Member-sol-
Nomads-
Content Count
345 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Member-sol-
-
At the end of the day, it's clear whose orders the ethiopian army will obey.
-
Meles Zanawi oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamadiisa Somaliya kana dayriyey joogitaankiisa. By Somalimirror on 21 Sep, 2008 10:00 AM in Main, Wararka Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Meles sanawi oo ay ciidamo tiro badani ka joogaan dalka soomaaliya ayaa iftiimiyey ina aanu ciidamadiisa si fudud ugala bixi doonin Dalka Soomaaliya, Meles Zanawi oo waraysi dheer oo dhinac yo badan ku saabsan siiyay wargeyska Eithopian Herald ee ka soo baxa Addis Ababa, waxa uu sheegay in aanay dawlada Kumeel gaadhka ee C/hi Yuusuf cidla kaga dhaqaaqi doonin, ciidamadaydiisuna ay u joogaan Soomaaliya laba hawlood oo muhiim ah, hawsha hore oo ah in lala halgamo xag jirayaasha kuwaasoo khatar ku haya Itoobiya kuna dhawaaqay Jihaad ka dhan ah, hawshaas ciidankaygu waxay ka gaadheen guulo badan. Wuxuuna intaas raacay hawsha labaad waxa weeyaan in aanu taageerno dawlada Somaliya si loo hubiyo nabada iyo deganaansho ka hirgala wadanka Somaliya, waxaana intaas dheer ciidanka Itoobiya waxay dhabarka saareen masuuliyad ah sidii nabad waarta looga gaadhi lahaa Itoobiya iyo weliba Geeska Afrika, taasoo lagu gaadhay in laf dhabarta laga jebiyo xoogagii Dulmiga waday ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye. “Keli kumaanu ahayn in aanu dhabarka ka jebino Xagjirayaasha hase yeeshee waxaanu la kaashanay xulafadayada waxaana ka mid ahaa dawladda ku meel gaadhka ah, kumana odhan karno dawlada soomaaliya nabadeey -(Nabadgelyo) Anaga oo ciidanka kaga tegeyna ilaa iyo inta ay isku filaanayaan si ay u xaliyaan dhibaatooyinkooda. arintani maha oo keliya arin ku saabsan damiirkayga waxayse fariin khaldan u diraysaa xulufadayada kale kuwaasoo noo qaadan kara in aanaan ahayn xulafo u qalanta mustaqbalka, sidaas darteed waa in aanu taageernaa intii awoodayada ah”. Meles zanawi waxa uu ku dooday hay’adda ugu wayn caalamka ay ka dalbadeen in aanu ciidamadiisa kala bixin Somaliya , hay’adaha caalamka sida midowga Afrika iyo dadka somaliyeed ayaa noo taageeray si niyad sami ah, gaar ahaan taageerda aanu ka helay M, Afrika waa mid aan la dhayal san Karin Qaramada Midoobay iyo M, Afrika waxay noo sheegeen inaan si deg deg ah ugala bixin ciidamadayda Somaliya , arintaas oo khatar gelin karta amaanka Somaliya iyo Dadkeeda waxa kale oo ay naga codsadeen in aanu joogno ilaa inta loosoo dirayo ciidamo nabad ilaalineed iskama dhego tiri karno codsigaas nooga yimi Midowga Afrika sadexda arimood ayaanu ilaa hadda u joognaa Somaliya. Meles, waxa uu qiray in aan joogitaanka ciidamasii oo keliya aanu keeni Karin xal waara, “ joogitaankayga Somaliya ma keeni karo natiijooyinkii looga baahnaa mana rumaysnai in aanu dagaalku yahay xalka keliya, Waxaanuse leenahay sadex qorshe ka koowaad, xal siyaasadeed oo laga gaadho gudaha iyo debeda Somaliya, gudaha somaliya waxaan u jeedaa xalinta muranka qabaa’ilka ee gudaha dalka Somaliya, waxay shir ku yeesheen muqdisho si ay u xaliyaan arimahaas, taasoo ah xal lagu dejin karo dhibaatada magaalada muqdisho . Dhinaca kale waxaa jiray Jihaadiiyiintii ku jiray midowgii maxakamadaha iyo weliba kooxo naftod hurayaal ah oo Ajnebi ah, kuwaasoo khatar gelin kara Amniga geeska Afrika. Qorshaha labaad oo ah in la dhiso dawlada Somaliyeed , markii aanu faragelinay Somaliya may lahayn dawladasi ciidan boolis iyo ciidan shacbiya , mana jirin Hay;ad sharciyeed oo cashuurta qaada waxa cashuurta urursan jirey qaswadayaasha sidaas darted waxaanu dhisnay ciidankii Somaliyeed, Booliskii iyo hay’adoo cashuur ururinta ayuu yidhi Meles sanawi. Qorshahiisa sadexaad waa in aanu cadaadis saarno bulshada caalamka si ay u taageerto ga’aankii Midowga Afrika, lana wareegto masuuliayadda nabadaynta Somaliya iyad oo loo marayo qaramada midoobay. Sadexdaas qorshe ayaanu ka gaadhnay natiijooyin kala duwan. Tusaale ahaan Dib u heshiisiinta Muqdisho waa mid dhiiri gelin leh halka ay ka fashilantay tii Kismaanyo maruu ka hadlayey Meles Shirka dib u heshiisiinta ee u socda dawlada ku meelgaadhka ah iyo garabka mid ah isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya waxa uu yidhi “dhinaca dib u heshiisiinta ee debeda Somaliya uga socota dhawr kooxood oo ka soo go’ay Alshabaab ayaa la bilaabay wada hadalo nabadeed Dawlada ku meel gaadhka ah, kuwaasoo saxeexay wareegii hore ee heshiiska arintani dhab ahaantii waa guul arinta ku saabsan dib u dhiska Dawlada ku meelgadhka ah, waxaanu tilmaamay tiro boolis iyo Mileteri ah kuwaasoo sii xoogaysanaya si talaabo talaabo ah, laakiin ma odhankaro arintaasi waxay ku socotaa xawligii loo bahnaa”. Mar uu ka hadlayey waqtiga uu ciidamadiisa kala soo bixi doono gudaha Somaliya wuxuu yidhi “ Ta ku saabsan xiliga ay ciidamada itoobiya ka soo bixi doonaan gudaha Somaliya ugu horayn waa in anu seefta marinaa jihaadka ka dhanka ah Itoobiya ee lagu dhawaaqay, waxaanan taas ku dhamaynay sadextodobaad. sababta aanu Somaliya u joogno ka dib markii aanu hawlgalkaa dhamaynay waa in aanu damaanad qaadno nabad waarta oo Somaliya iyo Gobolkaba ka