Meiji

Nomads
  • Content Count

    1,195
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Meiji

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere oo mamnuucay Ciyaaraha Isboortiga Isniin, May 25, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa wuxuu mamnuucay ciyaaraaha kala duwan ee Isboortiga, kuwaasi oo uu maamulka ku tilmaamay kuwo macno darro ah. Shiikh Bishaar C/kariin oo ka mid ah Guddi uu maamulka Islaamiga ah ee Degmada Baardheere u xilsaaran in ay go’aanno ka soo saaraan Ciyaaraha Isboortiga ayaa sheegay in ciyaaraha Isboortiga ay u arkeen kuwo waqti badan ka luminaya dhalinyarada, sidaas darteedna ay mamnuuceen. Shiikh Bishaar waxaa uu sheegay in ay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah: In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada. In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga. In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir. Iyo qodobo kale. Ammarkan ciyaaraha lagu mamnuucayo ee uu soo saaray Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Degmada Baardheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii 4aad ay degmadaas ka socoto burburinta qabuuro ay ku aasan yihiin dad sanado hore dhintay, kuwaasi oo uu maamulkaas sheegay in dadka ku aasan la kaalmo-weydiisan jiray. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  2. ^^ You wouldnt be ''sarcastic'' if you was forbidden to do sports like the young Somali men in Baardheere and Merca.
  3. Originally posted by wacdaraha_aduunka: To tell me sxb that Abdullahi caused all the misery or ethiopians in Muqdishu is plain bullshit... The truth is and will always be that the 91 'defeat' you earlier called was the biggest and most brutal uprooting and ethnic cleansing of all time.... And when those people left, the 6 months war brought Xamar Cadey to total destruction. So please sxb when you call people suffering in 1991 as a defeat of Abdullahi who wasnt even present in Somalia then dont espect any support Juje sxb nin asalkiisa la aqoon waa kee bal ii jeex jeexi warka aan cantuugee Bro, 1991 and the ensuing Civil War is behind us so let us not become stuck in the past. All injustices that have been committed in Somalia should be investigated and corrected systematically. Untill then, lets be patient and resist cuqdad from taking deep roots into our hearts.
  4. Maamulka Alshabaab ee ka arrimiya Baardheere iyo Marka oo mamnuucay cayaaraha Kubada Cagta. Maamulada Islaamiga ee ka taliya Degmooyinka Baardheere iyo Marka ee Gobolada Gedo iyo Shabellaha Hoose ayaa soo rogay amaro ah inaan la ciyaarin Karin Ciyaaraha Isboortiga noocyadiisa kala duwan, kaasoo ay ku tilmaameen kuwo macno daro ah. Maamulka Islaamiga ee ka taliya Degmada Baardheere ayaa soo rogay amaro ah in aan la ciyaari Karin Ciyaaraha Kubada Cagta, iyagoona awaamir arrintaas ku saabsan ay dul dhigeen dhalinyarada Isboortiga. Gudi uu Maamulka Islaamiga Degmada Baardheere u xil saaray inay go'aano ka qaataan cayaaraha Isboortiga ayaa sheegay in ciyaaraha Isboortiga ay u arkeen kuwo waqti badan ka luminaya dhalinyarada, sidaas darteedna ay mamnuuceen. Madaxa Gudiga oo lagu magacaabo Sheekh Bishaar ayaa waxaa uu sheegay inay ciyaaraha Isboortiga mamnuuceen kaddib markii ay ******** in uu ku lumayo mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ammarka ay ciyaaraha ku mamnuuceen uu u soo daliishaday dhowr qodob oo kala ah: In ay dayacantay Tacliintii Dhalinyarada. In ay jirto faragelin shisheeye oo caruurta maskaxdooda lagu qabsanayo iyadoo loo soo marayo ciyaaraha Isboortiga.In Cibaadadii lagu lahaa ay dayacantay sida Salaadaha Maqrib iyo Casir. Iyo qodobo kale. Sidoo kale Magaalada istiraatiijiga ah ee xeebta ku taal ee Marka ayaa iyana horay lagu soo rogay amaro ah inaan la ciyaari Karin Cayaaraha Isboortiga, iyadoona Ciidamada Alshabaab ay dageen Garoonkii Ciyaaraha ee Degmadaas. Dhalinyarada qaar ayaa sheegay in horay ay ka cabanayeen cayaaraha Kubada Cagta ee laga daawado caalamka, kaasoo daawashadiisa laga mamnuucay goobo badan oo ay ka taliyaan Ururka Alshabaab, waxaana tani ay noqoneysaa tallaabadii labaad ee lagu mamnuuca cayaarahii isboortiga oo dhaliyarada u ah mehrad iyo is dhex galka bulsho. Lama oga go'aanka uu ka qaadanayo xiriirada Isboorti ee dalkeena ka jira, iyadoona dalkeena uu ka mid ahaa dalalka Afrika ee caanka ku ahaa ciyaaraha Isboortiga sida Kubada Cagta, Orodada iyo kuwa kale. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com
  5. ^ Clearly this title of Duke is inappropriate and purposefully paints a picture of ''Mogadishu society'' been the clan mentioned in the article.
  6. Duke, 11 - Subjects: use descriptive topic subject. This will help others find what they want to read. Topics with bad Topic subjects WILL be deleted!
