-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland defence Minister addresses parliament+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Faah Faahin ka Bixiyay Waxqabadkooda March 13th, 2011 Hargaysa (Somaliland.Org) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cabdillaahi Cadami ayaa hortagay golaha wakiillada, waxaanu mudanayaasha golahaasi uga xog-waramay qaab dhismeedka iyo waajibaadka qaran ee ay u xil saaran tahay wasaaraddiisu. Fadhigii golaha wakiillada ee maanta oo uu guddoominayay godoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu wasiirku ugu horayn xildhibaanada faahfaahin ka siiyay qaab dhismeedka iyo waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda gaashaandhigu waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Markaan ka waramo qaab dhismeedka wasaaradda gaashaandhiga, wuxuu ka kooban yahay oo u kala baxaa Agaasinka guud, Taliska guud ee ciidanka qaranka iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda, haddii ay Boolis tahay, haday Ciidamada Asluubta tahay iyo hadday ciidanka qaranka tahay, xagaa garsoorka way ka midaysan yihiin. Hoos marka loo daadago garsoorka waxaa hoos yimaada maxkamadaha iyo xeer ilaalinta. Agaasinka guudna waxaa hoos yimaada afar waaxood oo kala ah; Agaasinka guud ee waaxda maamulka, agaasinka guud ee naafada iyo agoomaha, agaasinka guud ee xidhiidhka dibada iyo arrimaha ciidanka iyo waaxda Qorshaynta. Intaasina agaasinka guud ayay hoos timaadaa.” Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed Cali Camidi waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xil saaran tahay , isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Waajibaadka hawleed ee ay wasaaradda gaashaandhigu u xilsaaran tahay, markaan ka hadlo. Caalamku way kala duwan yihiin, dabadeedna hadba cidda aad isku tamarta tihiin ayaa lagu daydaa, markaa inagu waxaynu qaadanay dawladaha aynu siyaabo badan isugu eegnahay ama aynu awooda iskaga mid nahay. Marka aan soo qaado qodobada asaasiga ah, waajibka wasaaradda gaashaandhiga iyo taliska guudba laga rabaa waxa weeye waajibaadka laf-dhabarta ah ee wasaaradda gaashaandhiga. Waa ka difaacidda Jamhuuriyadda Somaliland weerarada kaga yimaada dibada, ka hortaga budhcad badeedda iyo ilaalinta khayraadka badda, sugitaanka haysashada hubka ee lagaga hortagi karo khataraha dibada iyo gudaha kaga iman kara qaranka, dejinta iyo xidhiidhinta difaaca qaranka, xidhiidhinta iyo taabo gelinta barnaamijka difaaca qaranka, kormeeridda iyo qiimaynta hawlaha difaaca qaranka, hubinta helitaanka shaqaalaha ku haboon gudashada hawlaha difaaca qaranka, horumarinta kor u qaadida tayada shaqaalaha gaashaandhiga, jihaynta naafada gaashaandhiga, qodobka ugu dambeeyaana ee tobnaadna wuxuu noqonayaa ka gacan siinta xukuumadda sugida nabadgelyada gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah.” Axmed Xaaji Cali Cadami waxa kale oo uu intaa ku daray “Wasaaradda gaashaandhiga masuuliyiin badan ayaa soo maray, intii aan anigu joogay hadda waxaanu isku daynay bilawgii in aanu dad masuuliyiin ah oo gaadhay Janannimo ama Kornaylnimo ilaa iyo Mijir oo ciidanka ka hawl gabay, oo wadanka jooga, wax mushahar ahna aan ka qaadan ciidanka, dadkaas ayaanu ururinay ilaa 15 qof, malihi intaas ayay ku dhanyihin, laakiin intii wakhtigaa suuro gashay in la helaa ilaa 15 qof ayay noqdeen, qolyahaas markii aanu u yeedhnay waxaanu ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan dhowr qodob oo kala ah:- 1.In ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta wasaaradda gaashaandhiga iyo ciidanka, sidii xidhiidhkooda iyo wada shaqayntu u noqon lahaa mid dabiiciya, oo aanay cidna bursanin awood gaara in la sameeyo, in ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda wakhtiga cusub iyo waayaha jira in la waafajiyo. 