-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somalina in 2013 is sh dalxiis still the president or not;)
-
how's Somalilands First leader and Somaliland second president who were political rivals Somalia's problem or how did it effect you koonfurians it did not effect you in any way , it's just you can't fix your home and your capital and your looking for excuses Dude how are we responsible for the likes of omaar his buddy is locked up in maandheera TFG officials get arrested if they set foot on our soil. There is no conspiracy against your country Buufiska iska saar adeer
-
^^ haday qaar ku odhan doonaan alshabaab 2006 ma jirin waxay so wataan ban iska ogahay Awoowe waad ka so daraysa maxa nigiska Amiirka ku geyey i am shocked lol secret kulaha
-
Duke Somaliland is not part of the mess Somalia is in today and they were never part of that Maxamamd xaji ibrahim cigaal aun and Muj Abduraxmaan tuur aun had their differences but in 1996 all of our problems were solved by our elders .The Likes of Suldaan Maxammad xirsi qani Xaaji cabdi waraabe iyo Suldaan Maxammad suldaan Diiriye and many more,, Something the koonfurians lack when it comes peace negotiations Unlike the pirates your Tuute muuse was seeking refuge in Somaliland ceelafweyn to be precisely when your Warlord Cabdilahi yusuf humiliated him and it was boqor buur madow who started mediating between the two warlords. cumar carte did not play any role in the clashes between caydiid and cali mahdi all he said was the Somali army should surrender to the Armed rebel groups USC and SNM the Somali Military was allready destroyed from with in by the late Siyad bare and his Thugs. Somaliland does not involve itself in the mess of your country we have other things to do. last but not least it was the pirate state and their TFG led by warlord cabdilahi yusuf and his Ethiopian masters that wanted to destroy the six months of peace in xammar established by the ICU (islamic courts union). Just think about it how would somalia look like if ICU was given a chance to govern
-
Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayey Hirgelinta Maamulka Maaliyada Qaranka Oo Si Rasmi Ah Somaliland Uga Furmay Iyo Khudbadii Uu Madaxweyne Kuxigeenku Ka Jeediyey. Waxa jira dhibaatooyin inna haysta oo ay ka mid yihiin awood laaan iyo habka cashuuraha loo uruuriyo oo aanan haysanin waxaanu u baahanahay sharcigii cashuuraha iyo maamulkii cashuuraha in horumar iyo dib u habayn lagu sameeyoWasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Hargeysa(HWN):-Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta furey Shir caalami ah oo lagaga hadlayey hirgelinta maamulka maaliyada qaranka (Public Finance Management) oo ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Shirkan oo maalinle ah, waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Qorsheynta Dr.Sacad Cali shire, Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Maxamed Cabdi Xaabsade, Guddoomiyaha Guddida dawlad wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo hanti dhawraha guud ee qaranka, hayado caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah, Sidoo kale waxa ka soo qeygalay Baanka adduunka iyo baanka horumarinta Afrika, Qaadhaan bixiyeyaasha, Hayadaha caalamiga ah oo ay ka mid ahaayeen UNDP, UN/HABITAT,EU-da iyo kuwo kale. Public finance Management Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Waxaan ku faraxsanay inaan ka soo qeybgalo xafladan lagu sameynayo shuruucdii ay ku shaqeyn lahayd wasaarada maaliyadu oo aan ku tilmaami karo inuu sharcigani ka dhigan yahay weelkii wax loogu shubi lahaa Somaliland. Waxaan muddo kooban ku hirgelin doona shuruucda halkan lagu dejiyo, inkasta oo ay dhib tahay marka la dabakhayo sharci oo ay wakhti badan qaadato. Waxaan diyaar u nahay inaan ku dhaqano shuruucda maamul wanaaga, iyadoo dalkayagu ka soo baxay burbur, waxaana aanu rajaynaynaa inaanu muddo kooban ku hirgelino. Nidaam toosinta dhaqaale waa mid dantayadu ku jirto. Waxaan shacbiga Somaliland dareen siinayaa inay ogaadaan in cashuuruhu yihiin waxaynu doonayno inaynu dalkeena ku dhisno oo ku horumarino,ayuu yidhi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiHalka aan maanta taaganay ee ah Madaxweyne kuxigeenimada waxaan ka soo bilaabay Siyaasada dawladaha hoose ee boorame, waxa dhib naga heysatay uruurinta cashuuraha si kasta oo aan u dedaalnay waxay awoodayadii dhaafiweyday inaanu soo xoreyno cashuurta wax ka badan 60% [boqolkiiba lixdan) Waa Cadaalad darro in cashuurta laga qaado qofka awooda yar midna uu xidho shaadh dawladeed,dalkeenu waxa uu soo maray dagaalo sokeeye, 20-sanadood ee aynu dhisanay wax badan oo burburey ayaa weli qabyo ah. Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegaya inay cashuurtu tahay ta qarankani ku dhisan yahayayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu yidhi Mashruucan oo uu ka soo shaqeeyey Baanka adduunku waa mid wax ka tareysa in maaliyada dalku noqoto mid Transparent ah,taas oo wax ka tari doonta qaabka loo bixinayo mucaawinooyinka Somaliland oo ah qaab ka duwan kii hore oo dhex dhexaad ah, kaas oo gogosha u xaadhaya in Somaliland si toos ah mucaawinada dibadda ay ka hesho lagu kabo Miisaaniyad sanadeedkeeda, waa haddii ay ku guuleysato fulinta shuruucda Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Markaynu ka hadalno dhaqaalaha dalkan Somaliland iyo koritaankiisa waxa jira caqabado cidhiidhi gelinaya inay waarto miisaaniyadu. Somaliland waxay u baahan tahay inay joogteyso horumarka ku jiheysan uruurinta cashuuraha gudaha, taas oo ku filnaanto bixinta kharashaadka xukuummada, dardargelinta cashuuraha gudaha ayaa ah mida ugu muhiimsan horumarka Somaliland si loo soo xareeyo cashuuraha gudaha lagana dhigo dhexdhexaad kharashaadka ka baxa xukuummada waa hadafka xukuumadani leedahay maanta waxa kordhay soo xareyntii cashuuraha iyada oo aanay wax badan iska bedelin kharashaadkii xukuummada ka baxayey. Waxa jira dhibaatooyin inna haysta oo ay ka mid yihiin awood laaan iyo habka cashuuraha loo uruuriyo oo aanan haysanin waxaanu u baahanahay sharcigii cashuuraha iyo maamulkii cashuuraha in horumar iyo dib u habayn lagu sameeyo lana sameeyo wacyigelin guud oo cashuuraha ah. Waxa kale oo jira cashuuro ay dhib innaga haysato uruurintooda, oo ay ka mid tahay cashuuraha xoola dhaqatada iyo ilaha dhaqaale ee dad-ban, waxa kale oo jira musuqmaasuq badan oo ku jira maamulka guud ee cashuurahaayuu yidhi Wasiirka maaliyadu Waxa kale oo ay xukuummadani damacsan tahay inay dib u habeyn Siyaasadeed sameyso si ay ula shaqeyso bulshada caalamka, iyada oo jidkaas u mareysa la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka hayadaha dawlada si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka reer Somaliland, deeq-bixiyayasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahayayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi. Wasiirka qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Wasaarada maaliyaddu waxay dawlada uga dhigan tahay qeybta xisaabaadka ee shirkadaha oo kale. Sida xisaabaadka wasaaraddu yahay ayaa dawladana awoodeedu tahay.Wasaarada maaliyadu waxay u xil saaran tahay ururinta dhaqaalaha qaranka, bixintiisa iyo dabo galkiisa. Haddii dakhli ururintu yar tahay awooda dawladu way yaraanaysaa. Wasaaraddu waxay u baahan tahay dadkii, qalabkii iyo nidaamkii ay ku shaqayn lahayd in loo dhigo. Isaga oo hadalkiisa sii watana wasiirka qorsheyntu waxa uu yidhi Intii aanan ka noqon xubin dawlada waxaan ka shaqayn jiray oo aan ka imid shirkadaha gaarka loo leeyahay ee (Private sector) sida caadiga ah waxay leeyihiin shirkaduhu afar qeybood oo kala ah qeybta maamulka, qeybta xisaabaadka, qeybta waxsoo saarka iyo qeybta ka suuq geynta. Qeybta xisaabaadku wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan shirkadahaasi waxa macaashkooda iyo koritaankoodu uu yahay hadba sida qeybta xisaabaadku u shaqayso waayo waa qeybta kuu sheegaysa in shirkadu ay korayso iyo in kale. Dr.Sacad Cali Shire waxa uu u mahad-celiyey hayadaha caalamiga ah siday Somaliland uga taageerayaan wasaarada maaliyada nidaamka maamul wanaaga dakhliga.waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay si wanaagsan iskaga bixiyaan cashuuraha ku waajibay. Agaasime goboleedka Baanka adduunka Mr. Patrick oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey mashruucan oo ah tayeynta shuruucda dhaqaalaha dalka, qandaraasyada, hantida ay dawladu iibinayso ama ay iibsanayso in arrimahaas loo maamulo si sharciga waafaqsan, lana horkeeno Baarlamaanka ummaduna ogaato halka ay marto hantida laga helo qandaraasyada ay dawladu bixiso. Waxa kale sharcigani la dagaalamayaa musuqmaasuqa, isla markaana waxa uu xoojinayaa maamul-wanaaga taas oo Somaliland dhaxalsiin doonta in lagu aamino lacaga hadda ay maamulaan hayadaha qaramada midoobay, oo hadda loo soo mariyo Somaliland caawimooyinka ay ka hesho dibadaha dalalka deeq bixiyayaasha. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Waxa sharaf ii ah anigoo ku hadlaya magaca agaasime goboleedka baanka adduunka, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsan nahay kulankan waxaanu ka wadnaa Somaliland laba barnaamij oo kala ah barnaamij oo waxtar weyn u leh dhaqaalaha dalka ah maamulka maaliyada qaranka.
-
Cid Ina Soo Weerarta Waxa Ugu Itaal Yar Mamuulka Buntiland Mana Haboona In La Yidhaahdo Xisbi 10Sanno Jiray Ayaa Ka Baqaya Urur Jilib Yari Samaysanayo,Waftiga Ingiriisku-na Anaga Nalaga Muu Hadal Ururada” Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Hargeysa, March 9, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay cabsi ka qabin ururo siyaasadeed oo la furo, balse waxa u tilmaamay inay diidan yihiin in ururo Jilib hoose ka soo jeedaa ay abuurmaan, isagoo intaa ku daray in guddida talo bixinta ururada loo saaray ay Xubnahoodii saddexda xisbi qaran aqlabiyada ay leeyihiin uu ku tilmaamay in shacbiga Somaliland ay ku wada dhan yihiin, isla markaana aana la odhan karin kama talin karaan ururada. Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii ay kala hadleen xisbigooda Waftigii uu hogaaminayay Safiirka Britain u fadhiya Addis-Ababa ee shalay dalka booqashada ku yimid iyo arrimo ku saabsan weerarkii Maleeshiyada ******teeniya ku soo qaadeen Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida hore doraad iyo arrimo kale. Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo shalay xogwaraysi kooban Haatuf kula yeeshay khadka Telefoonka, oo ka hadlaya arrimahaas, waxa uu yidhi “Waxay naga waraysteen hawlaha aanu qabano muddooyinka doorashooyinka u dhaxeeya iyo qaabka aanu u shaqayno, waxa kale oo aanu kala hadlanay dacaayadaha Somaliland laga fidinayo deeqaha ay siinayaan inay yihiin kuwo aqoonsiga Somaliland lagu diidan yahay, Soomaali Jacaylna maahee waa cadaawad lagag soo hor jeedo kaalmada horumarineed ee Biyaha iyo Waxbarashada na siiseen ayaan ku nidhi” Mar aanu weydiinay Guddoomiyaha UCID in furitaanka ururada Siyaada ay wax ka weydiiyeen Waftigu, waxa uu yidhi “Anaga xisbi ahaan nagamay waraysan, laakiin qolada UDUB wey kala hadleen kulankii ay la yeesheen ururada Siyaasada, oo xisbi kasta kulan gaar ah ayay la yeelanayeen”. Guddoomiyaha UCID mar aanu weydiinay waxyaabaha uu ku diin yahay in ururada siyaasada la furo, waxa uu yidhi “Anagu xisbi ahaan haddii ururada la furo, waxaan qabnaa ururka maanta la samaynayaa, urur beeleed noqon maayee waxa uu noqon doonaa urur Jilib, wax baqdin ah oo uu nagu hayaa ma jirto, laakiin wixii aan dalka dan u ahayn oo kooxi inatay Ajinabi la sheekaysto tidhaahdo ururaa u dana dalka taasi waanu diidanahay, waxan ay ku sheekeeyaan ee ay yidhaahdaan Axsaabtaa baqaysa xisbi 10 sanno jiray iy urur maanta Jilib yari samaysanayo wax la maseeyo maaha, waxa aanu aragnaa khatarta ka soo socota, laakiin anagu wixii la isku raaco diyaar baanu u nahay haddii ay guddidaa maanta la saaray soo saarto diyaar baanu u nahay xisbi ahaan. Laakiin waxaan qabnaa in dadka waxan wada aanay dalka u danaynayn ee ay u danaynayaan Naftooda, Axsaabna lama rabee Guddoomiye xisbi baa la doonayaa iyo waxa jira reero Jilib ahaan Axsaab ugu fikiraya taasuna suurto gal maaha”. Mar aanu wax ka weydiinay Guddoomiyaha UCID hadalkii xiligii ololaha doorashada Mdaxtooyada dalka ka qabsoontay 26-kii June 2010-kii uu ku sheegay haddii uu waayo in aany mar saddexaad isku soo sharixi doonin madaxweynaha, balse aanu wareejin doonin arrimahaasi inay wax iska badaleen iyo in kale, waxa uu yidhi “Horta xisbigani waa Dimuquraadi marka shirweynaha xisbigaasi yimaado ayaa arrimhaasi laga hadli karaa, imika arrimahaasi nooma yaalaan, waxa se hadda noo yaala siduu xisbigu ugu diyaar garoobi lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee uu iskugu habayn lahaa, marka Congeries-ka xisbigu yimaadana qof kasta oo xisbiga ka mid ah xaq buu u leeyaay inuu iska dhex sharaxo xisbiga gudihiisa, sidaa darteed saddexda xisbi dadka ku kala jiraa ayay ka Wakiil yihiin waana axsaab qaran wixii talo qaran ahina waa laga talo galinayaa, afar qof oo is urursadayna ma odhan karaan kama talin karayno, shacbiga reer Somaliland saddexdaa xisbi ayay ku wada dhan yihiin oo Footkoodii-na ay kala siiyeen”. Dhinaca kale Guddoomiyaha UCID oo ka hadlaya weerarka ******teeniya ay doraad ku soo qaaday Ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida Gambadha, waxa uu yidhi “Wax ina soo weerara wax ugu itaal yar ******teeniya, Ciidamada qarankana waanu ku gar taaganahay difaaca dalka iyo xuduudaha dalka”. Dhinaca kale waftiga dawlada Britain ee hogaaminayay Ambasadorka Dawladaasi u fadhiya magaalo madaxda Itoobiya ee Addis ababa ee shalay booqashada ku yimid dalka oo hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kulano gooni-gooniya kula yeeshay saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Udub ayaa la sheegay, in waftigaasi ay axsaabta siyaasada culays weyn ku saareen, islamarkaana u soo jeediyeen inay ka tanaasilaan mawqifkooda ku wajahan furista ururada siyaasada gaar ahaana Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka Udub ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay Haatuf u xaqiijiyeen, in kulanadoodii sida gaar-gaarka ah ay ula yeesheen waftiga Britain ay kaga dalbadeen sida dimoqraadiyada loo kobciyo ay tixgaliyaan furitaanka ururada siyaasada. Iyagoo ilo-wareedyadu intaa ku dareen, in gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyeen xubnokale ay ku adkaysteen inaanay ka tanaasilaynin mawifkooda ay kaga soo hor jeedaan furashada ururada siyaasada. Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir oo isagu waftigaasi xisbigooda ugu xilsaareen kulankaasi, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen, in kulankii waftigaasi dhex maray ay iyagana ka dalbadeen inay dhaqan galiyaan balanqaadkii furashada ururada siyaasada ay ku balanqadeen xilligii ololaha doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-June 2010-kii.
-
General Duke;700675 wrote: ^^^Better than Godane in a Niqaab.. No i was thinking Better than Tuute muuse in tuute
-
Sh shariif in tuute
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaybgalay Shir Lagaga Wadahadlay Maaraynta Dhaqaalaha Somaliland Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa. Hargeysa (Ramaas) Mar. 09, 2011- Kulan lagaga wadahadlayay maaraynta dhaqaalaha iyo maamul wanaaga, ayaa maanta lagu qabtay hotelka Maansoorka ee Magaalada Hargeysa. Shirkani oo qaatay hal maalin waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo uu horkacayay Madaxweyne hu xigeenka Somaliland, madax ka socotay baanka aduunka, Qaramada Midoobay, baanka horumarinta Afrika iyo midawga Yurub. Wasiirka maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay, ayaa sheegay xukuumada Somaliland ay diyaar u tahay samaynta dhaqaale xasiloon iyo dib u dhis qaran, isla markaana hoos loo dhigo faqriga, taas oo qay ka ah koboc dhaqaale oo ay saldhig u tahay siyaasada horumarka dhaqaalaha ee Fiscal Policy. Waxa uu sheegay wasiirka in dhaqaalaha lagu horumarin karo cashuurtaoo si wanaagsan loo bixiyo, iyada oo xukuumada hirgalisay guddida la dagaalanka musuqmaasuqa si oo uu dhaqaaluhu u noqdo mid ka nadiif ah wax isdaba marin. Saraakiil ka socotay baanka aduunka iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay munaasabadaas, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka caawin doonaan sidii sugu lahayd la xisaabtan dhab ah oo lagu ogaan karo sida loo kharashgareeyo deeqaha ay bixiyaan qadhaan bixiyaashu. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in haddii cashuurta si wanaagsan loo bixiyo la helo doona dhaqaale adag, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si ay dawlada u hirgaliso adeegyo tayo leh oo loo fidiyo.
-
dee ma cid ba tidhi sadaqada gaalada ayaaa dad lugu gumaada waxasi wa iska warar aan sal iyo raad toona lahayn ,, Somaliland iyo Somalia iyaga ku tashaday inay midoobaan 51 sannadood ka hor iyagana ku tashaday inay kala taga'an. Xuduudka isticmaarku wa mid taarikhi calaami ah oo wa mid africaanka oo dhanki ku dhaqmaan wa shurucda u yaala midowga africa Somaliland iyo Somalia kolkey ay midoobeen wa kuwi midow galay eeh shacabka Somaliland iyo ka somalia ba laga qaaday afti midowga inay raaacsanyihin iyo in kale Shacabka Somaliland uma codeyn midowgaas way ku gacansaydheen marka midowgi Somaliland iyo Somalia mid sharciyeysan ba ma ahayn Wana wajib in lugu noqdo Xuduudihi isticmaarka sabab wa sida kaliye eh lugu bad badi karo wana tay Somaliland ku dhaqaaqday wana ta maanta nabada lugu joogo . Cadawga shisheeye eeh laga shidaal qadanayo anigu ma garan halka waad yara faah faahin doonta
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabiley Wafti ka socdaSanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR Sanduuqa Horumarinta Ee France Hargeysa (HWN) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday Sanduuqa Horumarinta ee wadanka France iyo baanka BCIMR, kaas oo hore xafiis uga furtay dalka Somaliland. Hargeysa (HWN) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay dalka Somaliland. Waftigan ayaa waxa ay madaxweyne ku xigeenka ka dhagaysteen warbixin ku saabsan xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay, heerka ganacsiga iyo baahiyaha ka jira Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Kaas oo uu saxeexnaa Afhayeenka Madxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xarunta Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Magaaladda Hargeysa. Waxaanu warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Sanduuqa Horu-marinta ee Wadanka France iyo Baanka BCIMR oo hore xafiis uga furtay Dalka. Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa uu weftiga uga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Dalka Somaliland waxaanu ku soo dhaweeyey Dalka. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay xaalada Guud ee Dalka Gaar ahaan Dhinacyada Maalgashiga iyo Ganacsiga,. Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Weftiga uga waramay Horumarka ay Somaliland ka samaysay Dhinacyada Dhismaha, Ganacsiga iyo Dimuquraadiyada. Waxa kale oo uu sheegay inay in ay Xukuumada Somaliland Gacmo Furanm ku soo Dhawaynayso Maalgashiga Dalka. Mareeyaha Sanduuqa horu-marinta ee Dalka France Mr Levaneur Jocelyn ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Xukuumada uga Mahad-naqay sidii loogu soo dhaweeyey dalka Somaliland, waxaanu sheegay inay tahay mid aan la dhayal san-karin sida Shacabka Somaliland iyo xukuumadu, ay isaga kaashadeen horu-marinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, waxaanu mareeyuhu xusay in ay dhinacooda balanqaadayaan in ay Somaliland ka hirgelin doonaan Maalgashi wax ku ooll ah. Dhinaca Xukuumada Somaliland waxa madaxweyne kuxigeenka kulanka kuwehelinaayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayradka, la taliyaha dhinaca Dhaqaalaha ee madaxweynaha, Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe, iyo Chief of Protocol-ka Madaxtooyada. Dhinaca Weftigana:- 1. Mr. Levaneur Jocelyn Manager 2. Mr. Andrien Absolu Development fund of Djibouti 3. Philippe Lagier Development fund of Pairs 4. Jerome Perrin Manager Business 5. Awil Mousa Jama Corporate Manager Bank 6. Saad mousa Director of Hargeisa " ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas
-
Gooni lacagta ama sadaqada ay ingriisku bixiso Somalia ba wala siiya kenya wala siiya Ethiopia wala siiyaa wa aid money waxana loogu talo galay takuleyn dhaqaale ama ha noqoto shaqo abuuris caafimaad tacliin inta ba ,, intaasa loogu tallo galay ta xuduuuda Jamhuuriyada Somaliland wa shay muqadis ah in xuuudaada la so xidho maha na xuduud been been ah oo reer sameystey wa xuduudi 1884 Berlin lugu heshiyey wa xuduudihi isticmaarku dhigay wa xuduuduhu Midowga africu ku dhaqman. Marka oday Axmed diiriye si fiican bu u dhigay iyo urur siyasadeedka hag ba
-
South Sudan Government Gives Certificate of Appreciation to Somaliland Reporters JUBA — The government of South Sudan offered a certificate of appreciation on February 28 to Somaliland journalist in Juba. Dr. Barnaba Marial Benjamin, South Sudan’s Minister of Information awarded Mohamed Rashid Mohamoud of Saxafi media, a local newspaper based in Hargeisa. The certificate was presented in recognition for Somaliland journalists’ Sudan South referendum vote coverage in January. Mohamed accepts certificate from Dr. Barnaba Marial Benjamin “Thank you for your efforts to create awareness,” Dr Benjamin told him. At least a dozen of journalists and reporters from Somaliland led by the Presidential spokesman, Mr. Abdullahi Mohamed Dahir, visited South Sudan before their independence vote from Khartoum. The people of South Sudan overwhelmingly voted to split from the north after decades of civil war. South Sudan will officially become Africa’s 54th state and the world’s newest nation on 9th of July. When the minister was asked if he would visit Hargeisa, he told Mr. Mohamoud, he would do so if he gets an invitation from the government of Somaliland. He added, Somaliland and South Sudan were not getting to know each others, each has been aware of the other’s struggle for justice for decades. African journalism: Saxafi and Juba Post form partnership Like South Sudan, after forming union with Somalia in 1960, Somaliland fought a bloody war against Somalia for almost two decades. At least 50, 000 Somalilanders were killed. Some of those responsible for the atrrocities are today hiding in Western countries including Mohamed Ali Samantar, Somalia’s former defence minister and prime minister. He is expected to face a U.S. District Court in Alexandria after a judge denied him legal immunity (see U.S. State Department: Samatar Not Entitle To Immunity). While in Juba, Mr. Mohamoud representing his Saxafi newspaper signed an agreement with South Sudan’s leading news media, The Juba Post. The two agreed to partnership on common areas and exchange information and news. Some foreign observers and politicians believe the Juba government will offer recognition to Somaliland which will pave the way for other regional powers to follow.
-
Beelaha banadiir oo Sheegay in ay ku Faraxsanyihiin Dhaqaalihii laga Weeciyay Dowlada KMG loona Wareejiyay Dowlada Somliland Wareysi Afhayeenka Beelaha Mogadisho Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo lahadlayay Radio Hadhwanaag Studiyaheeda Muqdisho Beelaha Mogadisho oo inta badan kamid ah dowlada KMG ah ee Soomaaliya odayaal daqameedyada iyo inta badan dadka reer Muqdisho waxaana dhamantood ay sheegeen in dhaqaalahaasi uu haatan meel Fican ku baxayo Dhageyso Wareysiga Axmed Diireye Wareysi Qaade xasankuuriya (Hadhwanaagnews) 8 March,2011 Nabadoon Axmed Diiriye Afhayeenka Beelaha Mogadisho Beelaha Muqdisho oo inta badan kamid ah dowlada KMG ah ee Soomaaliya odayaal daqameedyada iyo inta badan dadka reer Muqdisho waxaana dhamantood ay sheegeen in dhaqaalahaasi uu haatan meel Fican ku baxayo Dhageyso Wareysiga Axmed Diireye Wareysi Qaade xasankuuriya Halkaan Guji oo Dhageyso.mp3
-
Sheikh Xassan Dahir: 'Dagaallada waan wedeynaa inta AMISOM joogto!!.
Xaaji Xunjuf replied to Maaddeey's topic in Politics
^^^How are you tigray boy -
Sheikh Xassan Dahir: 'Dagaallada waan wedeynaa inta AMISOM joogto!!.
Xaaji Xunjuf replied to Maaddeey's topic in Politics
Somalina awoow i have seen that discussion don't bother i watched it live , Somalina you believe Cabdilahi yusuf was wrong in 2006 and sh sharif is on the right path right now. i have seen Somalis in somalia demonstrating pro alshabaab demonstrations but that's besides the point because you will say they were forced awoow waan ku bartay dee;) But be honest Somalina you know there are Ethiopians in Somalia but you still support the TFG, i mean if sh sharif did not have any foreign troops no Ethiopians inside Somalia that would've been better for his case -
Sheikh Xassan Dahir: 'Dagaallada waan wedeynaa inta AMISOM joogto!!.
Xaaji Xunjuf replied to Maaddeey's topic in Politics
awoow first of all there was no Buhoodle massacre if between 30 and 35 Militia men were killed it can not be called a massacre the Militia men were armed so. no innocent civilians were killed by the Somaliland armed forces only (qaranndiids) also for the wilton park meeting it's a policy the current regime of Somaliland adopted and i don't think the foreign minister lied about that he explained himself infront of the parliament of somaliland few days ago. But my dear Somalina you still did not answer my question do you believe Sh sharif was wrong when he was fighting cabdilahi yusuf in 2006 as thankful claimed -
Sheikh Xassan Dahir: 'Dagaallada waan wedeynaa inta AMISOM joogto!!.
Xaaji Xunjuf replied to Maaddeey's topic in Politics
He lost credibility when his own students started fighting him and african union troops shelter him and protect him from his former students. what did Mr sharif achieve since he was selected for president?