Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Ahmed Mohamed Mahammoud Silanyo, ayaa la filayaa in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Shiinaha horaanta sanadka cusub ee fooda inagu soo haya. Booqashada uu madaxweynuhu ugu kiciyimayo dalka China, ayaa ka danbaysay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalka Shiinaha,ka dib markii wafti balaadhan oo ka kooban 14 xubnood oo ka socda dawladda Shiinuhu ay booqasho rasmi ah ku yimaadeen horaantii sanadkan aynu ku jirno caasimadda dalka ee Hargeisa, si ay sahamin ugu sameeyaan maalgalin dhaqaale oo dalka Shiinuhu uu ku sameeyo Jamhuuriyadda Somaliland. Mr. Qi, oo ka mid ahaa xubnaha waftiga Shiinaha ah ee dalka yimi xilligaa ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in ay aad uga mafsuudeen soo dhawayntii ay dawladda iyo shacabka JSL, ku qaabileen iyo daganaanshaha iyo xasiloonida ka jirta dalk, taas oo sababtay in dawladda Shiinuhu ay qorshaynayso in ay maalgalin dhinacyo badan leh ku samayso meelo badan oo ka mid ah Somaliland, waxaanay ku amaanay horumarka balaadhan ee ay Somaliland ku talaabsatay iyada oo aan beesha caalamka ka helin wac caawimo ah haba yaraatee. Kambaniga weyn ee caanka ah ee ay maamusho dawladda Shiinuhu ee lagu magacaabo China National Offshore Oil Corporation (CNOOC), ayaa lagu soo waramayaa in uu aad u danaynayo sidii uu maalgalin sahamin ah ugu samayn lahaa baadhitaanka khayraadka saliida dabiiciga ah ee ku jirta dhulka Somland, iyada oo isla Kambanigani uu hore ula galay Dawladdihii ku meel gaadhka ahaa ee ka jiray Dalka Somalia siiba tii Cabdilaahi Yuusuf sanadkii 2007-dii, heshiisyo qaybo badan oo ka mid ah dalka Somaliya uu kaga baadhayo saliid siiba deegaano ka tirsan gobalka Mudug, oo Shan Boqol oo km dhinaca waqooyi bari ka xiga magaaladda Mogadishu. Warkan oo aanu ka soo xiganay SomalilandGlobe, ayaa sheegay wakhti xaadirkan in ay dawladda Shiinaha ay u muuqatay suurta galnimadda hubaasha ah in dhulka JSL, uu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah ee Saliida, taas oo soo dadajinaysa in uu dhakhso uga bilaabo sahamin iyo maalgalin degdeg ah, qorshayaashan oo qayb ka ah maalgalinta uu dalka Shiinuhu ka wado Qaaradda Afrika.
  2. Somaliland: President to visit China with largest government delegation HARGEISA (SomalilandPress)–Somaliland president Ahmed Mohamed Silanyo is expected to pay an official visit to China early next year, at the invitation of Chinese Government. It was earlier in the year when a 14-member delegation from the People’s Republic of China made on official visit to the Republic of Somaliland to study the economic and investment climate earlier in the year. The delegation which consists of some of China’s leading investors, government officials and members of China’s leading media-houses arrived in the capital Hargeisa. Mr. Qi told local press at the time that they were delighted with their trip to Somaliland and expressed their desire to invest in number of places in the country. They praised the people of Somaliland for their warm hospitality and for their achievements without international help. The state-owned China National Offshore Oil Corporation (CNOOC) attempted to acquire an interest in Somaliland potential oil reserves. The Chinese state oil giant, CNOOC, has already won permission to search for oil in part of Somalia, – coming to an agreement in 2007 with Abdullahi Yusuf Ahmed, the then head of the “Transitional Federal Government”, which demonstrates China’s willingness to brave Africa’s most volatile regions in its hunt for natural resources.” CNOOC’s deal with Somalia’s transitional federal government gave it exploration rights in the north Mudug region, some 500km north-east of Mogadishu. China has now approached the government of Somaliland, where earlier surveys also show the possibility of significant oil reserves. It is a truth, overlooked at your peril, that China is steadily building its influence in Africa and the Indian Ocean.
  3. Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay Diyaaradda lagu hayo Madaarka Hargeysa Hargeysa (SDWO 14/12/2010) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo”, ayaa la sheegay inuu u magacaabay Guddi ka kooban Xukuumaddisa oo masuul ka noqon doonta baadhista kiiska Diyaarada Saanada Milatari u sida Puntland ee lagu qabtay madaarka Hargeysa. Guddida uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland oo ka kooban shan xubnood waxa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Bileyska,Taliyaha Ciidanka Sirdoonka waxaanay masuul ka noqon doonaan Baadhista Kiiskaas, iyagoo u gudbin doona Garsoorka. Magacaabista Guddidan cusub ee Madaxweynuhu u saaray arrintan ayaa la sheegay in uu isla shalayba u qoray Digreetada uu ku magacaabay, inkastoo aanu dadweynaha iyo Saxaafada midkoodna u soo Bandhigin oo ay yar tahay Xogta ay Xukuumaddu ka bixinayso Kiiskan oo ay Dadweyanaha reer Somaliland aad u danaynayaan sidii ay u heli lahaayeen Macluumaadka la xidhiidha Diyaaradda. Warku waxa uu intaa ku daray in isla xalayba ay Guddidu ka soo qaaday Lixdii sideedii nine e Maxaabiista ahaa ee Diyaaradda watay laba kamid ah oo ah kuwii Calooshood u shaqaystayaasha Koonfur Afrikaanka ah Huteelkii ay ku jireen ee Ambasador oo ay keeneen Hutelka Ilma Jirde eek u yaala Saldhiga Agtiisa, taasoo aan ilaa hada la garanayn sababta dhabta ah balse loo malaynayo arrimo dhinaca Amaanka ah in loo soo qaaday. Lama garanayo sababta uu guddidan u magacaabay Madaxweynaha Somaliland iyadoo imika baadhista kiiskani socotay muddo kooban, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan Gudida la socoshada Cunaqabataynta Hubka ee Qaramada Midoobay u xil saareen Somaliya iyo Wefti kale oo ka socda Midawga Yurub kuwaasoo ka qayb qaadanaya xaqiiqo u noqoshada Kiiska loo haysto Diyaaradda, kuwaasoo isla markiiba ka qayb qaatay baadhista Saanada ay Diyaaradu sido iyo nidaanka ay Dalka ku soo gashayba. Si kastaba ha ahaatee waxa Xukuumadda iyo Guddidan imika la magacaabayba looga fadhiyaa sidii ay u soo saari lahaayeen ee ay Ummadda ugu soo Bandhigi lahaayeen Danbiga ay Diyaaradaasi ka gashay Dalka iyo Ciqaabta ay mutaysatayba
  4. Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi u magacaabay Diyaaradda lagu hayo Madaarka Hargeysa iyo Calooshood u shaqaystayaasha wata oo la soo dhaadhiciyay Waxa labada Calooshood u shaqayste xalay loo soo wareejiyay Huteelka Jirde Paradise Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo”, ayaa la sheegay inuu u magacaabay Guddi ka kooban Xukuumaddisa oo masuul ka noqon doonta baadhista kiiska Diyaarada Saanada Milatari u sida Puntland ee lagu qabtay madaarka Hargeysa. Guddida uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland oo ka kooban shan xubnoo d waxa ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Bileyska,Taliyaha Ciidanka Sirdoonka waxaanay masuul ka noqon doonaan Baadhista Kiiskaas iyagoo u gudbin doona Garsoorka. Magacaabista Guddidan cusub ee Madaxweynuhu u saaray arrintan ayaa la sheegay in uu isla shalayba u qoray Digreetada uu ku magacaabay, inkastoo aanu dadweynaha iyo Saxaafada midkoodna u soo Bandhigin oo ay yar tahay Xogta ay Xukuumaddu ka bixinayso Kiiskan oo ay Dadweyanaha reer Somaliland aad u danaynayaan sidii ay u heli lahaayeen Macluumaadka la xidhiidha Diyaaradda. Warku waxa uu intaa ku daray in isla xalayba ay Guddidu ka soo qaaday Lixdii sideedii nine e Maxaabiista ahaa ee Diyaaradda watay laba kamid ah oo ah kuwii Calooshood u shaqaystayaasha Koonfur Afrikaanka ah Huteelkii ay ku jireen ee