dhalata. joogitaanka halkaasi maha waajib waanu la soo bixi karnaa ciidamada yada markasta oo aanu doono oo waxaanu sal dhigyo ka samaysan doonaa Xuduudka si aanu isu ilaalino, laakiin sidaan mar hore sheegay waxaanu galnay dhawr balamood waxaanuna ma suul ka nahay Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, iyo dadka Somaliyeed, waxaanuna qiimayn doonaa faa’iidada qasaaraha ay leedahay in Somaliya si joogta ah la joogaayi. Go’aanka yaga ku saabsan ka bixitaankuna wuxuu ku salaysanaan doonaa qiimayntaas, ma dejin karo Go’aan kama danbays ah oo kedis ah hadda” Hadalkan ayaa ka soo yeedhay Ra’iisal wasaaraha Maamulka Itoobiya Mels Zanawi waqti ay ciidamadiisu jab kala kulmeen gudaha Somaliya xoogaga ka sooo horjeeda, Laguna soo ururiyey dhawr xarumod oo ka mida magaalada muqdisho, halka dhinaca kale ay kooxaha mujaahidiintu gacanta ku dhigeen inta badan gobolada Somaliya oo ka mid tahay Magaalada dekeda ah ee Kismaanyo. www.somalimirror.com
-
Maansada Danmooge waxay soo baxday 05/09/2008 oo ku aaddan 5tii bisha Ramadaan, sanadka 1429 ee Hijriyada. Maansadu waa digniin iyo waano ku socota, kooxo iyo shaqsiyaad howl ka dhigtay in ay si xishood darri ah xilalal iyo xoolo uga dhexbaarbaaraan, xinjiraha shacbiga ay cadowyadu isku soo xulufeysteen, xasuuqa ba’anna lagu hayo. Kooxahani, waxay sheeganayaan oo ay isku ekeysiinayaan: Siyaasiyiin, aqoonyahanno ilbax ah, ganacsato, gargaarayaal, warbaahiyeyaal, culimo-diineed, hoggaan-dhaqameed iwm. Waxay ku doodayaan in ay u danleeyihiin badbaadada umaddaan musiibadu ku habsatay. Laakiin, dhab ahaan kooxahaan damac-xumidu waashay, arrinkoodu waa mid sidaas wax badan oo badan ka duwan. Waa kuwo aan laheyn qalbi damqada iyo damiir xishooda. Diintii, dadkii iyo dalkiina waxay siisteen dufan yar oo lagu dulleystay. Waxaan Alle weyne ka baryaynaa inuu nagu garabgalo halganka aan ugu jirno difaaca diinteenna iyo jiritaankeenna, nagana guuleeyo cadowyada shisheeye ee isku soo ciidamiyay iyo calooshooda-u-shaqeysteyaasha sokeeye ee lagu adeegto . Waxaanan Rabbi weydiisaneynaa inuu nagu hanuuniyo dariiqa aan adduun iyo aakhiraba ku badbaadi karno. Maansada Danmooge waxay ku bilaabaneysaa: Danmooge Danmooge Danmooge Dannaa wax halleeyee Dardaarwerinteyda Dalqamid iyo sheeko Dacaayad ha moodin Inaan duro ruuxna Digasho uma jeedo How qaadan dabuubtu Qiimaad ka dudeyso Iney dahab joogto Dersigu lacag maahee Dulucda hadalkeyga Daqiiqad dhageyso Dulqaadna u yeelo. Danmooge Danmooge Daneyste addoonkii Duqowshaha baahan Dhallaan dubanaaye Hooyooyin la dooxay Duruucda ka siibte Dabbaabad cabbeysan Diyaarado miiga Danabka ololaaya Nacab aan dubnaxeynin Markuu ku duqeeyuu Ehelkii dabargooyo Siduu darajoobay Qabuuro degmoobay Dabbaaldeg korkooda Dunuub uga tookhe Damiirxumihiiyow Inaad tahay daallin Naftiis u darraadoo Dakane aan hareynin Deyn ay kula taallo Ku daabaco buugga. Danmooge danmooge Dambiilo walwaale Umadda darxumootoo Colaad dabadheer ah Diihaal iyo gaajo Daacuunka fidaaya Diiftoodu ku raagtay Bukaanka ****olan Dariiqyada meydka Hareeraha daadsan Asoon damqaneynin Sidii qof dalxiis ah Intuu filim duubto Ku raadsade doollar Deeqdii la yaboohee Darteed lagu keenay Iney danyar gaarto Haddaad ka duweysood Qasriyaad ku dakeyso Daar weyn ka sameysoo Ku diirso is leeday Habaarku ma daahee Nabsiga degdegaaya Inuu dubbihiisu Dhawaan ku dakhraayo Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Xaaraanta ku diilme Daqiiqda hallowday Cuntooyin dikhoobay Dawooyin la tuuray Alaab wada duug ah Daas geerida iibshoo Dukaan magacii leh Ku soo daldalaaye Duunyadii la dhaqaayay Duurjoogtadi howdka Doollina ma hambeeyoo Doonyaha ku cabbeeye Daaqii iyo cowska Dhirtii dambaseeye Daruuriga quudka Dalagga bi’inaaye Daroogana beeroo Dhulkii sun ku duuge Damalku harsanaayay Abooryahow diirtay Haddaad doqonkiiyow Maatida dacdarreysan Qasnado dif ka siisoo Ku doogso is leeday Inaad dab tacbeyso Dambaaburo naara Oo aad holac daacsan Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Diraaledireynta Digada hurinteeda Durbaanka colaadda Dig siinti ku noole Walaal diriraaya Dhiiggooda dullaaloo Duullaan u riyaaqe Duruusta naceybka Intii damman jaahil Dabaadi u meershe Duumoo idil faafshe Dabeylo wax qaada Duufaanta Sumaani Haddaad dalbaneysood Dabaashood jeclaatay Duqsaad la itaal tee Markuu hir dillaami Doxorow ku dharbaaxo Inaad ***** leedood Sidii dogob geed ah Fitnada ku dhex daadi Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Diktoornimo sheegte Mid deel aan aqoonnin Damiinkuna dhaame Inuu wax dabiiboo Dhibaatada dayro Daryeel ma haweyste Daashkuu ku barbaaray Waayeelka daciifee Duruuftu ku haysoo Dhankiisa dayaaya Wuxuu taro daaye Dedkii aqalkiisa Derinta uu ku jiifoo Darfaha ka dhamaatay Daasadda mirirkaa iyo Go’iisa dafaaye Degaanno shisheeye Markaad laba deyrood Doolaalo ku raagto Dameerta sideedii Darmaanno la daaqdoo Dirkeedi ka faantay Haddaad kuba dooddo Inaad tahay doorsan Diirkaada saluugto Diintaada dhaliisho Adeys deldelaayee Da’aadda gabowga Kolkaad doqoshowdoo Adoo dalanbaabyi Darbiyo cuskaneyso Markuu dibjir qooqan Intuu ku darbeeyoo Yiraa kugu daalnee Hadmaad dib u laaban? Dawanka dhawaqiisa Dayaca wehel kuu ah Dayowgiyo