Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Taleexi if i am not Somali who is ? lol
  2. Laakin an ku sheego Somalidu wa ogyihin ciladu halkay joogto iyo colaadu iyo dhibaatadu laakin runta isku ma sheegan , Somalidu, as people marka maqaaxi la joogo marka aroos la joogo marka la kaftamayo wa dad isku qalbi furan , laakin mar alaale marka ay noqoto, Siyasad bu ninkasta shaadhkisa so gashada dhibaatadu na halkasey ka imanaysa, run ahaanti in colaad la huriyo maha shay wanaagsan sabab hooyo ba ku goblamaysa walaal ba walaal wayaya, colaaadana waxase la joojin kara markasta ba wada hadal , aynu wada hadalno wa micne aynu wada heshino.
  3. Somalina hubka meelkasta wu ka imada beryahan,, waxaynu ognahay xiliyadi 90yadi warlordyadu Ethiopia u kala dhuman jireen hub ka so qadan jireen markasey isku dili jireen, Qolada alshabaab waxa lugu tuhunsanyahay inay hub ka hesho Eritrea iyo dawlada kale, oo aan la shaacin , Ahlusuna waxay ka hesha Ethiopia.. Puntland waxay la heshisay shirkado calooshe us haqeystayal ah , xita yaman hub wa ka helan iyo Ethiopi aba . Somaliland 90yadi hubka ukrain bay ka so ibsan jirtay Jabuuti na dawlad rayaale ka heli jirtay bay dad ku tuhunsanyihin... sscidu ,, iyagu hubk aay puntland iyo Somaliland kala so goostaan bay isku geyaan , and the funny thing is wixi Somalia la isku odhan jiray jamhuuriyadi 1991 burburtay waxa saraan cuna qabatayn dhanka hubka
  4. Taleexi;697115 wrote: Sadly Somalis are determined to be among endangered species no matter what. In my opinion, hybrid effort is necessary for bringing Somalia to stand on her feet once more. Foreign interference is a must but much of its success rests on our shoulders. Somalis said; no to Socialism, no to clan domination, no to Islam, yes to hell and yes to anarchy. But you support an infamous rebel group that is against peace
  5. maaday warka ugu danbeysa eeh Amiirka bal igu taabo
  6. Safiirro iyo Saraakiil ka Socda Dalalka IGAD iyo Deeqbixiyaasha oo Maanta ku soo Fool Leh Somaliland Tuesday, 22 February 2011 Beryahan ba waxa ka socday Hotel Maan-Soor shirar iyo aqoon isweydaarsiyo ay ku bahoobeen IGAD iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Shirarkaas oo lagu diyaarinayo qorsho horumarineed oo Somaliland ka hirgala kana qaybqaataan IGAD iyo dalalka la shaqeeya IGAD ee loo yaqaan International Partners Froum oo ka kooban dhawr iyo toban Dal oo u badan Dalalka Reer Galbeedka Deeqdana u fidiya Mashaariicda horumarineed ee Dalaka Geeska Afrika. IPF iyo IGAD waxay marar badan isugu yimaadaan shirar wada tashi. Hadaba siday Waaheen ku war heshay waxa Dalka ku soo fool leh Saraakiil iyo Safiiro ka socda Dalalka IGAD ee Geeska Afrika iyo Dalalka IPF. Kuwaas oo la filayo inay wadahadal ka yeeshaan qorshaha ka soo baxay aqoon isweydaarsigii beryahanba ka so cday Somaliland ee ay daadihinayeen Saraakiil IGAD ka socota oo xaruntoodu tahay Djibouti iyo Wasaaradda Qorshaha Qaranka ee JSL. Shirarkaas oo in muddo ahba socday. In kasta oo IGAD in badan jirtay, lama hayo tilmaamo badan waxay dhab ahaan ku guulaysteen oo muuqaal badan leh. Waxay IGAD intii dambana ku hawlanayd arrimaha dib u heshiinta. Mana ah markii u horraysay ee qorshe IGAD wadato laga unkay JSL iyada oo hore IGAD iyo UNHCR-tu ay sanadkii 1998 kula bahoobeen Somaliland qorshe aad u balaadhan oo loo maleegay mashaariic badan, balse aanay waxba ka suuragelin iyada oo lacag 3 Million o o Dollar ah lagu kharash gareeyay shirarkii iyo qoraalo laba buug ahaa oo lagu daabacay mashaariic la filayey inay ka hirgalaan Dalka oo markii dambe la iska wada iloobay meel ay cidhib iyo jaan dhigeenna aan dib loo arag.
  7. a Khadar inaga da odayga reer awdal waad soo kireysateen eh Maya yarta qarandimadu waxay tahay baan fahansanin laha waba dadax allow ku da
  8. SL maha reer Dhulka ssc na maha reer wa laba isku taxan oo ilahay isku taxay awoow sida u qaado This is Qaranka Somaliland vs Qarandiid and nabadiid. not ummad ssc ku beeraan oo ciidkasta leh.
  9. A_Khadar;697026 wrote: ;) ;) @XX, get real ninyahow meesha caruuri ma joogtee. You think ssc people is only Xaabsade.... Even others who worked for ur militia publically said nothing. No No ssc people is not only xaabsade it's the people who live in sool sanaag and cayn regions , inshallah the Buhoodle district unrest will be solved when there are no nabadids hiding inside civilian populated areas like buhoodle city
  10. The Girl behind the woman who is talking for gedo. Wa mashallah tallow ma uso geed fadhista
  11. ssc people want to be part of Somaliland lets not confuse the rebels with the ssc people here, the rebels want to hijack the name sool sanaag cayn. And inshallah they will be cleaned from the buhoodle district so that the people of buhoodle can live in dignity and peace .
  12. ^^ yeah but buuba and omaar can't visit their native land. Sifir saw the light just recently and believes in his people and country. But the likes of xaabsade cali sandule qaw dhegeyste fuaad adan cade Mahad cambaashe Mustafe galaal Garaad cabdirashid garaad ismacil. Garaad qamaan garaad cabdiqani. Abdirsisaq dawdar Mudane indho indho baasha maxamad farax iyo qaar kalo badan , can all visit their native land sool region of Somaliland and they represent the people of sool.
  13. wa kow ina xaji cumar camay ingriis bu ka sheekeynaya;) Tallow ma xaabsada ingriis noqday
  14. ^^ But xaabsade and co believe laascanood and sool is free and part of the larger Somaliland.
  15. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Oo Maanta Berbera Kaga Dhawaaqay In Dalka Imaaraadka Carabtu Uu Somaliland Ka Fulin Doono Mashaariic Horumarineed Oo Xagga Biyaha iyo Wefti Ka Socda Dalkaas Oo Booqday Berbera. Berbera (Ramaas) Feb. 21, 2011- Wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha Somaliland Dr Xuseen Cabdi Ducaalle, ayaa maanta ku dhawaaqay inay dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabtu dhawaan magaalooyinka dalka ay ka fulin doonaan mashaariic la xidhiidha xaga biyaha. Wasiirka macdanta iyo biyaha Somaliland Md Ducaale, ayaa isagu maanta hadal ka sheegay mar uu maanta saxaafada ku hadlayey magaalada Berbera oo uu ka waramayey u jeedada safar ay magaaladaas ku gaadheen wefti ka socday dalka Imaaraadka. Weftigan oo iyagu safar xaga cirka ah ku tagay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxaana si heersare ah ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta gobolka, degmada Berbera iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee xukumada Somaliland. Wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha Somaliland Dr Xuseen Cabdi Ducaalle oo isagu ugu horeyn warbaahinta la hadlay, ayaa ku sheegay u jeedada safarka ay xubnaha weftigani gobolka Saaxil ku yimaadeen uu la xidhiidho qorsheynta mashaariic horumarineed oo xaga biyaha oo laga fulin doono gobolkaas iyo meelo kale oo ka mida dalka, isagoo arintaas wasiirku ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxa ay xubnaha weftigani u socdaan sidii ay dalka iyo gobolkan Saaxil-ba uga fulin lahaayeen mashaariic horumarineed, gaar ahaan xagga biyaha, kuwaasoo aanu aad u rajaynayno inay wax weyn ka tari doonaan baahida dhinaca biyaha iyo abaaraha dalka ka jira.” Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Md Maxamuud Cali Saleebaan [Ramaax] oo sheegay inuu weftigan ku soo dhawaynayo gobolka, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay booqashadooda ay ku yimaadeen gobolka Saaxil, waxaana uu yidhi guddoomiye Ramaax “Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta in aan ku soo dhoweeyo weftigan gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera, waana uga mahadcelinayaa booqashadooda ay ku soo doorteen gobolka Saaxil.” Weftigan ka socda dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa noqonaya weftigii ugu horeeyey ee ka socda dalkaas ee yimaada gobolka Saaxil xaruntiisa Berbera, tan iyo markii ay xukumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegtay bishii July 26-keed ee sannadkii hore. Xubnaha weftiga Imaaraadka Carabta, ayaa booqasho ku soo maray intii ay maanta ku sugnaayeen magaalada Berbera goobaha ay ka mid yihiin dakeddar Berbera, burburka warshada Sibidhka iyo degmada Sheekh oo ka tirsan degmooyinka gobolka Saaxil ka kooban yahay.
  16. warkan wa war aad u wanaagsan xabbadu ha ino bilaabmato, hada xuduuda sii wacan loo sugaya
  17. Wafti Balaadhan oo ka socday imaaraadka Carabta oo maanta booqasho ku yimi Magaaladda Berbera. Waxaana soo dhaweynta waftigan ka qeyb qaatay madaxda heer gobol iyo heer Degmo Daawo Sawiradda Wafti culus oo ka socda wadanka isutaga emiratka carabta ayaa manta siweyn loogu soo dhaweeyay xarunta Gobolka saaxil ee Berbera waxaana waftigan wehelinaayay oo hogaaminaayay xubno katirsan golaha wasiirada ee soomaaliland waxaana kamid ahaa wasiiradaa Wasiirka macdanta tamarta iyo biyaha soomaaliland Xussein Cabdi Ducaale wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha C/risaaq Khaliif iyo sheekh Maxamed Aadan oo kamida gudida qaadhaan ururinta abaaraha soomaaliland. Waxaana soo dhaweynta waftigan ka qeyb qaatay madaxda heer gobol iyo heer Degmo.maareyaha dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir iyo waliba madaxda laamaha dawlada ee Gobolka saaxil Waftiga oo watay diyaarad khaasa oo garoonka caalamiga ufadhiday ilaa iyo intii ay booqashadooda dhameysanayeen iyaga oo sida la sheegay ka soo kicitimay magaalo madaxda soomaaliland oo ay soo gaadheen maalintii shalay iyaga oo kulamo la soo qaatay madaxweynaha soomaaliland ka hor intii aanay soo gaadhin magaalo madaxda Gobolka saaxil ee Berbera Waxaanay manta waftigani booqahadooda ku soo mareen Dekeda weyn ee magaalada iyo warshada sibidhka ee isla magaalada Berbera waxaanay socdaal iyana ku soo mareen Degmada sheekh ee katirsan Gobolkan saaxil halkaas oo ay booqdeen xarunta dhakhtarka ee uu dhawaanta dayactirka ku sameeyay amiirka dalka Kuwait ee qasriga balaadhana ka sameystay duleedka degmada sheekh ugu danbeyntiina waxa casuumada si heer sare ah loo soo agasimay loogu sameeyay degmada sheekh. Waftigan ayaa ujeedada socdaalkooda uu wasiirka wasaarada macdanta tamarta iyo biyaha soomaaliland Xussein Cabdi Ducaale ku sheegay in ay ka danbeysay kulamo uu dhawaan la soo qaatay shiyuukhda dawlada imiraatka carabta gaar ahaan mandaqada Dubai waxaanu sheegay in ay indha indhaynayaan waxyaabaha ay wax inagala qabanayaan oo ay ugu horeyso biyaha iyo jidadka oo dubu dhis lagu sameyn doono iyo waliba iyaga oo aanay ka maqneyn in ay maalgashi ku sameeyaan dalkeena soomaaliland isaga oo intaa wasiirku ku daray in uu kulankii uu dhawaanta la soo qaatay shiyuukhda madaqada Dubai ay balan qaado badan isla meel dhigeen iyaga oo sheegay in ay soo diri doonan wafti soo eega baahiyaha halkan ka jira rajo wanaagsana ay ka qabaan. Dhinaca kale wasiirka qorsheynta qaranka soomaaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Sheekh Maxamed Aadan oo kamida gudida abaaraha ayaa manta gudoonsiiyaya Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)lacag qdarkeed ay ku sheegeen (25000 $)shan iyo labaatan kun oo Dollaroo ay sheegeen in ay tahay qeytii loogu talagalay in wax lagaga qabto dadka ay abaaruhu saameeyeen ee nawaaxiga Gobolka Saaxil iyaga oo sheegay in ay lacagtani kamid tahay qaadhankii laga soo ururiyay muwaadiniinta reer soomaaliland balse waxa ay carabka aad ugu adkeeyeen in la gaadhsiiyo lacagta dadka loogu tala galay ee abaaruhu aafeeyeen oo aanay meel kale marin lacagtaasi waxaanu wasiirka qorsheyntu sii raaciyay in aanay intani waxba katari karin baahiyaha reer guuraaga balse ay sabaaleyn tahay oo ay wax uun qabaneyso baahida reer guraaguna aanay dhamaan hadii imika ilaahay roob shubo xitaa waxay ubaahanyihiin wax ay raashin siistaan Ugu danbeyntiina waxay waftiga iyo wasirradii horkacaayayba dib uga duuleen madaarka caalamiga ah ee Berbera abaara 3.00 pm galabnmo iyaga oo ku sii jeeda dhinaca magaalo madaxda soomaaliland halkaas oo ay kasii amba bixi doonana waftigu wakhtiyada soo socda
  18. Nabadiids are the one who refused to give peace a chance and are willing to destablize the Buhoodle district.
  19. ilahay ina ma waalo qarandidka wa in rehabilitation loo bilaaba maxaaabisti anu so qabanay wanu u bilaabayna. inshallah kheyr so duce abti
  20. Qarandiidka wala so qab qabanaya inshallah