Wiil Cusub

Nomads
  • Content Count

    1,063
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Wiil Cusub

  1. This is a sad pic! When Somalia was really a country. Now that's how soldiers should look...the dress and confidence! Thankfull this pic shows me iron faces with no mercy, it call all my hate on that regime. Wax nin amaantiya ayaa ku kalena caydiiya! but also I'm not happy VP with all that ingression around him.
  2. Haddii reer Borame ay kumankum calan oo Somaliland ah ay qaatan war maaha hadiise la arko ciyaal surwaal buluuga sita waxa la odhan waa somaliweyn Waan ka sii hor dagayaa reer Buuq-land
  3. Faisal A Warabe said: quote: waxqabadka boqolka cisho waa Imtixaan ay dowladdu iska qaaday hadana iyada uuni isku Saxday » Haddii uu Faysal saxayo imtixaanka muxuu odhan lahaa??
  4. Balan-qaadkii Xukuumadda ee boqolka Maalmood ee ugu horeeya: Hawlaha wax-qabad ee xukuumada laga doonayo boqolka maalmood (100) ee ugu horeeya oo la soo koobay A) Nabad gelyadda:- 1) In la sii xoojiyo arrimaha Khuseeya Nabad gelyada, Dadweynahana laga qayb galiyo 2) Kala dirista Guddiga Nabad gelyada iyo dadkii u xidhnaa oo si degdeg ah maxkamad loo hor keeno 3) In la dhamaystiro lana hawl galiyo xabsiga dhexe 4) In Madaxweynuhu soo saaro baaq nabadeed oo ku wajahan gobollada bari B) Dhaqaalaha:- 1) In xukuumaddu xoojiso oo dardar galiso dakhli ururinta Qaranka , si loo helo kharashkii lagu hir gelin lahaa qorshaha shaqo ee boqolka maalmood ee ugu horeeya. 2) In la bixiyo Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada 3) In amar lagu siiyo Xisaabiyaha guud iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe in aanay bixin wax lacag ah oo dhaaf siisan mushaharka Shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Cisbitaalada, Agoomaha iyo Shidaalka. 4) In la dhamaystiro Biriijka labaad ee Caasimada ee qabyada ah ($300,000)na loo baahan yahay 5) In lagu daro wadada Dilla /Boorama 4-5 km ($300,000) ayaa loo bahanyahay 6) In la hawl geliyo Guddida la dagaalanka musuqmaasuqa 7) In la hawl galiyo hay¡¦adda ilaalinta Tayada Cuntada iyo Daawooyinka 8) In la dayactiro lana dhamaystiro Terminalka 2aad ee Magaaladda Berbera C) Arrimaha Bulshada:- 1) In la qaado olole nadaafadeed oo joogto ah oo ku wajahan Bilicda, Nadaafada iyo fayo dhowrka Magaalooyinka dalka. 2) In la dhaqan galiyo saacadaha Shaqada. 3) In la soo celiyo ololihii iskaa wax u qabso ee dib-u-dhiska dalka, si ay dadweynuhu ugu qayb qaataan dib-u-dhiska dalka. D) Arrimaha Sharciga:- 1) In heshiisyada caalamiga ah ee aan weli la hor geyn Golayaasha Sharci Dejinta si deg deg ah loo hor keeno. 2) In la dhamaystiro xeerkii Mushaharka masuulyiinta Qaranka, lana diiwaan galiyo hantidooda gaarka ah. E) Siyaasadda Arrimaha Dibadda:- 1) In Madaxweynuhu safar ugu baxo wadamada deriska sida, Ethiopia ,Djibouti, Kenya iyo wadamada IGAD. 2) In la diyaariyo qoraalo ku wajahan urrurada ay ka midka yihiin IGAD, AU, Arab league, Islamic league, Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee caalamiga ah, iyadoo loo cadaynayo siyaasadda Dawladda cusub. 3) In Wasaradda Khaarajigu dardar geliso hawlaha diblomaasiyadeed ee caalamka loogu sharaxayo qaddiyadda Somaliland. 4) In la dhamaystiro dhismayaasha cusub ee Wsaaradaha iyo hay¡¦adaha madaxa banaan ee xukuumadu ku talabsatay. Wax-qabadkii Xukuumadda Boqolkii Cisho ee ugu horeeyey:- 1- a) Waxaa la dhamaystiray markiiba dhismihii Xukuumadda Cusub, oo ah sidii balanqaadku ahaa Xukuumad tiro yar oo tayo badan, taas oo ka kooban 26 Wasaaradood oo leh 6 Wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tirada yarayd intii ay Somaliland jirtay, si aqooni ku jirto ayaana loo suurto geliyey inaanu isbedelku saamayn taban ku yeelan wada shaqayntii Golayaasha iyo laamaha Dawladda oo dhan. b) Hay¡¦addo hore u hoos iman jiray Madaxtooyada ayaa lagu celiyey meelihii ay mudnaayeen sida Tvga Qaranka oo la hoos geeyey Wasaaradda Warfaafinta, Laanta Socdaalka oo la hoos geeyey Wasaardda Daakhiliga, Xooga Korantada oo la hoos geeyey Wasaaradda hawlaha Guud iyo Wakaaladaha Biyaha oo la hoos geeyey Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha iyo kuwo kale. c) Waxaa markii ugu horeeyey si madaxbanaan u hawlgalay Hanti dhawrka Qaranka. 1. A) Arrimaha Amniga:- Waxaa la Xoojiyey Arrimaha Khuseeya Nabadgelyada iyo ka qayb galinta dadweynahana: A) Waxaa la sameeyey gudiyo nabadgelyo, heer qaran, heer gobol iyo ilaa heer xaafadeed B) Waxaa laga hawl galay 300 oo askari oo hubaysan oo Ereteria lagu soo tababaray, una gudbayey dalka Ethiopia, iyagoo ka soo degay Buula-caddo oo ku taala xeebta Galbeed ee dalka, iyadoo layska kaashaday Dawladda Ethiopia. C) Ciidanka Booliska, Ilaalada Xeebaha ee Gobollada Saaxil, Maroodi Jeex iyo Togdheer ayaa gebi ahaanba fashiliyey xadhig ay maleegaysay Argagixisadu oo lagu khalkhal galanayay Amaanka Nabadgelyada Dalka, waxaana Shacabka loo soo bandhigay Hubkii laga qabtay. 