ciilka Dugsiimo la’aanta Dareenka xusuusta Ilmaad dibiq siiso Ku daafici meysee Dabbaalnimadaadu Iney ku dileysood Dugaag isku loogtay ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Dushaa sare Muumin Duceysan jilaaye Direys culumoodle Hoostana dibindaabyo Duul kale u adeegga Jihaad docwareenka Dariishad banneyta Siraha dusintooda Guureynta ma daaye Markuu digsi soora Diinnaarro u jeedo Dhareerku ka daate Dorraatiyo dhaartii Dastuurka ma dhowre Dibnaha dhaqdhaqaaqa Inaad digrineysood Quraanka dareerin Xadiisyo daliishan Kii daacad u haysta Haddaad ku dabeysood Shacbiga ku dageyso Inuu Daa’in weyne Ku daalacanaayo Malaa’ig diyaar ah Iney dambigaada Diiwaanno ku keydin Ku daabaco buugga. Danmooge Danmooge Haddaan damacaadu Qalbiga daxaleynin Dhagaha lagu daarin Aragga dam la siinnood Dardaaran maqleyso Adoon waxba doobbin Bilaash digdigleynin Damoo bal su’aashan Jawaabna u doone Daaquudyadii jaanee Duqyaanka xaddhaafay Markuu duminaayay Dunida iney uumeen Darkood Rabbi sheegtay Xaggee u dambeysay? Danmooge Danmooge Qofkii dufan raacoo Xishood dabra waayaa Doofaar wax ma dhaamee Kuwii la dulleystee Dalkoodii khiyaamee Gumeysi dagaaga Uu daabbad ka yeeshay Duudkana ka raraayoo Si loo dallacsiiyo Da’dii ay dhaleeniyo Xitaa dumarkoodii Diyaafad u dhiibay Dayuusyadii waashoo Dacayga lagu jiidaa Ka dhaawacay daanka Xaggee u dambeysay? Danmooge Danmooge Dowdaryow la kireystoo Dalqadu ambineyso Ilaahey daraaddii Waan kuu digayaaye Adoon damdamleynin amaan dibguryaynin Intaan dadab iilka Duuduub lagu seexin Kuwii ku dufeeyiyo Shaydaanka wax duufsha Daraandarintoodu Waa dhaan Dabagaallee Ibleysyada dayri Dheh diiday shirqoolka Dirqinta ha ka yeelin Samaanna ka dooroo Dad waa khaldamaaye Dowgaad ku habowday Intaad dib u eegto Dalboo cafis raadso Khalqiga inta duusha Diinkiyo mid gurguurta Allaha dabbaraayee Darkii raxmaddiisa Nooluhu ka durduurtoo Degaan omosoobay Daruur barakeysan Xareed ka da’eysa Durdurro ku waraabshoo Durbaba ubax yaabloo Daa'uusku dhexjiifo Ka soo bixin doogga Docdiisa u jeeso Daahiri nafsaddaada Dadaalna la kaalay. ----------------------------- Maxamed C. Cibaar
-
Mogadishu: 4000 New troops enter capital after training
Member-sol- replied to General Duke's topic in Politics
When has ethiopia's tigree militia become TFG soldiers? Those thieves Robb people everyday in the streets of Mogadishu and set up illegal road blocks. Every time they claim to do a security sweep, they steal money and merchandise. Those bandits should be rehabilitated before they are allowed to join with society. ---Darowallada gaadiidka ka hawlgala qeybo kamid ah Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhaqaaqay shaqo joojin ay kaga cabanayaan lacago lagu kordhiyay iyo dhac loogeysanayo dadka gaadiidka raaca. Gaadiidleydani oo ka hawlgala Isgoyska Hawlwadaag illaa Xamar weyne iyo kuwa ka shaqeeya KM4, Xamar weyne illaa iyo sanca ayaa maanta joojiyay hawlahoodii shaqo taasi oo ay uga cabanayaan dhibaatooyin ay sheegeen in ay u geysanayaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxayna sheegeen wadeyaashasi gaadiidka in Ciidamada ay ka qaadayaan lacago fara badan taasi oo aysan awoodin islamarkaasina ay u sii dheertahay dhac, jirdil iyo baarasho loo geysanayo dadka rakaabka ah taasina ay maanta ku qasabtay in gabi ahaanba ay shaqadoodii joojiyaan isla markaasina ay dhigaan banaanbax ka dhan ah Ciidamada dowladda. Gawaarida BL-ka ayaa maanta la isugu geynayay xarunta Iskaashatada gaadiidka ee Gobolka Banaadir oo kutaalla Degmada Xamar weyne waxaana halkaasi isugu soo baxay gaadiidley aad u fara badan iyadoo gaarigii la arko in uu rakaab wado lagu qasbayay in uu gaadiidka rakaabka kadaadiyo hadii kalena la dhagaxyeynayo. Mid kamid ah wadeyaasha gaadiidkaasi ayaa shabelle u sheegay in wadada looga qaado Marka ay kasoo baxaan Maanabooliyo 10-kun Sh.So, Isgoyska Jubba 10-kun Sh.So. Jiirada Maxamed Dheere gurigiisa kudhaw 4-kun Sh.So, Barxadda Yaasiin 4-kun Sh.So. Jiirada Ceelgaab Saakay horey 5-kun waxyar kadibna 10-kun Sh.So. Isgoyska Dabka 10-kun Sh.So, KM4 10-kun Sh.So, wuxuuna intaasi ku daray darowalkaasi in lacagta ay dadka ka qaadaan iyo kuwa wadada looga qaato ay badatay kuwa wadada ay Ciidamda dowladda uga qaataan taasina ay sababtay in shidaalkii deen uu ku noqdo iyaguna aysan waxba helin gawaaridana ay sidaasi iskaga dhigeen. Sidoo kale waxa ay sheegen darowallada in dadka gaadiidkooda saaran qaarkood lagala dego gaariga marka laga soo dejinayana lagu yiraahdo “Waan ku naqaanaa” inta ay meel gooni ah la aadaan ayayna kasoo qaatan Mobil iyo laca waxa uu qofkaasi heysto. Gaadiidleyda ayaa guddi ay maanta iska dhexdoorteen waxa ay aadeen xarunta Maamulka Gobolka Banaadir halkaasi oo ay cabashadooda u gudbiyeen guddoomiyaha Cusub ee Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir iyadoo duhurnimadii maantana gawaari dhif ah ay dib u hawlbilaabeen. Horey ayaa afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska oo lagu magacaabo C/llaahi Xasan Bariise waxa uu wax kamajiraan ku tilmaamay dhibaatooyinka dadka shacabka ay ka sheeganayaan Ciidanka iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay isa soo tareyso qeybo dhaanta kasoo yeereysa shacabka taasi oo illaa iyo iminka aanay jirin cid wax ka qabatay. Shebelle Media Network - Source of Somalia News -
