-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland vice president opens new university laboratory + PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Jaamacada Hargeysa Laga hirgaliyey. Hargeysa (Ramaas) Mar.22, 2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray saddex mashaariic horumarineed oo lagu soo kordhiyey jaamacadda Hargeysa. Madaxwayne ku xigeenka ayaa furay qayb-shaybaadh oo lagu soo kordhiyay kuliyadda sayniska ee Jaamacadda iyo laba dhisme oo midna lagu kordhiyey maktabada jaamacada iyo dhisme gaar ah oo loogu tallo-galay xalinta khilaafaadka Soomalida. Furitaanka mashaariicdaan oo ay fuliyeen shirkadda telefoonada ee Nation-link oo iyaddu qalabka shaybaadhka hirgalisay iyo hay’addaha UNDP iyo Care oo kuwa kale hirgaliyey Ka dib markii uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi xadhiga ka jaray mashaariicdan horumarineed ayaa hoolka xalinta khilaafaadka Soomalida ee maanta xadhiga laga jaray munaasibad kooban lagu qabtay, isla-markaana waxa ka hadlay masuuliyiinta jaamacada iyo shakhsiyaad kooban oo amaanay dadkii gacanta ka geystay hirgalinta mashaariicdan. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof Mubaarak Ibraahim Aar, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey jaamacada Hargeysa iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu sheegay in jaamacada Hargeysa horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah samaysay, isaga oo xusay in hadda maamulka jaamacadu aanu ka fikirayn sidii uu macalimiinta jamacada mushaharooyinkooda u kafaalo qaadi lahaayeen, balse ay hadda ka fikirayaan sidii jaamacada horumar dhinacyo badan ah ay u gaadhsiin lahaayeen. Waxaana kamid ahaa hadaladiisi “Jaamacadda Hargeysa macalimiinteeda iyo shaqaalaheedu kama fikiraan mushaharkooda oo waxay u socdaan si wanaagsan, imikana jaamacadu waxay ka fikiraysaa horumar.” Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in dhawaan jaamacada lagu xidhayo Internet wada gaadha guud ahaan jaamacada, taasina ay ka mid tahay talaabooyinka horumarka leh ee ay qaaday. Guddoomiye ku xigeenka shirkada telefoonada ee Nation-link Mr Mahdi Daahir Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan shaybaadhka ee ay siiyeen kuliyadda sayniska ee jaamacada Hargeysa ugu tallo-galeen in dhalinyarada sayniska baranaysa ay ka faa’idaystaan maadaama oo ay in badan raadinayeen qalab noocan oo kale ah. Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay ula diyaar yihiin wax kasta oo ay uga baahdaan, isaga oo tilmaamay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin. Munaasibadan oo uu sidoo kale ka hadlay agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Khadar Maxamed Diiriye, ayaa waxa soo gabogabeeyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay in talaabooyinka jaamacadu qaaday ay yihiin ku lagu farxo oo horumarineed loona baahan yahay in intaa laga sii kordhiyo “Waxaan ku faraxsanahay in jaamacada Hargeysa kala soo qayb-gallo horumarka balaadhan ee fidida ay fidayso iyo mashaariicda ay ku deeqdeen shirkadda Nation-link iyo hay’adda caalamiga ah ee Care iyo UNDP, aad ayay farxad iigu tahay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Awal Wasaaradda waxbarashadu miisaaniyadda dalka waxay ku lahayd 3%, laakiin maantana waxay ka tahay 9%, taas lafteeduna waa horumar oo waa talaabo hore loo qaaday, sanadka dambana waxaanu rajaynaynaa intaa ka badan la sii qaado.” -
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Lap Cusub Oo Ay Shirkada Nation Link U Qalabaysay Jaamacadda Hargeysa Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa saaka xadhiga ka jaray laab casri ah oo ay shirkada isgaadhsiinta Nation Link u qalabaysay jaamacadda Hargeysa iyo dhisme cusub oo ay hayadda Care International u dhistay jaamacada Hargeysa. Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa saaka xadhiga ka jaray laab casri ah oo ay shirkada isgaadhsiinta Nation Link u qalabaysay jaamacadda Hargeysa iyo dhisme cusub oo ay hayadda Care International u dhistay jaamacada Hargeysa. Xaflad loo sameeyay furitaanka dhismaha cusub iyo laabka oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi, Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacada Mubaarak Ibraahim Aar, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, masuuliyiin iyo waliba macalimiinta wax ka dhigta jaaamadda Hargeysa. Ugu horeyn hadal kooban oo uu halkaas ka soo jeediyay Prof. Axmed Maxamed Cadaad oo ah Deanka qaybta sayniska ee jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in ay farxad iyo rayn-rayn u tahay mar haddii