Cige

Nomad
  • Content Count

    319
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cige

  1. Muxuu la soo daahey Turki, ma xaaji qamsiin lagu soo qariyo ayeey gadiidleeydu diideen ineey ka kireeyaan? The seem bemused, to say the least. Lost, more like. Paragon, Sh. xasan Turki inuu is qariyo uma abaahna isagaa madax ah, ninlka is qarinaya waa ninka xitaa markuu Turkiya tegay rabay inuu gaariga gaashaaman raaco.
  2. Muqdisho,15,May,2009 ,Jimce,(Hillaac.net) Dad badan oo taageersan Dowladda Sheekh Sharif ayaa dacaayad ka fidinaya Ciidamadii Sh. Cabdulqadir Cali Cumar iyagoo ku andacoonaya inay qabiil ahaan uga baxeen dagaalka oo ula safteen Sh. Xasan Dahiir Aweys. Beesha reer xaaji Saleebaan dowlada waxaa uga jira hal wasiir ma waxaa la doonayaa inay iyaga kaliya u dagaalamaan una dhintaan dowlada midnimo qaran? Maxaa loo waayay ciidamo ka socda wasiirka Amniga oo difaaca dowlada? Janaqow oo dagaal u baxsanayay af xumadiisana nabada foogaysay toban wiil oo beeshiisa ah kuma taageerin dowladda oo beeshisa ayaa ah laf dhabarka Shabaab iyo Xisbul Islaami. Xabsade, Adan Madoobe, Shariif Hassan iwm maxay ugu difaaci waayeen dowladda dagaalyahano ********* ah? Dagaal yahannada beesha reer Xaaji Saleebaan waa xisaabtameen Sh. Cabdulqadir Cali Cumarna waa wasiir dowladda difaaceedana xil gaar ah kama saarna. Sidoo Kale beesha Mudulood oo ku dhacan hab qaybsiga dowlada ayaa hadana laga sugaya inay iyaga kaliya nafta u huraan. Dekeddii Mudulood ee Ceel Macaan looma ogola in la furo meesha mida ********** iyo ***** ay ku intifaacaan iyaga kaliya aan lagana taaban. Cabdullahi Yuusuf wuxuu dhaqaale lagu taageero dowlada dhexe ka keensan jiray Puntland ina Cabdirashiid dowladda dhexe dhaqaalana ma keeno in loo dhintana wuu rabaa. Haddaba Si cadaalad loo helo wasiir walba oo jagada ku helay qabiilka u mathalo waa inuu ka keenaa 500 oo wiil oo difaacda kursigisa iyo dowladnimadiisa. W/Q:- Mohamed Hussein"
  3. Ninka Xamar xukumaa reerka u haraya ... ninka madaxtooyada ku xabbisanina ama wuu tegi oo yugaadheeskuu raaci ama meeshiisaa lagu qaban
  4. War caawa waa ku haystaa .... meeshii aad ka bxii lahayd baa la rabaa.
  5. Duke you'd better called him HALYEEY MAXAMED DHEERE as puntland websites were saying
  6. Duufaan, keep your eye on the ball. It's a war you are fighting, and it's Sharif you are tying to replace as a head of a state. Ina Abdishakur is a minor desciple! He is a mere Minster in Sharif’s council. I suspect Xiin is cabdishakuur ... no one lese could be so BLIND on all his CRIMES
  7. KN: Wakiilka hey’ada sirdoonka (basaasiinta) ingiriiska M15 ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kuna magacaaban wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee DKMG ayaa banaanka soo dhigey midabkiisa dhabta ah, wuxuu yiri “waxaan idiin ballan qaadaynaa in aan dalka ka tirtiri doono kooxaha naga soo horjeeda”. Wuxuu hadalkani ka yiri xaflad lagu xusayay maalinta 15-ka May oo Xamar lagu qabtay, wuxuu intaasi ku daray in dowladiisa ay ka go’antahay in ay dalka ka nadiifiso xoogagga kasoo horjeeda ee muqaawamada oo uu ugu yeerey kuwa ka kala yimid wadamo shisheeye, una adeega danno shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur caadi ahaan waa xubin sare oo si rasmi ah uga tirsan hey’ada sirdoonka M15 ee Britain, wuxuuna kusoo caanbaxay howlgalkii lagu soo xirey Sheekh Abu Xamsa Al-Masri, wadaadkii