Mogadishu airport open for business, TFG takes taxes
Member-sol- replied to General Duke's topic in Politics
He considers those "alshabaabs" in kismaayo as part of the locals. Soon those "locals" will head towards baidoa and mogadishu. -
Ciidamada dowladda Federaalka oo laban laabay dhaca ay ka geysanayaan qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Posted: 9/12/2008 3:23:00 PM Shebelle: MUQDISHO Askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay laban laabeen dhaca ay u geysanayaan dadka rayidka ah. Falalkan dhaca ah ee kusoo badanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa geesanaya Ciidamada Dowladda kMG ah ee Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Militariga iyadoo Ciidamada ay laba jibaareen dhaca baaxadda weyn ay shacabka Gobolka Banaadir kudhaqan u geysanayaan. Dhacani ay geysanayaan ayaa waxaa si weyn looga dareemay Dhammaan gudaha magaalada Muqdisho, Isgoyska dabka ayaa shalay iyo maanta waxaa kajira dhac baahsan oo loo geysanayo gawaarida xamuulka ah ee wada raashiinka Mucaawinada ah waxaana saakay boob ay u geysteen gaadiid wada Mucaawino kaasi oo gabi ahaanba la boobay dhammaan wixii uu siday xiligii ay boobka geysanayeenna waxa ay fureen tacshiirad xoogan oo qal qal ku abuurtay dadkii xilligaasi halkaa marayay sida uu shabelle u xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka. Waxa uu sheegay ninkaasi u waramay shabelle in dadka saakay loo baaranayay si safmareen ah isla markaasina gawaarida Mucaawinada sida wixii saarnaa oo idil ay ciidamadu raranayeen. Sidoo kale waxa ay dhac u geysteen gawaarida BL-ka ee wadada Makka Almukarrama ka shaqeeya ee aada Suuqa Bakaaraha taasi oo gabi ahaanba dadkii saarnaa wax waliba oo ay wateen ay Ciidamada dowladda ka qaadanayeen waxayna si gaar ah dadka ugu baaranayeen halka loo yaqaano iskuulka dhagaxtuur ama Barxadda Hodan. Qeybo kamid ah degmada Dayniile iyo wadada dheer ee isku xirta wasaaraddii hore ee gaashaandhiga iyo isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa waxaa kajira falal isugu jira dhac iyo arrimo kale oo shacabka loo geysanayo ayna geysanayaan Ciidamada dowladda ee kusugan xerooyinka shiirkole iyo Guulwadeyaasha waxaana gudaha ay u galaan xaafadaha raadeerka ee Degamda Dayniile waxayna gacanta sii marsiiyaan gaadiidka BL-ka ee halkaasi ka hawlgala sida uu shabelle u sheegay mid kamid ah dhalinyarada xaafaddaasi degan. Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay dhac ka wadaan Xaafadda Nasteexo, Macmacaanka, Suuq Boocle iyo tabakaaya madow oo si safmareen ah ay halkaasi dhac uga geystaan. Maalintii shalay ayaa haweenka khudaarta ku iibiya Suuqa Degmada Xamar weyne waxaa laga qaatay guud ahaan lacagihii ay maalintaasi oo idil ay shaqeeyaan kadib markii suuqaasi ay galeen Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale dhac iyo boob xoogan ay u geystaan dukaamada iyo goobaha ganacsi ee kuyaalla Degmada Xamar weyne. Sida muuqata Ciidamada ayaa u soo shaqa taga shacabka danta yar ee kudhaqan Gudaha Magaalada Muqdisho xoolahooda xilli sicir barar baahsan uu kajira Guud ahaan dalka gaar ahaan Gobolkan Banaadir oo dad aad u fara badan ay ka barakaceen halka inta kale ee joogtana dhibaatooyin kala duwan ay la daalaa dhacayaan.
-
http://cosmos.bcst.yahoo.com/up/player/popup/?rn=3906861&cl=9694503&ch=4226716&src=news
-
http://cosmos.bcst.yahoo.com/up/player/popup/?rn=3906861&cl=9694503&ch=4226716&src=news
-
Guddoomiyaha Bardaale oo sheegay inuu la shaqeyn doono Islaamiyiinta. By Somalimirror on 8 Sep, 2008 12:43 PM in Main, Wararka Xilli uu Baydhabo ku suganyahay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale ee Gobolka Bay Yoonis Macalin Maxamed “Yoonis Cali Dareen” ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in wixii maanta ka bilowda uu ka mid yahay xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG iyo Joogitaan ciidamada Gumeysiga Itoobiyaanka gudaha Dalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bardaale Yoonis Macalin Maxamed oo hadalkaasi ku lifaaqay ka dib markii uu arkay Xaquusa Ciidamada Gumeysiga itoobiyaanka iyo kuwa dowladda KMG ay u geysteen shacabka ku dhaqan Degmada Bardaale ee Gobolka Bay ka tirsan. Sababtana ku micneeyay in uu sii kordhay xaquusa ciidamada Gumeysiga itoobiyaanka iyo kuwa la shaqeeya ay ula kacayaan Dadka Rayid ka ah oo aan waxba galabsan, taasina ay keentay in uu islaamiyiinta la shaqeeyo wixii maanta ka bilowda uuna ka tirsan yahay. Guddoomiyaha waxa uu kale uu cambaareeyay Xasuuqii maalmo ka hor ay ka geesteen ciidamada Gumeysiga Degmada Bardaale uuna ku tilmaamay Yoonis Cali Dareen mid si aad ah looga xumaado. Si kastaba ha`ahaatee, hadalkani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli mas`uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Bay qaarkood ay sheegeen in ay ku biireen xoogaga ka soo horjeeda DFKMG ah iyo joogitaanka ciidamada Gumeyisga Gudaha Dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Lamana oga saameynta arimahaani ay ku yeelan doonto howlaha shaqo ee Maamulka ka Arimaha Gobolka Bay.
