Jumatatu
Nomads-
Content Count
1,570 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jumatatu
-
Tragic news: Hobyo clashes cause death and destruction
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Duke I wished you felt sad about it, but I know you aint and are enjoying every bit of it. Inshallah it will come to an end, and by the end of the day there is no glorius part in this sad event. I pray they come into senses. -
^^LOOOOOL..>! The chances of Amin Amir getting a post in the Government that is fast declining is very minute..
-
^^Looool..! Some have already blinked and lost the plot, in attempt to recoup they have gone into bewilderment deeper and deeper. It is strange when things you took for granted does not turn out to be as you wanted....
-
The crisis over the relocation from exile of Somalia's transitional government deepened on Wednesday as powerful warlords said they will move to impeach President Abdullahi Yusuf Ahmed. Warlords controlling Somalia's bullet-scarred capital of Mogadishu said they will introduce a no-confidence motion against Yusuf in Parliament and seek his removal for allegedly violating the lawless country's transitional charter. "A vote of no confidence on the president is coming ... there is enough evidence to impeach him," said Somali Construction Minister and Mogadishu warlord Osman Ali Ato. "We are fed up with him," he said, maintaining that his faction had enough support in the 275-member clan-based Somali Parliament to sack the president over plans for the government's eventual move from Kenya. Ato said pro-impeachment MPs are meeting in Nairobi to discuss strategy for the no-confidence motion while Yusuf, himself a former warlord from the northeastern region of Puntland, is at a meeting of Arab leaders in Algeria. Information Minister Mahmoud Jama decried the threat to impeach Yusuf, saying the warlords are bent on destabilising the government, which has been rocked by infighting in recent months. "This is a propaganda move aimed at creating confusion," he said. The warlords have been piling pressure on Yusuf ever since he took office in October following a vote by the Parliament. Sources close to the warlords said they have decided to pursue impeachment now because of what they called Yusuf's blatant violation of the transitional charter in planning for the government's move to Somalia. Despite widespread opposition in Somalia and deep international concerns, Yusuf and Prime Minister Mohammed Ali Gedi are insisting on the participation of the country's immediate neighbours, particularly Ethiopia, in a regional peacekeeping mission aimed at helping the government establish its authority. The dispute over the participation of Ethiopia, Djibouti and Kenya in the peacekeeping force degenerated into a bloody brawl between lawmakers in Parliament last week and brought other disagreements to a head. The second issue of contention is Yusuf and Gedi's controversial plan to have the government relocate to the towns of Jowhar and Baidoa instead of the capital Mogadishu, where there are major security problems. The warlords argue that both positions are illegal under the 2003 charter that says the presence of foreign troops in Somalia must be endorsed by Parliament and that Mogadishu is the nation's administrative capital. "The president has clearly violated the charter," said one source close to the warlords. The warlords' decision to initiate no-confidence proceedings follows the fistfight in Parliament and two failed attempts by Gedi this week to press the Cabinet on reaching a consensus, despite donor pressure to resolve the crisis. It was not immediately clear when the motion would be introduced but the deputy speaker of the Parliament, Mohammed Omar Dalha, said lawmakers would consider it as long as it is filed procedurally. "If it is legal, we shall debate it," he said. Meanwhile, Ato and other warlords from the ****** clan that dominates Mogadishu are moving ahead with plans to set up administrative offices in the capital over the objections of Yusuf and Gedi, officials said. The Horn of Africa country has been in chaos without any functioning central authority since the ouster of strongman Mohamed Siad Barre in 1991 turned the nation into a patchwork of fiefdoms ruled by warlords. - Sapa-AFP Bogonko Bosire | Nairobi, Kenya
