Jumatatu
Nomads-
Content Count
1,570 -
Joined
-
Last visited
Everything posted by Jumatatu
-
Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay? -Devastating analysis
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Baashi: ^Nonsense! Ragna ma aha ragna wax uma oga -dii la sheegi jiray baa meesha soo gashay. Juma hadda ma waxaad la soo shir tagtay oo miis rag leeyahay la timid caruuraha iyo maatada dhacan ee qaxootiga ku ah xeryaha qaxootiga inaad libin lagu faano ka dhigato. Awoowe beeluhu waa diriraan oo hadde arrin ugub ah ma ahan oo waa dhici jidhay waase laga heeshiin jidhay. Awoowe inta aad sheegtey wax wax laga so qaato inta kore aya ka jirta , waayo waa ficantahey iyo ma ficna kuma jirii karno cawa oo dhan. Taas waa nin walba iyo araagtidiisa. Bashi, awoowe, ada la shir yimid marki hore 'waad ku xaarteen' aan jawabteeda ayan ku siyay. Hadi aad ka xumateyna xaal qaado , wuxuu aha hadal kama ku yimid ee kas ma aheyn. -
Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay? -Devastating analysis
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by General Duke: [QB what alternative do you present? Again the confusion on your part continues. You hate the present status quo but will never the less accept it, obviosly you are waiting for Musa, Ato and Qaynyare to bring law and order to Xamar[/QB] Soomaalida waxay ku maahmaahda 'nin nagtaada uu socda gabadhada uma istago'. hada General Duke you and your adeero are not interested in pacifying a Nation, forming a formidable government let alone reconciling former warring parties. The clear and apparent evidence to this is Yeey's action since being elected, ad he has never been worst than over the last weeks. You and I may not agrre on who is right but certainly we can agree there is no TFG as such with a credible motive or even genuine intention hence resulting ,to be precise 'resulted', to its disintigration. On the question of the "mudanayasha' who are Mogadishu. they are at least attempting to do something. And I told you many times, yet I keep on repeating, your adeero yeey will not be anything, I repeat, anything at all unless he reconciles with those that hold opposite view to his and builds together with them. They hold the other side of the bargain he was elected on. -
Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay? -Devastating analysis
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Baashi: ^Niicle just quit this tit-for-tat u've been practicing lately! Will u? Xamar ku lahaa, Xamar ayadoo fiican aa gocosadii aa Xarardheere ka guran jirtay intaa ka imaatay aa ku xaartay and u have the nerve to speak for it as if we're from Mongolia. Loooooooooooooooooooool...! Beenta mahiin sxb..! Adna xaarkadi waa kula fogeyay ila iyo Kakuma....ke labadeena ciilqaba marka....? -
Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay? -Devastating analysis
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
^^^ This is beyond the point of desperation. Pukeland Post and Duke and Yeey are so attached to Xamar that they want to nuke it...cajiib -
Mogadishu : Aid worker killed, assasin's attempt to kill another officer
