Jumatatu

Nomads
  • Content Count

    1,570
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jumatatu

  1. Originally posted by Duke_Valantino: OG-girl you starting to sound like Horn and Juma :mad: Haters I think they helping you with the English Typical Duke, cheap very cheap...
  2. Dawoco..Chicken..! v I will start you off. I (lets say all of us) picture you as a cross between Ms.Tweeny and Trisha (ITV).
  3. Xubnaha Labada Gole ee Beesha USC ayaa ugu baaqa cida xiratay Cabdulaahi Sh Xasan in ay sii daayaan ayna cadeeyaan sababta loo xiray marna ogolaanmayno go aamada ay soo saari doonaan gudiga xaqiiqo raadinta Kulankan waxa uu ka dhacay xarunta shirka Soomaalida ee Mbagathi waxaana ku doominayay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee USC ahna Afayeenka Beeshaas Xidhibaan Cumar Xaash Adan , Waxaa kulanka Xaadir ku ahaa Wasiirada Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax Ganacsiga Al Xaaj MuUSE Suud Yalaxow, Awqaafta iyo Diinta Cumar Filish Hoowlaha Guud Cusmaan Xasan Cali Caato Dr Cali Baashi Cumar Rooraayer Caasho Caaji Cilmi Wasiirka Lacagta C/kariim Axmed Cali Wasiiro ku Xigeeno Wasiiro Xidhibaano gaaray 38 Xubnood, Ujeedada kulankani waxa ay ahayd iyadoo ay maalmahanba soo if baxayeen warar sheegaya in la xiray mas uul ka mid ahaa Gudigii Xaqiiqo raadinta oo iyagu maalmahanba Booqanayay Goobo ka tirsan Wadanka Soomaaliya, Mas uulkan ayaa lagu xiray Garoowe oo ah xarunta Maamulka Waqooyiga Bari ee Soomaaliya laguna magacaabo C/laahi Sh Xasan hadaba Xubnaha labada Gole ee Beesha ****** ayaa iyagu manta Amuurtaas Daraadeed u qabtay shir ay diirada ku saarayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen C/laahi Sh Xasan xarigiisa, Dhamaadkii shirkan ayaa Saxaafada la siiyay war Murtiyeed kooban oo ka soo baxay kulankaas iyada oo saxaafada uu ka hor aqriyay Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Beesha USC ahna Afayeenka Beeshaas Xidhibaan Cumar Xaashi Adan, 1-waxaa na soo gaartay in la xiray Muwaadinkaa Soomaaliyeed Markii Wafdigu Joogay Garoowe Xarigaas oo ah mid sharci daro ah waxa uuna ka tirsana Wafdigii ka Socday A-U waxa uuna ka tirsanaa Ragii Gobolada oo dhan soo maray oo xaqiiqo raadinta, gudiga naftirkiisu waxa uu ku salaysanyahay marka laga reebo Dadka Ajnabiga ah 4.5 iyadoo ninkaa si sharci daro ah loogu xiray Garoowe, 2- Waxaan Baaqa Adag ku soo jeedinaynaa in Si dagdaga loo soo daayo C/laahi Sh Xasan oo xoriyadiisii dib loo soo celiyo laguna soo celiyo goobtii laga waday oo hoowsha looga diray oo ahayd Xamar lana cadeeyo sababtii loo xiray , 3-waxaan usheegaynaa Gudigaas & cida uu siin doono warbixintaba in warbixinta Gudigaasi ay keeni doonaan aan u aqoonsanayno in uu yahay mid aan sharci ahayn maadaama ninkaas loo xiray lana yiri waxa uu ka war bixiyaa oo uu sheegaa wax anagu aynaa rabin, marka waxaa muuqata gudigaasi in ay ahaayeen gudi dhinac ushaqaynayay dadkii Dirsadayna wixii ay doonaan ka dhaadhicinayeen fikirkooda figrad ka soo horjeeda cid sheegi kartaana ayan jirin sidaa darted warbixinta iyo go aamada ay gudigaasi keeni doonaan ma ahan mid aan aqbalayno waxaan si cad ugu baaqaynaa cidii ninkaa xieray in ay si dagdaga u sii daayaan ayna cadeeyaan sababta loo xiray, The rebelious 'minority'..
