Jumatatu

Nomads
  • Content Count

    1,570
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Jumatatu

  1. Inta badan xildhibaanada baarlamaanka oo u codeeyey in aanan dalka la keenin ciidamo safka hore(Gacan ka hadal qaraar oo ka dhex-dhacay gudaha baarlamaanka) Xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta hotel-ka Grand regency ee magaalada Nairobi kulan xasaasi ah isugu yimid, iyadoo kulankani ay xildhibaanadu uga doodayeen mooshin ku saabsan dalabka ciidamada shisheeye ee ay soo jeedisay xukuumadda federaalka, waxaana kulan-kan oo saaka qabsoomidiisa uu shaki hareeyey markii dambe isugu yimid xildhibaano gaaraya 217, waxaana xildhibaanada la siiyey min 3 daqiiqo oo ay ku soo gudbiyaan aaraa’dooda, iyadoo dooda wejigeeda hore ay ka qeybqaateen 113 xildhibaan oo u badnaa kuwa ka soo horjeeday in ciidamo kuwa safka hore la keeno Soomaaliya. Shir guddoonka baarlamaanka ayaa markii ay dhageysteen dooda xildhibaanadii saaka is qoray waxey soo jeediyeen in cod gacan taag ah loo qaado mooshinka ciidamada shisheeye, iyadoo markii guddoomiyuhu sheegay in ay gacanta taagaan xildhibaanada diidan ciidamada safka hore ay natiijadu u dhacday sidatan: · 156 Xildhibaan waxey soo jeediyeen in la keeno ciidamo ka socda Midowga Afrika & J/Carabta oo aysan ku jirin ciidamada dowladaha safa hore (Soomaaliya deriska la ah) · 55 Xildhibaan oo u codeeyey in aanan ciidamada loo kala saarin saf hore & saf dambe · 6 Xildhibaan oo ka aamusay. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa markii uu ku dhawaaqay natiijadii codeynta waxaa ka dhacay hoolkii uu shirku ka dhacayey gacan ka hadal u dhexeeyey xubnaha taageersan ciidamada & xubnaha ka soo horjeeda oo ka bilowday aflagaado, iyadoo qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka oo ay ka mid ahaayeen Macalin Jiis, Cusmaan Geeddi & C/kaafi ay soo gaareen dhaawacyo, loolana cararay isbitaalka, waxaana markii natiijada codeynta lagu dhawaaqayey goob joog ka ahaa kulankaasi ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo la sheegay in isaguna uu goobta ka dhaqaaqay markii xildhibaanadu ay aqlabiyad badan ku diideen ciidamada dowladaha safka hore.
  2. Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Gacan ka hadal ka dib ucodeeyay in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka Hore Waraysi Sh XasanSh Adan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shirkii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta ka Furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobay iyadoo looga hadlayay Laba Arimood aa kalla ahayd in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo isku jira, Iyo Figarad kale oo ahayd inSoomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta Balse aysan Ku Jirin Wadamada Safka Hore ee Soomaaliya Xuuuda lalleh, Hadaba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh XasanSh Adan ayaa isagu ku dhawaaqay natiijadii isagoo warkiisa ku bilaabay Sidan 156 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Dalalka Carabta, laakiin aysan ku Jirin Wadamada Safka Hore, 55 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo aanlakalla Saarin dhinaca kale 6 Xidhibaan ayaa iyagu ka aamusay Labada Figaradood kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa Hareeyay Buuq gacan ka hadal dhaliyay
