax wuxuu maqlay geeridii Cawrala isagoo bartay markaa Luuqadii Carabiga ahayd kana soo baxay daraasadii iskuul Xerayska ahaa ee uu wax ka baran jiray, gabayga hoos ku qoran ayuu tiriyey isaga oo aad iyo aad uga xun geerida gacaladiisii. Calimaax oo la hadlaya Faraskiisii wuxuu yidhi:<O:p</O:p Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaa ye, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la moodyow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee, W/aan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go?dee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo, Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey, In kas too xoola badnaa iyo, xariir loogu hagoogey, Xirrib tii indhaygiyo, xubnahaygay ahayde, War xiskii i dhinaayo, Xadeed weyn ku habaabee, Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yaw, Xawaaree orordkaagoo, Ximan jee fag ku dhaafoo, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee, Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa I gee, Waan xawaal dhigayaaye. caawa Xiisa i gee,<O:p</O:p
-
Wakhti dheer ayay Cali ku qaadatay inuu wax barto. Isagoo danaynaya inuu uga jawaabo gacaladiisa waraaqdii ay u soo dirtay. Balse intii Calimaax uu waxbarashada ku mashquulsanaa ayaa Cawrala waxaa Aabbeheed ugu bishaareeyey in uu siiyey nin xoolo iyo maal badan leh………………<O:p</O:p Cawrala iyada oo aan doonaynin ninkii uu Aabeheed siiyey waxay tidhi:<O:p</O:p Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya, Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray, Nin micnaha dumar yaqaan, yey maskaba dhaama, Magalooti jaahila, oo haddana madaxa taagaaya, Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinaaya, Ninki biri magaydada yaqaan, yey maskabi dhaama, Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe, Oo mugdi habeen gudahayoo, marin habaabaaya, Oo aan maraaciga haween, iyo muxibadood haynin, Oo aan milgiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin, Oo sida Cali waa maahire, mayey u horaynin, Inaan meel cidla ah weey tamaa, yey maskabi dhaanta, Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne, Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye, Waa wixii makalay wiiladay, milaygii dayreede, Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse, Mar hadduu man facii hunguri, mee i oranaayo, Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta, Malabkiyo macaankiyo wixii, miid iyo maaheera, Maantadaas haddi lay wacoo, la i mihiibsiiyo, Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaante, Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane, Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye, Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,<O:p</O:p <O:p</O:p
-
Waraaqdii jacaylka ee Cawrali u qortay Calimaax Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane, Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne, Dabadeed aan kala Jiidanne?e, mar ila soo joogso. Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay, Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye. War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey, Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa, Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye, Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale?e, Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira, Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye, Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye, Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye. Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede, Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene, Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye, Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo, Cishihii haddaan sarar cusbale, kugu cashaysiiyo, Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duugo,<O:p</O:p Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye. Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow. Ogoobey haddaan dayaxu jirin, dirir ma nuureene, Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene, Ogoobey haadd diido, waan degel baxaayaaye, Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro, War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo, Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne. Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggan Magaalada Xiis Xarrago<O:p</O:p <O:p</O:p
-
Duke, You'r welcome Somalina;707300 wrote: Can someone translate the following? Showqi adiga soo dhejisey, fadlan get to work. Somalina, I am sorry:o I can't translate the poem in English. That is too big for me. May be someone els can?
