Wiil Cusub

Nomads
  • Content Count

    1,063
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Wiil Cusub

  1. OdaySomali;881872 wrote: ^ It just shows the current sad state of affairs that something quite frankly as sh!t and embarrasing is being paraded as a huge achievement. He has to look to be doing something regardless how small of an "achievement" or low the quality of the project. Fair enough and understandable if there are a lack of funds, but even at the most basic level of planning and organisation there is failure and incompetence. lol where are the chairs and where is the grass :eek: Whats the use of this when there are folks dying of hunger and thirst... even if they had set up government owned farms with these resources that have been wasted and grown food, that would have been something. Bacaaaac waxa ugu daran kuwan qurbaha dhul ay dad boqolaal sanadood ay dhisayeen garab dhigaya meel imika la dhoobdhoobayo I am not actually sure what 'governments' in Somaliland and Puntland do? NGOs and the private enterprise that are ones actually doing something. So called government just shows up for the ribbon cutting and pass it 'development'. Before you ask this question do you know how big is their budget?
  2. Alpha Blondy;880985 wrote: i know that jamal osman and met him a few times. he lacks self-awareness and is using his opportunity as a 'Somalia expert' to distort the reality. i agree with NG, its futile protesting. Man may not be OK but the message is correct. Most of Somali journalist are Caado qaate/ Torofotoore and tribelist . Can you call Dahir Alasow a journalist
  3. If she is from war-zone than I can give my sympathy but from Burco to Yemen what crazy
  4. Adeer casharka taariikhda-tolka wali si fiican ugamaad baran tolka ee bal aabo dib ugu noqoo oo soo warayso sheeko quruxbadana la kaalay Halkan laba sheekaad isku dhex qortay 1962 iyo 1967 warkii Carusa soo kala fahan. Haddii aad wax dhexdhexaada aad rabtidna soo akhriso http://lcweb2.loc.gov/cgi-bin/query/r?frd/cstdy:@field(DOCID+so0027)
  5. Somalia;879672 wrote: I Cigaal was the man who spend 6 months in Kenya negotiating without authorization regarding the status of NFD, a role in which he played a weak hand for Somalia, eventually losing his cabinet seat because of it. Or is it the same Cigaal that during the negotiations of NFD in Kenya 1967 believed Somalia had no right for NFD, cause if NFD became part of Somalia, his secessionist aspirations would be weaker. Any source where you get this information or just sheekaddii adeerkaa kuugu sheekayn jiray. Wixii fiicanba inakaa leh dadkana inakaa ugu badan/wanaagsan
  6. Bal hada aynu sheekada ka eegno dhinaca Cigaal. Sheekadan hoos ku qoran waxaan ka soo xigtay Xusuus qorka Gees: Madaxweyne Cigaal lama kulmin C/laahi Yusuf sidii aan hore u soo sheegay ma jeclayn qolyaha askarta ah iyo dagaal oogayaasha lamana xidhiidhi jirin hase yeeshe waxaa Hargaysa dhawr goor yimi ninka la yiraahdo Yusuf Cumar Azharioo dhanbaalo ka siday Mudane Cabdilaahi Yuusuf madaxweynaha Maamul gobaleedka Puntland, hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayuu madaxweyne Cigaal shir isugu yeedhay koox wasiiro ah oo aan hada ka xusuusto Caxmed Yusuf Ducaale, Cabdi Aw Daahir iyo aniga Gees waxaa uu noo sheegay in uu joogo ninka la yioraahdo Azhari waxannu nagu yidhi waxaa uu ahaa Safiirkii Maraykan u fadhiyey dawladii Soomaaliya ee waqtigii aan Ras’iisal wasaaraha ahaa. Waxaa uu ka sheekeeyey mar uu booqasho ku tegay wadanka Maraykanka isagoo Cigaal ah Ras’iisal wasaarihii Soomaaliya oo ninkaa Azharin auu ahaa safiirkii fadhiyey Washinton ee waqtigaa waxa uu yidhi weli waan xusuusta sidii uu safarkaa iiga xumeeyey oo aanu waxba iigu sheegin habka borotakoolka