-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Xisbi mucaarad ah oo maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
Jacpher;701656 wrote: Unlike Hargeysa, Moqdisho has no limits on opposition parties. Zubeyraba cod bey heli laheyd xabad la'aan. in Mogadisho they also have xisbis Taangiyo iyo beebeye saaraan:D -
Xisbi mucaarad ah oo maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
Xisbiyadi way so badanayan xisbigi xaassan daahir aweys hada wala qarameyey xisbigi sicid samatar na wu so socda;) -
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay duqeeyey degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo toddobaad kadib oo ay gacantooda ka baxday markii ciidamo Isbaheysiga ah ay ka qabsadeen. Goob-joogayaal ayaa sheegay in Shabaabku beegsadeen saldhigyada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ku leeyihiin gudaha iyo banaanka Beledxaawo, lana dhaceen dhowr madfac, lama sheegin ilaa hadda wax khasaaro ah oo ka dhashay duqeyntaas. Sargaal u hadlay Al-Shabaabka Gedo wuxuu sheegay in ay 20-madfac ku dhufteen fariisin ay ciidamada Ethiopia ku lahaayeen Beledxaawo, kuna dileen sida uu hadalka u dhigay askar badan oo aanu tiradoodu sheegin. Magaalada B/xaawo maalmahan way deganeyd mana muuqan wax saan-saan colaadeed ah oo ka dhan kooxaha heysta.
-
Shabaab oo xalay duqeeyay degmada Baladxaawo Baladxaawo: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegay inay Madaafiic la dhaceen fariisimooyin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku leeyihiin degmada Balaxaawo ee gobolka Gedo, iyagoo sheegay in dhowr askari ay ku dileen duqeyntaasi. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku weeraray fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku lahaayeen gudaha degmaaasi. Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 20-Madafac ay ku garaaceen fariisimo ay tilmaameen iinay ku suganaayeen ciidamo Ethiopian, hase haatee dadka deegaanka qaarkood ayaa Idaacadda Shabelle in goobaha madaafiicda ay la dhaceen Ciidamada Shabaab inay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Lama oga qasaaraha ay gaysteen madaafiicda Shabaab ay ku weerareen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana dagan iminka xaaladda goobihii lagu garaacay Madaafiicda. Xarakada Shabaab ayaa dhowaan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo laga wareegay kadib dagaalo qorshaysan oo ay halkaasi kula galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Ahlu Sunna iyadoo dagaaladaasi ay qasaaro badan kasoo gaareen dad rayid ah islamarkaana ay ku barkaceen qoysas farabadan. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
-
Dalka Burundi oo Ciidamo Dheeraad Ah U Soo Direy Soomaaliya
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
More foreign troops allow u sahal Carada Somali oo ajanabi ku so qul qulayan. -
gooni;701515 wrote: xaji xurjuf:) wax garadka waqooyi galbeed somaaliya wey og yihiin in 200km inaysan ku filnayn inay qaadato jamhuuriyad yaroo iska qayisha,,, qalbigoodana uma fiicna in markay burco soo dhaafaan in la yiraahdo xuduudkii somaaliya ayaad iminka gasheen. waxaa kuusoo haray oday axmed diiriye haduu oday soomaaliyeed yahay wuxuu odhan lahaa dagaalka buuhoodle yaan loo isticmaalin sadaqada gaalada, ee wuxuu oran lahaa dabkaan ay walaalaheen snm noo dhiibeen si aan u damino aqoon weynay ee gogol ha noo fidiyeen hogaana ha noo noqdeen, si aan kala dambeyn u helno somaali oo dhana dib u midowdo. Waxgaradkayagu culumu aw diin cuqaal siyasin Aqoonyahan iyo salaadin iyo mutalimin intu ba waxay isku raacsanyihin jiritaanka jamhuuriyada Somaliland , dalkayagu England bu ka weynyahay Eritrea ayuu ka weynyahay marka ma fahmi karo mala Juqrafigad aqoon eeh ,, Wa anigu ku idhahda Somalida Ethiopia degen dhulka Somalida Ethiopia kuma filna oo wa inay ka sii mid ahaadaan Ethiopia inteeda kale sabab dhulka ku yar ,, caqligas halku ka shaqeya ,, Dagaal Buhoodle loo ma isticmaalin gunne ingriis bixiyey iyo sadaqo yar xoolahayaga ayaanu ku diifaacna dalkayaga kolkey qarandiidku nugu so duleen saaxib axmed diiriye na wu saxsanyahay lacagta dalka ayey galeysa sabab waxba lugu qabanaya