  3. The motion to bring troops from frontline countries, has been overwhelmingly rejected by the Parliament.... War deg deg ah Xildhibanadii diidanaa in la keeno ciidamo Itoobiyaan ah oo ku guleystay cod aqlibiyad ah 150 xildhibaan ayaa u codeeyey in aan ciidamo safka hore ah la keeni karin Soomaaliya gudoomiyaha baarlamaankuna uu ku ansixiyey sidasi ayadoona qolodii laga badiyey ay daglantahy dhoor qofna isbitaalada loo la cararay Further news to follow.....Duke and co. eat your heart out
  4. Doodii baarlamaanka oo meel xasaasi ah mareysa,Cali Max’ed Geeddi “idinka ayey maanta gacantiina ku jirtaa masiirka ummadda meeshaad u codeysaan ayaan taageerayaa, cid dano gaar ah wadata oo anaga naga tirsan ma lahan Doodii xildhibaanada baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya ayaa hadda maraya meel xasaasi ah, iyadoo xildhibaanadu ay hadda ku maqan yihiin qado & salaad, waxaana dooda saaka isku qoray si ay u hadlaan xildhibaano tiradoodu ay gaareyso 113 xildhibaan, waxaana ilaa hadda hadashay 70 xildhibaan, iyadoo 44ka mid ah xildhibaanadaasi ay diideen ciidamada dowladaha safka hore , halka 26-ka kalena ay taageereen in la keen . Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa khudbad uu saaka u jeediyey xildhibaanada wuxuu sheegay in go’aankii xukuumadda ay ka soo saartay 5-tii Febraayo ee ay ku dalbaneysay ciidamada shisheeye in uu ahaa go’aan dhabaha u xaaraya sidii ay dowladu dib ugu laaban laheyd Soomaaliya, wuxuu ka codsaday in hanaan dimuqoraadiyad ku dhisan ay ku dhaqmaan isla markaana la taageero dhinicii uu go’aanku u bato. “idinka ayuu maanta gacantiina ku jiraa masiirka ummadda meeshaad u codeysaan ayaan taageerayaa, cid dano gaar ah wadata oo anaga naga tursan ma lahan†ayuu yiri Cali Max’ed Geeddi. Doodan ayaa la laga yaabaa in ay sii socoto ilaa maalinimada berri ah, waxaana sidoo kale dhici karta in marka dib la isugu soo laabto dhowaan in cod loo qaado
  5. Max’ed Qanyare “Dowladu halkan bey ku bur-bureysaa haddii baarlamaanku ansixiyo ciidamo Amxaaro ah Iyadoo saaka uu ka furmay hotel-ka Grand Regency ee magaalada Nairobi doodii ay xildhibaanada baarlamaanka ka yeelanayeen keenista ciidamada shisheeye, gaar ahaan ciidamada dowladaha safka hore ay ka billaabatay hoolka shirarka hotelkaasi, ayaa waxa uu shir guddoonka baarlamaanka uu siiyey xildhibaan kasta in uu fikirkiisa ku soo koobo 3 daqiiqo, kadibna cod loo qaado qorshaha xukuumadda ee miiska saaran lagu sheegay in xukuumaddu ay dooneyso in baarlamaanku ansixiyo ciidamada Midowga Afrika oo aanan loo kala qaadin saf hore & saf dambe. Wasiirka amniga qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo ka mid ah hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho, kana mid ah xubnaha sida weyn uga soo horjeeda ciidamada safka hore ayaa markii uu dhiibanayey saaka aaraa’diisa ku wajahan ciidamada shisheeye waxa uu yiri “Dowladu halkan bey ku burbureysaa haddii baarlamaanku ansixiyo ciidamo Amxaaro ah in Soomaaliya loo diro†ayuu yiri Max’ed Qanyare oo u soo jeediyey xildhibaanada baarlamaanka in Soomaalinimada aanan laga tegin, isla markaana taariikhdu ay qori doonto doorka uu qaato xildhibaan kasta.
