Wiil Cusub
Nomads-
Content Count
1,063 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Wiil Cusub
-
Sidii Diyaaradihii isku Dhacay baa Mid kamid ah Saraakiishii Dishay Maxaabiista Puntland Xabbad ku Dhintay! Faroole Miyuusan Ogayn in Kacaankii Eersaday Niman la Laayey? Waxaa is weydiin leh: maxaa Faroole ka dheefayaa maxaabiista la laayey? Horta dadka loo kala qeybiyo labo qeybood: 1- Kuwa lagu eedeeyey dilkii sheekh Dr Axmed Xaaji. Haddii Shareeco Islaam la eego waxaa go’aan ka gaari karay ehelada sheekha. Isla dadka ka soo horjeeda Shabaabka baa qiray in la sii daayey dad loo heystay sheekha oo ka soo jeeda qabiilka waaweyn ee reer Puntland halka dad kale la iska qabsaday. 2- Dadka siyaasadda loo diday. Dadka la xasuuqay in badan oo ka mid ah waxaa lagu dilay siyaasad. Miyaan Faroole ogayn in dowladdii kacaanka ahayd eersatay nimankii cinqilaabka dhigay ee la laayey? Puntland xaggee ka joogtaa dowalddii xoogga badneyd ee Soomaaliya! Mar horaba sarkaal ka mid ciidankii dadkaas xasuuqayey baa xabbad ku dhacday. Waa sidii diyaaradihii isku dhacay markii Kacaanku laayey culumadii. Haddaba dadka la xasuuqay kama imaan ciidda. Beryahan waxaa Puntland laga waday ol’ole ah in qofkii lagu dhejiyey shaabbadda Shabaab aan loo damqan laakiin arrintu saas maaha! Weli Soomaali qabiil kama dhammaan. Reer Puntland qaban waaye Faroole. Waa sunada Ilaahay in ciddii qooqda, Allaah u soo diro halaag iyo burbur! Bal aan eegnno halka ay biyo shubato dadka Faroole xabbadda iskaga shabbaaxayo?! Toddoba iyo tobankii nin ee Kacaanku xasuuqay waxay u badnaayeen isku jufo saasooy tahay wixii la ogaa bay Kacaanka ku dhigeen. Dadkan hadda la xasuuqay kama qaddar yara saraakiishaas. Hadda Shabaab baa faraha la soo gashay oo leh waan u aaraynnaa! Mar haddii Shabaab faraha la galeen waxay u dhowdahay in dadweyne badan oo ka dabo geli lahaa ka haraan maaddaama ay Shabaab u muuqdaan inay arrintaas dabo joogaan! Waa arrimaha aan ilaa hadda la fahmin! Xasuuqaas waxaa loo geli karaa si shacab iyo si siyaasadeed oo dhaawac weyn u keeni karta Faroole laakiin hadday Shabaabku shafka u garaacdeen haddii iyagaa la rabaa waxay sameynayaan! Teeda kale haddii Shabaabku maryocalas u dilaan maxaabiista; soo Faroole faa’iido ma qabo? Eheladda dadka la xasuuqay waxay la xisaabtami lahaayeen Faroole! Shabaabku mala xisaabtami karaan Faroole mise waxay raadsanayaan maryocalas la soo kireystay? Alkhilaafah.com
-
35. Ganacsadde Xasan Axmed Cali Xasan (Yare) : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug, waxaana la dilay bishii June 11 2008 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 36. Ganacsadde Cabdisalaan Warsame Aw Maxamuud : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 37. Ganacsadde Cabdinuur Saalax Dhiidhax : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii May 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 38. Taliye G/sare Axmed Xaaji Doon (Tiibo-Tiibo) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Ciidamadda Daraawiishta Puntland, wuxuuna mar soo ahaa Taliya Ciidamadda Daraawiishta Gobolka Nugaal, waxaana la dilay bishii June 13 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 39. Nabadoon Axmed Salaad Caynab : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii March 28 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 40. Ganacsade Cumar Aw Muuse Maxamed : Marxuumkani wuxuu kamid ahaa Ganacsatada Waa Weyn ee gobolka bari iyo waliba Mas'uuliyiinta Shirkadda Red Sea ee Xarunteedu tahay Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay Bishii June 20 2011
-
