Cige

Nomad
  • Content Count

    319
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cige

  1. Somaliland & Puntland best examples of African democracy :rolleyes:
  2. LA MOOD NOQONSE WEYDAY JAWAAB: DHAMBAALKII IBRAAHIM MEYGAAG SAMATAR Maqaalkan kooban waxa aan kaga jawaabayaa dhambaalkii uu dhowaan soo diray ruug-caddaaga Ibraahim Meygaag Samatar oo ka mid ahaan jiray hormuudkii siyaasiyiinta Soomaalida ee sanadihii 70aadkii iyo 80maadkii. Sideedaba shakhsi ahaan dhaqankayga maaha in aan ka jawaabo aragtida dadka kale qabo, laakiin maanta laba sabababood dartood waxa aan go’aansaday in aan ka jawaabo meerisyo ku xusan dhambaalkan odayga ka yimi. Ta koowaad ra’yiga Ibraahim maaha ra’yi dadweyne ee waa dhambaal, farriin iyo leeb mariid leh oo ku socda shacabka, sababta oo ah Ibraahim maaha qof shicib ah wuxu horgal u ahaa intii ummadda soomaaliyeed iskuulada ugu hor gashay, sidaa darteed waa ishii ama darkii ay dadweynuhu ka dhaansan lahaayeen. Ta labaad Ibraahim waxa uu jebiyey xeerkii siyaasiyiintii hore ee da’diisa oo sheekadii dadka dhegta loo saari jiray ayuu qoray, miyaad aragtay weligaa siyaasi fikirkiisa qoray. “Wixii la qoraa quruumo hadhee muxuu hadal qiimo leeyahay”. Dhambaalkan Ibraahim Meygaag uu ugu magac daray Halka aan taaganahay “Where I stand” wuxu ku qorraa luqadda Ingiriisiga, laakiin anigu waxan ugu jawaabayaa Af-Soomaali maaddaama 90% dadkaygu aanay af ingiriisiga wada fahmin. Inta aynaan jawaabaha u tegin waxa mudan in aan caddeeyo xurmada iyo tixgelinta weyn ee aan u hayo adeerkay Ibraahim Meygaag, laakiin qaddarintaasi iga reebi mayso in aan daah furo gol-daloolooyinka ku jira dhambaalkiisa oo toos u taabanaya masiirka dadkayga. Qaybta koowaad ee dhambaalku wuxu ka hadlayaa “Somali Unity” Midnimada Soomaaliyed. Ruug caddaageennu wuxu ayidayaa, sharciyaynayaa, aqoon-sanayaa, isla markaana cuskanayaa qaybintii, qoqobkii iyo duulaankii gardarada ahaa ee gumeysiga. Weliba waxa intaa u dheer in taariikhdii gumeysigaa laftiisa uu xagga hore, xagga dhexe iyo xagga dambeba ka jarayo, waxa intaa ka sii daran isaga oo erayo isku macne ah laba af ku kala sheegaya sida Somaliland, Somalia iwm. Sadarada macnaha gudban samaynaya ee ku jira dhambaalkan waxa ka mid ah: •Somaliland being treated as simply a backyard province rather than a country” •After the military coup a slow process of reclonizing Somaliland by Somalia began •To unite all Somalis and their territories became impossible. •Even though Somaliland, before 1960, had more economic trade and other relations with Ethiopia •Clanism can be a good tool for peace, reconciliation and progress Inta aynaan macnayn hawraarahan aan la’ liqi karin sida aan kor ku soo xusay ruug caddaagu wuxu indhaha ka lalinayaa Soomaalidu waxa ay ahayd gumeysiga ka hor, illeen shalay maynu dhalane waxa marag ma doonto ah in Soomaalidu ahayd hal qoys oo ceella ka wada cabba, calafkana wada cuna, xeer iyo xannaana leh, gu’giina is dila, jiilaalkiina heshiiya. Waxa kale oo marag ma doonto ah in gumeysigu ahaa awood dhul ballaadhsi oo aan Soomaalida dalxiis iyo daawasho ugu iman ee danihiisa gurracan fushanayey. Taana waxa marag u ah mag-dhowgii balaayiinta doollar ahayd ee wiiggan Talyaanigu siiyey Liibiya si uu uga raalli geliyo gumeysashadii uu gumeystay. Waxa kale oo Ibraahim Meygaag isaga oo og is diidsiinayaa in Ingiriisku xukumi jirey Koonfurta, Talyaaniguna mar xukumi jirey woqooyiga, dhulka loo yaqaan Jubbaland ay inta badan ku jireen gacanta Ingiriiska. Haddaba haddii aynu dib ugu noqonno hawraarihii aradnaa ee aynu ka soo qaadannay