-
grasshopper;707044 wrote: haha, I soon as come up to the front and say hi to them, the guy/girl will be like "tall caramel macchiato extra hot?" and that's when I nod sheepishly so sad, but that's OK... life is too short to drink bad coffee! Grasshopper, Si fiican baa laguu bartay. I don't know why people like Starbucks coffee! anniga maba ii dhadhamaba give me Timmy and I am happy
-
Barwaaqo iyo bash-bash baan u rajaynayaa Caruuska iyo Caruusada
-
Bilan haa walaal waan hayaa, gabayada oo dhan waan ku soo wadda qorayaa meeshan. Cawrala markii ay XIIS ku soo noqotay, waxaa ku sii batay boholyoow iyo Jaceyl ay u qabto Calimaax waxa ayna saaxiibadeed u sheegtay tixdan: <O:p</O:p Baxsanay habeennada indha baal ma saarinoo, Duni baadi weeyoo bilisina illowshaha, Wa u beer nugayloo ba'a iyo baraaraha, Baraarahay xuseeyaan anse baal ka marayoo, Biimahaad ogayd iyo cirkoo biriq hillaaciyo, Bartii roobka duufaan biyihii shubmaayiyo, Dakhalkii bacramay baan baayeey ku selelaa, Bisin alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo, Eebbe ima ballaysiin anoo baaxa degayoo Bes ah oo hafanayoo bixi layd naftaydii, Baaqaan hayeeey iri sow Cali-badmaaxoo, Birrigii imuu gayn baari iima qabanoo, Berrigii imuu gayn naftaan qaaddir bixinayn, Ogow wey badbaaddaa Waa baab jacayloo baarax uma ledaayoo Baddaasaad arkaysoo buuraha la moodoo, Badraankii libaax iyo hambabarada booddiyo, Bahaluhu ka buuxaan way bila dayahoo Buruudkii Badmaaxiyo nuur layga biliyaa, Waa boog jacayloo bukaankii la yaab ma leh, Beerkiyo wadnaha iyo bogguu hoy ku leeyahay, Waa baab jacayloo Billaawihii afaystoo, Bedenkayga degayoo igu beeray boholyow, Waa baab jacayloo waxa ii bogsiina ah Ama ii bushaara ah oo ii baraara ah, Ama ii barwaaqa ah baanashada haweenoo, Badmaax-aan hantaayoo berri aannu kulanoo, Beryasamo ku waarraa!!.<O:p</O:p Muddo markii Calimaax uu magaaladiisii joogay, xaaskiisii iyo caruurtiisiina uu iskala noolaa ayaa waxaa loo keenay waraaq ka timid Cawrala. Waraaqdu waxay ku qorantahay Afka Carabiga. Nasiibdaro Calimaax Af-Carabiga ma qoro mana akhriyo. markii waraaqdii loo keenay, buu Cali garanwaayey waxa ku qoran iyo meel ay ka timid. markaasuu wuxuu ulla tegay soddogii oo uu gabadhiisa qabo. Wuxuu ku yiri: “xaaji bal waraaqdan ii akhri”. markaa buu wadaadkii firiyey mise Ninka kabadha ka qabaa, gabadh kale baa u dhimanaysa oo jecel bes la ah. Odaygii wuu ka xishooday in uu u sheego waxa ku qoran waraaqda, wuxuu yidhi: “Cali walaahi ma garanayo fartane bal waxaad u geysaa hebel oo ah wiil uu dhalay (Calimaax Seedigii) isagaa iiga fiican qoralkan’e”. Wayahay buu yidhi, markaa Calimaax wali ma fahmin waxaa laysugu riix riixayo. Wiilkii buu u tegay wuxuu yiri: “ii Akhri waraaqdan” wiilkii baa ka qaday wuu akhriyey markaas buu arkay wixii odaygu arkay oo kale! wuxuu ku yidhi: “Cali waraaqda cid kale ma tustay” haa buu yidhi oo aabahaa baan soo tusay! wuxuuna i yidhi waxa meesha ku qoran ma fahmayee Seeddigaa u gey. Markaas buu yidhi wax meesha ku qoran waa sidan oo gabadhaas baa kuu soo dirtay oo kujecel' Calimaax maalintaa wixii ka danbeeyey wuxuu go’aansaday in aanu dib dambe qof u odhan waraaq ii Akhiri, ee uu isagu akhristo. Wuxuuna bilaabay iskuul (wuxuu ku biiray Culimadii Sayid Maxamed C. Xasan) si uu u barto qur’aanka iyo Afka Carabiga, hadhowna uga jawaabo waraaqdii Cawrala.<O:p</O:p
-
Duke, KK iyo Somalina Sheekadii Cawrala iyo Calimaax waatan. Laakiin gabayo ayaa ka buuxa ee raali ha la ahaado. Taleexi bal Malika u sheeg in aanu Jaceylka soo wadnay ilaa iyo 1911kii Taariikhdu waxay ahayd 1911kii, Waxaa magaalada Cadan ee dalka Yemen doontii ku wayday Cawrala oo ku socotay magaalada XIIS XARRAGO ee Xeebta gobolka Sanaag, nasiib wanaag Cawrala waxay heshay doon kale oo ku socota magaalada Laasqoray oo dhul xeebeedka gobolka Sanaag ka tirsan, Doontaa waxa Saarnaa dad degaankoodu ahaa Reer Laasqoray, Hadaba habeenkii ugu horeeyey ee doonda la saarnaa waxaa dadkii doonta saarnaa dhex maray kaftan, waxaa loo kala jabay Reer miyi iyo Reer magaal. Waa laysu gabyey oo Kaftankii wuxu gaadhay in gabayo laysu tiriyo, labada dhinac ee loo