-
Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii baarlamaanku ku gaaray in ciidamada dowladaha safka hore aan la keenin dalka oo lagu qabtay garoonka Istadiyo Muqdisho Banaanbax ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen ururada bulshada rayidka, dadweyne ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, ciidamada qalabka sida, qaar ka tirsan ardayda dugsiyada gobolka Banaadir, dallada culumadda Soomaaliyeed & mas’uuliyiin kala duwan ayaa saaka leysugu soo baxay garoonka weyn ee Istadiyo Muqdisho Anagu cid aan ka soo horjeedno oo aan la coleysanahay ma jirto oo aan aheyn nimankaas iyaga ah oo ay Hawassa ay hogaamineyso, inta kale ee Afrikaan-ka ah waa walaalaheen waana soo dhoweyneynaa, laakiin Itoobiya maya, umana ogolin wadankeena in ay timaado, Itoobiya laftigeeda marka aanu ka heshiino waxyaabaha ina dhexyaala dowlad deris ah weeye†ayuu yiri Cali Xaaji Yuusuf oo ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee dallada culumadda Soomaaliyeed. Dadka halkan isugu yimid waxey taageersan yihiin dowladooda habka wadaag ah lagu dhisay ee 4.5, waxeyna diidan yihiin in Soomaaliya laga dhigo kilil-ka 6-aad, C/llaahi Yuusuf-na madaxweynahoodii in ay yihiin waa ogyihiin ee waxey ugu baaqayaan in uusan noqon madaxweynaha kilil-ka 6-aad oo haddii shalay iyaga oo qabqablayaal ah ay taageeri jirtay maanta in iyaga oo Qaran ah ay la hadlaan ee aysan Qaranka & Calanka Soomaaliyeed hoos geyn†ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo sheegay in aysan dhici karin in Itoobiya sida gobol ay leedahay oo kale ay Soomaaliya u soo gasho. “Waxaan ka xunahahay in dowladda Kenya caasimadeedu ay noqotay caasimadii labaad ee Puntland oo qofkii diidan C/llaahi Yuusuf lagu xiro, wax looga fadhiyeyna ma ahan, nimanka la xirayna haddii la xirayana 3 sano bey beesha joogeen†ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo sheegay in aysan jirin magaalo laga diidan yahay dowladda, balse dowladu ay diidan tahay shacabkeeda “Waxaan taageereynaa dhammaanteen oo aan qoraxda u nimid go’aankii baarlamaanka Soomaaliyeed uu ku diiday 17/03/2005 in dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamada dowladaha deriska aan nahay, weliba dowladda Itoobiya ciidamadooda diidmada ay diideen waan ugu hambalyeynayaa waana go’aan Soomaaliyeed oo wadaniyad ku dhisan, maxaa yeelay waa naqaanaa dowladda Itoobiya muraadka ay leedahayna waan garaneynaa, dhulkayaga ayeyna damac ka qabtaa oo in ay qeyb-qeybiso ayey dooneysaa oo ay qaar qaadato, waxeyna isi siisay oo weligeedna ay daba taagneyd dhulkan la yiraa Jubba-land oo waxey rabtaa dekadda Kismaayo oo ay dooneysaa in ay uga baxdo go’doonka ay badaha ka tahay marka haddii go’aankaas ay is hortaageen aad ayey xildhibaanadu u mahadsan yihiin†ayuu yiri Janeraal Galaal oo sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan ciidamada dowladaha safka hore in ay Soomaaliya soo galaan. “Waxaan maqlaa maalmahan dad madax ah oo leh Itoobiya ma ahan Itoobiyadii hore, madaxda hadda ahna ma ahan madaxdii hore oo waa ka duwan tahay waana dad walaalo ah, hadde deris ahaan deris waa nahay walaalana waa nahay, laakiin damac xun oo isticmaar ayey ilaa 5 qarni qabeen†ayuu yiri Janeraal Galaal oo sheegay in ay aad uga xun yihiin xariga loo geystay xildhibaanada baarlamaanka ee uu ku jiray, wuxuuna si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan & wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax. “Ummadda Soomaaliyeed yaanan waxba loo maldahin Itoobiya ujeedadeedu waxey tahay in ay dalka kala goyso qaarna qaadato, nimankii guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee meelaha marmaray ee laga soo xiray C/llaahi Sheekh Xasan, nimankaasu waxey wadeen qorshe ay Itoobiya soo qortay oo dalka lagu kala qeyb-qeybinayo waana kaasaa map-kii ay soo qortay’ ayuu yiri Jen. Galaal oo dadkii banaanbaxaasi ka soo qeybgalay u sharaxay kaarto uu sheegay in ay wateen guddigii xaqiiqa raadinta ee ka socday IGAD, Midowga Afrika & dowladda federaalka, wuxuuna Galaal sheegay in dowladaha Mareykan-ka & Talyaaniga ay si weyn uga soo horjeedaan qorshaha dowladda Itoobiya. Banaanbaxan ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir & duqa magaalada Muqdisho C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) & Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye), Dr. Ibraahim Dusuqi oo ku hadlayey magaca ururada bulshada rayidka. "Jaamacadda Carabta waan ka baxeynaa haddii aysan naga dhicin bahalada na kala boobaya, haddii aysan maanta inoo hiilin Jaamacadda Carabta waxaa shaki geli doona carabnimadayada" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey (Firimbi) oo ugu baaqay dowladaha Islaamka ah in ay garab istaagaan xaalada adag ee ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed. Sawiradii banaanbaxayaasha
-
Shirki golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay Nairobi oo Shirkan waxaa Gudoominayay Rasulwasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxaana ku Soo xaadiray73 iskugu Jiray Rasulwasaare ku Xigeeno Wasiiro wasiiro ku xigeeno&Wasiiru doowlayaal shirku waxa uu biloowday 11.30 Daqiiqo Saacada Nairobi, Shirku waxa uu ku biloowday Afkaaro ay iswaydaarsanayaan Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya iyagoo ay halkaa ka hadleen ku dhawaad 42 Xubnood wasiiradu waxaa la siiyay 10 Daqiiqo oo ay ku cabiiraan afkaartooda iyagoo ka dooday halka ay xukuumadu uguurilahayd , Hadaba shirkaa markii Raysulwasaare Geedi ku dhawaaaqay in la codeeya ayaa waxaa shirka ka baxay 10 Wasiir oo uu ku jiro Raysulwasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Warfaafinta iyo Afayeenka Xukuumada Federaalka Dr Maxamuud Jaamac Sifir, Wasiirka Aminga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax iyo XaajiMuusse iyo Xybnokalle, Markii ay xubnahani shirka ka baxeen ayuu raysulwaarse Gedi xubnihii kalle ee Wasiirada ka codsaday in cod loo qaado iyagoo 63 Wasiiro iyo wasiiro ku xigeeni wasiiru doowlayaal iskugu jiraa ucodeeyeen in Xukuumadu ay Dagto Jawhar&Baydhabo, Waxaa kaloo la go aamiyay in Xafiis laga Furo Muqdisho isla Markaana Nabadgalyada Magaalada Muqdisho lagu Sugo ilaa iyo 3-4 Bilood Xubnaha Shirkan ka baxay waxa ay sheegayaan in ay sharci daro tahay in Golaha Wasiiradu ay iyagu Axdi qarameedka wax ka badalaan ayna tahay Arin utaala Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kaloo ay Daliishanayaan in Qodobka 52 la jabiyay oo aysan sharci ahayn in Wasiiro ku xigeenadu ay fariistaan shirka Golaha Wasiirada, Wasiirka Ganacsiga Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow waaxa uuii sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan war saxaafadeed ka turjumaya go aanka ay qaadan doonaan. Golaha Wasiirada waxa ay 5 Bishan ansixiyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika oo aan loo kalla saarin Saf hore iyo Mid Danbe waxaa kaloo ay go aamiyeen in la keeno Ciidamo ka Socda Jaamacada Carabta, Hase yeeshee Amuurtaas waxaa Gaashaanka ku dhuftay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu sheegay in aan Soomaaliya looga Baahnayn Ciidamo ka socda Safka hore waloow Ansixintaa dhiigBadani ku Daatay, Lama oga tilaabada Xigta iyo Samaynta ay ku yeelan Doonto Xubnaha Doowlada Amuurtani waxaase maalmahan soo ifbaxay Khilaafyo hareeyay Xubnaha Doowlada
-