-
Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo gaadhay Kalshaale,soona arkay in la Aasay Baraagihi kalshaale Cuqaasha Odayaasha iyo waxgaradka degaanka Buuhoodle ayaa markii u horeysay maanta gaadhay degaanka kalshaale,kuwaasoo indhahooda ku soo arkay in si rasmi somaliland u aastay baraagihii laga qoday Kalshaale,ee ay ka dhalatay xiisada colaadeed. Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Somaliland oo ay weheliyaan Abaanduulaha ciidanka qaranka somaliland iyo C/rashiid Ducaale Qambi ,ayaa subaxnimadii hore ee saaka gaadhay degaanka kalshaale,ka dibna soo kaxeeyay shan iyo toban xubnood oo isugu jira Garaado,Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan degaanka reer Buhoodle. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe,oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in talaabadani ka dambaysay ka dib markii dadka degaanka Buhoodle la gaadhsiiyay inaan la aasin baraagihii balse maanta ay indhahooda ku arkaan in ay dhab tahay oo la fuliyay go,aankii madaxweynaha somaliland Siilaanyo Sidoo kale,Garaad Maxamed Saleebaan ,oo horkacayay odyaasha dhinaca Buuhoodle,ayaa isaguna sheegay inay si cad u arkeen in la aasay baraagihii oo ay arkeen islamrkaana loo baahan yahay in ciidamadana laga qaado dul fadhiya ee ku soo duulay Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii maamulka iyo cuqaal reer buuhoodle,iyagoo dhamaantood sheegay inay hada meesha ka baxday hadadladii been abuurka ahaa ee lagu kicinayay bulshada reer Buuhoodle,ee laga dhigay inaan la aasin baraagihiibalse looga fadhiyo maamulka somaliland sidii uu ciidanka halkaasi ka joogana uga qaadan lahaa kadibna looga wadli hadli wixii kale ee nabad ku jirto Talaabadan ayaa waxay meesha ka saaraysaa hadalo ay maalmihii u dambeeyay warbaahinta ka sheegayeen masuuliyiin ka tirsan Puntland,oo tilmaamayay inaan waxba ka hirgalin go,aankii Somaliland,lana aasin baraagihii kalshaale oo ay wali jiraan.
-
Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Oo Wafti Denmark Ah Kula Kulmay Magaalada Niarobi Hargaysa (HWN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Wafti ka socda dalka Denmark. Waftigan ka socda dalka Denmark ayaa la sheegay inay marayaan dalal badan oo African ah, kuwaasoo ay ogaanayaan Xaaladaha dhabta ah ee ka jira, gaar ahaan Waddamada ay ka taageeraan Horumarinta iyo Ammniga. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska siyaasada ee Somaliland ayaa lagaga waramay Kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo Waftigaa Denmark oo uu Guddoomiyuhu warbixin ka siiyey Xaallada Somaliland hadii ay tahay Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo arrimo kale. Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani. Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arrimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arrimaha ay ka midka yihiin: 1.Arimaha budhcad badeedka 2.Adkaynta nabad galyada Somaliland 3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland Waxa Waftigaa qaabilay safiiska Somaliland u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Indho buur Madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan. Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland.