kaftamaayo waxa mid gadhwadeen u ahaa Calimaax oo ah Ninka ay Cawrali Jamatay, dhanka kalena waxaa gadhwadeen u ahaa Nin Oday ah oo magaciisa aan la sheegin. Waxaanna laysugu jawaabay sidatan:<O:p</O:p Reer magaalka oo Calimaax ah wuxuu yidhi: Wallee daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin, Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho, Doqonnimo waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye, <O:p</O:pHaddii doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo, Oo doobi caanaha riyaha, looga dalaf siiyo, Oo rodol uu doondoon ku helay, uga danbaysiiyo, Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye, Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane, Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hada1kaaga. Reer miygiina wuxuu ku jawaabay: Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo, Duuf lulaaye goortuu kaalluun, labada daan buuxsho, Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo, Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin ilaahiise, Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte, Dood iyo dagaaal baa nin raga, lagu daryeelaaye, Deeqdana haddii loogu ladho derejo wee yaan, Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.<O:p</O:p Isla habeenkii ugu horeyeyba Cawrali waxay ka heshay firfircoonida iyo aftahan nimadda uu Calimaax ka muujiyey golihii kaftanka. <O:p</O:p Goortii Habeen iyo Maalin Badda Cas lagu soo jiray in yarna ay u jiraan magaaladii ay u socdeen ee LaasQoray; ayaa doontii Illaahay Shimaal ku kiciyey (dabayl) wayna degtay gabi ahaanba wixii maal iyo Mood Saarnaa waxba kama Badbaadin dadkii doonta saarnaa ayaa iyanna badankoodii ku dhinteen Badda. Balse, Markii doontu degtay ayaa Ragii Reer Laas qoray ee Dabaasha yaqanay Isku dayeen in Qofba qofka uu garanaayo ee aan dabaasha aqoon uu badbaadiyo, balse Cawrali Waa Reer XIIS Cidna kama garanayso dadkan, markii doontii degtay dadkiina badda galeen ayay qaylisay iyadoo dhowr jeer badda gashay(Biyo-Cabtay), Calimaax ayaa Illaahay u bixiyey, waxaanu la soo dabaashay mudda dheer balse barriga ayuu soo gaadhsiiyey. Cawrali marnaba waxaan cindigeeda ka bixin aftahan nimadii Calimaax iyo Ragga nimadii uu lahaa , Balse waxay u jeesatay xaggii majareheedu ahaa ee magaalada XIIS, Calimaax isna wuxu soo Qabtay magaalada Badhan oo degaankiisu ahaa.<O:p</O:p
-
Geedka Jaceylka maa ku qoslee? Duke, I will post the story
-
Duke, Cawrala iyo Calimaax is also a great love story
-
B_A_L_L_E_R_Z;706152 wrote: Why is it People from P/Land only post Bad news from S/Land, and People from S/Land only post Bad news from P/Land..??? do you guys surf the internet looking for bad news to post agains one another..??? How come No-one Posts any good news from other places..?? Miyay idin dhibeysaa inaad wax fiican ka sheegtaan dhinaca kale..???? lol..... Ballerz, dadkeena qaarkood wali waa Geel-Jire oo waxaa maskaxda iyo lafaha kaga jira Qabyaalad iyo isla weyni! Sidaas ayuunbay isku Jiid Jiidi ilaa iyo inta ay ka ilbaxayaan ee iska adkeyso Saaxiib.
-
Qare qare, Cambe cambe, Adhi adhi. Somalina nice pics keep them coming please. Thank you
-
wrote: After days in captivity without food or water, Ashareh and the translator were put into a transport vehicle that drove into the night and pulled over on a deserted road. Your father is a Minister and you need a translator to understand the people? Juicy Story!!!
-
wyre;705667 wrote: S0l dad waalan baa kasoo buuxsame:p Bashiir;705667 wrote: Ma adaa awal fayoobaa ,,.... Bes, bes kuligiin oo InaJaad ugu horeeyo Manakobiyo aa la idin geeynaa..........
-
Siciid1986;705706 wrote: Now, the photo of the man above is from my friend, Ahmed, who got it from another friend and claims that the individual is called, Hassan Faras, and is 120 years old. I saw the picture Mansha-Allah Odeygu wuxuu u egyaha nin caafimaad qaba. Wajigiisa coodh coodh badani kuma yaalo, Macal iyo Caloolna warkooda daa. Odeygu waa Muruq iyo Seed. Illaahay cimrigiisa ha daayo
-
STOIC, that is best Somali love song ever. It's classic but the text never gets old. Thanks for the momery.