2.Darajooyinkii ciidanka oo raagay in dib boodhka looga tumo wixii hore loo hahay, iyaga laftoodu waxay u baahnaayeen in shuruuuc la waafajiyo oo qofku sida uu ku heli karo darajada iyo sida looga qaadi karo, intaba haddii aan sharcigii jirin oo la iskaga tolo, dee wax shaqaynaya maaha. Waxa kale oo iyana ku jirtay tirakoob sugan oo ciidanka qaranka lagu sameeyo meel kasta oo ay joogaan. Intaas ayaa ugu muhiimsanaa, si fiican ayayna nimankaasi u halw galeen, laba bilood oo dhowdhow ayayna shaqaynayeen.” Dhinaca kale, waxa Wasiirka halkaasi lagu weydiiyay su’aalo la xidhiidha shaqadiisa oo uu halkaasi kaga jawaabay. -
^ haye calankaasi uma muuqdo calanka aw bidaar ba u muuqda;) 500 oo xildhibaan bu calanka aw bidaar u muqanyahay
-
Somaliland defence Minister addresses parliament+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Ka Hadlay Darajada Ciidamada Qaran Sheegayna in Colaadda Ka Aloosan Barigu Ay Caqabad Ku Tahay. Hargeysa (Ramaas) Mar.13., 2011 – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed X. Cali Cadami oo maanta hor yimi golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka waramay xaalada ciidanka qaranka iyo halka ay marayso balanqaadkii loo sameeyay ciidamada in darajo loo samayn doono. Waxa uu wasiirku sheegay in ay wasaaradiisu dadaal ugu jirto sidii ay u meel marin lahayd balan qaadkii samaynta darajada ciidamada, isla markaana ka hor intaan darajada la samayn ay bilaabi doonaan tirakoon ciidanka qaranka ah, iyagoo la tashi la samayn doona dad khubaro ku ah arimaha Milatariga, Iyo dhamaan dhinacyada ay khusayso. Wasiirku waxa uu intaas ku daray in colaada ka taagan gobolada barigu ay carqalad ku noqotay bilaabida tirakoobka ciidanka maadaamoo ciidanka intiisa badan ay ku suganyihiin jiidaha bariga dalka. Gabo-gabadii waxa uu wasiirku sheegay inay wasaaradiisu dadaal ugu jirto ka midho dhalinta go’aanka ah in ciidamada loo sameeyo darajo. Warka oo faahfaahsan kala socda goor dhow shabakada Ramaasnews.com. -
Somaliland defence Minister addresses parliament+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Wasiirka Gaashaan Dhiga Oo Maanta horyimid Golaha Wakiilada iyo Nuxurka Warbinta Wax qabadka mudadii uu joogay Ee Wasaaradiisa Hargeysa (HWN) Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta suaalo weydiiyay Wasiirka Gaashaan dhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami. Fadhigan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa waxa uu wasiirku ka siiyay mudanayaasha warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo dhamaanteedba ku taxaluuqday Nabadgalyada dalka iyo duruufaha ay qabaan ciidamadu. Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaar tahay daroojiyinkii ciidamada qaranku, balse shaqaaqooyinkii ka soo cusboonaaday deegaanada barigu ay dabar ku noqotay qaybintoodu. Ugu horeyna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan Mudanayaasha golaha wakiiladda ee sharafta leh, shirguddoonka iyo waliba shirguddoonka, marka aan ka waramo qaab dhismeedka ciidamada iyo garsoorka oo wada socda, waxa uu u kala baxaa agaasinka guud, Taliska Guud iyo garsoorka ciidamada qaranka oo wada socda. Intaa marka aan sidaas u sheego, waxa aan ku xigsiinayaa waajibaadka wasaaradda gaashaan dhiga ee hawleed oo ay u xil saaran tahay, way kala duwan yihiiin, laakiin waxa aynu inagu qaadanay dawladaha aynu sida gaar ah isugu dhawnahay, marka aynu soo qaadano qodobada aasaasiga ah ee wasaaradda gaashaandhiga ee laga rabo taliska guud waa in ay ka hortagaan wixii dibada kaga yimaado, ka hortaga b budhcad badeeda, dejinta siyaasada difaaca dalka, kormeerida iyo qiimaynta, jihaynta naafada qaranka. Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu xusay in marar badan la isku dayay in dib loo jiheeyo ciidamada naafada Marar badan ayaa la isku dayay in la jiheeyo Naafada Ciidamada, qaranka laakiin may hirgelin, waxa kale oo jira iyaduna qodob muhiim ah oo ah in xukuumada laga gacan siiyo sugida amniga gudaha iyo wax ka qabashada aafooyinka dabiiciga ah ilaahay (S.W) inaguma keenaan Wasiirka gaashaan dhigu waxa uu xusay in ay u yeedheen ku dhawaad 15 xubnood oo ka mid ah ciidamada Milatariga ee hadda hawlgab ah kuwaas oo ay kala hadleen sidii dib u habayn wanaagsan iyo isku xidhka wasaaradda Gaashaan dhiga iyo Taliska Milatariga la isugu xidhi lahaa waxaanu yidhi Wasaaradda gaashaaniga waxa soo marayay wasiiro badan, laakiin mudadii aan joogay anigu waxa aan isku dayay in dadka inta gaadhay Jananada ama Mijirnimo ee hawlgabka ah wax mushaharna aan ka qaadan ciidamada, dadkaas oo gaadhaya ilaa 15 qof ayaanu uruurinay, aniga oo aan lahayn intaas ayay ku dhan yihiin, laakiin waa inta suurtogal noqotay, waxaanan ugu yeedhnay in ay gacan naga siiyaan habka wada shaqaynta, Wasaaradda iyo gaashaan-dhiga, xidhiidhka iyo wada shaqayntuna ay u noqon lahaayeen kuwo dabiici ah, taas oo lagaga hor tagayo in aanay cidina awood gaar ah bursanin, walibana ay dib ugu noqdaan shuruucdii jiri jirtay ee milatariga oo iyada lafteeda, wakhtiga cusub iyo waayaha hadda lagu jiro la waafajiyo Mar uu ka hadlayay darajooyinkii ciidamada waxa uu yidhi Darajooyinkii oo raagay in dib boodhka looga tumo, wixii hore loo hayayna waxa ay u baahnaayeen in shuruucda la waafajiyo, oo loo sameeyo sidii hadii laga qaadi karo iyo hadii la siinayoba, waayo haddii aanu sharciguba jirin oo la iskaga tolo dee wax shaqaynaya maaha, waxa kale oo iyaduna jirtay tirokoob qaran oo lagu sameeyo ciidamada qaranka meel kasta oo ay joogaan, waxaana intaas oo dhan noo qabtay nimankan aan idiin sheegayo, waxaanan runtii qirayaa in ay mudadaas wax wanaagsan qabteen iyaga oo ku shaqaynayay Miiska Saraakiisha, waxaanay ka samayeen buugaas oo dhamaanba shuruucda laga rabo darajooyinka ku soo daabacay ayuu yidhi. Wasiirka ayaa bixinta Darajooyinka ciidamada qaranka dabar uga dhigay in horta la helo tiro sugan oo sax ah oo ay ciidamada qaranku yihiin Bixinta darajooyinka waxa ka horeysa horta in la helo tiro sugan oo sax ah oo ay yihiin ciidamada qaranku, waxaana taas samayn doono nimankaas aan sheegayo iyo NDC-da, kuwaas oo u kala bixi doonaa jiidaha galbeedka iyo bariga, waxaana la doonayaa in sawir laga qaado mid kasta, isla markaana haddii uu magac awoowgood uu isku mid noqdo lagu kala saaro ka hooyada, isku daygan oo 2005-tii la sameeyay oo lagu guul daraystay, laakiin taayadan waxa hor istaagtay arrimihii nabadgalyada, waayo askariga amaanka sugaya ee ay xaalad cusubi la soo deristay lama barbar wadi karo diiwaangelin Ugu Danbayntiina waxa uu mahadnaq gaar ah u soo jeediyay ciidamada Qaranka ee ku sugan Gobolka Sool, kuwaas oo uu xusay in laga qaaday galbeedka isla markaana ay si adkaysi leh ugu dhabar adaygeen duruufaha ay ka midka yihiiin qabawga iyo haraadka ee ka jira deegaankaas. Intaas ka dib ayaa waxa ay mudanayaashii fadhigaasi ka soo xaadiray ay Wasiirka gaashaan dhiga waydiiyeen suaalo u badnaa lexejeclo ay ka qabaan dalka iyaga oo dardaaran buuxa u soo jeedinayay.