Kulankii golaha wasiirada oo lagu kala dareeray natiija la´´aan ayadoo kulankasi ay isaga baxeen wasiiro ay kamid yihiin Maxamed Qanayre iyo Xaaji Muuse Suudi yalaxoow Kulankii Wasiirada DFKMG oo la soo jediyey in madaxweynahana uu dago magaalada Baydhabo halka golaha wasiiradana ay dagayaan magaalada Jowhar tasoo keentay in gabi ahaanba lagu kala dareero shirkii sacaadaha badan loo fadhiyey . Dooda markii ay bilaabatay ayaa durabadiiba isaga baxeyn wasiiro dhowr ah oo ay kamid yihiin Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, Cismaan Caato, Cumar Fiinsh iyo qaar kale . Waxaa wax la layaaba ah in laba meel ugu kala dagayaan madaxweynaha iyo dowladiisa tasoo ku tusayso in wali dowlada u bisleen in ay tagta magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadana ma jirta meel ay ku qorontahay madaxweynaha iyo xukuumada in ay kala dagaan labo magaalo oo kala dheer oona suuragal aheyn in ay isugu tagaan baabuur waxa kaliya aysugu tagi karaana ay tahay Diyaarad . Kulankii maanta ayaan ka soo bixin wax natiija ah ayadoona qolawaliba ay isaga tagtay goobta shirka ayadoo careysan , mana jirta cid saxaafada toos ula hadashay
-
Originally posted by Duke_Valantino: noble Sharif damaged himself by his actions which the whole world saw as a sign of incompetence om his part. ^^^Loool I think sxb you assume the 'whole' World's eye circles around that of yours and Yeey. Wake up Duke and start believing things are crumbling around your 'mesiah'...
-
Cabdullahi Yuusuf iyo dowladda Itoobiya oo war cad ka soo saaray go'aankii ay dhawaan gaareen inta badan xildhibaannada Soomaalida. Ruunkinet 20/03/05 Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wareegto ka soo saaray maanta go'aankii ay gaareen golaha baalamaanka dhawaan. Madaxweyne Yuusuf ayaa maanta soo saaray wareegto uu kun amrayo golaha baarlamaanka in ay si deg deg ah uga laabtaan g'aankii ay dhawaan gaareen oo ku baaqayay in ciidamada safka hore aysan ku soo biirin ciidamada la keenayo Soomaaliya. Madaxweynaha oo si weyn u canaantay guddoomiyaha iyo inta la qabto fikraddiisa ayaa qoralkiisa ku sheegay in uu talaabo ka qaadi doono haddii aysan dib uga laaban go'aankooda. Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dan weyn ka leedahay Soomaaliya ayna diyaar u tahay in ay si dhaqsi ah ugu soo biirto ciidamada ka keenaya Soomaaliya. Arrintan ayaa laga yaabaa in ay soo dedejiso burburka dowladda madaxweynaha ka yahay Col.Cabdullahi Yuusuf oo aan weli sal dhigan Soomaliya taasna ay keento dagaal sokeeyo oo cusub. Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa in uu maanta qoraal arrinta madaxweynaha ku saabsan ka soo saaro
-
War saxaafaded ay soo saareen 12 wasiir oo uu ka mid yahay Xuseen Caydiid oo lagu cambaareynayo wareegtada madaxweynaha ayaa dhawaan laga soo saaray magaalada Nayroobi. Ruunkinet 20/03/05 Warsaxaafadeed lagu naqdinayo wareegta uu maanta soo saaray madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa goor dhaweed laga soo saaaray magaalada Nayroobi. Waregtadan oo ay ku saxiixnaayeen 12 wasiir oo ay ka mid yihiin labada ra'isul wasaare ku xigeen Xussen Caydiid iyo Sifir ayaa waxaa ka mid ahaa Salaax Cali Faarax, Qanyare, Caato, Ibraahin Xabeen, Maxamud Salaad, Cumar Finish, Muuse Suudi iyo qaar kale ayaa si weyn lagu cambaareeyay wareegta uu maanta soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed. Madaxweynaha ayaa ku amray mudanayaasha baarlamaanka in ay si dhaqsi ah uga laabtaan go'aankii ay dhawaan gaareen ee uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka. Qoraalkan ay soo saareen labada ra'isul wasaare ku xigeen a iyo wasiirada kale ayay ku sheegeen in ay taageersan yihiin go'aankii ay dhawaan soo saareen inta badan golaha baarlamaanka ee ka dhacay Gran Regency Hotel ee magaalada Nayroobi. There is that Aidiid Jr. guy playing musical chairs again or does he just simply want to iritate Duke and co....
