Buuxo

Nomads
  • Content Count

    2,293
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Buuxo

  1. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    LOL no JB..no dirty mind here the opposite actually.I have been told about a story ..of some tourists that went to Hargeisa..Their tour guide spoke in english and one of the tourist was french and needed the english translated as well and consequently she would laugh at the jokes 5 mins later..so ninki somaliga got annoyed and said war tani 5 dhaqiiqo bey dambeysa...so i don't want to be 5 mins late as my fam tell me .so i ask you to explain now ..instead of me getting it 5mins later. Aaliyah, are those guys in for a surprise.Wasalam
  2. Ngonge...I got the smirk...you didnt need to edit..I was helping Ibti,ha igu dhirin. I was gonna say i would gladly go to that fat person to seek advice on healthy eating,they might have thyroid problems conseq Ibti has given many good advice on relationships..ask A & T
  3. ^LOL you wish JB. LOL@Sayidka,so if their shoes doesn't look good ...don't buy it.It is actually not a bad rule of thumb to follow. My mum change her GP recently and when she went to the clinic, it was smelling dusty and then she went into the Dr's treatment room and he didn't look well himself..so she ran away saying he needs dawo himself.
  4. ^LOL.be tolerant ya JB. GJ, how interesting....I hope inaad cagaha wax ka dheyday when they started recruiting.Laakiin You can see how ninkaan's action is understandable...bal maxaad suubin la heyd hadii reerkaaga oo dhan lagaala wareego.
  5. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    LOL oh ok.I thought in aan iskale uu fahmey.I hate laughing at something...5 minutes later.
  6. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    war maku fahmin,bal ii jilci hadalka...gacan saydh waa maxey?
  7. Ngonge, stop picking on Ibti.She has a phd in Relationships. It's doesn't matter if she hasn't got the experience. Are you saying a fat person with a degree in Nutrition can't dispense advice on eating healthy.
  8. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    ^Nin waalan. JB ,odeyga maxaa laga rabaa waa runtiis waa caado ragge?
  9. Nuune, lol i know .It was disclaimer. When i posted this topic, waxaan la-yaaban this cult-like group. But it soon turned into querys about the akhwaan musliim groups ,as i have limited knowledge about them.but thanks for the clarification.
  10. ^Aah..Al-Islax jihaad bey fududeystaan and the other doesn't ok. I agree they seem to be on another level.Bisinka their name is even odd. Takfir apparently means to judge someone/something as kafir and wal hijra is to flee from it, thanks to sheykh Google.
  11. ^Yeah.I have only recently heard of Al-Itixaad & Al-islah..and wondered how they are different.I always thought somalis just followed imam shaafici madhab. LOL@BG. IBti..i never heard of them.But i guess we'll find anything.
  12. ^Ok. Would you know anything about other groups ,what they believe. eg Al-itihaad comes to mind but i am sure there is more.How are they different or similar to Ahlu sunnah wal jamaaca.
  13. ^true seems biased. but the takfiir exist baa la yiri ,they would consider most of us gaalo.Is there any takifirs in Hargeisa JB? I know how you feel Ibti.Basically ,somebody threw a bomb in a masjid in Dhoobley.This masjid is owned by a group of people called Takfiirs. They think that anyone not following their madhab is a kaafir.And they suspect a jelous man might be behind it.After his wife was taken in by this group ,who got her to marry a takfiri and she thinks her husband is a gaal and tells him to convert and has left her children and her family.
  14. Nin maseersan miyaa masjiid Dhoobleey ku yaala bam ku tuurey? 10/08/08 (KN):Maanta ayaa qabuuraha Dhoobleey lagu aasay 2 nin oo shalayto ku geeriyoodey qarax bam oo lagu tuurey masaajid ay dad ku tukanayeen, 24 saac kadib dhacdadaasi ayaa waxaa soo baxaya warar faahfaahsan oo tibaaxaya sababaha keeney in bam masaajid lagu tuuro, iyo cidda ay ahaayeen bartilmaameedka, KismaayoNews ayaa gunta u dhacday, kana warbixineysa. (EXCLUSSIVE KISMAAYONEWS/QAAS KISMAAYONEWS) Shalay goor salaad loo taaganyahay, ayaa qof ku hubeysan bam gacmeed waxa uu galay masjid ku yaala Dhoobleey, bamkii inta uu amaanka ka jaray ayuu dhex dhigey jameecadii salaada ku jirtey, waxaa meesha ku dhintey labbo nin oo ka mid ahaa jameecada, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen, ragii dhintay maanta ayaa la aasay, kuwa dhaawacmayna waa la dhayayaa. Dhacdadani waxaa kulan degdeg ah ka yeeshey maamulada Dhoobleey, Qooqaani iyo Afmadow oo saakay uu shirkoodu ka dhacay Dhoobleey, waxaa shirka fadhiyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cali Dheere gudoomiyaha Dhoobleey iyo Maxamed Sahal oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Afmadow, iyo saraakiil kale oo xagga amaanka ah. Sida uu KismaayoNews u sheegey Mudane Cabdi Mamaxed oo ah taliyaha amaanka ee degmada Dhoobleey, kulanka madaxda waxaa lagu go’aamiyey baaritaan sal balaaran oo arrintani lagu sameeyo, isla markaasina kuwii ka dambeeyey sharciga