Liqaye
Nomads-
Content Count
1,954 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liqaye
-
Farmaajo “ 90 maalmood ayaan ku soo afjareynaa Shabaab” Muqdisho: (Sh. M. Network) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in mudo 90 maalmood gudahood ah ay ku soo afjarayaan dhibaatooyin uu tilmaamay in xarakada AL Shabaab ay ku hayaan dadka Soomaalida. Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya oo u waramayay Idaacada ku hadasha afka dowlada ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in mudo sedax bilood ah oo u dhiganta 90 maalmood ay ku soo afjari doonaan xarakada Al Shabaab islamarkaana ay dalka oo dhan gacanta ku dhigi doonaan. Farmaajo waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhamaan beesha Caalamku ay indha ku heyso dhibaatooyinka ka socda dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Shirkii dhawaan uu uga qeyb galay Soomaaliya ee ka dhacay New York la isku raacay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Farmaajo, waxa uu xusay in beesha Caalamku haatan ay isku raacday in Soomaaliya la keeno ciidamo kale oo dheeri ah si ay u caawiyaan ciidamada dowladda KMG oo haatan dagaalo ku wajahaya kuwa xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab. Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu dhinaca kale carabka ku dhuftay in wadamo badan uu cagta soo marayay islamarkaana uu uga warbixiyay guulaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay ciidamada dowladda KMG in ay sii wadaan howlgalka ay magaalada Muqdisho uga saarayaan xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Hadalkaani ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG ee ku aadan in mudo 90 maalin gudahood ah ay ku soo afjarayaan Xarakada Al Shabaab ayaa imaanaya xili todobaadkii tagay ay dhamaatay mudo 100 maalin ah oo horay xukuumada KMG u sheegtay in ay wax uga qabaneyso amni darida ka jira Muqdisho, iyadoo walina natiijo buuxda aysan dowladu ka gaarin dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.
-
Muqdisho(Allpuntland)- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo oo wareeysi siiyey Idacada ku hadasha Afka Dowladda KMG ayaa sheegay in ay mudo Seddex Bil gudaheeda ku soo afjari doonaan dagaalada ay kula jiraan Dowladda KMG. Ra'iisul Wsaaraaha ayaa sheegay in howgalada ay wadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay si habsami leh ku socdaan, waxa uuna sheegay in kooxaha dalka ku soo duulay ay dib ugu laaban doonaan dalalkii ay ka yimaadeen marka dagaalda looga adkaako. "Seddex Bilood gudahooda ayaa lagu soo afjarayaa khawaarijta Al Shabaab howlgalka ka dhanka ah, ragaani dalka ku soo duulay oo qaswadayaalka ah dib ayey ugu laaban doonaa meelahii ay ka soo baxsadeen" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Faramaajo ayaa sheegay in kulankii Golaha Amaanka ee uu ka qeyb galay uu ka sheegay horumarka 100ka maalmood ay ku qabtay Xukuumada KMG. Waxa uu sheegay in Golaha amaanka uu u sheegay in dhaqaalaha Dowladda KMG soo gala uu saro u kacay ka dib markii masuq maasuqa lala dagaalamay islamarkaana dhamaan shaqaalaha hey'adaha Dowladda iyo ciidamada qalabka sida si toos ah mushaaraadkooda ay u qaataan, waxaa kale uu sheegay in markii ugu horeesay mudo 20 sano ka dib ah xukuumadiisa ay meel marisay miisaaniyad. Waxaa kale uu sheegay in Golaha Amaanka uu u gudbiyey in horumarka dagaalada ay ka gaartay xukuumada Mudadad 100ka maalmood ah ee uu sheegay in degaano ka tirsan Muqdisho iyo Gobolada Koonfur Galbeed ay kula wareegeen. Ra'iisul Wasaare farmaajo ayaa mudo 11 cisho ah waxa uu ka maqnaa dalka isagoona shalay ku soo laabta, waxa uuna tagay intii uu dalka ka maqnaa dalka mareeykanka ee uu uga soo qeyb galay shirkii Golaha Amaanka ee QM oo Soomaaliya looga hadlay iyo sidoo kale dalka Imaaraadka Carabta ee uu madax kula soo kulmay. Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.