  6. Winton Tubman ayaa ka digey in loo diro Soomaaliya ciidamo ka socda wadmada dariska la ah. Winston Tubman oo ah ninka wakiilka uga ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhibaato ay iman karto haddii Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda wadamada dariska la ah. Mr. Tubman ayaa waxa uu tilmaamey ciidamada la geynayo Soomaaliya ay keeni karto tafaraaruq xoogan oo soo kala dhex gala wadamada IGAD iyo Soomaalida. Winston Tubman oo ah ninka wakiilka uga ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya oo u waramayey barnaamijka Network Africa saaka, ayaa ku taliyey in arrinta ciidamo keenista Soomaaliya laga qaato go’aan loo dhan yahay. “Waxaan u maleynaya waa arrin muran weyn ka taagan yahay, waa arrin lagu kala qeybsan yahay keenista ciidamada wadamada safka hore.†Ayuu yiri Wonston Tubmen, waxaana uu intaasi ku darey in wax waliba oo khilaaf ah waa in meesha laga saara ugu danbeyntii, oo markaasi la eegaa dhibaatada ka iman karta. Winston Tubman waxa aanu meesha ka saarin in wax waliba la isku raaci karin wakhtiga iyo sida loo abaarayana ay addag tahay, laakiin haddii taxadar la muujiyo ay wax waliba hagaagayaan. Winston Tubman waxa uu xusay in Soomaalida ay ku raacsaneyd IGAD shirka dibu heshiisiinta oo ay Soomaalidu ay u arkayeen in laga caawinayo dhinaca nabad soo celinta, markaasna IGAD waxey wadada u xaareysay hanaanka dibu heshiisiineed. Wax waliba oo la sameynayo ayuu yiri Winston Tubman waa in Soomaalida ay go’aan sataa ama ogolaansho laga helaa, waxa uuna intaasi daba dhigey haddii Soomaaliya iyo IGAD ay isku raacaan waa suura gal in wax waliba hagaagaan, waa ciidamo geynta dhinaceedaye, laakiin buu yiri Winston Tubman haddii iyadoo la kala qeybsan yahay ciidamo la geeyo dalka Soomaaliya waxaan u maleynayaa in dhibaatooyin imaanayaan. Mar la weeydiiyey Winston Tubman waxa looga fogaan karo halista uu sheegayo ayaa tibaaxey in halista mar waliba ay jirto, balse loo baahan yahay arrin la isku waafaqey. â€Golaha Amaanka waa inuu soo dhoweeyaa ciidamada Soomaaliya loo dirayo maxaa yeelay Soomaaliya waxaa saaran cuna qabateyn dhinaca hubka ah, go’aan kasta oo Soomaaliya ciidamo loogu dirayo waa in ugu danbeyntii uu ka yimaadaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey.†Ayuu yiri Mr. Tubman. Winston Tubman ayaa xusey in dowlada ay ku jiraan hoggaamiye kooxeed yada iyaguna ay go’aan gaari karaan, si ay u xasiliyaan wadanka Soomaaliya maadaama ay iyagu madax u yihiin maleeshiyooyinka hubka sita. Dhowaan ayey aheyd markii ay shir ku yeesheen dalka Uganda wasiirada gaashaandhiga ee wadamada IGAD, oo iyagu isku raacey in Soomaaliya ciidamo la geeyo 30 bisha April.