  4. Siyaasiga caanka ah ee Cabdilahi sheekh Xasan ayay maamulka Puntland ku xireen magaalada Garowe kadib markii uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan u baahneeyn ciidamo ka socda dalalka deriska ah Siyaasiga Cabdilahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa saraakiishii xaqiiqo raadinta ee socdaalka ku joogay Puntland ayaa u dhashay beesha ****** ,wuxuuna ahaa la taliyahii dhinaca siyaasada ee Cumar Filish. Cabdilahi Sheekh Xasan wuxuu mudo ka soo dhex muuqday Masraxa siyaasada Soomaaliya tan iyo markii la riday Xukumadii Maxamed Siyaad barre wuxuuna markii ugu dambeeyay ahaa Afhayeenka Ururka G8 ee lagu aas aasay shirkii Eldoret. Weriye ku sugan Garowe oo magaciisa aan la shaacin Karin arrimo nabadgelyo aawgeed ayaa soo sheegay in xiritaanka sarkaalkaas sare ay ka dambeeyeen Madaxweyne Cabdilahi Yusuf iyo Jeneral Badmaceeye. Weriyaha waxaa uu sheegayaa in Jirdil xoogan ay maleeshiyada Puntland u geeysteen siyaasigaas 'isaggoo lagu xiray xabsi ku yaal garowe. Arrintaani ayay hay'adaha u doodo xaquuqul insaanka ku tilmaameen tacadi bareer ah balse qaar ka tirsan taageerayaasha Cabdilahi Sheekh Xasan oo la soo xiriiray Waagacusub.net ayaa xariga loo geeystay mas'uulkooda ku tilmaamay mid qabiil oo ku saleeysan bahdil iyo Aargoosi,waxayna sheegeen intaas ay wax weyn u dhimi doonto is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Axmed Muse Nux'Garowe. ahmednuh2004@hotmail.com Waagacusub News Monitering
  5. ^ And the strange thing is he was arrested for voicing his disgust against the mal-practice of the fact-finding mission. They briefed the President and the PM in Garowe which was very un-orthodox and contradictory to the rules which established them. Their finding was for AU and central committe which formed them and sent them on the mission. For them to state their findings in Garowe and to the President and PM undermines the whole mission and speakes volumes. The arrest of a member among them who oppossed the mal-practice puts a stormy cloud over the whole thing.
  6. Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddigii xaqiiqa raadinta Soomaaliya ee ka socday midowga Africa oo lagu xiray magaalada Garoowe February 27, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Mas’uul u hadlay maamul goboleeedka Puntland ayaa cadeeyey in maamulkooda uu xiray Cabdlaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddigii xaqiiqa raadinta Soomaaliya ee ka socday midowga Africa. Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland Cabdirasiaaq Yaasiin Geesood oo u warramayey Idaacada HornAfrik ayaa sheegay in Cabdulaahi Sheekh Xasan loo heysto eedeymo la xiriira inuu galay dambiyo ka dhan ah maamul goboleedka Puntladn iyo dowladda Fedraaliga Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Maamul goboleedka Puntland ayaa intaas ku daray in ay hayaan cadeyma ay tusi karaan dadka falalka lagu eedeeynayo Cabdulaahi Shekh Xasan balse ma aanu sheegin wax maxkamad ah oo dambiyada ku xukuntay Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddgii xaqiiqa raadinta ee kormeerka ku sameenayey qeyba ka mid ah Soomaaliya. Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa la sheegay in ay soo qabteen guddi la magic baxay guddiga nabadgalyada Puntland xilli guddiga xaqiiqa raadinta isu diyaarinayeen kulanka madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Geedi oo ku sugnaa magaalada Garoowe. Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Cumar Finish oo ka warrmayey xariga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu sheegay in arrintan la soo gaarsiiyey balse mar ay la xiriireen xubnaha guddiga xaqiiqa raadinta oo soo gaaray magaalada Nairobi ay u sheegeen in aaney waxba ka ogeyn xariga Cabdulaahi Sh. Xasan balse markii ay soo baxayeen loo sheegay in Cabdulaahi Sh. Xasan loo soo duulin rabay magaalada Muqdisho lana saarayey diyaarad qaas ah, arrintaas ayuu Cumar finisha waxa uu sheegay in guddiga xaqiiqa raadinta ay baaritaan ku sameyn doonaan. Wasiirka Aw-qaafta iyo arrimha diinta Cumar Maxamed Maxamud “Cumar Finish†ayaa intaas waxa uu ku daray in arrintan ay tahay mid ka fajacineysa oo wax u dhimeysa nabadraadintii laga waday Soomaaliya. Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in guddiga la socday ee xaqiiqa raadinta qaarkood ay kala argti ahaayeen loona maleen karo ayey leeyihiin wararka ka imaanaya Nairobi in sababtaa ay tahay mida loo xiray. Xariga Cabdulaahi Sheekh Xasan oo kuu soo beegmay xilli madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo ra’isul wasaare Geedi iyo xubna ka tirsan dowladda fedraaliga Soomaaliya ay ku sugan yihiin maamul goboleedka Puntland. --------------------------------------------------------------------------------