ay dawlada Maraykan ku dhaqanto oo ah in mar qudha Madaxweynaha Maraykan aqalka cad lagula kulmo oo markaas baraamijkaaga iyo waxaad u socotay lala soo qaado oo aanad markale lagu noqon, Anigu waxaan u haystay in marka hore yahay salaam iyo is barasho ee marka danbe loo sheegayo baraamijkii aan la socday sidaas awgeed markii aan aqalka cad kula kulmay madaxweyne Jonhson waan salaamay oo ka soo baxay wax baraamij ah lama soo qaadin ee dib ayaan u dhigtay markii aan damcay in aan ku noqdo waxa la yidhi suuragal ma aha in aad mar labaad aragtid, wasiiraduna go’aan ma laha haddii aanu madaxweynuhu ogolaan, hadaba ninka safiirka ah ee intaas ogaan wayey khayr badan ma laha haseyeeshe dhanbaalo ayuu iiga keenay C/laahi Yusuf markaas waxaan idinka doonaya in aad u soo jawaabtaan. Aniga waxay il tahay ayuu raaciyey inay jawaabtiina nuxurkeedu noqdo war adigu C/laahi waxad sheeganaysaa dad aad ku doodaysid waxaa naga dhaxeeya abtirsiin oo qabiil ayaad ku doodaysa anaguna waxaan sheeganaynaa dhul iyo xuduudo sharci ah sidaa daraadeed waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad ogalaatid xudduka Soomaliland oo ah xuduudihii caalamiga ahaa ee u dhaxeeyey Talyaaniga iyo Ingriiskii, anaguna aan ogolaano in dadka degan afti laga qaado la waydiiyo meeshay raacayaan oo weliba goobjoogayaal caalami ah la keeno oo aynu ku kalsoonaano wixii codbixinta ka soo baxa haddii ay ku raacaan aan iskaga hadhno haddii ay na raacaana aad iskaga hadhid, taas oo lagaga bixi karo isku dhac yimaada. Jawaab aan wax badan ka duwanayn ayaannu diyaarinay oo C/laahi Yusuf loo diray. Ayaan daro waxaa uu la soo noqday Azhari oo ka keenay C/laahi jawaab aan loo fadhiyin oo aan laga filayn oo ahayd warkii loo sheegi jiray saxaafada ee muranka ahaa waxaa uu yidhi xuduuda aad ka hadlaysaan waxay baaba’day markii dalka laysku daray mana ictiraafsani wax xuduud ah. Halkas waxa ku lintay fursad wada hadal lagu bilaabi lahaa dabadeedna sidaas ayuu xidhiidhkaasi ku joogsaday. Source http://koti.kontu.la/nhalganews/0804/1/Istiqaaladaydii(Shaqo%20ka%20fadhiisad.htm
  7. adam the three aria that you named: "ease of doing business'', ''getting credit'' and the ''protection of investment''. One point can be solved easily protecting investment to create regulation and lows which can give grant property registration, but luck of credit is more related unrecognized status of the country, Main Findings list item 1The government has made strides setting up some of the institutions and rules necessary for businesses to operate. Yet challenges persist, including implementing key business regulations, and putting into place a formal banking system. Compared to the 183 economies measured by Doing Business in 2012, Hargeisa would rank 174 on the ease of doing business. Behind this aggregate ranking, Hargeisa’s performance varies from topic to topic (see figure below). list item 2 Hargeisa ranks 175 on the ease of starting a business. The process is fast but expensive, with 60% of the cost stemming from the cost of business licenses. list item 3 On the ease of dealing with construction permits, getting electricity and registering property, institutions governing these areas are relatively efficient. Hargeisa ranks 86, 84 and 79, respectively, ahead of the averages for Sub-Saharan Africa and the fragile and conflict-affected states. list item 4 On the ease of trading across borders, Hargeisa would rank 127. Importing and exporting a standardized container of cargo through the port of Berbera is faster and cheaper than the Sub-Saharan Africa average. list item 5 On the ease of protecting investors and getting credit, Hargeisa would rank 181 and 184, respectively. These rankings reflect an incomplete regulatory framework.