  7. Dowlada Maraykanka oo wadamada IGAD uga digtay ciidama ay Somalia kula degdegaan xilligan. Nairobi( Sh.M.Network) Dowlada maraykanka ayaa kaga digtay wadamda ku jira IGAD in ay Somalia ciidama ka socda wadamada IGAD ay tagaan oo ay howlagallo ka fuliyaan, xilli wasiirada arrimaha dibada IGAD uu kulan uga furmay magaalada Nairobi. Qoraal ay soo saartay dowlada maraykanka oo loo qaybiyay wasiirada arrimaha dibada IGAD ee ku shirsan magaalada Nairobi in ay ka fiirsadaan go’aan ku gaaraan in Somalia ciidamo ay u diraan, iyada oo dowlada maraykanku ay intaasi ku dartay in aaney xaq u lahayn IGAD in ay kaligeed go’aan ka gaarto arrimahaasi. Wasiirada IGAD waxa kale oo maraykanka u sheegeen in Somalia 1991kii wixii ka dambeeyay ay saarnayd xanibaad dhinaca hubka ah, ilaa iyo hadana aan laga qaadin, oo ayan jirin cid ciidan galin karta gudaha dalka geeska Africa ku yaala ee Somalia, golaha amaanka ee Q.M ayaa maraykanku uu sheegay in ay go’aan ka gaari karaan arrimaha Somalia IGAD kaligeedna ayayn xaq u lahayn ku dhaqaaqista arrintaasi. Laba jeer oo hore dowlada maraykanka ayaa ka digtay in Somalia loo soo diro ciidama ka socda wadamada deriska lah Somalia sida Ethiopia, Kenya, iyo Djibouti , oo ay sheegtay Washington in ay xaalada ay sii xumeyn karto islamarkaana ay lumin karto kaalintii dib u heshiineed ee dowlada Somalia. Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka Barlamaanka Somalia ayaa iyaguna laga soo xigtay in wasiirada IGAD go’aankii laga sugaya maanta in ay dib u dhigteen markii qoraalkaasi loo qaybiyay, oo ay sheegeen in ay ka war dhowrayaan go’aanka barlamaanka Somalia ee arrimaha ciidamada. Maxamed Cabdi Yuusuf, oo ka tirsan barlamaanka Federaalka Raisul wasaarena ka noqday dowladii Carte ayaa shabakada Warbaahinta shabelle U sheegay in qoraalka maraykanka ay aad u soo dhaweeyeen islamarkaana IGAD ay ku qasbanaatay markaan in ay ixtiraamto go’aanka Barlamaanka Somalia. Si kasta oo ay ahaataba wadamada IGAD ayaa mab’da ahaan isku afgartay in Somalia loo soo diro ciidama 10kun oo askari gaaraya kuwooga ugu horeeya 30ka bisha dambe ee April imaan doona Somalia, gaar ahaan gobolada Bay, iyo shabeelaha dhexe, magaalooyinkooda xarunta ah ee Baydhaba iyo Jowhar. Hay’ada caalami ah oo ay kamid tahay hayada xalinta khilaafaadka caalamiga ah oo ka digtay qataro ka dhasha ciidama safka hore ka socda oo Somalia loo soo diro, iyada oo agaasimaha hay’adaasi Matt Prieyden oo ku celiyay in laga fiirsado ciidama soomaaliya loo soo diro.
  8. Jumatatu

    HAWAII

    ^^^Loooooooooooooool...! Sky honestly this is your first post that has amused me... Wallahi it was really funny..
  9. Taageerayaasha Muuse Suudi oo banaanbax ka sameeyey gobolka Sh/dhexe Balcad Taageerayaasha wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta banaanbax ballaaran isugu soo baxay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, waxaana banaan-baxaasi lagu taageerayey go’aanadii Nairobi ay ka soo saareen xubnaha labada gole ee xukuumadda & baarlamaanka uga jira beelaha USC oo ay ku jireen hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale-na banaanbaxaasi lagu muujiyey sida shacabka ku dhaqan degmada Balcad ay uga soo horjeedaan ciidamada dowladaha safka hore in ay ka mid noqdaan ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo, waxaana banaanbaxayaashu ay ku qeylinayey hal ku dhigyo liddi ku ah dowladda Itoobiya oo ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan in ciidamadeeda ay soo galaan Soomaaliya. Taageerayaasha Muuse Suudi oo ka soo horjeeda qorshaha dowladda ee ku wajahan ciidamada dowladaha safka hore & in aysan dowladu magaalo aan Muqdisho aheyn ay farriisin ka dhigato ayey gobolka Sh/dhexe ku wada sugan yihiin taageerayaasha Max’ed dheere oo iyaguna ku taamaya in magaalada Jowhar ay farriisin u noqoto dowladda si weynna u taageersan in aanan ciidamada AU-da aanan loo kala saarin saf hore & saf dhexe, sida uu sheegay Max’ed dheere. Banaanbax kale oo lagu waday in uu maanta ka dhaco degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa dib loo dhigay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto banaanbaxayaasi, iyadoo maalmahan magaalada Muqdisho ay hareeyeen banaanbaxyo lagu taageerayo go’aanadii hogaamiyeyaasha Muqdisho & xubnaha labada gole ee beelaha USC ka soo saareen Nairobi. Now tell me the distance between Balacad and Jowhar Mudane Duke and Co...