2 Waxaa la kala diray Guddigii Nabadgelyada ee dadka ku xukumi jirtay awood aan Sharci ahayn, waxaana saamaxaad Madaxweyne lagu sii daayey Maxaabiistii siyaasadeed ee ku xidhnaa amarkooda. 3 Waxaa la dardar geliyey dhamaystirka xabsiga dhexe ee Hargaysa oo uu haatan dhismihiisu gabo gabo marayo. 4 Madaxwaynuhu waxa uu soo saray baaq nabadeed oo ku wajahan gobollada Sool iyo Sanaag bari Khudbadiisii ugu horeysay. A) Wuxuu Madaxweynuhu magacaabay guddi heer Qaran ah oo baqaas fulisa. B) Waxaa Baaqaas iyo xidhiidhadii ay gudgidu samaysay ka soo jawaabay Garaaddo iyo Madax dhaqameedyo kale. C) Guddidaas waxay todobaadkan ka soo laabteen shir ay madaxdhaqameedyada kula yeesheen WidhWidh. D) Sidoo kale Wufuud kale oo hawsha gudidan la xidhiidha ayaa safaro ku tegay Gobolka Sool B. Dhaqaalaha 1. Waxaa la xakameeyey in aanay muddada kala guurka ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xigta toona aanay dhicin Musuqmaasuq iyo Hanti lunsi, isla markaana waxaa la amray Xisaabiyaha Guud iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe in aanay bixin lacag ka baxsan Mushaharka shaqaalaha, Raashinka Ciidamada, Cisbitaalada, agoomaha iyo Shidaalaka, Waxaana la sameeyey Guddi daba-gasha Amarkan Madaxweynaha. 2 Waxay dar dar gelisay Xukuumaddu dakhli ururinta Qaranka , si loo helo kharash ku filan hawlaha Dowlada, ilaa imikana wuxuu kordhay 24%. 3 Waxaa la bixiyey deyntii Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada oo dhamayd muddo 5 bilood. 3 Si loo dhamaystiro Biriijka 2aad ee Caasimadda Hargeysa oo qabyo ahaa, waxaana la bixiyey lacagtii loo baahnaa A) Waxaa ilaa hadda dhamaystiran ilaa 85% B) Guddida iyo farsamayaqaanada dhismihiisa gacanta ku haya, waxay xaqiijiyeen in sababta dib u dhaca yar keentay tahay mid dabiici ah(Roobab), C) Hawsha Biriijku hadda waxay u socotaa si xawli ah, dhakhsana way u dhamaanaysaa insha allaah. 4 Waxaa la bilaabay oo hawsheedu socotaa Waddada isku xidha Dilla/Boorama oo ah ilaa 4KM. 5 Waxaa la abuuray markii ugu horeysay Komiishanka La dagaalanka Musuqmaasuqa. 6 Waxaa la dhisay oo la hawl geliyey ha¡¦yadda Dhawrista Tayada (Quality Control Agency) A) Waxaa la sameeyey Sharciyadda Hay¡¦adda oo dhowaan la horgeynayo Golayaasha Qaranka. B) Hay¡¦addu waxay samaysay heer agab iyo anfac aynaan hore u lahayn oo lagu dabaqay heerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Cuntada iyo Daawada. C Arrimaha Bulshada 1.Waxaa la qaaday laba olole nadaafadeed oo ku wajahan bilicda, nadaafadda iyo fayadhawrka magaaloooyinka 2 Waxaa la kordhiyey oo la dhaqangeliyey saacadaha shaqada, iyadoo haatan la shaqeeyo min 7:00 ilaa 2:00. 3 Waxaa la dhiiri geliyey Barnaamijka Iskaa wax u qabso, si dadweynuhu uga qayb qaataan dib u dhiska dalka, kaasoo suurto geliyey in magaalooyinka waaweyn laga sameeyo Jidad laami ah. D Arrimaha Sharciga 1 Waxaa la abuuray Hay¡¦adda Dib u habaynta Shuruucda. E Siyaasadda Arrimaha Debedda 1 Waxa uu madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silanyo, safar ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynaha iyo wefdigiisa ku soo dhoweysay maqaamkii ugu sareeyay abid ee Somaliland kala kulanto caalamka, Socdaalkaas oo madaxweynuhu kasoo hooyey guulo la taaban karo, waxaanu madaxweynuhu safar kaas la mid ah ku tegayaa Dalka Ethiopia ee aan deriska nahay iyo Kenya oo uu marti qaadyo ka helay. 2 Waxaa la diyaariyey qoraalo cadaynaya qadiyadda Somaliland iyo Siyaasadda Dawladda Cusub, kuwaas oo loo kala diray ururada ay ka mid yihiin EGAD, Arab LEAGUE, Islamic LEAGU, Qaramada midoobay, iyo ururada kale ee Caalamiga ah. 3 Waxaa la dhamaystiray dhismaha cusub hay¡¦adaha madaxbaaan 4 Siyaasadda Khaarijiga ee Somaliland iyo hawlaha Diplomaasiyeed ee ay Caalamka la leedahay ayaa 100 ka maalmood gaadhay heerkii ugu sareeyey. Wax-qabadka Kale ee Xukuumadda JSL Maaliyadda Xaaladdii qasnada dawlada ee lagala wareegay xukuumaddii hore. Sida laga wada warqabo xukuumaddii hore waxa lagala wareegay Qasnad madhan oo lagu leeyahay Dayn dhan 46,853,598,632/=, gaar ahaanna dayntani waxay ahayd Mushaharooyinkii Shaqaalaha Goboladda oo ah April-July 2010 iyo Mushaharkii Shaqaalaha Gobolka Hargeysa oo ahaa May-July 2010, iyo sidoo kale Mushaharka iyo Raashinka Ciidamadda ee Bisha july 2010, waxa kale oo iyana aan waxba laga bixin kharashaadkii hawl socodsiinta ee Jan-July sida Shidaalka, Stationery-ga , Dayactirka Gaadiidka iwm, xaaladdaa dhaqaaale ee adage e ay la kulantay xukuumada cusubi ayaana kaliftay in Ganacsatadda laga soo daynsado Dayn dhan $2,350,000, si loo xaqiijiyo hawsha .. Waxyaabaha ka qabsoomay Qabsoomay dhinaca maaliyada. 1) Bixinta Mushaharkiii Shaqaalaha Dawladda ka maqnaa iyo kharashaadkii hawl-socodsiinta. Waxa balan-qaadkii Xukuumadda ee 100 Cisho ku jiray in Mushaharka Shaqaalaha mudadda dheer ka maqnaa ee la bixiyay kaas oo shaqaalaha qaarkood ka maqnaa April-july 2010, mushaharooyinka iyo Kharashaadka aanu bixinayna waa sidan:- A) Mushaharka iyo Kharashaadka aanu bixinay ka soo jeeda Jan-July. 2010. 