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Hay’ad Swedish ah oo sheegtay in aysan shaqadeeda u joojin doonin dilkii loo geystay madaxii caafimaadka hay’addaasi Muqdisho Hay’adda International Aid Service (IAS) ee fadhigeedu yahay dalka Sweden ayaa waxey sheegtay in aysan u joojin doonin howlihii ay ka waday Soomaaliya dilkii shalay loo geystay madaxii caafimaadka hay’addaasi ee dalka Soomaaliya marxuumad Maryan Max’ed Xasan oo koox dabley ah ay shalay toogasho ku dileen xilli ay ku socotay dugsiga Waaberi, halkaasoo uu ka soconayey seminaar ay hay’addu u qaban qaabisay qaar ka mid ah maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada ay maamusho hay’addaasi, kuna kala yaalla gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle. Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray madaxa Soomaaliya ee hay’adda (IAS) Cali Axmed Abtidoon (Cali filfil) ayaa wuxuu sheegay in dilka Maryan Max’ed Xasan uu yahay dil wuxuushnimo ah, ayna mudneyn in lagula kaco qof muwaadin ah oo u adeegayey dalkiisa. Wuxuu sheegay Filfil in dilkaasi uusan waxba ka badalynin howlihii ay hay’addaasi ka waday Soomaaliya, ayna halkeedii ka sii wadi doonaan, isagoo xusay in ay ka go’antahay in ay wax u qabtaan shacabka danyarta ah iyo caruurta. Hay’adda (IAS) oo xafiiskeeda Muqdisho ku yiilay degmada Hodon ayaa gacanta ku heysay 9 dugsi oo ka mid ah dugsiyada Soomaaliya. Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho -
Mogadishu : Aid worker killed, assasin's attempt to kill another officer
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by wind.talker: I know some people on SOL who'll swear that "Muqdisho waa nabad." I guess after 15 years of anarchy, Reer Muqdisho (and some warlord supporters on SOL) have been conditioned into believing that the status quo of today is peaceful. There was a pensioner murdered last nite in Central London by muggers, a child abducted from the streets of Paris, a cab driver killed in Ohio Columbus, not mentioning what else goes on in other parts of the World especially inside Somalia. However much unfortunate is the issue which you so personify it is not though a case that will give a reason for the intention held by Duke and his leaders. It is,beyond doubt, matter that exists, lack of security, but on the other hand it needs to be solved by those it concerns and writting and wailing in public forums is not one of them. -
Wakiilada Beesha Calamka oo u digay Cabdulaahi Yuusuf Wakiilada beesha caalamka u jooga shirka Magaalada Nairobi oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, Talyaaniga & Ingiriisk ayaa uuga Digay Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka 1-aad Cali Maxamed Geedi in ay is ka ilaaliyaan Waxwalba oo ay Dowladu ku Fashilmi karto iyo dagaal ka qarxa soomalia . Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka socda guux fara badan oo ku saabsan Shirkii Xalay Dhex maray Cabdullahi Yuusuf iyo Wakiilo ka socda Beesha caalamka ee joogay Shirka .Wakiiladan ayaa waxaa ka mid ah wadamada Mareykanka, Talyaaniga & Ingiriiska . Shirkan xalay ka socday ayaa waxaa looga hadlay arimo fara badan oo ka mid ah Khilaafka u dhaxeeya Masuuliyiinta sar sre ee Dowlada KMG iyo sidii ay Dowladu ay uugu guuri lahayid dalka soomaalia . Warar ku dhow dhow kulamada ay xalay la yeesheen Madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka wakiilada beesha caalamka ayay sheegaya in ay u soo jeediyeen Madaxweynaha in uu ogolaado in baarlamaanku leeyahay go’aaminta meesha loo guurayo, waqtiga la guurayo & dalalka ay ka imaanayaan . dhinaca kale Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Arbacada u kicitimi doono Magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen rag ku dhaw dhaw Guddoomiyah baarlamaanka Shariif Xasan. Wakiilada beesha caalamka ayaa kula taliyay cabdulaahi Yuusuf in uu is ka daayo hadalada usan meel u dayin oo uu ku hadlo wax markaas maskaxdiisa ku soo dhaca sida hadaladii uu ku hadlay 3 Maalin ka hor oo uugu hanjabay Hogaamiyaasha Muqdisho . markii la fiiriyo Is qab qabsiga Dowlada ayaa waxaa