-
TFG and one Ethiopian officers surrender to somali forces
Member-sol- replied to Hassan6734's topic in Politics
Here are some pictures http://qaadisiya.com/view.php?id=1267 -
Wanla-Weyn: Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Wanla Weyn 6. September 2008 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email Print This Article | Daabaco warkaan Wanla-Weyn(AllPuntland-Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo xalay gaaray degmada Wanla Weyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa la wareegay gacan ku heynta degmadaasi, iyadoo halkaasina ay ka fuliyeen howlgalo ay kula dagaalamayaan burcadda. Wax iska caabin ah oo ay la kulmeen Ururka Al-Shabaab ma jirto, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka oo degmadaasi ka howlgeli jiray, kuwaasi oo ay kala direen Al-Shabaab markii ay la wareegeen gacan ku heynta Wanla Weyn. Warku wuxuu intaa ku darayaa in maxaabiistii ku jirtay xabsiga magaalada la kala diray isla markaana la joojiyay howlihii canshuur qaadista ee maamulka degmada wadeen, iyadoo aan la ogeyn halkii ay ku danbeeyeen maamulkii degmada Wanla Weyn. Ururka Al-Shabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay kordhiyay howlgalada ay kaga soo horjeedaan Dowladda Federaalka iyo ciidamada Afrika ee gacanta siinaya Dowladda Federaalka, iyadoo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Sh/Dhexe ay ku sugan yihiin halka Gobolada Bay iyo Bakool qaar ka mid ah degmooyinka ay maamulaan. C.M.Cali AllPuntland
-
A True Story of an ****** Woman August 7th, 2008 By Saafi Labafidhin The following is a real story of an ******i woman. She is only one of the many unfortunate women in this region and if Victor Hugo of the nineteenth century was present in the ****** right now he would have written dozens, perhaps hundreds of Les Miserables about them! It is about 01:30 pm local time and it is an unusually windy day in a dusty and dry village in one of ******s remotest areas. The temperature seems unforgivingly higher and the sun appears to have moved closer to the earth. The dry season has persisted longer than expected but people never give up looking at the barren sky; day in day out they pray for clouds of hope, clouds of rain. People and animals, and all other living things are competing for survival. Most importantly they are competing for scarce water and shade. Under an old acacia tree, lies a woman in her late fifties on a worn out mattress. She is a woman with a miserable life but with strong faith in God and that is why her smile is full of life and she repeats Alhamdulillaah. I Thank You Allah. Ardo used to lead a normal nomadic life in one of the remotest and driest areas in the ******. She had a large family consisting of 13 children and husband. They were not rich but compared to their community they were well off for they had a large number of camel herds and about hundred and fifty shoats and the children would at normal times consume milk at least two times a day. As a mother of more than a dozen of children, she had a busy life from taking care of the children, looking after some herds, managing the economy of the household, traveling long distances to the nearest town to sell animal products and buy needed items etc. She is well known in her locality by her hard work and strong sprit that keeps her rolling like a storm. All in al,l she was the engine of her large family. Throughout her life, Ardo had came across many sad days as she struggled to make ends meet in the troubled land of ****** but none was as darker as the day she woke up without being able to see things! It was typical Jiilaal day where the violent temperature could be felt early in the morning. One night, she just came back from the nearby town where she sold two of her best goats to cope with the unforgiving dry season at which time survival of human beings is the biggest objective of every pastoralist in the area. After a long and tiresome journey by foot, she fell asleep late at that night after serving food to her family who depends on her for almost everything. Apart from the fatigue she remembers she had a severe headache which resembles migrin and locally known as Dhanjaf. Imagine if you suddenly wake up without your sense of sight! She could not believe her eyes! Shocked by the incident, she tried to verify that she is awake and not dreaming. She rubbed and rubbed her eyes with her fingers, she tried to reach and touch and feel things that were surrounding her. Yes she could feel things and hear the noise of the livestock just outside her traditional house –aqal Soomaali. But still she could not SEE!!! After all her efforts were dashed by an undeniable fact, that she became blind, it was finally time to seek help. She called the names of some of her children. Her eldest daughter was the first to arrive at her mother´s side. When she learned what happened to her mother she could not help stop crying for the whole day. Indeed this was the saddest day on earth for the whole family. Her younger brother knew that something had to be done to save his mother´s sight. The first possible and less costly thing they would try was to call someone who could heal their beloved mother traditionally, but this proved to no avail. Sooner it was obvious that Ardo had to be checked by an eye specialist doctor. The nearest hospital in the area lies in Godey, about 450 km from their vicinity and even if they can reach there, the Hospital is the best example of the extreme underdevelopment in the region as it lacks even the most basic equipment and supplies, it has no surgical ward or surgeon. People arriving in critical need of surgery are therefore unlikely to survive. In the Hospital, there is only one doctor –himself being medical practitioner –and no eye care center. By the way there is no a single Ophthalmology center in the whole ****** Region (or Somali Region –whatever you call it) and those who can afford the costs travel either to Dire Dawa or to neighboring Somalia for ophthalmologic and other treatments. After some preparations Ardo and her family decided that she should travel to Dire Dawa where she had a sister whom she could rely on when traveling for medication. So her only hope was to contact her sister so that her sister could arrange accommodation and doctor appointments. Despite droughts and poor livestock market prices, they were forced to sell the best of her shoats and some camels to get enough cash for the costly journey and treatment. Two of her children followed her to Dire Dawa. Finally it was time to meet an Ophthalmologist but unfortunately, it was too late to help Ardo!!! After a long investigation the doctor finally informed Ardo through an interpreter that nothing could be done to restore her sight because the optic nerves of both eyes were dead!!! The only thing Ardo could say was Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raaji´uun –We belong to Allah, and to Him we return. Though her sister promised her to care for her, Ardo decided to go back to her isolated and remote home, yes nothing like home. Since she lost her sight Ardo´s life was complicated by insecurity and vulnerability. As if this was not enough, Ardo´s tragedy was to continue as those who would help her were themselves victims of natural and man made disasters. The last time she heard about her man was when he was imprisoned with four other men for an unknown reason and since then no one knows if he is alive or not! The eldest of her boys was arrested by Puntland army in Gaalkacyo and handed him over to the Ethiopian Army in Wardheer. Also his whereabouts is unknown to her. The second boy who was attending education in Jigjiga is now mentally ill and because of this he is chained by relatives in fear of harming himself or others. The only Mental Hospital is Amanuel Hospital in Addis Ababa –more than a thousand km distance. The latest and perhaps the worst tragedy Ardo heard is that of her daughter (who was the most helpful to her) who has passed away because of pregnancy complications, like her younger sister, when she was about to give birth to her third child. Her smile and content would make you think as if she is the happiest being in this universe in spite of losing the most important things in life: her sight, her family, her wealth (livestock) etc. This is just a summary of the story but one thing is clear: There are thousand like her in the ****** whose lives could have been saved by a simple clinic or health post. However, TPLF’s war against civilians, economic blockade, expulsion of NGOs, lack of Basic health and other infrastructure facilities, recurrent droughts, media black-out, etc complicate the fate of ******i ordinary people like Ardo. - - - - - - - - The writer can be reached at labafidhin@yahoo.com
-
Kismayu updates: a popular uprising + other notes
Member-sol- replied to General Duke's topic in Politics
Sh. Xassan yacquub making clear they received no help from "local militia" as claimed by Duke and Co. http://www.voanews.com/mediaassets/somali/2008_08/Audio/mp3/yacqub.mp3 -
Kismayu updates: a popular uprising + other notes
Member-sol- replied to General Duke's topic in Politics
Kismaayo shareecada islaamka ayaa lagu xukumi, diyaraad qaad wadey wa tii dhashiika lagu ganay Mida kale xoggaga qabsaday kismaayo kuma ekaanyaan kismaayo ee waxey uu sii gudbi meelo kale (baidoa imho), mog, etc This was not a local uprising like Duke and co try to portray but fighters from the same islamic groups that are fighting the TFG in mogadishu. -
Uncertainty as Somalia’s Kismayo port falls to Islamists
Member-sol- replied to Koora-Tuunshe's topic in Politics
You are day dreaming my friend if you think the shabaab will simply hand over control of kismaayo over to Yeey and his thugs. almost all of the islamic groups on the ground have already rejected the Djbouti accord, and sh. sharif actually condemned the fighting in kismaayo. -
Kumanaan dadwayne reer Kismaayo ah oo kasoo qayb galay Muxaadaro qiimo badan oo beerta Xoriyadda uu ka jeediyay Sheekh Abu Mansuur Sabti 22 Shacbaan 1429 =23/08/2008 -------------------------------------------------------------------------------- Muxaadarada oo dhinacyo badan taabanasay ugu horayn sheekhu wuxuu ugu mahad celiyay dhammaan dadwaynaha reer Kismaayo oo si wayn uga qayb qaatay dagaaladii looga saaray magaalada Ashahaado la dirirkii uu hogaaminayay Barre Hiiraale. Sheekha ayaa sidoo kale reer kismaayo u caddeeyay in Mujaahidiinta Al-shabaab aanay beel gaara la daalamin isla markaana aanu jirin qabiil ka horyimid Mujaahidiinta, waxa ay la dagaalameena ay ahaayeen rag daalimiin ah oo is hortaagay dhaqan galinta shareecada Islaamka. Abuu Mansuur wuxuu sheegay in hadafka Mujaahidiinta Al-shabaab aanu ahayn in magaalada ay maamul dibadda uga keenaan, laakiin laga rabo reer Kismaayo in ay iyagu samaystaan maamul shareecadana ay isku xukumaan. Muxaadarada sheekha ayaa aad usoo jiidatay dadwaynihii dhagaysanayay Muxaadarada, waxaanay aad u danaynaynayeen dadwaynuhu inay ogaadaan Hadafka iyo ujeedada rasmiga ah ee Mujaahidiinta, waxana goobta ay ka tageen iyagoo aad u faraxsan.
-
I don't know whether this was poetry or not, enjoy watching.
-
Kismayo fallen and Huuraale run on a donkey as usual
Member-sol- replied to Emperor's topic in Politics
it's almost amazing how this is being made to appear some kind of a clan conflict by some members here, although the men leading the fight are far above it. sh abu muslim oo ka hadlaya furitaankii kismaayo. http://www.fileflyer.com/view/066ABBk anas albanaadiri http://www.fileflyer.com/view/r15isB9 wareysiyada waxa laga sii daayey qolka addacwah -
Kismayo fallen and Huuraale run on a donkey as usual
Member-sol- replied to Emperor's topic in Politics
The truth is the people who took control of the city, are the same men that attacked the presidential palace, and set up IDs for YEEY whenever ha drives from the airport to Villa somalia. [news report also say they have taken control of an intersection in baidoa] If today you are saying words such as these mr. emperor, then you prove all of us right, that all along your support for the TFG was for clan reasons, and that if the opposition simply replaced their leaders with ones from your tribe, you would cheer behind them. Illaahey Xaqqa ha ku tuso. -
Kismayo fallen and Huuraale run on a donkey as usual
Member-sol- replied to Emperor's topic in Politics
The people who took the city comprise of all the tribes that leave in kismaayo, people should stop trying to make it seem as if a whole tribe was evicted. The elders from the city where already in negotiations for handing over the city to the opposition, it's just that certain fellas wouldn't accept it. -
Alle ninku hadalkiisu qalafsana oo qaab darana. "Ethiopia danta soomaaliya ayada garanaysa" Would any sane somalian ever think of saying those words? even if he is protected and helped by ethiopia(puppet), he doesn't have the intelligence to articulate his statements cleverly without being so open. Each time he opens his mouth something unexpectedly comes out.
-
Civilians 'butchered' at mosque, market in Somalia
Member-sol- replied to Member-sol-'s topic in Politics
Usheega Sheekh Shariif! " Diinkeyga anigaan ku gadan dabaqii Naareede.! WQ Y Baynax "Niman yohow Damiinimada waa lagu duloobaaye dadku wuxuu jecleystaa waxaan dux ka raaceyne dagaalka nasaarada anaa daalib ku ahaaye dalka malahid anaa ku iri dooro weynaha e daliilkii nabiga anaa doonayoo heleye anaa diidey maantuu lahaa, deeqan iga hooye Diinkeyga anigaan ku gaden, dabaqi naareede…" Al Mujaahid Sayid Mohamed Abdulle Hassan Marka laga soo tago Axmed Gurey, Sayid Maxamed Abdulle Hassan, Saliid, Luuq, Helooye iwm , dadaalkii dheeraa ee loo galey in Somalia ay gasho gacanta xoriyadda iyo xukunka shareecada, halgankaas kiisii u danbeeyey wuxuu ahaa kii kacdoonka shacabka Soomaliyeed ee gar wadeenka ka ahaayeen Maxkamadaha lagu diirsadey. Hadaba halgankaas Ilaahey noogama tagin ee waa na imtixaamey, dadkaana lagu kala saarey sidii sunaha aheyd kownkan. Qaarbaa xabsiyadaa loo dhigey, qaarna madaxnimo iyo aduunyaa la hor dhigey, qaarna si kalaa dabcan loo imtixaaney, marka laga reebo inta shahaadada qaadatey Ilaah ha ka aqbalee, Hadaba Ilaahey ninkuu sugay waa sugay qaarbaa Markey xabsiyada kasoo baxeen xaga kala kasoo jeestey, qaarbaa jaajusnimo iyo iney halganka lugaha gooyaan u qalab qaatey, hadaba maxkamadahaan dugsaneyney labadii hogaan ee ugu sareeyay, Ilaah waa ka badbaadiyay diyaaradihii lagu gaaraacayay markay joogeen Jubooyinka ee ujeedadad aheyd in mar lala helo madaxa maxakamadaha gantaalahaas sida Xafiduhulaah SH Hassan Dahir iyo Sh shariif , oo ahaa labadii hogaan ee u sareeyay. Hadaba halkaas markaan soo gaarney waxaa ilaah barakeeyay dadaalka mujaahidiinta Soomaaliyeed, waxaa Ilaah wiiqey cadowgii Soomaaliyeed, waxaa rucbi iyo kala orod ku dhacay maqaarsaarkii ka ganacsanayay dhiiga Soomaliyeed ee dowlad ku sheegta. Waxaa Ilaah nooga xoreeyay guud ahaanba dhulkii Soomaaliyeed intisii badneyd cadowga Soomaliyeed marka laga reebo gudaha magaalada Beydhabo iyo laba xaafadood oo muqdisho ah. Intaa markii la marayay ayaa imtixaankii mar labaad soo noqdey oo nalagu dayay in dahab iyo dinaar iyo madaxtinimo iyo aduunyo nala horkeeno oo dhaafsano hadafkii iyo dhiigii mujaahidka Soomaliyeed. Waxaan ogaadey xigmada Rabi in mar labaad nakala miirayo Ilaahey ha nagu daree kuwa sawabkiisa. Sujuud ayaan la dhacay Ilaahey ugu xamdinayo islamrkaana Ilaahey ka baryay inuu I sugo markaan shaashada ka daawadey ragii dhiiga Muslimiinta cabayay iyo ragaan ka fileyn iney wax wadaagi karaan ayaan is weydiyayay, malaha inaan riyoonayo iyo in kale ee ragas maahan ragii. Waxaan ogaadey inaan riyooneynin ee sax tahay ee dahabkii iyo diinaarkii iyo madaxtinimo ay gashey meeshaas, hadaba waxaan jecleystey inaan Sh Shariif u sheego iney raga uu fadhiga uga kacayo ee salaanta kal iyo laabta dhax mareyso xasuusiyo waxay yihiin ee u sheega Sh Shariif. U sheega Sh Shariif raga boga aad isa saarsaareysaan sow maahan ragii ka ganacsanayay dhiiga Soomaliyeed, sow maahan ragii laayay culimadii iyo wax garadkii, sow maahan ragii daadiyay dhiigbadan oo mujaahidiinta Soomaliyeed , sow maahan ragii ashahaado la dirirka sow maahan ragii aduunyada ka qeylisey (warlords next door), sow maahan ragaan maxkamadaha u diyaarineyney, sow maahan ragii hooyada soomaliyeed ilmada ka qubey, sow maahan ragii ogoomeeyey sabiga Soomaliyeed, sow maahan ragii kaa ganacsanayay, sow maahan ragii surey Muqdisha calankii Tigreega, sow maahan ragii garwadeenka ka ah isticmaarkii Soomaliyeed. Alow na sug!!! U sheega Sh Shariif. Sanadkii 1912 markii Sayid Maxamed loo sheegey in Ingiriisku rabo waanwaan iyo heshiis la dhigto Sayidka iyo daraawiishta ayaa wadaadadii qaarkood ay heshiiskaas u riyaaqeen oo yiraahdeen waa banaantahay inaan gaalada xiriir la yeelano. Markaas ayuu Sayidku tiriyay gabaygan ay kamidka ahaayeen: Niman baa shareecada siroo gaalka saacidaye (maanta waa UN) Oo shalay safkii nagaga baxay, saymihii dhacaye Oo saarashada ferenjiga, saanjiguu xilane ... Oo sahwidey culimadii, sahal-mariikhowdey Saxariirkii aakhiro hadday, sax u ogaan weydo Saqiir iyo kabiir waa la geyn, saqara naareede Soon iyo salaad iyo sakada, sadaqadii iida Sawaab kama helaayaan waxay, camal sameysteene Saasna waxaa ugu wacan waa kufriga, saab lala leeyahay Saaxiibkaa wuxuu kugu furaa soohdintuu dego e Iyagaan kaa saahidin wallee, saamax baan jirine….. Sayid Mohamd Abdulle Hassan Waxaa qorey Yassin Baynax ali Qaahira, Masar -
Civilians 'butchered' at mosque, market in Somalia Story Highlights At least 11 civilians killed in fighting, attacks in Mogadishu Some killed preparing for prayers at the Abu Hureyra mosque Market vendors fled for their lives during barrage of shelling Islamic insurgents fighting Somali and Ethiopian soldiers for control MOGADISHU, Somalia (CNN) -- Heavy shelling struck Somalia's capital city on Thursday, leaving pools of blood around a neighborhood mosque, a devastated market and 11 civilians dead, according to witnesses and a local journalist. Many of the dead were preparing for prayers at the Abu Hureyra mosque, which was packed with worshippers, according to Sheikh Abdullahi Omar, whose leg was wounded by shrapnel. "Body parts of the worshippers are scattered all over," he said. Local photojournalist Hassan Ahmed Haji rushed to the the mosque after the apparent mortar shell blast and saw six bodies. He said it was a frightening scene. Mogadishu'smain market also came under attack, as vendors fled for their lives amid a continuous barrage of shelling that left five dead, witnesses told Haji. "Bakaraha market has turned into a human butcher house today," said Hawa Hamud Abdi, a meat trader who survived the attack. She said a mother and child were among those killed. She spoke as mortar shells and artillery fire rained down on the market. Clashes between Islamic insurgents and Somali and Ethiopian soldiers also raged around Suuqa Holaha, a neighborhood in northeast Mogadishu. Fighting also continued in Folarensa junction, an intersection near the presidential palace. Wounded civilians are pouring into Mogadishu's Madina Hospital, which is already struggling to cope with other war-wounded patients, a nurse said. The latest fighting comes after a major United Nations-brokered peace deal was signed in the neighboring country of Djibouti by Somalia's transitional government and an alliance of armed opposition forces. Somalia has been mired in chaos since 1991, when warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre and sparked brutal clan infighting. Somalia's transitional government is trying to maintain control of the capital, with the help of the better-equipped Ethiopian forces. The lawlessness has extended to the country's waters, where three international vessels were hijacked by suspected Somali pirates who are demanding "large ransoms," an International Maritime Bureau official told CNN. Ethiopia invaded Somalia in December 2006 to install the transitional government in Mogadishu after a decade and a half of near-anarchy. The invasion had the blessing of the United States, which accused Islamists of harboring fugitives from the al Qaeda terrorist movement. But the Ethiopian troops quickly became embroiled in an insurgency led by the Islamists. And as guerrilla attacks mounted, efforts to replace the Ethiopians with an African Union-led peacekeeping mission faltered. The conflict displaced hundreds of thousands of Somalis, further worsening a humanitarian crisis that dates back to the collapse of the country's last government in 1991. The situation has been exacerbated by drought, continual armed conflicts in central and southern Somalia, and high inflation on food and fuel prices. The peace agreement, signed on June 9 in Djibouti, calls for a cease-fire between Somalia's U.N.-backed transitional government and the Alliance for the Re-liberation of Somalia. If followed, it would pave the way for a withdrawal of Ethiopian troops. The agreement calls on the Alliance to disassociate itself from any armed groups still fighting the government and for all sides to allow "unhindered humanitarian access and assistance" to all Somalis. A joint committee led by U.N. officials will monitor the agreement's implementation. From Journalist Mohamed Adow Amiin