38,862,462,807 B) Mushaharka iyo Kharashaadka aanu bixinay ka soo jeeda Aug-Oct. 2010. 58,240,157,367 C) Kharashka aanu bixinay 1-7 Nov. 2010. wuxuu dhan yahay. 5,807,261,196 Isugaynta Kharashka aanu bixinay 100 Cisho. 102,909,871,370 Dhinaca Kharashka,ka sokow Khasnada Madhan ee la dhaxlay waxaa la ogyahay in Dadkii Ganacsatadda ahaa ee Dawladda wax ka iibin jiray iyagana aan la siinin wax kharash ah Jan-July 2010, taas oo wer wer badan ku keentay Ganacstadda oo ah Lafdhabarta Dawladda Somaliland, sidaa awgeed xil gaar ah ayaa la iska saaray in la bixiyo Kharashaadkaas kor ku xusan oo iskugu jiray Raashinkii Ciidamadda, Shidaalkii, Qalabka Xafiisyadda, Dayactirka Baabuurta, iwm. 2) Fulinta Mashaariic Horumarineed. waxa jirtay in balanqaadkii 100 maalmood ay ku jirtay in Biriishka Hargeysa iyo Wadda Boorama la dhisi doono, arrintaas waxaanu bixinay qaadhaankii ku soo hagaagay Wasaaradda Maaliyadda oo dhan $150,000. Mashaariicda horumarineed ee aanu ka qaybqaadanay waxa ka mid ah inaanu 100 cisho ee aanu xilka haynay aanu xil dheeraad ah iska saarno Habaynta Dakhligii 2% ahaa ee loo qaadi jiray Goboladda Bariga taas oo aanu Xisaabteedii Baanka uga furnayd ugu tagnay iyadoo madhan, Dakhligii soo galay Jan-July 2010, iyo wixii ka horeeyayba lala baxay isla markaa waxaanu xooga saarnay in laga bilaabo Aug. 2010, Dakhligoodu si habsami ah ugu dhaco Xisaabtooda Baanka ka furan, waxaanan ka bixinay Mashaariic horumarineed sida mashaariicdan:- „« Kawaanka Gowraca Laascaanood oo ay ku baxday $137,440 „« Sariibadda Laascaanood. $140,114 Isugayn. $277,554 Waxa kale oo Mudane, Madaxweyne jirtay in Dawladaha hoose loo qaadi jiray 12.5%, oo ah Kabka Dawladaha Hoose, taas oo xisaabi uga furnayd Baanka Dhexe nasiib darro Dakhligii soo galay Jan-July 2010, wax laga siiyey Dawladaha hoose ma jirto waxaanan xisaabtoodii ugu tagnay iyadoo madhan, waxaanan culayska saarnay inaanu u habayno Dakhligoodii siinana wixii u soo galay Aug-Oct. 2010, taas oo ay ku fuliyeen Mashaariic horumarineed sida Degmadda Hargeysa oo laga fuliyey dib u dhiska iyo Dayactirka Wadooyinka lacagta aanu siinay Dawladdaha Hoose waxay dhan tahay 2,491,421.567. 3) Kobcinta Dakhliga. Dakhliga ina soo galay Aug-7 Nov. 2010, wuxuu dhan yahay 105,838,376,666/=. Mudane, madaxweyne waxaanu xooga saarnay sidii Dakhliga kor loogu qaadi lahaa anaga oo meelaha qaarkoodna 193%, kordhinay sida kastamka kala baydh waxa kale oo aanu xooga saarnay Dakhliga Cashuuraha Berriga, taas oo aanu Diiwaan-gelin Guryaha tiradda aanu diiwaan-gelinayna waa sidan:- 1) Hargeysa. = 37,194 Guri. 2) Boorame. = 8,210 Guri. 3) Gabiley. = 2,367 Guri. 4) Wajaale. = 635 Guri. 5) Arabsiyo. = 342 Guri. 6) Burco. = 8,100 Guri. Total: = 56,848 Guri. Taas oo waliba Burco iyo Boorame ay weli Diiwaangelinti u socoto, goboladd kalena aanu doonayno inaanu dhakhso uga bilowno. anaga oo ku tallo jirna in Sannadka 2011-ka Dakhliga Cashuuraha Berrigu halkii joogay kor uga qaadno 100%, waxa kale oo aanu xooga saarnay sidii khasnadda Dawladda loogu shubi lahaa Lacagayowgii barbar mari jiray ee aan ku dhici jirin Khasnadda Dawladda, sida Dakhligii Maxjarka Xoolaha oo aanu xaraynay, Dakhligii Shirkadda Total oo aan qaar xareynay, kuwa kalena daba socono, Dakhligii Faa¡¦iidadda Sarifka Dollarka oo aanu xareynay iyo sidoo kale Dakhligii Dawladda Dhexe ay lahayd ee ay qaadi jirtay Dekedda Berbera oo la kala xadeeyey oo aanu si dhakhso ah ugu soo shubi doono Khasnadda Dawladda. 4) Toosinta Maamulka. Waxaanu xooga saarnay in Kharash aan Xafiiska Xisaabaadka Guud soo marin ka bixin Khasnadda Dawladda iyadoo meesha laga saaray wax loogu yeedhi jiray Horumarin (Advance), sidoo kale iyanna waxaanu meesha ka saarnay laba Buugaag oo kala duwan oo yaalay Kastamadda Dalka kuwaas oo ah Buugaagta Qiimaynta Beedaddaha soo dega (Customs Evaluation Book), kuwaas oo ay Ganacsatadda Cadaalad darro badan ay ka tirsanayeen. Isla markaas waxa kale oo aanu isbedel ku sameynay Shuruucda Wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo aanu si dakhso ah u keeni doono Golaha Wasiiradda si loogu gudbiyo Golaha Wakiiladda, meelaha kale ee aanu wax ka toosinay waxa ka mid ah waxaanu qabanay tababar la xidhiidha Nidaamka Sameynta Miisaaniyadda oo heer caalami ah kaas oo aanu u qabanay Agaasimayaasha Guud, Gudoomiyayaasha Hay¡¦addaha Dawladda, Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Qorshaynta kaas oo wax weyn ka badali doona Habka loo Maamulo Miisaaniyadaha iyo qaabka loo Maamulo, waxa kale oo aanu sameynay Buug tilmaamaya Qorshaha Sadexda Sanno ee Miisaaniyadda (Medium Term Fiscal Frame Work), kaas oo ku tallo galkeedu yahay inaanu ku hagno Miisaaniyadda 3 Sanno ee soo socda. 