Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Qodax thats not the amiir of Kuwait thats the son of the amiir of kuwait the one who has a holiday palace in Sheikh.
  2. ^^ Gudoomiyaha kuxigeenka barlamaankooda ayaa ah ka ugu caga cul culus
  3. Taliyihi hore Saldhiga Booliska ee Garoowe Oo Lagu Dilay Degmada Buurtinle December 2, 20102 comments| leave your own! Share Taliyihi hore ee saldhiga Booliska Garoowe ayaa maanta lagu dilay gudaha degmada Buurtinle ee ka tirsan gobolka Nugaal. Allahu naxriiste Axmed Jaamac Saalax oo soo ahaa Taliyihii Saldhiga booliska Garoowe xiligii Madaxweynihi hore Puntland Gen.Cadde Muuse ayaa waxaa duhurnimadii maanta qof hubeysan ku dilay bartamaha degmada Buurtinle. Ninka hubeysan ee dilka geystay ayaa durbadiiba ka baxsaday goobta,waxaana la aqoon halkii uu ku dambeeye, inkasta oo la sheegay in la garanaayo qfoka uu ahaa. Meydka Marxuumka ayaa la geeyey Saldhiga Booliska ee degmada,waxaana la wada qaban qaabo lagu doonaayo in lagu aaso. Maamulka degmada iyo laamaha amaanka ayaa weli wax war ah kasoo saarin falkaan dilka ka dhacay degmada Burtinle. Horseed Media
  4. War deg deg ah:Taliyihii hore ee Qeybta Booliska Nugaal oo lagu dilay degmada Burtinle. 2. december 2010 Burtinle:(Allpuntland)-Wararka laga helayo degmada Burtinle oo katirsan gobolka Nugaal ee Puntland ayaa kusoo waramaya in goordhaweyd gudaha Magaaladaas lagu dilay Taliyihii hore ee Qeybta Booliska gobolka Nugaal G/lle sare,Axmed Jaamac Saalax oo loogu yeeri jiray (Axmed Rati). Wararku waxay intaas kudarayaan In Sarkaalkan sare oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Gudaha Magaaladaas uu dilay nin hubaysani,iyadoo Dilka sarkaalkan ay kasoo baxayaan Warar kaladuwan oo iskhilaafsan. Midkamid ah Saraakiisha Amaanka ee Burtinle ayaa APL u sheegey in dilka Sarkaalkan ay kadanbeeyeen Koox lagaranayo,isagoo uu sarkaalkani intaas kudaray in dilkiisa loo aaneynayo Aano Qabiil oo ku lug leh Dil horey uga dhacay caasimada Puntland ee Garoowe. Majirto weli Wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay saraakiisha Qeybta Booliska ee Nugaal,waxaana Mas’uulkan hore ee la dilay uu xilkan hayey Waqtigii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Jen.Cadde Muuse Madaxweynihii hore ee Puntland.
  5. Hargeysa once upon a time it was just ceelki herer. And today its one of the capitals in east africa.
  6. Gudigii Dhex Dhexaadinta oo Maanta Booqday Baliga Kalshaale iyo Wararkii ugu danbeeyey (Klashaale, December 01, 2010 Ceegaag Online) Iyadoo Maalintii shalayto Deegaanka Maygaagle laga Dhawaaqay Gudiga ka kooban Saddex Qaybood oo isugu jira Beelaha ka soo kala Jeeda Buuhoodle Bariga Burci iyo Gudiga Dhex Dhexaadinta oo tiradoodu gaadhayso 65 Xuboo oo ka 40 kamid ahi labada Beelood ka soo kala Jeedaa kana Doodi Doonaan lahaanshiiyada Baliga Kalshaale iyo Deegaano badana oo Labadani Beelood ku muran san yihiin, ayaa Dhinaca Kale si Howshaasi haatan loo Bilaamo Gudiga dhex dhexaadintu Maanta gaadhay Baliga Kalshaale oo ah Goobta uu dhawaan Dagaalku ka dhacay. Gudigaasi oo Hogaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Dhex Dhexaadinta Suldaan Cismaan Suldaan Cali ayaa kormeer ku tagay Baliga Kalshaale oo labada Beelood ku muran san yihiin iyo Deegaano Badan oo Maleeshiyaadka Bariga Burco lagu sheegay inay Ciidamo farabadani soo Dhoobeen, Waxana gabi ahaanba Baliga kalshaale Waftigu ku soo arkeen Cidla iyadoona laga Qaatay Dhamaan Ciidamada Beeloodyadii Deegaankaasi isku horfadhiye oo labada Beelood Ciidamadii si rasmi ah u kala Direen Kadib Dhaartiin ka dhacday Goobta Madashada shirka ee maygaagle. Waxana haatan lagu Wadaa inay Bilaabaan Kulamadii Dooda oo labada Beelood isku arki lahaayeen kagana Doodi lahaayeen Baliga kalshaale, Waxana lagu Wadaa in Maalinta Barito ahi ay Ergooyinku Goobtaasi isku arki Doonaan kagana Hadlayaa Qaabkii Wagiga Saddexaadi u furmi lahaa, inkastoo Beesha Buuhoodle Gudiga Arimahaasi loo Xilkaasay soo Jeediyeen inaanay Goobta tagay Hadii aan Baliga Kalshaale la, aasin taasi oo shirka ku noqon karta Mid adkaada hana Waxa haatan Shirku ku socdaa Rajadii Guusha. Shabakada Wararka Ceegaag.com Kala Soco Wararkii ugu danbeeyey ee Mandaqada Guud ahaan gaar ahaana Shirka Maygaagle.