dhambaalkii Ibraahim Meygaag. Kow, ta ugu horraysa ee uu ka hadlay ee ah in xilligii dowladihii rayidka reer Woqooyiga loola dhaqmay sidii gobol ee aan loola dhaqmin sidii dal. Dabcan arrintaas waxa diidaya in 9kii sano ee dowladihii rayidka 3 sanadood oo ka mid ah uu Ra’iisal Wasaare ahaa Maxamed Ibrahim Cigaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolada woqooyi, isla markaana ahaa Ra’iisal Wasaarihii ugu takri falka badnaa ee soo mara Soomaaliya. U malayn maayo in sed uu ka qaaday Ina Cigaal gobollo ka tirsan jihada woqooyi uu siiyey gobollo ka tirsan jihada Koonfureed. Waxa kale oo Ibraahim inoo sheegay in markii inqilaabkii milaterigu dhacay ay bilaabantay in Soomaaliya dib u gumeysato Somaliland. Horta waxa naxdin ah erayga (Soomaaliya) oo ay ku dhaataan isirka Soomaaliyeed oo dhan nin aqoon yahan ahi uu siiyo dhowr gobol, si kasta oo la isugu hayo Yaman, Ethiopia iyo Russia qof waliba wuxu ku dagaalamayaa magaca, laakiin ma garanayo sababta Profaysarku dhowr gobol u siiyey magacii Soomaaliyeed oo dhan. Erayga Somaliland-na qof waliba wuu og yahay in qaybtii talyaanigu gumaysan jiray ee Soomaaliya la odhan jiray Italian Somaliland, qaybtii Ingiriiskana British Somaliland, qaybtii Faransiiskana French Somaliland. Haddii taa laga gudbo oo aynu u raacno sida uu u jeedo oo ah jihada Woqooyi iyo jihada Koonfureed ee Soomaaliya, waxa naxdin leh in Ibraahim Meygaag qoraalkiisa ku bilaabo waxa aan dowladdii askarta wasiir ka ahaa 9 sano oo macneheedu yahay waxan qayb ka ahaa dhammaan wixii ay saxday iyo wixii ay khaladdayba, haddana uu yidhaahdo dadka deggan jihada koonfureed ee Soomaaliya ayaa bilaabay in ay gumeystaan dadka deggan jihada woqooyi ee Soomaaliya. Inaga oo weliba og in 15kii sano ee ugu horreysay ee xukunkii askarta siyaasiyiintii Ibraahim ka mid ka ahaa ee ka soo jeeday jihada woqooyi ee Soomaaliya hayeen xilalka ugu culus ee wax lagu gumeeyo sida: Laba Madaxweyne ku xigeen (Gen. Ismaaciil Cali Abokor iyo Gen. Axmed Saleebaan Dafle), wasiirka Arimaha Gudaha (Gen. Jaamac Maxamed Qaalib), Wasiirada Arimaha Dibadda (Cumar Carte, Jengeli iyo Qaybe), Wasiirka Gaashaandhigga (Gen. Axmed Xasan Muuse), NSS-tii Jibriilkii reer Qalloocan iyo wasiiradii awoodda badnaa ee ay ka mid ahaayeen Galaydh, Siilaanyo, Rabiile, Laxwas, Cismaan Jaamac illaa laga soo gaadho ra’iisal wasaare Maxamed Xawaadle. Oo intiinaas oo dhami ma’ waxa aad doonayseen in aad gumeysataan dadka dega gobolada woqooyi. Midda kale waxa jira shacab kale oo Soomaaliyeed oo dega gobalada dhexe oo rajiimkaa aad ka tirsanaydeen wax yeello la mid ah tii woqooyiga u geystay weliba intii aad wasiirka ahayd, iyagana miyaa gumeysanayseen. Profaysar waxa ay ila tahay in arrinku aanu gumeysi ahayn ee uu ahaa xukun kala maroorsi ama ragow rag iskaraw. Haddii aan ka kharibay oo ruug caddaagu u jeedo hal reerbaa la dhibaataynayey, waa dood fiican oo wax laga garan karo taasi. Inkasta oo markaa taasi meesha ka saarayso magacyada gobolada ama jihada woqooyi ha jireen ama jihada koonfureed ha jireene oo ay noqonayaan qabaa’illo Soomaaliyeed oo is dilayey sidii ay isu dileen qabaa’ilka wada dega Woqooyiguba sanadihii sagaashanaadkii oo dhan. Oo Profosayrku waa naga maqnaaye aannu 1994kii illaa 1997kii iyaga oo aan reer Boorame iyo reer Baydhabo toona noo iman aannu anagu haddaanu reer Hargeysa nahay is dilaynay, magaaladuna haawanaysay. Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa erayga koonfur baa woqooyi gumeysanaysay ee Ibraahim farta waaweyn ku qoray. Sagaashan sano ka hor Gabayaagii Gammuute wuxu yidhi “Dalka waanad joogine tolkaa waa dagaalamaye, malahay adiga dabadaa rag badan buu dugaag cunay” Qodobka saddexaad qoraaga dhambaalku markii uu ka hadlayey suurta galnimada midowga ummadda Soomaaliyeed wuxu isticmaalay erayga impossible oo ah calaacal tima ka soo bexeen. 18kii May sanadkii 1999kii Maxamed Ibraahim Cigaal wuxu fagaaraha khayriyadda ka yidhi 50 sanona ha qaadatee Soomaaliyi mar uun way isu iman doontaa waanay midoobi doontaa. Waqtiga ayaynu u deynaynaa labadaa hawraarood ta rumowda inkasta oo Napoleon Bonaparte hore u yidhi impossible is a word to be found only in the dictionary of fools. Oo macneheedu yahay kelmadda suurta gal ma’aha (impssobile) waa kelmad laga helo qaamuusyada dadka ma’kasta ah. Profaysarku waxa kale oo uu inoo sheegay in aynu xorriyadda ka hor Ethiopia xidhiidh la’ lahayn ee aynaan Soomaalida xagga Koonfureed inaga jirta xidhiidh lahayn, mudane arrintaas Faysal baa kaaga horreeyey oo ceebi ka raacday ee maad iska deysid. Midda kale xidhiidh ganacsi gartay, ee tolow waa maxay xidhiidhida kale (other relations) ee Xabashida inaga dhaxayn jiray ee aad sheegaysaa, malahay isku Gobolo Woqooyi ayaynaan ka hadlayn. Ibraahim Meygaag mar uu dhambaalkiisa kaga hadlayey in qabyaaladdu weji fiican leedahay ama ay tahay soodh laba af leh oo marna wax lagu dhiso marna wax lagu dumiyo. Ma garanayo profaysarku meesha uu ka eegay ee wanaagsan ee qabyaaladdu leedahay. C/Laahi Suldaan muu ahayn profaysar, manuu ahayn siyaasi ruug caddaa ah, manuu soo marin wasiir iyo ambaasaddoor, dal aan Soomaaliya ahayn muu arag noloshiisa, inta badanna wuxu ku qaatay dhul beereedka u dhexeeya Jifo-Mici dheer iyo Caadda haddana wuxu gartay in qabyaaladdu tahay hooyada burburka waxaanu yidhi DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE.. Ibraahim Meygaag Samatar oo leh taariikh nololeedka (CV) ugu culus siyaasiyiinta Soomaalida aqoon, waaya aragnimo iyo ilbaxnimo isna wuxu yidhi “clanism can be a good tool for peace, reconciliation and progress” oo macneheedu yahay reernimadu (qabyaaladdu) waxay noqon kartaa qalab wanaagsan oo loo isticmaali karo nabadda, dib u heshiisiinta iyo horumarka. Haddii aan kala xukumo labadaa hawraarood shaki la’aan waxa xaq ah ta Timacadde, sababta oo ah waxay waafaqaysaa xadiiskii rasuulka (C.S.W) ee ahaa “Dacuuhaa fa’innahaa muntinna” oo macneheedu yahay iskaga taga qabyaaladda way uraysaaye. Arrinta dhaqaalaha ee Ibraahim k hadlay waxba ka odhan mayo, fikrika the Third Way ee Ibraahim ayidayna waxa asalkiisa iska lahaa Profaysar Anthony Giddens, waana fikirkii ay ku shaqeeyeen dhammaadkii 90aadkii Ra’iisal wasaarihii hore ee ingiriiska Tony Blair iyo Madaxweynihii hore ee Brazil Fernando Henrique Cardoso. Laakiin Ibraahim waxan xusuusin lahaa ummadaha barnaamijyadan loo sameeyey in aan miisaaniyaddoodu ahayn 25 milyan oo dollar oo ah miisaaniyadda hal iskuul oo hoose (Primary) oo ku yaalla Bariga London, ee loo baahan yahay si dhaqaale qorshaysan loo abuuro in dad la’ raadiyo oo indhaha iyo caqligaba kor loo qaado. Ugu dambayntii adeerkay Ibraahim Meygaag wuxu deggan yahay magaalada Tokyo oo ay habeenkii u soo hoydaan illaa iyo 15 milyan oo ruux, hal maayarna xukumo, ma garanayo aragtida siisay Soomaalida oo dhan oo marka la isku wada daro 5 milyan ah in uu 5 dal u qaybiyo, La mood noqonse weyday. Waxa Qoray:Cismaan Abokor London heemaal@gmail.com magaalkin ka turjumi mayo shabkada Waayaha.net waxaa iska leh qorraaga ku saxiixan
  3. Demacratic = someone can do whatever he/she likes as long as they're in their term in the office therefore, it's LEGAL CORRUPTION