  10. Originally posted by Qorshel: Atto: waqtigii dhamaayooo waad dhigi doontaaa Cheers [/b] Loooooooooooool...! Sxb I hope you remember the USC version of that song, it is being revived again thanx to Yeey...!
  11. Originally posted by Qorshel: [QB Duke has his phone number, warya pass it to her and tell Odaga she is one special girl.. [/QB] Ouch..! So Duke supplies 'odeyga Yeey' with special girls, no wonder he is very defensive of his adeero... business must be booming he Duke....
  12. Originally posted by Duke_Valantino: Dr. Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) is getting into the directory of Somali living heroes. Nayruus thanks for that one. He is my hero and has been for a very long time. A Somali nationalist if there ever was one. many thanks What a pathetic and utterly distasteful statement from your part Duke, he has been puting the bread on your table for nearly all your life, ofcourse you have to love him..
  13. Originally posted by Duke_Valantino: At least you[Juma] are blunt regarding how you wont recognise the parliment as it would endanger your clan created heaven in Xamar. And who is looking here to take his 'clan' to the promised land, tell me Duke.Ater all that is what narrows down to isnt it sxb? And you know wat, I cant wait to get it started..
  14. ^^^ And you remember Morgan will recapture Kismayo along with the Puntland soldiers. You sxb you are once again counting on individuals Aydiid and Dheere. And again also the parliament, if it will make easy for you even if the parliament approves Foreign troops we will not recognise it. How is that for you ?
  15. Originally posted by Qorshel: Only 95 MP's....... the last time I checked the number of MP's were 275 Sxb 95 + 49 the number that made the original declaration = 144. And I dont need to tell you the majority that is required to make a bill go through. Besides this sxb get through your head that this is a reconciliation transitional parliament hence its decisions must be over whelmingly consensus and reconciling. Especially in its initial stage. It is no secret that there exists animosity and fearce rivalary in the TFG government at this point. Which will obviously as a result lead to its disintigration on the grounds that it is no more reconciling nor collective. Remember The government has to function in Somalia to actually exists. We are all waiting for that...
  16. Dadweyne isugu soo baxay Kaaraan & X/weyne Banaanbaxyo lagu taageerayo heshiiskii ay Nairobi ku saxiixeen xubnaha labada gole ee baarlamaanka & xukuumadda uga jira beelaha ****** oo ay ku jiraan hogaamiyeyaasha hubeysan ee Muqdisho ayaa maanta ka kala dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada X/weyne & Garoonka Qoob-dooroee ku yaal isgoyska Kaaraan. Tigree waaye cidda aan u jeedno anaga, waxaanna leenahay lafihiina & hilibkiina halkan ha keenina, haddii kale meeshiina naga jooga dad walaala Afrikaan ah oo is-jecel ayaan nahaye, haddii ay Itoobiyaan ka noqon waayaan damacooda shacabka waxaan u sheegayaa in ay qoryahooda sifeystaan†ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo sheegay in aysan aheyn arrin lagu farxo qaabka ay u dhaqmayaan mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladda oo iyaga oo ay Soomaali u heelan tahay haddana door-bidaya in cadowga Soomaaliya in ay dalka ku soo hogaamiyaan, iyaga oo buu yiri eeganaya