  8. complate report http://www.doingbusiness.org/~/media/GIAWB/Doing%20Business/Documents/Subnational-Reports/DB12-Hargeisa.pdf in short http://www.doingbusiness.org/reports/subnational-reports/hargeisa
  9. Good development: Main Findings The government has made strides setting up some of the institutions and rules necessary for businesses to operate. Yet challenges persist, including implementing key business regulations, and putting into place a formal banking system. Compared to the 183 economies measured by Doing Business in 2012, Hargeisa would rank 174 on the ease of doing business. Behind this aggregate ranking, Hargeisa’s performance varies from topic to topic (see figure below). Hargeisa ranks 175 on the ease of starting a business. The process is fast but expensive, with 60% of the cost stemming from the cost of business licenses. On the ease of dealing with construction permits, getting electricity and registering property, institutions governing these areas are relatively efficient. Hargeisa ranks 86, 84 and 79, respectively, ahead of the averages for Sub-Saharan Africa and the fragile and conflict-affected states. On the ease of trading across borders, Hargeisa would rank 127. Importing and exporting a standardized container of cargo through the port of Berbera is faster and cheaper than the Sub-Saharan Africa average. On the ease of protecting investors and getting credit, Hargeisa would rank 181 and 184, respectively. These rankings reflect an incomplete regulatory framework. http://www.doingbusiness.org/reports/subnational-reports/hargeisa
  10. Gaarriyana ma Naga Tagey! Lix haloo u wada gaar ahaa goconayaa mooyi! W.Q. Maxamed Daahir Afrax Oct. 07, 2012 Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" Siduu Good ku yiri gabay Geesigu ma waaree Gaarriyana ma naga tagey! Laba sano oo keliya ayaa ka soo wareegtay markii aan akhristayaasha WardheerNews la wadaagay murugadii ay igu dhalisay geerida is daba-joogga ah ee sidii tusbax g’ay ay godka ku sii hoobanayaan hormuudkii hal-abuurka iyo abwaannada Soomaaliyeed. Kii aan xilligaas tacsidiisa u fadhiney wuxuu ahaa Saalax Xaashi Carab. Baroor-diiqdiisa waxaan ku xusay magacyada taxane dheer oo aan wax badan ka horreyn. Waxaa ka mid ahaa (Allaha u wada naxariistee) Xuseen Aw Faarax, Xasan Shiikh Muumin, Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Cabdillaahi Qarshe, Cabdi Muxumud Amiin, Maxamuud Tukaale, Cumar Dhuule, Cabdulle Raage iyo qaar kaloo badan. Labadii sano ee ka dambeyseyna waxaa ka sii daba tagey tiro aan ka yarayn intii aan maalintaas u murugoonayney. Qiyaastayda wuu yaryahay toddobaad aan mid hor leh laga qayla-keenin. Toddobaadkii dhawaa annagoo weli u fadhina tacsidii Faysal Cumar Mushteeg iyo Cabdi Jeylaani Marshaale oo in yar ka horreeyey ayaa nalooka naxsaday “Gaarriyana socoy”! Geeridu waa xaq tanise waa gaw! – “Abidkii