halkaas ka ogaan kartaa in aysan dhicin Dib u heshiisin rasmi ah oo u dhaxeeya cabdulaahi Yuusuf iyo hogaamiya Kooxedyada oo hada sita Magac wasiir . waa wax lala yaabo in Wasiir iyo madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ay wada murmaan sidaas waxaa yiri Sargaal ku sugan Shirka oo u dhashay wadanka Talyaaniga mar uu u waramayay idaacda ku taalo DalkaTalyaaniga. Dhinaca kale Aqoon yahano ay ka mid yihiin Porf:Aaxme Ismaaciil samatar ayaa kula taliyay Cabdulaahi Yuusf in uusan ku dag dagin Ciidamo iyo in uusan ka badalin Caasimada magaalada Muqdisho . Si kastaba hooshu ha dhacdo waxaad moodaa in ay Dowladu Fashil ku dhawdahay hadii uu cabdulaahi Yuusuf uusan ka tanaazulin hadalada iyo in u heshiis la galo Hogaamiya Koxedyada Muqdisho Sida Maxamed Qanyare,Muuse Suudi ,Cismaan Caato,Jaamac cali Jaamac,Jini Boqor, iyo inta la mid ah . Hadii uu la gali waaya waxaa halkaas ka dhacayo dagaal faraha la is ka ga kubto oo u dhaxeeya Taageerayaasha Cabdlaahi Yuusuf oo Gacan ka heli doono Maxamed Dheere iyo Cade Muuse in kasoo aan la hubin in ay Dowlada Ethoobiya ay si toos ah u soo galayso Dagaalka laakin ay uuga qayib qadanayso Xag Hub iyo Taageerayaasha Muuse Suudi oo gacan ka helayo Indha cade iyo Naxkamadaha islaamiga oo uu Hogaaminaayo Sh.Xasan dahir Aways oo soo raaca Maxamed Qanyare iyo Cismaan Caato oo ku dhawaad haysta 200 oo baabuurta Dagaalka ah iyo ilaa 1000 Nin oo hubaysan sidaas waxaa yiri shirwac oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalo Magaalada Muqdisho oo ku xeel dheer arimaha siyaasad . waa xog Dhab ah oo anu ka soo uruurinay Siyaasiin iyo Aqoon yahano dagan Wadanka Ingriiska ,Maraykanka iyo Soomalia . Posted on Tuesday, April 19 @ 15:45:56 CEST by editor
-
^^^^Looooooooooooooooooooooool...! Waryahe adiga af-Soomaaliga ka baro mesha....keep on reading beyond “ Waxa lay yedhi†and you will enhance you skills in afka hooyo.!
-
Dhex-dhexaadin cusub oo ay Nairobi ka billaabeen wakiilada beesha caalamka u jooga shirka(Madaxweynaha & Guddoomiyaha oo laga codsaday in ay Wakiilada beesha caalamka u jooga shirka oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, Talyaaniga & Ingiriiska ayaa xalay kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed & Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo kulamada ay la yeesheen labada dhinac ay kala hadleen sidii wadahadal loogu dhammeyn lahaa khilaafka ka dhex-taagan dowladda federaalka oo gaaray in dowladdu u kala jabto laba garab oo mowqifyo kala fog-fog ka istaagay arrimo muhiim ah oo la doonayey in ay hal aragti oo ay maslaxada & danta Qaranku ku jirto isla gaaraan. Warar ku dhow dhow kulamada ay xalay la yeesheen madaxweynaha & guddoomiyaha baarlamaanka wakiilada beesha caalamka ayaa sheegaya in ay u soo jeediyeen madaxweynaha in uu ogolaado in baarlamaanku leeyahay go’aaminta meesha loo guurayo, waqtiga la guurayo & dalalka ay ka imaanayaan ciidamada Soomaaliya loo dirayo, waxeyna intaasi sii raaciyeen in go’aankii 17/03/2005 uu ahaanayo sidii uu baarlamaanku u ansixiyey oo aanan la hor keeneyn mar dambe baarlamaanka, balse uu baarlamaanku ka doodayo qodobada kale, waxeyna u soo jeediyeen madaxweynaha in khilaafaadka wadahadal lagu dhammeeyo oo aanan lagu degdegin mooshin, halka guddoomiyaha baarlamaanka kulankii ay la yeesheen ay u soo jeediyeen in aanan xaaladda khilaafka la sii murjin, waxeyna weydiiyeen sababta uu ku diiday in uu u hogaansamo qodobada ku qoran warqadii uu xalay madaxweynuhu u soo diray, iyadoo labada dhinac ay isla go’aamiyeen in wadahadalada la sii wado inta xal laga gaarayo farqiga labada dhinac ku kala dhex-jira.