5) Toosinta Shaqaynta Hay¡¦addaha Dawladda iyo Hay¡¦adaha Caalamiga ah. Waxa jirtay in Xidhiidhka Baanka Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu uu ahaa mid bur bur ah, kaas oo ay Wasaaradda Maaliyaddu kalsoonidii ka qaaday Baanka markii ay amartay inaanay Ganacsataddu toos u gayn Lacagta Cashuurta Baanka, wax Xawilaad ahna aan laga sameysan karin, taasina ay tahay ta sababtay inay Sumcadii Baanku hoos u dhacdo. Sidaas awgeed, waxaanu Dadaal fiican ka galnay sidii aanu u dib ugu soo celin lahayn Kalsoonidii Baanka, waxaanan dib u amarnay in Ganacsataddu lagactooda soo dhigtaan Baanka, isla markaan ay ka soo qaataan Jeeg, Jeegaas oo ay maamulayaasha Kastamadduna aqbali doonaan. Waxa kale oo aanu xidhiidh la yeelanay Hay¡¦addaha Caalamiga ah sida, Baanka Adduunka, UNDP, IOM iyo UNHABITAT, si ay noogala shaqeeyaan Isbedelka aanu ka wadno dhinaca Cashuuraadka, Tababaradda Shaqaalaha iyo Shuruucda Maaliyadda, taas oo meel fiican noo maraysa. Biyaha 1 Waxa la kiciyey oo laga shaqaysiiyey Mashiin fadhiyey oo ah VOLVO pent 16300 500 KVA 2 Waxa la dayac tiray dhamaan mishiinada kale ee biyaha loona soo iibiyey qalab cusub qiimihiisuna dhan yahay 338,931,460 waxana dib looga shaqaysiiyey 3 ceel oo hore ugu cadilnaa daynabooyin 3 Waxa la dhamaystiray sharcigii Wakaalada biyuhu ku shaqayn lahayd markii ugu horaysay 4 Waxa sare loo qaaday dakhliga Wakaalada Biyaha Dhaqanka iyo Sportiga 1 Waxaa la dhamaystiray siyaasadda dhalinyarada ee Qaranka ee shanta sano ee soo socda 2 Waxaa si fiican u hirgalay qabashadii koobka Ramadaanta ee dalka oo dhan 3 Waxaa si fiican u qabsoomay tartankii orodada 5-ta KM ee xuska maalinta Shuhadada SNM 4 Waxaa sahan lagu sameeyey xaaladda ururada dhalinyarada ee dalka oo dhan, iyadoo kaashanaysa dalladda Dhalinyaradda ee SONYO. 5 Waxaa markii ugu horeysay loo diyaariyey tababar koox dhalinyaro ah in lagu soo tababaro dalka UK. Kalluumaysiga 1 Waxaa kor loo qaaday wax soo saarka kaluumaysiga oo la soo xareeyey dakhli dhan $16,180 boqolkii cisho ee ugu horeeyey 2 Waxaa la gaadhsiiyey goobaha kaluunka lagu iibiyo ilaa Toban goobood 3 Waxaa dayactir lagu sameeyey mid ka mid ah EX Nec Fish Berbera, loona sameeyey xarun tababar iskaashatada Gobolka Saaxil. Dekedda 1 Waxa la xalilay mushkilad muddo dheer macaamiisha Dekedda ee ganacsatada ka haysataday halkaasi, taasi oo ahayd habka ay dadku wax u cashuuranayaan oo dhibaato badani ka haysatay, iyadoo ay kala fog fogaayeen xafiisyadu, waxaana lagu soo ururiyay hal xafiis oo kaliya. 2 Waxa la hawl galiyay Raadaar cusub oo Dekedda u fududaynaya in lala socdo dhaq-dhaqaaqa Maraakiibta ee badda cas oo dhan. 3 Waxa markii ugu horeysay dekedda laga furay goob caafimaad, waxana Maraakiibta loo fududeeyay biyo siinta, iyadoo loo sameeyay kaalmo ay Maraakiibtu Biyaha toos uga qaadan karaan. Shaqada iyo Arimaha Bulshada 1 Waxa la bilaabay sharcigii Saqalaha Rayidka, si loo ilaaliyo xuquuqda uu leeyahay qofka shaqaalaha ahi, oo la shaqeeyo 7 sacaadadood maalintii. 2 Waxaa dib loo dhisay garoonkii kubadda Koleyga ee timacadde. 3 Waxaa la soo rogey nidaam cusub oo loogu fududaynayo shaqaalaha Ajaanibka ah ruqsadda dal ku galka (Visas) Gaashaandhiga 1 Waxa la sameeyey guddi ah saraakishii hore ee ciidamada oo ka kooban 15 xubnood, kana soo taliyey dib hubayntii Ciidanka Qaranka iyo wada shaqaynta Wasaaradda Gashaandhiga 2 Dhismaha Ciidanka darajooyinkiisa oo lagu jaangoynayo Mushaharkooda. 3 Waxa dhamaystirmaya dhismaha Cusbitaalka Ciidanka Qaranka Hargeysa, EX dugsiga tababarka ee Dararweyne iyo Cisbitaalka Burco 5 Waxa la diyaariyey Dib u habayna lagu sameeyey Sharciga Ciidanka 6 Waxa dib u dhis lagu wadaa dhismaha xarunta Wasaaradda iyo Saldhigyada Ciidanka Qaranka, Mashruucaas oo ay inaga caawinayso Wasaaradda Arimaha Debedda ee Ingiriiska. Beeraha 1 Wasaaradda Beeraha oo kaashanaysa Hay¡¦adda Candle light ayaa qalabka gacanta ee Beeraha u qaybisay beeraleyda Wajaale, Faraweyne, Magaalo Cad iyo Alley baday, deeqdaas qalab oo ahaa mid ay UNDP-du inagu caawisay 2 Waxaa la soo xidhay mashruucii Durdur Cad, kaasi oo ay ka mid ahaayeen dhisida kanaalo waraab, dayactirka wado dhererkeedu leeg yahay 5 km, ku taageerida beeralayda dhuumo dherer leeg 10 km, 20 matoor oo waraab ah, tababarka beeralayda, 3 Waxa la hir-galiyey mashruuca tijaabada noocyada Bariiska ee dalkeena ka bixi kara oo dalka laga beeray meelo kala duwan oo dhanka xeebaha raacsan. Hawlaha Guud 1 Waxa go¡¦aamo adag laga soo saaray boobkii ku socday dhulka shacabka, sidaa darteedna way ka soo raynaysaa. 2 Waxaa la diray koox farsamo yaqaan ah oo kiciya dhamaan Gaadiidka Dawladda ee fadhiya, wixii dhaqan ka bax ahna si kale loo maareeyo. Isgaadhsiinta 1 Soo xaraynta dakhliga Isgaadhsiinta oo sare loo qaaday in ka badan 50% oo hore loo musuq maasuqi jiray. 2 Waxa dib u habayn lagu sameeyey sharciga Isgaadhsiinta tiiyoo la waafajinayo siyaasadda dawladda. Duulista & Hawada 1 Waxa madaarka berbera lagu daray terminal cusub oo loogu tala galay in dadka dhoofaya ay isticmaalan,lana qalabeeyey. 