rag waa goi’ jiree tanise waa gaw e”. Cali Jaamac Haabiil ayaa ugu baroor-diiqay saaxiibkiis Xirsi Cilmi Goonle. Meeriskan ka sokow, geerida Gaarriye waxay I xasuusisay lixdii qodob ee uu Cali Jaamac taxay, sheegayna inuu uga gami’ la’ yahay geeridii Xirsi: “Geeridii Xirsay sheegayaan gacal ha waayeene”. Lixdii qodob ee uu halqabsiga uga dhigay: “lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi”. Sidii Jaamac geeridii saaxiibkiis Xirsi ay xasuusisay lix sifoo qaali ah oo uu lahaa, ayay anigana geeridii saaxiibkay Gaarriye waxay ii xasuusisay “lix haloo wada gaar ahaa”!! Lix sifo oo qaali ah oo uu maansayahannadeenna weli nool ku yaryahay (hadduuba ku jiro) mid ay lixdaasi ku wada kulansan yihiin. Marka aan mid-mid idiinku sheego waan ku kalsoonahay intiinnii Gaarriye ila tiqiin inaad wada oran doontaan “been maad sheegin”. An idiin tiriyo: 1. Wuxuu ahaa geesi an la gabban, cidnaba uga haybaysan wixii ugu muuqda xaq iyo xalaal. Maansaynta iyo nolosha caadiga ah labadaba si isku mid ah ayuu ugu ahaa dhiirrane hadalkiisu dabka ka cadyahay. 2. Wuxuu ahaa nin leh mabda’ joogtaysan oo aragti ay hagayso. Mabda’iisu wuxuu ahaa xuma-diid, heer qaran, heer qaaradeed iyo heer caalami intaba. 3. Wuxuu ahaa aftahan codkar ah. Wuxuu codkar ku ahaa maansaynta iyo hadalka caadiga labadaba. Dadku waxay u badan yihiin qof hadalka caadiga ah codkar ku ah laakiinse an laba meeris oo maansa ah tixi Karin iyo mid maansada wacdaro ku muujiya, laakiinse hadalka caadiga ah af-garooc ku ah. Gaarriye wuxuu ahaa nin labadaba la isu raaciyey. 4. Wuxuu ahaa gabayaa haddana aqoonyahan ah/cilmi-baadhe. Wuxuu fursad u helay tacliin sare. Waxay ku caawisay inuu cilmi-baadhis ku keeno hindise cusub: miisaanka maansada; dhanka kalena khilaawayn (imagination) ku hal-abuuro maansooyin loo riyaaqo. Waa sifo aanan xasuusan gabayaa la wadaaga. 5. Wuxuu ahaa gabayaa haddana macallin ah. Labada sifo ee kala ah aqoonyahanimada iyo aftahanimada ayaa waxay ku caawiyeen inuu noqdo macallin fiican oo ardayda wax ka dhaadhicin og, wax uu ka dhaadhiciyana yaqaan. 6. Wuxuu ahaa bulshay gole-joog macaan oo marka uu sheekaynayo asaga uun afkiisa la wada eego. Tilmaan-bixintani ma aha iska male-awaal iyo nin-jeclaysi saaxiibtinimo. Waxay ka soo maaxatay xog-ogaalnimo hoose iyo aqoon dheer oo aan u lahaa Maxamed Xaashi Dhamac. Gaarriye muddo dhawr iyo soddon sannadood dhan ayaan ahayn saaxiib marba dal ku kulma (Soomaaliya, Itoobiya, Yemen, UK, Norway, kwd). Toddobaataneeyadii qarnigii hore ayaan isku barannay magaalada Muqdishu. Waxaa iskaaya baray hawlaha suugaanta oo labadayada midba dhinac kaga jirey, marna aan isku dhinac ka miisi jirney maadaama aan ahayn aragti-wadaag. In badan oo ka mid ah maansooyinkiisa caanka ah wuxuu sameeyey annagoo wada fadhina, waxaan ka mid ahaa dadkii u horreeyey ee uu u akhriyey intaan la faafin, talona ka weydiiyey. Waxaad