curyaanka ahaa ee laga soo xirey masaajid ku yaala London ee loo heystey howlaha argagixisada, Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ninka shaqsi ahaan usoo basaasi jirrey ninkaasi isagoo si joogto ah ugu tukan jirrey masaajidka uu Sheekha Imaamka ka ahaa. Inta aan xabsiga loo taxaabin Abu Xamsa waxaa laga mamnuucay inuu cagta soo dhigo, wuxuuna bilaabay inuu salaadda jamcaha dadka ku tujiyo, muxaadarooyinna ku qabto meelah lagu nasto ee loo yaqaano Park, ilaa markii danbe jeelka la dhigay. Arinta dadka ka fajicisay waxay ahayd markii wasaaradda arimaha gudaha ee Ingiriisku ay masaajidka u soo magacawday Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Markii dayuurad helikobtar ay hoodka Jubbada Hoose ka qaaday Shariifka isagoo mujaahidiinta biyo ugu maqan ee dabadeed la geeyey Nairobi, Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee loo keeney Shariifka si uu gacan yare ugu noqdo oo u hago, illaa xiligaasi wuxuu ahaa gacanyaraha Shariifka ama aan dhahno mashiinka reer galbeedka ee gadaal ka riixaya Shariifka illaa loo magacaabay xil wasiir kolkii Shariifka uu madaxweyne ka noqdey dalka. Cabdiraxmaan wuxuu madax u noqday gudigii u xilsaarnaa isku milidda garabka Shariifka iyo dawladdii Cabdullahi Yuusuf. Waxaa la odhan karaa Cabdiraxmaan waa maskaxda ka danbaysa talaabo kasta oo ay DKMG qaado isla mar ahaantaana wuxuu kamid yahay 5-ta nin ee ugu halista badan dawladda Shariifka, waa shanta sida dhabta ah u fulinaysa qorshayaasha cusub ee cadawga. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif, Cumar Cabdirahsiid, Prof. Gaandi iyo Oomaar ayaa caynaanka u haya qorshaha lagu baabi'inayo shacuubta Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Hadaan ku soo noqono Cabdiraxmaan, dhawaan ayuu qabsaday bogaga hore ee qalabka warbaahinta markii uu qalinka ku duugey heshiiskii badda ee Kenya ay DKMG la gashay, heshiiska oo loogu adeegayay midowga Yurub, Cabdriraxmaan waxa uu heystey amar buuxa oo ah in uu saxiixo heshiiska. Ninkani waa khatartii ugu weyneyd ee lasoo maleegey ee ebed usoo dusta nidaam kasta oo magac dowladeed sheegta oo Soomaaliya soo mara, xittaa dowladii Cabdullaahi Yuusuf. Maanta oo ku beegen 15-ka May ayaa isaga oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah kacaankii SYL waxa uu Cabdiraxmaan cadaystey moowqifkiisa dhabta ah iyo damaciisa waalan, wuxuu ballan qaaday in xoogagga kasoo horjeeda ay dalka ka tirtiri doonaan maalmaha soo socda. Wuxuu hadalkani leeyahay xilli dagaaladii magaalada ka dhacay ay geeysteen qasaaro shacab oo baaxadiisa baddantahay, lana filayay in DKGM ah ay ka shaqayso sidii isfaham loo gaari lahaa iyada oo ay xabad joojin kumeel gaar ah oo shacabka loogu danaynayo ay ogolaadeen muqaawamada. Dhamaan dadkii xafladda joogey ayaa aad ula yaabay hadalka Cabdrixamaan oo muujiyey astaan kasta oo lagu yaqiiney nin cadaw u adeegaya, wuxuu filayay in hadalkiisa loogu sacab tumayo laakiin dadkii oo dhan ayaa is wada eegey layaab dartii, hadalkiisa waxa uu ka dhiganyahay in dadka Soomaalida oo dhan dalka laga tirtirayo, barkee inta uu qof Soomaali ah ku noolyahay dalka lama tirtiro karro muqaawamada oo ah shacabkii oo hub qaatay. Waxaa kaloo hadalkii laga xaqiiqsaday in ay jirto cid kale oo uu ku tashanayo oo aan ahayn awooda ay hadda heystaan, taasi micnaheedu waa in awood asaga maskaxdiisa macquulnimadeeda ka weyn ay kusoo wajahantahay