  7. Baarlamaanka Dalka Kenya oo la Filayo Inay Guda Galaan Dooda Mooshin ku Baaqaya in Kenya Hormuud ka Noqoto Ictiraaf Buuxa oo Somaliland Hesho Hargeysa (Jam)-Wakiillada Somaliland ee dalka Kenya Mr. Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur), ayaa, shaaca ka qaaday in guddiga saaxiibadda Somaliland ee Baarlamanka Kenya dhammaystireen warbixin ay ka soo saareen socdaalladii kala dambeeyey ee ay dalka ku yimaadeen, taas oo la filayo inay dhawaan horgeeyaan aqalka Baarlamanka oo ka yeelan doona dood rasmi ah oo ay go’aan kaga gaadhi doonaan nuxurka mooshinkaasi xambaarsan yahay oo ah in dawladda Kenya taageerto qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, sidoo kalena hormuud ka noqoto ku dhawaaqista ictiraaf buuxa oo Somaliland hesho. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo booqasho ku jooga caasimadda Hargeysa oo shalay shirjaraa’id ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo dalka Kenya uu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayo, isaga oo xusay in masuuliyiin ku jira golayaasha dawladda Kenya ay u heelan yihiin sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Waxaannu si gaar ah u soo qaatay Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka dalkaas Md. Faarax Macallin oo uu sheegay in isaga iyo koox kale oo mudanayaal ahi ka badheedheen xaqa ummadda Somaliland u leeyihiin madaxbannaanidooda qaranimo. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka oo uu sheegay in ay waqtigan meel fiican marayso, idhaha caalamkuna aad ugu soo jeedaan, isagoo dhinaca kalena xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay in ay la shaqeeyaan xukuumadda cusub oo uu xusay in aanay gaadhin xilli la dhaliilo. Sida oo kalena waxa uu guud ahaan shacabka Somaliland ku boorriyey in ay si wadajir ah u ilaashadaan nabadgelyada iyo jiritaanka qaranimada Somaliland. “Maadaama waqtigan beesha caalamku u soo jeedsatay Somaliland, waxa muhiim u ah ummadda reer Somaliland inay iyaguna muujiyaan isku duubni iyo wadasocod, waa inay noqdaan dad qaddiyadda Somaliland u soo wadajeeda, waa inay nabadgelyada oo awalba iyagu sugayeen ilaashadaan, cadowgu wuu badan yahay, tallaabada aad qaadeen ee horumarka ah way la socdaan, ictiraafkii inuu soo dhawyahay way ogyihiin, sida keliya ee ay arrimahaas cilad u gelin karaan waa iyaga oo dhexdiina wax ka abuuraan, intaad horumarka ku dadaalaysaan iyaguna waxay ku dadaalayaan inay horumarkiina hakiyaan. Labada xisbi mucaaradna waa inay dawladda la shaqeeyaan, iminka qaddiyadda ina hortaal waxa weeye ictiraaf raadin, taasna saddex xisbi oo wada socda ayaa lagu heli karaa, waa in aan la is jiid-jiidan ee waa in la isku duubnaadaa oo la wada shaqeeyaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Md. Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur). Dhinaca kale, wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo la filayo inuu Khamiista maanta dalka ka dhoof, ayaa xalay waxa hudheelka ambassador ee magaalada Hargeysa xaflad sagootis ah ugu sameeyey wasiirka macdanta iyo biyaha Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, iyada oo xafladaa casho-sharafta ahna ay ka qaybgaleen wasiiradda arrimaha gudaha, kalluumaysiga, wasiir-ku-xigeennada arrimaha dibadda, maaliyadda, Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, wakiilka Somaliland ee dalka Pakistan iyo masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday. Wasiirka macdanta iyo biyaha oo xafladda hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay wakiilka Somaliland ee dalka Kenya iska soo raaceen magaalada Nairobi oo ay kulamo iyo shirar muhiim ah ku soo yeesheen, isaga oo xusay in haddii aanay Nairobi ugu tagi lahayn wakiiladda Somailand aanay wax badani u qabsoomeen, isla markaana albaababo badan u furfurmeen, isaga oo wakiilka uga mahadceliyey hawsha baaxada leh ee uu ka hayo dalka Kenya.