  7. Tiirka Afaraad ee Dawladnimada: Xagee degantahay? MAY 3, 2009 Radiofreesomalia.com Aqristaha sharafta leh waxaan xasuusineynaa inaan hore usoo qornay afar maqaal oo ka mid ah silsilada baraarujinta dawladnimada, kuwaas oo kala ah (1) ma ujeesanaa qiblada dawladnimada, (2) tiirka koobaad ee dawladnimada: muwaadinnimo, (3) tiirka labaad ee dawadnimada: qaaraanka dawladda iyo (4) tiirka sedexaad ee dawladnimada: qaanuunka dalka. Si aan u dhammeystirno dhismaha miisaaman ee dawladnimada waxaan maanta soo bandhigeynaa tiirka 4aad oo noqonaya kan ugu dambeeya silsiladaan. Waxaan hore usoo sheegnay in asaaska koobaad ee dawladnimadu tahay muwaadinnimo iyo tan xigtana ay tahay in muwaadiniintu bixiyaan qaaraanka dawladda (cashuurta). Waxaa kale oo aan soo bayaaninay in loo baahanyahay qaanuun haga dawladda iyo shacabka. Aabaha qaanuunka waa dastuurka oo aan soo sheegnay inuu noqdaa mid casri ah oo aan khilaafsaneyn nuxurka mabaadi’da Islaamka. Waxaa kale oo aan soo bandhignay talooyinka la isku waafajin karo qaanuunka dawladda iyo Shareecadda Islaamka, annaga oo waliba ka digeynna “xamaasad keenta deg-deg aan loo diyaargaroobin ama daahitaan niyadjab iyo is dhaleeceen ku dambeysa.” Waxaan soo sheegnay in Shareecada aan loo adeegsan sida mashruuc siyaasadeed oo marxad gaaban loogu talagalay, waana in loo arko iney tahay mashruuc qaran iyo waajib Islaami ah oo laga maarmaan u ah jiritaanka qarannimadeynna, iyo kheyrkeynna aduunyo iyo kan aakhiro. Maqaalka maanta waxaan uga hadleynaa xiriirka ka dhexeeya degaanka iyo muwaadinnimada. Sida la ogyahay, dadka Somaaliyeed waxaa la dhexeeya dalka Somaaliya, laakiin nasiib darro, waxaa qaybshay isticmaarka waqti dadkiisu kala daadsanyahay, uusanna laheyn maamul siyaasadeed oo mideysan. Dawladaha Ingriska, Fransiska iyo Talyaanigu waxey tartan ku soo galeen Geeska Afrika oo noqotay meel istraateeji ah ka dib markii la furay kanaalka Suez 1869. Sidaas ayaa dadka Somaaliyeed waxaa lagu kala ooday xuduud khiyaalli ah oo lagu qoray khariidada caalamka, laakiin aan waxba ka bedelin hab-dhaqanka dadka Somaaliyeed. Sidaas darteed, isma laha deegaanka dadka Somaaliyeed iyo xuduudda dawladda Somaliyeed. Mashruuca dawladda Somaaliyeed ee bilawday 1960kii wuxuu noqday mid qabya ah oo aan buuxineyn hiraalka (vision) dadka Somaaliyeed. Sidaas darteed, dadka Somaaliyeed ee ku firirsan ee Geeska Afrika uma suuragelin iney noqdaan hal dawlo, waxeyna ku kala oodmen afar dawlo oo kale ah Jamhuuriyadda Somaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Hiraalkii halgamayaasha gobonimodoonka Somaaliyeed oo ku dhisneed in Somaalida Geeska Afrika la mideeyo oo hal dawlo la iskugu keeno waxaa soo gaaray dhaawac culus in kasta oo ayan habooneyn in laga quusto, lana aaso. Haddii la qaado dariiq kale oo sax ah, sabar badan loo yeesho, deg-degta, xamaaska iyo xoog adeegsiga meesha laga saaro, waxaa laga yaabaa in la helo wadiiqo suuragal ka dhigta hiraalkaas. Haddii sida aan dooneynay oo ah Somaali mid ah oo hal dawlo ah iyo sida xaqiiqada siyaasadeed noqotay oo caalmkuna ictiraafay iskhilaafeen, waa inaan fikir iyo farsamo kale ku celinaa. Sida loola dhaqmayo xuduudaha Afrika, waxa lagu soo afjaray shirkii lagu qabtay Qaahira 1964 ee dawlaha Afrika ku go’aansadeen inaan la bedelli karin xuduudii isticmaarku uga tegay ee Afrika. Inkasta oo dawladaha Afrika ay ka hortegaayeen dagaallo sokeeye iney ka dhacaan Afrika oo la isku wada qabsado xuduudaha, hadana dawladda Somaaliyeed waxey ufasirtay arinkaas inuusan khuseynin dhibaatada ay Itoobiya Somaaliya ku hayso. Doodda Somaalidu wuxuu ku dhisnaa in Itoobiya ay tahay isticmaar madow oo Somaliaya qayb ka mid ah isticmarsaday, sidaas darteed khilaafka Somaaliya iyo ayada u dhexeeya uusan khuseynin go’aanka Afrika. Haseyeeshee, arinkaas dawladda Somaaliyeed waa ka iibin weysay caalamka intiisa kale, ayaduna waa ku xaqiijin waysay xoog iyo xaajo. Sidaas darteed, xuduudda Somaaliya la leedahay dawladaha Itoobiya iyo Kenya ma aha mid fadhiya oo heshiis rasmi ah laga gaaray. Taas micnaheedu waa in soodinta dawladda Somaaliyeed ayaan qumaati u qeexneyn. Hadaba, dhibka Somaalida haysta waa ka mid ah qeexidda muwaadinka Jamhuuriyadda Somaaliyeed. Shacbiga Somaaliyeed ee sedexda dal ee ku yaalla Geeska Afrika kala degan iyo muwaadinka Jahmuuriyadda Somaaliyeed ma u simyihiin muwaadinnimada? Jawaabta su’ashaan waa mid aad udhibadan. Haddii aad ku jawaabto haa, waxaad isku dhaceysaan dawladaha dariska ah adiga oo welliba tabar daran, culeyn aadan qaadi karinna waa kusoo wajahayaa. Hadii aad ku jawaabto maya, waxaad kala takooreysaa Somaalida aad dooneyso iney midoobaan. Bal aan fiirinno sida ay arinkaas ula dhaqmeen