  7. Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland oo qirtay in la xiray Cabdulaahi Sheikh Xasan oo ka mid ahaa gudigii xaqiiqa radinta ee ururka Midowga Afrika Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland Cabdirisaaq Yaasiin Geesood oo sheegay in la xiray Cabdulaahi Sheikh Xasan oo kamid ahaa gudigii xaqiiqa radinta ee midowga Afrika asagoona la shegay in loo xiray sababo la xariiro xaga fikirkiisa Xariga Masuulka ayaa dhacay ayadoo gudiga ay siinayeen war bixintii waxyalahii ay soo qabteen Madaxweynaha DFKMG iyo Ra´´iisal wasaaraha ayaa waxaa soo galay qolkii uu ka dhacayey kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland kadibna waxuuna u yeeray Cabdulaahi Sheikh Xasan asagoo dibadda u bixiyey kadibna u dhiibey maleysiyada ka amar qaadata Jen. Cadde Muuse ayagoona kadib geeyey xabsiga dhexe ee Garoowe halkaas uu ku xiran yahay , ma jirta ilaa iyo hadda cid isku xil qantay in ay wax ka qabato xariga Cabdulaahi Sheikh Xasan oo asagu aan ku laheyn deegankasi wax taagerayaal ah . Dhanka kale waxaa jira war sheegaya in kulan ay la sameyeen Cabdulaahi Sheikh Xasan kooxoo danbi baris ah oo ka socda dowlada Itoobiya kuwas oo weydiinayey suaalo dhowrah iyo in uu badalo fikirka ah in wadanka la keeni ciidamo safka hore ah tasoo la ogyahay in uu aad u aminsanyahay Cabdulaahi Sheikh Xasan
  8. Qoyska siyaasiya Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa walaac ka muujinaya xariga mas’uul kaasi. February 28, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Cabdiqaadi Cashar Nadaara. Muqdisho, Soomaaliya. Qoyska siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan oo isagu ka tirsanaa guddiga xaqiiqo raadinta ee Midowga Afrika, dhowaana maamul goboleedka Punt-Land ay ku xireen magaalada Garoowe ayaa iminka walaac ka muujinaya xariga mas’uul kaasi, waxeyna uggu baaqayaan hey’addaha u dooda xuquuqda aadamiga iney markaasi ku cadaadiyaan maamul goboleedka Punt-Land in si shuruud la’aan ah u sii daayaan mas’uulka u xiran. Cabdulaahi Sheekh Xasan waxuu ka mid yahay mas’uuliyiinta ururka USC/SSA garabka uu hoggaamiyo Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finishâ€, waxaana qabtey ciidamada maamul goboleedka Punt-Land, xili uu la socdey guddiga xaqiiqo raadinta ururka Midowga Afrika oo xubnihiiisa uu isagu ka mid ahaa. Drs. Madiina Abuukar Axmed oo ah xaaska Cabdulaahi Sheekh Xasan oo saaka la soo xariirtey iddaacadda HornAfrik ayaa walaac ka muujineysa arrintaasi, iyadoo ka cod saneysa mas’uuliyiinta kale ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho iyo hey’addaha xuquuqda aadamigaba iney u tafaxeytaan sii deynta Cabdulaahi Sheekh Xasan, oo ay sheegtay in si khalad ah lagu heysto. Cabdulaahi Sheekh Xasan xarigiisa ayaa waxaa HornAfrik u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Punt-Land Cabdirisaaq Yuusuf Cabdule “Geesoodâ€, isagoo sheegay inuu isagu la socdo in la qabtey Cabdulaahi Sheekh Xasan, haddana la sii daayey uuna ka mid yahay wafdiga ururka Midowga Afrika oo iyagu ka amba baxey dowlad goboleedka Punt-Land deegaanada ay maamulaan. Hase ahaatee Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish†oo ah wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafka ee dowlada federaalka Soomaaliya isagoo jooga magaalada Nairobi, ayuu HornAfrik u sheegay iney la xiriireen wafdiga xaqiiqo raadinta xubnihii ka socdey oo iyagu iminka ku sugan magaalada Nairobi, waxeyna noo sheegeen buu yiri in dowlad goboleedka Punt-Land ay sheegeen Cabdulaahi Sheekh Xasan in loo qaadayo magaalada Muqdisho, maadaama isagu aanu ka mid aheyn wafdigii Nairobi dib uggu noqotey. Cumar Finish waxuu sheegay xiridan iney kala xiriireen madaxda sare ee dowlada ee ku sugan Punt-Land in kastoo aaney ku helin taleefoonka, sida uu yiri madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Cali Maxamed Geedi. Cumar Finish waxuu sheegay iney taleefoonka ku heleen xubno ka tirsan dowlada federaalka oo iyana ku sugan Punt-Land, waxeyna noo xaqiijiyeen ayuu yiri in Cabdulaahi Sheekh Xasan la xirey, waxaanu ka cod saney in si shuruud la’aan ah loo sii daayo, maantana waxaanu la kulmi doonaa xubnaha guddiga xaqiiqo raadinta, inagoo ashtako dhab ah u gudbineyna ayuu yiri Cumar Finish.
  9. War deg deg ah masuul ka tirsan gudiga xaqiiqa radinta ee baryahaan u kuur galaye xalada dalka oo lagu xiray gobolada Puntland Masuul sare oo ka tirsan gudiga xaqiiqa radinta ayaa lagu xiray gobolada Puntland, masulkan ayaa ka soo jeeda gobolka Banadir tasoo la sheegaya xiridiisa in ay ka danbeyso xaga fikirka ah uu ka soo aruuriye gobolada dalka qaarkii uu soo maray kuwasoo inta badan ay ka horyimadeen kenista ciidamo safka hore ah khasatan dalka Itoobiya . Xariga masulkaan oo magaciisa lagu magacaabo Cabdulaahi Sheikh ayaa ah mid dhabar jab ku ah maamulka Puntland oo sheegan jirey mid nabad ah qofkana aan loo firineynin heybtiisa ama meesha uu ka soo jeedo hadase u ekaday mid fakir qabiil ku shaqeyo. Masuulka ayaa qabo in hubka la wada dhigo goboladana dalka si siman looga dhigi doona cida gooni u heysaneysana aysan jirin tasoo ay marnba ku fikireynin gobolada Puntland oo ayagu isku qaban qabinaye in ay hubka ka dhigaan meelaha kale ,tasoo aan marnba macquul noqoneynin madama ay Soomalidu qabiil qabiil isku dishay Xariga ninkaan oo la shegaya in uu ka danbeeya Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo ayagu wato dano gaar ah oo aan la ogeyn ayagoona masuuliyiinta kale ee ka tirsan gudiga xaqiiqa radinta siyey lacag laalusha ah kuwana u balan qaday Jagooyin sar sare in laga siinya DFKMG Gudigaan xaqiiqa radinta ayaa soomaray gobolada Banaadir, Bay , hiiraan, Shabelada dhexe ayadoon aan logu geysan wax dhibata ah hor istageyso shaqadooda ama xuriyadooda marka waxaa isweydiin mudan maxaa wada kulan siiyey safarka Geeddi iyo Cabdulaahi Yuusuf ee Puntland iyo xariga masuulka sare ee xaqiiqa radinta ( Saca nasa adaga ah iyo werta maxaa kulmiyey ) webmaster@dayniile.com
  10. Originally posted by Duke_Valantino: Care to check before you rush spreading lies?? That is rich coming from you duke. Furthermore Yeey is bold, firm and 'nin-karmeed' and doesnt swave and mince his words, so why are you chickening out now and trying to erase the words of the 'great leader'. Those 'minority rebels' are running for their lives... isnt that the whole intention and goal, to get rid of the obstacles of attaining statehood? Or has there been change of plan Mr.Future Counsellor. By the way I noticed another group in Nottinghill Gate who have papers for the same position you were appointed Duke. Wonder who is carrying genuine appointments, if ever there is any, you or them?
  11. Inteligence is adhering to your values and believes, and in respecting that of others which will gain you mutual respect. But by undermining your tenets in order to accomodate other believes is not tolerance and progressive. Having come to live in the west and taking the 'caydh' doesnt mean we have to under value our principles and morality for that sake. It is sad to say that it is a common practice of my society.