Halkan hoose waxa ku qoran indheer garadka reer puntland ee 3 sano gudohood lagu dilay (from june 2008 til july 2011). Inta badan dadka gaystay iyo siyaasada ka danbaysa dilalkaa lama sheegin, eedaysanayaasha la qabtayna way yaraayeen. Sheekaddii way is badashay imika waxa soo baxaysa in uu Imaam Faroole uu xayraaman oo uu isna bilaabay in dil toogasho ah ku fuliyo dhalinyar aan la hubin danbiga ay gaysteen cadayntiisa iyo inay heleen sharci marin cadaalad ku dhisan. Magacyada & Tirada Dadka La Laayey - Puntland Maxaa Haldoor La Dilay, Gacan Ku Dhiiglayaashiise Cadaaladda Mala Horkeenay? 1. Nabadoon Cabdirisaaq Maxamuud Guhaad : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug si firfircoona uga qayb qaadan jiray howlaha ammnigga gobolka, nabadoon cabdirisaaq guhaad waxaa la dilay bishii june 23 2008 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, waxaana dilkiisa loo adeegsaday miino loo hoos dhigay gaarigiisa aakhirkiina wuu ku geeriyooday. 2. Nabadoon Yaasin Cali Barre (Fitilig) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug si aad ahna had iyo jeer uga hadli jiray howlaha amnigga gobolka, nabadoon yaasin fitilig waxaa la dilay bishii june 30 2008 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo 3. Nabadoon Cabdi Kacaan : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug had iyo jeerna ka shaqayn jiray wacyi galinta bulshadda ee dhanka amnigga. nabadoon cabdi kacaan waxaa la dilay bishii February 6 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, 4. Suldaan Ciise Xasan Cumar : Wuxuu kamid ahaa salaadiinta waaweyn ee Reer Puntland si aad ahna looga yaqaan gobolka bari, suldaan ciise wuxuu habeen iyo maalin kala hadli jiray bulshadda kana wacyi galin jiray khataraha dhanka amniga iyo dhibaatadda burcad badeeda, suldaanka waxaa la dilay bishii November 21 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso 5. Nabadoon Nuur Xirsi Cismaan(Nuur Waal) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug oo inta badan ka hadli jiray howlaha ammaanka gobolka, sidoo kale nabadoonku waxuu la shaqayn jiray Hay'adda PDRC qaybteeda gaalkacyo oo uu ka qayb qaadan jiray inta badan barnaamijyadda nabadda, nabadoon nuur waxaa la dilay bishii march 30 2011, 6. Nabadoon Saalax Cabdisalaan Axmed (******) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari si aad ahna uga hadli jira howlaha nabadgalyadda gobolka, nabadoon saalax waxaa la dilay bishii Aprill 7 2011, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso 7. Nabadoon Siciid Xasan Cumar (Kashwiito) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari kuwooda aadka u firfircoon had iyo jeerna ka hadli jiray ammaanka, nabadoon siciid waxaa la dilay bishii Aprill 24 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay salaada cishaha oo uu ku tukaday masjidka Al-Rashiid. 8. Ganacsadde Cali Jaamac Biixi (Janno-Galle) : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda gobolka mudug iyo waliba odayaasha gobolka, wuxuu kaloo cali biixi mar ahaa Madaxii Shirkadda Biyaha ee Magaaladda Gaalkacyo, 9. Ganacsadde Maxamuud Shiikh Cismaan : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug waliba ku wooda ku leh miisaanka sidoo kale wuxuu kamid ahaa Guddigga Nabad Galyadda Magaaladda Gaalkacyo, ganacsadde maxamuud shiikh waxaa la dilay bishii October 8 2008, 10. Wasiir Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-Banaanka) : Wuxuu ahaa wasiirkii warfaafinta dowladda puntland sidoo kale wuxuu ahaa ruug cadaa siyaasi ah oo kasoo qayb qaatay asaaskii dowladda puntland sanadkii 1998, 11. Gudoomiye Yaasin Siciid Xuseen : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Karkaar sidoo kalena waxuu ahaa Mas'uul si weyn uga shaqayn jiray howlaha Amnigga iyo Hormarka Gobolka Karkaar, Gudoomiye Yaasin waxaa la dilay Bishii APril 27 2009 12. Ganacsadde Shire Siciid Cabdiraxmaan (Walbaq) : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda waa weyn ee gobolka bari, sidoo kale wuxuu ahaa Gudoomiyihii hore ee degmadda Ufayn oo katirsan gobolka Bari, waxaa la dilay bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, 13. Gudoomiye Shiikh Maxamed Cabdi (Awaare) : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Darajadda 1aad ee Gobolka Bari In kabadan 20 sano, Gudoomiye Awaare waxaa la dilay bishii November 11 2009 14. Gudoomiye Shiikh Xuseen Maxamed Khaliif : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Mudug, iyo waliba culimadda si weyn looga yaqaano magaaladda oo dhan, waxaana la dilay bishii Feb 8 2011, waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 15. Xeer i laaliye Cabdiqaadir Jaamac Nugaal (Caato) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee gobolka mudug waxaana la dilay bishii January 25 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo 16. Xeer i laaliye Maxamuud Aw Muuse Gelle (Tima Jilic) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee gobolka mudug, waxaana la dilay bishii June 7 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, . 