  8. Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam Oo Ku Dagaalamay Degmada Buur-hakaba Waaheen(Buur-hakaba) Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam ayaa maanta dagaal uu ku dhexmaray degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay ee Koonfurta dalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen gudaha degmadaas oo ay ka talinayeen in mudo ah Ururka Xisbul Islaam,waxaana uu dagaalku dhacay subaxnimadii maanta. Wararka ayaa sheegaaya in Xarakada Al-Shabaab ay saacado kadib dagaalka ay la wareegtay dhamaan gacan ku haynta degmada Buurhakaba,iyadoo uu dagaalkaas ka dhashey khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Dadka degaanka ayaa ku waramay in ugu yaraan 5-ka tirsan Maleeshiyada Xisbul Islaam ay ku dhinteen dagaalkaas tiro kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana aan la ogeyn khasaaraha dhinaca Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday. Lama ogaa sababta ka dambeysay dagaalkaan inkastoo wararka qaar ay sheegaayan inuu yimid kadib markii Ururka Xisbul Islaam ay kasoo horjeesteen amar kasoo baxay maamulka Shabaab ee gobolka Baay. Xaaladda degmada Buurhakaba ayaa xilligaan laga dareemaaya deganaansho,waxaana dadka degaanka ay ka walwal qabaan in dagaalka uu mar kale dhaco,waxaana weli wax war ah kasoo bixin dhinacyadii dagaalamay.
  9. Waftiga Shir-gudoonka Golaha Wakiilada oo Booqaday Xarunta Baarlamaanka Aduunka ee Switzerland Switzerland (SDWO 30/11/2010) Xarunta Baarlamaanka Adduunka oo lagu soo dhaweeyey Wafdiga Baarlamaanka Somaliland Ka dib markii ay dhamaadeen kulanadii wafiga baarlamaanka Somaliland ee uu hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uuna weheliyey Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed samaale ku lahaayeen dalka Jarmalka waxa ay u dhoofeen dalka Switzerland khamiistii 25/11/2010 si ay booqasho shaqo ugu tagaan xarunta baarlamaanada adduunka ee ku taal dalka Switzerland, magaalada Geneva. Xarunta IPU-da ( Inter-Parliamentary Union) ama ururka baarlamaanada addunka waxa Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ku soo dhaweeyey Xogahayaha Guud ee ururka oo ah sarkaalka ugu sareeya Mr ANDERS B. JOHNSSON. wafdigu waxa ay Xogyaha Guud siiyeeen xog waran buuxa oo ku saabsan Somaliland iyo baarlamaanka Somaliland waxayna codsadeen inay baarlamaanka Somaliland loo ogolaado inuu xubin buuxa ka noqdo ururka iyaga oo xusay inay baarlamaanka Somaliland hore ugu soo qadimay IPU codsi xubinimo. Xoghayuhu waxa uu wafdiga u faahfaahiyey xeerka ururka iyo shuruudaha lagu soo galo ururka oo ay ugu muhiimsan tahay ka mid noqoshada qaramada midoobay ama haysashada goobjoognimo ee qaramada midoobay. Xogahayaha iyo wafdigu waxay isla garteen inay ka wada shaqeeyaan sidii Somaliland qiil loogu heli lahaa inay xubin ama goobjooge uga noqon lahayd IPU-da isaga oo Xoghayuhu siiyey wafdiga talooyin iyo tilmaamo. Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah qaatayna laba saacadood waxa uu ku dhamaaday isfaham iyo is afgarad . Kulankan ka dib waxa wafigu u dhoofay caasimadda dalka Switzerland ee BERN si ay ugula kulmaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Switzerland. Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Switzerland ee magaalada BERN waxa wafdiga ku soo dhaweeyey laba danjire oo kala ahaa Ambassador MARCEL STUTZ, Head of the poltical affairs Division II, Africa and Middle East iyo Danjire FRANK SCHURCH, Deputy of the special envoy for the Sudan and the Horn of Africa . Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenku waxay xog waran balaadhan ka siiyeen labada sarkaal Somaliland waxayna siiyeen qoraalo ku saabsan Somaliland oo ka hadlaya doorashooyinka, maamul wanaaga, taariikhda iyo baarlamaanka Somaliland. Waxaanay labada sarkaal uga mahad celiyeen madaxda baarlamanka Somaliland warbixinta ay siiyeen waxayna xuseen inay ku marti qaadi doonaan aqoon isweydaarsi ku saabsan xog urursi oo wasaaradda Arrimaha dibedda ee Switzerland qaban doonto horaanta sanadka soo socda. Waxay labada danjire soo jeediyeen inay wax badan ka tari doonto qadiyada Somaliland haddii wafdigu siiyaan xogwaranka ay siiyeen oo kale baarlamaanka Switzerland oo iyagu go’aamiya cida dawladdu siinayso kaalmo dhaqaaale iyo taageero siyaasadeedba. Madaxda baarlamaanka Somaliland waxay balan qaadeen inay la kulmi doonaan baarlamaanka Switzerland waqtiga ku munaasibka ah.Ugu dambeyntii waxa wafdigu ka codsaday madaxda ay la kulmeen in dawladoodu siiso Somaliland kaalmo horumarineed iyo aqoonsi siyaasadeed. Danjire SLUTZ oo hore dalkiisa uga noqday dalal Africa ku yaal waxa uu xusay inkasta oo Somaliland aanay ka mid ahayn dalalka Switzerland siiso kaalmada dhaqaale inay hadana si dadban u siiso lacag dhan laba milyan iyo badh dollar ( 2.5 million dollar) sanadkii oo ay sii mariso qaramada midoobay, EU-da iyo NGO-yo caalami . Wafdigu waxa labada danjire uga mahad celiyeen sida diiran ee ay soo dhaweeyeen iy rajada wanaagsan ee ay tuseen. Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Md Cumar Yusuf Xuseen , Ergayga Somaliland ee Jarmalka iyo Yurubta Bari iyo ku qaybsanaha arrimaha Somaliland/somalia ee wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Switzerland.
  10. Originally posted by Akash: quote: Awdal had 3 ministers and 2 deputy ministers under rayaale. They now have 3 ministers and one deputy minister and the Head of the police force of somaliland. Mr goth never complained during rayaale i wonder why X,Xunjuf Malaha adiga ayey kula noqotay Awdal have only two ministers under the snm rule Beenta jooji awdal have 3 ministers reer borama have 2 ministers laakin reer awdal have 3 ministers.and one wasiir kuxigeen.
  11. Originally posted by Che -Guevara: ^I'm sure many did read and write. Let's see what my clan means to me ? Well, everything in life starts with self-interest!! History is good teacher that's if you pay attention-the lessons I learned from the past twenty years led to me to the conclusion my clan is not what's cracked up to be. It offers no protection, social safety and economic development. In practical terms, it doesn't really mean much. Now onto Mr.Goth concerns, where are the man's wasiiro, not fair that Habar Awal has more ministers than Awdal. That aside, Goths are hypocrites. They were content when Riyaale was in power!! Awdal had 3 ministers and 2 deputy ministers under rayaale. They now have 3 ministers and one deputy minister and the Head of the police force of somaliland. Mr goth never complained during rayaale i wonder why
  12. Originally posted by NGONGE: quote:Originally posted by Che -Guevara: ^Somaliland is the queen's land dee Slow down warya. First we need to get the icteraaf and then we'll start thinking about joining the Commonwealth. war we have an observer status at the Commonwealth of nations maxaba hadhay , sawki faisal cali waraaabe la kulmay boqoroda 2 years ago.
  13. Originally posted by Qodax_iyo_Qarax: Ileys is waiving the Somaliland flag. Well done to iley
  14. the traditional way of finding peace between the somaliland clans in the buhoodle district Continues. Wadahadalada nabadaynta ee beelaha dagaalku ku dhexmaray deegaanka kalshaale oo furmay wadahadalkii 1aad ee ay isuugu yimaadaan waxgaradka labada beelood.. Kulankan maanta oo ahaa mid balaadhan ayaa waxaa ka soo wada qaybgalay ergooyinka dhexdhexaadinta iyo waxgaradka labadii beelood eeku dagaalamay deegaanka kalshaale. Arintaasi oo ay ku sifeeyeen in lagu xoojinayo hishiiskii xabadjoojinta ahaa ee ay galeen labadanbeelood
  15. ^^ adiga xaglajiifiye ba maskaxda ka xaday kula yaabi mayo. Somaliland is your country and it's just a matter of time till you realize that. Anigu garan wayey ma buhoodlad rabta inad rartiid oo aad amisom hoosgeysid.Don't worry abti freedom is comming.
  16. Seems no one really won this Round , if alshabaab captures shingaani Xammar ja jab xammarweyne Madina Airportka then we can say we have a winner. or if the TFG captures hawlwadaag and wardhiglay.But thats unlikely