la hor keeno, wuxuu Cabdi Maxamed ayaa “baaritaan ayaan ku jirnaa, waxaan heynaa warar kala duwan, ninkii falka geystey waa uu baxsaday, waana lagu raad joogaa, laakiin wararka aan heyno waxaa ka mid ah in arrimo qoys ay arrintani salka ku heyso, waan sheegi doonaa waxa kasoo baxa baaritaanka aan heyno”. Haddaba sidee wax u jireen: marka koowaab masaajidka bamka lagu tuurey waxaa si qaas ah ugu tukada koox diimeed la yiraahdo “Takfiir”, waa koox diimeed sanadihii ugu dambeeyey soo shaac baxday, afkaaraha mad-habtani ay ku shaqayso waxaa kamid ah in dhamaan dadka islaamka ah ee aan mad-habtooda aaminsanayn ay u yaqaanaan gaalo kufaar ah, jamaacadani ma cunaan hilibka xoolaha, waxbo lama wadaagaan dadka kale, salaad kuma xirtaan, guryahooda lama booqdo, dadka kale kama guursadaan, iyagana lagama guursado, meel gaar ah ayay ku tukadaan, caadi ahaan waa koox dadka oo dhami ay necebyihiin, oo qofkii kooxdaasi ku biirra uu la midyahay sidii qof dhintey oo kale. Sida muuqata Dhoobley tirro aad u baddan ayay ku joogaan, taasina waxaad ka garanaysaa in eeyba xittaa masaajid ku leeyihiin, taas oo ah wax aanan hadda ka hor suurogal ahayn. Kooxdani waa mid hesha lacago aad u tiro baddan, dadkana waxay kusoo jiitaan lacagta, gaar ahaan dumarka, sida ay sheegayaan wararka aan helnay waxa dhacday in Dumar rag qaba oo Dhoobleey degen ay duufsadeen kooxdani, diintooda rogeen, kana fureen ragii qabay, kaaga daran iyagii guursaday. Markii ay taasi dhacday waxaa cabasho daran sameeyey ragii hawweenka qabay, iyo kuwii dhalay ama la dhashay, muddo aad u baddan ayuu taagnaa murran arrintan ku saabsan oo maalmulka magaalada ay u caal waayeen. Ugu yaraan mid ka mid ah ragii haweenka laga guursaday, lagana gaaleeyey, ayaa samri waayay, waxaa la sheegey in uu xaaskiisa aad u jeclaa, si daran waliba, heer waali ah ayuu gaaray, wuxuu isu keene waayay, xaaskiisii uu jeclaa, oo magaalada la joogta, diintii badalatay oo isaga gaal u taqaana kuna dhahaysa “war ninyahoow soo islaam”, kaaga darane uu ninkale oo isaga uu gaal u yaqaana qabbo, bal adigu qayaas xaalkaasi?. Mar kaliya ayay kasoo wareegtey, Soomaaliya oo muddo baddan qorigu iyo hubka uu ahaa xaakimka qoyska ayuu ninkani maciin bidey in uu adeegsado wax aanan bam ka yarayn , kadibna bam gacmeed la eegtay ninkii naagta ka qabay iyo kuwii sayidka u ahaa ee masaajidka ku jirrey. MASEERKU WAA : MIYIR LA’AAN, MARYO QAB. ( WAALI AANAN MARYAHA LALA TUURIN) Dad baddan oo aan la xariirnay oo kala duwan ayaa isku raacay in bamka masaajidka lagu weeraray ay la xariirtay arrimo maseer, waxaa kale oo ay sheegeen in arrimaha aysan halkaasi ku ekaan doonin oo laga yaabo rag kale oo falal kuwani ka daran geysan doona, xittaa waxaa dhacday in magaalada uu ka dhacay qaab kacdoon ahaan, oo dadka ay damceen in eey dab galiyaan masaajid ku sheega sheeydaamada lagu caabudo, laakiin waxaa hor istaagay ciidamada maamulka. Maamulka Dhoobleey ayay tahay in eey iminka xal waara u keenaan masaajidkaasi iyo koox diimeedka Takfiir oo dadka inta baddan ay qabaan in dhagax lagu dillo, boosna aysan oga banaaneed bulshada Soomaliyeed. Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com KismaayoNews.com This Takfiir group seems very cult-like. Ninka waxbaa la tusey.
  15. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    ^haye yacqub no sheeg bal. Val, Mine did too.they been married for couple years now. What's funny is when he calls her 'islaanta' , and he sent her once to go Ethiopia for a medical check -up, reason being 'waayahaan wax meeyn dhalin'
  16. I always wanted to know this. I don't really care about entrying syria or leb...just don't want to go through 'Israel'officials. but i guess there's no way around that.
  17. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    ^LOL@Geelka...so there's hope? I just want to know what odeyaasha ku akhriyaan their teen minyaros..Let me know ,so i can give the islaamo tips. LOL@blessed..May iska cibaadeeystaan. FB lol you didn't need to qarxis shibis like that.but that was my guess.
  18. There was a tall chinese in rush hr 3? my memory aint too good..bet he play BBall,or he better put use to that height.
  19. Malika ,that's it.fishy indeed.Somalis do this too. I ain't surprised ,i mean even the sick and feeble men are off looking for extra wives.It was just recently that mid stroke ku dhacey went home to get married a gabar(18yrs old) ...I don't know if they lie about the age of their minyaro or what not.But its luadcris,it's not going to get you what has gone.
  20. Olympic fever over , seen the somalis. Damn, did you you see that tall chinese.walee qurux wuu dhameeyey.
  21. Buuxo

    Mail-Order-Groom

    Nephyst where have you been? You were missed. JB... i take it back, walaal ahaan baan kugu soo galin-lahaa..
  22. This is the age sane people go and retire and nafiis from ciyaal iyo buuqo. What this poor man needs is someone to bring him his weyso(pref a not fertile/fit minyaro and to do tasbiix.Not juggle 86 wives n over 100 kids.Dhib jecla dadku.
  23. ^Dhibbadane,war inaga gabadha ma lugeynaayo, if you have backpain the support belt xitaa aduu ku an fici ee ka war doon.