  12. Cabdilahi Yusuf :Muqdisho dadka iska leh waa la yaqaan gorgortana kulama gelayo shanta hogaamiye ee hada heeysta,Dadka Puntland waxaan u sheegayaa in Caasimadnimada Muqdisho aysan Ahayn Aayad Qur'aan ah balse ay tahay mid shaqsiyaad xeer beeg u sameeysteen,hadal uu caawa ka jeediyay Garowe Madaxweynaha Soomaaliya Cabdilahi Yusuf Axmed iyo wafdigii ay hogaaminayeen oo haatan ku sugan Magaalada Garowe ee degaankii uu ka talin jiray Puntland ayaa Caawa aqalka uu halkaas ka degay kula hadlay waxgaradka degaankaas. Cabdilaahi Yusuf ayaa uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay mid uu ku sahminayay gobolada Puntland iyo kuwa kale ee uu soo maray sida Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe. Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa u sheegay waxgaradka in Muqdisho uusan socdaalkiisa gaarin sababa la xiriiro is faham waa soo kala dhex galay hogaamiyaasha halkaas awooda ku leh iyo isaga balse wuxuu sheegay inuu xamar tagi doono goor aan fogeeyn maadama sida la ogyahay aan naqaan buu yiri dadka Xamar degaan ahaan iska leh qolooyinka ay yahiin. Hadalka Madaxweynaha oo aad u dheeraa marka laga eego Qodabada xamaasada lahaa waxa ugu miisaan cuslaa mar uuyiri'Shanta hogaamiye ee Muqdisho xooga ku heeysato wax gorgortan ah kula geli mayo waxaana tagi doonaa si sharuud la'aan ah marka aan gobolada kale ka soo dhamaano ,, ,, oo ka hergelino maamul goboleedyada,mida kale oo aan rabay inaan idiin sheego waxay tahay buu yiri inaadan ku jahawareerin wararka ay qolooyinka danaha gaarkaa leh ay faafiyeen ee had iyo jeer ku cel celiyaa Muqdisho waa Caasimadii Soomaaliya meel kalana dowlada hadeey tagtaa waa qalad, Caasimadnimada Muqdisho maaha Aayad Qur'aan ah waa xeer beeg ay dad ku heshiiyeen lagana gudbi karo hadii loo baahdo ayuu yiri Madaxweyne Cabdilahi Yusuf Mar uu ka hadlayay aragtidiisa ku aadan Ciidamo shisheeye wuxuu sheegay inuusan codkiisaas ka laaban doonin balse sidoo kalana uu doonayo in dowlad goboleedka Puntland ay siiso ciidamo gaara oo kala qeeybgalo hoowlahaas hubka dhigista iyo sugida amaanka dalka. Madaxweyne Cabdilahi Yusuf wuxuu tibaaxay in Jowhar iyo Beledweyn looga soo dhaweeyay heer Qaran uuna ka heeysto taageero xoogan sidaas darteedna uusan dheg u dhigi doonin carqalada ay wadaan wadaada Mayalka Adag,Ganacsatada Bakaaro iyo Siyaasiyiinta badankooda sida la ogyahay ka ganacsada Daroogada qatarta ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Axmed Muse Nux'Garowe. ahmednuh2004@hotmail.com Waagacusub News Monitering
  13. Originally posted by wiil_duco: haday raga wadankood u soo hal gameen waa wax lagu faano nin xirnaa 12 sano oo maanta joogo soomaliya ma ay jirto taasna waa wax lagu faano. Ya xirna 12 sano? And please specify for what reasons?
  14. What kind of politician is he? His job is to bring all on board. That requires political finesse; something he is showing he doesn't have. The future of this government rest with him; as for the president, what kind I say :confused: Abdulahi Yusuf is just a career soldier [/QB] Indeed..! Both the PM and the President were uttering threaths to the rebelious 'minority' in their speeches from Jowhar to Garowe. While the subjects of their threats have issued this declaration from Nairobi today, obviously fearing for their existance.. . It is a clear picture that everything is not rosy in our federal government. Lets see what happens, and hope for the best. Duke sxb 'caga-dhigo' and come back to reality. I know adeero was here(UK) couple of weeks ago so dont take seriously his promise of appointing you to a officee in the Somali consulate in UK. It is all a mirage...