-
Illaahay ha u naxariisto marxuumka. Aaliyyah;705100 wrote: Even though I am sure many of them were forced due to their financial issues. But, maybe if the parents tried their best and somehow saved money that they use in other means ee ka maarmi karaan they could have avoided such situations. Either way allah yarhamhu...and make it easy on their family. Kool_kat;705100 wrote: Majority of the Somali families who live in "bad" neighborhoods are not forced to live there, at least not for financial reasons...Iyagaa raba, to save a penny or drive the lastest vans/cars, or buy homes in Kenya/Carabaha/etc...It is sad, any which way you look at it...Allaha u sahlo umadeena dal iyo dibadba waxbaa na heysta! Aaliyyah and KK you both right a lot of Somali families spend their money unnecessary stuff such as: cars, designer clothes and electronics. Very sad. By the way they said the black leather jacket that was left at the scene cost around 1,200.00 Canadian Dollar it's popular amongst rap and hip-hop artists.
-
Quful quful Quful naar Dara masakiin Darab naar Qum qum yaa abuu Carfiid
-
KK, Habar Kuuley qabiilka la dhaho ma taqanaa. Saaka anni maa la ii kaa soo diray in aad igu Saniftid:D Bal soo dhowoow oo is qabooji walaaleey.
-
Sabaaha Nuur, yaa Malika and Nuune. Malika it's hard to get away. Every where I go, qabyaalad iyo Fadhi ku dirir baa ka socda.
-
Juxa, marxuumada illahay dambigeeda ha dhaafo naxariistii jananna ha ka waraabiyo. Ayaamahan I only respond qabyaalad iyo fadhi ku dirir threads. Waxaan u malaynayaa cudurkii fadhi ku dirir baa igu dhacay
-
Polanyi;703692 wrote: Ya Tahay, in that case the agreement for microsoft office/internet or buying furniture all make you a kaffir. Even a having a tenancy agreement or going to a disciplinary meeting at work make a kaffir, ifwe use your logic. Have you ever signed up to college or university? Polanyi, We don't know were the poster resides. But if he lives in a western country!!! then you absolutely right his logic will make him and all of us a ......................
-
The Zack;703635 wrote: Dadku cilmi yaraa.. ciyaalka dagaalka ya u diiday, qorigu hadduu qaadi karo wuu dagaalami. Again, it all depends on what "Ciyaal" means. 14's and 15's are allowed to fight. Mise "18" is the new adulthood? Zack, Sxb ilmo yar oo 14, 15 jir ah qori wuu qaadi kara wuuna ridi karaa. Laakiin su'aashu waxay tahay 14, 15 jir ma u adkeysan karaa hurdo la'aan, gaajo, haraad iyo hagardaamo. Waayo waxaa mar marka qaarkood dhacda, in askarta dagaalka ku jirta aanay dhufeeyskooda ka soo bixin muddo 3 ama 4 maalmood ah. Hadaba bal is weeydii 14 jir hurdadii loo diiday 4 habeen iyo 4 maalmood. Raashina aan cunnin 3 maalmood ma u maleynaysaa in uu wali is difaaci karayo? 14 jirka maanta dagalamaya 7 sano ka hor caruur buu ahaa oo 2da fool ayaa ka maqnaa. Allah maxaa caruurtii la cimri da dajiyey!!!!
-
Taleexi, Walaal qofwalba oo Soomaali ahi wuu ogyahay in askarta ka tamid gobolka Woqooyi Galbeed ay khalad ku joogaan dhulka SSC. Qof walbana wuu la socdaa in Dowlada Woqooyi Galbeed aanay marnaba u suurtoobaynin in ay SSC ka gooyaan Soomaaliya inteeda kale. Waa runtaa oo reer SSC maanta waa laga gardaranyahay.
-
Che, inkasta oo warkan meesha ku qorani uu yahay Bad News. Waayo labo gobol oo Soomaaliyeed ayaa dagaal ka dhex socdaa, dad Soomaali ahna dhiigoodii uu daadanayo. Hadana dadka qaarkood wararka ay meeshan ku soo qoraan 100%50 waa iska Buhuu-bahaa iyo Propaganda.
-
Popular Contributors