Soomaaliya, taasina ugu yaraan ay noqon karto maraakiib xeebta inta soo istaaga dalka duqeynaya, dayuurado dagaal oo cirka ka duqeynaya iyo ciidamo baddan oo taangiyo iyo dabaabaad ku hubeysan oo dalka imanaya. Cabdiraxmaan waxay la noqotay marhadii Reer Galbeed diyaar u yahay inuu muqaawamada waajaho inay markaasi u dhamaatay oo cagta la marin doono asagoo hilmaansan in Allihii koonkan abuuray uu yahay midka guusha bixiya oo hadba cidda uu doono siiya ee guushu ayna ku imaan cududda aad leedahay inta ay la'egtahay. Cabdiraxmaan hadalkiisa wuxuu xitaa ka xadhaadhaaday hadalkii Xusseen Maxamed Faarax Ceeydiid uu yiri ee ahaa “Soomaaliya iyo Ethiopia waa la’isku darayaa”, waayo Xuseen waxa uu ka hadlayay dad Soomaaliyeed oo jira balse hoos taga nidaam kale oo aysan dadka rabin, laakiin Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlayaa waa in jiritaankii dadkiiba la baabi’yo. Waxaa aad u nasiib daran 13-kii SYL ee maanta xuskooda uu ninka noocani ah fasax u heley in uu ka hadlo, mana ahan wax ka baddan in uu dib u aasayo wixii ay dhaliyeen ragaasi. Raggii ka horeeyey ee geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley in ay ciidda ka hoosmariyaan jinsiga Soomaaliyeed ee waliba taasi usoo dagaalamayay illaa 1978-dii ayaa waxbo ka tari waayay Soomaalida in uu tirtiro iska daaye, isaga oo ah ciyaalsiiyo la dhalan rogey oo badda Meditarian-ka saldhig ku yaala 2 sanno oo tabobar jaajuusnimo kusoo qaatay lama filayo inuu dixsi ka dul buubin karro raga dhacaankooda iyo dhiigooda ku xardhay difaaca sharafta shacabka, diinta iyo dalka ayagoo talo saaranaya Allaha samaawaadka iyo arlooyinka mulkigooda leh. Muqaawamada markani farwaaweyn ayaa wax loogu dhigey, iyaga ayayna u taalaa in ay sugayaan inta Cabdiraxmaan helayo xooga intaasi la’eg ee uu rabo inuu kula diriro iyaga. http://www.kismaayon ews.com/pageView.php ?articleid=726 KismaayoNews.com
  8. Odayaasha dhaqanka beelaha ****** garabka uu hogaamiyo Axmed Cali Gees ee iyagu ka go'ay Golaha dhaqanka iyo Midnimada ****** ayaa shaaciyay magacyada 6 masuul oo ay ku sheegeen xildhibaano katirsan dawladda oo isqarinaya. Afhayeenka Odayaashaasi Garaad Cali Fiidow oo la hadlayay xalay qeybaha warbaahinta ayaa sheegay in ay shacabka kaga digayaan 6 masuul oo jagooyin kale ku qaraabta sida uu hadalka u dhigay oo xildhibaano ka ah Baarlamanka Somaliya. Garaad Fiidow ayaa magacyada xubnahahaasi mar uu sheegayay waxaa uu yiri"waxan leenahay bulshada ka feejignaada nimanka Sh.Bashiir Axmed Salaad iyo Nuur Baarud Gurxan in ay magac Culimo sheegtaan waa Xildhibaano is qarinaya, sido kale Max'ed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye kuma hadli karaan magac dhaqan waa xildhibaano katirsan Baarlamanka, sidoo kale Abshir Bacadle iyo ninkaan lagu magacaabo Cusman guure dhamaantood waa xildhibaano isqarinaya". Odayaasha ****** garabka ka go'ay Golaha Dhaqanka ****** ee Max'ed Xasan Xaad uu hogaamiyo ayaa maalmihi lasoo dhaafay dhaq dhaqaaq ka waday Muqdisho kadib markii ay guulo la taaban karo soo hooyeen xoogaga Islaamiga ah. Markacadey.net,Muqdi sho
  9. Xoog ama Xeelad Is there a third way? Shariifka xeelad buu ku yimid isaguuna xeeladeeyay marka xoog buu ku soo ceshanayaa SIMPLE IS THAT
  10. X. D. Aweys diin meesha kuma hayo, Soomaaliyeey. Wixiisu waa xin ka dirir iyo magac/xukundoon. Paragon duqa xukunka yaa ka mamamnuucay?mise waa Afghanistaan oo somali uma dhalan?