ku garan kartaan qaar aan ka mid ahaa raggii uu magacooda ku halqabsan jirey. Tusaale: “Afraxowse weligay yididiilo kama webin”. Halkaasaad ka garan kartaan sababta keentay xanuunka gaar ahaaneed ee ay igu damaqday geerida Gaarriye. Sannadkii 1996kii, markii aan ku hawllanaa asaasidda Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed, Gaarriye wuxuu ka mid ahaa abwaannadii ugu horreeyey ee igu dhiirrigaliyey, gacantana igu siiyey. Anigoo jooga Nairobi oo saxiixyo baafinaya ayaan maqlay inuu socdaal ku joogo Jabuuti. Halkaas ayaan ugu tagey. Laba fadhi oo dhaadheer oo aan Jabuuti ku wada qaadannay 14kii iyo 15kii May 1996 ayuu igula aqbalay fikraddii asaaska PEN, ka dib markuu ku qancay, saxiixayna Axdiga International PEN oo aan u dhiibay. Kaas oo loo baahnaa in ay saxiixaan 25 qoraa oo bud-dhige u noqda asaaska Naadiga. Illaa waqtigaas Gaarriye wuxuu ka mid ahaa madaxda naadiga, asagoo imminka ahaa Guddoomiyaha Laanta Somaliland. Xasuusta iyo ka-taariikhaynta Abwaan Gaarriye way ka weyntahay wax looga bogan karo sadarradaan kooban. Waa wax mudan in buugaag laga qoro, maxfallo loo abaabulo, da’da soo koraysa loo iftiimiyo si ay ugu daydaan. Run ahaan wuxuu ahaa la-higsade. Intii taakulaysay muddadii uu xanuunsanayey iyo inta imminka ku dadaashay sagootiska uu mudan. Kuwaas oo ay ka mid tahay Dowladda Somaliand oo abaabul weyn u gashay in dalkiisa loogu sameeyo aas qaran, waxay naga mudan yihiin, haddaan nahay guud ahaan bahda hal-abuurka gaar ahaanna naadiga PEN, bogaadin sare. Gaarriye wuxuu ku kaftami jirey, “kolleyba marka aan dhinto waa la I karaamayn doonaaye, inta aan noolahay qaar ha la i sii amaahiyo, imminkay karaamayntu waxtar ii leedahaye”. Taas micneheedu wuxuu yahay, hal-abuurka iyo maskax-maalka ummadda qiimaha weyn ugu fadhiya ha la karaameeyo oo ha la daryeelo inta ay noolyihiin, iyo dabcan markay geeriyoodaanba. Ha lagu daydo sida uu arrintaas ugu dadaalo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dadaalkiisa noocaas ah uu tusaale u yahay daryeelka uu muddada tobanka sano ka badan ku taakulaynayey, dhaxalkiisana ummadda ku gaarsiinayey buuni Aw Jaamac Cumar Ciise, oo uu u gurmaday asagoo la daalaa-dhacaya dhaxal aad u qaali ah. Gaarriye naxariistii janno Eebbe ha ku abaal-mariyo, ummadda uu ka geeriyoodeyna cawil khayr qaba ha ugu beddelo. Maxamed Daahir Afrax E-Mail: mdafrax@gmail.com
  11. Hal-abuurka wanaagsan suugaantuu tiriyo ayaad ka dhex arki kartaa shaqsiyadiisii xataa haddii aanad aqoon gaara u lahayn. Waxaan odhan karaa gabaygu wuxuu daaqad kaa tusaa shaqsiyada iyo dabciga abwaanka curiyay. Tusaaale ahaan gabaygan Qasab kuma balwaynkaro. waxa uu si farshaxan leh uga arki kartaa abwaan Gaariye oo ku caan baxay xaq u dirir ka dhiidhiya dulmiga una hiiliya inta jilicsan, qarsina karin hadalkiisa. Wallee been ma qaayibo; Wallee gabay qardoofo ah Ama iga qandoodsama Qalbigaygu ma hollado. Wallee “qaaf” ujeeddo leh Qiimahayga kuma rido; Magac waa qasaanade Wallee qado ma dhaafsado. Sida uu gabaygan ku muujiyay waxay ahayd 1978 marka uu si cad u diiday munaafaqad iyo laba carablayn inuu kula socdo dulmi u muuqda magaciisa iyo wajigiisuna ay wax kasta uga qaalisanyahiin Wallee qalin-daraalaha Dambi qaranka laga galay Kama qariyo wadhatada. Wallee qoonta mililka leh Qaarka sare ma dhaydhayo. Haddii ay qudh-gooyiyo Joogto qoorta-soo-dhigo, Sadardani waxa ay kuu muujinayaan geesi nimada iyo cabsi laáanta uu abwaanku ku shaac baxay isagoo xitaa diyaar u ahaa inuu naftiisa u huro oo uu dhimasho ka doorto intuu umada been u sheegi lahaa ama waxa jira uu qarin lahaa. Waxaruhu sidaan qabo Weligoodba qoor-qabad Biyo kuma qudhqudhiyaan; Anna qiiro mooyee Qasab kuma balweyn karo. Sadaradani waxa ay kuu muujinayaan inuu abwaanku ahaa nin hal adag oo aan aragtidiisa xaq u dirir cidi ka loodin karin qasabna aan lagu badali karin. Hadba wiilka qooqane Maalintaasi qoodha ah Qushuuciisa ma akhriyo; Ways kala qab weynahay Qofna kabaha uma tiro. Abwaan Gaariye waxa uu hal doorka kale kaga duwanaa waxa uu caan ku ahaa inuu la saaxiib ahaa dhalinyarta, danyarta iyo shacabka intiisa hoose makhaayadaha shaaha laga cabana waxa aad ku arki jirtay Gaariye oo ay arday yaryari ku xoonsantahay. Qolo-sheegashana daa; Iska dhaaf qabiiloo Qarankeenna oo idil Qol yar baan u haystaa. Qummaneey xuduuddiyo Qaaradaha la kala xidhay Qoqob bay i geliyaan. Haddaan qabi lahaa taag, Quruumaha adduunyadu May kala qaloodeen; Qodaxdaan ka guri laa Qoys baan ka dhigi laa. Qaybtan abwaanku waxa uu si cad isagu muujiyay nin qabiil inaanu ahyn qaran iyo qaarad daayoo inuu heer caalami uu tiigsanayo. ALLE ha u naxariistee aragtiddan iyo hamiga uu gabaygan uu 24 sano kahor uu ku sheegay ayaa qodobkastaa uu noloshiisa ka muuqanasay.
  12. this is funny, huguri dhubuq kulahaa waxka waalwaalan in dhawayd ma arag. Maryoolay hadaan mobile, paltalk, fb aan laga qaban waxan iyo wax kadaran waa laga arki.
  13. Innah lillahi wa inna ilayhi ra jicuun Gaariye muu ahayn oo qudha Hal-abuur, qiimayn badana ku leh suuganta, balse waxa uu ahaa macalin sare oo wax ka dhigi jiray meelo badan,ugu danbayntan waxa uu profisoor ka ahaa jaamacadaha Amuud iyo Hargeisa iyo waliba jamacad ku taal Norway oo sanadkiiba hal mar tagi jiray. Waxa uu dhigi jiray luqada Somaliga iyo Embryology oo ahayd takhasuskiisii uu Jamacada Lafoole kaga soo baxay. Mar uu ka hadlayey qabyaalada xumaanteeda waxa uu yidhi: -Uf qabiilka anaa leh wuxuunbaa ku adeegta, nin iskii kartidiisa, isagoon cid ku tiirsan, isku taagi kareynin, una haysta ateero, ayaantuu dambi geystana, laga hoos galo eeda. -sidaan aaminsanahayna abkuu doono ha sheegtee wuxuunbaa ehel ii ah dadka kaan af aqaano ee si wax iila arkaaya ee ina midayso ujeedo” ayaa ka mid ah tixixiisii uu ummadda uga digayey qabyaaladda.
  14. Unfortunately your browser does not support IFrames. Watch More News Videos at ABC | 2012 Presidential Election | Entertainment & Celebrity News
  15. Ila qosol Faysal Cali Waraabe - Hadii laga dhigo Ra'isulwasare muxuu dhihi lahaa
  16. Why is thread is still going Edna doesn't need your recognition, she already received international awards and it is clear we don't share same hero's Sayid Mohamed who killed thousands and insult all tribes is your hero, Edna who saved thousands of mothers and children is our Hero. Waxa la yaable Caaliyadan siyaasadu madaxmartay ee aan arkayn intay xaawolay haween wax u qabatay.
  17. Haddii warkan la hubo markaa waxa madaxwayne ah Augistina Mahiga Source ka warka ha la raadiyo we can trust Somali tabloid news sites
  18. He needs to go senior caring centers. How old is Kaluun and Jama yare we need new politics not after war remaining.
  19. Abwaan;874959 wrote: XX waa runtaa, dadkaan dhintay maxaa lafahooda looga inkaarsan? Meydkii lafahaan ka hareen Waqooyi iyo Koofurba waa ka soo jeedaan , sidaan is leeyahay. Lafaha kuwii dilay ee haleeli waayay inay si bini-aadanimo/ muslinimo ah u aasaan ayaa ka inkaarsaday. Taariikhda iyo xaqiiqada in la raadiyaa waxay u dawo tahay ka nool si aan khaladka mar kale loogu dhicin. Balse inta aad taariikhda beenta ka sheegaysaan bogsan mayno oo nasan mayno. Xaaji Xunjuf;874896 wrote: This victim mentality needs to stop ASAP. How long baad ku haynaysaan wala na laayey this is embarrassing. Shame on XX Inta intoo afka la qaloociyo dafiraad lala soo indha cadyahay, inta dabinkii aan hore ugu dhacay mar kale la ila goobaayo ma daynaayo raadinta iyo soo shaac bixinta xaqdaradii meesha ka dhactay. XX wax fahan waa drive-ka and unified factor of SL
  20. Don't forget she is women at age of grandmother and she drive politics like the way every granma talks to her disappointment of one of her grandchildren "Qayrkii ka hadhaad tahay aan waxba qabsanayn oo meesha jiifa" ama "naf ma lihid wax ma tare yahow" imisay kugu tidhi ayaydaa ama hooyadaa iyadoo is leh ha dadaalo. I am sure that she loves more than every body that Mogdisho goes well.
  21. oba hiloowlow;874848 wrote: because of what she said ayaan dhoweyd Oba you said this and world recognize this " The Global Poverty Project (GPP) announced today the winners of the Global Citizen Movement Awards, recognizing four outstanding leaders in the fight against extreme poverty."