-
Lool haha brother xaaji this support of yours is really taking you into uncharted waters .....
-
Wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya oo sheegay in la isku raacay in la kordhiyo ciidamada AMISOM Axad, 20 Maarso, 2011 (HOL) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga DKMG ah ee Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo dalka Itoobiya uga qaybgalya shir looga hadlay xaaladda ammaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay ballanqaadeen inay ciidamo ku biriinayaan AMISOM. "Shirka oo ay kasoo qaybgaleen dhowr dal ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM, waxaana illaa iyo hadda hubnaa inay ciidammo ka imaanayaan dalalka Jabuuti, Gini iyo Sierra-Leone," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo saxaafadda ugu warramayay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo kasoo baxay Itoobiya. Wasiirku wuxuu sheegay in dalka Sierra-Leone uu balllanqaaday inuu sida ugu dhaqsiyo badan hal guuto oo ciidamadooda ka tirsan uu geynayo Soomaaliya si ay howlgalka AMISOM qayb uga noqdaan. Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo tiradoodu gaarayso 9,000-askari ayaa wuxuu ururka Midowga Afrika codsaday in la gaarsiiyo tiradooda 12,000-askari, waxaana shirkan lagu go’aamiyay in la dhameystiro tiradaas. Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Itoobiya uu kulammo looga hadlay xaaladda Soomaaliya la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka difaaca, wasiir u dowlaha arrimaha dibadda iyo taliayah ciidamada. Mas’uul u hadlay dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu gadcan ka geysto xaslinta Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday inay ciidamo u dirayaan iyo in kale, balse wuxuu sheegay in tallaabo ay qaadaan ay ku xiran tahay ogolaasho ay ka helaan Midowga Afrika. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Xukuumada Somalia oo bilowday in qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha ay tababaro ugu qaado dalka dibadiisa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradiisa iyo Dowladda KMG ah oo bilowday sidii ay shaqaalaheeda kor ugu qaadi lahayd aqoontooda, isla markaana dalka ay ka dhoofeen shaqaale tababaro ku soo qaadanaya dalka Sieraleone. Waxa uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Dowladda KMG ah in maalinimadii shalay ay Muqdisho ka dhoofeen in ka badan toban ruux oo ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, iyagoona u ambabaxay dalka Sieraleone halkaasi oo ay ku qaadan doonaan tababaro la xariira maamulka xafiisyada dowladda. Agaasime Dhagaxtuur in shaqaalaha Dowladda ee wadanka Sieraleone uga bilowdeen tababaro socanaya muddo 14-maalmood ah, isagoona intaasi raaciyay in shaqaalahaasi qaarkood ay ka socdaan Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka. "Tababarada shaqaalaha Hay'adaha Dowladda KMG ah waxaa keenay burburka dalka gaaray oo sababay in qaabkii shaqo iyo sharciyadii howlaha maamulka sii lumaya" ayuu yiri Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo dhinaca kale sheegay inay jiraan shaqaale kale oo iyana tababaro kor loogu qaadayo howlahooda ugu ambabixi doona dalka dibadiisa, kuwaasi oo iyaguna marka ay dalka ku soo laabtaan uga faa'iideysan doona waxyaabihii ay soo barteen. Wasaaradaha Dowladda KMG ah ee iyagu la soo baxay dardar iyo firfircoonida howl karnimada dowliga ah ayaa Guddiga Qaranka shaqaalaha rayidka ah waxay qireen in Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ay tahay mida koowaad ee xilligan adag uu ka muuqdo mid ka soo dhalaaleysa doorkeeda, iyadoo noqotay Wasaaradda kaliya ee uu dhaqdhaqaaq dowladeed ka jiro. Agaasimaha Wasaaradaasi Md. Dhagaxtuur waxa uu sharaxaad ka bixiyay qorsheyaasha lagu horumarinayo howlihii ay Wasaaradda u heysay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in markii ugu horeysay uu dib u soo celinayo dhammaanba shuruucdii iyo nidaamkii Wasaaradaasi ku howlgeli jirtay si dib loogu soo celiyo howlahooda oo uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.