2 Waxa qayb cusub iyo balaadhinba lagu sameeyey Madaarka Hargeysa 3 Waxa dhamaan dib u habayn iyo dayactir lagu sameeyey dhabaha diyaaraduhu ka kacaan kana soo dagaan ee garoomada Hargeysa, Berbera, Boorama iyo Burco. 4 Waxa dib looga shaqaysiiyey garoomada Burco, Boorama oo aan hore u shaqayn jirin dhismayaashoodana la dayactiray. Waxaa la qarameeyay Madaarka Ceerigaabo, kaasi oo Maanta gacanta Dawladda si buuxda u soo galay. 5 Waxa la soo saxeexay Mashruuc ku kacaya 10 Milyan oo Dollar, kaasi oo Run way cusub loogu samaynayo Madaarka Hargeysa, isla markaana dayrar iyo qalabayn loogu samaynayo Madaaradda Berbera iyo Hargeysa. Macdanta iyo Biyaha 1 Waxay Wasaaraddu ka hawl gashay Ansixinta sharciga Biyaha. 2 Waxaa lagu guulaystay in la hago Hay¡¦adaha samafalka wixii baahi ah ee jirta dalka iyo siday u kala mudan yihiin. 4 Waxaa la dhamaystiray biyo macaan oo laga soo saaray Magaalooyinka Gabiley iyo Kalabaydh oo beebkii soo gaadhsiin lahaa uun u hadhsanyahay 5 Waxaa la dhamaystiray sadex ceel oo dhaadheer oo dhamaystiran iyo laba kale oo lagu gudo jiro qodaalkoodii sida ka Laascaanood. Xanaanada Xoolaha 1 Waxaa siminaaro wacyi gelin ah loo furay dhamaan Isu-duwayaasha gobolada dalka 2 Waxaa la gaadhsiiyey dawooyinkii Xoolaha , oo Bilaash ah, si loo xalilo dhibaatooyinka caafimaad ee ka jirey deegaanada xoolo dhaqatada. 3 Waxaa suurta gashay in ay dhoofaan boqolkii maalmood ee tegey xoolo dhan: Adhi-788301 Lo-42764 Geel-26454 4 Waxaa la galay heshiisyo la xidhiidha Caafimaadka Xoolaha, Horumarintooda, Dib u dhiska iyo adeegyadooda, kuwaas oo gaadhaya ilaa Todoba. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare 1 Waxaa la xaqiijiyey in bare kasta laga helo goobtii shaqada ee uu ka tirsanaa, cadayna ka soo qaato horjoogihiisii marka uu mushaharka Dawladda qaadanayo 2 Waxaa la sameeyey markii ugu horeysay sanduuq kayd ah (Saving account), kaas oo fududaysay hawlihii yar yaraa ee hoose ee wasaaaradda ka dayacnaa. 3 Wasaaaddu waxay joojisay lacago laga jari jiray Macalimiinta ama shaqaalaha dawladda 4 Waxaa la dhagax dhigay Dugsigii Xalane oo loo bixiyey (Yuusuf X. Adan), kaasi oo noqonaya Dugsiga Tababarka Macalimiinta 5 Waxaa awood loo helay in la bixiyo 89 deeq Waxbarasho 6 Waxaa la kiciyey oo la dhamaystiray Madbacad Wasaaradda loo keenay 2008/2009 kii oo fadhiday Qorshaynta iyo Horumarinta 1 Waxa dalka yimid 7 wefdi oo heer caalami ah, kuwaasi oo dhamaantood u socday inay arrimaha Somaliland u kuur galaan waxna la qabtaan. 2 Waxa la dhamaystiray laba dhisme oo cusub, kuwaasi oo ay leedahay Wasaaradda Qorshayntu oo ay hadda u guureen. 3 Waxa Baarlamaanka loo gudbiyey xeerka Ururada Wadiniga ah ee aan Dawliga ahayn. 4 Waxa gacanta lagu hayaa oo socda 10 Mashruuc oo ay fulinayso Wasaaradda Qorshayntu. Hay¡¦addaha Madaxa banaan Madbacada 1 Waxa laga shaqaysiiyey dhamaan Mishiinadii Madbacada Qaranka 99%. 2 Waxa la hirgaliyey nidaam lagu daabaco dhamaaan documentiyada dawlada oo hore faraha uga baxay. 3 Waxa gacanta lagu hayaa xeerka la dagaalanka budhcad badeeda oo ah wax cusub oo dowladihii hore ayna lahaan jirin. 4 Waxa la ururinayaa dhamaan shuruucdi dalka ee hore loogu dhaqmi jiray iyo kuwo cusubba, si loo helo wax walba sharciyadiisa looguna dhaqmo. 5 waxa guddigu waddaan xogo lagu ururinayo shuruucdi dhaqanka ee ay Soomaalidu isticmaali jirtay, kuwaas oo muhiim u ah bulshadeena. Hay¡¦adda Shaqaalaha Qaranka Waxa la helay macluumaadkii guud ee shaqaalaha Dawladda oo tiradeedu dhan tahay 7168, halka markii hore ka ahayd 8515, waxana lagu guulaystay in la helo farqi 1347 Waxa lagu guulaystay in la diyaariyo dhamaan Grade-kii ay ka koobnaayeen Shaqaalaha dawladdu oo kala ah A, B, C, D. Waxa la helay hawl-gabka, dhimashada, Caaglaha iyo inta shaqaysa. Waxa tababar loo furay 120 shaqaale ah oo ka kooban Wasaaradaha iyo hay¡¦adaha. Waxa lagu guulaystay hay¡¦addihii aan soo mari jirin shaqaalinimadoodu Hay¡¦adda shaqaalaha in ay soo maraan. Hay¡¦adda Wadooyinka 1 Waxaa dayactir ka bilaabmay waddada u dhaxaysa Kalabaydh iyo Dila 2 Waxaa qiimayn lagu sameeyey wadada u dhaxaysa Abdaal Iyo Berbera, Qandaraas 3 Waxaa dhamaaday hawl dayactir ah oo lagu sameeyey Birijka Aw-barkhadle 4 Waxaa dayactir lagu wadaa wadooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, Guumays iyo Yagoori Gobollada 1Waxa gobolka Saraar loo sameeyey Guddi Horu-marineed iyo sanduuq dhaqaale markii ugu horeysay . 2 Waxa hawl galo aan dhiig ku daadan lagu soo daayey afduubyaddi ka dhacay gobolka Saraar. 3 Waxa la sameeyay biyo xidheen weyn oo dadka iyo xoolahuba ku diirsadeen, 4 Waxa la dhisay Cusbitaal cusub oo loogu tala-galay in xanuunka TB-da lagu daweeyo, waxaana dayactir lagu sameeyey dhaman xarumaha dawladda ee Gobolka Hawd. 5 Waxa la dhamaystiray waddo laami ah oo 800 mitir ah Magaaladda Burco. 6 Waxa lagu wareejiyay Moos dhererkiisu yahay 3.5 Km Magaaladda Burco.