  22. Global Citizen Movement Award Winners to be Announced at the Global Citizen Festival on the Great Lawn in Central Park on September 29, 2012 Awards Recognize Outstanding Leaders in the Fight Against Extreme Poverty By The Global Poverty Project Published: Wednesday, Sep. 26, 2012 - 1:09 pm NEW YORK, Sept. 26, 2012 -- /PRNewswire/ -- The Global Poverty Project (GPP) announced today the winners of the Global Citizen Movement Awards, recognizing four outstanding leaders in the fight against extreme poverty. The Awards, made possible by the generous support of KOZMINSKY Jewelry, will be presented at the Global Citizen Festival 2012, on the Great Lawn of New York's iconic Central Park on September 29, 2012. The awards will be presented to four outstanding individuals who embody the diversity of efforts and resources that are needed to achieve our generation's common goal: the end of extreme poverty. Wifrid Macena, Community & Leadership Award. An amputee in the aftermath of the Haitian earthquake, Wilfrid is recognized as a man who through tremendous pain and hardship had the courage of a relentless smile and the boundless spirit to see opportunity in the challenges he faced and act upon those opportunities to help others in his community. Edna Adan, Dedication to Service Award. Edna has committed her life to improving the health and well-being of the people in Somaliland – an area in Africa, which experiences one of the highest maternal and infant mortality rates in the world. She is an advocate for women and girls, men, families and communities in Somaliland. Urmi Basu, Commitment to Justice & Systemic Change Award. Urmi fights gender inequality in India, and is working to empower women, against a void of legal and social protections that exist in her country. Her goal is to support women who are victims of trafficking and forced prostitution empowering them with rights that have been long denied. Dr. Peter Salk, on behalf of his father Jonas Salk, Technology & Innovation Award. Dr. Peter Salk will accept on behalf of Jonas Salk, Albert Sabin and all medical scientists who pioneered vaccines to immunize against polio and other preventable diseases. Their innovation and discovery has saved the lives of millions of children and greatly reduced the number of preventable deaths worldwide. THE GLOBAL POVERTY PROJECT: The Global Poverty Project is an international education and advocacy organization working to catalyse the movement to end extreme poverty. An Australian grown project, The Global Poverty Project creates campaigns with the purpose to increase the number and effectiveness of people taking action to end extreme poverty, with the vision of a world without extreme poverty, within a generation. Join the conversation on Facebook, follow@TheGPP and visit: www.globalpovertyproject.com SOURCE The Global Poverty Project Read more here: http://www.sacbee.com/2012/09/26/4857617/global-citizen-movement-award.html#storylink=cpy
  23. Nin-Yaaban;873586 wrote: Anyone else have the feeling that something is about to happen in the world? I dunno how to explain it, but i think ineey wax soo socdaan . With what's happening between China and it's neighbors, Iran, Arabaha, the upcoming US elections, it just seems like it's a matter of time before a major event like 9/11 happens. That's just me. What do you guys think? Nin yaaban yaab badanaa, anoo hore ula yaaban yaabkii aad jeelasha kaga soo warami jirtay ayaad maantana yaab cusub la timiday ood fooxle nimo keentay iyo inaad tidhaa waxbaa soo socda waa yaabka yaabkii!!!
  24. Duufaan;872572 wrote: Waxaan buug manoqon koro, qof muslin ahna shaydaan malagu sheegi karo . Waxaa runa beelaha soomaaliland inay ka faa iideen burburkii iyo halgankii daraawiishta. 1) iyagoo gaalnimo kabad baaday 2) iyagoo kabad baaday intii badnayd burburkii, maadama ay gumeystayaashu difaacayeen. waan kugu raacsanahay qof muslin ah shaydaan malagu sheegi karo haduuse isagu umad dhan gaalo ku sheegay maxay jawaabtiisu tahay?! u fiirso ereyadan: ID WAQAASHIYO KUFRIGA WACAD ALAW YAALE WAA NIMAN WALAALA TAN IYO WAAGA AAKHIRE AH WADKII OO AAN DILIN KUFRIGA WAA WEHESHANAAYAANE Maanta ma I-block oo qudhaa ayaa kufriga weheshanaya mise Somali oo dhan baa wada weheshanaysa oo waxa rumoobay ereygii Cali Jaamac Haabiil: muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaas ah Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta
  25. Xaaji Xunjuf;872769 wrote: The ustaad very controversial figure in Somali history some see him as a hero Mujahid some see him as a camel thief some see him as a holy man some consider him the first Somali warlord. We should read all literature Guri-Barwaqo Book the Books of Aw Jamac Cumar ciise the books written Swayne Cawar and many more. Exactly Sayid Mohamed is very controversial. I always said if you want to know someone's tribe politely (d-block or I-block) talk about Ustaadka and you will find easily. Now we have this thread which brings some SOL-er in to light. Like Che,and Jaamac