  4. War odayga may 3diisii xaas ku celiyaan? maxay cidllada u taageen? miyeysan rag aqoon.
  5. Sent them to Bermuda to join the insurgents
  6. War ninku ma waalan yahay mise waa runtiis oo dadkaa 70% waalan? “Maanta waxaynu maraynaa oo aynu bilawnay in ay carruurteenu Gudaafada wax ka gurtaan, waana markii ugu horeysay ee taariikhda Somaliland ay qoysas dhami gudaafadaha Xashiishka wax ay cunaan ka gurtaan baahida jirta darteed. Guryahana %70 dad waalan ayaa ku jira inaanu Cusbitaalo gayno ayaanu doonaynaa, waanaynu ladanahay waxa ina soo maray hadaynaan wada waalan. Kuwa Magaaladda socda ee aad welli-yada moodaysaana welli maaha ee way waalan yihiin iyagana inaanu qaqabano ayaanu doonaynaa.” Riyaale muxuu u xiri waayay? “Dawladan maanta joogtaa waxa ay ku soo baxday laba arrimood oo midi ahayd Somaliland qolo qudhi yay haysanin ee maalinba qolo ha haysato maamulka, iyo ta labaad oo ahayd ku xumee oo dad ayaa lagu xumaynayay ee horta caqli kale kumay soo bixin.” Booto badanaa xagguu lacagta uga keenayaa “Waxaanu jecelahay in aanay inan dambe oo reer Somaliland ahi Qaad iibin oo aanay dibad dambe fadhiisan, shaqo ayaananu u samayn doonaa, guryaha ayaanu ku celinaynaa oo sharaftii ayaanu u soo celinaynaa, taasina waxa ay ku xidhan tahay caruurtaa yaryar ee 15-jir iyaga oo ah isku maararoobaysa ee ilmaha kala dhalaysa in aanu joojino oo ay dhalinyartu iyaga oo mudda kar ah guursadan, waxaaananu isu guurin doonaan koox-koox dawlada UCID kharashka ka bixiso.” War ninkaan yaa umadda ka qabta? Source: http://www.somaliland.org/2008/09/02/%e2%80%9cdawladani-waxay-ku-soo-baxday-sland-qolo-qudhi-yay-hay sanin-iyo-ku-xumee-oo-cidbaa-lagu-xumaynayay%e2%80%9d-faysal-cali-waraabe/