jaamacadii Hargeysa ay yeelatay Lap u gaar ah, waxaanu maamulka shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link ku bogaadiyay sida ay xilka isaga saareen in ay u qalabeeyaan jaamacada. Waxa kale oo uu amaan aad ah u soo jeediyay Maamuladda Cusbitaalada Edna Aadan Maternity Hospital, Manhal iyo waliba dugsiga caafimaadka ee Shifo oo uu sheegay in ka hor intii aanay yeelan laabkan ay tagi jireen isla markaana Maanta waxa farxad noo ah in aanu yeelano laab, waxaanan uga mahadnaqayaa shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link oo iyadu gacan wayn ka geysatay sidii ay Laapkan noogu qalabayn lahayd, waxa kale oo aanaan marnaba ilaabi karin sidii mudadii aanu ku soo dhex jirnay waxbarashada ardayda uga caawin jireen in dhinacyada shaybaadhka Cusbitaalka Edna, Manhal iyo waliba dugsiga caafimaadka ee Shifo ayuu yidhi. Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof. Mubaarik Ibraahim Aar, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulka cusub ee jaamacadu uu ku talo jiro sidii ay waxbarashadeeda sare ugu qaadi lahayd Waxa aanu runtii ku talo jirnaa sidii aanu waxbarashada jaamacadda Sare ugu qaadi lahayn, waxaanan uga mahadnaqayaa maamulka shirkada Nation Link oo iyadu qaybta sayniska oo runtii cadibnayd ka caawisay in ayu soo qalabayso laabkii, waxaanan ilaahay ka baryayaa in shirkadaas halkii ay lacagtaasi kaga baxday ugu soo bedelo mid ka badan oo khayr wadata. Runtii jaamacada oo maalmo uun ka hor loo soo magacaabay guddoomiye Muuse Cabdi Cilmi waxa ay hadda u muuqataa in ay dedaalkeedii sii laban laabtay, guddoomiyaha oo runtii ah nin wanaagsan oo dhinaca maamulkana waxa badan ka bedelay ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Hargeysa ee dhinaca maamullka iyo maaliyadu. Waxa isna halkaas ka hadlay masuul sare oo ka socday shirkada Isgaadhsiinta ee Nation link Mr. Mahdi Ibraahim Faarax, waxaanu sheegay markii ay arkeen baahida ay ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa ay u qabaan in ay helaan laab ay ku talo galeen in ay iyagu noqdaan shirkada ugu horeysa ee ka caawisa laabkaas, waxaanu ardayda u soo jeediyay in ay ilaashadaan oo aanay iska haleynin qalabkoodan cusub. Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka halkaas ka hadashay ayaa sheegay in jaamacada hargeysa ay abaal badan u hayso dhamaanba dadkii gacanta ka geystay in ay jirto, kuwaas oo buu yidhi ay ugu horeeyaan shirkada Nation Link, Edna aadan iyo waliba kuwo kale oo badan. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay habeen iyo maalinba dedaal ugu jiraan sidii ay jaamacadu u noqon lahayd mid cagaheeda ku sii taagnaata muddo dheer Waxa ay maanta Ii tahay maalin wanaagsan waxaanan aniga oo ku hadlaya maamulka jaamacadda shirkada Nation Link oo runtii wax fiican qabatay isla markaana noo qalabaysay laabkii oo nagu hayay dhibaato laxaad leh ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxa uu xusay in inta ay xilka hayaan ay ku dedaali doonaan siddii ay uga midho dhalin lahaayeen dedaalkooda ah in ay waxbarashadu meel fiican gaadho. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Khadar Axmed Diiriye oo sheegay in mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen ay wax badan ka qabteen dhinaca waxbarashada sare. Waxa uu xusay in ay wadaan qorshe loo samaynayo sidii loola socon lahaa heerka ay taagan tahay waxbarashada sare iyada oo uu buu yidhi aanu samayn doono guddi sare. Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay masuul ku hadlayay afka hayadda Care oo iyadu jaamacada hargeysa u samaysay hool wayn, waxaanu tilmaamay in aanu dedaalkooda intaas uun ku koobnayn ee ay wadaan qorsheyaal kale oo ay wax kaga qabanayaan jaamacadda Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabogabadii xafladaas hadal kooban ka soo jeediyay ayaa tilmaamay in xukuumadda cusubi ay ka goan tahay sidii loo tayayna lahaa waxbarashada, waxaanu carabka ku dhuftay in ay sare aad ugu qaadeen miisaaniyadda wasaaradda waxbarashada Si loo tayeeyo waxbarashada dalka waxa aanu sare u qaadnay miisaaniyadii Wasaaradda waxbarashada oo awalkii hore ahayd 3%, Laakiin maanta waxa aanu ka dhignay 8%, waxaanan ku dedaalaynaa in aanu sare u qaadno waxbarashada dalka oo wakhtiyadii hore ahayd mid aad u liidata ayuu yidhi. Waxa kale oo uu balan qaaday in ay jaamacadda hargeysa ka caawin doonaan dhinacyada ay u baahan tahay oo dhan Sidii uu inankii hadlayay u sheegay, waxaanu balan qaadanaynaa in marka aanu dib isugu noqono aanu talo ka yeelan doono, diyaarna waxa aanu u nahay in aanu wixii karaankayaga ah bixino ayuu yidhi.
