Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Gadood Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Buuhoodle February 24th, 2011 Buuhoodle(Somaliland.Org)- Laba Qof ayaa ku dhintay halka dhawr kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii shalay ay kooxda nabad diidka ah ee SSC ay rasaas ku fureen Boqolaal dadweyne ah oo ka gadooday markii kooxdaasi guryahooda ku weerareen masuuliyiintii dawlada Somaliland u joogay gobolka Buuhoodle.Masuuliyiinta guryahooda lagu weeraray waxa ka mid ahaa Badhasaabkii Gobolka Buuhoodle Axmed Maxamed Roodhi, Maayar Ku Xigeenkii Buuhoodle Yuusuf Cabdilaahi Hangool, Taliyihii qeybta Booliska ee gobolkaas C/Kariim Ismaaciil Dhawle iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad sugida oo la yidhaahdo Maxamed Deeq. Dadweynahan ayaa kooxdaasi ku gadooday oo shiid hadhka kaga dhigay waxaana rasaastii ay dadka ku fureen ku dhintay Gabadh uu dhalay sarkaalka la yidhaahdo Maxamed Deeq iyo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadweynihii ka cadhaysnaa falkaasina, halka ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen dhawr qof oo kale. Kooxdan nabad diidka ah waxay halkaasi ka kaxaysteen Badhasaabkii, Maayar Ku Xigeenkii iyo sarkaalka la yidhaahdo Maxamed Deeq, waxase ay wali gurigiisa ku gadaaman yihiin oo ay ku guul daraysteen inay qabtaan Taliyihii qeybta Booliska ee Buuhoodle C/Kariim Ismaaciil Dhawle. Kooxdani waxa kale oo ay weeraro iyo cago juglayn ku hayaan qof kasta oo ka mid ahaa shaqaalaha dawlada Somaliland ee ku sugan Gobolkaasi. Dhinaca kale, waxay kooxdaasi shalay ay madaafiic ku rideen fadhiisimada ciidanka qaranka ee jiida Buuhoodle inkasta oo ciidamada qaranku aanay wax jawaab ah ka bixin iyagoo u tudhayay dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi oo ay haysto abaar ba’ani
  2. caydarus;697519 wrote: somalina correction reer KALSHALE V BORAMA, HARGEYSA, BERBARA, BURCO AND SNM. There is no such thing as reer kalshaale , kalshaale is a disputed area between reer qorilugud and reer buhoodle.
  3. The Zack;697510 wrote: :D Xaaji soo adigii shalay lahaa bring it on.. Alleylahe Daraawiishtu waa niman rag ah! maya saaxib anigu bring it on kooxda budhcac badeedkan ka hadlayey
  4. Salaax there is no such thing as woqoyi galbeed any more its called maroodi jeex
  5. ^^ indeed the Mujadins Fought till the last day
  6. Waftigii ugu Tiradda ee Dalka soo Booqday oo Galabta soo gaadhay Magaaladda berbera. Waftigan ayaa soo gaadhay magaalada berbera abaara (3.00pm)galabnimo waxaana hogaaminaayay xubno katirsan Waxa manta galinkii danbe soo gaadhay xarunta Gobolka saaxil ee Berbera wafti balaadhan oo ka socda wadamada midawga yurub waxaana wehelinaayay waftiga oo la socday xoghayaha guud ee urur goboleed Igad ninka lagu magacaabo Eng.Maxbuub Macalin waftigan oo ka soo kicitimay wadanka Ethiopia caasimadiisa Adis ababa ayaa ku soo hakaday magaalo madaxda soomaaliland ee hargeysa iyaga oo halkaa kulan saacado qaatay kula yeeshay madaxweynaha soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) kadibna isla manta usoo dhaafay xarunta gobolka saaxil ee berbera. Waftigan ayaa soo gaadhay magaalada berbera abaara (3.00pm)galabnimo waxaana hogaaminaayay xubno katirsan golaha wasiirada soomaaliland waxaana kamid ahaa wasiirka wasaarada arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Dr SacadCali Shire waxaana waftiga madaarka caalamiga ah ee berbera ku qaabilay oo halkaa