-
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
^^Bisinka dadku cawey wey wada xeransanyihiin... Originally posted by Duke_Valantino: Juma Il Coward.. ^^^^^Loooooooooooool....! Wax alale wixii aad ii tirah jiid ayad uu ledahey cawa, if it helps you reduce the BP and the tension bro call me anything. Lakiin waxan ku warsadey saxiibo what would have you done if Yeey lost the Presidential election on that fateful nite, commit suicide I presume... . once again you have my 'ruqsa' to call me anything..! damn I never thought u get so uptight... -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
And who is the weak and the brave in this case... . And another thing the demise of A/qassim was betterment for anyone who cares about Somalia, and we are not related... -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
^^^^looooooool...! Saxiib ma ana adeer diley why r u cussing me..! And another thing you have lost all the confidence you used to have, all of a sudden you are a deranged man. Calm down it is not the end of the World... remember that tune : 'Always look at the bright side of life' whistle that to yourself and you will get over it. -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
^^^^Loooooooooool....! Ok I will keep laughing untill you realise that it was u who build your house on 'quicksand'... -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Saxiibkey Duke qalaal aya ku dhacey...! -
Musa Sudi Yalaxow and two MP's Charged with assualt and out on bail
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Duke_Valantino: the fact remains your lot are bad lossers and even worse liers. Shouldnt this be the other way round.. -
Musa Sudi Yalaxow and two MP's Charged with assualt and out on bail
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
This is getting to desperate position from Duke and Puntland websites. Sxb Duke you think u had in the pocket and that parliament will approve it automatically. Yeey probably thinks jailing Al-xaaji will change things, it wont but rather create more complication and put his governance under scrutiny. Now Duke you can go on and on and publish the dented and ill fated views of Puntland Media, but Sharif, Sudi and Co. are not for turning....if worse comes to worse they know how to: -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
saxiib I trust 'our' President will come around to respect the decission of the parliament. He is clever, remember the first rejection of Gheedi's PM nominee and cabineet list... -
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Maanta Maanta Maanta waa malinweyne maanta -
Grand Regency kick out all Somali's for damaging the hall.
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Xaasha...!!! Where is all the hype you were building to this election Duke? You were saying the No's to the motion will be defeated hence will be taught a lesson about politics and diplomacy... Loooool...! Waxaa calacal ka baxay Duke sxb, xita deriski wakugu so baxeen. And if this was not a vote sxb, then the one that that resulted to the election of Yeey to President will be annuled, so will the one for the PM. Am enjoying thissssssssssssssssssssss...! Ahey maxaa kale oo la jebshey aan ka aheyn kurasti Grand Regency..taas ma qiil ka dhigatey hadana...loooooooooooool...! -
Bisharo you are looking for the rebound eh..! Why blame the poor woman, all she wanted was a vacation from waking up next to 'bidaros' every single morning. Who can blame her?
-
Ngonge sxb the decision is yours, but beware what goes around comes around...simply if you cheat, she will do likewise and search if she still has that pulling power....