-
Guddoomiyaha baarlamaanka & ra’isul wasaaraha oo xalay goor dambe la soo gaarsiiyey warqad ka timid madaxweynaha(Nuqul ka mid ah warqadaasi) Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay goor dambe soo gaarsiiyey qoraal labo bog ka kooban guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan & wasiirka 1-aad Cali Max’ed Geeddi xalay goor dambe, waxaana warqadani oo aanu nuqul ka mid ah helnay lagaga codsanayaa guddoomiyaha baarlamaanka in uu meelmariyo codsiyo ka yimid dhinaca madaxweynmaha oo ku saabsan in baarlamaanku ka doodo qodobo muhiim ah oo uu soo jeediyey madaxweynaha oo ay ku jiraan qodobo horay muran badan kaga dhex-dhaliyey xukuumadda & baarlamaanka. Warqadan xalay soo gaartay Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa noqoneysa warqadii labaad ee guddoomiyaha baarlamaanka kaga timaada madaxweynaha & xukuumadda, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka shalay gacanta loo geliyey Mooshin ay ku saxiixan yihiin 100 xildhibaan oo ay ku codsanayaan in muddo 24 saac gudahood in guddoomiyuhu kulansiiyo baarlamaanka, iyadoo ilaa xilligan oo ay ka soo wareegatay 24 saac uusan wax jawaab ah ka bixin guddoomiyaha baarlamaanka warqadii shalay. Qoraalka madaxweynaha uu u diray guddoomiyaha baarlamaanka & wasiirka 1-aad ayaa u qornaa sidatan:- 18/04/2005 21:50 TRANSITIONAL FEDERAL GOVERNMENT OF THE SOMALI REPUBLIC OFFICE OF THE PRESIDENT To: Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya To: Mudane Cali Max’ed Geeddi Wasiirka 1-aad ee xukuumadda federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya CC: Kooxda iskeed isku xilqaantay ee beesha caalamka CC: Wakiilada dowladaha xubnaha ee IGAD Mudanayaal, Ka dib markaan idin la yeeshay kulanno wadatashi ee kala gaar gaar ah & mid wadajir ahba, isla markaana soo bandhigay talooyin ku aadan sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka & xanibaadaha, loona heli lahaa xal dhex-dhexaad ah ee xukuumadda dhexdeeda & baarlamaanka dhexdiisaba, ANIGOO MADAXA KU AH baahida deg degga ah ee loo qabo midnimadeenna ku wajahan meel marinta nabadda, midnimada & xasiloonida Qaranka, ANIGOO XUSUUSAN. Xilka Qaran & waajibaadka aynu u wada dhaaranay: I. Waxaan idinku adkeynayaa baahida loo qabo in la gaaro heshiis & meelmarin qorshe siyaasadeed Buuxa oo la xiriira nabadgelyada & rarista hay’adaha dowladda federaalka KMG ah gudaha dalka ay wasaaraduhu gaaraan, baarlamaankuna meelmariyo, II. Qorshe sharciyeedkaas oo qodobadiisu ka kooban yihiin kuwa hoos ku qoran, waxaa loo baahan yahay in laga doodo, la qeexo isla markaana laga wada shaqeeyo: Qeybaha qorshe sharciyeedku ka kooban yahay 1. Go’aankii golaha wasiirada arrimaha dibedda ee IGAD 2. qorshaha dib u guurista dalka B. Nabadeynta, dib u heshiisiinta & maamul ka dhisida degmooyinka & gobolada dalka. T. Goobaha KMG ahaan xukuumaddu ku soo sii shaqeyn doonto: Baydhabo & Jowhar & Muqdisho oo laga furay xafiis Qaran oo fulinaya barnaamijkia nabadeynta magaala madaxda. J. Barnaamijka magaala madaxda Qaranka ee Muqdisho ee hadda horyaala golaha wasaaradda. 