  11. He is guilty of selling 64.000km2 of Somalia so he should face Military Trial ASAP.
  12. Paragon did you know in ONKOD iyo GOOBJOOG labaduba ay yihiin Islaax garabka Shariif raacay ah raggii asaasay labada websitena ay madaxda shariifka ku jiraan sida ninka baddii Soomaaliya iibsaday ee c/raxman C/shakuur oo webmaterka goobjoog ah. marka reliable source ma aadan keenin ee ku noqo ISlaax kuwooda xalaasha ahi dagaalkaan garabna ma taageersana dawladdana ma gelin ee waa ka digeen, kuwa raacayna hab QABIIL iyo HUNGURI ayay ku raaceen. ma garatay?
  13. Sharif should bring good guys with him not those who are thirst for $ and selling our land and sea ... NO WAY
  14. Anyone who condemned the Ethiopian occupation yet cheers for these lunatics who are killing innocent civilians is a hypocrite and a coward. You all know what I mean any alternative sis? Shariif sakiin? :mad: Col Cumar Xaashi :eek: , Abdiraxmaan Abdishakuur and the list continous ...
  15. lool@jb sharifka waa lagu qaldamaa war nuune, abu tamaam raggeedu ahaa saaxiib, qabowgayga haku qaldamin buu lahaa
  16. Warar is khilaafsan ayaa ilaa iyo hada ka soo baxay saldhigyo muhiim ah oo lagu kala qabsaday dagaalada galay maalintii afaraad, inkastoo Paragon kuwaan wax ma oga maalintii shanaad baa la marayaa, shalay bay ka hadlayaan
  17. Iyaga ma BARIIS baa la siiyaa? soow xabbad afka looguma gurin? iyagoo sidaas loo galay haddii kii ay ka adkaadeen hubka ka dhigeen oo waddada u fureen soow GOB ma aha?
  18. War illeen Jahligu waa wax baas, war diintee baa qoraysa in maati masaakiin ah madaafiic guryahooda lagu asqeeyo, ma islaambaa, ma buudhistaa, ma hinduubaa, waa diintee, inalilahi wa inaa ileyhi raajicuun. I know you'll play the "it wasn't me blame the Amnisom" card, but there is a day of judgment where everyone will be accountable for what they did infron of Allah. Sxb meesha Bariis la isma siinayo, waxaa laga hadlayaa haddii ay ku qabtaan Sharafta kaa qaadi maayaan sidii dagaal oogayaashu samayn jireen ma ku dhacday?
  19. Nimankaani waa niman diin lehe isu dhiiba cararku ma fiicna Kollay idin xumayn mayaan
  20. Xiin Finiin sheekadu waa idinku xun tahay
  21. Qaarka mid ah Xubnaha Baarlamaanka oo bilaabay in ay isaga kala cararaan magaalada Muqdsihu marba hadii xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG ah ay lawaregen gacan ku hayta inta badan Muqdishu. (11-05-2009) Waxaa saakay lagu arkayey tiro kamid ah Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah oo kusugan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdishu iyagoo halkaasi ku sugayey diyaarad yar oo kuwa qaadka ah oo ka imaaneysa Dalka Kenya iyagoo doonaya in ay halkaasi u baxsadaan marba hadii awoodii Dowlada KMG ah ay sii wiiqmeyso oo magalaada muqdishu intii badneyn ay ku jirto gacanta xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMg. Xildhibaanada halkaasi ku sugnaa ya awaxa aka mid ah Xildhibaan Kulalihi oo wariyaheena magaalada muqdishu usheegay in aysan macquul aheyn in ay halkaan ku sugnaadaan maadaama aysan jirin cid amaankooda waxka qabaneysa isagoo intaasi ku sii daray kuwii aan islaheyn iyagaa amaankiina illaalinaya ayaaba hada wada qorshe ay wadanka debada uga baxaan i ay maruun uga fogaadan xabaadn soo dhowaatey. Dhinaca kale waxaa isna halakasi ku sugnaa Xildhibaan Maxamed cadi Yusufe qaarka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in uu doonaayo in uu magalaada Dubai u aado arimo caafimaad sida uu hadalka u dhigay balse arinku uu sidaasi kaduwaan oo wejigooda xildhibanadaasi laga dheehan karey sida ay uga go'antahay in ay mar uu kabaxsadaan dirirta halkaasi kajirta. Dhinacakele xubno kamid ah baarlaamka aya axalay ku beryey Hoteelo iyadoo goobihii ay ka deganaayen magalaada Muqdishu ay la wareegen xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG ah iyadoo cadeeyey in aysan waqti badan ku sii jiri karin arinkaan naxdinta leh oo ay doonayaan in ay isaga cararaan dirirtan halkan kasoo cusboonaatay http://warkadalka.co m/readnews-485.html