  15. War deg deg ah: shirkii Wasiirada iyo Xildhibaanada USC oo la soo gabagabeeyay kadibna laga soo saaray Qodobo dhoowr ah. Shirkii Wasiirada iyo Xildhibaanada beelaha USC ee uga furmay maalintii labaad Hotelka Jakaranda ayaa laga soo saaray qodobo dhoowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen . 1- inaysan guud ahaan Aqbaleeyn marna raali ka noqon doonin oo ay ka soo horjeedaan Ciidamo ka socda dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Ethopia,Jabuti,Kenya . 2- waxaa kale oo ay qodobka labaad ku sheegeen inay Maleeshiyadooda dhamaan ka saarayaan guud ahaan Caasimada dalka ayna isugu geeynayaan meel ka baxsan magaalada Muqdisho. 3- Waxaa kale oo ay qodobka seddexaad ku sheegeen inay guud ahaan is cafiyeen hogaamiyaasha siyaasada USC ayna ka mideeysan yahiin dib u dhiska iyo dib u dejinta dalka iyo dowlada Soomaaliyeed. 4- Waxaa kale oo ay qodobka Afaraad ku sheegeen inay todobaadkaan gudahiisa gudi qaas ah u diri doonaan Muqdisho si ay ugu sii googol xaaraan dowlada una hergeliyaan nabad gelyo lagu waara iyo isku dhafka ciidamada garabyada hubeeysan ee Muqdisho. 5- Waxaa kale oo ay qodobka shanaad ku sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha ay ku soo dhaweeynayaan Caasimadii dalka Soomaaliya ee Muqdisho si sharuud la'aan ah. 6- Waxay qodobka lixaad ku xuseen inaysan marna aqoonsan doonin in dowlada la geeyo meel ka baxsan Caasimada dalka ee Muqdisho. Waxaa qodobadaan si wada jir ah u saxiixay Wasiirada USC ee ku jira Xukumada sida Ra'isulwasaare ku xigenka Xukumada Xuseen Maxamed Ceydiid,Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax,Wasiirka Hoowlaha guud Cusmaan Xasan Cali Caato,Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow,Wasiirka dhaqan celinta Maleeshiyooyinka Bootaan XCiise caali,Wasiirka diinta iyo Oowqaafta Cumar Maxamud Maxamed Filish iyo Waliba Xildhibaan Cumar Xaashi Adan. Guud ahaan shirka beelaha USC oo ahaa mid aan lagu kala kicin ilaa manta ayaa ku dhamaaday guul iyo is afgarad aanan hore loogu baran hogaamiyaasha USC waxaase la aaminsan yahay inay arrintaan dhalisay kadib markii ay naftooda uga baqeen korneyl Cabdilahi Yusuf oo u muujiyay inuu badda ku diri doono. Dahir Abdille ALasow'Nairobi Waagacusub News Monitering
  16. Waxa Jimcihii lagu soo gabagabeeyey Naadiga Windsor Country Club ee ku yaalla duleedka magaalada Nairobi Aqoon Is-weydaarsi halkaas lix maalmood uga socdey koox la magac baxdey National Civic Forum oo si ku meel gaar ah Goluhu magacaas ugu fasirey Dawanka Xadaaradda Ummadda. Golahan oo ka kooban Aqoonyahanno iyo Siyaasiin hore oo meelo kala duwan kulankan uga soo safrey ayaa qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Mareykanka iyo Yurub. Intii Aqoon Isweydaarsigani uu socdey waxa Golahan Dawanka Xadaaradda Umaddu ay ka hadleen dastuur iyaga u gaar ah iyo iyagoo xubno maamula u doortey Golahan cusub ee ay abuureen. Waxa kooxdu intii shirkoodu socdey ay Dr Axmed Ismaaciil Samater oo Hormood ka ah Jaamacad ku taal Mareykanku u doorteen inuu Guddoomiye u noqdo Agaasiyahaasha guud ee Goluhu sameystey. Dadka magac weyn ku leh waddanka Soomaaliya ee Aqoon Is-weydaarsigan ka soo qeybgaley waxa ka mid ah, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo ah siyaasi Soomaaliyed oo ruug cadaa ah, waddankana si weyn looga yaqaanno oo mar Ra'iisalwasaare ka noqdey Soomaaliya sanooyinkii lixdameeyadii. Subaxnimadii Jimcaha intii aan la furin maalintii ugu dambeysey