-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Sheegtay In Ciidanka Qaranku Uu Gacanta Ku Dhigay 20 Maxbuus Iyo Laba Gaadhi Dagaalkii Saaka Ka Dhacay Deegaanka Kalshaale. Hargeysa (Ramaas) Feb. 20, 2011- taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, ayaa sheegtay in ciidanka qaranku ay gacanta ku dhigeen 20 maxbuus oo ka tirsan jabhada falaagada ah, isla markaana ay daagaalkii ka dhacay jiida Kalshaale ku qabsadeen laba gaadhi oo ah kuwa dagaalka. Afhayeen u hadlay ciidanka qaranka Somaliland oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dagaalkii saaka dhacay ay gacanta ku dhigeen maxaabiis tiradooda lagu qiyaasay ilaa labaatan maxbuus iyo laba gaadhi oo laga qabsaday kooxda nabad diidaka ah ee dagaalka hubaysan kula jirta Somaliland, waxaana uu afhayeenku sheegay in ciidanka ay qabsadeen dhammaanba goobihiii uu dagaalku ka dhacay, isla markaana ay qarka u saaran yihiin Magaalada Buhuudle. Afhayeenku waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada dhimashada iyo dhaawaca ee labada dhinac soo kala gaadhay. -
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wararkii ugu Danbeeyay ee Dagaalkii saaka ka dhacay Deegaanka Buuhoodle iyo Ciidanka Qaranka Xadka ka saaray Maleeshiya Beeleedka SSC. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa cagta mariyay maleeshiyo beeleedka SSC oo saaka Weerer ku soo qaaday Wararka naga Soo gaadhaya Deegaanka Hagoogane iyo Maygaagle ayaa la sheegaya in abaaro saaka 5:00 Am Subaxnimo Dagaal balaadhan ka bilaabmay halkaasi dagaalkaasi oo u dhexeeya Ciidanka Qaranka somaliland iyo maleeshiyo beeleedka nabad diidka ee SSC ee ka dagaalama deegaanka buuhoodle ayaa mar kale saaka dib uga qarxay halkaasio. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa cagta mariyay maleeshiyo beeleedka SSC oo saaka Weerer ku soo qaaday Fadhiisimadda Ciidanka Qaranka Somaliland kuwaasi oo la sheegay in laga qabtay maxaabiis gaadhaysa 20 maxbuus, khasaare kalena la soo gaadhsiiyay, laba baabuurna laga qabsaday sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Faysal Cali sheikh oo u hadlay Somaliland. Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Xasan Cabdi yuusuf iyo Agaasimaha warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo maanta shirjaraa,id ku qabtay magaaladda Hargeisa ayaa sheegay in Maleeshiya Beeleedka SSC ee Xidhiidhka la leh Argagixisada ay Weerar ku soo qaadeen ciidanka Qaranka somaliland iyaga oo xusay in Ciidanku iska Difaaceen isla markaana khasaare soo gaadhsiiyeen maleeshiyadda nabad diidka ah ee rabshadaha dagaal ka wada deegaanadda buuhoodle, waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Dagaalku illaa hadda Socdo Ciidanka Qarankuna ka saareen Xuduuda somaliland maleeshiyadda nabad diidka ah ee ku sugnaa deegaanadaasi. Warar ka imanaya Deegaanka Buuhoodle ayaa sheegay in la keenay dhawaac gaadhaya illaa afar qof oo ka tirsan maleeshiyadda SSC ee saaka dagaalka soo qaaday iyada illaa hadda Dagaalku socdo ayaanay cadayn khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay dagaalkaasi. Dagaalkan oo la isku Adeegsanayo hub calculus sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya deegaanadaasi ayaan la garanayn halka ay ku danbayn doonaan iyada oo wararku sheegayaan in khasaaruhu intaa ka balaadhanyahay, Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Gabiley News -
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dagaalkii kalshaale oo Istaagay iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee uu Sababay. Sunday, 20 February 2011 Burco-(Togdheernews.com)-Dagaalkii ka Socday Deegaanka Kalshaale ayaa Hadda istaagay,kaasoo ahaa mid aad u Culus la iskuna Adeegsanaayey Hubka Noocyadiisa Kala Duwan, Socdayna Muddo saacado Badan Ah. Khasaaraha Soo gaadhay dhinaca Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa lagu sheegay 2 dhimasho ah iyo 6 Dhaawac ah. Sidoo kale waxa Ciidanka Qaranku sheegeen inay Maleeshiyadda ka qabteen Hal Baabuur oo Waarad ah oo ay u Saarnaayeen Rasaas iyo Raashin, isla markaana ay ka gubeen Hal Baabur oo Tikniko ah, kana Qabteen 5 Maxbuus. Dhinaca Buhoodle ayaa Wararka ka imanaaya sheegayaan in la gaadhsiiyey 4 Dhaawac, ilaa hadda lama oga Khasaaraha Dhimashadda ee soo gaadhay Dhinacooda. Wixii Warar ee ka soo kordha kala soco Togdheernews -
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dagaal aad culus oo ka socda Deegaanka Kalshaale Hagoogane Iyo Meegaagle Lasanod Online Sunday, February 20, 2011 Buhoodle,(Lasanod Online)-Dagaal aad u culus ayaa waxuu ka socdaa nawaaxiga Baliga kalshaale, dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa wuxuu ku bilowday weeraro ay soo qaadeen Ciidamada somaliland oo ku gaashaman tikniko culus iyadoo madaafiicda la is weydaarsanayay laga maqlayay gudaha magaalada buuhoodle Ciidanka somaliland ayaa subaxnimadii hore waxay weerar ku soo qaadeen degaanada hagoogane iyo meegaagle weerarkaasi oo ahaa gaadmo ayaan ciidanka somaliland u suurta galin inay qabsadaan hagoogane iyo meegaagle Ilaa iyo hadda waxaa la maqlayaa daryanka Madaaficda culus oo halkaasi ka dhaceysa, waxaana dhici karta in qasaare badan ka dhasho dagaalkan oo ah mid xoogan Dagaalkan saaka ayaa imanaya xili maamulka somaliland uu sheegay inuu dib oga baxay deegaanka kalshaale taas oo noqotay mara habaabin uu ku doonayay inuu dhul kale qabsado xidhiidh ay la sameysay shabakadda lasanod Online Col Cali Sabarey ayaa noo sheegay inay dib u celiyeen ciidamadii somaliland ee saaka soo duulay islamarkaana xiligan uu sheegay inay ku sugan yihiin Hagoogane -
Somaliland army Closing into Buhoodle rebels confused.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
danka Somaliland Oo Khasaare Laxaadle Gaadhsiiyay Maleeshiyada Nabad diidka ah Ee Buuhoodle February 20th, 2011 Buuhoodle (Somaliland.Org)- Ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaa deegaanka Buuhoodle ayaa jabiyay kooxda nabad diidka ah ee qalalaasaha ka wada deegaanadaasi oo saaka soo weeraray laba fadhiisan oo ay degan yihiin Ciidammadda qaranku, sidaasi waxa sheegay Afhayeen u hadlay ciidanka oo la yidhaahdo Xasan Cabdi Yuusuf. Xasan Cabdi Yuusuf, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta wuxuu ku eedeeyay kooxdaasi nabad diidka ahi inay soo weerareen ciidanka qaranka waxaanu yidhi “Abaaro 5:30 subaxnimo ayay kooxda nabad diidka ahi soo weerareen ciidanka qaranka laba fadhiisin oo ay degan yihiin waxaan idiin sheegayaa in lagu jabiyay maleeshiyaddii dagaalka soo qaaday waxaanu ka qabanay laba Baabuur oo tikniko waa la iskala tagay Hagoogle iyo maygaagle waxay Ciidanka qaranku hadda marayaan duleedka magaalada Buuhoodle.” “Waxa kale oo aanu qabanay 20 maxbuus oo uu ku jiro laba wiil oo uu dhalay ninka la yidhaahdo dhalbac ee dhawaan la goostay sadex baabuur oo tikniko ah oo uu markii hore ka soo soo goostay Puntland,”ayuu yidhi Afhayeenka u hadlayay ciidanka qaranku waxaanu ku dooday inaanay jirin dhimasho ah oo soo gaadhay ciidanka qaranka. Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ammaan u soo jeediyay ciidanka qaranka oo uu ku bogaadiyay geesinimada iyo tallaabooyinka ay ka qaadeen kooxda nabad diidka ah ee soo weerartay. Md. Faysal Cali Sheekh wuxuu intaasi ku daray in ciidamada qaranku aanay wax dhibaato ah u geysanayn dadweynaha ku dhaqan jiidaha ay dagaaladdu ku dhex marayaan ciidamada qaranka iyo kooxaha nabad diidka ah. Dhinaca kale, Agaasimaha guud waxa uu sheegay inay dhawr askari ka dhaawacmeen ciidanka qaranka, hase yeeshee aanu jirin cid dagaalkaasi ku dhinteen. Goob joogeyaal ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in la geeyay magaaladaasi dhawr qof oo dhaawac ah, qaar kalena la soo wado. -
On the contrary Somaliland even suggested to hold a peace conference for Somalia in our country. So we are not against peace initiatives taken by the leaders of your country. Our govt just made it clear that these kind of peace conference's does not concern us Somaliland and Somalilanders since we are not part of Somalia or its problems we wish them all the best luck they can get with their peace process.
-
Norweigian Deputy Foreign Affairs Minister Visits Somaliland Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waxaanu Muhiim U Aragnaa In Lala Shaqeeyo Somaliland Oo Ah Dawladd Guulaysatay, Oo Dimuquraadi Ah Oo Dadkeedu Si Dhab Ah Awooda Ugu Igmadeen, Oo Yool Isku Mid Ahna Ay Leeyihiin” Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Norway Espen Barth Edie “Waxaanu Ka Codsanay In Ardayda Jaamacdaha Ka Soo Baxaysa Shaqooyin Loo Abuuro, Ardayda Dugsiyada Sare Ka Soo Baxana Waxbarasho Jaamacadeed Lagu Jiheeyo” Guddoomiyaha Wakiilada C/raxmaan Cirro Hargeysa, February, 19, 2011 (Haatuf) - Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada dalka Norway Espen Barth Edie oo booqasho hal maalin ah ku yimid shalay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in kaalmo dhaqaale oo dhinaca horumarka ah ay ku caawin doonaan Somaliland, kaas oo tilmaamay inay u arkaan dal Dimuqraadi ah oo wax badan ka qabsaday haykalkooda dawladdnimo iyo nidaamka doorashooyinka xorta ah. Mr Espen Barth Edie ayaa intaa ku daray in xidhiidh toos ah ay la yeelan doonaan dawladda Somaliland, isla markaana ay sii kordhin doonaan Kaalmooyinka dhaqaale ee ay u fidiyaan Mashaariicda Horumarka ee Somaliland. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Dalka Norway Espen Barth Edie waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay wadajir ugu qabteen isaga iyo Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) xarunta golaha Wakiilada. “Socdaalkayga Somaliland aanu ku nimid aniga iyo Waftigaygu Waxaanu doonaynaa inaanu muujino siyaasadayada aanu u naqaano ta labada dhinac leh ee aanu kula macaamilayno Somalia gabi ahaanteedba, taas oo aan kula shaqaynayno dawladda ku meel gaadhka ee Muqdisho iyo qaybaha kale ee dalka oo aanu yiqiinsano hab dhaqanka wanaagsan ee dawlada Somaliland, waxaanu kordhin doonaa kaalmada dhaqaale ee aanu siino iyo iskaashiyada kala duwan ee naga dhexeeya ee danta labada dhinac-na ku jirto, socdaalka aanu Somaliland ku nimid aniga iyo Waftigaygu, waxaanu rajaynaynaa inuu midho dhal noqon doono” Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Norway Espen Barth Edie, isagoo ka hadlaya mawqifka ay ka taagan yihiin aqoonsi ay Somaliland u fidiyaan, waxa uu yidhi “Halkan umaanu iman inaanu aqoonsi u fidino madaxbanaanida Somaliland, taasina waa mid u taala dhinacyada kale inay go’aan ka gaadhaan, waxaanu rumaysanahay-na nidaamka Fadaraalka Somalia, laakiin waxaanu muhiim u aragnaa in lala shaqeeyo Somaliland oo ah dawlad guulaysatay, oo Dimuquraadi ah oo dadkeedu si dhab ah awooda ugu igmadeen, oo yool isku mid ahna ay leeyihiin dadkii aqoonta lahaa, taasina waa mid ka maqan dalal badan oo African ah, oo dadkii lagag adkaaday ay u dhaafeen inay kuwii kale la wareegaan, mana ah inay tahay dawlad dadka ka wakiil ah, laakiin waa dawlad wax tar leh oo taageero u baahan, mana aha in taageeradaasi ay mar walba noqoto in loo aqoonsado dal madaxbanaan, laakiin se waxa uu noqon karaa in xidhiidh toos ah ay la yeelato Norway, taas oo qayb ka ah Istartajiyada guud ee aanu ka leenahay Somalia, waxaananu rajaynaynaa in Somaliland ay tusaale lagu daydo u noqon karayso dhamaanba qaybaha kale ee Somalia” Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha golah Wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Sida aad la socotaan waxa maanta Somaliland soo booqday Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Norway, siduu Wasiirk ku xigeenku sheegayna `waa Sarakii heer siyaasadeed ee ay ku yimaadaan Somaliland, inkastoo Norway ka mid ahayd wadamadii Somaliland caawinayay ilaa intii Somalilan jirtay ama si dadban ha u caawiso ama si toos ahba ha u caawiso waxay ka qayb qaadatay habkii aynu ku samaynay Dimuquraadiyada ama Mashruucii Dimuquraadiyada Somaliland, waxay ka qayb qaadatay Mashruuc kasta oo ay Somaliland EU-du ay siiso Somaliland oo ay ka mid tahay dhismaha Gurigan Baarlamaanka iyo kii horeba, waxa kale oo aad la socotaan inuu wadanka ay joogan Norwegian Refugee Council oo iyaguna Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada iyo Caafimaadka, Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland hadda caawin doonaan oo ay samay doonaan iyaga iyo dawladaha kale waxa la yidhaahdo (Trust Fan) caawimo toos ah oo Somaliland toos loogu caawinayo lacag loogu ururiyo meel dabadeedna si Somaliland loogu caawiyo, Wasiirka waxaanu uga waranay taariikhda Somaliland, waxaanu uga waranay inaanay kaalimo ka helin caalamka, waxaanu ku boorinay in horumarinta aad iyo aad looga caawiyo Somaliland si loo abuuro shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Somaliland oo aan helin Jaamacado shaqo-na aan haynin, markaa si loo jiheeyo dhalinyarada Somaliland ee sannad walba ka soo baxaysa dugsiyada sare, waxaanu in kaalmada laga caawiyo Somaliland, waxa kale oo aanu ka codsanay wadanka Norway oo siyaabaha qaarkood uga madaxbanaan dalalka kale ee Yurub inay ku dhiiradaan inay Somaliland Ictiraadkeeda iyo horumarkeeda ka shaqayso”. -
Norweigian Deputy Foreign Affairs Minister Visits Somaliland Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wafti Norwaygiyan ah oo dhawaan Booqasho ku tagay somaliland oo la sheegay inay Booqdeen Budhcad badeed ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeisa. Wararkan naga soo gaadhaya magaalada Haregeysa ee Caasimada Somaliland ayaa la sheegaya in dhowaan GNS.Wafti Norwaygiyana oo dhawaan Booqasho ku tagay somaliland ayaa waxaa ka soo baxaya warar sheegaya in ay booqasho ku tageen xabsiga dhexe ee ku yaal Magaalada hargaysa halkaa soo ay ku booqdeen budhcadbadeed xabsigaa ku xidhan, Wararkan naga soo gaadhaya magaalada Haregeysa ee Caasimada Somaliland ayaa la sheegaya in dhowaan ay halkaasi booqdeen Saraakiil ka trisan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Norway, waxeyna kormeer ku tageen xabsi ay dayactir ku sameeyeen oo ku yaal gudaha magaalada, ugana talo galeen in lagu hayo budhcad-badeeda soomaalida. Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Saraakiishan norwijiga ee xabsiga soo kormeeray uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Espen Barth Eide ayaa halkaasi kula kulmay in ka badan 70-burcad-badeed kuwaasoo Somaliland horay loogu wareejiyay, qaarna ay iyagu qab-qabteen. Dowladd Norway ayaa sanadkiiba ugu talo gashay Soomaaliya caawimaad ahaan 250 milyan oo lacagta norwijiga ah, waxaana 80-milyan oo lacagtaasi ah la siiyaa Xukuumada Somaliland iyadoo loo mariyo Qaramada Midoobay. Booqashada dowladda Norway ee Hargeysa ayaa kusoo beegmeysa xilli uu milkiile maraakiib ku leh dalka Norway uu soo jeediyay in budhcad-badeeda soomaalida lagu dilo isla goobta lagu qabto si ay howlaha budhcad-badeednimo u yadhaadaan, waxaana arrintani ay ka dhex dhalisay dalka Norway doodo adag, iyadoo lagu eedeeyay Milkilahaasi cunsurinimo fogaatay kiiyoo kacabsi qaba in maruun ay haleelidoon maraakiibta uu leeyahay ninkaa norwaygia ah budhcadbadeedu. -
Garowe authorities arrest ssc defence rebel leader
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Taleexi;696146 wrote: The said man is free and strolling on the boulevards of Galkacayo as we speak off. baritoole uun yaan adeero la xidhin:D -
General Duke;696279 wrote: No wonder you was screaming and shouting old Xaji. Puntland & Galmudug have rattled the secessionist by the announcement, imagine what Siilanyu and Co will do when the meeting kicks of? What can two clan states achieve i mean you still have Alshabaab sitting in Mogadisho. As for Somaliland it's just making things clear for the koonfurians if you want to organize a peace reconciliation conference for your country then do it, but it simply does not concern us. So don't invite us thats all good luck
-
Let us get some preliminaries out of the way. These days it is very common to present democracy as a value of western civilization and proselytize it as such. Some of us, therefore, reject it and thereby throw the baby out with the bath water. On the contrary, democracy is a human experimentation and arises out of the human condition. Thus while its forms and expressions may vary according to time and place the essential content points to the same need of justice and participation in decision-making. We have seen how our nomadic culture had an essential democratic content. The same is true of sedentary African traditions. We must remember that the phenomenon of a single all powerful dictator relying on military or a one-party machine is a post-colonial product. The typical African chief could ignore the advice of the tribal council only at his own peril. Moreover, there is the other tendency of juxtaposing Islam and democracy as opposing tenants. We Muslims know better. We know that the achievement of justice (Al-‘Adala) and decision-making in common (shuura) are important components of Islam. Let us remember a moment in the ‘sirat’ of the prophet (peace be upon him) when the Muslims were defeated the prophet (PBUH) himself was wounded. It was a moment of frustration, confusion and despondency. The following verse of the Quran was then revealed. And by the Mercy of Allah, you dealt with them gently. And had you been sever and harsh-hearted, they would have broken away from about you; so pass over their faults and ask Allah’s Forgiveness for them; and consults them in the affairs. Then when you have taken a decision, put your trust in Allah, certainly Allah loves those who put their trust in Him.” (Al ‘Imran 159) Here we have in a nutshell the essentials of democratic governance: tolerance, magnanimity, dialogue, consistency, after the dialogue, in the rule of Law. The practical application of these principles is subject to ‘Al-Ijtihad’—which is the process of research and experimentation subject to time and place. The primary task now is to consolidate the achievements, correct the shortcomings and move foreword. The broad view is to recognize the indivisible three-dimensional nature of our democracy: Somali tradition, Islamic faith, and the requirements of a modern state. If in 1993, the swing of the pendulum shifted to the extremity of relying solely on the traditional side, we should now avoid the other extremity of unutilizing traditional leadership. The heavy cost of zigzags can be avoided with the help of foresight. That is why the election of the Guurti according to universal suffrage will be a step backward. The Guurti then will no longer be a Guurti , but a replication of the House of Representatives. The implementation of the constitutional requirement of the election of the Guurti while keeping its essence as representing traditional leadership is the critical issue before us now. This cannot be resolved through the present Guurti handling its own judgment of itself. This would be a travesty of justice. The issue should be as was our custom, resolved through debate and compromise, and then a special law passed as required by the constitution. Resolving this, however, does not mean that our road to democratic construction is completed. The meaning of democracy is not confined to the election of bodies and persons who would rule (or misrule) us for a number of years. This is only the skeleton, which we have to clothe with flesh and breathe life into it. To be effective in the long run, that is to say constant with development and freedom, our democracy has to also be participatory and transparent. To ensure this requires , in addition to the independence of the judiciary and the media, a full decentralization , internal democracy of the political parties and autonomous professional and non-governmental bodies. Let us look at some of these in turn. With major decision-making in the center leads to lopsided development. This is a curse in Third Word countries. We already see the beginning of that tendency in Somaliland with Hargeisa towering over the rest of the country. This is not the fault of the people of Hargeisa or a deliberate decision of the Central Government to favor Hargeisa. Uneven development is a systemic matter and must be fought systemically. It would be shameful if we replicate what we rebelled against. The genuine meaning of decentralization is clear: more power, decision-making and resources have to be devolved to the regions and localities. All persons holding positions of responsibility, aside from civil servants, have to be elected. This power to the regions and localities as well as their relationship with the center will have to be elaborated, after debate, in legislation. We have already taken some good steps in this direction which need to be more systemized. The political parties, whatever their number, must also be decentralized internally democratic. While each party is entitled to have its own rules, regulations and disciplinary measures, there are general matters that need to be legislated such as: membership rights, periodic elections at all levels and rules concerning them, the relationship between the center and the localities and legal procedures in case of disputes. Democracy at the party level is an essential building block of democracy at the national level at large. If members of the party are not able to elect their leaders (at all levels) freely and democratically, then national elections themselves would be tantamount to a farce. This is the responsibility of all present party activists, especially the leaders. Any party that blazes the way in this field (for we all know that this is something new to us) will not only be morally unassailable, but will be building its own future capacity to rule better. There are many other interlocking issues and factors involved in building a viable democratic society enshrined in the Islamic faith such as the role of economic organizations, professional and other autonomous bodies, morality, and education. These matters as well as foreign relations are not discussed here. Time and space do not allow me to do so. I hope others will. I simply concentrated on the dynamics of internal political development. It is clear that we are at a critical juncture. We have made good progress, despite some setbacks and gained a lot of experience. But, there is still a long way to go and many tasks ahead. I have tried to show what some of these tasks are within the context of our history, culture and faith. The reconciliation, peace and stability, of which we are so proud can be in danger unless they are continuously nurtured and made permanent. This will be difficult if we are unable to deliver the goods in terms of good governance and development. I am confident that with perseverance, tolerance and cooperation, success will be ours. And we have the opportunity to succeed. But if, God forbid, we fail this historical duty then future generations will have to shoulder it, for life’s struggles continue. But, then remember, history will judge us very harshly.
-
Another point which I want to underline here is the political role of the Guurti. In some discussions of this topic one gets the feeling that the Guurti suddenly mushroomed in 1992, or rose to the occasion after the so called failure of SNM to rule . Aside from the moot point whether a two-year period is sufficient enough time for judging failure or success, let me make an important reminder in history. The political role of the Guurti is one of the most fruitful experimentations of SNM. Some crucial questions presented themselves early on in the struggle: First, how to deal with the issue of clanism during the nation-building in the future; Secondly, how to spread the intended democratic practice beyond the SNM committees and its activists to the supporting population at large. We all recall that during the struggle for independence from colonial rule our clan heritage (called then tribalism) was viewed as a backward anachronism to be cleansed from the structures, laws and norms of the modern stat-to-be. How a long surviving cultural institution can be suddenly discarded while alternative substitutes performing its useful functions have not yet evolved was not asked (if understood at all). An imported political and legal superstructure was therefore superimposed on the traditional substructure, to which the people ascribed in their behavior, attitudes and loyalty. We all know what that gave birth to: a society with a split personality which again gave birth to the Siad Barre dictatorship. To avoid a repetition of such a farcical tragedy obviously required an ability to bridge the modern and traditional. I.e. utilizing the best aspects of heritage while adopting to the new. How to minimize the negative aspects of the heritage is a continuous generational struggle. Therefore SNM, representing the nucleus of a modern political institution, and clan leadership had somehow to be brought together in a formal relationship-informal cooperation at the level of the local fighting unit was a must, anyway. First steps at formal organization of the Guurti in 1983 and again in 1985(I chaired the attempt in 1985) did not prove to be permanent, primarily because the effective clan leaders were inside the country, while we were guests in Ethiopia. This gap was filled in 1988 when a substantial majority of the populations of Hargeisa, Burao and Berbera crossed the border as refugees after the destruction of those cities by the regime during the full confrontation between it and the SNM forces. In that year, the elders of the supporting population held a conference in the village of Aderrosh and autonomously organized themselves in the present form of the Guurti . From then on the Guurti Committee attended, as observers, the meetings of the Central Committee of SNM, and vice versa. Thus began the formal co-existence and co-operation of the two sides of the struggle: the modern and the traditional. Finally at the Congress of SNM in 1990 the Guurti was promulgated a constitutional body. And this was the basis of our present bicameral parliament. But, history moves in zigzags. The actual realization of the vision after Liberation took a somewhat different path. The traditional side of the duality swallowed the modern side. This appears understandable considering the infancy of the modern side, the long-rooted skill of traditional leadership in conflict resolution, and the inevitable appearance of points of conflict in a destroyed post-war society. Thirteen years ago, I argued that this dominance of the traditional side is not a sin if meets the requirement of peaceful conflict resolution. I also predicted that, since dependence on traditional leadership is only a partial solution and is not a substitute for a mature political evolution, the modern aspect of the duality will be revived in due time. That is how we arrived where we are today. We have certainly come out of the tunnel, but we are not out of the woods yet. This is therefore another occasion to roughly outline a vision that will help guide our actions in the future. Let me say clearly that there is nothing original in what follows because they represent our aspirations. Many of the following points have been made elsewhere by many others. But ,it is useful to reiterate them in a summary way at this stage of our development. That we are on the road of building a ‘democratic ‘ society is our consensus. But, what do we mean by that?
-
Beyond The Tunnel: The Democratic Practice in Somaliland and its Future ... Latest Paper Just before his death Professor: Ibrahim Maygag Samater Somaliland has been practicing democracy in various different forms for the last fifteen years. It can be said that the first phase of democratic practice in Somaliland was based on clan consensus. The different clans resident in the country selected, according to their own methodology, includes the elders who would represent them in the several national conferences that were held for different purposes such as peace and reconciliation, the political future destiny of the country, or appointing further representatives in future working bodies like the Guurti, the House of Representatives, and members of the Government. Certainly, the system in this phase was not fully democratic. All the clans were not represented. Some, like the Gabooye and other minority clans, slipped through the net without deliberate intention to block them out. Needless to say the patriarchal process totally excluded women. Even some of the clans who were represented may not have been fully satisfied with the system either because they wanted a larger share or the internal distribution of the share itself was considered unfair, and obviously the population at large had no voting rights. Yet, it could not be called a despotic system. It was not a military dictatorship ala Siad Barre. The Somali National Movement (SNM) did not behave as a one-party dictatorship, as happened with many armed liberation movements after attaining power; nor was it organized as such. The system also was not a majority clan denying others their rights, as so many have falsely accused the ***** of doing. This false accusation was exposed by the 1993 Boramo conference where the ********, who were not SNM supporters, played the honorable role of the mediating host. Despite these anomalies the system in this phase can still be described as democratic because it somehow provided a channel for public opinion to be expressed. In difficult circumstances, the people of Somaliland tapped into the traditional culture of the nomadic system-what the anthropologist I. M.Lewis called pastoral democracy. Most people did not see the imposition of the nomadic system on a modern state as a viable alternative in the long run. They saw it for what it was, a transitional phase. Today, we can safely say that we have passed that phase with a good grade. A constitution has been drafted, debated and approved in a referendum. Local, presidential , and parliamentary elections have taken place. These elections were not without their faults and defects whether in the planning or execution stages. But, considering our conditions: meager resources, a country whose cities, physical and social infrastructure had been destroyed by a protracted war; a sizeable section of the educated able young people spread abroad in the Diaspora; and just emerging from the most recent armed civil conflict. Considering these conditions, we have indeed done well. Many countries, which did not suffer these traumas, and which receive more assistance than we do, are unable to accomplish as much. This has been attested to by objective foreign observers. But, this is no reason to rest on our laurels. This second phase is also transitional and incomplete (I will have more to say about the Guurti later on). Some of us maybe as proud of these achievements as to forget the shortcomings and dangers ahead. Others may brood on the defects to the point of gloomy hopelessness. Both these tendencies have to be avoided. The glass is both half-empty and half-full. What is required is a sober summing up of our situation: where we are, how we arrived here, and a vision of the f untrue we hope for, and how to get there. This is a task facing us all, collectively and individually. Allow me to make my modest contribution to that endeavor. One relevant question is why was it possible for the people of Somaliland to reconcile, lick their wounds and go forward while the brothers in Somalia got enmeshed in a vicious cycle of unending fratricide? I do not claim to have satisfactory answers. Several points, however, come to mind. For one thing the dominance of foreign players in the affairs of Somalia, and the lack of it in Somaliland, could be a factor. How many foreign players have an axe to grind and are totally altruistic? It is an ABC of politics that every power primarily pursues its own interest. Diplomatic arrangements, agreements and political solutions are in a sense, the result of these interactive interests. But, when foreign players do not have a national entity, no matter how poorly organized , as their bargaining counterpart, but instead are facing a melee of factions, clans, warlords (call them what you will) competing for their favor, it is difficult to see a viable national solution as a result of such a process. Even the UN has its own implicitly built-in bureaucratic agenda that has to be confronted by an entity representing the national interest. In such exceptional circumstance the absence of foreign players, at least for a short while, is a blessing. Secondly, the different colonial experiences may have some relevance. Every colonial experience has a stunting effect on the psyche, personality and structure of the colonized society. But, there may be a difference of degree and not of kind here. The tendency of British imperialism to employ what it called indirect rule may have had a different effect on the structure of society from the practice of Italian fascism. There is no doubt that the employment of community elders by the colonial authorities as tool of their rule had a distorting nature. Yet, we can now see with hindsight, the co-opted elders not only kept some semblance of their leadership, but also formed buffer strata between the colonial authorities and their people. It was through their mediation that the colonial authorities could gauge the impact of their intended laws and measure on the society-and the level of acceptance or resistance-and therefore had an opportunity to modify such rules and measures. In that role the elders performed some protection-no matter how partial-for their people, their culture, religion and their way of doing things. That is why the later emergent groups in urban areas-such as businessmen, school graduates, and politicians-could not totally replace the moral authority of the traditional clan elders. Contrast this with the practice of Italian fascism-and the later Italian rule under the UN Trusteeship which ignored and undermined the traditional leadership. Is it any wonder that, after the failure of the post-colonial state, the people of Somaliland had something to fall back on while those in Somalia ran amok? Finally, and I think this is the most important, the third factor accounting for the difference is the experience gained by SNM during the liberation struggle. Thirteen years ago, I presented a paper at a Somali Studies Association entitled “Light at the End of the Tunnel: Some Reflections on the Experience of the Somali National Movement.” Without repeating what I said then, let me emphasize a few points relevant to our discussion here. I predicted then that Somaliland will with some ups and downs of course, accomplish the tasks of reconciliation, reconstruction and the movement forward toward democratic governance. The basis of my argument was that the qualities required for the accomplishment of such tasks namely compromise through dialogue, power-sharing, self-reliance and resilience during adversity-had already been tested and practiced by the SNM during the liberation struggle. It was a matter of extending the gained experience to the level of Somaliland. We, in SNM, have been accused on various occasions by both some supporters and opponents of just riding the wave of the armed struggle without a guiding vision. I must admit that I never understood that accusation. Were the accusers looking for some kind of ideological brand or so-called charismatic leadership shining over the rest of the movement? Were thy disappointed by the apparent weak discipline among the ranks and the porous nature of SNM? Let me remind you, lest it is forgotten, that we were struggling for a democratic rule against a venal dictatorship and the ********* of so-called charismatic leadership. The regime has imposed a borrowed ideology on the people and we had no intention of repeating that suffocating terror. The weak discipline itself was the price one has to pay for democratic dialogue. All decisions-from top to bottom and in the branches abroad-were made according to the rules of democratic discussion and majority voting. Hence the porous nature of our organization. Imagine the situation if a movement with a particular ideology and ruling with an iron first took power in Somaliland in 1991. The result would have been one of two situations: either SNM imposing its own kind of dictatorship, or in case we failed to do so, a free-for-all chaotic conflict as happened in the South (Somalia). I am glad to say that we knew better.
-
Somaliland Oo Jawaab Ka BixisayHadal Ka Soo Yeedhay Puntland Iyo Gal-mudug Ee Somalia February 19th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay Jimcihii shalay madaxda labada maamul goboleed ee dalka Somalia eek ala ah Puntland iyo Gal-mudug, kuwaasi oo sheegay inay Soomaalida u qabanayaan shir dib u heshiisiin ah oo Somaliland-na ka soo qeyb gali doonto. Xukuumadda Somaliland waxay mowqifkeeda ku faah faahisay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay qasriga Madaxtooyada Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse, waxaanu yidhi “Waxaan shirkan jaraa’id u qabanaynaa inaanu ka jawaab ka bixino hadal ay warbaahinta qaarkeed baahisay oo maamul goboleedyada Puntland iyo Gal-mudug ay ku sheegeen inay heshiiyeen oo ay heshiiskooda ka mid tahay inay shir u qabtaan Soomaaliya oo Somaliland-na ka mid tahay. Xukuumadda Somaliland iyo qaranka Somaliland ma aha markii koowaad ama tobnaad ee ay mowqifkeeda si cad u sheegto. Iyaguna ma aha kuwo moog inay Somaliland qaran jira tahay oo go’aansaday inay madaxbaanidooda kala soo noqdaan dalkii Soomaaliya si ay noqdaan qaran madax banaan. Somaliland waxay leedahay tilmaamihii qaran lahaan jiray wax Soomaaliya ka khuseeyaana aanu jirin.” “Waxaanu ku cel-celinaynaa in dawlada iyo qaranka Somaliland ay ixtiraamayaan deganaanshaha iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqada iyo jaarnimo wanaag lagu wada noolaado, idinku waxaad tihiin maamul goboleedyo ka tirsan dalka Soomaaliya markaa haddii aad heshiinaysaan iyo haddii aad nabad gaadhaysaan anaga nooma taalo., waa wax meel ka dhac ah inaad tidhaahdaan waxaanu qabanaynaa shir Somaliland ka soo qeyb galayso,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada. Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyadu wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee dalka maanta ku soo laabtay uu wax badan ka soo qabtay siyaasada dibada ee Somaliland, Afhayeenku wuxuu xusay In Xoghayaha Iskaashiga caalamiga ah ee Ingiriisku uu u soo qoray madaxweyne Siilaanyo qoraal, waxaanu tilmaamay in nuxurka qoraalkaasi Madaxweynaha Somaliland lagu bogaadiyay sida ay Somaliland u soo ajiibtay shirkii Wilton Park ee lagu qabtay dalka Ingiriiska. Afhayeenku wuxuu sheegay in Xoghayuhu uu ku sheegay in Somaliland shirkaasi caalamka u iftiimisay wax badan. Cabdilaahi Cukuse waxa kale oo uu sheegay in Xoghayuhu ku sheegay dhambaalkiisa in sanadkan dawlada Ingiriisku dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ay ugu deeqday 250 Milyan oo Gini, halka 80 Malyan oo Gini loogu tallo galay arrimaha bini’aaminimada, 170-ka Malyan ee kale 60% waxa loogu deeqay Somaliland.
-
Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadalo Ka Soo Yeedhay Maamu-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, Digniina U Jeedisay Cida Ku Hawlan Hurinta Shaqaaqada Ka Taagan Kalshaale. Hargeysa (Ramaas) Feb. 19, 2011- Xukumada Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay maamul-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug oo sheegay inay u qabayanayaan shir dib u heshiisiineed kooxaha ku hirdamaya gacan ku haynta siyaasada Somaliya, isla markaana ay Somaliland qayb ka tahay cida shirkaas loo qabanayo. Xukumada, ayaa sheegtay in aanay Somaliland shirkaasi wax khuseeya aanu ahayn, isla markaana aanay ka mid ahayn kooxaha ku dagaalamaya Somaliya. Hase yeeshee ay tahay dal madaxbanaan oo qadiyada gooni isu taageedana ay 97% go’aamiyeen shacabkeedu. Waxa hadalkan ka soo yeedhay labada maamul gobolleed ee Puntland iyo Galmudug si kulul uga jawaabay Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir [Cukuuse] oo ku hadlayey afka xukumada Somaliland, isagoo la hadlaya labada maamul mar uu galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada magaalada Hargeysa, waxaa uu yidhi “Waxaan halkan kala hadlayaa maamul-gobolleedka Puntland iyo nimanka la yidhaahdo Galmudug oo inta ay shireen iyagu yidhi waanu heshiinay, Somali-na shir baanu u qabanaynaa Somaliland waa ka mid yidhi dadkaa ay shirka u qabanayaan.” Md Cukuuse, isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku sii daray “Angu annaga oo ixtiraamayna Somalinimada iyo darisnimada, waxaanu leenahay waa laga wanaagsan yahay daandaansiga iyo farafaraynta, annaga [JSL] waa ogtihiin dal madaxbanaan banau nahay, umad jirta oo qadiyadeedii gacanta ku haysata baanu nahay JSL baanu nahay idinkuna waxan aad shirarka u qabanaysaan ee aad ku heshiinaysaane ama aad ku heshiini waayeysaan waa jamhuuriyada Somaliya. Maaha inaynu mar kasta isku khaladno labada jamhuuriyadood ee SL iyo Somaliya, waxaanu idiin sheegaynaa in aanu nahay dal madaxbanaan oo distuur leh oo distuurkiisa ay u codeeyeen 97%, qadiyadana 97%-kaas ayaa u codeeyey, markaa waxaanu idiin leenahay walaalayaal aynu kala xishoono oo maalin walba inaga oo dad darisa ah farafaraynta noocan oo kale ah aynu is kula wareegno maaha.” Afhayeenka Madaxtooyadu, waxa uu sheegay in aanay marnaba Somaliland ka qaybgalayn shir dib u heshiineed oo loo qaybtay kooxaha ku hirdamaya awooda dalka Somaliya, isagoo shirkii magaalada London-na sheegay mid ay Somaliland beesha caalamka ugu soo bandhigaysay qadiyadeed, isla markaana ay kaga qaybgaleen casuumad rasmi ah oo ay ka heleen dalka Ingiriiska, waxaanu yidhi “shirkaa waanu ka qaybgalnay waxaana si toos ah noogu soo marti qaaday dawlada Ingiriiska, waxaanu nahay dawlad 20 sannadood jirtay, waxaanu nahay dawlad markii hore ka mid ahaan jirtay Somaliya, waxaanu nahay dawlad madaxbanaanideedii la soo noqotay, waxaanu nahay dawlad waayo aragnimo badan lagaga da’yan karo, waxaanu nahay dadka ugu dhow ee dariska la ah Somaliya, dawlada Ingiriiska iyo beesha caalamka ee shirkaa ka soo qaybgalay waxa ay doorbideen in aanu talo ka bixin karno sida iyaga wax looga qaban karayo qadiyadooda, anagana waxa fursad noo ahayd in aanu qadiyadayadana ku soo bandhigno caalamka si aanu gacan waydiisano sidii aanu iskaga moosi lahayd dhibaatada had iyo jeer nagaga imanaysa iyo nabadgalyo darrada ka soo fatahaysa dhinaca Somaliya. Shir dib u heshiineed marnaba Somaliland kama qaybgalayso qadiyada iyo madaxbanaanida dalkana waxa iska leh shacabkiisa oo go’aansaday madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland-na waa biyo kama dhibcaan.” Ugu dambayntii isagoo afhayeenku ka hadlaya shaqaaqada deegaanka Kalshaale ka taagan waxaa uu yidhi “Arinta Kalshaale waa sideedii walaahi waxa ay ku xasiloon tahay waa dulqaad xagayga ah, xagoodana waanu ugu yeedhaynaa waxaanu leenahay walaalayaal waxba ma tarayso farafaraynta aad nugu haysaan wax alle wax ay idiin kordhinaysaa ma jirto annagana dhibaato mooyee wax ay noo leedahay ma jirto, waxaanu ka codsanaynaa oo aanu waydiisanaynaa waliba annaga oo itaal iyo awoodba leh oo leenahay waxaanu jecelnahay mandaqada iyo gobolkuba isagoo nabada hadii laga maarmi waayana qadiyadayada waanu dufaacaynaa.” ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
-
Grand National Conference in Somalia Moving the capital-
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Miiskin saaxib i think waxa la heshisinaya galmudug puntland ximan iyo xeeb ahlu suna waljamaca to form once force against Alshabaab something like that. -
Cali Mareykan "25 Tikniko Ah Ayaa La Diyaariyey Oo Nidhi Madaxtooyada Garoowe Garaaca"- (Maqal)- Lasanod Online Friday, February 18, 2011 Galkacyo,(Lasanod Online)- Waxaa Maalintii Shalay Garoonka Diyaaradaha Galkacyo Lagu qabtay Xoghayihii Difaaca SSC, Yaasiin Cali Tamaad.. Hadaba Sida ay wax u dhaceen waxaa nooga waramaya Cali Mareykan oo kamid ah masuuliyiinta SSC-da oo xiligan ku sugan magaalada Galkacyo, islamarkaana kamid ahaa ragii sugayay soo dhawaynynta xoghayaha difaaca SSC . Wariyaha Lasanod Online ee Gobolka Sool ayaa isla shalay la xidhiidhay si aanu wax oga waydiino xadhiga lagula kacay Col.Tamaad. Cali oo Ka hadlaya Xadhiga Tamaadna waxaa hadaladiisii kamid ahaa: "25 tikniko ah baa la diyaariyay Oo 10-na laga diyaariyay tukaraq inta kalena Buuhoodle, waxaau nidhi garoowe iyo madaxtooyada garaaca oo amarka lagu qabtay xoghayaha difaaca laga soo saaray,Waxaase nala taliyay waxgaradka gobolka mudug Oo noo balan qaaday in si deg deg ah loo sii deyn doono waana lagu guuleystay" ayuu yidhi Cali Maraykan
-
Garowe authorities arrest ssc defence rebel leader
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Puntland officials arrest SSC Terrorist Commander GALKAYO — Puntland Security personnel arrested SSC terrorist commander Yasin Ali Tamaad in the central Somali town of Galkayo where he was a transit on his way back from Mogadishu. Yasin Tamaad is in charge of the military wing of the terrorist group Sool Sanaag and Cayan (SSC) and in the recent days has verbally threatened to attack Somaliland forces when he comes back to the region. Puntland Security forces arrested Tamaad after he got off a flight from Mogadishu in which he is suspected of receiving funds and weapons from the weak Transition Federal Government of Mogadishu. He was in Mogadishu last several weeks holding talks with members of the TFG and Al Shabab in Mogadishu to solicit funds and weapons. SSC terrorist group has been battling a guerilla war with Somaliland forces in the past few months and now that the government of Puntland is not in good terms with the weak TFG government of Mogadishu, SSC is seen a threat to Puntland as well. SSC is considered a terrorist group by both Somaliland and Puntland governments. -
Garowe authorities arrest ssc defence rebel leader
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somalina haa midna wa reer togdheer midna wa somalida Ethiopia, Farmaajo wu naga dhuuntay laakin marka danbe na dhaafi mayo , ha sugi wayin,, maalindhow waxad ka akhryi doonta reuters Somali Prime minister arrested in the Break away republic of Somaliland ,catching fresh air at Cigaal international airport -
Somalina;696122 wrote: This is great for Mudug! Ceelasha wadaaga and be good neighbours. Waa wax wanaagsan. Assassination will hopefully stop and maybe the two clans will share the airport revenue (if PL is feeling generous that is). Somaliya waa la ogyahay dhibaatada taal, qofkii rabo inuu wax ka qabtana wuu ogyahay meesha uu ka bilaabaayo period! haa thats what i wanted to say ,, walaalkeen duke wuxu u haysta hadu mudug iska fadhisto isaga iyo abtigi oo ay halka dawlad meel ma gaadho ku so aasaasan inu Amiiirku iska ba ba'ayo iyo ciidamada Al shabaab, meesha plan ba lo bahanyahay a good plan waliba.