-
:D:D selections will be interesting this year in august Somalida beri la yidhi war hebel yaa wata, kenyatiga wata,hebel na yaa wata itoobiyanka wata ,hebel na yaa wata Eritreanka wata, hebel na yaa wata Maraykanka wata ,hebel na yaa wata yurubian unionka wata, hebel na yaa wata carabta wata, Markasu weydiyey War Somalidu yey watan baa la weydiyey markasu yaabay suaasha maba sugeyn:D
-
I am not hiding anything that's history and that's how it was done wether you like or not this bogus article was written by some confused person and it's baseless Godane has nothing to do with Somaliland and that's a well know fact and there are no sleeping cells in burco or else where in Somaliland. I don't know what my kid will be only allah knows i am not calaamul qeyb, President Siilaanyo is a man of principle he sticked with Somaliland the past two decades and he helped liberate the country from the dictator and he is now our leader. Somali is an ethnic group a group of tribes and they share a similar culture and language to some extent yes but they live across the entire east africa and yemen they live in the following countries Djibouti Ethiopia kenya Somaliland Yemen Somalia, the days of Pan Somalism is gone my friend you're 50 years to late. Wake up and smell the coffee it's 2011 23 march
-
Bashir sure the SNM was a Somali movement and it had many leaders since 1981 the first two Chairmans were against the union of 1960 while the last two chairmans were indifferent and wanted what the people decided which led to the independence of Somaliland in 1991 that said President Siilaanyo is not the problem he can only be a solution for his people and his country Somaliland, not for his neighbouring countries, Somalia Djibouti or Ethiopia.
-
He is talking about this awdal group mala lol
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somalina anigu uumaaan badalin that's what the letter says , Awoow mark bowden dee isaga jecel inu Somaliland yimado maxanu ku sameyna send him back to xammar dee wu diiday wuxu yidhi humanitarian shuquladeyda nairobi baan ka wadayaa iyo Burco;) -
i can not be part of the solution since i am not part of the problem nor am i part of Somalia or it's politics . Amiir godane has nothing to do with Somaliland politics nor does he take orders from hargeysa so there is little we can do about him. Somalia solution lies between Alshabaab and TFG and Ahlu suna waljamaca and the various clan states Puntland galmudug ximan iyo xeeb etc
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Not really Pakistan will open a trade office in Somaliland Hargeysa , and Somaliland will open a trade office in pakistan islamabad another step forward as for Mark bowden atleast he is safe in burco -
^^ it's been 20 years but we shall see in 5 years;)
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Did you send him an email;) -
Somalina;704097 wrote: Liqaye is from Somalia and he is on Somalia Online. Awoowo beryahan internetki xita waad naga xiigsanaysa maxa jira
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter The following is a statement from Pakistan’s Adviser on Consular Affairs between Foreign Affairs and Diplomatic Missions, Mr. Shafiq Ahmed Qureshi, calling on the new government to continue cooperation with the government of Pakistan. Honorable His Excellency Ahmed M. Mahamoud Silanyo President of the Republic of Somaliland. I visited Republic of Somaliland in November 2009 on the invitation of the former President of the Republic of the Somaliland His Excellency Dahir Rayale Kahin. At that time I along with Deputy Secretary General of Pakistan ruling Government payed the visit as eye opening and facts finding. We stayed a couple of weeks and met all the cabinet members including Federal Minister of Foreign Affairs, State Minister of Foregien Affairs , Minister of Interior, Governor General of Somaliland Bank. During the meetings it was decided that we will first initiate the opening of Somaliland Trade Office in Islamabad Pakistan so that trade should start up by both brotherly Muslim countries. The former Government took bold step and extended their hospitality and promised about the future cooperation for the establishing of Somaliland Trade Office in Islambad Pakistan. It was decided that the Pakistan will play its role in recognizing the Republic of Somaliland in the second phase. Since our visit I am working personally (from the side of Government of Somaliland) for the last 3 years (using my own resources and efforts) and carried out all the duties of introducing the importance of Somaliland and applied for the No Objection Certificate at the Ministry of Foreign Affairs, Government of Pakistan for which Alhamdulillah the Government of Pakistan finally acknolwedges the importance of the Opening of the Somaliland Trade Centre. Such a project require a lenghty procedure especially for a country which is not recognized that was the reason that it took so long time. Now the , Ministry of Foreign Affairs, Government of Pakistan is finally agreed about the opening of the Somaliland Trade Office in Islamabad Pakistan. And for this I already informed the New Government of the Republic of Somaliland. I therefore request the President of the Republic of Somaliland to allow to continue the project which was initiated by the former Government for the welfare and success of the Republic of Somaliland. I also look forward to visit Republic of Somaliland to explore/invest business opportunities from Pakistani elite business class. Shafiq Ahmed Qureshi and Somaliland And after opening of the Somaliland Trade Office we will work on the second agenda of Recognition of the Republic of Somaliland. I therefore request the honorable President of the Republic of Somaliland in taking personal interest in opening of the Somaliland Trade Office in Pakistan which was initiated in 2009.