-
lool we are not involved with Atom nor with you pirates or your Somalia Galgala doesn't fall under our jurisdiction but the spokesman made it clear Atom and his group have no links with Alshabaab they are just Native maakhirians protecting their resources and minerals from the criminal pirate state Thankful the news is true your propaganda against Sh Maxamamd sicid atom failed
-
Xukumada Somaaliland iyo Odayaasha Beesha Buhoodle oo Kulan ku yeeshay Kalshaale Iyo qodobada laga wadahadlay Berberapress Kulan balaadhan oo manta ay yeeshen xukumada Somaliland iyo odayaasha beesha Buhoodle ayaa manta ka dhacay degaanka Kalshaale oo 18km ujira degaanka qorilugud Kulanaka manta oo ahaa xaqiiqa raadin ay samaynayeen odayaasha Beesha buuhodle sidi ay indha hooda uguso arki lahaayen baraago ay dhawaan astay xukuumada Somaaliland Waxana ay labada dhinacba si wada jira uga hadleen sidi ay unabadayn lahaayen degaanada aya wada degaan labada Beelood ee qorilugud Iyo Buhoodle Waxana madashaas lagu casuumay gudi balaadhan oo ka kala socda dadka rayida oo kala Odayaasha iyo waxgaradka degaanada Buhoodle iyo gudi ka socda xukuumada somaliland oo uu horkacayo wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Somaliland. Gudidaga ka socday deegaanka buuhoodle ayaa sheegay in ay xaqiiqsadeen in la duugay baraagihii , kuna mahadnaqay sida wacan ee ay xukuumada somaliland uga qayb qaadatay una aastay baraagaha dhaliyay xurgufta colaadeed. Axmed Cawil Bacluul oo ka mid ah odayaasha deegaanka buuhoodle ka hadalayay xalada nabadaynta kalshaale �Markaanu tagnay deegaanka kalshaale anaga oo ka kooban gudi ka kala socda xukuumada somaliland iyo guddi ka socota deegaaanka buuhoodle, waxaanu kala kulanay oo aanu xaqiiqsanay in la dumiyay oo la aasay baraagihii kalshaale, balse fikirka aanu qabnay ayaa ahaa in ln la dumiyay oo qudha, balse aan la aasin baraagahaas hadana waxaanu xaqiiqsanay in la dumiyay oo la aasay isla mar ahaantaana waxaanu diyaar u nahay in la dhamaystiro inta kale ee dhiman si loo helo nabad buuxda oo ay dadka deegaankaasi kuwada noolaadaan� Dhanka kale waxa xaga xukuumada somaliland goob jooge ka ahaa oo hor kacayay gudidaas wasiir kuxigeenka arimaha gudaha soomalliland mudane Cismaan Garaad Soofe, isaga oo wasiirku sheegay in ay ka go'an tahay xukuumad ahaan sidii ay u hashiisiin la haayeen labad beelood una galayaan hawl kasta oo nabad looga dhalinayo deegaankaas. Dhanka gudida buuhoodle waxa horkacayay oo ka mid ahaa gudidaas Gardaad Maxamed Saleebaan Caaqil Yuusuf Maxamed Aadan Cawl Sheekh Cumar Sheekh Cusmaan Ganacsade Xaaji Saleebaan Faarax Diiriye Ganacsade Cabdirisaaq Saleebaan Ganacsade Axmed Siciid Caamir Macalin Mataan Igir Ibraahin xirsi Maxamed
-
Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah Daawo Written by Qaran news Mar 11, 2011 at 12:36 PM Kenya,(Qaran news)-Wafti aad u heer sareeya oo ka yimid dalka Denmark oo baryahanba booqasho rasmi ah ku joogay dalka Kenya taasoo ay ugu kuur galayaan , daraasadna ka diyaarinayaan sidii ay xog buuxda uga heli lahaayeen dalalka Africa ee ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo amniga, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Somaliland ee dalka Kiiniya qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada qaran news, ayaa isga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sida