Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,998
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Maxammad ibrahin aw cali , magaca horaan u maqlay i just can't remember where
  2. Ilahay ha u naxaristo Halyeyadi ufo eeh gacanta ka xaqdarani dishay kuwi nool na ilahay cimriga ha u dhereyo
  3. Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Maanta U Soo Bandhigay Golaha Wakiilada Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011. Hargeysa (Ramaas) Feb. 14, 2011- Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta u soo bandhigay ku talagalka odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011, taas oo ka badan miisaaniyadii sannadkii hore la ansixiyay. Wasiirka oo maanta hortagay golaha wakiilada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka kharashaadka miisaaniyada dawlada, isaga oo ballanqaaday in ay kharashgaraynta ay ka dhex muuqan doonto kordhsiimada mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawalada, oo ay hore xukumadu ugu kordhisay mushaharka, waxaana uu wasiirku sheegay in miisaaniyadu ay ka badan tahay ilaa toddobo boqol oo bilyan oo shilinka SL ah, isla markaasna ay bixiyeen dhammaanba daymihii ay ka dhaxleen maamulkii hore dadaalna ay ugu jiraan sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka. Waxa uu wasiirku sheegay in xooga saareen cashuur ururinta oo ay ku guulaysteen in ay soo xareeyaan dhaqli badan muddadii ay xilka hayeen, waxaana uu ugu baaqay Md Xaashi shacabka in ay bixiyaan lacagta cashuurta ku waajibtay si looga gudbo duruufaha ay sababtay dhaqaale xumadu, waxaan uu yidhi wasiirku isaga oo ka waramaya xaalada dhaqaale ee wadanka’’ waxa aanu dhaxalnay xalaalda dhaqaale xumo oo aanu ka dhaxalnay dawladii naga horaysay waxa ay ahayd mid adag, waxa aanu meesha uga tagnay lacag la yidhi waa dayn, laakiin aan dayn ee ahaa mushaharooyinkii shaqaalaha oo aan la bixin afar bilood April ilaa Ausgust kuwii ciidamada oo aan la bixin bishii july raashinkii ciidamada, cisbitaalada iyo jeelasha oo aan wax la siin waxyaabo sidaasa ayaa lagu magacaabay dayn, waa tii lama magcaabay guddi ka kooban hantidhawrka, guddida dhaqaalaha ee wakiilada iyo wasaaradayada dhawr nin oo ka socday kolkay ka soo bilaabeen baadhitaankooda 2002-dii ilaa 2010-kii waxa ay ******** in aanay jirin wax khasaare ah ama ku baaqday dawlada muddadaas, waxa dhacay uun wax isdaba marin waxa soo saareen in ay jirtay 150 bilyan oo dheeraad ah, waxaan aanu bilownay sidii aanu u bixin lahayn mushaharkii shaqaalaha iyo ciidamada oo raashin dheer yahay dhibaatadii aanu la kulan ugu horayn taasaa ahayd, muddo saddex bilooda ah waxaanu iska bixinay mushaharadii, waxa aanu kordhinay dhaqligii 32%, dabadeed waxa aanu ku dhaqaaqnay sidii aanu samayn lahayn dhaqli ururis dhab ah.” Mar uu wasiirku ka hadlay korodhka miisaaniyada sannadkan, waxa uu sheegay in ay miisaaniyadii hore dheer tahay 70%, taas oo ay keentay dadaal xoog leh oo ay wasaadu u gashay sidii loo ururin lahaa dhaqli fara badan, waxa uu yidhi” waxaanu kordhinay miisaaniyada sannadkan 70% kolkaa waxaad arkaysaa muddadaa waxa aanu ku kordhinay oo anaan waliba sidii guda galin nidaamkeedii oo aanu iminkuun bilaabayno,waxaad garan kartaan in aynu wax badan kordhin karno, waxaan bilow in aan diwaan galino meherada oo dhan hadaan tusaale idiin siiyo Hargeysa oo kale waa shan xaafadood ama shan waaxood ayay Magaalada u qayb san tahay, waxa ay noqdeen laba labaatan xaafadood ayay u sii qaybsan yihiin xaafad walba waxa aanu ka furnay xasfiis, xafiiskaas waxa uu ka shaqaynayaa tirakoobka soo ururinta dhaqliga xafaadaas, waxa noo suurta gashay in aanu diwaan galino meheraha Hargeysa ama gobolka Maroodijeex, waxa kale oo aan hawshaas ka bilownay Magaalooyinka Berbera, Burco, Ceerigaabo, Boorama, Gabilay iyo Wajaale in aanu diwaagalino meheradaha Magaalooyinkaas ururiska lacagahaas waxaanu galinaynaa Server, si aanu ogaano halka ay cashuurtu ku baaqatay iyo halka ay ku dhimantay, cid kasta ha ahaado ganacsade ama shaqaale dawladeed cashuurta waa lagu leeyahay, waxa aanu hoose u dhignay tacriifadii si ay yaraato tuugado, waxa aanu filaynaa dhaqligii lix bilood ee hore in uu kabato, waxa la leeyahay waxaan kordhinay wali waxa inoo dihin wasaarada dhawr iyo tijaartii, wasaarada qaarkood kharashkooda ayaa ka badan wax soo saarkooda.“ Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka maaliyada Warsame Siciid, oo faahfaahin ka bixiyay odoroska miisaaniyada, waxaana uu sheegay in miisaanyadan ay tahay kor u kac dhaqaale marka loo eego wakhtigii hore, iyada oo miisaaniyadan ay ku jiraan lacagta loo kordhiyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida iyo, isla markaasn la suura galiyay in ilma kasta oo Somaliland ku nooli heli karo wax barasho bilaasha ah, ka dib markii lacagta laga dhaafay dhammaan dugsiyada hoos/dhexe ee wadanka, iyada oo kharasha shaqaalaha dugsiyada ay bixin doonto xukumadu.
  4. British Investors Arrive in Somaliland HARGEISA — With investment and business deals in mind, a British business delegation of six members arrived in the country on Saturday afternoon to hold talks with government officials. The investors were warmly received at the Presidential palace by President Ahmed Mohamed Silaanyo, Vice-President Abdulrahman Abdullahi Ismail and other senior ministers. The delegation, led by Somaliland-born British businessman Mohamed Yusuf and composed of joint venture and private companies from various industries, are expected to spend the next five days in the country to study the business climate and opportunities in the country. According to a press release signed by the Presidential spokesman, Mr. Abdullahi Mohamed Dahir, the trip is a follow-up action for the agreements President Silaanyo reached with members of the UK government and British firms during his visit to London in late November of last year. It was during that last visit by President Silaanyo that British and Somaliland investors established an economic cooperation center dubbed the Anglo-Somaliland Chamber of Commerce (ASCC). The Chamber will promote trade and investment between the United Kingdom and Somaliland’s private sector and will help foster a cooperation between the two sides. Mr. Yusuf, who has important contacts in the British corporate and government sector, played a crucial in the establishment of ASCC and is currently the president of the organization. As well as holding negotiations and exploring greater investment opportunities in Somaliland, the delegation also brought with them an invitation for the Somaliland government from their UK counterparts. The delegation revealed that the British Foreign and Commonwealth Office has invited three Somaliland minister for another trade and commerce conference to be held in London at the end of March. The conference is expected to host British investors and buyers from both public and private sectors and will enhance bilateral economic cooperation between the two nations. For the first time the UK government is to treat Somaliland as a sovereign nation with equal playing field. Anglo-Lander meetings President Silaanyo briefed the investors of his regime’s achievements since coming to power in July 2010 and the economic reforms they carried out so far. He cited that Somaliland was a virgin solid pipeline of investment opportunity and that his regime has plans to broaden the economy and build stronger foundation for investment opportunities. He added Somaliland was capital-hungry country and a great strategic location on Horn of Africa along southern approaches to Bab el Mandeb and route through Red Sea and Suez Canal. It’s not clear the areas the British investors will explore for possible investment but Somaliland is pushing forward with plans to privatise port of Berbera; the only deep-water port in the Gulf of Aden and an increasingly important port for Ethiopia. The country has proven hydrocarbon potential but two American firms, Chevron and ConocoPhillips maintain their former concessions in the region stands and they still have the rights to explore. However, these concessions were signed under dictator Mohamed Siad Bare who fell more than two decades ago. Somaliland is part of the Arabian-Nubian Shield (ANS) and shares a very similar geological evolution as Ethiopia, Egypt, Eritrea, Sudan, Saudi Arabia and Yemen. It is believed to have precious and industrial metals such as gold, zinc, lead, tin, copper and silver, in particular along the coastline, where rocks have been crystallizing on the flanks of the Red Sea since the Neoproterozoic era. Somaliland is also part of the Mozambique belt and has abundant deposits of gemstones, from emerald to aquamarine, ruby and sapphire as well as vast amounts of garnet, quartz and opal as well as lesser-known minerals such as titanite and vesuvianite. A number of local miners have already unearthed emeralds, rubies and opals but most mining is extremely difficult and painstakingly slow because most miners lack the proper tools and equipment. In 1977, a Bulgarian company extracted some 200 tonnes of quartz of high purity and clarity in an area to the west of Darbuuruq, near Gabiley. According to a South African geologist and gemmologist Dr Judith Kinnaird, there is production of red spinel and tourmaline in dark green and pink watermelon type, zircon, nice crystals of colourless topaz, blue and green vesuvianite, rarer titanite as well as apple green apatite occurs in abundance in the emerald-bearing localities. Somaliland is seeking investors to help them construct a railway from the port city of Berbera to the town of Tog-Wajale on the Ethiopian border. They are also seeking foreign investors in the telecommunication, health and education sectors. The new administration said foreign capital and investment is one of their top priorities during their time in office. As well as Britain, the government plans to invite investors from China, United States, Sweden, Denmark and Finland. The President is expected to visit both Beijing and Washington in the months ahead. Somaliland was a British protectorate that gained independence on June 26 1960, the country was formally recognized for a few days in 1960 as the State of Somaliland, before unifying with the Trust Territory of Somalia (the former Italian Somaliland) later the same week to form the Somali Republic. However the union went sour and Somali republic collapsed in 1991 after two decades of internationally-hidden civil war. Shortly after, Somaliland declared the restoration of its sovereignty.
  5. Taleexi;694821 wrote: Somalina ... saaka dad bay rabtaa inay qarasta ku kiciso lol @ qabiilada Soomaaliyeed oo isu tegey. 4.5 bey sheegeysa abti
  6. dee wa nooc nima argagaxiso haday dadka argagax ku ridaan siba shacabka ku nool buhooodle
  7. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay U Yeedhayaan Wasiirka Arimaha Dibeda Si Goluhu Wax Uga Waydiiyo Shirkii Uu Ka Qaybgalay. “Madaxweyne Md Ismaaciil Cumar Geelle run ahaantii waxa ka muuqatay inuu jecel yahay inuu koro xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland.” Wareysi - Md. Cabdiraxmaan M. Cabdilaalhi (Cirro). Hargeysa(Ramaas) Feb. 13, 2011 - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa sheegay in si rasmi ah loogu casuumay shir caalamiya oo uu kaga qaybgalay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, kaas oo lagaga hadlayey muddo saddex cisho arimo ay ka mid yihiin nabadda iyo himilooyinka geeska Afrika oo ay Somalilandna ku taalo. Guddoomiye Cirro, waxaa uu sheegay in uu khudbad ka jeediyey shirka muddadii uu socday, taas oo si weyn usoo jiidatay wufuudii ka soo qaybgashay shirka oo ka kala socday illaa 50 dal oo aduunka ah. Guddoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu magaalada Hargeysa kula yeeshay Khadar Cali Xuseen [shiine] oo ka tirsan bahda shabakadda wararka ee Ramaasnews xafiiskeeda Hargeysa. Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya waxa uu Guddoomiyuhu kaga hadlay kulanno kala duwan oo uu la yeeshay ergadii baarlamaanadii ka soo qaybgalay shirka, Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti iyo Madaxweynaha dalkaas oo uu kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada. Waraysisga guddoomiyuhu wuxu u dhacay sidan: Ramaas, Guddoomiye, waxaad nooga warantaa shirkii magaalada Jabuuti aad kaga qaybgashay waxyaabihii lagaga hadlay iyo muddadii uu socdayba. Guddoomiye Cirro, Shirkii aan magaalada Jabuuti kaga qaybgalay waxa uu ahaa shir ay ka soo qaybgaleen 50 dal, kuwaas oo lagu magacaabo ALLDEPAC [Alliance Liberal For Democracy Europe, Pacific Caribbean Countries], waxaanu ahaa markii lixaad ee la qabto, waana markii u horeysay ee ay Somaliland si rasmi ah uga qaybgasho, ka qaybgalkayaguna waxa uu ka dambeeyey kulan aanu kula yeelanay dalka Faransiiska bishii 11naad Baarlamanka Yurub, markaas oo la ogalaaday in ay Somaliland ka soo qaybgasho. Waxaanu ka koobnaa illaa 25 dal oo Afrikaana, wadamada Yurub qaarkood iyo wadamada loo yaqaano Pacific Caribbean Countries. Shirka ujeeddadiisu waxa ay ahayd oo lagaga hadlayey nabad iyo horumarka geeska Afrika, waxaanu socday muddo saddex maalmood ah, mawduuca anniga la yidhi ka hadal waxa uu ahaa rajooyinka geeska Afrika, halkaas oo aan ka soo jeediyey khudbad arintaa ku saabsan. Run ahaantiina dad badan oo goobta fadhiyey markii ay dhegaysteen khudbadayda ee aan siiyey Somaliland iyo macluumaad badan oo ku saabsan way ku baraarugeen arimaha Somaliland. Rag badan oo ka socday baarlamaanka Yurub waxa ay soo jeediyeen in Somaliland wax badan lala qabto oo la caawiyo oo xaggeeda loo jeesto, waxaanan u arkayey tallaabo wanaagsan oo aynu u baahnayn in aynu samayno oo aynu samaynay. Ramaas, Md Cabdiraxmaan Cirro, markii uu shirku dhamaaday wufuudii ka soo qaybgashay wax kulamo ah ma yeelatay, hadii-ba aad la yeelatay maxaad kala hadashay? Guddoomiye Cirro, Haa waan la yeeshay oo gaargaar ayaan ula kulmayey wufuuda ka socotay Baarlamaanada dalalkii ka soo qaybgalay shirka, waxaanan kala hadlay danta qaranka Somaliland, iyaga oo kulamadaasi u badnaayeen isbarasho. Ramaas, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro shirkan aad ka qaybgashay ma si rasmiya ayaa laguugu soo martiqaaday mise qaab kale ayaad uga qaybgashay? Guddoomiye Cirro, Maya ee si rasmiya ayaa la iigu soo martiqaaday aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana matelayey Somaliland oo martiqaad qoraal ah ayaa la iisoo diray sidaas ayaanan kaga qaybgalay shirka. Ramaas, Guddoomiye meesha uu shirku ka dhacay waxa ay ahayd caasimada dalka Jabuuti, intii aad ku sugnayd halkaas masuuliyiinta dalkaas cid ma kala kulantay? Guddoomiye Cirro, Haa saddexdaa cisho kadib, waxaa imartiqaaday Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo aanu ka wada hadalnay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Jabuuti iyo sidii wufuud labada dhinaca ka socdaa ay u kala booqan lahaayeen labada dal, waxaanan isla garanay doorasho ayey ku jiraane doorashada kadib in ay bilaabmaan isdhaafsiga wufuuda labada dhinaca, haddii ilaahay yidhaahdo. Waxa kale oo aan la kulmay masuuliyiin kale oo badan oo dalkaas ka tirsan. Waxa kale oo aan booqasho ugu tagay muddadaas aan ku sugnaa Jabuuti Madaxweynaha dalkaas Md Ismaaciil Cumar Geelle oo run ahaantii ay ka muuqatay inuu jecel yahay inuu koro xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ka dhexeeya, waxaanu Madaxweynuhu ii xaqiijiyey inuu xafiiskoodii Somaliland ay si dhakhso ah uga furan doonaan magaalada Hargeysa, kii Somaliland ay hadda qalabaystiisii socotay oo waan soo eegay, waxaanan arkayey calaamad wanaagsan oo muujinaysay koritaanka xidhiidhka labada dal oo halkaas ka socotay. Ramaas, Madane marka laga yimaado labada xafiis ee labada dal ka kala furan doonaan caasimadaha labada dal, waxa kale oo aad ka wada hadasheen ma jireen Madaxweynaha Jabuuti? Guddoomiye Cirro, Run ahaantii waxa kale oo aanu si qoto dheer uga wada hadalnay sidii loo hagaajin lahaa cilaaqaadka labada dal iyo labada gobol ee Selel iyo Carta oo mashaariic horumarineed iska kaashan doona oo uu ii sheegay inay jecel yihiin inay soo gaadhsiiyaan gobolka galbeed ee Somaliland ee Selel, waxaanan qabaa labada xafiis furistoodu iyo xidhiidhka labadaa gobolba inay noqon doonaan bilow xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labada dal. Ramaas, Guddoomiye waxaad tahay Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah Gole sharci dajineed, intii aad dalka ka maqnaydna waxa dhacday inuu magaalada London kaga qaybgalay shir arimaha Somaliya lagaga hadlayey wasiirka arimaha dibeddu, arintaa Guddoomiye sideed u aragtaa ka sharci ahaan iyo ka fikir ahaanba? Guddoomiye Cirro, horta dee dalka anniga oo kaliya ayaa ka maqnaa ee golayaashii sharci dajintu way joogeen, markaa annigu wax tafaasiil ah kama hayo, markaa hadii ay shaqo qabtaan iyo hadii kaleba [xukumada] golayaashu waxa ay xaq u leeyihiin inay wax ka waydiiyaan shaqadaas goluhuna marka uu wasiirku yimaado way u yeedhayaan oo wuu hor imanayaa. Ramaas, Guddoomiye saw muu jirin sharci ay labada gole soo saareen oo mamnuucaayey ka qaybgalida madaxda Somaliland shirarka Somaliweyn, kaas oo ay ka hor imanayso shirkan uu wasiirku ka qaybgalay? Guddoomiye Cirro, Wuu inoo yaalaa sharcigu, laakiin run ahaantii wali ma hayo tafaasiil igu filan shirkaas uu ka qaybgalay wasiirku iyo sida uu uga qaybgalay, laakiin daw ayaa loogu leeyahay in la waydiiyo shirka iyo sababta uu uga qaybgalayba.
  8. Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Ganacsato Ingiriis Ah February 13th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qaabilay wefti Ganacsato ah oo ka socday dalka Ingiriiska oo socdaal ku yimid dalka. War-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ka soo saaray kulankaasi wuxuu u dhignaa sidan:- “ Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobnaa Ganacsato iyo Maal-gashadayaal. Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Inna dhaafay. Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka. Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Sadex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhexmara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska Dhamaad ka Bish March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada . Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka. Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.”
  9. 300 Oo Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Maanta Tababar Uga Furmay Dugsiga Tababarada Ciidamada Ee Mandheera. Hargeysa(Ramaas) Feb.11, 2011 - Askar ay tiradoodu dhan tahay 300, ayaa maanta tababar uga furmay dugsiga tababarada ciidmada ee degmada Mandheera ee gobolka Saaxil, kuwaas oo la bari ilaalinta xuquuqda aadamaha. Xaflad ballaadhan oo loo sameeyay furitaanka tababarkan, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaarada arrimaha gudaha, taliska ciidanka booliska iyo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, iyada oo ay masuuliyiintu halkaas ka soo jeediyeen hadalo gubaabo ah oo lagu dhiirigalinayo ciidanka. Qaar ka mida saraakiisha ciidanka booliska oo ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda aadamuhu ay tahay mid ka mida waajibaadka ciidamada oo ilaaliya cadaalada dadweynaha, waxaana ay u soo jeediyeen xubnaha tababarka loo furay in ay ka faa’iidaystaan casharada la barao muddada uu socdo koorasku, si marka ay dhamaystaan tababarkana ay aqoonta ay soo barteen ugu shaqeeyaan dadweynaha, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta. Ciidanka booliska Somaliland, ayaa waxa xaga tababarada ka caawiya hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee UNDP. Tababar ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee tiro intaas leeg lagu soo tababaro ilaalinta xuquuqda aadamaha.
  10. War-Saxaafadeed: Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay Wefti Ganacsato Ah Oo ka Socda Dalka Ingiriiska. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobna Ganacsato iyo Maal-gashadayaal. Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Ina dhaafay. Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka. Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Saddex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhex-mara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska dhamaad ka Bisha March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano. Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka. Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka. Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada. Allaa Mahad Leh Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
  11. Madaxweynaha Jabuuti Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland February 12th, 2011 Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa manta maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo maalmihii la soo dhaafay socdaal shaqo ku jooga dalkaasi.. Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee ka dhexeeya labada dal, waaxaana kulankaasi lagu gorfeeyay sidii iskaashiga labada dal kor loogu sii qaadi lahaa. Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi wuxuu Madaxweynaha Jabuuti uga mahad celiyay xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland waxaanu u soo jeediyay in loo baahan yahay in qaran ay sii adkeeyaan wax wada qabigooda. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Wakiiladdu uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Jabuuti sidii ay ugu soo dhaweeyeen dalkaasi. Guddoomiyaha Wakiiladdu wuxuu Madaxweynaha Jabuuti uga waramay xaalada Nabadgelyo, siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland. Sida caawa uu baahiyay TV-ga Qaranka ee Jabuuti waxa kulankaasi goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Md. Idiris Arnaa’uud Cali. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland kulamo kala duwan la yeeshay Golaha Baarlamaanka Jabuuti oo sida la sheegay ay ka wada hadleen sidii Baarlamaanadda labada dal ay iskaashi iyo wax wada qabsi u yeelan lahaayeen. Waa markii u horaysay ee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Jabuurti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Baarlamaanka dalkaasi.
  12. The training will take place in Ethiopia with the Support of the United Kingdom and human rights is not the only thing they will be trained on police recruits learn techniques for handling disputes and internal tensions including national protests and demonstrations. Ethiopia only provides the location of the training. United kingdom is planning another training in the next two years in a train-the-trainer training’ programme.The training will have three phases two in Ethiopia and one in Somaliland.
  13. SOMALILAND: 300 police recruits to be trained on human rights BERBERA — The ministry of Interior, partnering with the United Nations Development Programme (UNDP) has started a new program to train some 300 Somaliland police recruits in the town of Mandera, in Sahil region. The inauguration ceremony was attended by officials from the ministry of Interior, police commissioner, Mr. Mohamed Saqadhi Dubad and delegates from the UNDP. The aim of the programme is to help the police recruits learn techniques for handling disputes and internal tensions including national protests and demonstrations. The recruits will undertake training on human rights rules and humanitarian law principles. The training is to be conducted by Somaliland officers who received their training in Ethiopia with the support of United Kingdom. The officers received training in the areas of leadership, diversity, professional standards, community policing, human rights, intelligence led policing, serious crime, forensics, command and control and counter terrorism. UK plans to train further 450 officers in the next two years in a ‘train-the-trainer training’ programme that will cost US$968,000. The training will have three phases; two in Ethiopia and one in Somaliland. This is the largest number of recruits to be enlisted for the Mandera academy.
  14. red sea Somalina believes TFG is the best solution for Somalia and only some leaders can make TFG successful
  15. Taleexi;694595 wrote: Maxaad dalka la damacdeen hadduu Duke madaxweyne noqdo? waxay ka baqaysa inu cabdilahi yusuf oo kale ku noqdo war hoy hoy ma ii maqleysin wa habaar qabihi mudug gah gah gah
  16. wiilasha wala so qalday ilahay caafiyo ,, oo wadada saxda ha tuso banu ilahay ka baryayna.
  17. Che nabadiidku na wa guuraya , nabadoonkuna wa so galaya;)
  18. Gudoomiye kuxigeenka gobolka cayn eeh Puntland what are the pirates doing in buhoodle i thought it was ssc;)
  19. nuune;694244 wrote: Xaaji Xeyraan , is every SSC origin a rebel? I need one page explanation if you have spare time now PLEASE no ofcourse not the rebels are the qarandiids and nabaddiids only, and they should not be confused with the noble people of sool sanaag and cayn the majority of the people of ssc origin are peace loving Somalilanders
  20. Actually taleexi abti it's the rebels who refused peace and they used kalshaale disputed area between the two brotherly clans as a reason to declare a war on the Somaliland armed forces. who are stationed there in the buhoodle district as peacekeeping forces in between the various clans in the Buhoodle region it's the rebels they are the one who are using the clan card to get sympathy fromt he diaspora community and their Tribesmen with in the country. But we know what your plans are and it's not going to happen. the rebels will be cleaned from south eastern togdheer.