3. Hub ka dhigista & xareynta maleeshiyooyinka oo laga hirgelinayo muddo saddex (3) bilood gudahood ah 4. Balanqaad cusub oo xabdad joojin & hub ka dhigis ah oo ay saxiixayaan dhammaan xubnaha xukuumadda, baarlamaanka & cid kasta oo haysata maleeshiyooyin hubeysan, ciddii jebisa balanqaadkaas la saxiixayna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda dembiyada caalamiga ah. 5. Waa in la sameeyo hab lagu hubiyo meel marinta xabbad joojinta & hub ka dhigista oo ay hogaaminayaan dalalka IGAD, Midowga Afrika, dalalka Jaamacadda carabta iyo xubno kooban oo ka tirsan beesha caalamka. 6. Marka lixdanka (60-ka) beri ee baarlamaanku dhammaado, baarlamaanku wuxuu fadhigiisa ugu horeeya ku yeelanayaa meel kasta oo nabad ah ee dalka gudihiisa ah. Haddii amniga & nabadeynta magaalada Muqdisho aaney meel marin 60-kaas cisho, isla markaana aaney soo cadeyn hay’adaha ku xusan qodobka shanaad (5-aad) ee isla warqaddan, shirka baarlamaanka waxaa lagu qabanayaa Jowhar ama Baydhabo. 7. Marka ay timaado xaalad degdeg ah, baarlamaanka waxaa isugu yeeraya madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya sida uu qabo xeerka KMG ah. III. Waxaan ka rajeynayaa guddoomiyaha baarlamaanka federaalka KMG ah & wasiirka 1-aad in ay qaadaan talaabooyin muhiim ah, si loo meelmariyo dhammaan qodobada aan kor ku soo sheegay. IV. Anigoo tixraacaya baaqii aan ka soo saaray xafiiskeyga 9-kii bisha April 2005, mar labaadna ugu mahadcelinaya doorka wax-ku-oolka ah oo ay ka geysteen xalinta arrimaha kor ku xusan, ayaan mar kale waxaan ka codsanayaa kooxdii ka tirsaneyd beesha caalamka oo sida gaarka ah isugu xilsaartay howlahan in ay sii wadaan dedaalkooda wax-ku-oolka ah si looga mira dhaliyo natiijo la taaban karo oo soo af-jarta khilaafaadkan. Mahadsanidiin C/llaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha
-
Xaaladda mas’uuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka oo maraysa meel adag(kala maan siyaasadeed oo hareeyey) wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Nairobi ayaa waxey sheegayan in beesha caalamka ay waddo dedaal ay isugu soo dhaweynayso kala aragti duwanaanshaha xoogan ee u dhaxeeya mas’uuliyiinta sar-sare ee dowladda, waxanaa la sheegayaa in xagga fikirka iyo aragtida ay isku dhow yihiin madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo ra’iisul wasaarihiisa Cali Max’ed Geedi, halka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aragtiyo ka duwan mas’uuliyiintaasi qabo. Kulamo dhowr jeer qaatay oo ay todobaadkaan ku yeesheen Nairobi mas’uuliyiintii ugu sarreysa dowladda federaalka ayeysan ka soo bixin wax natiijo ah, waxeyna u muuqdaan xubnaha dowladda kuwo kala jiidanaya xubnaha labada gole ee ka tirsan dowladda federaalka. Galabka Shariif Xasan taageera ayaa la sheegay in ay yihiin xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo Shariifku u soo diray caasimadda iyo qaar yar oo ku sugan Nairobi, halka qeybta taageersan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay intooda badan ku sugan yihiin Nairobi, kuwo kalena ay joogaan deegaanada Bay iyo Bakool.
