Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Good news so that's why the foreign Minister is in china.
  2. Indeed taleexi Mujaheed Siilaanyo si wacan bu wax u wada halkasu ka haynaya
  3. Somalina;700175 wrote: Sh Sharif is the president of Somalia and Xamar is the capital. lol... bad comparison awoowe. Shacabka LA (SSC people) have spoken and they don't want you (SL) in their town period. Teeda kale, Garowe weli maadan is arag awoowe, waxba ha dhihin PL ayaan la dagaalameynaa maanta. Markey soo galaan dagaalka waad carari doontaan all the way to Berbera. Waxaan rajeynaayaa in SL danteeda garato oo ay ka baxdo dhulka SSC haddii ay nabad doonaayaan. Waxaad ugu dhegentihiin dhul aadan lahayn ayaan la yaabanahay. awoow qof dalkisa ka baxa ma jiro ,, sh sharif is the president of The TFG of Somalia there are many presidents of Somalia laakin tusaale waxan u so qaatay he claims to be the president and vila somalia is his seat marka ma dalkisu ka taga..... you should read www.puntlandpost.com it says puntland iyo Somaliland ba is dagaalay Ciidamada wa ciidan ka tirsan mamuulka budhcadbadeedka ,, waxa hogamiye wasiirki hore eeh cirka iyo duulista mumuulka garowe.... Aanagu nabad baanu rabna laakin wa inay dhulkayaga iskaga tagan haday nabad raban haday colaadse rabaan dee wa inay dagaal u diyaargarobeen rag wa is guraya..
  4. Somalina why should we leave our land it's like Saying sh dalxiis should leave Mogadisho ma macquul ba pirate state should leave eastern sool if it wants peace and go back to garowe
  5. Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay Inay Puntland Ka Qabteen 7 Maxbuus Iyo Tikniko March 7th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa caawa ka hadlay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka gabadha 0 30km dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaanu maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay masuuliyada dagaalkaasi. Md. Xaabsade wuxuu sheegay in ay ciidamada qaranku ay jawaabtii ku haboonayd ka bixiyeen dagaalkaasi waxaanu ku dooday inay ka adkaadeen maleeshiyadii maamul goboleedka Puntland. “Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa in Puntland ay leedahay masuuliyada dagaalka ka dhacay gabadha oo ay soo weerareen ciidamada qaranka ee Somaliland. Dagaalkani wuxuu ka dambeeyay hadalkii ka soo yeedhayay maalmahanba Madaxweynaha maamul goboleedkaasi oo sheegayay inay weerarayaan Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaanu intaasi ku daray “Waxa hanjabaada Puntland u dambeeyay hadalkii maanta uu BBC-da ka sheegay wasiirkii warfaafinta oo yidhi waanu difaacaynaa oo Somaliland ayaanu ka celinaynaa dadka reer Laascaanood. Waxaanu caalamka u sheegaynaa in weerarkii ay sheegi jireen ay maanta soo qaadeen.” Wasiirka oo u waramayay BBC-du wuxuu sheegay inay Puntland ka qabteen 7 maxbuus iyo laba baabuur oo tikniko ah.
  6. Thankful Somaliland fights the rebels on one front in the buhoodle district and we fight the pirate state and their troops in eastern sool and we will continue that war till we clean the outsiders from our territory. Bilan walaal the civilians of laascanood and sool are our people no one will harm them and they have the same rights as every other citizen in Somaliland they are allowed to demonstrate in their Towns and cities. Bilan president Siilaanyo did not start a clan war he was only fighting the nabadiids in the buhoodle district.
  7. Thankful;700086 wrote: Xaaji, if you are a democracy, than why were their now Ballots sent to Lascaanood? There were ballots in laascanood
  8. Thankful;700084 wrote: So you actually believe that the rebels aren't in Puntland and were not involved with the skirmish with your militia? Come on, for the rebels to get to Puntland they need to cross Sool or go through Ethiopia. But if you want to believe that the rebels are just staying in Cayn, without Crossing through Sool, than fine. The rebels get arrested most of the time in Puntland so i dont see the link
  9. A khadar people can demonstrate in Somaliland since we are a democracy it's usual if riots get out of hand people get arrested there were demonstrations in borama to , two days ago and people got arrested Marka abti is dadji xuquuq shacabku wa leeyihin badankooda na wala sii dayey
  10. A_Khadar;700081 wrote: XX waa nin too emotional ah.. Now he is celeberating but once he got the real news, he will disappear as usual. XX, ku noqo, the reality on the ground is different than these you referred from your clan sites. Plus, city of LA population aren't s/landers as you claimed because they have been protesting last several days and nighst and many of city's populations are filled in the jails. Your paied lead men from LA are big time in loss so as your militia. Run before its too late waryaa, tolka inta meesha kaaga jirta advice them before they get captured or killed. Here from your own website Dagaal Ka Qarxay Deegaanka Ganbadhi Ee Bariga Laascaanood- Lasanod Online. Monday, March 07, 2011 Laascaanood,(lasanod Online)- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada taabacsan SSC ee ka amar qaata Wasiirkii hore uga tirsanaan jirey maamulka Puntland, Axmed Karaash.. iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sida ay wararku sheegaayan dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Ganbadhi oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Laascaanood,waxaana uu socday mudo dhowr saacadood dagaalkaasi. Afhayeen u hadlay Ciidamada Somaliland ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka ay khasaare ku gaadhsiiyeen Ciidamadaas isla markaana dib u riixeen,waa siduu sheegtay.wuxuuna sidoo kale tilmaamay in ay qabteen maxaabiis iyo gaadhi tikniko ah. Xirrir aanu la sameynay masuuliyinta maamulka Puntland iyo aagga daalku ka dhacay ayaa dhamaantood ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkan maanta, iyagoo sheegay in saacadaha soo socda la hadli doonaan Saxaafada oo dagaalka ka warbixin doonaan. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan maanta dhexmaray Ciidamada Axmed Karaash iyo Somaliland ayaan weli la ogeyn. Dhowaan ayay ahayd markii Ciidamada Axmed Karaash iyo kuwo ka tirsan Puntland ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka bilaabeen inta u dhaxeysa Laascaanood iyo magaalada Garoowe. Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ku eedeyey maamulka Somaliland in colaad ay ka hurinayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Faahfaahin ku saabsan dagaalkan, kala socda LASANOD ONLINE.
  11. Thankful;700080 wrote: Xaaji no fighting in Sool huh? Of course you will put your spin on it and never admit defeat! However like it has been said many times, your think your independence bid will have any weight when it causes conflict? Fighting not between rebels and Somaliland but between Faroole and his forces and Ciidanka qaranka Somaliland this is good news since there are no rebels in eastern Sool but this is a war between Somaliland and the pirate forces.
  12. War deg deg ah: Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jebiyey weerar ay Puntland ku soo qaaday saaka Written by Qaran news Mar 07, 2011 at 08:41 AM Laascaanood (Qaran news)- Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa dhirbaaxo xoog leh ku dhiftay ciidamada maamul goboleedka Puntland oo saaka ka soo weeraray laba aag oo ah aagga hore eeTukaraq iyo Gambadhe. Ciidanka qaranka ayaa goobtaas ku qabsaday gaadiid techniko ah iyo maxaabiis badan. Wararka ka soo baxayaa goobaha dagaalka ayaa sheegaya in si xoog ah loo jebiyey ciidamada weerarka gardarrada ah soo qaaday ee Puntland. Wararkaas oo faah-faahsan goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii ilaahay ka dhigo. Qaran news
  13. Maleeshiyada Puntland Oo Weerar Kusoo Qaaday Ciidamada Somaliland Ee Degaanka Ganbadha March 7th, 2011 Ganbadha (Somaliland.Org) Maanta duhurki ayaa waxa weerar laba geesood ah kusoo qaaday ciidamada qaranka ee fadhiya degaanka Ganbadha, maleeshiyo maamulka Puntland ah. Deegaanka Ganbadha ayaa ah meel u jirta tuulada Tukaraq wax ka yar 10km, dhinaca kalena u jirta magaaladda Garowe wax ka yar 30km. Sida uu sheegay af-hayeen u hadlaya ciidamadda Qaranka Somaliland oo u waramay idaacadda BBC Somali, maleeshiyadi soo weerartay ciidamadda qaranka ayaa laga qabsaday laba gaadhi Tikniko ah iyo maxaabiis aan tiradooda la xadidin. Isla af-hayeenkas ayaa sheegay in ciidamadda Somaliland wax khasaare ah soo gaadheen nin dhaawacmay, halka aanay jirin wax dhimasho ah. Af haying waxa uu sheegay in maxabis ay ka qabteen maleeshiyadi soo duushay, sidoo kalena laba gaadhi oo Tikniko ah ka qabsaden. Dhinaca kale wasirka warfaafinta Puntland oo isna u waramay idaacadda BBC ee Somaliga ayaa sheegay in ay weerarka soo qaadeen, isagoo sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada Somaliland ku sugan yihiin magaaladda Laascaanod. Sidoo kale , mudanahan oo magaciisa lagu sheegay in la yidhaahdo Askar, waxa uu sheegay in maamulka Puntland uu aad uga xun yahay caawimada dhaqale ee dalka Ingirisku siyo Somaliland. Tan iyo intii xukuumadda Ingiriiska iyo alameda qarbigu sheegen in caawimada ay siyan Somaliland sadex laabayan ayaa waxa soo batay dagaal dhinacyo badan oo maamulka Puntland iyo maleeshiyo beeleed uu isticmaalaa kusoo qaaden Somaliland. Maamulka Puntland ayaa ku dooda inay isku isir yihiin shacabka reer Somaliland ee dega Sool, isla markaana ku dooda intii isku isir ahba inay maamul wada samaysato. Dooda maamulka Puntland ayaa ah mid khatar ku ah nabadgelyadda geeska Afrika, maadama dad badan oo isku isir ah ay ku kala nool yihin xaduudaha Ethiopia, Somaliland iyo Somalia
  14. War Deg-Dega: Dagaalo ka dhacay Sool , oo Hub iyo Maxaabisi lagu kala Qabsaday. Monday, 07 March 2011 Laascaanood(Togdheernews.com)- Dagaalo Culus oo manta ka dhacay Jiida gobolka Sool, kuwaasoo u dhaxeeya Ciidanka Qaranka Soomaaliland iyo Ciidamada Maamulka Puntland, kaasoo sababay Dhimasho iyo Dhaawac . Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriydda Soomaaliland ayaa Ayaa shabakadaTogdheernews.com u sheegay in ciidanka Puntland ay Werarkaas soo qaaday ayna jabiyeen , kana qabteen Hal Baabuur oo Tikniko ah iyo 4 Maxbuus, sidoo kalena dhinaca Ciidanka Qaranka ilaa hadda ay dhaawacmeen 4 Askari oo ku dhaawacmay laba gaadhi oo isku dhacay. Lama oga Sababta Xilliga keentay Dagaaladda ka soo Cusboonaaday Degaankaasi, Sool.
  15. We are still waiting for the pirates to fight back like men La residents are proud Somalilanders the pirates will be send back to their garowe.
  16. The pirates got owned today two of their technicals got captured and we also have prisoners of war:D
  17. Golaha Wakiilada Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyad Leh Ku Meel-mariyay Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011-ka. Hargeysa(Ramaas) Mar.07, 2011 - Mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011-ka oo ay usoo gudbisay wasaarada maaliyadu golaha, taas oo 70.8% ka badan miisaaniyadii sanadkii hore. Fadhigan oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxa uu gudoomiyuhu ka hor intii aan codbixinta loo qaadin miisaaaniyada golaha ujeediyay khudbad la xidhiidha miisaaniyada, isaga oo sheegay in aanay miisaaniyadan ka dhex muuqan kharashaadka loogu talagalay doorashooyinka dawladaha hoose oo ay xukuumadu sheegtay in la qaban doono badhtamaha sannadkan, laakiin ay xidhiidh arrintaas kala sameeyeen wasiirka maaliyada oo damaanad qaaday in wasaaradiisu ay *****li doonto kharashka loo qoondeeyay doorashooyinkaas. Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu Madaxweynaha u qoray warqad uu goluhu ka codsaday in uu Madaxweynuhu usoo gudbiyyo golaha sharciyeynta hay’adaha aanu goluhu ansixin ee ku jira miisaaniyada qaranka muddo shan iyo afartan cisho ah. Waxa kale oo uu sheegay in mushaharka mudanyaasha wakiilada laga jari doono 20% oo lagu taageeri doono hawlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha ku habsaday dalku. Waxa ay xildhibaanada madasha ku sugnaa oo tira doodu dhamayd toddobo iyo konton mudane ay cod u qaadeen ansixinta miisaaniyada, waxaana ogolaaday konton mudane waxa ka aamusay lix mudane guddoomiyuhuna muu codayn, iyada oo miisaaniayadu ay sidaas ku ansaxday. Miisaaniyada sannadkan ayaa ka badan miisaaniyadii hore sannadkii ee aynu soo dhaafnay 2010-kii, waxaana mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qabka sida oo laban laabay mushaharkii ay qaadan jireen markii ugu horaysay taariikhda wadanka.
  18. SNM horta xuduud ba ma laha wa Mujahidinti Somaliland from lawyacade ila yocade xoreyey SNM laakin maanta ma jirto 1993 ba ugu danbeysey. Xuduuda Somaliland na wala garanaya xuduudaha beelaha Somaliland ay kala degan na wala ogyahay
  19. Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Maanta dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyo Puntland ah oo soo weerartay Laascaanood,kana qabsaday Gaadiid iyo Maxaabiis Dagaal Laascaanood(Waaheen)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Jiida Gobolka Sool,gaar ahaan Deegaanka Ganbadha oo dhicana bari kaga beegan Magaalada laascaanood ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay Maleeshiyaad Reer Puntland ah oo saaka weerar ku soo qaaday Ciidanka ,kana qabsaday laba gaadhi oo qoryo saaran yihiin iyo Maxaabiis lagu qiyaasay labaataneeyo Askari warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ciidamada Qaranka Somaliland caydhsadeen Maleeshiyadaasi,isla markaana ay ku celiyeen meelihii ay ka soo duuleen oo ah Tuulada Tuko-Raq iyo Deegaamo kale oo u dhaw. Maleeshiyadan Ciidanka Qaranka Somaliland saaka soo weeraray ayaa la sheegay inay ka soo duuleen Tuulada Tuko-raq oo ay beryihiin u dambeeyey ku Uruurinaysay Puntland Kooxo maleeshiyaada,kuwaasoo ay ugu talo gashay in ay ku soo weerarto Magaalada laascaanood iyo Jiidaha Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka Somaliland Fadhiyo,waxaana sida la sheegay Maleeshiyaadkan Reer Puntland Hogaaminaya Nin hore Wasiir uga ahaan Jiray Maamulka ******teeniya oo lagu magacaabo Axmed Karaash. sidoo kale waxa maanta Wasiirka Warfaafinta Puntland ugu dhawaaqay inay Xukuumadiisu qaadayso talaabo ay kaga hortagto wax uu ku tilmaamay badbaadinta dadka Reer Sool oo uu sheegay inay yihiin dadkoodii isagoo xukuumadda Ingiriikana ku eedeeyay inay taakulaynayso wax uu ku tilmaamay Somali-diid ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Xukuumada Somaliland iyo Talisyada Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku saabsan Khasaaraha dhabta ee Dagaalkaasi, balse waxa la filayaa in Saacadaha soo socda ay Xukuumaddu jawaab ka bixin doonto weerarkan gardada ah ee Saaka lagu soo qaaday Ciidanka Qaranka Somaliland iyo hadalada wasiirkaasba
  20. Violent Violent Violent nabadiids will always be Qarandiids
  21. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;133268 wrote: This isn't wadani hees, but sawir. Waa calanka Soomaaliya oo cambuurnimo u sameysan. Err, about kubkaas, no comment. Absolutely...I said no comment, darn it. P.S. - Qofta waa model and she posted this picture by herself publically online, so I am not violating anyone's privacy by posting this sawir on here. war miskin tan yari waba dadaax halkay degentahay wadaniyad iga dhe
  22. Mawlid hadaad dhalashoada nabiga xustiid wax danbi ah kaga iman meyso Nabyinuna Muxammad ma xusi jira culumadu wa isku khilaafsanyihin sabab Nabi Maxammad csw ,, waa soomi jiray Maalinta isniinta Adeerki Nabi Maxammad csw na isninta cadaabta lo khafifin jiray. Marka dhalashada nabiga wa shay muhim ah.. Mida sadexaad.culumada qaar sida .(Suyuti, ibn Hajar, ibn Kathir, waxay yidahheen wax danbi ka iman meysi hada nabiga dhalashadisa la xuso qaarne waxa leeyihin wa bidca , o wa danbii hase yeeshe ,,,nabi amaan wa xalaal100% nabiga wala amaani kara ahlu baitka wala amaani kara culumada kuwaad aad jeceshahay waad amaani karta , diintu see waxay diiida uun in la cabuud wadaad dhintay iy in risiq la weydisto tasi wa shirik. ialaay qurankisa wuxu ku leeyahay wama lakum min dunilahi min waliyihin wala nasiir , ilaahay uun ba wax ilaaliya wali wax ma ilaalin karo..
  23. Dr ciyow waleh isha ayu ka riday Point kasta wu taabtay well said Dr.