hoos ku xusan Waftigan oo ka kooban toban Xubnood uuna hogaaminayo ku xigeenka uqeybsanaha dalka Denmark dhanka deeqaha ay qaarada Africa siiyaan Mr.Avders Fribolo Ayaa shir balaadhan maanta kula yeeshay xafiiska Somaliland ay ku leedahay dalkan Kenya gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland mudane Abdirahman Abdilahi Ciro iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada Somaliland mudane Ali Hamud Jibril oo ay weheliyaan Safiirka Somaliland ee Kenya Mudane Mohamed Ahmed Nur (Indhabur) oo metelayay wasaarada arimaha dibada iyo ku xigeenkiisa Abdirizak Ahmed Karaani. Xubnaha waftigan tobanka qof ka kooban ayaa ka kala socday wasaaradaha cadaalada, gaashaandhiga, arimaha gudaha iyo arimaha dibada ee dawlada Denmark. Shirkan ayaa lagaga wada hadlay arimaha ay kamidka yihiin: 1.Arimaha budhcad badeedka 2.Adkaynta nabad galyada Somaliland 3.Kor uqaadida mashaariicda horumarineed ee dawlada Denmark kawada dalka Somaliland Waxa ugu horayn waftiga kusoo dhaweeyay Xafiiska Somaliland ugana mahad celiyay imaatinkooda Safiirka Somaliland ee Kenya mudane Mohamed Ahmed Indhabur, kadib waxaa halkaas hadal mahad naq ah kazoo jeediyay madaxa waftiga Denmark Mr.Avders oo aad ugu amaanay Somaliland dimuqraadiyada iyo nabad galyada ay samaysay, wuxuu sidoo kale faahfaahin kabixiyay socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka Kenya oo ay xuran tahay deeq bixiyeyaasha ka hawlgala bariga iyo badhtamaha Afrika. Wuxuu sheegay in u yimaadeen sidii ay qiimeyn iyo rayi uruurin u samayn lahaayeen maadaama ayuu yidhi ay balaadhinayaan mashaariicdii horumarineed ee ay ka wadeen dalal badan oo Afrika ah, isagoo si gaara u xusay in ay Somaliland aad u danaynayaan in ay ka taageeraan dhanka horumarinta iyo waliba aminiga gaar ahaan ciidamada ilaalada xeebaha oo u sheegay in ay wada shaqayn toos ah la samaynayaan , booqanayaana dhawaan. Waxaa hadalka qaatay oo aad usoo dhaweeyay waftiga gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo isagu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo xidhiidhka labada dale e Denmark iyo Somaliland halkaasna ugu soo bandhigay baahiyaha Somaliland ee dhanka horumarka. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay wasiirku xigeenka waxbarashada Somaliland oo sii adkeeyay hadalkii gudoomiyaha kana codsaday dawlada Denmark inay sii laban laabaan mashaariicda horumarineed ee ka fuliyaan Somaliland. Shirkaas ayaa kuso gebogeboobay is afgarad iyo guul , waxaanay waftigu xubno kamid ahi balan qaadeen inay booqanayaan Somaliland si ay u helaan sawirka dhabta ah iyo waliba mashaariicda u bahaan in laga bilaabo.
-
Former Somaliland aviation minister trip to South sudan Pics.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
says the rebel in the bushes betweeen the border of Somaliland and Ethiopia -
Afhayenka Koxda Atom ee Dagaalka Kula Jira Puntland oo Togdhnews uga Waramay Xidhiidhkooda Alshabab Friday, 11 March 2011 Galgala(Togdhnews)-Afahayeenka kooxada Sh.Aatam ee ka dagaalanata degaanka Galgala Faarax Ismaaciil Sardheeye,ayaa Waraysi uu siiyay Shabakada Wararka ee Togdheernews Iyo HCTV,ku sheegay inaanay wax xidhiidh la lahayn kooxaha Alshabaab iyo Alqaacida,islamrkaana yihiin dadkii degaankaasi oo ka gadooday khayraadkooda ay sida sharci darada ah u guranayaan Maamulka Puntland iyo kooxaha ajanabiga ah ee ay wataan. Hadaba Waraysigan oo uu khadka Telfoonka ku qaaday Wariyaha Togdheernews ee Gobolada Bariga Somaliland Kayse Axmed Digaale,ayaa waxa uu dhacay Sidan. Togdhnews- Waxa maamulka Puntland idinku eedeeyaa inaad ka mid tihiin kooxda al-shabaab ee ka dagalamaysa Koonfurta Soomaliya arintaasi maxaad ka leedahay? Afhayeenka- Anagu kama midnihin kooxda al-shabaab,wax xidhhidhana lama lihin,mana nihin dad koonfur ka yimi,balse waxaanu nahay dadkii degaanka oo diidan in khayraadka dhulkooda si sharci daro ah lagu gurto,ka dibna maamulka Puntland uu naga fidiyay Barabogaando aan jirin,oo meeelkasta ka yidhi waa kooxo al shabaab ah si ay iyaga iyo kooxaha ajanabigu u gurtaan khayraadkayaga,markaas arintaasi waxba kama jiraan ee waa dacaayad. Togdhnews- Hadii sidaasi jirto,maxaad uga hadli waydeen warbaahinta oo aad u cadayn weydeen mawqifkiina iyo inaydan ka mid ahayn kooxahaasi ? Afhayeenka – Ma r ayaa wariye reer Puntland ahi nala yeeshay,ka dibna wariyihii waxa xidhay maamulka Puntland oo lix bilood ku qaaday,taasoo muujinaysa sida maamulkaasi u diidan yahay xaqiiqda dhabta ee ka jirta degaankaasi in la ogaado,intaa ka dibna maau arag cid kale oo nala soo xidhiidha. Togdhnews –Hada adiga iyo hogaamiyihiina Sh.Atam xagaad ku sugan tihiin oo aad igala hadlaysaa ? Afhayeenka –Waxaanu ku sugan nahay Meesha la yidhaahdo Midhifoon oo ka tirsan degaankaasi Galgala. Togdhnews –Ma jiraa wax xidhiidh ah oo aad la leedihiin Xukuumada Somaliland ? Af hayeenka- Ma jirto wax xidhiidh oo naga dhaxeeya xukuumada somaliland. Togdhnews – Xagaad ka heshaan Hubka iyo saanadda ciidan ee ku dagaalantaan ? Af hayeenka –Anaga cid aan ilaahay ahayn oo na caawisaa ma jirto. Togdheernews – hadda ujeedada aad u dagaalamaysaan ma sidaad ii sheegay waa ilaalinta khayraadka degaankiinaa mise arimo ayaad u dagaalamaysaan ? Af-hayeenka – maya ma jirto wax kale oo aan u dagaalamaynaa oo aan ahayn ilaalinta khayraadka degaankayaga ,balse waxa jirta daacayado ay naga fidiyeen maamulka Puntland oo ay sheegeen inaanu kooxo argagixiso ah oo u dagaalamaya wax kale ,taasina waa been abuur rakhiisa. Togdhnews – Goorma ayaa dagaal idin dhexmara idinka iyo ciidanka Puntland u dambaysay ? Afhayeenka –Waxa u dambaysay dagaal na dhexmara labadayada dhinac bishii koowaad ee sanadkan. Togdhnews – idinku diyaar ma u tihiin Nabad iyo wada hadal inaad ku dhamaysaan colaadaha. Afhayeenka- haa, diyaarbaanu u nahay,hadii aanu helo dad macquula oo lala hadli karo. Togdhnews – Faarax,waraysigan aad i siinayso iyo arimaha aad ka hadlayso makugu raacsan yihiin Sh.Atam iyo kooxdiinii mise waa mid adiga kugu kooban oo kaliya.? Af hayeenka- maaha mid igu kooban aniga,ee waa mid ay igu raacsan yihiin kooxda oo dhami. Togdhnews – Adiga oo fursad ka faaiidaysanaya maxay tahay fariinta aad u gudbinayso dadweynaha ? Afhayeenka – waxaan ummada islaamka u jeedayaa inaanu nahay dad u dagaalamay ilaalinta khayraadka degaankooda,waxna aanay ka jirin hadalada been abuurka ee uu naga faafiyay maamulka Puntland,waxaanu nahay dadkii degaanka galgala oo lagu soo weeray degaankoodii,laguna cabudhinayo halkaasi,si loo gurto khayraadkayaga,markaasi sidaasaan u sheegayaa ummda islaamka.
-
Somaliland: Diversifying an Economy Brings Health Benefits
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics