Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. gooni;701515 wrote: xaji xurjuf:) wax garadka waqooyi galbeed somaaliya wey og yihiin in 200km inaysan ku filnayn inay qaadato jamhuuriyad yaroo iska qayisha,,, qalbigoodana uma fiicna in markay burco soo dhaafaan in la yiraahdo xuduudkii somaaliya ayaad iminka gasheen. waxaa kuusoo haray oday axmed diiriye haduu oday soomaaliyeed yahay wuxuu odhan lahaa dagaalka buuhoodle yaan loo isticmaalin sadaqada gaalada, ee wuxuu oran lahaa dabkaan ay walaalaheen snm noo dhiibeen si aan u damino aqoon weynay ee gogol ha noo fidiyeen hogaana ha noo noqdeen, si aan kala dambeyn u helno somaali oo dhana dib u midowdo. Waxgaradkayagu culumu aw diin cuqaal siyasin Aqoonyahan iyo salaadin iyo mutalimin intu ba waxay isku raacsanyihin jiritaanka jamhuuriyada Somaliland , dalkayagu England bu ka weynyahay Eritrea ayuu ka weynyahay marka ma fahmi karo mala Juqrafigad aqoon eeh ,, Wa anigu ku idhahda Somalida Ethiopia degen dhulka Somalida Ethiopia kuma filna oo wa inay ka sii mid ahaadaan Ethiopia inteeda kale sabab dhulka ku yar ,, caqligas halku ka shaqeya ,, Dagaal Buhoodle loo ma isticmaalin gunne ingriis bixiyey iyo sadaqo yar xoolahayaga ayaanu ku diifaacna dalkayaga kolkey qarandiidku nugu so duleen saaxib axmed diiriye na wu saxsanyahay lacagta dalka ayey galeysa sabab waxba lugu qabanaya
  2. Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo gaadhay Kalshaale,soona arkay in la Aasay Baraagihi kalshaale Cuqaasha Odayaasha iyo waxgaradka degaanka Buuhoodle ayaa markii u horeysay maanta gaadhay degaanka kalshaale,kuwaasoo indhahooda ku soo arkay in si rasmi somaliland u aastay baraagihii laga qoday Kalshaale,ee ay ka dhalatay xiisada colaadeed. Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland oo ay weheliyaan Abaanduulaha ciidanka qaranka somaliland iyo C/rashiid Ducaale Qambi ,ayaa subaxnimadii hore ee saaka gaadhay degaanka kalshaale,ka dibna soo kaxeeyay shan iyo toban xubnood oo isugu jira Garaado,Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan degaanka reer Buhoodle. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe,oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ka dambaysay ka dib markii dadka degaanka Buhoodle la gaadhsiiyay inaan la aasin baraagihii balse maanta ay indhahooda ku arkaan in ay dhab tahay oo la fuliyay go,aankii madaxweynaha somaliland Siilaanyo Sidoo kale,Garaad Maxamed Saleebaan ,oo horkacayay odyaasha dhinaca Buuhoodle,ayaa isaguna sheegay inay si cad u arkeen in la aasay baraagihii oo ay arkeen islamrkaana loo baahan yahay in ciidamadana laga qaado dul fadhiya ee ku soo duulay Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii maamulka iyo cuqaal reer buuhoodle,iyagoo dhamaantood sheegay inay hada meesha ka baxday hadadladii been abuurka ahaa ee lagu kicinayay bulshada reer Buuhoodle,ee laga dhigay inaan la aasin baraagihiibalse looga fadhiyo maamulka somaliland sidii uu ciidanka halkaasi ka joogana uga qaadan lahaa kadibna looga wadli hadli wixii kale ee nabad ku jirto Talaabadan ayaa waxay meesha ka saaraysaa hadalo ay maalmihii u dambeeyay warbaahinta ka sheegayeen masuuliyiin ka tirsan Puntland,oo tilmaamayay inaan waxba ka hirgalin go,aankii Somaliland,lana aasin baraagihii kalshaale oo ay wali jiraan.
  3. There is no Link between Sh Maxamamd atom and Amir Axmed godane it was just pirate propaganda spread on garoweonline just like the so called intelligence officer you caught that ended up being a native Maakhirian fighting the faroole gangs in Galgala.
  4. Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Oo Wafti Denmark Ah Kula Kulmay Magaalada Niarobi Hargaysa (HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Wafti ka socda dalka Denmark. Waftigan ka socda dalka Denmark ayaa la sheegay inay marayaan dalal badan oo African ah, kuwaasoo ay ogaanayaan Xaaladaha dhabta ah ee ka jira, gaar ahaan Waddamada ay ka taageeraan Horumarinta iyo Ammniga. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska siyaasada ee Somaliland ayaa lagaga waramay Kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo Waftigaa Denmark oo uu Guddoomiyuhu warbixin ka siiyey Xaallada Somaliland hadii ay tahay Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo arrimo kale. Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani. Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arrimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha ay ka midka yihiin: 1.Arimaha budhcad badeedka 2.Adkaynta nabad galyada Somaliland 3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland Waxa Waftigaa qaabilay safiiska Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Indho buur Madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan. Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland.
  5. lool we are not involved with Atom nor with you pirates or your Somalia Galgala doesn't fall under our jurisdiction but the spokesman made it clear Atom and his group have no links with Alshabaab they are just Native maakhirians protecting their resources and minerals from the criminal pirate state Thankful the news is true your propaganda against Sh Maxamamd sicid atom failed
  6. Xukumada Somaaliland iyo Odayaasha Beesha Buhoodle oo Kulan ku yeeshay Kalshaale Iyo qodobada laga wadahadlay Berberapress Kulan balaadhan oo manta ay yeeshen xukumada Somaliland iyo odayaasha beesha Buhoodle ayaa manta ka dhacay degaanka Kalshaale oo 18km ujira degaanka qorilugud Kulanaka manta oo ahaa xaqiiqa raadin ay samaynayeen odayaasha Beesha buuhodle sidi ay indha hooda uguso arki lahaayen baraago ay dhawaan astay xukuumada Somaaliland Waxana ay labada dhinacba si wada jira uga hadleen sidi ay unabadayn lahaayen degaanada aya wada degaan labada Beelood ee qorilugud Iyo Buhoodle Waxana madashaas lagu casuumay gudi balaadhan oo ka kala socda dadka rayida oo kala Odayaasha iyo waxgaradka degaanada Buhoodle iyo gudi ka socda xukuumada somaliland oo uu horkacayo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Somaliland. Gudidaga ka socday deegaanka buuhoodle ayaa sheegay in ay xaqiiqsadeen in la duugay baraagihii , kuna mahadnaqay sida wacan ee ay xukuumada somaliland uga qayb qaadatay una aastay baraagaha dhaliyay xurgufta colaadeed. Axmed Cawil Bacluul oo ka mid ah odayaasha deegaanka buuhoodle ka hadalayay xalada nabadaynta kalshaale �Markaanu tagnay deegaanka kalshaale anaga oo ka kooban gudi ka kala socda xukuumada somaliland iyo guddi ka socota deegaaanka buuhoodle, waxaanu kala kulanay oo aanu xaqiiqsanay in la dumiyay oo la aasay baraagihii kalshaale, balse fikirka aanu qabnay ayaa ahaa in ln la dumiyay oo qudha, balse aan la aasin baraagahaas hadana waxaanu xaqiiqsanay in la dumiyay oo la aasay isla mar ahaantaana waxaanu diyaar u nahay in la dhamaystiro inta kale ee dhiman si loo helo nabad buuxda oo ay dadka deegaankaasi kuwada noolaadaan� Dhanka kale waxa xaga xukuumada somaliland goob jooge ka ahaa oo hor kacayay gudidaas wasiir kuxigeenka arimaha gudaha soomalliland mudane Cismaan Garaad Soofe, isaga oo wasiirku sheegay in ay ka go'an tahay xukuumad ahaan sidii ay u hashiisiin la haayeen labad beelood una galayaan hawl kasta oo nabad looga dhalinayo deegaankaas. Dhanka gudida buuhoodle waxa horkacayay oo ka mid ahaa gudidaas Gardaad Maxamed Saleebaan Caaqil Yuusuf Maxamed Aadan Cawl Sheekh Cumar Sheekh Cusmaan Ganacsade Xaaji Saleebaan Faarax Diiriye Ganacsade Cabdirisaaq Saleebaan Ganacsade Axmed Siciid Caamir Macalin Mataan Igir Ibraahin xirsi Maxamed
  7. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah Daawo Written by Qaran news Mar 11, 2011 at 12:36 PM Kenya,(Qaran news)-Wafti aad u heer sareeya oo ka yimid dalka Denmark oo baryahanba booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya taasoo ay ugu kuur galayaan , daraasadna ka diyaarinayaan sidii ay xog buuxda uga heli lahaayeen dalalka Africa ee ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo amniga, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ee dalka Kiiniya qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qaran news, ayaa isga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sida hoos ku xusan Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani. Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arimaha ay kamidka yihiin: 1.Arimaha budhcad badeedka 2.Adkaynta nabad galyada Somaliland 3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland Waxa ugu horayn waftiga kusoo dhaweeyay Xafiiska Somaliland ugana mahad celiyay imaatinkooda Safiirka Somaliland ee Kenya mudane Mohamed Ahmed Indhabur, kadib waxaa halkaas hadal mahad naq ah kazoo jeediyay madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan. Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirku xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland. Shirkaas ayaa kuso gebogeboobay is afgarad iyo guul , waxaanay waftigu xubno kamid ahi balan qaadeen inay booqanayaan Somaliland si ay u helaan sawirka dhabta ah iyo waliba mashaariicda u bahaan in laga bilaabo.
  8. says the rebel in the bushes betweeen the border of Somaliland and Ethiopia
  9. Togdhnews –Ma jiraa wax xidhiidh ah oo aad la leedihiin Xukuumada Somaliland ? Af hayeenka- Ma jirto wax xidhiidh oo naga dhaxeeya xukuumada somaliland
  10. Afhayenka Koxda Atom ee Dagaalka Kula Jira Puntland oo Togdhnews uga Waramay Xidhiidhkooda Alshabab Friday, 11 March 2011 Galgala(Togdhnews)-Afahayeenka kooxada Sh.Aatam ee ka dagaalanata degaanka Galgala Faarax Ismaaciil Sardheeye,ayaa Waraysi uu siiyay Shabakada Wararka ee Togdheernews Iyo HCTV,ku sheegay inaanay wax xidhiidh la lahayn kooxaha Alshabaab iyo Alqaacida,islamrkaana yihiin dadkii degaankaasi oo ka gadooday khayraadkooda ay sida sharci darada ah u guranayaan Maamulka Puntland iyo kooxaha ajanabiga ah ee ay wataan. Hadaba Waraysigan oo uu khadka Telfoonka ku qaaday Wariyaha Togdheernews ee Gobolada Bariga Somaliland Kayse Axmed Digaale,ayaa waxa uu dhacay Sidan. Togdhnews- Waxa maamulka Puntland idinku eedeeyaa inaad ka mid tihiin kooxda al-shabaab ee ka dagalamaysa Koonfurta Soomaliya arintaasi maxaad ka leedahay? Afhayeenka- Anagu kama midnihin kooxda al-shabaab,wax xidhhidhana lama lihin,mana nihin dad koonfur ka yimi,balse waxaanu nahay dadkii degaanka oo diidan in khayraadka dhulkooda si sharci daro ah lagu gurto,ka dibna maamulka Puntland uu naga fidiyay Barabogaando aan jirin,oo meeelkasta ka yidhi waa kooxo al shabaab ah si ay iyaga iyo kooxaha ajanabigu u gurtaan khayraadkayaga,markaas arintaasi waxba kama jiraan ee waa dacaayad. Togdhnews- Hadii sidaasi jirto,maxaad uga hadli waydeen warbaahinta oo aad u cadayn weydeen mawqifkiina iyo inaydan ka mid ahayn kooxahaasi ? Afhayeenka – Ma r ayaa wariye reer Puntland ahi nala yeeshay,ka dibna wariyihii waxa xidhay maamulka Puntland oo lix bilood ku qaaday,taasoo muujinaysa sida maamulkaasi u diidan yahay xaqiiqda dhabta ee ka jirta degaankaasi in la ogaado,intaa ka dibna maau arag cid kale oo nala soo xidhiidha. Togdhnews –Hada adiga iyo hogaamiyihiina Sh.Atam xagaad ku sugan tihiin oo aad igala hadlaysaa ? Afhayeenka –Waxaanu ku sugan nahay Meesha la yidhaahdo Midhifoon oo ka tirsan degaankaasi Galgala. Togdhnews –Ma jiraa wax xidhiidh ah oo aad la leedihiin Xukuumada Somaliland ? Af hayeenka- Ma jirto wax xidhiidh oo naga dhaxeeya xukuumada somaliland. Togdhnews – Xagaad ka heshaan Hubka iyo saanadda ciidan ee ku dagaalantaan ? Af hayeenka –Anaga cid aan ilaahay ahayn oo na caawisaa ma jirto. Togdheernews – hadda ujeedada aad u dagaalamaysaan ma sidaad ii sheegay waa ilaalinta khayraadka degaankiinaa mise arimo ayaad u dagaalamaysaan ? Af-hayeenka – maya ma jirto wax kale oo aan u dagaalamaynaa oo aan ahayn ilaalinta khayraadka degaankayaga ,balse waxa jirta daacayado ay naga fidiyeen maamulka Puntland oo ay sheegeen inaanu kooxo argagixiso ah oo u dagaalamaya wax kale ,taasina waa been abuur rakhiisa. Togdhnews – Goorma ayaa dagaal idin dhexmara idinka iyo ciidanka Puntland u dambaysay ? Afhayeenka –Waxa u dambaysay dagaal na dhexmara labadayada dhinac bishii koowaad ee sanadkan. Togdhnews – idinku diyaar ma u tihiin Nabad iyo wada hadal inaad ku dhamaysaan colaadaha. Afhayeenka- haa, diyaarbaanu u nahay,hadii aanu helo dad macquula oo lala hadli karo. Togdhnews – Faarax,waraysigan aad i siinayso iyo arimaha aad ka hadlayso makugu raacsan yihiin Sh.Atam iyo kooxdiinii mise waa mid adiga kugu kooban oo kaliya.? Af hayeenka- maaha mid igu kooban aniga,ee waa mid ay igu raacsan yihiin kooxda oo dhami. Togdhnews – Adiga oo fursad ka faaiidaysanaya maxay tahay fariinta aad u gudbinayso dadweynaha ? Afhayeenka – waxaan ummada islaamka u jeedayaa inaanu nahay dad u dagaalamay ilaalinta khayraadka degaankooda,waxna aanay ka jirin hadalada been abuurka ee uu naga faafiyay maamulka Puntland,waxaanu nahay dadkii degaanka galgala oo lagu soo weeray degaankoodii,laguna cabudhinayo halkaasi,si loo gurto khayraadkayaga,markaasi sidaasaan u sheegayaa ummda islaamka.