shirka oo iska gaabneyd, waxa aan la kulmey Prof. Cabdi Ismaaciil Samater oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal gobolka Minnesota ee Mareykanka, kana mid ah qabanqaabiyaasha Aqoon Isweydaarsigan. Prof. Cabdi Ismaaciil Samater Porof. Samater oo sharaxaad iga siiyey ujeedada ay aqoonyahanda iyo Siyaasiinta hore ay Nairobi ugu kulmeen ayaa uu ii sheegey in dadka iskugu jira wax garadka iyo kuwa farsamada leh ay tahey iney ka xaajoodaan lix Arimood oo waa siduu Madexweyne Aden Cabdulle Cusman hadalka u dhigaye, gogol dhig u noqon kara sidii umaddeenu ay dad u noqon laheyd. Waxana ay lixdaas qodob yihiin: Sababta ay aqoonyahanadan u kumeen 1-Sidii dastuurka loo dhigi lahaa, qaab loo dhigi lahaa dimoqraadiyadda. 2-Dib u heshiisiinta sidii ay xalaal u nqon laheyd, dadkana xaqoodii loo siin lahaa. 3-Sidii dhaqaalaha dib loogu dhisihi lahaa. 4-Nabadda sidii loo sugi lahaa. 5-Caafimaadka sidii la wanaajin lahaa iyo 6- Waxbarashada sii loo hormarin lahaa. Shirka Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta hore intii uu socdey waxa kala qeyb galey xubno ka wakiil ah wadamdad waaweyn iyo hey'adaha caalamiga oo fikirk ku darsadey qodobada ay Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Soomaalida ee hore ay ka xaajoonayeen. Gen Jaamac Maxamed Qaalib oo Goluhu u doortey inuu noqdo maamulaha Arimaha Golaha Dawanka Xadaaradda Ummadda ayaa ii sheegey in ka dib markii Goluhu ay ka doodeen habkii ay u wajihi lahaayeen dowladda cusub ee Federaaliga ee KMG ah ay aakhirtaankii go'aanssadeen iney warqad u wada qoraan Ra'iisalwasaaraha iyo Ra'iisul Baarlamanka ooy ku martiqaadeen iney Ra'iisalwasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanku ay yimaaddaan kulankooda ooy arkaan fikirka aqoonyahanada iyo Siyaasiinta hore qaarkood isku keeneen. Waxa Gen. Qaalib uu intaas ku darey in Guddoomiyaha Baarlamanku uu isla markiiba ka soo jawaabey oo isaga laftiisu u tagey aqoonyahanadii shirayey laakiin uu Ra'iisalwasaaruhu tagin goobtii lagu shirayey isagoo aan u soo jawaabinna Soomaaliya u dhoofey. War aan goor dambe ka helney qaar ka mid ah aqoonyahanadii Windsor Club ku shirayey ayaa na soo gaarsiiyey in Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ah, Mr Maxamuud Jaamac (SIFIR) uu qiyaastii 3:30 galabnimo uu tagey madashii kulanku ka socdey oo ay wada hadleen aqoonyahanadii halkaas ku kulme. Waxa Galaha Dawanka Xadaaradda Umaddu xiritaankii shirkkaas subaxnimadii Jimacaha saxaafadda u qeybiyey hadal murtiyeed ay ku soo koobeen wixii ay ka shirayeen lixda maalmood. Prof. Cabdi Ismaaciil Samater ayaa ii akhriyey talooyinka ay soon jeedsheen iyo cidda ay u kala direen. Waxa talooyinkaas ka mid ah mid ay u direen dowladda Federaaliga ee KMG ah ee Soomaaliya ooy ugu sheegeen in dowladda iyo Baarlamanku ixtiraamo Axdigii lagu heshiiyey iyo shaqada sida loo kala leeyahey. Talooyinka Goluhu u direy Bulshada caalamka waxa ugu weyn in la taageero himilada dadka Soomaaliyeed. Waxa Prof. Samater yiri "Waxa Afrikaanka iyo dunida kaleba ay ogyihiin in Soomaaliya iyo Itoobiya aysan wanaag ka dhaxeynin, loona baahanyahey in wanaag la dhiso. Wanaag laguma dhisi karo iney dowladda Itoobiya go'aan kaligeed ku gaarto iney ciidamo u dirto Soomaaliya." Shirkan oo ahaa kii labaad ee noociisa oo Golaha Dawanka Xadaaradda Ummaddu ay qabateen waxa uu bilowdey Septembertii 2004, midkanna waxa uu ahaa mid ka dhashey waxyaabihii ay aqoonyahanada iyo siyaasiinta hore ay kal hore isla gorfeeyeen. Maadama uu hadda Goluhu noqwdey mid dastuur u gaar ah leh oo gudiyo iyo maamul dhisan leh, waxa la filayaa in marar kale mustaqbalka laga helo warar la xiriira hawlaha ay qabtaan. Aqoonyahanada Aqoon Is-weydaarsigan ka qeybgaley Gudoomiyaha Baaralamanka Dowladda Federaalka ee KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgaley shirka Aqoonyahanada isagoo ka jawaabaya matrtiqaad loo fidiyey
  17. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo sheegay afrta xabo oo diidan dowlada in daadku qaadi doona Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi oo sheegay afrta xabo oo diidan dowlada in daadku qadi doonaa hadalkaas oo ah mid aan ku cusbeen dhagaha dadka ayadoona lagadaremay hanjabadyashaan noocaan oo kale ay ka soo yeeraysay baryahaan qolooyinka ku dhow dhow madaxweynaha ama isku jufada hoose yihiin . Madaxweyne Cabdulaahi yuusuf ayaa mar walba ku hanjabo in uu isagu yahay ninkii ugu horeyay oo qori riday hadase cidii isku daydo handad waxaan u shegeynaa in aan ku qaban doona gacan bir ah ay san ka soo wiqsan waligeyd, ma jirta cid ii diidi karta Muqdisho waxeyna hadda ii jirtaa 90 KLM marka cidii iidiideyso hadda hatimaado, hadalkaaso oo u eg mid dagaal looga abuuri raba magaalada Muqdisho qasatan uu rabo in uu iska horkeena Mudulood iyo Madarkicis oo aad mooday in ay is fiican isugu soo dhawanayeen madaama ay yihiin dad walaala ah sinaba aan ku kala hari karin. Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf soo dhaweynti loo sameyey maanta ayaan u qalmin tii loogu sameyey magaalada Muqdisho gudoomiyaha Barlamaanka oo ayadu ah meel aad u camir dadkuna ay ku badan yihiin, soo dhaweyntii mantana ay aheyd mid hal jofa hoose ay ugu sameysay madaxweyne Cabdulaahi yuusuf magalada Jowhar Ra´´iisal wasare Cali Maxamed Geeddi riibi geedaha madaaqo lagama daaqo laga yeeli maya wana ka hor imaneynaa cid alo cidii isbaaro u dhigata dowlada asagoona sheegay in uu soo dhaweynaya in wadanka la keeno ciidamo ka socda dalka Itoobiya kuwa diidan oo ku jirana dowladeyda waa ka saari doonaa madaama ay dowlada looga bahnyahay in ay wada shaqeyso webmaster@dayniile.com
  18. The President's speech in Garowee: “Markii dabacsanaan ay joogto oo xaaladu u baahan tahay dabacsanaan waan dabacsanaaneynaa, markey gacan adag & dhiiraan u baahan tahayna sidaasaan ku howlgaleynaa, waxaan idinkugu imid anigu goboladan goboladaan ka tegay ee aan shirka ka aaday weeye oo waxaana idinkugu nimid Tacsi, waayo odaygii inagu weynaa ee inagu wax tar badnaa ee aanu dhammaanteen wada jecleyn Islaan Max’ed Islaan Muuse (ALLAH u Naxariisto) geerida ku timid inaga oo ka xanuunsan ayaan idinku nimid, waxaanu kaloo idinkugu nimid in aanu nahay hordhac ka soo hormaray dowladda maadaama ay dowladu soo guureyso oo ay dalka ka howlgaleyso†ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo sheegay in qorsha ay dowladdu ku howlgaleyso in ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay isa saamaxaan oo ay heshiiyaan, gacmahana leysku saaro. “Dowlad goboleedkiina in aad adkeystaan oo aad gacan adag ku qabataan oo aad jiritaankiina xaqiijisaan ciddii idinka hor timaadana aad gacan adag ku qabataan, diyaar ma u tihiin.? Ayuu weydiiyey C/llaahi Yuusuf shacabkii uu la hadlayey, oo mar kale uu hor dhigay su’aalo badan oo ku saabsan in ay taageerayaan qorshaha ciidamada shisheeye dalka lagu keenayo & dhammaan howlgala dowladdu ay ku talaabsaneyso mustaqbalka dhow.