Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Ciiddammada Ammaanka Ee Xeebaha Sanaag Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Lix Nin Oo Budhcadbadeed Ah Hargaysa (HWN):-Ciiddammadda Ilaalada Xeebaha ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay Lix Nin oo sida la sheegay Budhcadbadeed ah, kuwaasoo la sheegay inay ku soo xadgudbeen Biyaha Somaliland, halkaasoo sida la sheegay soo gaadheen 30Km meel dhinaca bari ka xigta Magaalada Maydh. Waxaanu lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland aanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag. Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan Maraakiibta. Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu. Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda. Maaha markii ugu horeysay Ciiddammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay gacanta ku soo dhigaan Qawlasatada Budhcadbadeeda, hase yeeshee dhawr jeer oo hore ayaa la soo qabtay Kooxahaas budhcadbadeeda ah, kuwaasoo Maxkamad lagu saaray magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
  2. Taleexi;704823 wrote: Sheekooy ku nacay you mean nabaday ku nacay
  3. AfricaOwn;704783 wrote: Now I know garowe is not talking? Garowe was scared to assist the ssc group against SL. At least let the people that claim to be from their talk..like Libaan. Pirates always do the talk the talk but never walk the walk:D
  4. Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Dhigooda Dalka Botuswana Iyo Nuxurka Wada Hadalka Dhexmay Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen. Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen. Weftigan oo ka kooban 8-Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland labada xoghaye ee labada aqal (Guurtida iyo Wakiillada), laba xubnood oo kale, ayaa waxa hogaaminaya guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxaanay xuseen in si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi ay tageen. Waxa na soo dhaweeyey Guddoomiye kuxigeenka aqalka Wakiillada dalka Botuswana oo si fiican noo qaabilay,waanan ku faraxsanay sida diiran ee dalkaasi la noogu soo dhaweeyey, waxaanu saaka la kulanay Afhayeenka baarlamaanka, waxa uu noo sameeyey qado-sharaf, kadibna kulan ayaanu la yeelanay,kaas oo uu noogu waramay taariikhda dalka Botuswana, iyo sida ay dawlad ahaan u shaqeeyaan,waxaanu na gudoonsiiyey hadyado aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo] u keeni doonoayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Habane. Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ku sugan dalkaasi Botuswana o khadka telefoonka caawa kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay u jeedada safarkoodu tahay sidii ay aqoon isku waydaarsan lahaayeen Barlamaanada dalalka Botuswana iyo Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi U jeedada Safarkayagu waxa weeyaan sidii aanu Africa u bari lahayn dhaqanka iyo Dawladnimadu sida ay u wada shaqeeyaan, iyagana inanu ka faaiideysano sida ay baarlamaanada u shaqeeyaan oo aan aqoon ka soo korodhsano, iyo weliba sida la isku waafajiyo dhaqanka iyo dimuqraadiyada. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo kamid ah Weftigaasi ayaa waxa uu sheegay inuu Weftigooda hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, isla markaana Weftigoodu ka kooban yahay 12-qof oo 8-Ka Mid Ah ay yihiin Mudanaayasha Golaha Guurtida, laba xubnoodna Waa labada Xoghaye ee labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo laba xubnood oo kale. Waxa uu safarkayagu qaadan doona muddo todoba Cisho ah,waxaanan rajeynayna inaanu la kulano sadexda Gole ee dalkaasi Botuswana ka kooban yihiin, isla markaana waxaanu rajeynayna inaanu ila kulano Ilaa madaxweynaha dalkaasi Botuswanaayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan [indho-indho] Weftigan oo noqonaya Weftigii ugu horeeyey ee noociisa ah oo safar shaqo ku tagay dalkaasi Bostuswana oo ku yaala qaarad ahaan Koonfur Africa
  5. bilan;704771 wrote: loool, XX maadan fahmin, qofku markuu cimrigiisu koro waa inuu caqliguna la koro, laakiin hadaad iska wayaanto laakiin caqligaagu uu wali 15 jir yahay hade waa khasaaro, marka xaajigu seems inuu wali caqliyan u korin. Caqliga xaajigu wa mid mizaan leh bilanay wuxu na ku hadlay wuxu oday weyn ku hadli laha wuxu na ku baaqay in Umada Somaliland gacmaha is qabsadan ay tafararuqa iska dayaan Xaji cabdikarim caqli salim bu ku hadlay
  6. Ibtisam xaajigu wuxu ka so jeeda Konfuurta hargeysa iyo salaxlay he is a member of Golaha guurtida Somaliland he can speak for the people
  7. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin Oo Budhcad Badeed Ah March 23rd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag, ayaa galabta lix nin oo budhcad badeed ah ku qabtay biyaha rabshiga oo 30KM dhinaca Bari ka xigta Magaalada Maydh, sida uu shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Otor. “Waxaanu lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland aanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag. Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan maraakiibta. “Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu. Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda. Ma aha markii u horaysay ee Ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ay gacanta ku dhigaan kooxaha budhcad badeeda waxaana jiray illaa shan kooxood oo hore oo lagu qabtay biyaha Somaliland isla markaana lagu maxkamadeeyay dalka.
  8. Madax Dhaqameedka Sool Ee Uu Ka Mid Yahay Garaad Saleebaan Waxay Ku Shaqaynayaan Wax Munaasib Ah Maha, Somaliland Xuduud Qadiim Ah Ayay Leedahay". Xaji Cabdi Waraabe. HNW) Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu dada wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga furaa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada Dhul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareegooda, isla (HNW) Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu dada wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga furaa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada Dhul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareegooda, isla markaana uga digay inay baayactan galiyaan xuduudaha iyo qaranimada Somaliland. Xaaji Cabdi Kariin waxa kale oo uu haweenka ku jira golaha wasiirada ee madaxwayne Siilaanyo magacaabay ay mudadii xilka ay hayeen ay ku talaabsadeen waxqabad la taaban karo, gaar ahaan waxa uu tusaale u soo qaatay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo uu sheegay inay baro dhaafisay wasiirkii hore ee xukuumadii Rayaale Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhwayne). Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu sheegay in kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo qabyada xeerarka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo labada aqal ee baarlamaanka ay tahay arin u taala golayaasha sharci dajinta iyo xukuumadda. Xaji Abdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) Oo Ah Xildhibaanka Ugu Dada Weyn Labada Gole Ee Baarlamanka Somaliland Oo La Hadlay Garaadada Sool. Xaaji Cabdi waxa uu sidaas ku sheegay mar aanu xalay khadka tilifoonka xogwaraysi kula yeelanay, isla markaana uu jawaab kulul kaga bixiyey, bayaankii garaadada *********** ay dhawaan soo saareen, isla markaana ay ku baaqeen in ciidamada qaranka Somaliland laga saaro gobolka Sool, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi Madaxdhaqameedada Sool ee uu ka mid yahay garaad Saleebaan garaad Maxamed, wixii ay ku hadleen muu ahayn wax u cuntami kara Somaliland, Garaad Saleebaan-na waxaa uu ka shaqaynayaa wax u munaasib ah maaha, Somaliland xuduud qadiimi ah ayey leedahay wax la odhan karo ha lakala gooyana way ka wayn tahay, rag badan oo u dhashay Somaliland ayaa dibadaha ku maqan laakiin wax la yidhaahdo dhulka ha laga kaco Somaliland aqbali mayso, garaad Saleebaan-na aabihii-buu ka dhaxlay garaad-nimada, aabihii iyo awoowgiina waxay ka mid ahaayeen ragii guntinta u ahaa Somaliland xiligii ay madaxbanaanida qaadatay ee guumaysigii Ingiriiska, wax lagu baayactamana Somaliland way ka wayntahay, markii aynu gobonimada iyo madaxbanaanida aynu ka doonaynay Ingiriiska garaad Jaamac iyo garaad Maxamed sidii Alle inoo abuuray-ba isku dal baynu ahayn oo marxuum Ismaaciil Mire-ba Hargeysa ayuu ku aasan yahay. In maanta la yidhaahdo ciidamadu ha ka kacaan dhulka Sool iyo sidaa ha la yeelo looma baahna, intii dadwaynaha aad u samayn lahaydeen wadooyin, biyo, iskuulo ee aa aakhiro cimri-baynu nahaye aad uga tagi lahaydeen dardaaran ayaad dariiq khaldan haysaan oo dibad wareeg noqoteen, rag dib jir noqdana ma tihidin, adeerayaalow danta dalka iyo dadka garta, Alle-na ha idin garansiiyo. Xaaji C/kariin mar uu ka hadlayey xubnaha haweenka ah ee golaha wasiirada madaxwayne Siilaanyo u magacaabay, waxa uu yidhi Wakhtiga isbadalaya ayaa keenay in dumarku ay xilal ka qabtaan siyaasada, waxaana hore loo yidhi marti aan gabadhaadu kula soorin iyo magan aan tolkaa kula barini midkoodna looma taag helo, waligoodba haweenku gaashaan qaadbay ahaayeen, haweenka reer Somaliland ee xilalka loo magacaabay wasiirnimaduna waa haween mudokar ah oo aqoon badan leh, meeshii loo magacaabana way istaahilaan, marwadaa wasiirka waxbarashada loo magacaabay marwo Samsam Cabdi Aadan, wasaaradii waxbarashada cirkaasay marisay, wasiirkii hore ee mudakarka ahaa ee Xasan Gadhwaynana way baro dhaafisay, cilmi iyo aqoonbaanay u leedahay, madaxwayne Siilaanyo-na markuu wasaaradaas u magacaabay wuu asiibay. Haweenka ka danbeeya ee kalena sidaa si leeg ayuunbay wax u qaban doonaan oo barigii hore cilmigu wuu inagu yaraa, balse mudooyinkan danbe haweenkii waxbay barteen. Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu waydiinay sida uu u arko asxaabta siyaasadeed ee la filayo in madaxwayne Siilaanyo furi doono ee gudida talobixinta loo saaray, waxa uu yidhi Axsaab siyaasadeed oo badan oo maanta la furaa, munaasib dalkeena kuma aha, ilaa aynu ictiraaf helayno oo aynu badhida si rasmiya u dhigayno, oo ay dawladnimadeenu adkaanayso munaasib maaha in asxaab qaran aynu isku furno, maxaa yeelay maanta hadii ururo badan la furo qoys waliba meelbuu istaagi doonaa oo fidmo ayaa ka dhalanaysaa. Waxaan soo jeedin lahaa sadexdan xisbi qaran ee dalka ka jira ha laga dhex abuuro tartan dimuqraadiyadeed oo yaan la odhanin sadex nin ayuun baa hortaagan, waa in lagula tartamo oo qofkii doonaya jago madaxnimaba sadexda xisbi kuu doono uu iska soo dhex sharaxo, nasiibkiisana ka qaado, aniga taladayda kuma jirto xisbiyo badan oo tafaruq maanta ina galiya in la furo, kuna talin maayo. Madaxwaynuhuna waa kaa gudida talo bixinta u saaray ee taladii balaadhiyey mawqifkiisuna isaguu u yaalaa oo anigu tilmaami maayo waxa uu yeeli doono, aniguse rayigaygu wuu ka soo horjeedaa asxaab tiro badan oo la furo. Xaajiga mar aanu waydiinay sida uu u arko qabyada kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo shuruucdii aas aaska u ahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golayaasha sharci dajinta, waxa uu uga meel yaala golayaashooda, waxa uu yidhi Arintaasi waxay u taalaa xukuumada iyo golayaasha, marka wakhti loo helo ayuunbaana la samayn doonaa. Mar aanu waydiinay sida uu u arko dhaliilaha xukuumada Siilaanyo looga soo jeediyo isbadalka masuuliyiintiii hore ee xukuumada iyo shaqaale hoosaadkii hayadaha dawlada lagu sameeyey ee lagu tilmaamo inaan lagu xulanin aqoon iyo karti, balse lagu soo xushay arino ujeedo badan ah, waxa uu yidh Dawladi nin aqoon lehna xilkii uu hayey ayey ka casishaa nimanaan aqoon lahayn oo aan waxba lagu aamini karina way dalacsiisaa, taasina waa shaqada xukuumadaha.