17. Xeer i laaliye Cali Jaamac Qalas : Wuxuu ahaa Xeer i laaliye kuxigeenka maxkamadda darajadda 1aad ee bosaaso, ahaana sii haya xilka gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaana la dilay bishii June 12 2010 waxana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay shaqadiisa, 18. Xeer i laaliye Col. Cabdullaahi Saalax Shirwac : Wuxuu ahaa xeer i laaliyaha maxkamadda sare ee gobolka bari, sidoo kale wuxuu ahaa Taliye Kuxigeenka Akadeemiyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo, waxaana la dilay bishii November 30 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, 19. Xildhibaan / Qareen Ibaraahim Cilmi Warsame (Gaab) : Wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland sidoo kale waxuu ahaa Qareen u dooda xuquuqda aadanaha sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa gudigga xiriirka golayaasha, waxaana la dilay bishii November 11 2009 waxaana lagu dilay magaaladda Garoowe 20. Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil (Daqarre) : Wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay bishii January 19 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, . 21. Xildhibaan Cabdullaahi Cali Kaarad : Wuxuu ahaa Xildhibaan kamida Golaha Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay bishii January 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 22. Taliye G/sare Yaasin Axmed Sanweyne (Tolwaayey) : Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIS) Qaybta Gobolka Mudug, waxaana la dilay bishii Aprill 29 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, ayadoo dilkiisana loo adeegsaday Qarax Banbaano oo lala beegsaday gaarigii uu saarnaa Taliyuhu. 23. Taliye G/sare Warsame Yusuf Axmed (Yeey) : Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Dambi Baarista (CID) ee Qaybta Gobolka Mudug, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Booliska Gobolka Mudug, waxaa la dilay bishii December 1 2010 24. Taliye G/sare Xuseen Cali Faarax : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhigga Baalale ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii December 10 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 25. Taliye G/sare Axmed Xasan Xaaji (Dhoonge) : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhiga Biyo Kulule ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii September 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 26. Taliye G/sare Axmed Jaamac Saalax (Ratey) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Booliska Puntland, Horayna wuxuu mar usoo noqday Taliya Saldhiga Dhexe Magaaladda Garoowe, waxaana la dilay bishii December 2 2010, waxaana lagu dilay Degmadda Buurtinle oo katirsan Gobolka Nugaal, 27. Sarkaal Mukhtaar Shiikh Cali (Jifi-Jabsadde) : Wuxuu ahaa Sargaal ka Howl gali jiray Safaaradda Ethiopia ay kuleedahay caasimadda puntland ee garoowe, , waxaana la dilay bishii Aprill 22 2011, waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo. 28. Agaasime Maxamed Yaasin Ciise (Ilkacase) : Wuxuu ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Dhaqaalaha Hay'adda PDRC , waxaana la dilay bishii April 6 2011, Waxaana lagu dilay magaaladda garoowe 29. Agaasime Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen : Wuxuu ahaa Agaasimihii Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Puntland, sidoo kale wuxuu kamid ahaa culimadda waa weyn ee gobolka mudug, waxaana la dilay bishii April 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, dilkiisana waxaa loo adeegsaday miino . 