  5. Jamhuuriya - Dr. Gabboose iyo xog-warankiisa xusuusta maalmaha Isbeddelay, qiraynka in aannu xilka ku aargoosan doonin Mandheera (Jam)- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa tan iyo intii xilka loo magacaabay markii ugu horreysay shalay booqday dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Mandheera, halkaas oo uu laba sanno ka hor ku ahaa maxbuus siyaasadeed xukuman. Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey dufcaddii 25-aad ee ciidanka bilayska oo tababar looga furay dugsiga tababarka, waxa uu halkaasi salaan-sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka bilayska. Haddaba, weriye ka tirsan Jamhuuriya oo ka qaybgalay xafladda xidhitaanka tababarka ciidanka bilayska, isla markaana si gaar ah isha ugu hayey shucuurta ka muuqatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa Dr. Gabboose xog-warran kooban kala yeeshay dareenkiisa ku wajahan xusuusta maalmihii uu maxbuuska ku ahaa xabsiga Mandheera iyo maamuuska uu maanta huwan yahay ee uu salaan-sharafta ciidanku ku sharfay. Ugu horreyn, waxa weriyuhu waydiiyey Wasiir Gabboose sida uu dareenkiisu yahay markuu isbarbardhigo maalmihii uu xidhnaa ee boolisku gacmaha jiidayeen iyo shalay oo uu salaan-sharaf isla halkii ku qaatay, waxaannu ku jawaabay; “Horta qofka bini’aadamka ah noloshiisu waa khibrad iyo qadar, markaa in aan waqtigaasi soo maro way qornayd, wixii aannu u dagaalamaynayna waxay ahayd xorriyatul qawl, xoriyad in qofku wax doona karo, lana dooran karo, xoriyad in aannu dalkayaga gudihiisa si nabadgelyo ah wax ku doonan karno, tiina waxay dhalisay xadhig, markaa dareenka ay ugu reebtay wuxuu ahaa kii aan khudbadda ku akhriyayey in ficilkii iyo mabdi’ii maalintaasi yaallay uu noqdo mid dalka ka suula oo loo kala saaro dambiga mid dalka iyo dadka laga galay ee aannu qofku dambiile ku noqon fikirkiisa iyo dareenkiisa inuu ku dhiiban karo qoraal. Markaa aniga iyo saaxiibaday way na korisay oo bisayl wayn ayey noo kordhisay oo ah dulqaad oo waxa laga yaabaa weriyaha wax naga sheega haddii aanan soo marin tan (xadhigoodii) waxa dhici kari lahayd in aannu cadhoon kari lahayn, laakiin hadda ma cadhoono, waayo ma doonayno in dambigii nalaga galay in aannu cid kale ka galno.” Wasiir Gabboose oo ka sheekaynayey xusuustii maalintii la xukumay iyo waxa uu ka bartay, waxa uu yidhi, “Sawirka soo baxayaa waxa weeye kii hore ee la is takhaantukhinayey, qolkii maxkamadda madow nalagu xukumay halkaasuu ku yaalaa (inta uu gacanta ku tilmaamay), qaadigii la keenay isaguna mid madow buu ahaa oo aannu meesha kala kulnay, sharciguna mid madow buu ahaa oo meesha lagu wada qoray, wax wada madow baa la yidhi xuquuqdii waa laga qaaday. Markaa waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa shacabka reer Somaliland oo dullinimadii noocaas ahayd ka doortay inay maamul dhaqankiisu ka duwan yahay ay doortaan, waxaanan hubaa in Madaxweynaha maanta joogaa in aannu marna qaab-dhismeedkiisu dareen ahaan iyo qof ahaan lahayn dhaqan noocaas ah. Aniguna haddii aan lahaan iyo haddii kaleba waxa iga masaxay dariiqa dheer ee nolosha ee i bisleeyey ee aan u leeyahay dulqaadka, tixgelinta iyo sharciga ilaalintiisa. Dareenku faan maaha ee waa guul i dareensiinaysa inaan hore u socono oo ummadu garato in aan qori la qaadan, waayo maalintaas dadweynuhu way cadhoon karayeen oo dhiig baa daadan karayey, laakiin way samreen oo cod bay ku beddeleen inay abaalmarin noo siiyaan, Madaxweynaha maanta joogana si gaar ah ayaanu ugu mahadnaqaynaa, waayo qof ahaan wuxuu leeyahay inuu ficilkii shalay ee tukhaantukhada ahaa ku beddelo salaan.” Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo la waydiiyey, maadaama uu waqtigan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha in laga yaabo inuu cid ka mid ah masuuliyiintii xukuumaddii hore ee xidhay inuu kaga aargoosto, waxa uu ku jawaabay, “Wallaahi kolay bini’aadamku qof waliba in buu iska ogyahay intaan anigu iska ogahay in aanay dhici doonin, waayo waa kow Ilaahay baa ii hiiliyey oo kuwii dulmiga waday hoosta geeyey, kuwii la dulmayna sarreysiiyey, shacbiyaga ayaa noo hiiliyey oo iyagoon dhib, dhiig iyo mushkilad marin cod ku beddelay duligii, wanaagana doortay, sidaa awgeed waxaan ku gefayaa hiilka shacbigayga iyo hiilka Ilaahay haddii aan noqdo shakhsi daciif ah oo aarsada oo aan wax ilaawin oo ficillada tirsada, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noo koriya aniga, saaxiibkay Maxamed Xaashi iyo raggii kaleba naga koriyo oo aannu noqon dad dareenkaas Ilaahay ka koriyey oo madax wanaagsan oo dareen ka duwan qabta iyo qaab ka duwan uu na siiyey. Markaa lagama yaabo, maanta ayaad iga qoraysaan waa wax aan dhici karin.”
  6. Nuxurka Waxqabadkii Xukuumada Somaliland Oo 100-kii Cisho ee U Horeeyay November 8th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.org)- Xukuumada cusub ee Somaliland ayaa maanta Huteelka Kaah ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigtay wax qabadkeedii 100-kii cisho ee u horeeyay, waxaanay sheegeen inay 80% ay fuliyeen waxyaabihii ay balan qaadeen. Afhayeenka madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay waxaanu yidhi Dhismaha Xukuumadda “Markii ugu horaysay waxaa la soo dhisay xukuumad tiro yar oo tayo leh oo ka kooban 20 wassaaradood iyo lix wasiir ku xigeen, waxaanay ka dhigtay xukuumaddii ugu tiro yarad intii Somaliland jirtay. Si aqooni ku jirto ayaa loo suuro geliyay in aanu isbedelku saamayn badan ku yeelan wada shaqayntii golayaasha iyo hay’addaha dawladda, taasna gacan adag ayaa lagu qabtay si toosa ayaanu u dhaqan galay. Hay’addo badan oo hoos iman jiray madaxtooyada ayaa ayaa lagu celiyay meelihii ay mudnaayeen, sida Tv-ga qaranka oo la hoos geeyay wasaaradda warfaafinta, laanta socdaalka oo la hoos geeyay wasaaradda daakhiliga. Waxa markii ugu horaysay si madax banaan u hawl galay hanta dhawrka qarank, taariikhda Somaliland waa markii ugu horaysay ee hanti dhawrka qaranku iskii u hawl galo isaga oo xor ah oo madaxbanaan.” Arrimaha Amniga “Waxaa la xoojiyay arrimaha nabadgelyada iyo ka qayb gelinta dadwaynaha, waxaa la sameeyay guddiyo nabadgelyo oo heer qaran, heer gobol ilaa heer xaafadeed ah. Waxaa laga hawl galay hawl galo isku dayo ahaa oo qaarkood aad xasuusan tihiin in argagixisadu isku dayday in ay nabadgelyada khalkhal geliso muddada isbedelku jiro dhexdeeda, waad ogtihiin in la soo bandhigay hub badan oo ay ka hawl galeen ciidamada amniga iyo kuwa ilaalada xeebaha ah Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Hargaysa oo lagu qabtay ummadana hubkii loo soo bandhigay . Waxaad xasuusan tihiin 300 oo nin oo ka soo degay xeebta galbeedka Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, aakhirkiina dawladda Itoobiya oo ay dhinacooda ku socdeen ay ka aarsatay oo ay ka adkaatay. Waxaa la kala diray oo madaxwaynuhu khudbadiisi ugu horaysay ku kala diray guddidii nabadgelyada ee lahayd awooda xukun ee aan sharciga ku dhisnayn. Waxaa saamaxaad madaxwayne lagu sii daayay maxaabiistii siyaasadeed ee xiligaa xidhxidhnayd. Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray baaq nabadeed, khudbadiisii ugu horaysay waxa uu gogol nabad gelyo u fidiyo gobolada Sool iyo Sanaag bari oo shaqaaqo ka jirtay xiligaas, waxaana la isku dayay shaqaaqadii maalmahaa xooga lahayd in halkeeda lagu bakhtiiyo waana lagu bakhtiiyay, gogoshii madaxwaynuhu fidayayna way bilaabantay, guddidii hirgelin lahayd oo heer qaran ah ayaa gogoshaa qaybteedi ugu horaysay waxay todobaadkii hore ku qabsoontay Widhwidh, waxaana ka soo jawaabay baaqaa Madaxwaynaha iyo hogaan dhaqameedyo oo gacmo furan ku soo dhaweeyay.” Arrimaha Dhaaqaalaha “Waxaa la xakameeyay in muddada kala guurka ah ee xilka lala kala wareegayo iyo maalmaha xiga toona aanay dhicin musuqmaasuq iyo hanta lunsi, si aanay taasi u dhicin waxaa la amray xisaabiyaha guud ee qaranka iyo guddoomiyaha baanka dhexe, waxa kale oo la hawl geliyay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada oo shaqo wanaagsan qabtay, waxa kale oo la hawl geliyay guddi uu xisbiga KULMIYE lahaa oo iyaguna arrimahaa la dagaalanka musuqmaasuqa ka hawl galay, arrintaas aad baa looga hawl galay oo in aanay hantida ummaddu dhexda ka bixin muddada kala guurka ah ee labada xukun xilka la kala wareegayaan waana la xakameeyay, oo si adag ayaa gacanta loogu dhicay. Waxyabaha qabsoomay dhinaca dhaqaalaha waxaa ka mid ah bixinta mushahaarooyinka shaqaalaha dawladda ka maqnaa iyo kharashaadkii hawl socodsiinta. Waxaa ballanqaadkii xukuumadda ee boqolka cisho ku jiray musharka shaqaalaha dawladda ka maqnaa kaas oo la bixiyay. Musharooyinka shaqaalaha iyo kharashaadka socodsiinta shaqada ee la bixiyayna waxa ay kala yihiin:- Mushaharka iyo kharashaadka la bixiyay oo ka soo jeeda bishii koobaad ilaa bishii todobaad ee sannadka 2010 waa 38 bilyan 862 milyan, taas oo ah mushaharka iyo kharashaadka ay ka tagtay xukuumadii hore ee daynta ah ee lagu lahaa ee ay xukuumadda cusubi bixisay. Intii ay xilka haysay xukuumaddanina waxa ay mushahar iyo kharashaadba u bixisay 58 bilyan, 240 milyan. Isu gayn waxa ay xukuumaddani bixisay 102 bilyan, 909 milyan ayay intii boqolka maalmood ahaa ay xukuumaddani kharash ahaan u bixisay. Waxaa intaa dheer raashinka ciidamada, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo dayactirka gaadiidka. Si loo dhamaystiro biriishka labaad ee Hargaysa oo dumay sannadkii 2004, boqolka maalmood ee ugu horeeyay waxaad ka garan kartaan Madaxwaynuhu goobaha uu socodka toos ugu tagay ayay ka mid ayayd biriijku markii uu xafiiska wax yar fadhiyay , maalintaa madaxwaynaha wax dayn ah oo kama maqnayd dhinaca biriijka oo la odhanayo madxtooyada ayaa lacagtii bixin wayday may jirin oo way haysteen, balse nasiib darro arrin dabeecad ah awgeed roobab iyo daadad jiray ayaa tiirka dhexe la xidhi kariwaayay, sabab uu qabyo u yahay oo aan taa ILLAAHAY ahaynina ma jirto. Waxa kale oo madaxwayne ku xigeenku soo dhagax dhigay wadada Dila iyo Boorame oo 4 km ay xukuumaddu dhisayso.” Arrimaha Bulshada “Wassaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo macdanta iyo biyaha iyaga nolol ahaan ayaad maalin walba taabataan oo warbixin badan iigama baahna, waxqabadkoodu horena wuu u jiray maantana ILLAAHAY mahaddii wuu kordhay, haddii aynu iyaga bilownana waynaan ka gayoonayn balse saxaafadda ayaanu idiinku soo gudbin doonaa maalmaha soo socda.” Afhayeenku wuxuu sheegay in siyaada dibada Somaliland ay meel wanaagsan marayso,waxaanu tilmaamay In madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisii todobaadkii hore dalka Jabuuti loogu soo dhaweeyay meeqaam aad u sarreeya. Somaliland.Org Hargeysa
  7. Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] reuse same old material or your calender is April . could you explain word "Huge" if this is Huge in Widhwidh what will be small
  8. Dilalka ka dhacay Somaliland November 2009-kii ilaa Novbember 2010 waa 81 dil, waa ku dhintay 81, qof waxa la qabtay 64 gacan-ku-dhiigle, waxa baxsaday 17 gacan-ku-dhiigle. Dilalka Sannadkan 2007 bdhacay oo tiradoodu tahay 83 Dil waxaana la qabtay 55 gacan ku dhiigle halka ay 26 gacan ku-dhiigle Almost same 2009-kii November ilaa 2010 November, waxa dalka ka dhacay guud ahaan 18,343 kiis, waxa maxkamad la horgeeyay 5015 kiis, waxaa la xukumay 1788 kiis, waxa si gaaban lagu dhameeyey 8584 kiis, waxa beenowday ama caddaan waayay 3511 kiis, waxaana baaris ku jira 1223-kiis. 3-Nov-07 ee Sannadkasta ayay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo bandhigeen tirade Guud ee dambiyada ka dhacay dalka Sannadkan lagu jiro kuwaas oo tiradoodu gaadhay 17601 kiis. waxba ismay badalin
  9. War xun sheeg Dayniile ayaad war ka soo xiganaysaa Warbixinta boliska iyo ciwaanka uu u sameeyay isma laha. Bal waakan ee bar bar dhig warbixintii 2007 maxaa isbadalay. Sow nabadgalyada Somaliland sideedii maaha, Xuska Sannad Guurada 14-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska oo ku began 3-Nov-07 ee Sannadkasta ayay Ciidanka Booliska Somaliland ku soo bandhigeen tirade Guud ee dambiyada ka dhacay dalka Sannadkan lagu jiro kuwaas oo tiradoodu gaadhay 17601 kiis. Kiis-danbiyeedyadan oo isugu jira qaar Madani iyo fal-dhagareedyo, ayaa in badan oo ka mid ah dadkii geystay la horgeeyay Maxkamadaha ku shaqada leh ka dib markii gacanta lagu dhigay, sidoo kale ayaa qaar ka mida Heshiis laga gaadhay halka in kale oo ka mid ah dadkii geystay ay u suuro gashay in ay baxsadaan kuwaas oo ay Boolisku tilmaameen in ay ku daba taagan yihiin sidii Cadaalada loo horkeeni lahaa, Warbixin ay Boolisku Sannad walba maanta oo kale ku began Xuska Maalinta