  11. Somaliland: Diversifying an Economy Brings Health Benefits The Somaliland pioneers in dairy farming doing their best to contribute to the bone health of their compatriots give a chance to see the local everyday life from another point of view. Below is an article published by BBC: I didn’t believe a word Abdullah Farah was saying when he first told me about his farm. I had met him by chance in the Man-Soor Hotel while reporting for Assignment in Hargeisa, the capital of Somaliland – a dry, arid territory that broke away from Somalia 20 years ago and classed by the BBC as a ‘hostile environment’. Like so many Somalilanders, Abdullah had fled the territory during a civil war in the 1980s. He ended up as a refugee in Canada, where, from nothing, he built up a lucrative business. But he had returned to his homeland to set up what he told me was the “Green Valley Dairy Farm”. Most expatriates won’t leave their homes without armed guards, but I travelled all over the territory with no armed escort. I’m sorry to say that I laughed at him and joked that he was living in some kind of fantasy land because I could never imagine such a thing in Somaliland. On my journey through the territory, I had seen hardly any green vegetation and certainly no dairy cows. Just camels and goats. He asked if I’d like to visit and I couldn’t resist, so the next day we set off early in the morning in his dusty jeep. We flew across the sand at great speed, bouncing and leaping across territory that is still being cleared of the hundreds of thousands of landmines planted there during the civil war. Suddenly, in stark contrast to the sandy landscape, appeared an expanse of bright green. I thought I had seen a mirage, but there, built amongst the lush fields, was a green cowshed, full of black and white dairy cows. Mr Farah didn’t know anything about farming when he started the project, but he wanted to produce fresh milk in Somaliland because many people, including his father, suffer from weak bones caused by calcium deficiency. “I learned all of this from the internet,” he said, laughing. His can-do attitude and spirit of adventure was something I encountered a lot in Somaliland, especially amongst those people who had returned from exile overseas. I came to think of them as the ‘Somaliland pioneers’. Somaliland doesn’t have access to big international loans because it doesn’t officially exist as a country. Its government is poor and weak, but business people and local communities are rebuilding Somaliland from the rubble of war. Twenty years ago, Hargeisa was called the ‘Dresden of Africa’ – the city had been flattened by systematic aerial bombardment by Somali government forces. Now it is a boom town and many of the roads, bridges, schools and hospitals have been built with private money. Some Somalilanders have contributed millions of dollars, others perhaps a camel, a goat or a few shillings. Despite Somaliland’s ‘hostile environment’ status, I felt extremely safe there. Most expatriates won’t leave their homes without armed guards, but I travelled all over the territory with no armed escort. There were several checkpoints manned by veterans of the civil war, but passing through them was always a good-humoured and relaxed experience. The riskiest thing about my trip to Somaliland was getting there. I travelled by air from the Kenyan capital Nairobi, via the Somali capital Mogadishu where, on an almost daily basis, al-Qaeda linked fighters battle a weak transitional government backed by African Union peacekeepers. Fortunately there was no heavy fighting on the day I was there and the atmosphere was fairly relaxed. But the city was heavily militarised – a complete contrast to Somaliland, where most of the guns have been put down and people are doing what they can to develop their homeland, including making sure the population has fresh milk to drink.
  12. Dowladda Sudan ee madaxda ka yahay Albashiir, oo ka walaac ka muujisay Booqashada waranade ee south Written by Qaran news Mar 11, 2011 at 06:02 AM Khartuum,(Qaran news)-Dowladda Sudaan ee madaxda ka yahay Al - Bashiir oo walaac ka muujisay Booqashada wasiirkii hore ee Duulist Ali Mahamed Waranade uu ku tagay Dowladda cusub ee Koonfurta Suudaan ee dhawaan ka go'day Sudan Sida ay qortay Jariidada ku hadasha afka dowladda ee ka soo baxda Magaaladda Khartuum ee loo yaqaano AL INTIBAHA maalintii TAARIIKHDU ahayd 3/3/2011. jariidadaasi oo ku tilmaantay socdaalka waranade mid isku soo dhaweynaya labada dal ee Somaliland iyo South Sudaan kuna tilmaanta safarkiisa in uu taabanayo dhowr ujeeddo oo ay ka mid yihiin dhicana iskaashiga gaashaandhiga oo uu waranade hub ka iibinayo dowladda South Sudan, iyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta Iyadoo la ogsoon yahay in Dowladda Suudaan ay si weyn uga soo horjeedo Qadiyadda gooni isu taaga Somaliland iyo Masiirka shacabka reer Somaliland tanina waxay muujineysaa sida ay uga xuntahay iskaashiga labada dowladood ee koonfurta Sudan iyo Somaliland oo ay ka cabsi qabto dhalasho dowladda la ictiraaf sanyahay oo ka dhalata Somaliland . HORAA LOO YIDHI GOD HADIMO HA QODIN KU DHICI DOONTAA MOOYEE. waxaana imika muuqata in suudaan hadda ku dhacday godkii ay u qodeysay Somaliland iyo South Sudaan oo iminka ay sudaan qarka u saaran tahay iyo Dil-dilaacda.
  13. ^^ what clan agression and hate? There is nothing but love in The buhoodle district.
  14. gah gah gah gah gah gah gah gah gah gah ;)
  15. wyre;700522 wrote: I did't say xaabo "qoryo":D I said xabbad "inan yar" oo uu qoorta oga fadhiisto:D war miyaad walaatay hablaheenu qaarka danbe wey ka barakeysanyihin ma waxad rabta inay qoortu i jabto
  16. Somalina;700201 wrote: Lets just say that it will be his last cup of Shah... awoow maad i sumeyn lahayd;)
  17. Isu-duwaha Baanka BCIMR Xaruntiisa Jabuuti Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Ujeeddada Wefti Uu Ka Mid Yahay Ku Yimaaddeen Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa (HWN):-Isuduwaha Baanka caalamiga ah ee BCIMR ee xaruntiisa Jabuuti Cawil Muuse Jaamac oo ka mid ahaa Wefti balaadhan oo ka socday sanduuqa horu-marinta ee Waddanka Faransiiska ayaa maanta markii ugu horeysay faah-faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, iyo kulamadii kala duduwana ee ay la yeesheen Madaxda dawlada Hargeysa(HWN):-Isuduwaha Baanka caalamiga ah ee BCIMR ee xaruntiisa Jabuuti Cawil Muuse Jaamac oo ka mid ahaa Wefti balaadhan oo ka socday sanduuqa horu-marinta ee Waddanka Faransiiska ayaa maanta markii ugu horeysay faah-faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkooda ay ku yimaadeen Somaliland, iyo kulamadii kala duduwana ee ay la yeesheen Madaxda dawlada iyo weliba goobaha ay booqdeen. Sidaa waxa uu isuduwuhu ku sheegay mar uu maanta si wada-jir ah ugu waramayey Wargeyska Saxafi iyo Shabakada Hadhwanaagnews oo kula kulmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa. Ugu horeyn Isuduwaha Baanka Caalamiga ah ee BCIMR Cawil Muuse Jaamac oo ka hadlayey u jeedada socdaalka Weftiga ayaa waxa uu yidhi Waxaan la soconaa Weftiga horu-marinta ee Waddanka Fance oo ka kooban sadex nin oo kala ah Maareeyaha Suuqa horu-marinta ee dalka faransiiska Mr. Levaneur Jocelyn,Mr. Andrien Absolu, iyo Philippe Lagier, Ta ugu horeysa ee aan waddankan u soo booqanay waxa weeyaan Warshada Coca collaha ee Somaliland Bravarage Industry (BSI) oo imika si wanaagsan u socota,oo bisha lixaad ee sanadkan 2011 si rasmi ah loo furi doono haddii ILAAHAY yidhaahdo, iyo Warshado kale oo waddanka ah oo aanu soo booqanay oo ay ku jirto Warshada Bacda ee Shiraaqle Company iyo Warshadaha kale ee waddanka ka jira inaanu wax la qabano waanu jecelnahay,oo aanu waddanka ka hirgelino inay warshado badan shaqeeyaan suuqa xorta ah. Anigu Weftigan shakhsiyan la socdaa waxa uu ka socda baanka BCIMR,waxaana na wata ninkan aanu saaxiibka nahay ee la yidhaahdo Jerome Perrin oo ah Manager Commercial-ka ee baanka BCIMR waxaanu baankani ku xidhan yahay Baan faransiis ah oo la yidhaahdo PRED oo aan ahayn baan yar, marka Geeska Africa waxaanu ka waddna meelo badan baanki xafiisyo ka furto, Jabuuti uu ka furan yahay, Somaliland-na hore ayaanu uga furanay,Kenya, Koonfurka Suudaan inaanu xafiisyo ka furno oo ay isku wada xidhnaadaan,ayuu yidhi Cawil Muuse. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiMarkaa annagu waxaanu u socona baayacmushtarka xorta ah, Somaliland dhaqdhaqaaqeedu aad iyo aad ayuu u sareeya waana wax lagu farxo, dhinaca dhaqaalaha halka uu wakhtigan marayo, waana sababta aanu Somaliland u nimid. Marka xafiiskayagana waanu soo kormeeraynay meelo kalena waanu booqanay oo madaxtooyada waanu tagnay si wanaagsan ayaa na loogu soo dhaweeyey, oo aad iyo aad ayaanu mabsuud ugu nahay Cawil Muuse waxa uu ka hadlayey kulamo uu la yeedhay Wasiiro ka tirsan xukuummada, waxaanu yidhiDhow Wasiir ayaanu la kulanay oo waxyaabaha baayacmushtarka dhibyareynaya anagana noo dhibyareynaya inaanu xafiiskayaga si qurux badan u furano, waxaanan ku xidhanahay isla markaana na horkacayey Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir oo aad iyo aad noo soo dhaweeyey, markastana sidaa iyo si ka sii wanaagsan noo soo dhaweeya. Cawil Muuse waxa uu sheegay inay Weftigii ka socday sanduuqa horumarista ee Faransiisku waxay booqdeen Dekedda Berbera, waana wefti miisaan culus, waxaanay dalka joogeen maalin iyo badh oo maanta gelinkii danbe ayey noqdeen. Mar aanu wax ka weydiinay Cawil Muuse waxay weftigoodu ka wadda hadleen kulankii Shalay ku dhexmaray qasriga madaxtooyada Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaanu uu ku jawaabay oo uu yidhi Madaxweyne kuxigeenku aad iyo aad ayuu noo soo dhaweeyey, waxaanan uga waranay waxaanu u soconay si wanaagana waanu iskula afgaranay, waxaanu madaxweyne kuxigeenku noogu bushaareeyey wixii Somaliland maalgashanayaan inay wax nagala qabanayaan sidii aanu wadankan u maalgashan lahayn S:>Xafiiska Baanka BCIMR ee idiinka furan Hargeysa sidee ayuu u shaqeeya? J:>Xafiiskayagan ka furan Hargeysa waa xafiis yar, waxa weeyaan Xafiis wakiilnimo,oo siddii nidaamkii baanka uma shaqeynayo, laakin waxaanu filaynaa lixda bilood ee soo socda inaanu helno ruqsad aanu waddanka oodhan isku balaadhin karno oo aanu Berbera Xafiis ka furno, oo Burco Xafiis ka furno, oo aanu shaqaale qorano oo siddii ay baananka adduunka ee baayacmushtarku u shaqeynayeen u shaqeyno. S:>Cawil waanagii goob-jooga ahayn ruqsadiinii laba-sanadood ka hor ku furateen xafiiskiina Hargeysa, Markaa ma ruqsad kale ayaa la idiinka baahan yahay? J:>Haayo waxay taasi ahayd mid la noogu ogolaaday inaanu waddanka soo degno, laakin xeerarkii Baananku adduunku ku dhaqmi lahaayeen ee suuqa xorta ah waxay hortaala Golaha Wakiillada Somaliland oo way ka soo dhamaanaysa sida naloo sheegay, si aanu u furan karno xafiisko oo aanu Magaalooyinka kale isku balaadhino, Waxaanu la kulanay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo si aad iyo aad ah noo soo dhaweeyey, noona sheegay waxyaabaha ay Somaliland naga caawinayso ama ay u baahan yihiin inay adduunku ka caawiyaan dhinaca Baananka iyo baayacmushtarkaba,ayuu yidhi Cawil Muuse oo ka hadlayey kulankii dhexmaray Wasiirka Qorsheynta iyo waxay ka wadda hadleen. S:>Cawil waxa la sheegay in waddo laba Baan oo ay leeyihiin Dahabshiil iyo Salaama in dalka laga furo, markaa ma loo arki karaa inay dawladu kuwaas la sugayso kiinana? J:>Maya, anigu waxaan u maleynayaa oo labada baana way jiraan, kolay baanan baddan oo kalena way soo imanayaan, anaguna tartankaasi sida ugu quruxda badan ayaanu uga qeybgalaynaa baananka ugu waaweyn ee Yurubna waanu nahay,anagu qeybtayada dhaqaalaha Somaliland inaanu qabsano waanu ku tallo-jirna,
  18. Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo Cadeeyay in Al Shabaab iyo Burcad Badeeda ay Ka dhaxeeyaan Wada Shaqeyn Dhan Walbaa New York: (HWN) Raiisul Wasaaraha Dowlada KMG Maxed C/laahi Maxed (Farmaajo) oo Kusugan dalka mareykanka ayaa sheegay in Xiriir Fiican uu ka dhaxeya xarakada al shabaab iyo Burcad badeeda soomaalida ah New York: (HWN) Raiisul Wasaaraha Dowlada KMG Maxed C/laahi Maxed (Farmaajo) oo Kusugan dalka mareykanka ayaa sheegay in Xiriir Fiican uu ka dhaxeya xarakada al shabaab iyo Burcad badeeda soomaalida ah Raisul Wasaare Farmaajo oo hadalkaan ka sheegay kulan gaar ah oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya oo Goob joogna ay ka ahaayeen Golaha amaanka ee qaramada midoobay Waxaana farmaajo qudbadiisa ku sheegay in Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay ka socon la dahay Kooxahaan Waa al shabaab iyo Burcad badeeda Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu Qudbada ka hor aqrinayay Golaha amaanka Ee Qaramada midoobay ayuu ka codsaday in tageero fiican ay siiyaan sidii ay ucirib tiri lahaayeen kooxahaan ay ka socon la yihiin Dowlada Walboo Loo Soo dhisaa Soomaaliya Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Waqti xaadirkaan loo baahan yahay in Ciidan Kordhin lagu sameeyo Ciidamada amisom ee Kusugan gudha Casimada soomaaliya ee Muqdisho si ay uga qeyb qataan kasarada kooxahaan dadka dhibaatada kuwada waa sida uu farmaajo sheegaye Raiisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxed C/laahi Maxed (Farmaajo) waxaa Sidoo kale uu goobta ay qudbadiisa ka socotay ka sheegay in Xukuumadiisa ay uhartay Waqti yar oo kooban islamarkaana ay inti yareed wax badan ka qabatay xaalada amaan ee kajirta gudaha dalka Soomaaliya Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Markasta ka qeyb gasha shirarka kadhaca caalamka waxaana markasta ay sheegtaa in ay wax badan ka qabteen Xaalada soomaaliya balse aysan wali Magaalooyinka ay dowlada heyso aysan Dhaafin balse maalmahaan ay dar dar Xoogan bilowday kadib Markii ay Goobo badan ka qabsatay Kooxda al shabaab
  19. Looooooooooooool that was actually funny let's create our own UN and recognize ourselves and have the right to veto in it