Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. A_Khadar;696762 wrote: XX, where is that ur militia is based now that is 12km from Buhodle? Or it's militry secret and u can't disclose it..ceebey tacaal. rumors are saying Ina Kaahin is dead from yesterday's fight in Maygaagle... Your militia hasn't gained no ground since begining of this invation. Sanity has to work ee guryihiin aada dadkana faraha ka qaada wax miyir qaba haduu idinku jiro. Looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool Muj Maxammad kahin killed
  2. He talked on bbc somali today so listen there Well said xaabsade
  3. ^^ And that should be a problem because ? A new era has started in 1991 but history will not be forgotten.
  4. A khadar that's what the insurgents said two weeks ago. we are now only 12 Km away from Buhoodle the plan is to fully lay siege on it there is no need to capture the city , when the insurgents flee the town to Ethiopia they will be arrested by the dds government Liyo forces of Ethiopia. When the city is free From the nabad diids, the Somaliland armed forces can just move in and protect the city from our side of the border. PS ceerigaabo is not divided its run by Somaliland since 1991
  5. it's a day to remember when the former dictatorial regime ordered the arrest of hundreds of students from Somaliland. Some were executed some were taken to prison 1982 20 february it's a day that shaped our future.
  6. Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda oo Xadhiga ka jaray Dhisme lagu Kordhinayo Garoonka Diyaaradaha Berbera. Qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay madaarka ayaa ah barxada hore ee terminaalada soo dagayaasha Wasiirka wasaarada duulista hawda soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa manta xadhiga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay madaarka ay diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Berbera oo baryahanba dhisme cusubi ka socday Qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay madaarka ayaa ah barxada hore ee terminaalada soo dagayaasha iyo dhoofayaasha ooh ore u ahaan jirtay meel banana oo ciida ayaa imika laga dhigay marmar aad uqurux badan oo si heer sare ah looga shaqeeyay waxaana manta xafladii furitaanka ee qeybtaa cusubxadhiga lagaga jarayay ka soo qeyb galay madaxda heer Gobol iyo heer Degmo ee gobolka saaxil iyo waliba madaxda laamaha dawlada ee Gobolka saaxil iyo marti sharaf kale oo fara badan waxa aan iyana meesha ka maqneyn shirkada dhismahan fulisay eeAmal waxaana ugu horeyn furitaankii xaflada furay maamulaha madaarka Berbera Axmed Maxamed Cawaale oo isagu aad ugu nuuxnuuxsaday waxqabadka uu muujiyay wasiirka wasaarada uu ka tirsan yahay ee Duulista iyo hawada maxamuud Xaashi Cabdi oo uu ku tilmaamay nin udhabar adaygay sidii uu wax uqaban lahaa una horumarin lahaa madaarada soomaaliland waxaana hadaladiisii kamid ahaa”waxa ii sharafa aniga oo ah maamulihii madaarkan Berbera manta in aan wasiirkaygii kala qeyb qaadanayo furitaanka qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay bilicda madaarkan berbera oo aad wada garaneysaan sidii ay ahaan jirtay imikana quruxdeed dadka madaarka ka soo dagaa ubogayaan waxaana waxqabadkaa ku amaanan wasiirkayga sida weyn ugu hawl galay sidii uu umuujin lahaa waxqabad muuqda kana midha dhaliyay. Waxa isna hadalo kooban halkaa ka yidhi Duqa Degmada Berbera Cabdalle Maxamed Carab(Sandheere)run ahaantii waxay noo tahay manta maalin qiime weyn le iyada oo aanu manta ka qeyb qaadanayno furitaanka qeybihii lagu horu marinaayay madaarkan caalamiga ah ee Berbera qeyb kamida oo dhameystiran oo uu furayo wasiirka duulista iyo hawda soomaaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanan umalaynayaa qofkii bishii hore ka soo dagay hadii uu noqodkiisa halkan soo maro aanu garneyn oo uu isweydiinayo ma madaarkii berberaa mise waa midkale oo imika la sameeyay aniga qudhayda waxa halkan iigu danbeysay madaarkan laba wig ka hor imika markaan soo galayayna waaban garanwaayay qofka debeda kayimina igaba sii daran ayaan umalaynayaa runtii waxaa aad arkaysaana waxa uhawl galay wasiirka duulista iyo hawada soomaaliland Maxamuud xashi waanan uga mahad celinayaa waxqabadkaa uu muujiyay mudada yare e uu xilka hayay waxa intaa dheer maalinta jimcaha ee uu nasashada leeyahay waxa uu wasiirku yimaadaa madaarkan Berbera arintaana dadka reer Berbera inyar baa og in uu wasiirku yimaado halkan taasina waxay muujinaysaa masuuliyada iyo isbedelka dhakhsaha ah ee dhacay markaa aad iyo aad baanu ugu mahad naqeynaa Degmo ahaan anguna waxaanu jecelay in aanu la shaqeyno oo hawlahaa qeybtayada la qabano inkastoon jecelaa manta iyada oo kamaradu igu dhacda iyada oo dawlada hoose sameyneysa boqolkaa meter ee wadada isku xidha terminalka iyo Run wayga oo aanu hore ubalan qaadnay balse waxa naga gaabisay cagaftiiye qoladan saxaafada waxan leeyahay dhexda ku sii sawira anaguna intaa aanu balan qaadnay waanu dhameystiri doonaa. Waxa isna kuxigay oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)waxana hadaladiisii kamid ahaa”waxan halkan uga mahad celinayaa wasiirka wasaarada duulista iyo hawada soomaaliland oo runtii soo badhigay waxqabad muuqda oo aan la xaqiri Karin mudana in lagaga daydo Gobol ahaana waxa noo sharafa in aanu sii wadno waxqabadkii oo aanu ku eekaan boqolkii cisho oo qudha horumarintii Gobolka saaxilna wali soconayso waxbadan oo kalena la qaban doono hadii ilaahay yidhaa. Waxaana gabagabadii xaflada halkaa hadal dheer dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay wasiirka wasaarad duulista iyo hawada soomaaliland Maxamuud xaashi Cabdi waxaana hadaldiisii kamid ahaa”farxad weyn bay nootahay in ay manta isugu nimaadno xafladan aanu ku furayno qeytii labaad ee gagidan caalamiga ah ee Berbera hadaynu ku horeyno qiimaha madaarkan madaarkani waa ka ugu qiimaha badan madaarada soomaaliland iyo kuwa geeska Afrikaba waana garoon ay ka haadi karaan diyaarad kasta oo caalamka laga isticmaalo runtiina waxay aheyd in hore waxbadan looga qabto waxay aheyd in aynu ka faa.iideysano oo ay noqoto meel gobolkan iyo geeskaba anfacda ganacsi ahaana soomaaliland waxbay ka tari laheyd sumacad ahaan iyo dhaqaala ahaana wax bay katari laheyd wakhtigii ay xukumadan aan katirsanay la wareegtay xukunka ana aan la wareegay wasaaradan ee halkan imaado waxay aheyd bishii ogust/5 teedii 2010 oo xiligaa xagaa haeyd malintuna jimce aheyd waxan xasuustaa madaarku waxa uu ka koobnaa qeybtaa yar oo kaliya waxaana isugu imanaayay qeybtaa yar dadka soo dagaya iyo kuwa dhoofayaaba waxaana soo dagaayay dad badan oo qurbaha ka imanaayay oo qaarkood caruur wataan waxaaanan aad uga naxay caruurtaa yar yare e ay dadkaasi wataan iyo dhibaatooyinka ay kala kulmayeen meesha oo aad uyareyd iyo systemka loo shaqeynayay oo liitay markaa waxa waajiba masuul walbana saran oo laga rabaa inta uu xilka hayo meesha uu ka shaqeynayo in uu si wanaagsan wax uga qabto aniga ragbaa iiga horeeyay shaqada wasaaradan qaar kalena way iiga danbeyn doonaan masuliyada qarankuna waa qori isu dhiib waxaana fiican in midba ka uu kadanbeeyaa uu halkii kasii amaba qaado aniguna safarkaygaa ugu horeeyay ayaan go.aan ku qaatay intii aanan garoonkaba kabixin in aan halkan systemkeeda wax ka bedelo ilaahayna waa igu guuleeyay inkasta oo aanay dawladu aanay dhaqaale u hayn oo aanu dhaxalay deyn fara badan waxan aanu imika qabanayna anigu kaligey raganimo aan leeyahay kumaan keenin ee waxa ila shaqeeyay oo aan umahad naqayaa shaqaalaha wasaaradayda iyo kuwa madaarkan Berbera iyo waliba shirkadan dhismaha fulisay ee Amal masuuliyiinteed oo iyaga qudhoodu aan meesha manfac muuqda ka heline qeybtoodii muwaadinimo muujiyay
  7. Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay " Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og” Marxuun Xuseen Cabaase Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin inuu dhamaystirto waxbarashadiisii sare ee uu higsanayay. Xuseen waxa laga yaabaa in badan oo inaga mid ahi in aanay garanin maanta sababtuna waxay tahay taariikhdii sheegi lahayd oo aynu hilmaanay qoritaankeedii. Xuseen waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa qiyaastii lixdamaadkii, wuxuuna dusgiga quraanka (malcaamada) ka dhigtay halkaas. Dugsigiisii hoose wuxuu ka bilaabay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, ka dib markii marxuunkii dhalay Allah ha u naxariistee loo badalay gobolkaas. Dugsigisii dhexe waxa uu ka galay magaalada Muqdisho (Dusgiga Sheekh Madar), ka dibna waxa uu dhamaystay tacliinta dugsiga sannadkii 1981kii oo uu ka soo baxay Dugsiga Sare ee Banaadir. Marxuun Xuseen markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu door biday inuu ka bilaabo shaqadii qaranka halkii uu ku dhashay iyo magaalada Hargeysa oo in muddo ahba hiyigiisa ka dhex guuxaysay sidii uu ugu soo laaban lahaa. Waxaanu noqday macalin shaqo qaran ah oo ka dhiga Dugsigii Sare ee Gacan Libaax oo isla sannadkaas la furay (1981). Haddaba waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo ardaydii Xuseen ee fasalka 1aad ee dugsiga sare G/libaax, waxaanu noqday macalinkaygii Bayoolajiga. Marxuunku waxa uu kala kulmay magaalada Hargeysa dareen ka duwan kii Muqdisho ka jiray wakhtigaas, waxaana hor lahaa kacdoonkii dadka reer Somaliland sida cad ugala hor yimaadeen taliskii nacabka ahaa ee Siyaad Barre. Waa wakhtigii la xidhxidhay dhalliyaradii aqoonyahanada ahaa ee loo yaqaanay UFFO. Waxaana bilow ahaa halgankii hubeysnaa ee dagaalyahankii SNM. Maalintu waxay ahayd Sabti bisha February tahay 20, sannadkii 1982kii, waa maalin taariikhda iyo nolosha dad reer Somaliland wax wayn ka badashay oo raad weyn ku yeelatay, isla markaana ay shacbiweynaha Somaliland muujiyeen in la diidi karo yeeltii taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre. Aroorinimadaa dadka reer Hargeysa intiisa badan waxay u wada dhag taagayeen waxa ay ka yeeli doonto maxkamadii wareegi jirtay dhallintii UFFO ee la xidhxidhay. Magaalada dadku waxay u dareereen dhinaca maxkamada si ay u soo dhagaystaan dacwada been abuurka ah ee lagu soo eedeeyay nimankaa aqoonyahanada ahaa. Waxaan xasuustaa h ooyaday oo dhinacaa u sii dhaqaaqday laftigeedu aniguse waxaan tagay dugsiga maalintaas. Saacadu waa ilaa 11kii subaxnimo waxaanu ka soo noqonay sidaan u malaynayo xilligii nasashada (break time), waxa noo bilaabmatay xiisadii 4aad oo ahayd Bayoolaji. Macalinka xiisadan noo dhigayay waa marxuun Xuseen Cabaase oo aan ku xusayo qoraalkaygan maadaama uu ahaa mid ka mid ah macalimiintii i bilowday dugsiga sare. Markay xiisadu meel dhexe marayso ayaa waxa na soo gaadhay dayaanka rasaasta iyo baabuur badan oo si xawaare ah dhanka faras magaalaha uga imanaysa. Qayladii ardayda iyo sawaxankii hoonka baabuurta ayaa is qabsaday markiiba, maanka ruux kasta oo naga mid ahaana waxa ku soo dhacday tolow sidey wax u dhaceen, waayo waxaanu wada ogsooneyn in maanta ay tahay maalintii maxkamada la keenayay dhallinyaradaas dhinbiisha u noqday halgankeenii ee UFFO. Talo meel noomay oolin laakiinse haddana dareenka waanu ka sinayn, hiyigana waxaa nu ku haynay in hubka kaliya ee aanu heli karnaa yahay dhagaxa oo miskiin caawiye aanu ciyaalnimadii ula baxnay. Fasalkii oo dhami mar kaliya ayaanu albaabka boobnay, Macalin Xuseen waxa uu isku dayay inuu yidhaa jooga laakiinse Allah ha u naxariistee isaga laftiisa ayaa dareenka nala wadaagayay. Dusgiga ardaydii ku jirtayna intooda badani waabay naga siiii horeysay oo dhinacaa iyo badhtamaha magaalada ayaanu u dhaqaaqnay si aanu ugala qayb qaadano ardayda iyo dadweynaha kale kacdoonka lagaga soo horjeeday xadhigii xaq darada ah ee lagula kacay qaar ka mid ah macalimiintayadii, aqoonyahano iyo dhakhtaradii magaalada qaar ka mid ah oo aniga shakhsiyan qalniin igu sameeyay dhawr bilood ka hor, kuwaas oo aan xasuusto sida ay naftayda u badbaadiyeen ee goor fiidnimo ah oo danbe iyagoo shaqada aan ku jirin haddana go'aansaday in ay qalniinkan igu sameeyaan. Daryanka rasaaska iyo dayaankeeda ayaa is qabsaday oo wixii rasaas dhacday malaha ruux nooli magaalada kuma hadhin ayuu is odhanayay ninkii joogay. Maalintaas dadka intii wax noqotay ama la xidhay la isma tabin oo intii is ag joogtay ayuun baa iska war haysay. Nasiib darro, Marxuun Xuseen Cabaase waxa isla dharaartaa gacanta bidix kaga dhacday xabadihii askartu ay sida arxan darida ah ugu ridayeen dadka, waxayna xabadu ku haleeshay meel aan ka dheerayn dugsigii uu macalinka ka ahaa ee G/libaax, waa waddada xero jaadka sida aan u malaynayo. Dhaawacaas ka dib waxa loola cararay dhanka Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loogu daweeyo, inkastoo shaqaalaha caafimaadku aanay yaraysan intii kartidooda ah in ay daaweeyaan marxuunka. Haddana waxa nasiib darro noqotay in ay cisbitaalka ka dhex ugaadhsanyeen dadkii ku soo dhaawacmay dhagaxtuurka askartii magacyada badnayd ee loo samaystay cabadhunta shacbiga sida Hangashta, NSS iyo kuwii Dhabarjabinta ee magaca xumaa. Marxuunka waxa dhakhtarka ugu yimid ciidamadaas qaar ka mid ah oo shaqaalihi i caafimaadka amray in ay gabi ahaanba ka joojiyaan daaweyntii Xuseen (Allah ha u naxariistee). Mid ka mid ah ardaydii ku booqatay marxuunka oo aan ka wareystay bal siduu ahaa markay dhakhtarka ugu tageen ayaa isagoo aad u murugaysay igu yidhi waxaan xasuusta wali waardhkii uu yaallay wuxuuna noo sheegay in xataa dhaymihiii ay ka tureen qolo Dhabarjabinta ahayd oo u sheegtay in ay danbi baadhayaal yihiin. Marxuunku waxa ka mid ahaa ereyadii uu ku yidhi ardaydaas dhakhtarka ugu tagtay Allah ha u naxariistee “Meel kulul ayay i dhigeen oo dheymihiina way iga joojiyeen, sayloonkii way iga tureen, gacantii waataa oo dirxi ayaa iga galay eegi kari maysaan si aanu u sii noolaanba Illaahay ayaa og”. Allah ha naxariistee Xuseen sagaal cisho oo rafaad, xanuun, dhibaato iyo cago-jugleyn ah ka dib ayuu u geeriyooday dhaawacaa fudud ee gacanta bidix ka soo gaadhay oo haddaan nafta lagu silcin si dhib yar looga daaweyn lahaa. Xuseen Allah ha u naxariistee waxa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo 17sanno markaa jiray, soona dhamaystay uun tacliinta dugsiga sare oo madi ah, hooyadii waxay umul aroortay isagoo 10jir ah. Aabbihiina waxa uu ka mid ahaa geesiyaashii saraakiisha ciidanka ahaa ee naftooda u huray dagaalkii xabashida iyo Soomaalida ee 1977. Waxa uu la dhashay marxuunku lix hablood oo 5 ka mid ahi degan yihiin dalkan Ingiriiska halka inanta kale ku nooshahay Somaliland. Marxuunku wuxuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo bashaasha dadkana aanay is diidin oo macaan, isla markaana ardaydu ay aad u jeclayd oo magac ku lahaa dugsiga dhexdiisa. Haddaba inkastoo wixii Illaahay qadaray an ciddina oofin karayn haddana sida ay ula dhaqmeen ciidamadii taliskii cadowga ahaa ee ******tu isaga iyo dhigiisuba waxay qayb ka tahay taariikhda dayacan ee duuga ah, taas oo dadka reer Somaliland u taalla maanta in ay wax ku qaataan oo xafidaan si aan baritoole dadka kale been uga sheegin ama ugu gabraaran oo aanay guullahooda u afduubin. Waxaana hubaal ah in ay haddii aynu qorno taariiikhda oo derisno aynu kaga badbaadi karno mashaakilaad badan oo qaarkood wakhtigan xaadirka ahba ina haystaan. Taariikhda maalintaas iyo wixii dhacay oo faahfaahsan qoraalka kaliya ee laga hayaa waa buug cusub oo dhawaan uu qoray mid ka mid ah ardaydii dugsiyada ee wakhtigaas, kaas oo markii aan akhriyay igu baraarujiyay in aan baadi doono taariikhda macalinkaygii Allah ha u naxariistee. Buuggana waxa uu si waadix ah uga sheekaynaya dhacdadii UFFO iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ee ka bilaabmay Hargeisa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland 1982kii (A note on my teachers group: news report on an injustice.). Illaahay naxariistii janno haka waraabiyo marxuun Xuseen Cabaase iyo intii la midka ahayd ee ku shahiiday kacdoonkii dadka reer Somaliland kala hor yimaadeen Askartii cadowga ahayd ee u adeegaysay taliskii Muqdisho. Maanta inteena noolna waxa la gudboon in aynu wax ku qaadano dhibtii iyo rafaadkii aynu u soo marnay soo dhicinta Maandeeq oo aynu ka waantowno wixii aynu isku seegnay nidaamadii tallada Jamhuuriyadii Soomaalida iskaga danbeeyay oo ay kow ka ahayd cadaalad darida iyo sinaan la'aantii jirtay.
  8. I know what i am talking about , doese faroole? Kulaha dadkayagi bala xasuuqay dadkee?
  9. and parts of Buhoodle is even in Ethiopia So we can say Somaliland is a peaceful country
  10. Somaliland is a peaceful country i stand my point Seylac is peaceful borama is peaceful gabiley is peaceful arabsiyo is peaceful Hargeysa is peaceful berbera is peaceful burco is peaceful oodweyne is peaceful salaxlay is peaceful ceerigabo is peaceful badhan is peaceful dhahar is peaceful qurilugud is peaceful laascanood is peaceful xudun is peaceful , the only place were the insurgents try destabilize the region is the southern section of the buhoodle district.
  11. Che -Guevara;696557 wrote: Xaaji..Waxaad labaatan sano fahmi weedey hada fahmeysid. It will be waste of time and energy explaining it to you. Come on i am curious now Anigu fahankeygu aad bu u sareya 20 sannoh anigu nabad baan ka shaqeyneye,, laakin Mr farooole he is the one who is declaring war against a peaceful country but we shall see
  12. Saalax;696546 wrote: The Zack and who are raga xooga ku haysta? lol it seems you have been fed propagenda. The city is in the hands of the natives and they are happy with Somaliland. mala dadkan ba xoog lugu haysta
  13. ^^ wa kow and what has befallen on the Somali people bal ino yara faah faahi taas che
  14. Che i never pretend Xaaji is the realest , unlike faroole who utters some empty threats
  15. Che dee it can be a guri SNM ,the SNM were the host as the SNM held a peace reconciliation conference in the early 90s in ceerigaabo similar to the one of burco inviting all the people from Maakhir and sool. to discuss peace and stability. Somalina Nassir is a resident to his sultan took part of the ceerigabo peace reconcilation conference hosted by the SNM;)
  16. salaax maba oga zack ceerigabo inu guri SNM yahay oo 1991 la xoreyey lol
  17. shacabka may u tudhan both alshabaab and Amisom should stop fighting in civilian populated areas
  18. Somaliland basically surrounded Buhoodle and cleaned the last insurgents From the buhoodle district just today , Somaliland captured laascanood in 2007 and we still did not hear from the Pirate state after 4 years. other then emotional outburst From Faroole today , I say Bring it on are you ready dukey
  19. So Mr sakin wants to run for president;) what's the response From Sh dalxiis and Mr cheese? But if the mandate of the TFG Is running out in august. They should organize elections this TFG was not that succesful so there should be another alternative