Aas-aaska Ciidanka taas oo ay ku soo bandhigaan Waxqabadkooda iyo inta Kiis Dambi ee Sannadkaa dalka ka dhacay. Cabdilaahi Iimaan Fadal oo ah Hogaanka Wacyi Galinta Guud ee Ciidanka Booliska ayaa Warbixinta wax qabadka Booliska ee Sannadkan akhriyay waxaanu haladkiisa ku bilaabay sedan: “Halkan waxaan ka soo jeedinayaa, iyadoo wax qoraal lagu soo koobi karo aanay ahayn Waxqabadkii Booliska Somaliland ee Sannadkan 2007 xaaladii uu soo maray waana sedan soo socda guud ahaan dalka waxaa ka dhacay 17601-kii waxaa Maxkamad la horgeeyay 5234- Dambi, waxa la Xukumay 2132 waxa si gaaban lagu dameeyey ama Heshiis 6363 inta beenowday ama cadaan wayday intaa ka dib waxa uu Fadal ka hadlay Dilalka Sannadkan dhacay oo tiradoodu tahay 83 Dil waxaana la qabtay 55 gacan ku dhiigle halka ay 26 gacan ku-dhiigle ka baxsaday kuwaas oo uu Taliyuhu sheegay in Ciidanka Boolisku ku daba joogaan tirade Dilka ee Sannadkan dhacay ayuu Mr. Fadal tilmaamay in kuwii Sannadkii hore ay ku korodhay tiradoodu 1 Dil, Sannadkii hore ay tirade Dilku ahayd 82. Waxa uu Taliyuhu xusay in laga daadaalka ay Ciidanku sameeyeen tirade gaacanku dhiig-layaash ay qabtee shilalka Sannadkan dhacay ayay tiradoodu lahay 987 kuwaas oo ay ku dhinteen 133 Marxuum, halka ay ku dhaawac-meen 795 Qof shilalka Sannadkan ayuu Fadal sheegay in gaadiid dhan 630 ay ku burbureen, sidoo kale waxa ay sahaydeen 120 Neeg iyo 31 Guri oo wax-yeelo ka soo gaadhay. Tirade Kufsiga ee Sannadkan dalka ka dhacay ayuu Taliye Cabdilaahi Iimaan Fadal tilmaamay in ay ahaayeen 83 Kufsi waxana ay Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen 73 Eedaysane. Taliye Fadal oo faahfaahin ka bixinaya faldanbiyeedyada Kufsiga ay xusay in “Kufsiyeda qaarkood ay geystaan dad tiradoodu gaadhayso 9 Qof ilaa 8 Qof arrntaas oo uu tilmaamay waxaan dhaqan u ahaan jirin dalkan Somaliland, isagoo Bulshadana ku waaniyay in ay ka wacyi galiyaan dhalinyarada ku kacaysaa falalkaa oo Dhaqanka iyo Diinteena midna ogo-shahay aan ahayn” ayuu yidhi Taliye Fadal. Cabdilaahi Iimaan Fadal Hogaanka Guud ee Wacyi Galinta Ciidanka Booliska waxa uu sheegay in Sannadkan la Tuuray 21 Carruura ah oo 8 ka mid ahi dhinteen 13 kalena Boolisku Nolol ku heleen, kuwaas oo Hay’adaha ku shaqada leh gacanta ka galiyeen, sida Xarunta Agoomaha, iyo qaar dad ka faala qaadeen 13 Carruura ah. Laakiin Taliyuhu ma sheegin cid loo qabtay kiiskaa Tuurista Carruurta. Warbixinta Booliska ayaa lagu sheegay in Sannadkan tirade dadka is Daldaley dhan tahay 15 Qof oo 10 ka mid ahi yihiin Ragg halka shanta kale tahay Haween, kuwaas oo Boolisku badbaadiyeen 2 Qof oo ka mid ah 13-tobankii kalana dhinteen. Dhinaca iska horimaanyada ka dhasha rabshada ka dhasha muranka dhulka aya lagu sheegay Warbixintan Booliska in ay ku dhinteen 28 Qof 56 kalena ku dhaawacmeen. Taliyaha Fadal waxa uu sheegay in Ciidanka Boolisku ay ka hawl-galaan shaqaaqooyinka dhulka, la dagaalanka Mukhaadaraadka sida, Khamriga, Xashiishada iyo Maandooriyayaal kale waxaanu xusay in dhibaato ay ka gaadho Ciidanka Booliska mararka qaarkoodna, sababta dhimasho iyo Dhaawac soo gaadha Askarta, waxaanu sheegay in Sannadkan ay laba Sarkaal iyo hal Askari kaga dhinteen shaqaaqooyinkaas oo kii Saldhiga Burco ugu dan beeyay ayuu yidhi Fadal tirade ka dhaawacmay Sannadkan Booliska 47 Askari ooh awl-galadaa ka soo gaadhay. Faysal Maxamed Xasan Reporter Harowo.com - Hargeysa
  10. Wiil Cusub, the link you provided is entirely recorded in the Khatland shilling, how am I supposed to do conversion for a toy currency? Come with any figures even your Bosaso printed currency it is true that they call Pugland no real data
  11. Will Berbera's livestock investment pay off enough to bring the port to Bosaso's traffic levels? We'll see. Timer come with numbers real statics not bla bla and let us compare two ports Berbera vs Bosaso or two towns bosaso vs Borame or education of your pintland Vs education in SL . No secret Somaliland annual budget is 50M for time been let us show yours. car-car soo saar any statics with real evident that proof any thing that you are better. Except pirate, human-trafficking, false money print and wast dumping. Hier is Somaliland Figurs
  12. Dear General come with better conspiracy theory it is well know that top of Al-S are mostly arab/afghan and view somali to name Godane, abu mansuur, shangool and Ali dhere
  13. Jiciir is one of the best ,,,,,,,,,,,,,, maad wada qayishiin Jiciir wuxuu Cawl dhisay ayuu burburshay
  14. Warkii Demark oo si toosa loogu soo daray warbixintan iyo faaladeeda
  15. Fiction or true :confused: :confused: Muqdisho warkeega yaa kala saari kara
  16. Hargeisa needs new mayor that is bottom-line Jiciir is worst mayor Hargeisa ever has Action 1 kick Jiciir out of the city
  17. What about if we said AS is created by YEY !!! :confused: :confused: Haduuna dalban lahayn inay Itoobiyaanku soo galaan Somalia maanta may jirteen AS Is my hypothesis more closer in truth than that AS is created by SL
  18. Aduunbaa sheegay adiga oo qudhana rumaysan adigaana isu sacabiyay
  19. Dad bay meeli bugtaa Dad bay meeli bugtaa! horumarka la gaadhay miyay ka bukan! Somaliland baa duushay miyay ka bukaan! Heeryada saaran miyay la bukaan Saaxibayaal tuug kasta oo aanu soo erino hadii aydun idinku hoosta gashanaysiin odhaysiina Somaliland ayay noo matalaan haday idinku qarxaan dhibaatano idiin gaystaan oohinta daaya. Ragan aad sheegaysaan miyayna ahayn kuwii Lacagaha ka xaday Somaliland miyayna ahayn kuwii dilalka ka gaystay kuwii qorsheeyay inay Cigaal Borame ku dilaan Bangiga dhexe ee Somaliland na gubaan si dagaal iyo fawdo uga bilaabanto oo beelaha Hargeisa iyo Boorame isu gumadan ururka ay wakhtigaa niyada ku hayeena uga faaiidaysto oo uu ka dhex abuurmo Iyagoo la eryanayo markay kugu soo baxsadeen Hadaydun wakhtigaa iska soo celin lahayd oo aanad adigu hoosta gashan lahayn maanta dhibtasi kuma haysateen ee oohinta jooji Halkan ka dhagayso Teeriikh nololeedkii Godane
  20. this could not be Ras check bloom in horizon
  21. All of Bosaso was built on xalaal money, I can't say the same about all of Xamar. :confused: :confused: Xalaal Mony Woow How dare can you say that. Bosaso is waa xarunta pirate, human trafficking, illegal fisheries and dumping wast in Somalia. Ma ilowday filmkan