Ambasador oo ay keeneen Hutelka Ilma Jirde eek u yaala Saldhiga Agtiisa, taasoo aan ilaa hada la garanayn sababta dhabta ah balse loo malaynayo arrimo dhinaca Amaanka ah in loo soo qaaday. Lama garanayo sababta uu guddidan u magacaabay Madaxweynaha Somaliland iyadoo imika baadhista kiiskani socotay muddo kooban, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan Gudida la socoshada Cunaqabataynta Hubka ee Qaramada Midoobay u xil saareen Somaliya iyo Wefti kale oo ka socda Midawga Yurub kuwaasoo ka qayb qaadanaya xaqiiqo u noqoshada Kiiska loo haysto Diyaaradda, kuwaasoo isla markiiba ka qayb qaatay baadhista Saanada ay Diyaaradu sido iyo nidaanka ay Dalka ku soo gashayba. Si kastaba ha ahaatee waxa Xukuumadda iyo Guddidan imika la magacaabayba looga fadhiyaa sidii ay u soo saari lahaayeen ee ay Ummadda ugu soo Bandhigi lahaayeen Danbiga ay Diyaaradaasi ka gashay Dalka iyo Ciqaabta ay mutaysatayba.
  5. oo kalay muxu gacmaha jilbaha ugu haya , inu yara nerfiis yahay ba la mooda .
  6. is shabelle late or something because this guy resigned weeks ago
  7. The new features are great just the white is a bit u know to much cadaanka it seems to bright some how. sida kala wa perfect posting videos Etc
  8. admin its oke so far but the color the lay out i don't know indhaha igu xanuunaya its two white or something the features are all good though
  9. Loool ha waan sii gaboobaya awoowo lama socon karo technologygan cusub eeh casriga ah , where are the smilies maba dhoola cadyn karo
  10. Hogaamiyaha SSC Oo Ka Ambaxabay Nairobi Asagoo ku Wajahan Dalka Maraykanka. Waxaa Caawa 11:30 Habeenimo ka duulay Dhabaha caalamiga ah ee Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi ,Hogaamiyaha SSC mudane Saleebaan Ciise Axmed asagoo ku wajahan magaalad Columbos ee dalka Maraykanka. Dr: Saleebaan Ciise Axmed {Xagla-Toosiye}, waxaa ku siia Sagootiyey Garoonka Dayuuradaha Madaxa Waaxda Arimaha debeda ee SSC Pro: Mohamud Ali Jaamac iyo Xubno ka tirsan Saxaafada SSC. Ka hor inta uusan Garoonka ka duulin ayuu Xaglatoosiye sheegay in Ujeedada Socdaalkiisu uu la xidhiidho hawlo shaqo oo ku aadan xilka uu u hayo umadda SSC. Dr: Xaglatoosiye wuxuu sheegay inuusan ka daali doonin gudashada waajibaadkiisa shaqo, asagoo sheegay in danta SSC uu meelkastaba u tagi doono. Hogaamiyaha ayaa ku beegan magaalada Ohio ee dalkaasi Maraykanka maalinimada beri ah oo Axad ah, marka saacada magaaladaasi ay tahay 5:00PM, asagoo ka dagi doona Culombios International Airport. Hogaamiyaha SSC iyo wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa safaro ku Ekeeyey magaalada Muqdisho, magaalada Kampala ee dalka Uganda iyo Nairobi oo ah xarunta dalka Kenya. Waxaana lagu wadaa in waftigii kale oo uu Hogaamin doono Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac iyo Xoghayaha Aminiga ee SSC Col: Yaasin Cali Abdulle Tamaad ay u ambabixi doonaan gudaha deeganada SSC si ay u sii amba qaadaan hawlaha SSC oo uu hada wado Col: Cali Sabrey oo ah Hogaamiye ku xigeenka Hogaanka SSC ahna ku simaha Hogaamiyaha SSC. Dhanka kale waxaa magaalada Ohio ee dalkaasi Maraykanka laga dareemayaa Diyaar garoow balaadhan oo ay shacabka SSC ee ku dhaqan magaaladaasi ugu jiraan soo dhaweynta Hogaamiyahooda. Taasoo ay si habsami leh u wadaan qaban qaabada Gudida Jaaliyadaas ee Ohio State. Waxaana ku soo biiri doona socdaalka Hogaamiyaha ee Waqooyiga Ameerika Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo asaguna maalmahan soo socda ka soo Ambabixi doona Magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingiriiska.