30. Nabadoon Xuseen Cali Dudde : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudigga Nabad Galyadda gobolka Mudug , sidoo kale wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug had iyo jeerna ka shaqayn jiray howlaha ammaanka gobolka, waxaana la dilay bishii March 21 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 31. Gudoomiye Cabdullaahi Mahdi Xasan (Sayidka) : Wuxuu ahaa Gudoomiyaha Uruka Iskuxirka Ardayda Soomaaliyeed, waxaana la dilay bishii January 31 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 32. Sarkaal Cismaan Cabdidaahir Maxamuud (Coor-Coor) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug, iyo waliba odayaasha magaaladda had iyo jeer ka hadla arrimaha ammaanka, waxaana la dilay bishii December 12 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 33. Oday Warsame Yusuf Islaan (Cirfe) : Wuxuu kamid ahaa Odayaasha Gobolka Mudug, waxaana la dilay bishii January 3 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo. 34. Ganacsadde Maxamed Cumar Gurey : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug, waxaana la dilay bishii April 27 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. source
-
Odaygii ay reer Hargeisa wuu khaliifay ay lahaayeen haddii uu sidan wax u qorayo warkooga waa loo noqon.
-
BY AHMED MOHAMED MOHAMOUD SILANYO | APRIL 27, 2013 The Horn of Africa has endured decades of violent repression, civil war, terrorism, and piracy. But after a period of neglect, the international community has taken preliminary steps to restore political stability in the region. This new approach is evident in Somalia, where a new government, with support from the United States and others, is making a concerted effort to move forward. There are signs of progress. Expatriate technocrats are returning to help rebuild. Piracy off the coast of Somalia has diminished, with attacks falling from 239 in 2010 to 46 in 2012. The British Embassy recently reopened its long-shuttered doors. Yet the country's stability remains fragile, as witnessed just days ago when al-Shabab terrorists bombed Mogadishu's judicial complex, taking the lives of 29 innocent people and injuring more than 40 others. Ironically, the world has paid much less attention to a nearby model of success. Just north of Somalia, the Republic of Somaliland enjoys starkly different circumstances. Having chosen to unite with Somalia after gaining independence in 1960 -- we had been separate colonies under British and Italian rule -- our people reasserted their right to self-determination in 1991 as our neighbor descended into chaos. Since that time, Somaliland has been a virtual island of good governance, peace, and security in the Horn of Africa. There is no safe haven for terrorists on our land, no pirates off our coast. Experts around the world have advocated for the diplomatic recognition of our nation, yet support from the United States and others for our independent, sovereign status remains just out of reach. Our success has come through decades of struggle and suffering. In the 1980s, the Somali regime of Mohamed Siad Barre waged a brutal campaign against Somaliland, killing 50,000 civilians. Like many others who have experienced similar atrocities, we learned an important, tragic lesson: Never again would we allow such a thing to happen to our people. As Somalia subsequently disintegrated, Somaliland built a functioning, stable, and democratic state. While the international community spent millions trying to save Somalia from itself, we focused on maintaining peace within our borders, building strong state institutions, and creating a sustainable economy. Since 2000, Somaliland has held five peaceful elections and preserved a culture of consultative democracy. In the last year, Somaliland has taken deliberate efforts to renew dialogue with Somalia's leadership. Most recently, with the support of the Turkish government, Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud and I signed a communiqué in which we affirmed our shared commitment to build trust and improve relations between our governments. Future talks will aim to strengthen cooperation in the fight against terrorism, extremism, piracy, illegal fishing, toxic dumping, and other serious crimes. Most importantly, with international support, the Somaliland-Somalia dialogue process must seek to provide final clarification on the status of our political relationship. Somalia and Somaliland can and should be equal partners. Yet as we proceed down this track, we hope and expect that those looking to support Somalia's aspirations will also seek ways to support ours. Engagement with Mogadishu to sustain its transition to a viable entity and support for Somaliland's national aspirations need not be mutually exclusive. In this regard, international conferences to address the region's economic and humanitarian needs are welcome, but must be coupled with steps to address political issues that might otherwise stifle or undermine such support. Likewise, security assistance must be aligned with efforts to resolve these same issues so as not to breed new instability should a final agreement be reached. U.S. defense officials have called Somaliland "an entity that works," and for good reason. Our government does work, and with proper diplomatic recognition, it will be able to contribute more effectively to a sustainable and prosperous future for the Horn of Africa. To this end, we are building on our new dialogue with Somalia to both expand relations with other governments and pursue observer status in international organizations, starting with our region's Intergovernmental Authority on Development and the African Union. We are not asking others to take a chance on what Somaliland may one day become, but rather to simply recognize what we have already achieved. Somaliland is a fully functioning sovereign entity. From 1960 to 1991 we gave unity within a "Greater Somalia" a chance. It did not work, and we cannot turn back. In the midst of violence and now a fragile peace, Somaliland's people have protected -- and will continue to advance -- our cause of freedom and security because we know their true value. In partnership with our neighbors and with the support of the international community, we can ensure that the entirety of the Horn of Africa will experience the peace and stability that we have in Somaliland. http://www.foreignpolicy.com/articles/2013/04/26/the_safe_haven_next_door?wp_login_redirect=0
-
Ok you may be all those millions, but where they work tell me biggest
-
can you tell me the biggest employer in pl area agriculture industry?, manufacturing? or may be pirate industry! and human trafficking! can you explain why south central has lower unemployment than yours?
-
Dr_Osman;942878 wrote: Sabriye, I don't compare to Somaliland why would I with these sorts of stats. My shift of Somaliland has been a while for good reasons Clearly we don't have same norm about unemployment same as we could't agree about counting families (because u can't lay nr of houses easyly as nr of families)
-
Somaliland backs international intervention in troubled Somalia
Wiil Cusub replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Carafaat;942872 wrote: Siilanyo used to oppose the Xabashi invasion, why support now the Kikuyus and Amisom? Simply Xabashi made Mogadisho more radical from Islamic court to Al-shabab. Now Amison have to clean up the mess that Xabashi created and left behind -
Questions asked Siilaanyo on his speech in Atlantic Council
Wiil Cusub replied to A_Khadar's topic in Politics
It isn't strange that he is tired. Transatlantic flights jet-lag and age above 75 -
The Population Survey That Will Decide Who Is Majority In Somalia
Wiil Cusub replied to Dr_Osman's topic in Politics
Diktoore 1.5 M ay 15 M u taag waayeen maxaad ku sheegi kartaa? -
The Population Survey That Will Decide Who Is Majority In Somalia
Wiil Cusub replied to Dr_Osman's topic in Politics
What did minister saw,can u share with us? -
we need some wind of change in Somalia
-
Wuxuu rajaynayaa dhamaan xuduudaha uu ku dhex taswiiray in dagaal ka dhex dilaaco si shaqadiisu ay u sii socoto
-
FCO Videos Covertly Reinforce Boycott of the 7th May London Conference on Somalia Somalilandsun- The UK Foreign and Commonwealth Office-FCO have published a number of films in the run up to the Somalia Conference showing the aims and objectives of the conference and their hopes for the future of Somalia. Watching the videos I failed to grasp as the FCO certainly wanted LANDERs to, the significance of the conference to Somaliland thus the FCO videos are in actual fact covert reinforces of the declared boycott by Somaliland. Read the boycott article @ http://somalilandsun.com/index.php/world/2507 The FCO released Videos touch on various subjects entirely related to Somalia i.e. Women in Somalia , International support for maritime security , The Somalia Conference and opportunities for economic development , London Somali diaspora on Somalia's future, Meeting with London Somali community, Somali Minister on the upcoming Somalia Conference and President of Somalia discusses the upcoming Somalia Conference To garner support for boycott of the 7th May 2013 London conference on Somalia Watch the videos http://www.medeshivalley.com/2013/04/videos-from-uk-and-somalia-in-lead-up.html
-
Jaalliyadda Somaliland ee UK oo Munaasabad Balaadhan ku soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Somaliland iyo Masuuliyiintii Waftiga oo Khudbado kala duwan ka jeediyay Madasha. Waftiga Madaxwaynaha oo ay Wehelinayaan Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah London (GNS)- Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Caawa ka Qayb galay Munaasabad Balaadhan oo ay ku Maamuuseen Jaalliyadda Somaliland ee Wadanka UK. Waftiga Madaxwaynaha oo ay Wehelinayaan Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C.raxmaan Cirro, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan, sidoo kale waxaa Madasha ku Sugnaa oo Barnaamijka Qayb libaax ka ahaa Fanaantii Reer Somaliland ee ay ka midka ahaayeen Nuur Daalacay, Nicmo yaasiin, Fu,aad Cumar yare, Cabdi Qaboojiye iyo Fanaaniin kale oo tiro badan, sidoo kale waxaa aan ka maqnayn Abwaanadda iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan oo si hufan uga soo qayb galay madashaasi. Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C.raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Somaliland manta ay u baahantahay Midnimo qaran, isaga oo sheegay in Tartan jiro laakiin Qadiyadda Somaliland ay ka wada midaysanyihiin. C/raxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Shirkii ay kaga qayb galeen Dalka Turkey-ga ee laga hadlay Wadahadalada Somaliland iyo somaliya oo uu sheegay in guul wayn kala soo noqdeen isla markaana uu sheegay in uu ahaa sahan fure u ah Guusha Somaliland. Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Yoonis Cawaale oo oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Reer Somaliland uga Danbeeyaan xukuumadda Tallada Dalka isaga oo sheegay in ay muhiim u tahay midnimadu qadiyada Somaliland, si ay Somaliland u hesho ictiraaf caalami ah. Maxamuud yoonis waxa uu shacabka ugu baaqay in ay madaxwaynaha ixtiraamaan oo ay maamuusaan sida bulshada kale ee caalamka isaga oo tusaale u soo qaatay nelson Mandela, waxa kale oo uu amaan usoo jeediyay madaxwaynaha isaga oo xusay in la taageero oo laga daayo dacaayada iyo cambaaraynta joogtada ah. Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in kulanka Jaaliyadda UK ay la qaadanayaan yahay Mid taariikhi ah isaga oo sheegay in Seddex sanadood u dhamaadeen Xukuumadda Somaliland isla markaana waxyaabo badan u qabsoomeen intii ay taladda dalka hayeen. Wasiirka Khaarajigu waxa uu ka warmaay safarada Madaxwayne siilaanyo oo uu ku Tilmaamay kuwo Guulwayn usoo hooyay Somaliland waxaanu xusay safaradoo uu ku tagay dalalka imaaraadka Carabta iyo kii Dalka Turkey-ga ee ka horeeyay kan wada hadalada ay ka soo baxeen Qodobo Somaliland Dani ugu jirto. Wasiir Maxamed C/laahi Waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne siilaanyo Haykalka Dawladnimada Somaliland gaadhsiiyay meel wanaagsan isaga oo sheegay in kulankii uu la yeeshay ra,iisal wasaaraha Dalka ingiriisku ahaa mid muhiim ah oo faa,iido u leh Somaliland, waxa kale oo uu ka Warbixiyay Guulaha Somaliland ka gaadhay horumarka Dhinacyada Arimaha Dibadda oo uu sheegay in ay jeexeen Aragtiyo Cusub oo uu sheegay in ay dedejin karaan himilada ka midho dhalinta Qadiyada Qarankani leeyahay. Dr.Maxamed C/laahi Cumar Waxa kale oo uu sheegay in Siyaasadda Somaliland ay gaadhsiiyeen Meelo badan oo aanay hore u gaadhin isla markaana lagaga hadlo Saaxadaha siyaasada caalamka isaga oo xusay in ay mareen Dariiqyo cusub oo lagu baadi goobayo ka midho dhalinta ictiraafka Somaliland, isaga oo ku dheeraaday in arimaha Somaliland iyo somaliya ay markii hore isku qasnaayeen isla markaana hal fayl ku wada jireen balse ay kala soo baxeen filekaasi isla markaana dusha kaga qoreen magaca Somaliland isaga oo intaasi ku daray in ay si madax banaan caalamku ula dhaqmo. Dr.Maxamed Waxa kale oo Carrabka ku dhuftay in ay meesha ka baxday Cabsidii caalamku ka qabay Maalgashiga Somaliland isla markaana ay dalka yimaadeen shirkaddo shisheeye maalgalin ka samayn doonaan, qaarkoodna sahamin dhinaca shidaalka ah ka wadaan Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in Mucaawinooyinkii iyo Deeqihii Somaliland la siin jiray kordheen isla markaana Somaliland si toos ah loo siiyo. Dr.Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayay shirka London waxa uu sheegay in Somaliland shirarka ay ka qayb gashaa ay yihiin shirarka lagaga hadlayo maslaxadeeda, “shirkan markaanu eegnay qaab loo maamulayo waxaanu garanay in uu yahay shir khaas u ah somaliya, kaasi oo aan khusaynin Somaliland, laakiin aanu urajaynayno in uu guulaysto, Somaliya heshiis ayaa na dhex maray, waxaanay ka mid tahay heshiisyada aanu la galno dalalka kale ee Aduunka, waananu soo dhawaynaynaa in aanu dhawrno wixii na dhex maray” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibaddu. Madaxwaynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad dheer u jeediyay jaaliyadda Somaliland ayaa ku dheeraaday mahadnaq uu u jeediyay jaaliyadda somaliland waxaanu yidhi “Dadwayanaha halkan iskugu yimi ee sida qiimaha leh noo soo dhaweeyay aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinayaa sida aad noo soo dhawayseen, waxay tani itusaysaa sida aad u danaynaysaa arimaha qaranka iyo Somaliland aayeheeda danbe iyo shirarkii aanu ka qayb galnay Dalka Turkeyga wixii ka soo kordhay inaad ogaataan” ayuu yidhi Madaxwaynuhu. Madaxwayne Siilaanyo Waxa uu ka Warbixiyay Dhibaatooyinkii iyo halgankii Qaranka Somaliland loo soo galay isaga oo Tibaaxay in Xamaasadii jibadii Somali jacalkii barigaa jirtay in dadka afsomaliga ku hadla la isku keeno ayaa keentay in Qadiyada Somaliland la lumiyo, Waxaanauy Xusay in Wakhtigu si xawliya isku badalay isla markaana dhibaatooyin laxaadleh loo soo maray in dib loola soo noqdo Xoriyadda. Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Dunidu si Fiican ula macaamisho iyada oo aan ku xidhaynin somaliya inteeda kale, dadka somalilandna yihiin dad ku adag madax banaanidooda in ay ilaashadaan, waxa kale oo uu sheegay in aanay Somaliland mar qudha Waxba ka badalin Mawqifkeeda Madax banaanida, shirarkii ay ka qayb gashayna Faa,iidooyin kala duwan u lahaayeen Qaranka/ Mar uu ka hadlayay kulankii dhex maray isaga Ra,iisal wasaaraha Dalka ingiriiska waxa uu yidhi “Manta markii halkan la iskugu yimi dawlada ingiriiska oo cilaaqaad dheer aanu leenahay, mucaawano badan ku qabno, saaxiibtinimo dheer aanu leenahay waxaa jirtay in ay qodobkaa jeclaysteen, in sidaa si ka duwan ay noqoto, halkan waxay u qabteen shir somaliya kaasi oo uu qayb ka gudoominayo madaxwaynaha somaliya, waxaanu nidhi shirkaasi annaga nama khuseeyo, xaasidi mayno” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.
-
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MAD-MADOWGA KASAARAY KA QAYB GALKA SHIRKA SOOMAALIYA LOOGU QABANAYO MAGAALADA LONDON. London (GGN ) Madaxweynaha Somaliland Md axmed maxamed maxamuud (Siilaanyo) Oo Caawa Si Toos ah Ula Hadlayay Jaaliyadda Somaliland Ee Kunool Dalka Boqortooda Ingriiska Ayaa Mad-Madowga Kasaaray Shirka Loogu Qabanayo Somalia Magaalada London, Madaxweynaha Somaliland Ayaa Wuxuu Sheegay Inaan Somaliland Iyo Somalia Isku Mid Ahayn Sidookale Haba-yaraatee Aan Shirkaa Meeli Uga Banaaneyn. ”Wasaarad kamid ah Wasaaradda Dalkan Ingriiska ayaanu Ku Kulanay Dalka Itoobiya Waanu U Cadaynay Mow qofka Somaliland Ee Shirka London,Halkan Ingriiska Markaaanu Nimina Waxaan la Kulmay PM Dalkan Britain David Camaroon Waxaanna Usheegnay Shirkaasi Inuu Somalia Khuseeyo Somaliland-na aanay Ahayn Somalia” Ayuu Yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Mxaamuud (Siilaanyo) Oo La hadlayay Jaaliyadda Somaliland Ee Dalka Ingriiska, Madaxweynaha Oo Hadalkiisii Sii Watana Waxa Uu Yidhi.. Anaga Horumarka Somalia Xaasid Kuma Nihin Wixii Caalamku Utarayo Waanu Soo Dhaweynaynaa Ayuu Yidhi Madaxweynaha Somaliland, Sikastaba Ha Ahaatee Maalmihii Ugu Danbeeyey Ayaa Shacbiga Somaliland Dareeno Kala Duwan Ka Bixinayeen Shirka Somalia Loogu Qabanayo Dalkan Ingriiska Kadib Markii Raysal Wasaare David Camaroon Uu Xafiis Kiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland Uuna Ka Codsaday Inuu Kasoo Qayb Galay Shirka Bisha May Somalia Loogu Qaban doono Magaaladan London.
-
Somalia: Minister details the killing of Somaliland intelligence chief
Wiil Cusub replied to xiinfaniin's topic in Politics
It is good news if they arreste those who participated in the jailbreak. Ha bartaan in tolaayey ayna ku furan karin qof dawlad u xidhan -
Chaos in Somaliland, intelligence chief killed, clashes in Burco
Wiil Cusub replied to Somalia's topic in Politics
Somalia;939448 wrote: Scoring points on the 40 individuals who perished in the hands of Al-Shabaab, that is the true characteristics of an unprincipled secessionist. It truly grieves me that we have these kinds of people among us, this is my last post in this thread as I cannot stand this kind of savage behaviour. Maxaa helay cunugii reer Garowe ma waxa uu ka xanaaqay in tiisa farta lagu fiiqo. Aaway diktoorkii isagaa calool adaygii Diktoorada leh oo sii wadaya :D -
Somaliland Will Attend the London Conference?
Wiil Cusub replied to Che -Guevara's topic in Politics
XX waa run way u marmarsiyoonayaan shame on them
-
Popular Contributors