ugu sii diyaar ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)Duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab.maareeyaha Dekeda berbera Axmed Yusuf Dirir. Wasiirka wasaarada kaluumeysiga Cabdilaahi Jamaac Cismaan(Geeljire) oo isagu hore usii joogay berbera kana soo horeeyay waftiga iyo dhamaan madaxda laamaha dawlada eek ala duwan Waftigan ka socday midawga yurub oo ka koobnaa(20)xubnood ayaa waxa wehelinaayay xoghayaha guud ee dawlada goboleedka Igad Eng. Maxbub Maxamed oo ka soo racay xarunta dalka Ethiopia ee adiss ababa waxaanay wateen laba diyaaradood oo mid iyaga waftiga ugaar aheyd ta labaadna waxa watay xubnaha wasiirada ah ee hogaaminaayay oo uu kaw ka ahaa wasiirka wasaarada arimaha debeda soomaaliland Dr Maxamed Cabdilahi Cumar waxaanay waftigani socdaalkooda saacada qaatay ku soo mareen dekeda weyn ee magaalada berbera halkaas oo uu maareeyaha dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir uu warbixino la xidhiidha dekeda iyo adeegyadeeda uu halkaa ku siiyay waxaanu maareeyuhu waftiga uga waramay taariikhda dekeda berbera iyo adeegyada ay bulshada gobolka ku dhaqan uhayso iyo waliba waxa ay ubaahantay in lagu soo kordhiyo Wasiirka wasaarada arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo saxafada kula hadlay dekeda berbera dhexdeeda markii ay waftigu booqanayeen ayaa sheegay in waftigani yihgiin qaar wadanka ku yimi booqasho qaadaneysa hal maalin isaga oo sheegay in ay ka socdaan waftigani dhawr iyo toban dal oo ka tirsan wada mada reer galbeedka waxaana hadaladiisii kamid ahaa”waxa manta ina soo gaadhay wafti balaadhan oo ka socda wadamada reer galbeedka iyo wadamo kale oo caalamka katirsan waana safiirada wadamadaa ufadhiya adiss ababa waxaanay booqashadoodu qaadanaysaa hal maalin oo ay ku soo mareen magaalo madaxda dalka ee hargeysa iyo halka berbera waxaanay booqashadani ku timi wada shaqeynta ka Gobolka ee uu hogaaminayo urur Goboleedka Igad waxaanay xubnahani kasocdaan wadamada saaxiibka la ah urur Goboleedka Igad waxaanay waftigani dalkeena uyimaadeen in ay musaacido iyo in ay gacan ka geystaan hawlaha xaga horumarka ah eedalka socda oo ay doonayaan in ay gacan ka geystaan haday tahay dhinaca dhaqaalaha iyo haday tahay xaga horumarka tacliinta waxaananu aad iyo aad dawlad ahaan uga mahad celinaynaa wadamada saaxiibada la ah urur goboleedka Igad ee manta Safiiradoodu halkan socdaalka ku yimaadeen waxa kale oo aanu mahad ucelinaynaa xoghayaha guud ee urur Goboleedka Igad Eng. Maxbuub Maxamed oo xafiiskiisu yahay wadanka Ethiopia gaar ahaan magaalad Addiss ababa oo isaga iyo xafiiskiisa iyo haayadiisuba kaalin muuqata ka qaateen waxaanay arintani waftigu halkan ku yimi ka danbeysay safar ay dawlada soomaaliland kaga qeyb gashay shir ay qabteen urur Goboleedka Igad(Partner Forumes)aad iyo aadna waxa aanu urajaynaynaa in ay arintani dhasho waxtar balaadhan iyo iskaashi dhexmara wadamada iyo soomaaliland rajo fiicana waanu ka qabnaa. arinta ugu weyn ee ay manta meesha uyimaadeena waa sidii ay soomaaliland iskaashi buuxa ula yeelan laheyd caalamka oo dhan Xoghayaha guud ee urur goboleed Igad Eng. Maxabuub Macalin oo isna halkaa saxaafada kala hadalay ayaa waxa isna hadaladiisii kamid ahaa”sida uu wasiirkuba sheegay waxa aanu manta halkan u nimi in aanu ka qeyb qaadano horumarka waxaananu aragnay mashaariicda ay doonayso in ay hirgaliso wasaarada qorsheynta soomaaliland markaa waxa aanu halkan manta ukeenay wadamada la saaxiibka ah urur Goboleedka Igad in ay ka qeyb qaataan horumarkaa ka hana qaaday soomaaliland . Xubnahan ka socday wadamada saaxiibka la ah urur goboleedka igad oo ubadnaa wadamada reer galbeedka ayaa waxa kala ahaayeen sidan. 1. Ethiopia-Amb. Nagash Kibret 2. Igad Secretarial Executive Secretary Mhbuob Malim 3. Belgium Amb. Gunter Sleewagen 4. EU(Djabouti)Federic Roberts 5. Finland Amb. Leo Olsvirta 6. France Amb. Jean Christoph Belliard 7. Germany Amb.Nichael Biontino 8. Japan Amb. Hiroyuki Kishino 9. Italy Amb.Renzo Rosso- Alberto Vecchi 10. Netherland Amb. Sjoerd Smit 11. Norway Amb. Odd Inge Kvalheim 12. Uk. John Marshal Sean Cockburn 13. Spain Amb. Jose Eugenio Thovar loxano 14. Turkey Amb. U.Kenan Ipek Elif Okutucu 15. Usa (Bilat)Amb. Donald Booth 16. Brazil Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert
  7. Somalina Madaxweyne Siilaanyo wa Madaxweyne aad nabad uga shaqeya mana jecla dhig islaam iyo ka Somali ba.. Madaxweyne Siilaanyo wa ninki Dunida u sheegey berigi Amxaaradu Xammar xasuuqa ka wadeen Inay Ethiopia xasuuqa ay ku hayso shacabka Somali ay ka dayso aynana u adkeysan., Believe Me Siilaanyo wa nin nabad aad u jecel Dhulkan la isku dilayo wa dhul xita isagu iyo qoiskisu ka so jeedo dadkan meesha buhoodle degen wa ehel xigto iyo xigaal. Marka awoow Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland hawlo qaran bu haya , wana ninka maanta ila maanta nabada ku baaqaya.
  8. Somalina;697436 wrote: Comparing MSB AUN to Gaddafi is laughable. Siilanyo is another Gaddafi in the making if anything. How so President Siilanyo is not a dictator unlike. Msb And Gadafi
  9. Ugaaska Iyo Odayaasha Beesha Ciise Oo La kulmay Raysulwasaaraha Itoobiya kulan kaas oo lagaga wada hadlayay xalada uu Deegaanka Somaalidu haatan ku suganyahay kulankaas oo kadhacay magaalada Diridhaba Odayaasha Beesha Ciise oo uu hogaaminayo ugaaska beeshaas Ugaas Mustafe Maxamed ayaa kulan laqaatay raysulwasaaraha Itoobiya mudane Melas Zenaawi. kulan kaas oo lagaga wada hadlayay xalada uu Deegaanka Somaalidu haatan ku suganyahay kulankaas oo kadhacay magaalada Diridhaba, halkaas oo lagu xusayay maalinta Beeralayda Itoobiya. Raysulwasaare melas ayaa ku amaanay beesha Ciise in ay yihiin Muwaadiniin dhab ah islamarkaasna kaalin muhiim ah kaga jira horumarka iyo amniga wadanka isaga oo ugu hambalyeeyay kaalintay ka qaataan ilaalinta xuduuda Itoobiya oo ah halbawlaha kaliya ee wax soomaraan guud ahaan dalka. Dhinaca kale odayaasha beesha ciise ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka haysta bulshadooda iyaga oo raysulwasaaraha u sheegay inaysan diyaar u ahayn 18 sano oo kale oo ka khasaarta islamarkaasna sheegay in aysan waxba ka sugayn Xukuumada dhalanteedka ah ee uu hogaamiyo Cabdi iley. Odayaasha oo hadalkooda siiwata ayaa yidhi, anagu hada waan kadaalnay is jiid jiidka kililka 5aad dadkayaguna waxay u baahan yihiin horumar iyo cadaalada iyaga oo ku tilmaamay xukuumada hada jirta tii ugu xumayd ee abid deegaanka soo marta, taas oo ku can baxday musuq iyo qabyaalad. xukuumadan haatan jirta ayaanan qoonsanayan qabaa’ilada kaladuwan ee ku dhaqan deegaanka islamarkaasna ay wataan halkudhig la yidhaado (******). waxa odayaasha oo hadalkooda siiwata ay sheegeen in ay adagtahay in wada shaqayn lala yeesho Dawladda haatan jirta taasoo aminsan in deegaanka ay leedahay beel kaliya. Udanbayntii odayaasha ayaa raysulwasaare melas ,in hada waxii kadanbeeya ayna beesha ciise wax wada shaqayn ah layeelan doonin Xukuumada dhalanteedka ah ee uu cabdi ilay hogaamiyo islamarkaasna EPRDF ay ka su gayaan go’aan hadii kalena ay beeshu tashan doonto iyada oo ayaheeda iyo mustaqbalka dadkeeda katalinaysa Gabgabdii kulanka ayaa waxa ka hadlay Raysulwasaare Melas isaga oo sheegay in uu lasocdo xaalada uu hada deegaanku ku suganyahay islamarkaasna si deg deg ah loo sixi doono, isaga oo shaaca ka qaaday in ay dawladda dhexe talaabooyin cad qaadidoonto islamarkaasna balan qaaday, in beesha Ciise ay hada waxii kadanbeeya ay ka faa’idaysan doonaan horumarka cadaalada iyo Dimuqraadiyada haatan ka hana qaaday dalka Itoobiya. Dhinaca kale arintan ayaa aad u walwal galisay Madaxweyne Cabdi Ilay kadib marku ogaaday fariinta ay odayaashu u gudbiyeen Raysulwasaare Melas taas oo turunturo ku noqotay xukuumadiisi qabiiliga ahayd ee markii horeba kacaa kufaysay
  10. aweys seems to have a good time i think he was allowed to smile infront of the camera Before Amiir godane locks him up in his cage
  11. SNM 1994??? , SNM was dismantled in 1993 in may Buufiska iska saara walalayaal.
  12. no one is afraid of faroole he is just an obstacle to peace as most of the pirates in the region. Siilaanyo is a peace man.
  13. Che see it like this Siilaanyo called for peace even xaglatoosiye called for peace , now we want the pirate faroole to call for peace if he does then there is peace
  14. Nabadu wa shay muhim , dagaal wilku ma dhasho wilba ku dhinta how many hooyos ba goblamay so far
  15. Financial times: Somaliland could be force for good in Horn of Africa Published: February 23 2011 01:25 Last updated: February 23 2011 01:41 From Charles Tannock MEP. Sir, In your editorial “Pirates of the Gulf” (February 19) you rightly call for more support for the “autonomous” former British protectorate of Somaliland, which has been de facto independent from Mogadishu in the south since a brief civil war in 1991. Somaliland is currently a good news story in contrast to the failed state of Somalia, whose transitional federal government, supported internationally, has totally failed to control the al-Shabab jihadi terrorists who brutally impose Sharia law on the people or to defeat the scourge of piracy based on its territory and neighbouring Puntland. In support of independence, a 2005 African Union report pointed out that the union in 1960 between Somaliland and Somalia was never formally ratified. Excitingly on July 9 South Sudan will become an independent new state and the Juba government has already stated it will recognise a sovereign Somaliland. In all probability this will result in other AU countries following suit. An independent Somaliland could be a force for stability and good governance in the Horn of Africa. It is high time the AU and western powers recognised the sovereignty of the republic of Somaliland, which has all-party support under the government of President Ahmed Mohamed Silanyo, which resulted from free and fair elections.Charles Tannock, European Parliament (London Region – Conservative), Brussels, Belgium Source, financial times
  16. Loool Yeah lets not hijack the topic lets go back to the qiiro of Somalinimo iyo alaabti oohinta badnayd eeh xita che la qiiroon jiray , let Somalina ha ino hor boodo let a woman rule Somalida for once i bet she will do a better job dagaalka na way so afjari lahayd
  17. ^^ abti iga duceyso qoloyinka toos baan u galaye eh;)