-
Yeey yihiin cidanka ka socdo isbahaysiga Djbouti ee lagu talo jiro in lagu biiriyo ********ta TFGda, si ay u wada sugaan waxa loogu yeero "amaanka"? I think any kind of this coalition will be attacked by the resistance and will be seen as an effort to strenghen the corrupt TFG. Sheekadii baa kuso cadaatay labada sharif iyo daneystayaasha la shaqeeya, inbadan waa la sheegay in nimankan eey daba ordayaan jagooyin. Allo amuuraha sahal. the full story ---- Isbahaysiga Garabka Djibouti & DFKMG oo Heshiis wada gaaray. By Somalimirror on 18 Aug, 2008 11:10 PM in Main, Wararka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Ergada Wada hadallada Jibouti ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jibouti ayaa shaaca ka qaaday xili uu caawa u waramayay Warbaahinta Muqdisho in ay iyaga iyo Wafdigii DFKMG ah isla gaareen Heshiis Hor dhac u ah Midka Sacuudiga ay wada gaareen ka dib markii ay lahaayeen gudiyo ay labada dhinac iska soo dhex xuleen 3 maalin kulamo isdaba joog ah. C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin:- 1) in ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya kaga baxaan xaafadaha iyo guryaha shacabka mudo 15 maalin gudahood isla markaana la dajiyo goobaha ay ka guuraan ciidamadaasi Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Isbahaysiga iyo DFKMG ah. 2) In si tartiib – tartiib ah ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya uga baxaan Dalka gudihiisa isla markaana lagu Badalo Ciidamo kala ah AMISOM, UN iyo qaar ka socda Dalalka Islaamka 3) In laga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa Qaran soomaaliyeed oo loo dhanyahay. 4) In Gar-gaar Bani aadamnimo lala gaaro dadka dhibaataysan iyada oo ay ka qeyb qaadanayaan arintaasi ciidamada AMISOM. 5) In Bisha soo socota ee September la isku soo noqdo si loo diyaariyo Dastuurka iyo sidii loo shaqeyn lahaa xaalada kala guurka. Mar la weydiiyay C/raxmaan C/shakuur goobaha ay ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka guurayaan cidda badalaysa ayaa waxa uu sheegay in ay Badalayaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada DFKMG ah iyo Isbahaysigooda Garabka Jibouti, isaga oo carabka ku dhuftay in ay qolo waliba hadda meel dagantahay isla markaana qoladaasi ay la wareegayso meelaha ay ciidamadaasi ka guuraan. C/raxmaan ayaa sidoo kale sheegay in Heshiiska caawa ay wada gaareen iyaga iyo DFKMG ah laga Tirinayo:- 1) Bixitaankii ciidamada Gumeysiga Itoobiya 120-kii bari ee loo qabtay. 2) Imaanshiyaha ciidamo Caalami ah. 3) Fulinta Heshiiska Jibouti. C/raxmaan C/shakuur warsame ayaa sidoo kale ku fasiray Heshiiskani mid farsamo oo kaliya. Sidoo kale C/raxmaan ayaa shaaca ka qaaday in ay Bil Bil kulamo gaar ahi kula yeelanayaan DFKMG ah magaalooyinka Nairobi, Jibouti iyo Dalka gudihiisa haddii ay suuro gasho. Dhinaca kale Axmed C/salaam oo u waramayay Idaacada Shabeele ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax qodob ah oo lagu heshiiyay oo la xiriira in ciidamada gumeyisga Itoobiya mudo 15 maalin ay uga guuraan xaafado iyo wax la mid ah. Axmed C/salaam ayaa sidoo kale sheegay in ay ugu muhiimsantahay waxyaabaha ay ku heshiiyeen in marka hore xabada la joojiyo ka dibna loo gudo galo fulinta qodobada kale ee heshiiskii Hore. Sidoo kale nin u hadlay Ururada Bulshada Rayidka oo magaciisa lagu soo gaabiyay “C/naasir” ayaa isagana sheegay in ay dhinacooda aad ugu farceen sida Cad ee ay labada dhinac u wada qaateen Barnaamijka iyo Heshiiska intaba. C/naasir ayaa sidoo kale Beeniyay in wax ka socda Ururada Bulshada Rayidka ah oo xubno laga siiyay Gudiga Siyaasada iyo Amaanka aysan jirin, isaga oo sheegay in iyagu lagu marti qaaday oo kaliya in ay goob joog ahaadaan isla markaana ay cadaadis saaraan ciddii ay wax ka socon waayaan oo kaliya. Heshiiskan ayaa la sheegayaa in uusan wali saxiixay Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaana lagu tilmaamay in uusan rasmi ahayn illaa uu isagu saxiixo. Ma Cadda illaa iyo hadda sida uu uga dhaqan gali karo heshiiskani Dalka Gudihiisa, wuxuuna ku soo beegmayaa iyada oo isla maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Jalalaqsi Heshiis ay wada gaareen Masuuliyiinta Maamulka Maxaakiimta ee gudaha kaas oo iskaga fogeeyeen Khilaafka u dhexeeya Masuuliyiinta Maxaakiimta ee ku kala sugan Eritrea iyo Jabuti. Isla markaana ay adkeynayaan heshiiskii Golaha Maxaakiimtu ku gaareen Dalka Sacna iyada oo lagu xalinayo khilaafaadkii dhacey. www.somalimirror.com ----
-
This is an all time low for the "peace caravaan" to be meeting with the biggest criminals in somalia, who should be brough to justice. (18-08-2008) Heshiis ayaa maanta lagu Saxiixay Dalka Jabuuti oo u Muuqda mid ay ku Qanacsanyihiin Xubnaha garabbka Jabuuti kaasi oo lagu magacaabau Xubno lagu sheegay Dib u Heshiisiinta iyo Amaanka oo aan la ogayn waxa ay qabanayaan. Shirakan oo socda Mudo 3-maalin ah ayaa waxaa lagu wadaa in la soo Gabagabeeyo maalinta bari ah waxaana heshiisku ahaa heshiis aan la ogayn sida uu noqon doono taasi oo ah in ay Xubnaha la magacaabay tagaan Muqdisho taasi oo macnaheedu yahay in ay ragaasi booqdaan Goobaha la isku hor fadhiyo. Waxaa ka mid ah Xubnaha la magaacabay ama ay Hor fariisanayaan Maamulka Jabuuti jooga ee uu Hogaamiyo Sheekh Shariif in ay yihiin rag ka gaystay Xasuuq Muqdisho iyo Soomaaliya oo Dhan taasi oo ay la yaabeen dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Reer Muqdisho. Isku soo duuboo Arintu ma sahlana in Janaqow oo Hogaamiyo ama la socda Darwiish iyo Cabdi Qeybdiid in aysan hor tagi karain ama ayasan tagi Karin Taliska ama Goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga wax iska Caabinta, Heshiiskani ayaa waxa uu qorayaa in Xubnaha la magacaabay ay Muqdisho imaanayaan oo ay Heshiis la galayaan ama Koontaroolayaan Goobaha la isku hor fadhiya taasi oo ah wax lala yaabay. ] [
-
Popular Contributors