danahooda keliya balse aanan kala jecleyn maslaxada & danaha shacabka. “Dagaa jihaad ah oo lagu Jana-galayo ayaa lagala hor-tegayaa Itoobiyaan-ka, halkaasna cashar baa lagu siinayaa oo waxaa dhici doonta ceesaantii mas & good madax shabeel leeftaa maleegeedii baa galay†ayuu yiri C/qaadir Firimbi oo sidoo kale sheegay in banaanbax kale oo weyn uu ka dhici doono degmada Madiina gaar ahaan farriisimada uu ka taliyo Cumar Filish. “Waxaan diyaar u nahay in aan fulino heshiiskii ka koobnaa 29-ka qodob isla markaana aan ciidamadeena ka saarno magaalada Muqdisho oo aan geyno goobihii loogu talagalay, waana heshiis wax ku ool ah oo loo maarmi karo in ciidamo shisheeye dalka la keeno†ayuu yiri Ku-simaha Muuse Suudi ninka lagu magacaabo Cali Afrax Max’uud (Cali dalable) oo ka hadlayey banaanbax ay taageerayaasha Muuse Suudi isugu soo baxeen Garoonka Qoob-dooro ee isgoyska Kaaraan ilaa xarunta Muuse Suudi ee Mariinaayada
  17. 95 Xildhibaan oo taageeray go’aankii wasiirada & xildhibaanada beelaha USC ay Nairobi ka soo saareen(Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Nairobi) Xildhibaano ka soo kala jeeda beelaha ****, **** & ****, *** & beesha 5-aad oo ay tiradoodu gaareyso 95 ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxeyna warsaxaafadeed xildhibaanadaasi ay soo saareen ay ku sheegeen in ay ku taageerayaan go’aankii ay Nairobi ka soo saareen xubnaha golaha wasiirada & baarlamaanka beelaha ****** ee ka koobnaa 49-ka xildhibaan, waxeyna sheegeen in xubnahaasi ay isku aragti ka yihiin arrimo badan oo ay ugu horeyso diidmada in ciidamada dowladaha safka hore ay ka mid noqdaan ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo, iyaga oo sheegay in aysan aqbali doonin hadalka xalay ka soo yeeray madaxweynaha Yugandha oo ah guddoomiyaha xilligan ee urur goboleedka IGAD, waxeyna hadalkaasi ku tilmaamay hadal lala soo de-degay oo aanan ku habooneyn in uu yiri madaxweyne, waxeyna sheegeen in arrinta Soomaaliya ay tahay mid u taala baarlamaanka, wixii baarlamaanku go’aan ku gaarana ay noqoneyso go’aanka lagu dhaqaaqayo. Xildhibaanadan waxey sheegeen in ay soo dhoweynayaan ciidamo shisheeye oo dalka la geeyo balse ay diidan yihiin ciidamada dowladaha safka hore, waxeyna ku baaqeen in dowladaha Afrika aysan ku kaadsoomin arrimaha Soomaaliya. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya in la horgeeyo mooshinka ciidamada shisheeye si ay uga doodaan.
  18. ^^^Loool, you are so rejoiced sxb..! Just like a child playing a game of football and has seen one of the starts join his team..Yippeee..! Well dont get over exicited sxb. As someone said once the first bullet is fired it does not narrow down to personalities, and hope in your right mind you dont actually believe that Aideed Jr. will be in the same camp as Yeey. Your adeero Yeey is setting the scene for a major clash among Somalis, and just like you he thinks everyone is on his side.
  19. Originally posted by Qorshel: Do you mind if I say this was a clear tribilistic comment. No I dont mind infact I would say you are spot on..
  20. Originally posted by J B: the ISSUE is Ghedi beeing untrust-worthy among the people he represent. Now .. does that ring a bell? [/b] No it doesnt sxb, cause he is trusted by the people he does not represent. Does that tell you anything..?
  21. Originally posted by MsWord: Balaayo, you really should be in solitary confinement.