-
These are from a book called Disorder in the American Courts, and are things people actually said in court, word for word, taken down and now published by court stenographers who had the torment of not laughing while these exchanges were taking place. *Question:* Are you sexually active? *Response:* No, I just lie there. -------------------------------------------------------------------- *Question:* What is your date of birth *Response:* July 15th. *Question:* What year? *Response:* Every year. _____________________________________ Question:* What gear were you in at the moment of the impact? Response:* Gucci sweats and Reeboks. ______________________________________ *Question:* This myasthenia gravis, does it affect your memory at all? *Response:* Yes. Question:* And in what ways does it affect your memory? Response:* I forget. *Question:* You forget? Can you give us an example of something that you've forgotten? ______________________________________ *Question:* How old is your son, the one living with you? Response:* Thirty-eight or thirty-five, I can't remember which. *Question:* How long has he lived with you? *Response:* Forty-five years. ______________________________________ *Question:* What was the first thing your husband said to you when he woke up that morning? *Response:* He said, Where am I Doris? *Question:* And why did that upset you? *Response:* My name is Susan. ______________________________________ *Question:* Do you know if your daughter has ever been involved in voodoo or the occult? Response:* We both do. *Question:* Voodoo? *Response:* We do. Question:* You do? Response:* Yes, voodoo. ______________________________________ *Question:* Now doctor, isn't it true that when a person dies in his sleep, he doesn't know about it until the next morning? Response:* Did you actually pass the bar exam? ______________________________________ *Question:* The youngest son, the twenty-year-old, how old is he? Response:* He's twenty. ______________________________________ Question:* Were you present when your picture was taken? ______________________________________ *Question:* So the date of conception (of the baby) was August 8th? Response:* Yes. *Question: And what were you doing at that time? ______________________________________* *Question: *She had three children, right? *Response:* Yes. *Question:* How many were boys? Response:* None. Question:* Were there any girls? _____________________________________ Question:* How was your first marriage terminated? *Response:* By death. Question:* And by whose death was it terminated? ______________________________________ *Question:* Can you describe the individual? Response:* He was about medium height and had a beard. *Question:* Was this a male or a female? ______________________________________ *Question:* Is your appearance here this morning pursuant to a deposition notice which I sent to your attorney? Response:* No, this is how I dress when I go to work. _____________________________________ Question:* Doctor, how many autopsies have you performed on dead people? Response:* All my autopsies are performed on dead people. _____________________________________ *Question:* ALL your responses MUST be oral, OK? What school did you go to? *Response:* Oral. ______________________________________ Question:* Do you recall the time that you examined the body? Response:* The autopsy started around 8:30 p.m. *Question:* And Mr. Dennington was dead at the time? *Response:* No, he was sitting on the table wondering why I was doing an autopsy. ______________________________________ *Question:* Are you qualified to give a urine sample? ______________________________________ AND TO SAVE THE BEST FOR LAST!!!!!!* *Question:* Doctor, before you performed the autopsy, did you check for a pulse? *Response:* No. *Question:* Did you check for blood pressure? *Response:* No. *Question:* Did you check for breathing? *Response:* No. *Question:* So, then it is possible that the patient was alive when you began the autopsy? *Response:* No. Question:* How can you be so sure, Doctor? *Response:* Because his brain was sitting on my desk in a jar. Question:* But could the patient have still been alive, nevertheless? *Response:* Yes, it is possible that he could have been alive and practicing law somewhere.
-
it is meant to sxb...after all isnt everything in Pukeland hilarious..
-
^^The truth hurts eh..?...
-
Somali experts prepare Ugandan troops for Somalia mission
Jumatatu replied to General Duke's topic in Politics
Saxiib they r not going to come, may they will come to Nairobi and look after Yeey and his close family but certainly not to Somalia. -
Ok..! Hadeysan ayaga nabada keniin, yaad ka sugeysa marka? Mise waxaad istiiri C/llahi Yusuf oo cidama xabashi wata aya nabad kuso dabali kara Xamar... Sadambe ayaad wax garan.
-
The personal safety of MPs in Mogadishu is in jeopardy!
Jumatatu replied to QabiilDiid's topic in Politics
^^^Who is returning? -
Wafdigii dowlada FKMG oo lacag shilin Soomali been abuur ah soosameynaya oo caawa ka anba baxayaan magalada Nairobi ayagoo ku sii jeeda dalka Indoonisaya Wafdi hordhac ah uu hogaaminaya wasiirka arimaha dibada ayaa caawa ka duulaya magalada Nairobi si ay gogol xaar ugu sii noqdaan wafdi uu hogaaminya Ra´´iisal wasaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi Wafdigan ayaa soo sameynaya shilin Soomali been abuur ah la doonay in wadanka sicir barar lagu galiya dalka tasoo hadda la ciiray sicirbarka lacagaha been Abuurka ah ee ku soo qul qulya Soomaliya . Wafdigaan oo damacsan lacag yar ay siisay dowlada Liibiya in ay ku soo bedeshan shilin Soomaliga been abuur ah ayaa ah mid ka dhaxeya madaxweynaha iyo wasiirkiisa koowaad oo ayagu ku fashilmay siyaasada gudaha tasoo ay rabaan in ay laaluush ku bixiyaan si wadanka dagaal sokeye ku galiyaan tasoo lagu yaqaano kaligood taliyayaasha aan dooneynin in xukunka lala qeybsado . Dalka Indoonisaya oo ah wadanka kaliya ee laga soo sameysta lacagaha been abuurka ah ayaan jirin xiligaan wax ay ugu safraan madaxda Soomaliyeed madaama aysan ka dhaxeyn wax xiir ah ayagoo laga sugaya gudaha dalka si ay bulshadooda wax ugu qabtaan . Natiijadii shirkii mudada laga war sugayay dowlada dalka iyo dadka samata bixiso ayaan u muuqan mid dadka ka saari doonta dhibaatada ay ku jireen 15 sano tasoo shacabka Soomaliyeed u arkaan mid lagu hungoobay isterinkas ay u qabteen kuwa aan darawal fiican aheyn. webmaster@dayniile.com
-
The personal safety of MPs in Mogadishu is in jeopardy!
