Showqi

Nomads
  • Content Count

    2,610
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Showqi

  1. Ha la yaabin Odeyga. That pen was missing from his collection. En now he got it
  2. Somalina;711094 wrote: Hahahaha, Xaaji Xunjuf and Saalax side by side. But why is Saalax not wearing his shirt......
  3. Dee kii kaleba isaga oo aan maxkamadii gaadhin sowdigii Waalidiisii qiray, oo dhakhtarka u diray maaha Jow!!!
  4. JB, ninkani kii dadka suuqa maraya bomka gacanta ku dhufanayey waxba ma dhamee maa Soomaalida cayda iyo dacaayada laga daayo
  5. Saalaxoow, dadka Soomaaliland ka buuxa ee illaahay, diinda iyo nabigaba caaya. goorma iyagana maxkamad la soo saari?
  6. Dad halkan jooga ayaaba aniga laf dhuun gashay igu noqday. Khiyaamadeeydii iyo sirteeydii oo dhan banaanka ayaa la soo dhigin. Bal hada maxaaan ku qaraaban doonaa! illaahay amarkiis.
  7. Showqi

    My laughs

    Hahahaha, no one will shake hands with that Cabbie,,,,,,,,,,,,,,,,,,,Ms MoOns JB aa bareejaysay abayadiis..........
  8. I love Af-maay and I want to learn, but Wang and wing that sounds chinese to me!
  9. :D:D,, war dhirta ha sumayn.
  10. Kii Yaraa koob caanomaraaci ah ayaa meesha uga daatay,,,,,
  11. Oba, xaad la qoslee................Ma borobeeysay horta:D
  12. I like the Song "Ceeldheer Song", the rest is Buufis.
  13. Woxoow ku dhahay Faxdii waa lagugu booday,,,,
  14. Som@li;707424 wrote: Waw, Thanks Showqi, weliba fasirka na ku dar, elayn dad baan oqool luuqada eh. Ma haysaa Gabayadii hore, Sheekadii meeshay ku dhamaatey baad geeysay Som@li, maya ma hayo gabayo kale. sheekada Cawrala iyo Calimaax waa sheeko qadiimi ah ma ogtahay in is barashadoodii ay 100 sano ka soo wareegtay 1911-2011
  15. Saacad rucleyn ah = Caafimaad iyo nus I feel good now. Biyihii ayaaba illaahay ii macaaneeyey 2bo baaldi oo biyo ah ayaan qac ka siiyey. Enerjigaygu waa 100%100 hada. Waan ogahay tomorrow muruqoyo xanuunkii ayaa soo socda. Laakiin u jixin jixin maayo waan ku rogaal celin. Juxa waa runtaa, shaydaankii meel kasta ayuu ku jira maalmahan: Internetkii, TVgii, Joornaalkii. Meel walba dambi ayaa ka socda. Illahoow noo dambi dhaaf. Kamaavi waa la baryey, boowe bariis iyo caano
  16. Juxa, baruur iyo aniga kala dheer, Xiito xiito xaar malaay ma maqli jirtay;) Maya boqolka ayaan rabaa in aan cafimaad ku gaadho. Hadii ilaahay yidhaahdo. Mahadsanid.
  17. Today I am going back to jogging , after being a couch potato for almost 2 years. Bal soo duceeya in aanan mar dambe joojinin 60ka sano ee soo socda,,,,,,,,,,, hadii ilaahay nafta ii daayo.
  18. Zack, Ummaddii oo dhan wadnahaa dhag leh,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
  19. Jacpher, Meesha quud aan jirin ayaa nin walba qoryo u guranayaa!!!!
  20. Al-Miskiin, xaaladan markaan eegay aniga iyo adigu isku aragti baynu nahay. Runtii Dowlad Gobaleedyadan sidii cawskii maalin walba dhulka uga soo baxaya waa dhibaato cusub oo Soomaaliya u taala 20ka sano ee soo socda. Dowlad Gobaleedyada badankoodu waa iska One Man Mission waxaana inta badan taageera dowladaha aan dariska la nahay ( sida Ethiopia,Kenya, Djibouti), kuwaas oo iyaguna dantooda gaarka ah ka hor mariya ama danahooda khaaska ah ku fushada Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ka dhisan. Anigu waxaan aaminsanahay Soomaaliya in uu mustaqbalkeedu dhismayo marka ay ummadda Soomaaliyeed ka xorowdo Qabyaalad. Inta aynu isku qasayno Qabyaalad iyo Siyaasad u malayn maayo in Dowlad dhexaad dhismayso. Al-Miskiin;707546 wrote: ma waxaad rabtay intaaso land land in aan is daba dhigo. Maya ha is daba dhigin ee bal halkan riix------> http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/30598-Soomaaliya-iyo-Maanta
  21. Gabaygani waa kii Calmaax tiriyey Markii maalin ka dib soo gaadhay geeridii Cowrala oo lagu Aasay Xabaalo ku Yaala Magaalada XIIS, wuxuna gabayga u balaabmay sidan.<O:p</O:p <O:p</O:p Calimaax wuxuu yidhi:<O:p</O:p Cawralaay johorad baad ahayd, jamatay laabtaydu, Waxaad ahayd jannadaan raboo, jawda uu lahaaye, Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne, Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay, Daartii aakhiro la hub iyo, degelki mow fooftay, Oo ma dardaarankii aad tiraa, dacar I leefsiiyey, Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare, Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye, Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane, Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way dam qanayaane, Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya, Ogoobey aniga dulmiyoo, dilay xabiibtaye, Ogoobey anigaa deldeloo, dembi I haystaaye, Ogoobey deyn baan qabaa, la iga deynayne, Oo waxa deyradaas dhigayba, waa dib u dhacaygiiye, Cawralaay ninkaan deelk a, iyo daalka kala soocin, In kastuu dircoon yahay, haddana doqennimow dhoowe, Ogoobey aqoondarridu,waa dulliyo leeleele, Waa darxumo iyo hoog ninkey, dacalka saartaa ye, Waa danqaaro waaweyn, haddaan laga dig toonaanin, Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye, War qaaddii *****llayd, markii daaha laga qaaday, Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayee1ka, Ogoobey dul iyo layga tuur, déliya dhaadheere, Daraawiishta heegani, markay ban duleeydaysey, Hadaan dayr la ii dhigin, ama dab in la ii qoolin, Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene, In kastaan dagaal iyo ku jirey, duullan iyo weerar, In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney, Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye, Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne, Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade, U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey, Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey, Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey, Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey, Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey, Wixii aan atoor dilanayoo, dab in u tuuryeeyey, Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay, Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey, Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey, Dabaxiir shabeel ahi wuxuu, igu dul meeraayey, Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye, Ogoobey haddii dirriku dhaco, dayaxu gaadow ye, Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye, Ogoobey waxaan kaa danbayn, laba diraacoode, Afartaasi waa iga dub nixid, dharigu hayn waayey, Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiqay, Afar kalena waa iga duce, balaan daliileego, Darriqii siraad oo ahaa, daliig sinsaanteeda, Oo dabreeya wixii daalinoo, deli ka tuuryeeya, Durduro laguu man, aadaan dab u cabsoonaynin, Dacwadii lagaa dhaaf, catiid dareen wax weydiiyo, Raqiibna ku da’yey oo ku daa, dun markuu waayo, Dembi ma lihide Eebbahay, derejo kuu yeelyey, Waanigaa dal dheer uga imi inaan duceeyaa ye, Waanigaa dul suray xaashidii iyo dooddii aan qora ye, Waataas deddootaye dadyahow ducada aammiin dheh, Durdurkii firdowsiyo u hoyo, togaag durduuraaya, Ku dabbaalo web igii jannada, damal haraynaysan, Ku diihaal bax mira diir la’ood, debinta leefaysid, Ilaahay duggaal iyo ku sii, malab durduuraaya, Kaa hiraabi deeqdiisu waa, daraarta xoolaade, Waxaad doontid oo idil ilaah dacalka ku saarye, Waanigaa dal dheer uga imi, inaan duceeyaa ye, Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye, Waatas deddootaye dad yahow, ducada aammiin dhehe, Rasuulkii ilaah deris la noqo, deneg allow yeelye. Diyaafadaha kuu dhige malaa’ig, daacad ah oo joogta, Waxaad dunida weydey oo idil, daleel lagaa siiye, Waanigaa dal dheen uga imi, inaan duceeyaa ye, Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye, Waataas deddotaye dad yahow, ducada aammiin dheh, Dar alluu ka yimid mow tika helay, dahabadaydiiye, Arla durugsan baan jirey markay, derin ku qaadeene, Haddaanse ku daakinay halkay, keli ku duugnayde, Qabriyahow *****lani adaan, cidi ku deynayne, Adigay dummaddaada tahay, dayax la mooddiiye, yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca, yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca, yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca, Ogoobey waa sidaad u sheegtaye, anna aan u sheegaye, waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deynayne, Oo ogoobey waxaan kaa dambayn laba diraacoode.<O:p</O:p