-
This report lacks logic, if as we know al-shabaab was in control of dhoobley from the start how can it be taken "over" by them again? Truth is they are being pushed out as we post to the tune of new kids on the block " step by step oo baby"!!
-
By Hiiraan staff writer Sunday, March 20, 2011 A fierce fighting between the troops of the Somali army and the Alshabab has broken out in the Somali border town of Dhobley in the early hours of Sunday morning. Reliable reports from the area say that forces loyal to the Transitional Federal Governemt of Somalia, who have recently been stationed along the Kenyan-Somali border, have launched a surprise attack on the bases of the Alshabab in and around Dhobley town, with the fighting said to be one of the heaviest in many months. The residents of the town are said to be fleeing in different dircetions in droves due to the intensity of the fighting in which heavy weapons have been deployed by both sides. There are also reports that the fighting is getting close to the centre of town after the Alshabab forces have been pushed and routed from the outskirts of Dhobley District. It is difficult to know the exact number of casualties of the fighting owing to the ferocity of the battle and both sides are reticent on the fighting between them in Dhobley Town, Lower Jubba region of Somalia. This comes at a time the Alshabab withdrew from Dhiif town about a 120 km from Dhobley on the Kenyan Somali border late yesterday afternoon after the Raaskaambooni group, which is loyal to Sheikh Ahmed Madobe whose forces are allied with those of the Somali Government, took over the town from them. Unconfirmed reports reaching the Hiiraan online News Desk indicate that the Somali Government forces have wrested much of Dhobley town from Alshabab control. Any further developments on this news will be made available to you as we get it.
-
its a dangerous and slippery slope.
-
Good, good the arrogance of power. Keep up the good work xx,africaown,aboker et al, you do not know how well you are playing into peoples hands .
-
Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in doorashada Madaxweynaha ay ka dhacayso Magaalada Muqdisho Jimco, 18 Maarso, 2011 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka dhacayso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya magaalada Muqdisho, ayna socoto qabanqaabadii magacaabidda guddigii diyaarin lahaa doorashadaas. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu saxaafadda u akhriyay shalay gallinkii dambe guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Cawad Axmed Casharo ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynuhu ay dhacayso inta ayan dhammaan bisha Ogoosto ee sannadkan. "Waxaa socda magacaabidda guddigii diyaarin lahaa doorashada madaxweynaha oo ay ka mid noqonayaa xubno ka socda Midowga Afrika," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay inay doorashada madaxweynaha goobjoog ka noqon doonaan xubno ka socda IGAD, Qarammada Midoobay, Ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan ururrrada ay Soomaaliya xubnaha ka tahay. Xildhibaan Cawad ayaa sheegay in doorashadan ay noqonayso middii ugu horreysay oo dalka gudihiisa ka dhacda tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaiya, wuxuuna xusay in murashaxiinta codsiyadooda ay u gudbin doonaan guddiga la dhisayo. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xilligeedu wuxuu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo baarlamaanka uu muddo saddex sano ah ku kororsaday muddada uu sii shaqeynayo, inkastoo madaxweynuhu uu diiday in xilli kororsi uu si iskiis ah u sameysto baarlamaanka. Baarlamaanka ayaa arrintan kusoo beegmay iyadoo dowladdu ay ka taliso in yar oo ka tirsan Muqdisho, halka xoogagga kasoo horjeeda ay ka taliyaan inta badan caasimadda iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Qarammada Midoobay ayaa go'aanka uu baarlamaanku u kororsaday muddada ku tilmaantay mid aan sax ahayn, iyadoo ka codsatay guddoonka sare ee baarlamaanka inay dib ugu laabtaan go'aankaas. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
maxa cusub? This agreements did not stand up to independent auditing, there was no "forcing" going on about it, and if you read your article you would have realised that even the TFG parliament scrapped the agreement reached by the TFG itself with saracen. A case of independent oversight doing its job. What independent oversight was their to determine the legality and morality of letting go a convicted pornographer in the triangle? was their even a murmur?