  7. Wxabaa la tusay, xitaa wuxuu dhihi waayay XEELAD DAGAAL BAAN UGA SOO BAXAY iwm.. ar odayga may sida ka daayaan.
  8. Wuu waalan yahay Maaha? Waadh haddaba yaa naga qabat .. waa suaa'le? :rolleyes:
  9. This guy is FUNNY, I like him he may become next president of Solmaliland :confused: ...... haddii aanu khayr noo lahayn ILLAAHAY annaga xukunka nooma keeno, ILLAAHAY baa og qofka uu soo saarayo, aniga Faysal Cali Waraabe ahaan haddii ay khayr ii leedahay ILLAAHAY ha ii dhiibo, haddaanay khayr ii lahayna ILLAAHAY iima dhiibo, waxba ku falimaayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in wanaagiinu ku jiro in aad dadka wanaagsan doorataan, oo aad qabyaalada iska dhaaftaan, qabyaalad iyo Islaamnimo meel ma wada gasho, dadka Islaamka ahi waa wada walaalo. Hase yeeshee, inagu faamli baynu nahay, haddii aynu wada abtirsano, waliba beel ahaan reer *******, qaar baa sagaal ka tirsada ********, faamli yar oo iminka soo kacay oo ILLAAHAY barakeeyay oo uu badiyay baynu nahay, laakiin cudurkeenu waxa weeye inaga ayaan is jeclayne ee aynu inagu is jeclaano, maanta haddii aynu is jeclaano oo Kitaabka ILLAAHAY qaadano dhulkeenaasi barwaaqo ayuu noqon doonaa, dhulkeenu waa dhul barwaaqo ah laakiin waxaynu la’nahay hogaan wanaagsan oo iimaan qaba oo ILLAAHAY ka baqaya, ILLAAHAY ha inoo soo saaro hogaan wanaagsan.” waxaa maanta dawladdu ku qayilaysaa waa Tamaashiirtii, waa Jiingaddii, waa Mushahaaraddii, waa Kursigii, Dawadii caruurta ayaa lagu qayilayaa, waxaa maanta magaaladaa Hargaysa lagu cunayo haddii aad aragtid, Wasiir kastaaba marshaf wayn buu samaystay iyo afar af-miishaan oo leh wax ku dhaamaa ma jiro, waar waa lagu dhaamaaye orodoo meeshii lagaa soo doortay wax gee, markaa ILLAAHAY (SW) dad khayr qaba dalka ha inoogu bedelo.” VERY TRUE :cool: Source: http://www.somaliweyn.org/pages/news/August_08/30August25.html [ August 31, 2008, 12:47 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]
  10. Perhaps the pay check from the port of Kismayo to keep it running has dried up... loooooooooooooooooool When the SOL postgiro will run up
  11. INAA LILLAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN ILAAHAY HA U NAXARIISTO
  12. Yey was baptized with tigre urine. UF :mad:
  13. Muqaawimada hortya ma Morgan ma lasocdo Indhacaddeba waa la socdaaye what is wrong with Morgan?
  14. What a disgraced man he is ! ma inuu xabashi soo waday mise xabbadii ugu horreysay adeer ku riday?
  15. C/laahi Yuusuf ayaa noqonaya shaqsiga kaliya ee Soomaaliyeed ee cimrigiisa ku dhamaystay xabashi hoos jooga, iyo daciifnimada karkaar dhaaftay. KismaayoNews.com Dhubadoow, kismayo xaggay ku dambaysay, waadiga kismayo news warka ka soo xiganayee? Soow dadkii dhulka lahaa dib uma qabsan kuwii Caabudwaaq ka yimidna sidii caadiga u ahayd cagaha wax kama dayin Yeey waa inaan la hadalnaa oo dhahnaa war maxaad dhubbad adeerkiis qoriga ugu qaadatay laakiin aaway mujaahidinta SNM iyo USC Xamar oo waddankoo dhan ka cayriyay! :mad: kuweaas ma illowday ma inuu soo noqdaad jeclaan lahayd odaygii :eek: ? weli riyadaasaa idinku jirtaa umalaynayaa :rolleyes: calaa kulli xaal, nafta khayr u sheeg, nin walba dhulkiisuu ku noqonayaa kii hargeysa, hargeysa kii caabuid-waaq, caabudwaaq, kii Baydhabo, baydhabo kii Boosaaso, Boosaaso etc.
  16. Ethiopians must leave somalia as soon as Possible otherwise their will be more deaths. JAAHIL, Who will die Somalis or Ethiopians? i never saw someone threatning to kill his people if Ethiopians do not leave as soon as possible . Why don't you threat them while you're saying ... otherwise there will be more deaths :mad:
  17. 100 MUJAHIDEEN BETTER THAN 1000 SOLDIERS is this also from QURAN?
  18. Was teh topic Murtad and Kaffir or WCs (Musqulaha) ? Where is Abdi-qasim?
  19. - Somaliland to Fall Apart 2- Civil war in the country 3- Hargeisa to be demolished again 4- Somaliland to join Somalia again 5- Borama people to come against Somaliland 6- Somalia warlords to enjoy living in Somaliland just like the old days. 7- Siilaanyo to announce unity with Somalia to be continued ...... JB, Why don't you add Siilaanyo to become president of SL. you just predicted other way round i.e lost the election and re-declare the UNITY You're REALLY Funny Sxb. or this is MARQAAN works!
  20. Piracy, Moneylanunders & Oil exploreres as well :confused: