-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Gudaha Wadanka Somalia Markale By Cali on Mar 06, 2011 Wararka naga soo gaadhaya deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb,Guriceel,Baladxaawo & meelo kale oo katirsan gobolada Hiiraan,Galguduud & Gedo oo dhawaan Dagaalo Xoogani ay ku dhexmareen Ciidamada dawlada Somalia iyo Kooxaha ka soo Horjeeda, ayaa Waxa haatan lagu soo Waramayaa in deegaankaasi soo gaadheen Ciidamo Ethopia ah oo Gudaha Somalia Mar kale soo galay. Tobonaan kamid ah gaadiidka dagaalka ciidanka Ethiopia & boqolaal kamid ah ciidamadaas oo gudaha u galayey qaarkamid ah magaalooyinka oo meelaha qaarna sida la sheegey watay gaadiid dagaal oo uu ka dhexmuuqday Taanigigu Waxan lagu soo Waramayaa in Ciidamadaasi doonayaan inay taageeraan dawlada Somalia oo haatan dagaalo Cusub ka Wado Goboladaasi Horay ayaana Ciidamada itoobiyaanka ahi u soo galeen Gudaha Wadanka Somalia Xiligaasi oo ay taageerayeen Dawladii Madaxwayne Abdilahi Yuusuf Axmed oo ka talin jirtay Qayb badan oo kamid ah Koonfurta Somalia, Waxan haatan imaanshiiyaha Ciidamadani imaanaysaa Xili dagaalo Xoogani ka socdaan Gobolada Dalka.
-
Demonstration against the Siilaanyo administration- London UK
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
Looks like these people were bored , but keep up the calacaal it keeps us going:D -
Somaliland defence Minister with delegation visits Sanaag.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Somaliland defence Minister with delegation visits Sanaag.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Weftigii Ugu Balaadhnaa Tan iyo Intii Xukuumada Cusub Oo soo Gaadhay Ceerigaabo (Sanaag.Org) Waxaa magaalada Ceerigaabo soo gaadhay weftigii ugu Balaadhnaa tan iyo intii Xukuumada cusubi jirtay Weftigan oo uu Hogaaminayey Wasiir Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami ayaa ka koobnaa Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada, Maxamud Xaashi Wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Agaasimaha Waaxda Dib udeginta Axmed Rooraaye, Kuxigeenka Agaasimaha Madbacada Qaranka iyo la taliyaha Madaxweynaha Gobolada Bari Sahal Shire. Waxa weftida si Mugle kaga hortagey Duleedka Ceergaabo Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmoba, Boqoro,Salaadiin,Cuqaal iyo Dadweyne kale oo aad u tira badan oo wata Gaadiid Fara badan. Waxa si heer qarana loogu soo Dhaweeyey Aqalka Martida Halkaaso siweyn marti qaaday waxana si wada jira ugu soo Dhaweeyey Badhasaabka Gobolka Cali Cabdi Hure Iyo Mayarka Magaalada Ceerigaabo Ismail Xaaji Nuur. Wasiir Gaashaandhiga Cadami ayaa halkaa Kalmado Mahadnaqa uga jeediyey dadweynihii sida diiran usoo dhaweeyey wuxuuna xusay soo dhawayntan Balaadhan in isaga iyo weftigiisu ka filanayeen reer Ceergaabo. Sanaag.Org -
Somaliland president opens new bridge Hargeysa Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
let's hope they can hold it longer then a week. Shacabka masaakinta marba dhinac lo qixinayo waleh wa ayaan daro -
Somaliland president opens new bridge Hargeysa Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor Dhaweyd Xadhiga ka jaray dhismaha biriijka 2-aad ee caasimada + Sawiro Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd xadhiga ka jaray dhismaha biriijka 2-aad ee caasimadda, oo uu dhismihiisu socday muddo sannado ah. Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd xadhiga ka jaray dhismaha biriijka 2-aad ee caasimadda, oo uu dhismihiisu socday muddo sannado ah. Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa Wasiirada, Mayorka Caasimada, Taliyaha ciidamada Booliska, saraakiil sarsare oo ka socota Xukuumadda iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa ka dib markii uu xadhiga ka jaray dhismaha biriijka socod ku lug ah, waxaana sacab aan kala joogsi lahayn ku soo dhaweeyay boqolaal ka mid ah dadweynaha iyo waliba ardayda wax ka barata dugsiyada oo iyagu ku labisnaa dirayskooda gaar ka ah. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhoola cadayn iyo gacmo haadis dhamaanba dadkii ku sugayay Dhismaha cusub ee Biriijka ku qaabilay, waxaana wajigiisa ka muuqatay farxad iyo rayn rayn. Ma jirto wax hadal oo uu ka jeediyay Xafladda xadhiga lagaga jarayay Biriijka, balse sida uu qorshuhu ahaa waxa ay xaflad lagu xusayay dhamaystirka Biriijka 2-aad ay ka dhacaysaa Huteel Ambsador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo la filayo in madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddiisu ay hadal kaga soo jeediyaan. Dhismaha biriijka 2-aad ee caasimadda ayaa 6-dii sanno ee ugu dambeeyay socday, waxaanay xukuumaddan cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku guulaysatay qabyo tirikiisa. Si kastaba ha ahaatee Biriijka 2-aad ayaa halbawle u ah isu socodka labada damood ee magaaladda Hargeysa iyada oo xaafadda Koonfurtu ay caqabad weyn kala kulmi jirtay wakhtiyada roobka uu jiro dooxa.
-
Somaliland defence Minister with delegation visits Sanaag.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wefti Miisaan Culus Oo Xukuummada Somaliland U Dirtay Gobolka Sanaag, Iyo Xaalada Uu Wakhtigan Ku Sugan Yahay Gobolkaasi. Hargeysa(HWN):-Wefti miisaaan culus oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland,ayaa galabta u kicitimay gobolka Sanaag,si ay u soo darsaan xaalada nabadgelyo, dhaqaale, abaareed iyo siyaasiyadeed ee uu gobolkaasi ku sugan yahay. Waxaana la sheegay inay weftigani qiimayn iyo daraasad ku soo sameyn doonaan xaalada gobolka Sanaag ku sugan-yahay wakhtigan, dhinacyada nabadgelyada, abaaraha, iyo horumarka, isla markaana waxaanay kulamo kala duduwan la yeelan doonaan masuuliyiinta gobolka iyo degmooyinka Sanaag. Waxaanay la sheegay in weftigani ay raashin deeq ah oo xukuumaddu ugu tallo-gashay abaaraha, ay ku wareejin doonaan Guddida Abaaraha ee Gobolka Sanaag, si ay ugu qaybiyaan dadka danyarta ah ee abuuruhu saameeyeen. Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Mudane. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaa xubno ka ah, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta Md. Axmed Rooraaye, Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Mr. Sahal. Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti ay abaar-baahsani ka jirto guud ahaan Somaliland, taas oo saameyn ku yeelatay dadka danyarta ah. -
There is no border between O'gaden and the rest of Ethiopia Maybe in your mind even the regional Administration in jigjiga is called dds of Ethiopia and the Ethiopian flag proudly flies next to that regional flag of yours. The day another flag flies on our soil then that of republic of Somaliland the day we don't control our seashores airspace and all our capitals. Then you can talk about that failed neighbouring state of ours and, us being the same. Inta ka sakow aga dee hadal ma jiro
-
Kamaavi that won't change your situation even if Somaliland was part of yemen we still border Somalia and Ethiopia your country
-
^^ The Map he posted says O'gaden desert:D
-
^^ Yeah the O'gadan desert is still part of Ethiopia you did not bring anything new
-
Xukuumadda oo Wefti Culus U Dirtay Gobolka Sanaag March 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland..Org) – Wefti iskugu jira wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda dhexe ee Somaliland, ayaa galabta u kicitimay gobolka ugu balaadhan dalka ee Sanaag, halkaasi oo ay soo darsi doonaan xaalada nabadgelyo, dhaqaale, abaareed iyo siyaasiyadeed ee ka jira gobokaasi. Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Mudane. Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaa xubno ka ah, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta Md. Axmed Rooraaye, Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Ergayga Madaxweynaha ee Gobolka Sanaag Mr. Sahal. “Weftigani waxa ay soo darsayaan xaalada guud ee gobolka Sanaag, waxaanay qiimayn kala duwan ku soo samaynayaan xaalada guud ee gobolkaasi ee dhinacyada nabadgelyada, abaaraha iyo horumarka, waxaanay kulamo kala duwan la yeelan doonaan mas’uuliyiinta gobolka iyo degmooyinka Sanaag,” ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo caawa khadka telefoonka aanu kula xidhiidhnay, weftiga oo xilligaasi marayay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Maareeye ku xigeenka Madbacaddu waxa kale oo uu sheegay in weftigani ay raashin deeq ah oo xukuumaddu ugu tallo-gashay abaaraha, ay ku wareejin doonaan Guddida Abaaraha ee Gobolka Sanaag, si ay ugu qaybiyaan dadka danyarta ah ee abuuruhu saameeyeen.
-
Ethiopian authorities hand over Murder suspect to Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanka ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Maxamed Xasan Nuur Oo Nin Qudha Ka Jaray, isla Markaana Baxsaday. Hargeysa(HWN):-Madaxa hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacan ku soo dhigeen gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Nuur oo horaantii bishii labaad sanadkan 2011 qudha ka jaray Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil agagaar Istaanka baabuurta Burco uga baxdo. Sidaa waxa uu Cabdilaahi fadal ku sheegay mar uu maanta gelintii danbe saxaafada ugu waramayey xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa, Madaxa hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan Ugu horeyn Cabdilaahi Fadal iimaan oo ka hadlayey sida ay u soo qabteen ninkaasi gacan ku dhiig lahaa ee baxsaday ayaa waxa uu yidhi Waxaan idinla socodsiinayaa waxa Magaalada Hargeysa ka dhacay 14 Feb 2011 dil, kaas oo ka dhacay agagaarka Istaanka Burco ay baabuurtu uga baxdo, oo uu geystay gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Nuur, waxaanu qudha ka jaray Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil, ciidanka boolisku iyaga oo adeegsanaya dadweynaha la shaqeeya iyo khibarada ay leeyihiin, markiiba waxay ******** [Ciidanku] inuu gacan ku dhiigluhu uu u talaabay dhinaca dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiTaas markii aanu ogaanay dawlada Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga[DDS] xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wuxuu suurtageliyey in gacan ku dhiiglaha lagu qabtay Magaalada Jigjiga, taas oo markii ay heleen ninkaasi gacan ku dhiiglaha ay na soo wargeliyeen. Ciidankan booliska ah ee aad halkan ku aragtaan waa ciidankii hawlgalka lagu soo qabtay gacan ku dhiiglaha ka daba tagay oo ay sidaana kala soo wareegeen Aniga oo wakiil ka ah taliyaha ciidanka qaranka Somaliland waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya ciidanka booliska Jigjiga oo gacan naga siiyey qabashada ninkan gacan ku dhiiglaha, iyada oo ay dawlada Ethiopia xidhiidh la soo sameysay Dawlada Somaliland sidaana lagu soo qabtay gacan ku dhiiglahanayuu yidhi Cabdilaahi Fadal iimaan. -
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
Xaaji Xunjuf replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Maya oba sa kama wado markan akhriye waxa ku talay meesha Maxammad Imaam Cumar (xabeeb) uun ba ka maqan -
Omar Al Mukhtar Brigade lol Mujaheedki weyna Magac wanaagsan bay ugu daran Guutada ,, Niyo ciidan fara badan beey ka keenen dhanka iyo Baydbabo
-
Ethiopian authorities hand over Murder suspect to Somaliland
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Dawlada Itoobiya Oo Somaliland U Soo Dhiibtay Gacan Ku Dhiigle Hargeysa Nin Ku Dilay March 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil, 14-kii Bishii Febarwari ee sanadkan. Kaasi oo laga soo qabtayt magaalada Jigjiga ee xarunta Kililka shanaad ee dalka Itoobiya. Hoggaanka hawl gelinta wuxuu sidaasi ku sheegay shir saxaafadeed uu galabta ku qabtay xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargerysa wuxuu u mahad celiyay dawlada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaanu yidhi “Aniga oo wakiil ka ah taliyaha Ciidanka Booliska waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya ciidanka booliska Jig-jiga oo gacan naga siiyey qabashada ninkan gacan ku dhiiglaha, iyada oo ay dawlada Ethiopia xidhiidh la soo sameysay dawlada Somaliland sidaana lagu soo qabtay ninkan.” Hoggaanka hawl gelinta ciidanka Boolisku oo faah faahin ka bixinayay hawl galkaasi wuxuu yidhi “Waxa Magaalada Hargeysa ka dhacay 14/2/ 2011 dil, kaas oo ka dhacay agagaarka Istaanka Burco ay baabuurtu uga baxdo, oo uu geystay gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Nuur, waxaanu qudha ka jaray Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil, ciidanka boolisku iyaga oo adeegsanaya dadweynaha la shaqeeya iyo khibarada ay leeyihiin, markiiba waxay ******** Ciidanku inuu gacan ku dhiigluhu uu u talaabay dhinaca dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay. Taas markii aanu ogaanay dawlada Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wuxuu suurtageliyey in gacan ku dhiiglaha lagu qabtay Magaalada Jigjiga, taas oo markii ay heleen ninkaasi gacan ku dhiiglaha ay na soo wargeliyeen -
http://www.youtube.com/watch?v=BMWVxLOmiXI&feature=player_embedded
-
Madaxweyne Siilaanyo oo ehaladii uu ka baxay Marxuum Axmed Jaamac Jeengali ka tacsiyadeeyay Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehalada iyo qaraabadii uu ka baxay alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Jangeli oo ku geeriyooday dalka Maraykanka. Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehalada iyo qaraabadii uu ka baxay alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Jangeli oo ku geeriyooday dalka Maraykanka. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). Madaxweynuhu waxa uu ilaaahay uga baryay marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehaladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, ayaa waxa uu u dhignaa sidan Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu Tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii uu ka baxay MARXUUN AMB. AXMED JAAMAC JANGELI oo ku Geeriyooday Dalka Maraykanka. Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ILAAHAY uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo Alla ha u naxariistee Marxuum Axmed Jaamac Jeengali, ayaa waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sarsare xukuumaddihii kala dambeeyay ee dalka Somalia.
-
Alshabaab forces and AmisomTFG Fighters clash in Mogadisho
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Faahin faahin kasoo baxaysa dagaal ka dhacay Muqdisho Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa faah faahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa dagaalo qaraar oo qasaaro gaystay oo maanta magaalada Muqdisho ku dhexamaray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Inta la’ogyahay 5-ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo goos goos ah oo maanta ilaa iyo saakay xaafado ku yaala degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al Shabaab. Dagaaladaan ayaa la sheegay inay bilaawdeen kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab weerar gaadmo ah ay ku qaadeen Fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Nawaaxiga taalada Siyadka, Isgoyska Dabka iyo gurigii Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ka dhacay dagaal culus oo fool ka fool ah. Saraakiisha gaadiidka gurmedka deg dega oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku mashquulsanyihiin qaadida dadkii rayidka ahaa ee wax ku noqday duqeymaha iyo dagaalada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho inkastoo aysan xaqiijin tirada dadka wax ku noqday dagaaldaasi oo ay qaadeen. Waxaa maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ay aheyd mid dagan hase ahaatee dagaalada iyo duqeymaha kooban oo maanta ka dhacay Muqdisho ay aargagax galiyeen dad faro ku tiris ah oo ku haray xaafadaha lagu dagaalamay kuwaasi oo awoodi waayay inay ka barakacaan degmooyinka ay ku noolyihiin. -
Dagaallo goos-goos ah oo Muqdisho ku dhexmaray Xarrakatul Shababa iyo DKMG ah iyo ciidanka AMISOM Jimco, 04 Maarso, 2011 (HOL) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo goos-goos ah iyo duqeymo maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo taageero ciidan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarraatul Shabaab. Dagaalladan ayaa waxay billowdeen markii xoogagga Al-shabaab ay weerarro ku ekeeyeen fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo iyo kuwa AMSIOM ay kaga sugan yihiin degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana dagaalladan ay si goos-goos ah u socdeen illaa duhurnimadii maanta. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay dhamaantood ahaa shacab ay waxyeellada kasoo gaartay madaafiic ay AMISOM ku garaacday degmooyinka ay dagaaladu ka socdeen iyo kuwa ku dhow, waxaana dadkaas ku jira caruur iyo haween. Howlwadeennada gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dhaawacyo ku dhow toban qof ka qaadeen goobo kala duwan, ayna weli ku howlan yihiin daad-gureynta dhaawacyada, iyagoo sheegay inay arkeen intii ay howsha ku jireen dad dhintay. Inkastoo ay jiraan khasaarooyin kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay ayaa haddana waxaan la hayn khasaaraha kala gaaray inta u le’eg yahay, kamana aysan hadlin labada dhinac dagaallada iyo khasaaraha kasoo kala gaaray. Dagaalladan goos-gooska ah ayaa imaanaya iyadoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay magaalada Muqdisho dagganayd, inkastoo aagagga ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhinacyadu wadaan