  9. Bilan who said Xaji wants war come on i preach peace every day on here a strong galmudug and a strong ximan iyo xeeb is good for the Somali people who live in those regions in mudug and galguduud so say Mashallah
  10. Ofcourse they should work on the creation of a new Somalia central govt that will benefit the people of Somalia in the long term. but they should also improve the lives and the security in their towns which is a good initiative done by the regional states ximan iyo xeeb and galmudug so kudos to them for their achievements
  11. Why should we hate on the regional Somali states President caalin and the president of Ximan iyo xeeb both visited Somaliland and were welcomed so there is no hate there it's seems you are worried about the new coorperation between galmudug and ximan iyo xeeb.It should not bother you since they are only working to make their own lives better and improving the security in their own region.
  12. Duke how come the pirates are scared Ximan iyo xeeb and galmudug are regional neighbouring states and they want to cooperate in security don't be scared they wont invade your north galkacyo:D
  13. Are you denying galkacyo security is getting out of hand Maamul goboleedka Puntland ayaa wacad ku maray inay si deg deg ah wax ugu qabanayaan amni darida ka jirta Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
  14. Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug State oo mideeyay ciidamadooda Cadaado: (Sh. M. Network) Saraakiil ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Xaman iyo Xeeb ayaa ku hishiiyay inay kahortagaan dagaal waliba oo ka dhex kalan kara labadaasi Maamul. Iyadoo mudo 4-bilood ah Odayaal iyo Waxgaradka ka kala socday Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ay ku howlanaayeen dhex dhexaadinta dagaalo dhexmaray labadaasi Maamul ayaa hadana Odayasha waxaa ay ku guulaysteen in la mideeyo Saraakiisha Ciidamada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug State si looga hortago isku dhac mar kale labadaasi Maamul ku yimaada. Shir shalay ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu hishiiyay in la’isku dhafo Ciidamada labadasi Maamul meel waliba ay joogaan si ay ugu hortgaan dhibaatooyin ka dhacaya deegaanada ay ka aramiyaan. Xasan Timo-wayne oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in labadaasi Maamul ay wada hishiiyeen, isagoo tilmaamay in sababta la’isugu daray Ciidamada ay tahay in laga hortago kooxo uu sheegay inay habeenkii ay dadka u guureeyaan islamarkaana ay dhibaateeyaan. Ugu dambeyn ayaa Sarakiisha iyo Ciidamada ku hishiiyeyay in la mideeyo Maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb waxaa ay isku raaceen in la baacsado kooxaha burcada ah ee dhibaatooyinka ka gaysta deeganada ay ka taliyaan labadaasi Maamul.
  15. Puntlnad oo sheegtay inay wax ka qabanayso amaan darida Gaalkacyo Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Maamul goboleedka Puntland ayaa wacad ku maray inay si deg deg ah wax ugu qabanayaan amni darida ka jirta Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug. Xili maalmihii u dambeeyay dhinaca Woqooyi ee magaalada Gaalkacyo ay ka dhacayeen falal lido ku ah amniga islamarkaana lagu bartilmaameedsanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa hadana maanta markii ugu horeysay waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug. Axmed Cali Salaad Faraax oo ah gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo maanta saxafiyiinta kula hadlayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Puntland ay wax ka qabanayaan falalka amaan dari ee kasoo cusboonaaday Magalada Gaalkacyo dhinaceeda Woqooyi, wuxuuna sheegay in ciidamda amniga ee Mamaulka Puntland ay wadaan howlgalo xoogan ay ku baadi goobayaan kooxaha ka dambeeya falalkaasi amni dari. Hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo inta badan Woqooyiga magaalada Gaalkacyo xaafadaha ay ka koobantahay ay ka socdaan howlgalo xoogan oo ay wadaan ciidamada amniga ee Maamul goboleedka Puntland.