-
Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku dhawaaqay in Baarlamaanku uu go'aamiyay in aan ciidamo ka socda dalalka safka hore la geynin Soomaaliya Khamiis, March 17, 2005 (HOL) 19:00GMT: Kulankii ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ka yeesheen in ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la geeyo ayaa gunaanadkiisii wuxuu ku soo af-jarmay in ay Xildhibaanadu gacanta isula tagaan, isla markaana ay dhiig iska daadiyaan, inkastoo si gacan taag ah ay Xildhibaanadu isugu raaceen in ciidamo ka socda dalalka safka hore aan Soomaaliya la geynin. Xildhibaanada ayaa u kala jiray kuwo doonayay in ciidamo aan la kala soocin oo Afrikaan iyo Carab ah la geeyo Soomaaliya, halka kuwo kalena ay aad ugu dheganaayeen in ciidamo haddii loo baahdo la geeyo Soomaaliya balse aan lagu soo darin kuwa dalalka safka hore, waxaana kulankii saakay oo furmay abaarihii 10:30-kii subaxnimo isu diiwaangeliyay si ay doodda uga qeybgalaan 119 dhildhibaan, waxaana dooday 90 Mudane, kuwaasi oo fikradahooda ay u badnaayeen in ciidamada safka hore meesha laga saaro, waxaana xusid mudan in ay jireen Xildhibaano iska ilmeeyay intii dooda socotay, kuwaasi oo xildhibaanada ku boorinayay in ay alle ka baqaan oo markaasina aysan dhibaato u soo jiidin dalkooda iyo dadkooda, halka kuwo kale oo aad u daneynayay in ciidamo aan la kala soocin dalka la geeyo Soomaaliya ay maanta ka soo burqadeen hadallo ay horay u qarsanayeen oo ahaa in dhul, guryo iyo beero xoog looga heysto, sidaas darteedna ay daneynayaan in ciidamo xoog ugu soo celiya hantida ka maqan la helo. Markii ay dhamaatay dooddii ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Shariif Xasan u sheegay Xildhibaanada in loo kala codeynayo labo mooshin oo kala ah in ciidamo Afrikaan iyo Carab ah oo aan la kala soocin la geeyo Soomaaliya iyo in ciidamo aaney ku jirin kuwa safka hore la geeyo Soomaaliya, waxayna Xildhibaanada intooda badan u codeeyeen in aan ciidamo ka socda dalalka Soomaaliya la deriska ah aan la geynin dhulka Soomaaliyeed, taasina ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay iyadoo si gacan taag ah loo codeeyay kadib markii is-hortaag lagu sameeyay sanduuqyadii lagu codeyn lahaa, hayeeshee markii laga guuleystay kooxdii rabtay ciidamada dalalka safka hore ayaa waxaa ka bilowday Hotelkii uu shirka ka socday ee Grand Regency fowdo keentay in ay xildhibaanadu gacanta isula tagaan, isla markaana ay qaarkood dhaawacyo culus ah oo dhinaca madaxa ah soo gaaraan, waxaana kuwa magacyadooda ay na soo gaareen ka mid ah Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor, Xildhibaan Cabdi Kaafi oo wasiir ku xigeenka Boostada ah iyo Xildhibaan kale oo magaciisa naloogu sheegay C/raxmaan Xaaji Ismaaciil. Goobta shirka waxaa ku sugnaa Ra'iisul Wasaare Geedi oo isagu ka mid ahaa Xildhibaanada qabay in ciidamo aan la kala soocin la geeyo Soomaaliya. Prof. Geedi mar uu Xildhibaanada la hadlay markii ay dooddu bilaabaneysay ayaa wuxuu sheegay in si Dimoqraadi ah oo aan is-mucaaradid lahayn loo dhiibto fikradaha, iyadoo uu xusay in dhinacii laga guuleysto laga rabo in uu ku qanco in si dimoqraadi ah looga adkaaday, isla markaana marka Hotelka laga baxo aan wax cadaawad ah la isu qaadin, "Maanta waxay ahayd maalin madow oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku hoggaamiyay Xildhibaanada markii labaad in ay is-dilaan"ayuuna yiri Prof. Geedi oo BBC-da wareysi siiyay cod bixintii gacan taaga ahayd kadib. Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxay labaduba sheegeen in kooxo aan tiro badneyn oo Qaran diid ah ay fowdada bilaabaan mar walba. Sidoo kalena Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isaguna goobtay shirka saakay yimid, inkastoo uu dib isaga laabtay markii taas ay soo jeediyeen Xildhibaanada qaarkood, inkastoo xubno ku dhow dhow madaxweynaha ay sheegeen in aanu arrinta doodda madaxweynaha shirka u tegin, balse uu Xildhibaanada soo salaamayay. Doodda looga adkaaday Xildhibaanada qabay in ciidamo aan la kala soocin Soomaaliya la geeyo ayaa waxay timid iyadoo 19 Xildhibaan oo fikirkaas qabay ay maanta ku xayirmeen magaalada Baydhabo kadib markii diyaaraddii qaadi lahayd uu digniin u jeediyay Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo isagu si weyn uga soo horjeeday in ciidamada dalalka safka hore la geeyo Soomaaliya, inkastoo Xildhibaanadaas ay Nairobi ku laabteen iyadoo shirkii uu soo gebageboobay, kooxdoodiina laga adkaaday. Hotelka Intercontinental ee isla magaalada Nairobi ayaa saakay waxay shir ku lahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD, kuwaasi oo ka arinsanayay Arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan, si gaar ahna waxay u daneynayeen arrinta ku saabsan in ciidamo ka socda dalalka IGAD la geeyo Soomaaliya, inkastoo kulankoodaas oo la sheegay in ay berri go'aano ka soo bixi doonaan ay Dowladda Mareykanka qoraal soo gaarsiisay kaasi oo qodobadiisa ay ka mid ahaayeen in aaney soo saarin go'aan ka hordhacaya midka baarlamaanka laga sugayo iyo in Soomaaliya ay saaran tahay cunaqabateyn dhinaca hubka ah, taasi oo mamnuuceysa in hub iyo ciidamo la geeyo Soomaaliya, iyadoo aanu UN-ku ogolaanin, taasina ay taxadar ka muujiyaan. Sheekada maanta ka dhacday Hotelka Grand Regency ayaa waxay soo af-jartay codsigii madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee ahaa in ay doonayaan in ciidamo aan saf hore iyo saf gadaale loo kal asoocin loo diro Soomaaliya iyo weliba hadalkii Madaxweyne Yoweri Museveni ee ahaa in ciidamo aan cidna lagala tashan oo ka socda dalalka IGAD la geynayo Soomaaliya, hadalkaasi oo ay si weyn Soomaalida badankeed uga caroodeen. Waxaa xusid mudan in kulanka maanta uu yeeshay Baarlamaanka shalay ilaa xalay la isku dayayay in dib loo dhigo ilaa maalinta Sabtida ah, waxaana taasi aad ugu ololeynayay sida wararku nagu soo gaarayaan mas'uuliyiin ka socotay dowladda Kenya, si gaar ah waxaa loo xusay Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Danjire Maxamed Afey, kaasi oo xitaa ay Xildhibaano ay ka mid yihiin Cali Baashi Xaaji Maxamuud ay ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in howl laga qabanayo haddii ay cagahooda dhulka dhigi waayaan, haseyeeshe taasi wey suurtoobi weysay, waxayna guddoonka Baarlamaanka ku adkeysteen in kulanka uu dhaco, waana dhacay. Midowga Afrika ayaa dhowaan wuxuu ka codsaday beesha caalamka lacag Nus Milyan Doollar ah, taasi oo loogu talagelayo howlgal ay ciidamo ka socda dalalka IGAD muddo 8 bilood ah ka fulinayaan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo warar ka soo baxay Saraakiil sare oo IGAD ka tirsan-na ay sheegeen in 30-ka April la geynayo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo Afar Batalyan oo Ciidamo IGAD ka socdo ah, halka labo asbuuc kadibna magaalooyinka Beledweyne iyo Gaalkacyo la geyn doono labo Batalyan. Banaanbaxyo horay uga dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa looga soo horjeeday in ciidamo ka socda dalalka safka hore la geeyo Soomaaliya, iyadoo siyaasiyiin ka tirsan kuwa Muqdisho iyo mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ahna ay si weyn uga soo horjeesteen in ciidamo shisheeye gebi ahaanba la geeyo Soomaaliya, haddii la geeyana ay la dagaalami doonaan. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com And Duke sxb this is from Hiraanonline. And setting aside the jibes between me and you, please accept my sincere sympathy regarding the injury incured by 'adeero' and I hope he gets better soon, Inshallah