Jumatatu replied to QabiilDiid's topic in Politics
Xildhibaan Cawad Axmed Casharo “Waxaan ka codsanayaa madaxweynaha & ra’isul wasaaraha in laba mid-ba ay ka fiirsadaan, ummadda Soomaaliyeed hogaan buu u yahay madaxweynuhu, ra’isul wasaaruhuna waa fuliyihii waana nin u dhashay Xamar, waxaa loo baahan yahay Xildhibaan Cawad Axmed Casharo Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in isaga ay ula muuqato in laga dhur-sugo wax-qabadka wasiiradda & xildhibaanada Muqdisho ku sugan, lana taageero haddii ay nabadeeyaan magaalada ayna dowladdu si shuruud la’aan ah ku degto magaalada Muqdisho. “Soomaaliya waxey ka socon weysay hubka badan ee gudaha dalka daadsan, wasiiradda & xildhibaanada Muqdisho tegay ee doonaya in ay jidka u jilciyaan dowladda, kana shaqeynaya siddi dadka hubka lagaga qaadi lahaa ummaddana loo dhacsiin lahaa in dowladdu soo guurto waxaan qabaa in fikirkaasi uu yahay mid sax ah oo u baahan taageero, haddii xittaa xubnahaasi ay ku baxeen talo la’aan waxaa wanaagsan in qorshahaasi la baxnaaniyo, lana taageero oo la sugo waxa ay qaban karaan & halka ay wax gaarsiin karaan ee ma ahan in loolaan & khilaaf la geliyo tegistooda Muqdisho, sababta aan sidaa u leeyahay waxey tahay waxaan ognahay in maanta shacab weynaha Muqdisho ku nool uu gartay nabaddii, haddii marka ay isla saan-qaadaan hogaamiyeyaashii iyo shacabka ku dhaqan Muqdisho waxey ila tahay in dowladdu ay fursad siio, midda labaad waxey tahay in marka la arko in howlahoodu isku duba-dhaceen in aanan lagu fiirsan oo adduunweynuhu soo dhex-galo lalana qabto howsha†ayuu yiri xildhibaan Casharo in qodobo badan oo dastuurka ku qoran si kula-talagal ah loo jebiyey. “Xukuumaddu waxey aheyd in ay soo bandhigto aragti siyaasadeed oo Qaranka lagu hago (National Vision) taasoo ilaa hadda aanan ka muuqan maamulka, teeda kala ma kala xadeysna howlaha wasaaradaha si loo helo howlgal qeexan si aaney u dhicin isku qabsi howleed (Avoiding overlapping responsibilitises), qodobka kale ee la jebiyey waxaa weeye in baarlamaanka la weydiisto dalabka ciidamada shisheeye inta aanan la weydiisan dowladdo & ururo sida ku cad axdiga Qaranka faqradiisa (J) oo lagu kabay dastuurkii 1960-kii qodobka 67 waxaana lagu xadgudubay qodobkaasi, iyadoo la wax-yeeleeyey madaxbanaanida dalka (State Sovereignty)†ayuu yiri Xildhibaan Casharo oo sheegay in mas’uuliyiinta dowladda qaarkodo aysan-na aqrin dastuurka taasina ay keeneyso jebintiisa. “Madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, xukuumadda & baarlamaanka wax waliba ay sameynayaan waa in ay dastuuri noqdaan oo ay dastuurka ku saleysnaadaan, waxaa dhacday in la jebiyey qodobka guurista oo haddii la guurayo waxey aheyd in baarlamaanka inta la keeno laga tashado oo uu baarlamaankuna ka doodo, hase ahaatee haddiiba ay sheegeen in la guurayo dhulka loo guurayo waa in uu leeyahay inkaaniyadkii muhiimka u ahaa howlaha dowladda, waxaase muuqata labada meelood ee la magacaabay-ba (Jowhar & Baydhabo) in aysan laheyn inkaaniyaadkii dowladnimada oo ay farsamo badan ka dhiman tahay haddey ahaan laheyd dhaqaale, dekad, garoomo, waana in ay noqotaa meel aan leysku haysan oo maleeshiyo beeleedyo isku haysan, meel aanan dalka maleeshiyo isku haysana waxaa ka jira Somaliland & Puntland, inta kale oo dhanna maleeshiyooyin iska soo horjeeda ayaa degan taasina kama duwana, marka in la yiraa Xamar meel kale ayaa ka fiican ma ay dhici karto, qodobka labaad ee ay jebiyeen waxaa weeye guddiyaal bey dhiseen, guddiyaasha inta aanan la dhisan waxey aheyd in sharcigii lagu dhisi lahaa la hor keeno baarlamaanka, qarashka ay damcaan in ay isticmaalaan oo ay dowladaha ka heleen ma aysan soo marin baarlamaanka, marka hore ee la weydiisanayey ciidamadana iyadoo aanan baarlamaanka lala soo marin baa lala tegay Addis Ababa†ayuu yiri Xildhibaan Casharo oo sheegay in dhaliishiisu aaney aheyn mucaaridid balse ay tahay mid saxitaan ah, maadaama sida uu yiri howsha xildhibaanku ay tahay ilaalinta sharciga & dastuurka. “Khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiinta dowladda waxaan u arkaa in uu labo hab ku yimid, dhowris la’aanta axdiga oo mid ah, tan kalena waa in ay jiraan dad is-eeganaya oo aanan la dhowrin kala dambeyntii, cisidii & karaamadii, hase ahaatee arrimahaasi waa kuwa laga gudbi karo danta Soomaaliyeed ayaana ka weynta tan shaqsiga, waxaan qabaa anigu oo aan ka codsanayaa madaxweynaha & ra’isul wasaaraha in ay laba midba ka fiirsadaan, ummadda Soomaaliyeed hogaan buu u yahay madaxweynuhu, ra’isul wasaaruhuna waa fuliyihii waana nin u dhashay Xamar, waxaa loo baahan yahay in la iska kaashado siddii loo wada shaqeyn lahaa adduun weynuhuna waa ku soo yiri ilaa aad Xamar tagtaan oo aad Soomaaliya isku duba-ridaan wax mucaawino ah idinma siin karno, waxaa marka loo baahan yahay in la garto danta Soomaaliyeed oo labadooda & guddoomiyaha baarlamaanka inta ay isla shaqeeyaan nimankan Xamar tegay ee wax ka qabanaya nabadgelyada waqti la siiyo, meelaha ay ka jilicsan yihiina laga kabo maadaama maanta dhammaan qeybaha bulshadu ay u hamuun qabto dib u soo celinta adeegyadii dowladda & kala dambeyntii, waxaana ummadda haysata dhibaato abaaro & sun lagu aasay badaha oo ay ku aaseen rag dhuuni-qaatayaal ah, raga maanta kursiga qaatayna halkii ay iyagu is eegan lahaayeen waa in ay ka fikiraan dhibaatada Soomaalida ku haysata gudaha & dibedda†ayuu yiri Casharo oo ka jawaabayey su’aal aheyd sida uu u arko khilaafka sii xoogeysanaya ee beryahan u dhexeeya mas’uuliyiinta sare sare ee dowladda. -
The personal safety of MPs in Mogadishu is in jeopardy!
Jumatatu replied to QabiilDiid's topic in Politics
^^^More rubbish...! -
Nope sxb she is not an ethnic Somali....she is From Mombasa and is the people commonly called Swahili.
-
^^Or in other words few have failed to grasp the intend of the post...
-
Popular Contributors