  22. C/Raxin Ciise cadow oo u baxsaday Dalka Kenya isagoona labaxasaday dhaqaale aad u fara badan oo loogu talo galay in dib loogu abaabulo Maleyshiyaadka Dowlada DKM oo lagu jediyey..... (11-05-2009) Waxaa soo baxaya warar hada naga soo gaaraya Madaxtooyada Villa somalaia kuwaasi oo sheegaya in C/Raxin Ciise cadow iyo qaarka mid ah saraakiisha taageersan dowlada KMG ah ay Galabta u baxsadeen Dalka Kenya iyadoo la sheegayao in ay halkaasi ula baxsadeen dhaqaalo aad u fara badan oo maanta lagu wareejiyey kaasi oo loogu talo galay in dib loogu abaabulo Ciidamadii tagersana dowlada KMG ah kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay looga awood roonaday dagaladii ka dhacay magaalada Muqdishi. C/Raxin Ciise Cadow oo ahaa afayeenkii dhinca Howlgalada maxaakimta garabka ku biiray Dowlada KMG ah aya awararku sheegayaan in uu Galabta ka duulay garoonka Magalada Muqdishu iyadoo maanta lagu wareejiyey dhaqaale aad u fara badan oo loogu talo galay in dubloogu soo abaabulo maleyshiyaadka Dowlada Kmg ah iyadoo la sheegayo in ay safarkaasi ku wehliyaan sargaal lagu magacaabo Sheikh Cali Modey oo ka tirsan gabka taageersan dowlada KMG ah. C/Rahin Ciise Adow ayaa wararku sheegayaan in uu siweyn uga xumaaday sabkii ku dhacay Ciidamo la sheegay in uu isagu abaabuley kuwaasi oo jab kala kulmay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka socdey magaalad muqdishu kuwaasi oo u dhaxeeyey Ciidamada DKG iyo Xoogaga Al Shabaab. Safarka C/Raxim Ciise Cadow uu ugu baxsaday Dalka Kenya isagoo weliba wata dhaqaale aad u fara badan ayaa dhabar jab ku ah dowlada KMG ah oo awelba tibaato fara badan ku dhexjirtey waxaana adkaan doonta in la helo shaqsi danbe oo uu aamino Madaxweyne Sheikh. http://warkadalka.co m/readnews-488.html
  23. Ciidamada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la wareegay maanta fariisimo dhowr ah oo Maxkamadaha Islaamiga ee taageerasn dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Muqdisho. kadib dagaalo qaraar oo saakay ay ku waabariisatay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo intooda badan ka dhacay wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka ayaa Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar waxaa ay kula wareegeen duhurnimadii maanta fariisimo dhowr ah oo ay lahaayeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga ee haatan ku biiray dowladda KMG Soomaaliya. Sheikh Xasan Mahdi oo ka tirsan saraakiisha Ururka Xisbul Islaam oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntii wasaaradda Gaashaadhiga ayaa warbaahinta u sheegeay in Al Shabaab iyo Ururkooda ay kala wareegeen waxaa uu ku tilmaamay cadowga Umadda goobo ay ka mid yihiin wasaaradda Gaashaadhiga,xeradii Guulwadayaasha iyo garoonkii Stadium Muqdisho,waxaana uu sheegay in masuuliyiintooda ay kala tashan doonaan hadii ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan waxaa uu ku tilmaamay cadow. Maanta ayaa waxaa lagu arkayay inta badan goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada maxkamadaha Islaamiga gaar ahaan wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka ciidamada Ururada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam Garabka uu hogaamiyo Dr Cumar IImaan Abuu Bakar oo ku sugan,waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay cirib dhigeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa iyadoo aan wali wax war ah ka soo bixin masuuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ee dowladda ku biiray.