  11. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Booqasho Ku Tegaya Waqooyiga Ameerika- London,(Lasanod Online)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo beryahan ku sugnaa magaalada London ayaa naloo xaqiijiyey inuu dhowaan u ambabaxayo dhinaca Waqooyiga Ameerika.. Garaadka ayaa la filayaa inuu asbuucyada soo socda hadii Allah idmo gaadho dalalka Maraykanka iyo Canada. Garaad Jaamac oo intii uu joogay dalka Ingiriiska waxaa xafaldo soo dhoweyn ah u sameeyey jaaliyadda kasoo jeeda gobollada SSC ee ku dhaqan dalka Britain. Wararku waxay sheegayaan inuu Garaadku casuumadu ka helay oo booqan doono magaalooyinka Columbus, Minneapolis, Seattle iyo magaalada Toronto. Iyadoo ay jiraan jaaliyadu ku nool magaalooyin kale oo iyana codsaday in Garaadku soo booqdo. Waxaa sidoo kale Jaaliyadaha SSC ee ku nool magaaloyinkaasi ay bilaabeen qorshihii iyo qabanqaabadii soo dhoweynta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Shabakadda LASANOD kala socda warbixinta Safarka Garaadka oo maqal iyo muuqaal leh ..
  12. raisal wasaare oo aan meel xukumin oo dhoofay wax weyn maha waligeed ba wala arki jiray
  13. haa waan so gali kari wayey i had to reset my password balayo
  14. whats with all the change it was perfect before any how the new features is all cool but i hate the lay out the admin should let the blue come back also where is my flag and signature i miss that
  15. haye awoowo maanta na ma ugandhad tagteen wa khayr haday wax so barteen tacliintu wa shayga bulshada dhista.
  16. Jb Wa inaynu Emirkana na casuno Ileen Tfg Been been u dhisi mayno Koonfurianska sida Jabuuti.
  17. 03 December 2010 Secretary of State for International Development, Andrew Mitchell met with the President of Somaliland, Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo on Thursday 2 December during his first visit to the UK since his successful election in June. The President and Secretary of State discussed Somaliland's vital contribution to peace and stability in the Horn of Africa region, as well as the challenges of sustaining progress on stability and development within Somaliland. The Secretary of State congratulated the President on his election in June, and the Somaliland people on the peaceful election and transition between governments. The President was accompanied by the Ministers of Foreign Affairs and Planning. He is in the UK for a private visit. British aid is making a real difference to the lives of the people of Somaliland and is helping to increase the progress on development within the region. In the last year in Somaliland, British aid has helped to get 39,000 more children into primary school; train over 300 nurses and midwives; and provided 11,500 people with short term employment opportunities which has helped to maintain roads, build classrooms and conserve land for farming. The UK Government is currently reviewing its programme in Somaliland and will seek to build on this progress over the next four years, with increased support to programmes that will boost health, education, employment, governance and security and humanitarian assistance. Working through partners in close cooperation with the Somaliland authorities, and other donors, these programmes will increase the level of staffing at health facilities by qualified health workers and professionals, from 5% to 40%; provide Measles, Polio and Tetanus vaccinations to over one million women and children; provide access to water and sanitation to over 100,000 people; and increase the number of pregnant women visiting Ante Natal Clinics from 15% to 40%; as well improving access to justice and economic opportunities. 03 Dec 2010