-
Norwegian delegation visits Somaliland+PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
DP -
Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Kulan Kula Yeeshay Wafti Ka Socday Dalka Norwey Xafiiska Wasiirka Wasaarada Beeraha Hargaysa (HWN)-Wafti ka socday dalka Norwey ayaa maanta shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland. Hargaysa (HWN)-Wafti ka socday dalka Norwey ayaa maanta shir dhinacyo badan taabanaya la yeeshay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland.shirkan oo ka dhacay Hoolka Shirarka Wasaaradda Beeraha ee Magaaladda Hargeysa,ayaa lagaga wada hadlay sidii mashaariicda beeraha,khayraadka bada iyo wax soo saarka dalka wax looga qaban lahaa iyad oo laysla kaashanayo. Munaasibada shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay,Wasiirka Xanaadda Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir,Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan(Geejire),iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoolle),Agaasimayaasha Guud ee Tacliinta sare iyo beeraha, Sidoo kale waxtida balaadhan ee ka socday dalka Norwey aay waxa ka socdeen:Merit Hern AES,NPA-Norway iyo Mostafa pourbayat oo ka socday ururka kultur og kompetanse oo ka sheeqeeya horumarinta beeraha iyo wax soo saarka. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo Warbixin ka siiyey war fidiyeenada Dalka kadib kulankii ay wada qaateen waftida, waxyaabaha ay kawada hadleen waftigan iyo nuxurka ka soo baxay ayaa hadalkiisa wuxuu ahaa sidatan:- Kooxdani waa kooxdii marka horeba wasiirka Dalka Norway ku baraarujisay in ay Somaliland wax u qabtaan waxaanay ka socdaan urur la yidhaahdo NPA oo ka soo jeeda Gobal ka mid ah Goboladda Norway oo ah ka ugu wayn dhinaca Waxsoosaarka beeraha oo layidhaahdo (Hed Mark) waxaanay halkan maanta wadaan in ay kormeer ku sameeyaan wixii ay inala qaban lahaayeen kagu horeyna waxaa uu yahay mid ay iminka in doora ka shaqaynayeen mudo gaadhaysa lixsanadood oo hada soo dhamaaday Maaligelintiisiina loo diyaariyey oo ah College Beeraha ah oo laga Hirgelinayo degaanka Cadadlay Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo intaas ku daray inay waftidani wax kala qaban doonaan dhanka wasaaradiisa isaga oo ku sababeeyey inay Norwey tahay dal ku horeeye xaga ka faa,iidaysiga kheyraadka bada. Isaga oo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi Xaga wasaaradayda waxaa kale oo ay inaga caawin doonaan Wasaaraddaha Khayraadka Bada oo ay ka rabaan in ay wax ka caawiyaan wayo Dalka Norway waa Dalka Aduunka ugu horeeya dhinaca kaluumaysiga oo khibrad dheeraad ah ayaa ay u leeyahiin waxsoosaarka badda,iyaga oo dhiiri gelinaya Shaqaalaysiinta dhalinyaradda, Dumarka, ee dhinaca Xeebaha,waxaa kale oo shirkan ku cadeeyeen in ay Norway diyaar utahay in ay wax la qabato Somaliland. Intaasi kadib wasiirka wasaarada beeraha Md Faarax Maxamuud Cilmi (Geedoole) ayaa isna dhankiisa war baahinta u sheegay inay tahay wax lagu farxo waftidani oo ka socota dalka Norwey, wasiirku waxa uu sheegay inay wada shaqayn buuxda wada yeelan doonaan dalka norwey laga bilaabo maanta.
-
Former Somaliland aviation minister trip to South sudan Pics.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Tuesday, 3 March The Khartoum-based Arabic daily Al-Intibaha this week reported that the government of Sudan expressed deep concerns about a recent trip to South Sudan by Somaliland’s former civil aviation minister, Mr. Ali Mohamed ‘Waran Adde”. The newspaper quoted one of the senior officials in Omar Al Bashir’s cabinet saying the visit was to strengthen bilateral ties between Somaliland and South Sudan. He also claimed the two states were planning to have trade, defence and military ties. Omar Al Bashir and number of Arab leaders have long maintained they would block any international recognition for Somaliland. They claim Somaliland was part of Somalia and that they would not tolerate foreign interference in an Arab League member nation. -
Somaliland parliament approves two new Cabinet Members
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Somaliland government upgrades airport and seaport securities+VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaarka Caalamiga ah Ee Berbera Oo Markii U Horraysay Lagu Xidhay Qalabka Ammaanka Lagu Baadho Berbera,March, 11, 2011(Berberanews) Qalabka dhinaca amaanka loo adeegsado ee kamaraddaha la socda dhaqdhaqaaqa ayaa markii u horaysay taariikhda lagu xidhay Madaaraka caalamiga ah ee Magaalada Berbera. Munaasibad maanta oo Jimce ah lagu qabtay madaarka Berbera oo xadhiga lagaga jaray munaasibad loo qabtay qalabka lagu soo kordhiyay madaarka oo lagu qabtay dhismaha garoonka waxa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo sheegay inay madaarka ku xidheen qalab casri ah oo wax ka taraya nabadgelyada, kaas oo ah kamarado la soconaya dhaqdhaqaaqa ah, isla markaana wax ka duubaya xarakaadka ka socda gudaha iyo dibada madaarka. Wuxuuna xusay in madaarka Berbera ahmiyad weyn ugu fadhiyo dalka kana mid yahay madaarada ugu waaweyn qaarada Afrika. Sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in dayactirkiisa iyo amaankiisaba waxbadan loo huro. Wasiirku wuxuu u mahad celiyay dawlada Britain oo sida uu sheegay ugu deeqday qalabkan. Isagoo xusay in madaaradda Somaliland ay yihiin kuwo nabadgelyo ah oo beesha caalamku qirtay, isla markaana ka duwan yihiin madaarada Muqdisho, Boosaaso iyo Garoowe. Sidoo kalena waxa uu xafladaa ka sheegay in qalabkaa oo kale lagu rikabayo madaarka Hargeysa. Si loo sugo amaanka madaarada dalka. Munaasibada qalabka casriga ah ee dhinaca amaanka lagu xidhay madaarka waxa kaloo ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka iyo magaalada berbera. qalabkaas oo kale ayaa hore loogu xidhay Dekedda magaalada berbera, ka dib markii lagu rakibay kamarado meelo fog wax ka duubaya oo wax weyn ka taraya arrimaha amaanka ee Dekedda. -
Somaliland government upgrades airport and seaport securities+VIDEO
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Duulista Oo Sheegay In Madaarada Dalku Yihiin Kuwo Nabadgelyo Ah oo Ka Duwan Kuwa Somalia March 11th, 2011 Berbera (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay qalab casri ah oo wax ka taraya nabadgelyada ay ku xidheen madaaradda Berbera.qalabkaasi oo ah kamarado wax ka duubaya dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha iyo dibada madaarkaba. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad maanta loo sameeyay hirgelinta qalabkan oo lagu qabtay Madaarka Berbera. Wasiirku wuxuu xusay in madaarka Berbera ahmiyad weyn ugu fadhiyo dalka kana mid yahay madaarada ugu waaweyn qaarada Afrika. Md. Maxamuud Xaashi wuxuu u mahad celiyay dawlada Ingiriiska oo ugu deeqday qalabkan. Waxaanu sheegay in madaaradda Somaliland ay yihiin kuwo nabadgelyo ah oo beesha caalamku qirtay isla markaana ka duwan madaarada Muqdisho, Boosaaso iyo Garoowe. Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in isla qalabkan oo kale lagu rikabayo madaarka Hargeysa. -
Xisbi mucaarad ah oo maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
^^ hada sawdinka la baxay Somalia marka isku magac ma nihin idinka kina qaatay;) -
Xisbi mucaarad ah oo maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
Ma ninkan leeh Laascanood iyo buhooodle ba Somalia ah eeh dalkayga igu haysta baan dayaa Ma nin ba dalkisa ku gorgortoma wa kusidee abti , ana Somaliyadada waan deyn adna Somaliland no daa -
Xisbi mucaarad ah oo maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
^^ haye adna wadankayga ii daa -
Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Wasiirada Warfaafinta iyo Xanaanada Xoolaha Ee Horaantii Sanadkan Uu Soo Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo. Hargeysa (Ramaas) Mar.12, 2011 – Fadhigii Golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane C/raxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyay Labada Wasiir ee Warfaafinta, Mudane: Axmed Cabdi Xaabsade iyo, Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir. Fadhigan Maanta waxa kasoo xaadiray 53 Mudane oo kamid ah 82-ka mudane ee golaha wakiiladu ka koobanyahay. Waxa golaha laga hor akhriyay Taariikh nololeedkooda waxbarasho, aqooneed iyo khibradeed ee labada wasiir. Waxaana si gacantaag ah loogu codeeyay ansixinta labadan wasiir oo uu Madaxwayne Siilaanyo Digreeto ku magacaabay horaantii sanadkan mar uu isku shaandhayn ku sameeyay golahiisa wasiirada. Waxa si isku mid ah ugu codeeyay labada wasiir 53-kii mudane ee fadhiyay madasha, ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona, Gudoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada wasiir. Ansixinta kadib ayaa waxa loo ogolaaday labada wasiir in uu mid waliba kalmadiisa ka yidhaahdo golaha. Ugu horeyn Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo golaha ka hadlay ayaa sheegay in uu kusoo beegbay wasaarad aan lahayn qorshe dhinaca shaqaalaha ah, isla markaasna looga fadhiyo dajinta qorshe lagu kala hago shaqaalaha wasaarada. Sidoo kale Dr. Cabdi Aw Daahir oo isna golaha ka hadlay ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono siduu uu maamulka iyo shaqada Wasaarada Xanaanada xoolaha uga daadajin lahaa Caasimada una gaadhsiin lahaa Degmooyinka iyo Gobolada kale ee dalka oo idil.
-
Somaliland upgrades airport and seaport securities BERBERA — Somaliland’s civil aviation minister Mr. Mohamoud Hashi Abdi unveiled new airport security systems including x-ray scanners and surveillance videos for Berbera airport on Friday. The minister said it was part of an ongoing security measures to secure Somaliland’s ports and airports. He cited the region was vulnerable to terrorism and as a result travellers will undergo enhanced screening for explosives and other concealed threats. They will face more vigorous body and special bag searches as well. Berbera: Jubba airlines Mr Abdi called on the international community to assist Somaliland to enhance its air and port securities but maintained the current system possessed no global threat. He said Somaliland airports were some of the safest in the region however it was important to monitor extremist networks in the region and in the neighboring Somalia which is considered to be prone to terrorism. He said Somaliland is upgrading its ports and airports both in infrastructure and in security and could become a new security buffer zone to help bolster regional threats. The minister believes Somaliland should become a security buffer zone between Western countries home to hundreds of thousands of Somalis and Somalia, home to al-shabab and other extremists. He believes with the current system, where Somalis travel back and forth between Western nations, Somalia and Somaliland–there is too many security gaps. He said passengers should be screened before they aboard planes to the West or Middle East. In accordance with required International Ship and Port Facility Security Code (ISPS) standards the port of Berbera deployed similar security upgrades in early this year. It was carried out by Norwegian-based company Nordic Crisis Management. The United Kingdom government equally believes Somaliland is important for its own security and thus donated the current system about to be installed in Berbera airport by an Indian firm. Up to 250, 000 Somalis live in the UK according to unofficial reports and many of them travel to Somalia’s south where extremist elements operate. Similar upgrades will be introduced to airports across Somaliland. The government says it is also upgrading terminals and runways of Berbera and Hargeisa airport at a cost of $10 million which will be provided by the government of Kuwait. While Somaliland runs its day-to-day tasks smoothly, poses strong democratic institutions and maintains strong stability – the state remains unrecognized by any country or international organization.