-
A dog died today: Somalia:Al– Shabab Senior Official Killed
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Islam teaches us not to insult the dead it has nothing to do with godane or Alshabaab and where did i say i support Alshabaab? i just said they can be part of the solution in the long term but you will never understand that -
Yeah Cabdilahi yusuf they locked him up and then they released him just to use him again, against icu he's kind of different though they slapped him before he fled to Yemen, sad case indeed.
-
Salax yes after they used him they locked him up
-
Saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG oo qarax lagula eegtay Baladxaawo Baladxaawo: (Sh. M. Network) Qarax qasaaro gaarsiiyay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu weeraray Saladhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Sida ay sheegayan wararka laga helayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, qarax Miino oo galabta ka dhacay Saldhiga ciidamada Booliska dowladda ay ku leeyihiin degmada Baladxaawo ayaa waxaa ku dhaawacmay 3-askari oo la sheegay in labo ka mid ah ay ahaayeen Saraakiisha ciidamada booliska ee gobolkaasi gaar ahaan Taliyihii ciidamada booliska ee degmada Baladaxaawo iyo ku xigeenkiisa. Qaraxa Miino ayaa la sheegay in uu ka qarxay iridka hore ee Saldhiga kaasi oo la tilmaamay in uu ahaa mid laga hago Rumuud Control-ka, waxaana lala bartilmaameedsaday taliyaha Saldhiga iyo ilaaladiisa sida ay ku waramayaan wararka laga helayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Qaraxa ka dib rasaas ay fureen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo aheyd Saldhiga ciidamada Booliska oo ay dhoobnaayeen ciidamada dowladda. Intaasi ka dib ayaa ciidamada dowladda waxaa ay sameeyeen howgalo xoogan oo an la shaacin wax ay kusoo qab qabteen inkastoo wararka caawa ay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo dhawaan si xoog ah gacanta ugu dhigay degmadaasi ay caawa howlgalo si wada jir ah u wadaan, iyadoo cabsi ay soo foodsaartay dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku noolaa gudaha degmada Baladxaawo. Xaaladda degmad Baladxaawo ayaa caawa waxaa ay tahay mid kacsan waxaana la maqlayaa rasaas mararka qaar ay ridayaan ciidamada dowladda KMG oo sida la sheegay baadi goob ku haya kooxihii weerarka miino ku qaaday Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya. Xiriiro kala duwan oo an la samaynay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee degmada Baladxaawo waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qaraxaasi hase ahaatee waxaa ay shaaciyeen in uu jiro dad ku waxyeeloobay qaraxaasi miinada ah.
-
A dog died today: Somalia:Al– Shabab Senior Official Killed
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Why should we insult the dead? -
Looks very sad allah ha takuleyo masaakiinta
-
Xukuumadda Somaliland Oo 60 Ka Mid Ah Hoohooyinkii Mujaahidiintii SNM Guddoonsiisay Lacag Deeq Ah. Hargeysa (Ramaas) Mar.21, 2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay in ka badan lixdan ka mid Agoomihi ay ka tageen mujaahidiintii SNM ee dalka u soo halgamay guddoonsiiyey lacago ay ugu tallo-gashay.. Munaasibad maanta lagu qabtay gudaha xarunta dambi-baadhista ee CID ee Magaaladda Hargeysa, isla markaana ay ka qayb-galeen shakhsiyaad muhiim ah oo uu ka mid yahay sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), ayaa dadkan oo u badnaa hooyooyin da’ ah midkiiba lagu guddoonsiiyey 800,000 oo lacagta Somaliland. Mujaahid Maxamuud Gacan, oo kamid ah saraakiisha jimciyadda mujaahidiinta SOOYLAAL, oo halkaa ka hadlay ayaa xukuumadda, gaar ahaan wasiirka Maaliyadda oo uu sheegay inuu isagu bixinta lacagtan suuro-galiyey. sidoo kale, waxa uu u mahad-naqay wasiirka wasaaradda daakhiliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey, oo labadooduba uu tilmaamay inay kaalin muuqata ku lahaayeen in agoomaha mujaahidintii SNM la siiyo qadarkan lacagta ah. Masuulkan ka tirsan SOOYAAL, waxa kale oo uu sheegay in agoomaha maanta lacagta la guddoonsiiyey hadda ka dib bil walba raashin la siin doono, isaga oo xusay inay tani tahay waxyaabaha isbadalka loo sameeyay. Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), oo isna halkaa ka hadlay ayaa si gaar ah ugu mahad-naqay wasiiradda arimaha gudaha iyo maaliyadda, isaga oo tilmaamay in talaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah isla-markaana agoomaha oo wax la siiyo laga helayo khayr iyo duco, ducadooduna sababi karto in ILAAHAY umaddiisa ugu naxariisto oo uu roobku u da’o. Ugu dambayn, agoomahan ayaa iyaguna ka mahad-celiyey lacagtan xukuumaddu siisay, waxaanay sheegeen inay tahay markii ugu horeysay ee ay xukuumad Somaliland ka dhisan lacag noocan oo kale ka helaan.
-
^^ What's sir about that he said there is drought in the country and they paid all the civil servants and doubled their salary and he also said he spoke to garaad selebaan and garaad abshir and some other clan chiefs in buhoodle how is this sir or do you have a problem with comprehending the Somali language?
-
Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Dhigooda Dalka Botuswana Iyo Nuxurka Wada Hadalka Dhexmay Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen. Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen. Weftigan oo ka kooban 8-Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland labada xoghaye ee labada aqal (Guurtida iyo Wakiillada), laba xubnood oo kale, ayaa waxa hogaaminaya guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxaanay xuseen in si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi ay tageen. Waxa na soo dhaweeyey Guddoomiye kuxigeenka aqalka Wakiillada dalka Botuswana oo si fiican noo qaabilay,waanan ku faraxsanay sida diiran ee dalkaasi la noogu soo dhaweeyey, waxaanu saaka la kulanay Afhayeenka baarlamaanka, waxa uu noo sameeyey qado-sharaf, kadibna kulan ayaanu la yeelanay,kaas oo uu noogu waramay taariikhda dalka Botuswana, iyo sida ay dawlad ahaan u shaqeeyaan,waxaanu na gudoonsiiyey hadyado aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo] u keeni doonoayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Habane. Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ku sugan dalkaasi Botuswana o khadka telefoonka caawa kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay u jeedada safarkoodu tahay sidii ay aqoon isku waydaarsan lahaayeen Barlamaanada dalalka Botuswana iyo Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi U jeedada Safarkayagu waxa weeyaan sidii aanu Africa u bari lahayn dhaqanka iyo Dawladnimadu sida ay u wada shaqeeyaan, iyagana inanu ka faaiideysano sida ay baarlamaanada u shaqeeyaan oo aan aqoon ka soo korodhsano, iyo weliba sida la isku waafajiyo dhaqanka iyo dimuqraadiyada. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo kamid ah Weftigaasi ayaa waxa uu sheegay inuu Weftigooda hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, isla markaana Weftigoodu ka kooban yahay 12-qof oo 8-Ka Mid Ah ay yihiin Mudanaayasha Golaha Guurtida, laba xubnoodna Waa labada Xoghaye ee labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo laba xubnood oo kale. Waxa uu safarkayagu qaadan doona muddo todoba Cisho ah,waxaanan rajeynayna inaanu la kulano sadexda Gole ee dalkaasi Botuswana ka kooban yihiin, isla markaana waxaanu rajeynayna inaanu ila kulano Ilaa madaxweynaha dalkaasi Botuswanaayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan [indho-indho] Weftigan oo noqonaya Weftigii ugu horeeyey ee noociisa ah oo safar shaqo ku tagay dalkaasi Bostuswana oo ku yaala qaarad ahaan Koonfur Africa