-
oba hiloowlow;703161 wrote: lool maadey, duqoowdada waa random cid ay matalaan ma jirto lol almiino dadka oo la yaqaan ee miisanka culus leh maxaa uu afduuban weeyseen wax ay ahaan laheed Hahaha
-
Quote un-quote: Ugu dambeyntii dhalinta reer Albaraka NBC iyo Black Sea waxa ay quudareynayaan in ay mar un arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqeyneysa dibna u soo cellisa Sharcigii, Xassilooniddii iyo kala dambeyntii dadka ay ku wada noolaan jireen.
-
Hotel Albaraka daartii Bankiga NBC ilaa Isgoyska Black Sea waxaa xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, seddexdan xaafadood waxa ay soo mareen marxalado kala duwan laga soo bilaabo xilligii dowladdii kacaanka ilaa waqti xaadirkan, waxay ahaayeen xaafadihii ugu bulshada badnaa uguna ciriiriga badnaa laakin waxay kaalintaasi ku waayeen kadib markii Itoobiyaanka soo galay magaalada Muqdisho. aniga ka qoraa ahaan waa xaafaddii aan ku soo barbaaray kuna soo dhigtey dugsi qur'aankeyga, markaan arkey sawiradan waxaa igu soo istaagay ilmo. waayo seddexdan xaafadood waxa ay ahaayeen kuwa aad u camiran, laakin taasi waxay ku waayeen markii Itoobiyaanka soo galay magaalada Muqdisho oo waxay ka mid noqdeen safafkii hore oo ay ka dhaceen dagaaladdii u dhaxeeyay ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxihii ka soo horjeeday joogitaankooda. Muddo haatan laga joogo 6sano xaafadahan waxay ahaayeen kuwo xasiloon kana muuqanayeen bilicdii ay lahaayeen laakin wax walba hadda wey isbadaleen oo waxaa hadda ka muuqda raadadkii iyo burburkii foosha xumaa oo ay ku reebeen dagaaladdii u dhaxeeyay ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxihii kasoo horjeeday joogitaankooda. kalliya maahan xaafadaha uu saameeyay dagaaladaasi waxaa la qaba xaafadaha magaalada Muqdisho. Goobaha caanka ah ee uu galaaftay dagaalka ee katirsan seddex xaafadood waxaa ka mid ah Hoteelkii Albaraka, Daartiii NBC Dukaankii weynaa ee Farayare goobihii ganacsiga ee ku yaalay isgoyska Black Sea iyo dhismayaal kale oo ku yaalay xaafadahaasi oo ay lahaayeen dad magac ku leh xaafadahaasi. Ruux Damiir wadanimo ku jiro markii uu daawado sawiradan ee uu ii soo direy saaxiibkey Maxamed Cabdullahi Cabdulle(Xiish) waxaan ku eegey il murugo ka muuqato sida ay noqdeen xaafadahaasi sida ay u yaalaan iyo waxyeelada argagaxa leh ee soo gaaray, wax dhaqdhaqaaq oo xagga nolosha ah kama jiraan hadda xaafadahaasi socodka dadkana waa mid aad u yar oo teel teel ah, gaadiidna haba sheegin, sida ay noqdeen dhismayaashii bilicdasanaa ee halkaasi ku yaalay waa wax uurkutaalo iyo naxdin kugu reebaaya muuqaal aan indhaha loo cellin karin iyo tacadigii loo geystey xaafadahaasi iyo bilicdii ay lahaayeen. Goobaha qaar marka aad u fiirsato waa cidlo waxa uu ii sheegey saaxiibkey Xiish in waxa kalliya ee aad maqleyso marka aad mareyso goobahaasi waa codka Shimbiraha iyo cayayaano kale oo kala duwan oo iyagu u kala duulaaya daaqadaha dhismayaasha burburay ee halkaasi ku yaala. Inkastoo uusan jirin ganacsigii baahsanaa ee xaafadahaasi ay caanka ku ahaayeen ayaa haddana waxaa jira goobo cayiman oo walli furan. Adeegyada daruuriga ah ee laga helli karo waxaa ka mid ah biyo koronto waqti kooban ah oo ay bixiyaan shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay. Goobihii Waaweynaa ee dadka ku madadaalan jireen sida Shaneemooyinkii ay ka mid ahaayeen Qodxaaley iyo NBC ayaa guudahaanba ku baaba'ay dagaaladii sokeeye waxaana qaarkood ay noqdeen kuwa qashin qub ah. Dadkii degenaa xaafadahaasi waxa ay ahaayeen dad aad nabadda u jecel, waxayna ahaayeen dad inta badan ka gaabsada Siyaasada, Dhalinta xaafadahaasi deganaa waxa ay ahaayeen kuwa aad u xiiseeya Sport-ga kana madaxbanaan qabiilka iyo wax walba oo burbur keeni karay. Ugu dambeyntii dhalinta reer Albaraka NBC iyo Black Sea waxa ay quudareynayaan in ay mar un arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqeyneysa dibna u soo cellisa Sharcigii, Xassilooniddii iyo kala dambeyntii dadka ay ku wada noolaan jireen. BY: Abdifatah Mohamed Abdurahman(biyonde) E-mail: biyoonde8@hotmail.com Sawir qaade: Maxamed Cabdullahi Cabdulle(xiish) oo ku sugan Xaafadda NBC
-
Somali Transitional Parliament speaker, Sharif Hassan Sheikh Aden said on Thursday presidential elections would take a place inside Mogadishu before the end of August. "There will be a committee that organizes presidential elections before August this year including African Union, International Observers, IGAD (Intergovernmental Authority on Development), United Nations and International community," the speaker said in a statement read by Head of parliamentary committee of information affairs, Lawmaker Awad Ahmed Ashara in a Press Conference. The statement says the government's mandate is planned to expire in August this year and the lawmakers will elect speaker and deputy speaker before the mandate expires. Somali Members of Parliament voted last month to extend their mandate three more years, but Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has called for a review of the extension, while the parliament speaker has said they won't reverse the decision. Also the international community condemned the extension but Lawmaker Ashara described their decision as deplorable. "Somali lawmakers have the right to extend their own mandate, and the international community and other nations can't boycott the parliament's decision," Aden said in the statement. Somalia hasn't had a functioning central administration since 1991, when clan militias overthrown Siad Barre's Adiministration.
-
Xubno ka tirsan maamul goboleed dhowaan loog dhawaaqay Nairobi oo xalay ku hoyday xabsi ku yaala degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu suna waljameeca ee degmadaasi maamula ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan maamul goboleed la magac baxay Somalia Central State oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Warka ayaa intaa ku daray in xubnaha la xirxiray oo tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn ay shalay gelinkii dambe gaareen gaari ku gaareen degmada Caabudwaaq ka dib markii dayuurad ka keentay magaalada Nairobi ay ku dejisay garoonka dayuuradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Ma jiro faahfaahin badan oo ka soo baxday maamulka Culumaa’udiinka ahlu suna ee degmada Caabudwaq hase ahaatee saraakiil ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ay dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqa xubnahan tan iyo markii ay ka soo degeen garoonka dayuuradaha Gaalkacyo ayna jiraan xubno kale oo soo galay deegaano kale oo hoos taga maamulka ahlu suna kuwaasoo ay sheegeen iney gacanta ay ku dhigi doonaan xabsigana loo taxaabi doono. Xubnaha la xirxiray ayaa madax ka ah maamul loogu magac daray Somalia Central State oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana maamul goboleedkaasi xubnaha ka tirsan ay sheegteen in deegaanada ay metelaan ay ku jiraan kuwo ay hadda maamulaan ahlu suna oo ku yaala gobolada dhexe taasoo ka careysiisay maamulka ahlu suna ee hadda ka jira gobolada dhexe qaarkood.
-
Wararka ka imaanaya Degmada Caabud-waaq ayaa sheegaya in maamulka ahlu-sunah waljameecah ee deegaanadaasi maamula ay shalay xabsiga u taxaabeen Sadex Mas’uul oo dhawaan Dibadda ka yimid kuwaa oo doonayay in ay halkaasi kaga dhawaaqaan Maamul Goboled la Magac baxay SOMALI CENTARAL STATE. Mahad Qaliif Rooble madaxa arimaha Bulshada ahlu suna ee deegaankaasi ayaa sheegay in ragaasi ay horay ugu digeen inaysan imaan Karin goobha ay gacanta ku hayaan Xoogaga ahlu suna kuwaa oo ka dhaga adeygay isla markaana diyaariyay dad ay u galiyeen funaanado ay ku qoran yihiin SOMALI CENTARAL STATE. “Maamul goboleedkaasi waa qorshe ay ka dambeeyaan qawaarijta oo awood aan u sheeganay waxayna bilaabeen dagaal dhinaca Siyaasada ah ragana iyagaa soo abaabulay horayna waan uga dignay waxayna ka yimideen dibadda,sharciga ayaana lagu fulinayaa”Ayuu yiri SH.mahad Qaliif. Ragan Xabsiga loo taxabay ayaa ka mid ahaa Xubno uu hogaaminayay Afhayeenka Qaarada Yurub ee ahlu suna OWLIYO oo dhawaan kasoo degay waqooyiga Magaalada Gaal-kacyo balse lama oga inuu wax ka og yahay qorshaha magacaabista maamul-goboleedka cusub ee la doonayo in laga hirgeliyo gobolada dhexe. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088
-
Quote un-quote Mr. Farmaajo wuxuu sheegay in beesha caalamku ay diideen oo ka horyimaadeen muddo kordhista uu Baarlamaanka Soomaaliya sameystay, waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in la dhameeyo muddada KMG, isla markaasna la qabto doorashooyinka lagu soo doorto Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumaddiisu ay wado qorshihii arrimahaasi lagu hirgelin lahaa sidoo kalena ay wadatashiyo kala sameyn doonto talaabooyinka la qaadayo xilliga kala guurka. Sidoo kale Ra’isul wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la dooran doono ay shaqeynayaan oo keliya hal sano, wuxuuna intaasi ku daray in Xukuumaddiisu ay howsha sii wadeyso. That would be brilliant, an experienced Technocrat or Military man not involved with the last 20 years of somali gutter politics, and a consensus builder as Speaker of the parliament, to complement the most competent and technocratic government Somalia can have at the moment. The only disadvantage according to 4.5 only some people should bother running for these posts
-
RW Farmaajo oo la weydiiyey inuu ka mid noqon doono musharaxiinta doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa yiri.. Ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadda ku sugan magaalada Abu-Dhabi ee dalka Isu tagga Immaaradka Carabta ayaa ka hadlay safarkiisii Mareykanka, xilliga kala guurka iyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho. Ra'isul wasaare Farmaajo oo ka hadlayey safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Maraykanka ee uu kaga qeybgalay kulankii gaarka ahaa ee looga hadlayey xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamku ay xukuumaddiisa u balanqaaday taageero ku aadan dagaallada ay kula jirto kooxaha ka soo horjeeda dowladdiisa. Ra'isul wasaare Farmaajo oo la weydiiyay innuu hakad ku yimid dagaaladii ay ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu socdo, isla markaasna ay Xukuumaddiisu guulo ka gaartay dagaalka sida uu yiri. Mr. Farmaajo wuxuu sheegay in beesha caalamku ay diideen oo ka horyimaadeen muddo kordhista uu Baarlamaanka Soomaaliya sameystay, waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in la dhameeyo muddada KMG, isla markaasna la qabto doorashooyinka lagu soo doorto Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumaddiisu ay wado qorshihii arrimahaasi lagu hirgelin lahaa sidoo kalena ay wadatashiyo kala sameyn doonto talaabooyinka la qaadayo xilliga kala guurka. Sidoo kale Ra’isul wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la dooran doono ay shaqeynayaan oo keliya hal sano, wuxuuna intaasi ku daray in Xukuumaddiisu ay howsha sii wadeyso, iyadoo mar la weydiiyey inuu ka mid noqon doono musharixiinta isu soo taagaya madaxtinimada Soomaaliya, Farmaajo wuxuu cadeeyay inaanu isagu diyaar u ahayn isla markaasna dooneyn inuu ka mid noqdo musharixiinta madaxtinimada ka qeybgeli doona haddii doorashooyinka la qabto, wuxuuna xusay in isaga ay u taallo howl culus sida uu yiri, taas oo ay ka mid tahay amniga iyo arrimo kale. Sidoo kale mar la weydiiyey sida uu u arko mas’uuliyiin Soomaali ah oo u tagay dalka Itoobiya inay u tartamaan jagada Madaxweynenimada Somaaliya iyo doorka ay Itoobiya ku leedahay siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay, Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka caalamka iyo kuwa aan deriska nahay, ninka Soomaaliya xil ka rabana waa inuu dadka Soomaaliyeed weydiistaa, waayo iyagaa bixin kara, Itoobiyana sida dalalka kale ayaa xiriir loola yeelan karaa ee wax kale nagama dhaxeeyaan.
-
Wasiirka Macdanta iyo biyaha oo ka dalbaday ha'yadaha ka shaqeeya biyaha iyo shidaalka ay is-diiwaangeliyaan Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) – Wasiirka wasaaradda macdanta, biyaha iyo shidaalka DKMG ah ee Soomaaliya C/risaaq Sheekh Muxyadiin oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ha'yadaha ka shaqeeya shidaalka, biyaha iyo macdanta inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda. "Dhammaan hay'adaha ka shaqeeya biyaha, shidaalka iyo macdanta waxaan ku wargelinaynaa inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda si loola socdo howlaha ay qabtaan," ayuu yiri Mudane C/risaaq Sheekh oo ay hareerihiisa taagnaayeen ku xigeenkiisa iyo agaasimayaasha wasaradda. Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in hay'adaha howshan ku lugta leh ay ka qaataan wasaaraddiisa aqoonsi ay ku shaqeeyaan, isagoo xusay in hay'addii la arko iyadoo shaqeynaysa aqoonsi la'aan laga qaadi doono tallaabo sharci ah. "Garoonka diyaaradaha waxaan geyn doonnaa shaqaalaheenna qaarkood si ay u baaraan dhagaxda, macdanta iyo ciidda dibadda loogu qaado in lasoo baaro ama ganacsi ahaanta loo dhoofinayo," ayuu wasiirku ku sheegay shirkiisa jaraa'id. Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu ay wixii maanta ka dambeeya dar-dargelin doonto howlaheeda, iyadoo horay uu wasiir ku xigeenku uga dalbaday hay'adaha ka shaqeeya biyaha inay dalka isaga baxaan, inkastoo uu dib uga laabtay go'aankaas. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Vicoious little liar mooge. RW Farmaajo oo la weydiiyey inuu ka mid noqon doono musharaxiinta doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa yiri.. Ra’isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadda ku sugan magaalada Abu-Dhabi ee dalka Isu tagga Immaaradka Carabta ayaa ka hadlay safarkiisii Mareykanka, xilliga kala guurka iyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho. Ra'isul wasaare Farmaajo oo ka hadlayey safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Maraykanka ee uu kaga qeybgalay kulankii gaarka ahaa ee looga hadlayey xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamku ay xukuumaddiisa u balanqaaday taageero ku aadan dagaallada ay kula jirto kooxaha ka soo horjeeda dowladdiisa. Ra'isul wasaare Farmaajo oo la weydiiyay innuu hakad ku yimid dagaaladii ay ka wadeen magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu socdo, isla markaasna ay Xukuumaddiisu guulo ka gaartay dagaalka sida uu yiri. Mr. Farmaajo wuxuu sheegay in beesha caalamku ay diideen oo ka horyimaadeen muddo kordhista uu Baarlamaanka Soomaaliya sameystay, waxayna taas badalkeeda soo jeediyeen in la dhameeyo muddada KMG, isla markaasna la qabto doorashooyinka lagu soo doorto Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan oo cusub, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumaddiisu ay wado qorshihii arrimahaasi lagu hirgelin lahaa sidoo kalena ay wadatashiyo kala sameyn doonto talaabooyinka la qaadayo xilliga kala guurka. Sidoo kale Ra’isul wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee la dooran doono ay shaqeynayaan oo keliya hal sano, wuxuuna intaasi ku daray in Xukuumaddiisu ay howsha sii wadeyso, iyadoo mar la weydiiyey inuu ka mid noqon doono musharixiinta isu soo taagaya madaxtinimada Soomaaliya, Farmaajo wuxuu cadeeyay inaanu isagu diyaar u ahayn isla markaasna dooneyn inuu ka mid noqdo musharixiinta madaxtinimada ka qeybgeli doona haddii doorashooyinka la qabto, wuxuuna xusay in isaga ay u taallo howl culus sida uu yiri, taas oo ay ka mid tahay amniga iyo arrimo kale. Sidoo kale mar la weydiiyey sida uu u arko mas’uuliyiin Soomaali ah oo u tagay dalka Itoobiya inay u tartamaan jagada Madaxweynenimada Somaaliya iyo doorka ay Itoobiya ku leedahay siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay, Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka caalamka iyo kuwa aan deriska nahay, ninka Soomaaliya xil ka rabana waa inuu dadka Soomaaliyeed weydiistaa, waayo iyagaa bixin kara, Itoobiyana sida dalalka kale ayaa xiriir loola yeelan karaa ee wax kale nagama dhaxeeyaan.
-
Warsaxaafeed shirka golaha Wasiirada 17.03.2011 Warsaxaafeed 17.03.2011--------Waxaa maanta shirkiisii caadiga ahaa isugu yimid golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KM ah ee Soomaaliya waxaana shirkaasi guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar. Kolkii uu furmay shirka ka dib wuxuu gudoomiyuhu ka codsaday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay golaha warbixin ka siiyaan xaalada Amniga heerka ay mareyso oo ay si wanaagsan golaha ugu cadeeyeen qorshayaasha socda ee Amniga iyo Difaaca. Warbixintaasi ka dib golaha Wasiiradu waxa uu shir gudoomiyaha oo ah wasiirka arimaha Dibadda golaha u soo jeediyay saddex murashax oo midkood loo magacaabo agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda asaga oo golaha u faahfaahiyay Taariikh nololeedkooda, heerka Waxbarashadooda iyo khibradooda. Intaa ka dib wuxuu gudoomiyaha shirka Mudane Oomaar soo jeediyay in loo codeeyo Mudane Dr. Cismaan Maxamed Aadan in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda arintaas oo goluhu isku raacay magacaabidda mas’uulkaas. Golaha Wasiiradda wuxuu kaloo dood dheer ka yeeshay arimaha Dastuurka oo ay Wasaaradda Arimaha Dastuurka Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta qorsha ay u soo jeedisay oo ay saddexda bilood ee socda ay ku howlgaleyso. Xafiiska afhayeenka xukuumada Mudane Cabdi Xaaji Gobdon media@opm.gov.so Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mobile: +252-615536608 +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia
-
Samafal;702753 wrote: If you guys think this is good thing then think again. What this is a land annexation by clans and each clan is racing to lay a claim on certain towns and villages before the rest and this triggers other clans to also lay a claim on same piece of land. There's no real negotiation, no reconciliation and no compromise. Any one who knows anything about Somalia especially the south wil tell you that there's no one single region that are dominated by one clan but are shared between alot of clans. I can't understand why all the clans can not get together and come up with more viable states rather than each day seeing a small town with presidents, partliment and minsters. Puntland and Somaliland modal is a good example of grass roots, bottom up nation building whereby clans negotiated, compromised and reconciled to put their differences aside for graeter good. But this other modal will bring more disintegration and unnecessary conflict in the future. Allah Yaclam Excellent points...this is the wrong way of doing things, while the intentions are good and positive, the unilateral implementation of federalism has got to stop, most of the so called regions and states are economically unviable such as Central state of Somalia, or just simple hallucination such as Waax iyo Waadi and this new "gobol" of Cowl, or they simply overlap such as Hiiraan state and the State of Hiiraan, or waax iyo waadi iyo udub land iyo benadiir state. As samafal said the solution is a structured inclusive process of state making, with an eye towards economic viability and inclusiveness, other wise the process will degenerate from a lofty promise of economic and political decentralization, to a mockery and a latently dangerous status quo on the ground.