dawladihii Somaaliyeed annaga ka eegeynna xagga qaanuunka. Dastuurkii dawladda Somaaliyeed ee 1960 waxaa ku qornaa “in dadka Somaaliyeed yihiin mid oo aan la qeybin karin(1:1) iyoin “ dadku ka koobanyahay muwaadinninta oo dhan”(2:1) . Sidaas darteed ruux kasta oo ah Somali ah wuxuu noqon karay muwaadin Somaaliyeed haddi uu ka tago muwaadinnimada dawlad kale.Dastuurkaasu wuxuu ka turjumayay himiladda midnimada Somaaliyeed oo loo halgamayay. Haseyeeshe, waxaa isbedelay fikirkii waddaniga ahaa oo ku saleysnaa midnimada Somaaliyeed intii ka dambeysay qaran-jabkii 1991. Waxaa arintaas tusaale ka ah sida loo qeexay muwaadinnimada Somaaliyeed, looguna qoray Axdiga Qaranka. Bal aan tusaale usoo qaadanno sida arinkaas loogu qoray Axdiga kmg ah ee 2004 oo lagu sameeyay Kenya. Arinta muwaadinnimada waxaa loo qoray “ ruux kasta asalkiisu yahay Somali wuu noqon karaa muwaadin Somaaliyeed, hadii (a) uu ku dhasho Jamhuuriyadda Somaaliya ama (b) aabihiis uu ahaa muwaadin Jamhuuriyadda Somaaliyeed” (10:2). Dhanka kale, dastuurka Somaliland oo loogu talagalay dawlad ka madax banan Somaaliya inteeda kale, waxaa ku qoran: “ Ruux kasta oo udhashay Somaliland ama ah farac ruux deganaan jiray Somaliland 26 June 1960 ama ka hor, waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin Somaliland” (4:1). Ugu dambeyntii, dastuurka Puntland oo loogu talagalay dawlad goboleed, wuxuu qorayaa in “muwaadinka Puntland waxaa laga soo hubiyaa (markhaati laga keenaa) degmada uu deeganyahay” (5:1). Waxyaabaha aan soo sheegnay waxaan ula jeednaa inaan tusaalle ka bixinno dhibaatada ka taagan xaddidaada xuduuddaha Somaaliyeed iyo muwaadinnimada Somaaliyeed, hadafkeynuna waa isfahamsiin iyo isbaraarujin oo maqaalkan gaban ugama faaloon karno. Hadaba tiirka 4aad ee dawladnimada Somaaliyeed wuxuu noqonayaa in dawladu ay leedahay xuduud aan lagu muransaneyn oo la wada ictiraafsanyahay. Arinkaas, oo muraan taariikhi ah ka jiro, hadda ma sahlana in degdeg loo xallliyo oo wuxuu u baahanyahay jiritaan dawlad Somaaliyeed oo awood u leh. Arinka soo haray oo suuragalka ah waa in muwaadin kasta yeesho deegaan rasmi ah uu ka diiwaan gashanyahay. Axdiga dawlad-goboleedka Puntland waxaa ku qoran arin ku dayasho mudan. Arinkaasu waa isku xirka muwaadinnimada iyo deegaanka. Talladu waa in muwaadin kasta yeesho deegaan uu qaaraan gaar ah ka bixiyo, wax ka dooran karo, lagana dooran karo. Sida ka muuqata erayga muwaadin oo asalkiisu yahay Carabi, wuxuu ku fadhiya micnaha ah “ruux meel degan.” Meeshaas waxaa ugu horeyntii loo micneystaa dalka oo dhan, laakiin waxaa su’aal ah xagee dalka ka degantahay? Xagee gurigagu ku yaallaa? Xagee aad daris ku leedahay oo aad iskaa wax-u-qabso ka bixisaa? Xagee lagugu soo hagaagaa oo caruurtaadu yaqaaniin, kuna cayaaraan? Waxaa lagama maarmaan in ruux kasta oo muwaadin Somaaliyeed ah uu jawaab ka bixi karo su’aalahaas. Waxaa lagama maarmaan ah, inkasta oo dalka oo dhan dadka ka dhexeeyo, in degaannada la kala leeyahay. Degaan kasta waxaa si gaar ah u leh inta degan oo laga rabo iney wanaagiisa, adeegiisa bulsho, wadooyinkiisa iyo nabadiisa hagaajiyaan. Sida la ogyahay, Somaalidu inteeda badan waxey iskugu xirantahay reernimada oo mararka qaar waxey isku mid noqdaan deegaanka. Laakiin, ayada oo aan la diideyn wada dhalashada dhiigga ama wada-dhaqanka diyo-wadaagga ku yimaada, hadana marka aan dawladnimo ka hadleyno, waxaa la rabaa in degaan la iskugu xirmo. Sidoo kale, waa in laga gudbo marxalladii la isku ceebin jiray reernimada oo si kama dambeys ah aan uqirno iney tahay reernimadu wax la isku aqoonsado, la isku ixtiraamo, kheyrkana la isku kaashado. Sidaas ayaa Ilaahii na abuuray ku sheegay Qur’aankiisa, mana aha in la inkiro iyo in la isku dulmiyo ama sadbursi lagu sameeyo. Ilaahey wuxuu ku yiri aayadda Qur’aanka: “waxaan idin dhignay shucuub iyo qabaa’il, si aad isku garataan. Dhab ahaantii, ruuxa Ilaahey agtiisa ugu karaamada badan waa kan ugu cabsida badan.” Hadalka nuxurkiisu waa in ruux kasta oo muwaadin ah dhihi karo, waxaan ahay muwaadin Somaaliyeed oo ii suuragelineysaa inaan dalkeyka ka degi karo meeshii aan doono, muwaadiniinta kalena waxaan ula simanahay shaqada, tacliinta, xuquuqda iyo waajibaadka qaranka. Waxaa kale oo aan ahay muwaadin gobolka (Hiraan, Bakol iwm) iyo degmada (Buulaburte, Xudur Iwm) oo aan ka diiwaan gashanahay, doorashana ka geli karo. Sidaas ayaa dadka oo dhan waxey kala gelayaan degaanno ayaga oo dalkuna ka dhexeeyo. Deegaameyntu waa in loo sameeyaa sharci gaar ah oo ayan ku imaan xoog iyo dhul boobka hadda ay caadeysteen jabhadaha iyo reeraha xoogga leh oo maleyshiyaadka sameystay. Tusaale, ruuxii degaya degmada Xamarweyne ee ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaa lagu shardin karaa inuu deganaado halkaas muddo hal sano oo uu iska diiwangeliyo maamulka degmada si uu u helo xuquuqda dadka degaanka ka dhexeeya. Sidaas darteed, waxyaabaha dawladnimadu u hagaagi weysay waxaa ka mid ah dadka oo ayan diiwaan gashaneyn, ayan tirsaneyn oo aan kala laheyn deegaan loogu soo haagago. Hadii aan dadka la tirin, hadii aan dadku ku xirnaan deegan la yaqanno, si cadalad ah looguma qaybin karo awoodda dawladnimada iyo adeegga bulshada. Waxaa mushkilo ka jirtaa sida degmooyinka loo sameeyay ee ma la xallin karaa? Waxaa lagu doodaa isticmaarkii ama dawladihii ka dambeeyay ayaa iska sameeyay degmooyinka (district) ayada oo lagu abaalmarinayo reero taageerayaal ahaa. Waxaa lagu doodaa ineyan jirin shuruud go’an (criteria) oo lagu cabiri karo meesha noqon karta degmo iyo meesha noqoneysa tuullo. Waxaa la yaab leh in dawladda KMG sameysay degmooyin cusub meello ayan kaba talin. Sidoo kale, Putland waxey sameeysay gobollo iyo degmooyin cusub. Sidoo kale, Somaliland waxey sameysay gobollo iyo degmooyin fara badan. Maxaa gobol ah, maxaa degmo ah? Maxaa xaddiidaya ? Yaa xaddidaya? Su’aalahaas welli si dhameystiran loogama jawaabin. Gunaanadkii, haddii aan ku heshiinno inaan qibladda dawladnimada ujeesanno, afartaas tiir dawladedna aan si habsami ah ugu tiirsanno, waxaan shaki laheyn iney soo noqoneyso dawladnimada Somaaliyeed. Intaas ma kari karnaa? Ma isku raaci karnaa? Mise damiinnimo dawladeed oo gaamuurtay ayaan nagu habsatay? Afarta tiir ma utaagay! Eebahey ma utuugay! Tubta rabow nagu toosi!! Tubta rabow nagu toosi!! Aaamiin .. Aamiin. abdurahmanba@yahoo.c om
  8. Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada: W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) Xeer, qaanuun iyo sharci waxey dhammaan tilmaamayaan nidaam lagu xeeriyo xiriirka qofka, qoyska, bulshda iyo dawladda. Nidamkaas wuxuu noqon karaa mid ku saleysan Shareecada Ilaahey ama mid dadku ay ka qaateen waayo-aragnimada aadamiga. Ummadaha Muslimka ah waxaa laga rabaa in xeerarkooda, qawaaniintooda iyo sharciyadooda aysan ka hor-imaanin nuxurka mabaadi’da Islaamka. Taas minaheedu ma aha inaan loo ogoleyn ka faa’deysiga waayo-aragnimada dawladnimo ee ummadaha kale. Haseyeeshee, dawladaha la soo gumeystay sida Somaaliya, qawaanintooda waxaa sameeyay gumeysiga oo ka tixraacay qawaaniintooda. Gaar ahaan, dalalka Muslimka ah waxaa soo gumeystay dawlado aan ku diin aheen, kuna dhaqan aheen, kuwaas oo keenay waxyaabo badan oo khilaafsan diinta iyo dhaqanka. Waxaa dalakaas lagu talaalay fikirka “cilmaaniyadda” (secularism) oo ay sal u tahay in Islaamka laga fogeeyo xukunka, diinta iyo dawladdana la kala saaro. Sidaas darteed, madaxdii xukunka Somaaliya soo qabatay bilawgii gobanimada waxaa ka horyimiday mushkilad ah qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga iyo shabcabkooda oo aan qawaaniintaas ictiraafsaneyn oo uhaysta iney tahay qawaaniin gaallo. Qawaaniinta dawladu ma aha xeerkii dhaqanka u ahaa beelaha oo odayaashu xeerintiisa yaqaaniin, mana aha shareecada Islaamka oo culimada wax laga weydiiyo. Intaas wixii kasoo hara dadweynahu ma ictirafsana, qiima xeerna uma laha. Sidaas darteed, hadii la jebiyo qawaaniinta dawladda, dadku uma arkaan iney tahay dambi Ilaahey agtiisa, mana aha wax bulshadu isku ceebiso. Hadaba in qawaaniintaas la jebiyo miyaa loo daahaya? Haddiise qawaaniinta la jebiyo miyaa bulshadu nabad iyo nolol heleysaa? Sidey Somaaliya dawlad ku noqoneysaa haddii aan qaanuun loo hogaansameyn? Sidey lagu sameen karaa qaanuun dadku intiisa badan rumeysanyihiin oo haddii la khilaafo aakhiro la isku haysto aduunyadana la isku ceebiyo? Haddii aan isku raacno sida ayaamahaan socota in Shareeda Islaamka la isku xukumo, side loo dhaqan gelinayaa? Yaa sheegaya waxyaabaha shareecada khilaafsan iyo waxyaabaha waafaqsan ee qawaaniinta dalka ku jira? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa jawaab sugaya, laakiin maqaalkaan looguma tallagelin inaan uga jawaabno. Waxaan ka rabnaa oo kaliya inaan isku baraarujinno baaxadda arinka xaalka ubaahan. Qaanuunka dawladda waxaa ugu horeeya waa dastuur. Hadaba, waa maxay dastuur? Su’aashaan waxaan u keenayaa, waxaan ogahay iney jiraan Somaali uyaqanna dastuur inuu yahay qaanuun gaalo, Muslimiinta dastuurkooduna yahay Qur’aanka Kariimka ah. Waxaa dadka qaar si khaldan ufahmeen orahda dhaheysa dastuurkeynu waa Qur’aanka “al-Qur’aanu dastuuruna” oo micnaheedu yahay dastuurku waa inuusan khilaafin Qur’aanka. Qur’aanku, dastuurka sida loo yaqaan, waa weynyahay, waa hadalkii Ilaahey oo lagu soo dejiyay Nabigeynna Muxammad (saw) oo natusaaleynaya sida Ilaahey rabo inaan ucaabudno. Qur’aanku wuxuu tilmaan guud ka bixinayaa sida Ilaahey ka rabo in aadamigu ugu noolaado dhulka. Dhanka kale, dastuur waa qaanuunka qaanuunyada asaaska u ah oo dawladaha iyo hay’aduhu sameystaan. Waxaa Muslimiinta tusaale u ah dastuurkii uu sameeyay Nabigeenna Muxammad (saw) markii uu uhaajiray Madiina. Halkaas waxaa ku wada noolaa Muslimiin, Yahuud iyo gaallo kale. Waxaan Nabigu (saw) sameeyay heshiis lagu magacaabo “Axdiga Madina”. Hehsiiskaas wuxuu qeexayay sida loogu wada noolaan lahaa magaalada Madina. Dastuurada dawladaha casriga ah wuxuu ka koobanyahay mabaad’i guud, wuxuu qeexayaa casimadda, xuduudda dalka, muqaalka calanka iyo astaanka qaranka. Wuxuu qorayaa qaab-dhismeedka dawladda iyo waajibaadka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu kala bixniyaa awoodaha baarlamaanka, xukuumadda, madaxweynaha iyo maxkamadda sare. Arimahaas aan soo sheegnay waa arimo lagu heshiiyo oo dal kasta sida ugu haboon u sameysto. Dastuurada qaar waa gaabanyihiin, kuwa kalena waa dheeryihiin. Tussale, Axdiga KMG ee lagu sameeyay Kenya (2004) wuxuu ka koobanyahay 71 qodob (article). Axdigii ka horeeyay ee lagu sameeyay tuulada Carta 2000, wuxuu ka koobanyahay 38 qodob. Dasturkii dawladii kacaanka wuxuu ka koobnaa 112 qodob. Diinta Islaamku ma sheegin qaabka xukumadu u egtahay iyo nidaamkeeda dhismaha ee waxey sheegtay qaabka la raacayo si xukumad loo sameeyo iyo waajibaadkeeda. Waxaa la rabaa in xukumadu ku timaado wada-tashi (doorashooyin demoqradi ah). Dad badan ayay la xuntahay adegsiga eragga dimoqraadiyada oo uhaysta iney tahay gaallnimo. Laakiin, sidaas ma aha hadii loola jeedo in la isdoorto oo kalitalisnimo la diido. Demoqradiyada aan ka hadleynoo waa Muslim ee cilmaani ma aha, waxeyna diideysaa in xukunka xoog lagu qaato. Labada aayadood oo ka hadlaya in laga tashado arimaha ummada Mulimka ah waxey sheegyaan in wada-tashigu yahay dhaqan lagu yaqaan muu’miniinta “wa amruhum shuura baynahum” iyo in Nabigi Moxamed (saw) oo Ilaahey ku amray inuu dadkiisa la tashado “ wa shaawirhum fil amri” . Tass waxaa lagu fasiray in xukunku marka hore wada-tashi ku yimaado, wada-tashina lagu maamulo oo aan marna la ogolaan kali-talis. Yaa lala tashanayaa? Go’aanka ka soo baxa wada-tashiga qasab miyaa in madaxdu uhogaansanto? Haddi madaxdu takrifal sameyso waxaa la sameynayaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo la nooc ah, waxaa loo daayay dadaka ku nool meelaha iyo waqiyada kale duwan. Waxaa kale oo xukumadda waajib ku ah iney Shareecada ku dhaqanto oo nuxurkeedu yahay in wixii wanaasan la is faro, wixii xunna la iska fogeeyo ( al-amru bil macruuf wa nahyu canil munkari ”. Tafaasiisha waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha xun waxaa qeexayaa Shareecada Islaamka oo leh qaybo aan isbedelin (thaabit) iyo waxyaabo isla bedela waqtiga, goobta iyo xaaladda (mutagayir). Laakiin xukumadaha casriga ah, faahfaahinta waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun oo reeban waxaa lagu qoraa qawaaniinta kala duwan ee dalka. Sidaas darteed, xukumadaha casriga waxey sal u ah dastuuro casri ah iyo qawaaniin faahfaahisan ee lagu xeeriyo qeyb kasta oo nolosha ka mid ah. Haddii dalku rabo inuu ku dhaqmo Islaamka wuxuu ku qoraa dastuurka in qawaaniintisu ayan khilaafi karin mabaadi’da Islaamka. Tusaale, Axdigii Somaaliyeed ee lagu sameeyay dalka Jabuuti 2000 oo qoraaga maqaalkaan ku jiray dadkii ka shaqeeyay, waxaa ku qornaa “Shareecada Islaamku waa saldhigga sharci-dejinta qaranka, sharci iyo xeer kasta oo khilaafsanna waa waxba kama jiraan” (4:4). Qodobkaas waa laga tuuray Axdiga hadda lagu dhaqmo oo lagu sameeyay Kenya 2004. Sidaas darteed, ansixinta ku dhaqanka shareecada waxaa ku filan in qodobkaan baarlamaanku dib ugu daro Axdiga, dabadedna hoos loogu dejiyo qawaaniinta iyo hab-dhaqanka xukumadda iyo bulshada. Waxaa kale oo in la fahmo ubaahan, dastuurada dawladaha Muslimka ah intooda badan waxaa ku qoran in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dawlada, hadana Islaamka lagama dhigto marjaca qawaaniinta iyo dhaqanka. Waxaa lagu qoraa dastuuradaas in Islaamku yahay “ saldhiga asaasiga ee qawaaniinta” iwm. Turaale, Axdiga KMG ee Somaaliya wuxuu qorayaa “ Shareecada Islaamku waa iney noqotaa saldhiga asaasiga ah ee qawaaniinta dalka” (8:2) . Bal isbarbar dhig sida qodobkaan uqoranyahay iyo sida lagu qoray Axdigii Carta lagu sameeyay oo aan kor kusoo qornay. Laba afleynta dawladaha Muslimka ah wuxuu keenay iska horimadka ka jira dalalkaas oo ka dhexeeya dhaqdhaqaadyada Islaamka iyo dawladaha. Dawladuhu waxey ku dheganyihiin qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga, xarakaadka Islaamkuna waxey rabaan in dhaqanka iyo qawaaniinta la waafajiyo Shareecada Islaamka. Markii la ismari waayay waxaa dawladuhu adeegsadeen xoog, xabis iyo dil, waxeyna xataa diideen in lagu kala baxo doorashooyin. Tusaale, dalka Algeeriya waxaa xoog lagu maquuniyay xarakadii Islaamka markii ay doorashadii ku adkaatay sanadkii 1991. XAMAS waa la caburiyay markii ay doorashada ku guuleysatay. Dhanka Somaaliya, “Xeerkii qoyska” ee 1975 dawladda Somaaliya soo saartay wuxuu ka soo horjeeday Islaamka, waxaana lagu dilay 10 Sheikh oo arinkaas ka dhiidhisay. Markii xukumadihii kali-talisnimo iyo caburis laga kari waayay, taas oo ay gacan ku siinayaan dawladaha reer galbedka, waxaa sameymay kooxo Islaamiyiin ah oo xanaqsan oo qoragooda garabka saartay, go’aansadayna iney xoog wax iskaga celiyaan. Fikirkoodu wuxuu ku dhisanyahay, dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin iyo gaalada tageerta waa in lala jihaado “ qaniinyo qaniinjo ayaa kaa fujisa” . Kooxo kale oo Islaamiyiin ah waxey qaateen wadda kale oo ku dhisan ka shaqeynta isbedelka bulshada oo waqti dheer u baahan iyo sabar iyo dulqaad in lagula dhaqmo xukumadaha. Kooxdaan dambe waxey rajo ka qabtaa in si nabad ah isbedelka lagu sameeyo. Labadaas aragti ayaa maanta ka jira Somaaliya iyo caalamka oo dhan. Si looga gudbo ismari-waaga arimaha diinta, waxaa dadka Somaaliyeed la gudboon iney tallo cusub ufadhiistaan. Somaaliya dadkeedu waa Muslim, kamana jirinaan kooxo abaabulan oo cilmaaniyiin ah. Isfaham la’aanta diinta ee Somaaliya waxaa sabab u ah sedex arin: (1) Aqoon la’anta in Islaamku yahay diin (caqiido iyo cibaadaad) iyo dawlad (nidaamka mucaamalaadka iyo xukunka). Dadka aan diinta aqoon waxaa iskaga khaldama ficilka dadka sheeganaya diinta qaarkood iyo diinta Ilaahey. Dadkaasu waxey arkeen dad leh magac wadaad oo aan dhaqankeedi laheyn. Arinkaasu dad badan ayey shaki ka gelisay ku dhaqanka Islaamka. (2) Khilaafka siyaasadeed ee hubeysan oo magaca diinta la huwiyay. Waxaa la arkay kooxo umuuqda iney dadka ka xigsanayaan Islaamka, una haystaan in Islaamku yahay sida ayagu wax u arakaan. Sidaas darteed, Islamka hala isku xukumo waxey ugu muuqataa dadka aan diinta aqoon in wadaadada kaliya dalka ay xukumaayaan. (3) Dawladaha Ajnabiga ah oo faraha kula jira Somaliya waxey cabsi ka qabaan ku dhaqanka Islaamka. Dawladahaas waxey si joogto ah ucadaadinayaan xukumadda oo uga baahan kaalmo nooc kasta, haddii lagu madax ageygana waa wiiqayaan. Waxaa loo baahanyahay xikmad weyn iyo farsamo qotodheer. Si looga tilaabsado turanturooyinkaas, waxaa lagama maarman ah in lagu dhaqaaqo tilaabooyin khilaafka lagu soo afjaro. Tilaabooyinkaas waxaa ka mid ah in la sameeyo hay’ad ay ka shaqeeyaan khubarada qawaaniinta iyo Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney isku aqriyaan shareecada iyo qawaaniinta, iney ka faa’ideystaan cilimi-baarista arinkaas looga sameeyay meello badan oo ka mid ah caalamka Islaamka. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney kala taliyaan dawladda sida loo hirgeli karo shareecada. Khubaradaas ayaa laga rabaa iney shirar u qabataan aqoonyahaannada, wacyigeliyaan dadweynaha, kuna qanciyaan aduunyada in ku dhaqanka Islaamka uusan dhibaato ku aheen ummadaha kale. Gunaanadkii, dawladnimada waxaa sal u ah muwaadinniinta qaraanka bixiya, qaanuunkana uhogaansama. Qaannunka koobaad ee dawladu waa dastuurka, dabadedna waxaa la sameeyaa qawaaniinta inteeda kale. Dadka Somaliyeed uma hogaansami yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed, waa inaan sameysanaa qawaaniin aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa lagama maarmaan ah iney ka qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala saarin culimo iyo caami, wadaads iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami. Wadajirkooda iyo isla garashadooda ayaa muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku waa diinteynna! dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo walalnimana waa nolosheynna. Ilaahey intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!!
  9. Horrific pictures of the suicide bombing by the religious extremists: Alshabaab oo sheegtay weerarkii ismiidaaminta, kuna tilmaamay ruuxii fuliyay inuu ahaa Soomaali.Daawo sawirada iskana jiir. http://www.jowhar.co m/main/news.php?read more=58 WARNING: DEAD CORPSES AND HORRIFIC CONTENT ON THAT LINK. PS: Unfortunately another young Soul was brainwashed by the religious pretenders.
  10. Good job of the Ahlu Sunna Wal Jamaca soldiers. I like how they have the support of the Somali masses in the towns and cities of Central Somalia. They look very organized and seem to attract supporters for their ideology and struggle against the religious extremists.
  11. Me, The struggle in Somalia is not about whether one applies violent or non-violent means to achieve ones political goals. That’s a tactical question, and should only be looked at after solving the strategic question and more importantly after scrutinizing the ideological goal of a particular political faction. I hope that by now all can agree that the current struggle in Somalia is one about political power and the restoration of the Somali state. Whoever succeeds in gaining political power in Somalia is well-placed to decide the ideological and political framework of the next Somali state,and thus the future of Somalia. To make things more complicated, this struggle is fought out in a context you yourself have described in the following words: We have clan groups vying for power, we have warlords for hire, we have mafiosi/pirates out for a quick buck, we have a puppet paper government, we have clan fiefdoms posing as States and we have different religious movements competing for power. We also have regional powers intent on seeing the Somali people forever suffering and in war. These regional states fuel the conflict in Somalia and fight any party that looks like a threat to the status quo. Furthermore Somalia is the setting of proxy wars between various states and ideologies. In short Somalia is in anarchy. In such a context, it is very important to not lose your vision for Somalia out of sight. If we return to the whole purpose of the topic and the analysis presented we can see that the vision for Somalia is: a strong, independent, prosperous nation-state with strong democratic insitutions that guarantees basic freedoms to its citizens . In working towards such a vision we should present an analysis on how to achieve that end instead of weighting the different undesirable options against each other and been satisfied with the lesser evil. Today's struggle is not much different than Yesterdays struggle if we overlook the superficial rethorics and focus on the fundamental issue: Somalia under anarchy and different political factions vying for political control and thus the leadership role in creating the next Somali state. Now, why should we take a bus with one final destination and no transit stops, that we do not want while we can wait for the appropriate bus that either brings us directly to our final destination or has transit stops? The ''Alshabab- Xisbi Islam'' bus is one-way ticket to a dictatorship which can come into existance, judging from the current trend, through sheer force and eventually will have to be toppled through sheer force, going by your analogy of the history teacher that came to the conclusion that violence is fought with violence. Another question which we need to answer first is: How is a future of constant fear for the oppressive state apparatus and living in unparralled poverty (large unemployment, international sanctions etc) better than the current situation whereby despite the anarchy that is concentrated in fews spots in Somalia there are many regions were Somali masses enjoy a living standard better than the future you have skecthed: The Shabab - Xiz Islam government will be without a doubt an authoritarian government, no transparency, no accountability, we will not know where the punch came from. At first political opponents will disappear, then the intellectuals, the journalists reporting the truth. Innocent people will find themselves without a head, missing an arm or wonder why stones are hurled at them. There will be interference in private lives. They will send out directives on how people should dress, walk, eat and be. The economy will not go anywhere either because there is embargo on the country and a naval blockade to enforce that embargo so we can not even trade with our most favored nations and fellow pariah states Iran, Sudan, Libya and North Korea. We will be there in the Somali dessert, the Hawds, the mountains, the valleys and the ever growing cities. Unemployment levels up to 80% of the working population an authoritarian government interfering with every detail of our personal lives. Always living in fear, always expecting that knock on the door, always wondering who will snitch and tell a lie. You will say they took so much away what will they take next? With the economic situation the way it is, with scarcity in the country those in power will get corrupter and corrupter. They will be no different then other authoritarian regimes in place today. Since they are incapable to make the country's economy grow they will direct the states resources for their personal gain. They will cannibalize on the people they were supposed to govern. More importantly, the ideology of Alshabab/Xisbi Islam and the apparent dark future under their authoritarian rule has already encountered with mass opposition from the ordinary Somalis in Southern Somalia, particularly the heart of Somali anarchy: Mogadishu. So, how is it possible for the other Somalis living under peacefull conditions and a fair level of individual freedoms to ever embrace the Alshabab/Xisbi Islam faction and their future authoritarian rule? As I said many times, we should not compare different undesirable paths to each other but should put our energy in devising an alternative developmental path which succeeds in presenting a future for the Somali people that all can identify with and will readily embrace it. We have experienced 18 years of immense suffering, and we should not be satisfied with another long period under more severe conditions than the previous 18 years. Judging from our past, we deserve a future that gives us better living standards than we have experienced so far. So, the challenge to every political faction in Somalia is: ''How will your ideology bring about a future that is better than our current and past?'' We need to move forward, not backwards.
  12. These ''Alshabab fighters'' are the ordinary ciyaalka xaafada who either are brainwashed into ''jihad'' or have joined the group because they have known nothing else than fighting. They are hardly ''displined and principled'' as the Alshabab supporters want us to believe. Another aspect, when we look at the random ''Allahu Akbar'' shouts we can see that it has no value to such ciyaalka xaafada. If these socaled ''dispclined, principled, religious'' fighters are able to pickpocket dead bodies than surely they will not hesistate to loot complete offices and houses like they did in Jowhar city.
  13. Suicide bombs against MUSLIMS? Hmm, that shows the extreme fitnah that the religious pretenders are causing.
  14. Somalia has its own National interest and security interest which should dictate what policy can be tolerated and which not instead of depending on the subjective reasoning of religous warlords.
  15. Lets scrutinize the following argument: "Eritrea supports us and Ethiopia is our enemy -- we once helped both countries but Ethiopia did not reward us," Aweys, dressed in a dark suit, told Reuters in an interview. So, according to him Somalia (under the regime of Barre) supported both TPLF and EPLF in their struggle and now Eritrea is supporting him and his Islamists friends in their struggle while TPLF does not, which means TPLF is the enemy and EPLF is the friend? So, if TPLF supported him and his Islamist friends, Ethiopia would be an ally? Ignorant statement by a warlord who has run out of arguments.
  16. Somali insurgent says Eritrea supports fight Posted: 5/23/2009 7:50:00 PM Shabelle: SOMALIA MOGADISHU (Sh. M. Network) - An influential Somali insurgent leader said on Friday Eritrea supported the rebel fight against the government in a holy war that was as much an obligation for Muslims as prayer. Speaking in his office in northern Mogadishu, Sheikh Hassan Dahir Aweys said a few Arab fighters had joined the rebellion, which is battling to overthrow Somalia's new government and President Sheikh Sharif Ahmed. Heavy fighting on Friday in the capital killed at least 45 people and wounded 182, the highest daily death toll in more than two weeks of intense battles, after government forces launched a dawn offensive on Islamist strongholds. "Eritrea supports us and Ethiopia is our enemy -- we once helped both countries but Ethiopia did not reward us," Aweys, dressed in a dark suit, told Reuters in an interview. Eritrea has been blamed for supplying the hardline Islamist insurgents with weapons -- a charge it has repeatedly denied -- and the United Nations says hundreds of foreign fighters have joined rebel ranks in recent months. "There may be two or three Arabs who were moved by Islam to fight alongside us. But there is no large number of foreign Mujahideen in Mogadishu. We and the Arabs are all Muslims -- so we are Arabs," he said. "We are not fighting for positions, but for Islam. It is agreed upon within Islam that Christians and those they support are the same -- so war is incumbent upon us, like prayer." The insurgents want to rid the Horn of Africa nation of African Union peackeepers, impose a strict version of sharia law and overthrow an administration they see as Western stooges. "Somalia has no government we recognise," said Aweys. "We should not be deceived by Westerners like Sharif." Neighbouring states and Western security forces fear Somalia, which has been mired in civil war for 18 years, could become a haven for militants linked to al Qaeda. Mindful of disastrous U.S.-U.N. intervention in the early 1990s, which collapsed after the "Black Hawk Down" killing of 18 American soldiers, Western powers are unlikely to intervene. Aweys and Ahmed together ran Mogadishu and most of southern Somalia in late 2006 as leaders of the Islamic Courts Union before Ethiopian troops invaded and drove them from power. The two Islamists -- Aweys was always considered the more hardline -- went into exile in Eritrea and formed the opposition Alliance for the Re-Liberation of Somalia (ARS) which aimed to oust the Western-backed government and its Ethiopian backers. But Ahmed joined a U.N.-hosted peace process in neighbouring Djibouti last year and was elected president by an expanded parliament including ARS members in January. Parliament has since voted to introduce sharia law throughout the country. Aweys, who is on U.N. and U.S. terrorism lists for alleged links to al Qaeda, returned to Somalia from Eritrea in April. [iD:nL1367419] Envoys from Ahmed and clan elders have tried to persuade him to reconcile with the president, but failed. "Palestine, Afghanistan and Eritrea resisted war and difficulties for more than three decades," he said. "We shall defeat the government soon, God willing. Let the injured ones and those who lost their brothers be patient -- we are left with little time -- and then God will grant us victory," Aweys said with a chuckle. (easy to say for someone who has been in Asmara for 2 years) Source: Reuters
  17. But out here, on the wind-whipped plains of Somalia’s central region, it is a different story. The moderates are holding their own, and the newly minted Sufi militia is about the only local group to go toe-to-toe with the Shabab and win. The several-hundred-squa re-mile patch of central Somalia that the Sufis control is not nearly as strategic as Mogadishu. But the Sufis have achieved what the transitional government has not: grass-roots support, which explains how they were able to move so quickly from a bunch of men who had never squeezed a trigger before — a rarity in Somalia — into a cohesive fighting force backed by local clans. Many Somalis say that the Sufi version of Islam, which stresses tolerance, mysticism and a personal relationship with God, is more congruent with their traditions than the Wahhabi Islam espoused by the Shabab, which calls for strict separation of the sexes and harsh punishments like amputations and stonings. “We see the Sufis as part of us,” said Elmi Hersi Arab, an elder in the battered central Somalia town of Dusa Marreb. “They grew up here.” The Sufis also tapped into an anti-Shabab backlash. The Shabab, who recruit from all clans, and, according to American officials, are linked to Al Qaeda, controlled Dusa Marreb for the better part of last year. Residents described that period as a reign of terror, with the Shabab assassinating more than a dozen village elders and even beheading two women selling tea. “We respected the Shabab for helping drive out the Ethiopians,” said one woman in Dusa Marreb who asked not to be identified for safety reasons. “But when the Ethiopians left and the Shabab kept the war going, that to us didn’t make sense.” Out here, the Sufis are moving ahead with their own small administration, meeting with United Nations officials and running patrols. At night, in a circle under a tree, they rest their AK-47s on their Korans, drop their foreheads to the earth and pray. “We have jihad, too,” said Sheik Omar, a tall man with a long beard and warm eyes. “But it’s inner jihad, a struggle to be pure.”
  18. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar: quote:Originally posted by hamza9163: Video of today's fighting Ignorant, brainwashed young men, who do not even know waxee u dagaalamayaan, ka dagaalamayaan. Yaa ogaado haddee hal xabbad ku dhacdo the most they will ever do for him is taking him to isbitaal and leave them to suffer or succum to their injuries on there. MMM, The young Somali men have been brainwashed and used by political pretenders ever since 1991. Post-1991 civil wars, the young Somali men were brainwashed by political pretenders into defending the glory of their ''clan'' and post-2006 they have been brainwashed by religious pretenders into defending the ''religion''. It is truelly depressing to see these young men running around in the city and fighting like its a football match between two teams. At the end of the day, their mothers, sisters, brothers, fathers, in short their people will be massacred, maimed and displaced. For what? So that a religious pretender can sit on the ruling seat of Somalia while his own children and wives are in peacefull countries. KASHAFA, Did you know that Aweys his family live in peacefull regions and countries while he wages war that leads to the massacre and displacement of other families? The same for Godane, Sh.Sharif, Hassan Turki etc. These men are nothing better then the previous warlords who brought their families to safer countries while waging war in Mogadishu city which led to the massacre of other families.
  19. Duke, Your Propaganda of ''close to Villa Somalia'' has been busted like Bagdad Bob's propaganda of ''There is no US tanks inside Bagdad'' LOL Ever since you have let your emotions (bitterness) take control of you, you have failed to present a credible Propaganda news round.
  20. Emperor, Drop the mask, you should have ''sympathized with the poor civilians'' when the Ethiopians were bombarding the city in defense of A.Yusuf. And your fake news has been exposed, AMISOM did not shell the city today and the 12 have died because of a mortar.
  21. The irony is these 2 guys Emperor and Duke were looking the other way when Ethiopians were levelling residential area's to the ground when their hero (A.Yusuf) was shelled, and suddenly they care for the people of Mogadishu? They are the cyber version of the hypocrite Zakaria Mohamud Abdi Haji
  22. Jalle Liqaye, We should analyse to what extent Alshabab can be compared to other revolutionary parties in the world, i.e Bolsheviks, Chinese communists and the Iranian Ayatollah's. Michael Weinstein made some interesting statements, and we (SOL nomads) should evaluate to what extent his analysis is correct.