-
Content Count
29,833 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
The Zack;692474 wrote: The Western Somali State flag - Keep in mind yaa Xaaji Xundhuf, O'gadenia is one of the many Somalia states of the greater Somalia. Look closely the middle part of the flag, does it ring a bell? Now go and throw that Ciraaqi flag to a very away qashin qub. zack iska daa waxaso lets sing for a better Ethiopia halkasey ka dhowdahayeh
-
Somalina;692364 wrote: LOL...Wave the blue and white first, kadibna kiina babiya. Seems fair enough. awoow maxa sidan oo kale ku diiday
-
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland:Army celebrates 17th birthday HARGEISA (SomalilandPress) — Somaliland army today celebrated its 17th anniversary with a well organized ceremony attended by the President of Somaliland Ahmed Mohamud Siilanyo, commander of the arm forces Gen. Nuh Tani, defense Minister Haji Adam Adami, Ethiopian embassy official in Hargiesa and cabinet members from the government. The event was held at the army headquarter in Hargeisa showcased by a colorful army band members performing traditional dance and songs for the special guess. Speak first at the ceremony was the head of the arm forces Major General Nuh Tani who highlighted the growth that has taken place in the last 17 years. General Tani informed the guess that currently there are 1000 new army recruits training in three different army barracks in the country. Mr. Tani went on to say that a total of twenty nine officers have returned from abroad after they received trainings in the fields of engineering, logistics, medical doctors and special forces commandos. Also March of this year the army is expecting to receive back total of 10 doctors who have completed 5 years medical training from abroad. Also defense Minister Haji Adam Adami spoke at the ceremony and said “in the last year we have been searching for officials with army training and disciplinary to help us advance the army and because of that we have created new ranking insignia for all branches of the arm forces, new uniforms design and a new manual training book for the army”. President Silaanyo concluded the ceremony by first thanking all the men and women serving the arm forces and their families. Mr. Silaanyo said the army should keep the peace, stability and tranquility of the country by staying a step ahead of the enemy. The army should also help the police forces and the naval forces if they are called on. Since taking office President Ahmed Silaanyo has given the arm forces a pay increase of 100% and the focus of his government shows modernization of the arm forces in order to deal with crises and safeguard the peace. -
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
DP -
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somalina kuwa burco lagaga yimi ,, kuwa greenka xiidhan ba hada socda:D -
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The security of the president is high priority you should know that ,Somalina awoow adna maxaad la dhoola cadeyneysa. -
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xus Ballaadhan Oo Lagu Xusayey Sannad-guuradii 17-naad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaska Ciidanka Qaranka (Dhageyso + Sawiro). Hargeysa (Ramaas) Feb.02, 2011 - Xus ballaadhan oo lagu xusayey sannad-guuradii 17-naad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka qaranka Somaliland, ayaa saaka lagu qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka ee magaalada Hargeysa. Xuskan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland, shir-guddoonada golayaasha qaranka, Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, wasiirka gaashaandhiga, masuuliyiinta asxaabta qaranka iyo marti sharef kale. Dhegaystayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaynaa khudbadihii ay munaasibadan ka jeediyeen Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland Col, nuux Ismaaciil Taanni ee dhegaysi haboon: Ramaasnews Desk Hargeisa -
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyay Sanad Guuraddii 17-aad ee Ciidanka Qaranka February 2nd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loogu dabaal degayay sanad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka. Xafladaasi waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khubad ka jeediyay xafladaasi wuxuu yidhi “ Maanta oo ay bishu tahay 02/02/201, waxaynu xusaynaa sannad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay as aaska Ciidanka Qaranka Jamuuriyada Somaliland. Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka reer Somaliland, ka goloyaasha qaranka Iyo magacaygaba waxaan hanbalyeynayaa dhamaan ciidamada Qaranka iyo saraakiishooda munaasibada dhalashadooda aawadeed, waxaanna ILLAAHAY ugu baryayaa in uu snadka sanadkiisa inagu wada gaadhsiiyo Nabad qab Caafimaad iyo Hurumar.” Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Ciidanka Qaranku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha gundhiga u ah Qaranimada Jamuuriyada Somaliland, waxa uu laf-dhabar u yahay difaaca iyo ilaalinta nabad galyada dalka, asaaska Ciidamada Qaranku waxa uu ka soo bilaamay Halgankii Somaliland iyo shirarkii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, Ciidamada qaranku waxa ay ka soo qayb qaateen gundhiga Dumuquraadiyada iyo nabada ay Somaliland maanta ku naaloonayso.” “Ciidanka Qaranku waxa ay door libaax leh ka qaateen halgamadii laga fuliyey Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoole, waxa kale oo ay Ciidanka Qaranku si xoogan ugu qayb qaateen sugida ammaanka iyo gacansiinta Ciidanka Booliska, waxaan ku ammaanayaa anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan ee ay ciidanka Qaranku kula dhaqmeen bulsho weynta ku dhaqan guud ahaan goboladaasi, taasi oo ay ka markhaati kaceen dadkaasi,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaasi ku daray “Aniga oo dareensan Daruufaha ku xeeran Ciidanka Qaranka isla markaan og muhiimad ay u leeyihiin qarankan waxa aan mushaharka u kor dhiyey 100%, is sare loogu qaadao tayada iyo anshaxa Ciidanka iyo Hubka waxa aan farayaa Masuuliyiinta wasaarada Gaashaan dhiga 1- Bilowga diiwaan galinta ciidamda iyo agabka is hore loogu dhamays tiro barnaamijka Darajda Ciidamada, taasi oo qayb libaax ka qaadanaysa Karaamda iyo qaranimada dalka, 2- is looga hor tago cadowga Somaliland oo hore isugu dayey in ay dalkan qaraxyo ka fuliyaan waxaan farayaa Ciidanka Qaranka in ay sugaan guud ahaan Xuduudaha, isla markaan a ay Gacan siiyaan Ciidamada Ilaada Xeeebaha, Booliska, Asluubta, iyo hay’adaha Sirdoonka Qaranka si aynu uga hor tagno dhamaan wax yaabaha ay damac san yihiin Cadowga Somaliland.” Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Taani ayaa hadal uu munaasibadaasi ka jeediyay waxa uu kaga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddooyinkii u dambeeyay iyo guulihii uu ciidanka qaranku ka gaadhay dhinacyada tayaynta ciidamada, qalabka iyo saanadda milatari, waxaanu yidhi “Kun askari ayaa noogu jira dugsiyada tababarka Sheekh, Dararwayne iyo Gorayacow, waxa kale oo noo maqan tababaro dibadda ah oo ay ka mid yihiin Dhakhaatiir, Farsamada, Kamaadows iyo kalkaaliyayaal caafimaad, intaas ayaa sannadkan noogu maqnaa tababarro dibadeed. Waxa soo dhamaystay intaa aan sheegay koorsooyinkii, Engineerada 16 Injineer ayaa hadda soo dhamaystay oo jooga, saraakiisha farsamada 10 ayaa soo dhamaystay, kalkaaliyayaal caafimaad oo saddex sanno soo dhamaystayna way joogaan oo way yimaadeen, waxa bishan March soo dhamaysanaya kooraska 10 Dhakhtar oo shan sannadood soo dhamaystay koorsadoodii, waxa kale oo soo dhamaysanaya todoba sarkaal, waxa kale oo loo soo xidhi doonaa isla bishaa 50 askari oo Kamaandoo ah oo macalimiin noqon doona oo ciidanka tababara.” Waxa kale oo uu Taliyuhu sheegay in ciidamo tiro badani ay tababar dibadeed ugu maqan yihiin. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga, Md. Axmed X. Cali Cadami, ayaa sheegay in dhambaal hambalyo ah u diray ciidamada qaranka iyo qoysaskooda waxaanu ILAAHAY uga baryay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo. Wasiirku waxa uu sheegay in naafada iyo agoomaha ciidanka qaranka ay ku jiraan mushahar kordhinta ciidamada iyo shaqaalaha ee bishii January ee sanadkan ka bilaabmaysa. Waxa xafladaasi lagu soo bandhigay riwaayad lagu soo bandhigay taariikhda iyo doorka Ciidammadda qaranka, riwaayadaasi oo ay jilayeen fanaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan ayay martidii iyo masuuliyiintiiba aad uga heleen farriimihii ay gudbinaysay. -
Who talked about his loyality only you mention that only time will tell but one thing i am sure he spend more time in Somaliland then with the pirates.
-
He was also the Speaker of the Somaliland parliament from 1993 till 1999. carabtu waxay tidha kulu naaso yarjucun cala asalahum.
-
oo waan fahmay awoow calanka ayaa dhib kugu haya wayahay calanka ad u luli meyno 18 may marka la gaadho uun banu ad u luli how about that.sure he waves the blue and the white, but he also waves the Kisa isaga u gaarka ah wa iska caadi anba waan ku luli the blue flag hadaad rabtiid. ka waran taas that seems fair somaha ,,
-
^^ how is he against his own people
-
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidanka Qaranka Somaliland oo maanta u dabbaaldegaya sannad-guuradoodii 17aad Hargeysa (Jam)- Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa Arbacada maanta u dabbaaldegaya sannad-guuradii 17aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegnayd 2dii February 1993kii. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jeneral Nuux Ismaaciil Taani, ayaa munaasibadda 17-guurada darteed waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray ciidammada qaranka iyo xaasaskooda, isagoo Ilaahay uga baryey inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan guul, horumar iyo barwaaqo. “Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Gen. Nuux Ismaacil Taani, waxa uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan xubnaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskoda meel kasta oo ay ku sugan yihiin, aniga oo ugu hambalyeynaya munaasibadda Sannad-guurada 177 aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku began barito oo ay taariikhdu tahay 02/02/2011, waxaan Illaahay uga rajeynayaa in ay ku gaadhaan sannadkan sannadkiisa guul, horumar iyo bash bash iyo barwaaqo… Aamiin…Aamiin…..” Sidaa waxa lagu yidhi dhambaal hambalyo ah oo taliye Taani soo saaray shalay. -
somalina why awoow, anba Somali baan ahay Somali dee wa Ethnic group maha Nationality Zack wa Somali dhalasho ahaan laakin Nationalitygusu wa Ethiopian. qoloyinki reer nfd na way joogaan iyana , How do we bother you Somalina awoow bal inoo yara faah faahi
-
Somaliland marks 17th anniversary of the Somaliland National Army
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Sanad Guuradii 17-aad ee Ciidanka Qaranka oo maanta la Xusay iyo Madaxwayne Siilaanyo oo khud-bad ka jeediyay. Cidamada Qaranku Waxay qaayb Mug iyo ,Miisaan leh ka soo qaateen dhidib u Aasida Dimuquraadiyada iyo... Daawo Sawiradda Hargaysa(GNS):-Xuska sanad guuradii 17-aad ee ka soo wareegtay Aas Aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta lagu qabaty Taliska Guud ee ciidamada qaranka Soamliland ee Magaalada hargaysa. Munaasibadan lagu xusayay Aas Aaska Ciidanka qaranka waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, wasiirka Gaashaan dhiga Axmed x.Cali Cadami,taliyaha ciidanka qaranka Somaliland gen.Nuux Ismaaciil Taani,Taliayaha Ciidanka Booliska somalailnd Cilmi Rooble Furre (cilmi kabaal),taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamda qaranka. Sidoo kale waxaa munaasibadani ka soo qayb galay axsaabta siyaasada somalialnd waxaana ka mid ahaa madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,Guddoomiye Ku xigeen ka xisbiga Uicd Aadan Maxamed Mirre (waqf),madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan aw cali faarax,Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan. madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xuskani ciidanka qaranka somalialnd ayaa ka waramay qiimaha uu ciidanka qaranku ugu fadhiyo dalka isaga oo sheegay in uu ka mid yahay astaamaha Aas Aaska iyo gun dhiga u ah qaran nimada waxaanu yidhi “Ciidanka Qaranku waxa uu ka mid yahay Aasaaska iyo Astaamha Gun dhiga u ah Qaranimda Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu laf dhabar u yahay Difaaca iyo Ilaalinta Nabadgelyda dalka, Aasaaska Ciidamada Qaranka somaliand waxa u ka soo Unkamay halgankii iyo Xoraynta Somaliland. Ciidamada Qaranku Waxay qaayb Mug iyo ,Miisaan leh ka soo qaateen dhidib u Aasida Dimuquraadiyada iyo Qaranimada Somaliland maanta ku naaloonayso, Ciidanka Qaranku wuxuu guulo wax ku oola ka soo hooyey Hawl galadii ka dhacay Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. waxa kale oo uu Ciidanka Qaranku Guulo ka gaadhay Xoojinta iyo Gacansiinta Nabad gelyada Gudaha isaga oo xoojiyey Ciidamada Booliska, waxaan ku ammaanayaa kuna Hambalyeynayaa anshaxa iyo hab dhaqanka Wanaagsan ee ay kula dhaqmeen Bulsho weynta Guud ahaan ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka iyaguna ka markhaati kaceen, waana arin Muujinaysa heerka bisaylka Ciidamadeena.” Isaga oo khudbadiisa sii wata waxa uu yidhi “waxaa kale oo ku hambaleyeynaya Taliska Guud ee Ciidanka, talisyada Aagaga iyo Qaybaha suurto gelinta horumarka iyo Fulinta heerar tababarka Ciidan iyo waxbarashada kala duwan ee Ciidanka la siiyey,waxbarshadaasi oo u kala baxda Sibinaaro, koorsooyin heerar kala oo dalka Gudihiisa iyo debediisaba laga soo joogteeyey tababarka Ciidanka Qaranka,waxa kale oo Xusid Mudan dib u hagaajinta, Xanaanaynta saanada kala duwan ee Ciidanka iyo Gadiidka Gaashaaman”. Madaxwayne axmed siilaanyo waxaa kale oo uu sheegay in uu ka war hayo duruufaha adag e e ku xeeran ciidamda qaranka iyo kaalinta adag e e ay dalka kaga jiraan aw geed loo kordhiyay mushaharka 100%,waxaan uu faray wasaarada gaashaan dhiga iyo taliska Guud ee ciidanka in ay bilaa baan diiwaan gelinta si loo dhamaystiro diiwaan gelinta cusub,loona xoojiyo ilaalinta qaran nimada Somaliland waxaanu yidhi “Anigoo maanka ku haya Duruufaha adag ee ku xeeran Xilgudashada Ciidanka iyo kaalinta adag ee ay kaga jiraan Difaaca dalka, iyadoo ay yartahay awooda dhaqaale ee dalkeenu waxa loo kordhiyey mushaharka Ciidanka 100 %, si noloshooda kor loogu qaado. waxaan Farayaa Wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska Guud ee Ciidanka Qaranka inay sameeyaan.- 1-diwaan gelinta Cusub si loo dhamays tiro Barmaamujka Darajooyinka Ciidanka, arintaasi oo Qiimo mug leh ugu fadhida Qaranka iyo Dawladnimadeena. 2- si loo xoojiyo ilaalinta Nabadgelyada iyo Qaranimada Somaliland loogana hor tago cadawga, kaasoo hore isugu deyey inuu qaraxyo ka fuliyo dalkeena,waxaanan farayaa Ciidamada Qaranku inay Xoojiyaan Xuduudaha dalka,sidoo kale gacan buuxda ay siiyaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha,Booliska, Asluubta iyo Hay'adaha Sirdoonka Qaranka.si aynu uga hortagno dhamaanba falalka Cadawgu damacsanyahay inuu dalkeena ka Fuliyo”.