  16. ^ no one will ever join Somalia dadka maxaad habaar ula rabta
  17. Somaliland Oo Taariikhda Markii Ugu Horeysay Ku Guulaysatay In Ay Dalka Ku Beerto Bariis Iyo Weedhaha Uu Xaflad Loo Sameeyay Ka Jeediyay Wasiirka Beeruhu Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Professor Faarax Cilmi Geedoole, ayaa shalay markii ugu horeysay ka qayb galay xaflad loo sameeyay bariis lagu beeray dalka. Hargeysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Professor Faarax Cilmi Geedoole, ayaa shalay markii ugu horeysay ka qayb galay xaflad loo sameeyay bariis lagu beeray dalka. Xafladan oo ka dhacday Xarunta Beeraha ee Biyo Guure ee ku taala Gobolka Saaxil, ayaa waxa iyaguna ka soo qayb galay Mayorka Magaaladda Berbera Cabdale Maxamed Carab, Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, La taliyaha madaxweynaha ee Golayaasha qaranka iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Professor Faarax Cilmi Geedoole, oo halkaas ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay Bariiskan cusub ee ka soo goay beeraha Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa waxan marka hore umahad celinayaa mulkiilaha beertan aynu manta bariiskeeda arkayno iyo hawl wadeenadiisa oo uu ugu horeeyo ninka udhabar adaygay xeebtaa aad arkaysaan kulaylkeed ee ay walaalaha yihiin mulkiilaha beerta ee Axmed waxa kale oo aan aad ugu faraxsanay siidhkii aan halkan keenay oo manta midho dhala waxaana halkan iiga muuqata tacab badan oo galay beertan iyo bariiska sidii usoo bixi lahaa waxa aanu aad isu weydiinaynay markii aanu halkan bariiska siidhkiisa keenaynay tolow ma bixi karaa halkan manaan filayn laakiin manta wax badan ayaanu ka ogaanay waxaasna tacab baa keenay markaa waxan bulshad reer Somaliland ka codsanayaa in ay dhulkooda wax kala soo baxaan oo aanay gacmo shisheeye waxba ka sugin gaar ahaan qurba jooga ayaan aad ugu dhirinayaa in ay dalkooda soo maalgashadaan. Waxa isna halkaa ka hadlay mulkiilaha beertan Cabdishakuur Cidin oo isaguna umahadceliyay wasiirka beeraha oo uu sheegay in uu lix goor beertiisa ugu yimi intii ay xukumada cusub talada dalka haysay isaga oo arimahaa ka hadlayaa arimahaa wax uu yidhiwaxan halka uga mahad celinayaa dhamaan madaxda Gobolka saaxil ee uu ugu horeeyo Duqa Degmada Berbera Cabdala Maxamed Carab iyo dhamaan madaxda laamaha dawlada ee ka soo qeyb galay xaflada bariiska soo go.ay waxa kale oo aan bulshooyinka reer soomaaliland ugu baaqayaa in ay dhulkooda wax kala soo baxaan oo ay beertaan wad arkaysaan oo waa kaa bariiskii laynooga keeni jiray Hiniya iyo Thailand hadii aynu isku dayno in aynu dhulkeena wax kala soo baxno waa suuragal ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland. waxa isna halkaa ka hadlay Duqa degmada Berbera Cabdalla Maxamed Carab waxaana hadaladii duqa kamid ahaa waxa wax ilaahay loogu mahad naqo ah beertan bariisku manta ka soo go,ay ee aynu dhex joogno oo aynu wada garanayno maalintii ugu horeysay ee wasiirkan beeruhu halkan yimaado faraq aad weyni udhexeeyo waxaanay taasi muujinaysaa sidii uu inankaa beerta beeray uu sheegay in hadii bina.aadamku wax beero oo tabco in wax labeeri karo imika markii aanu soo laabanaynay waanu yara xamanay ninka beertan beeray waxa aanu nidhi balka ka warama ninka halkaa buurta hoosteeda ee aad kulaylkeed arkaysaan beeraya ee jooga maxaade umalaynaysaan markaa waa alxamdu lilaah hadii uu mantaba bariiskii soo go,ay waan ku amaanay cabdishakuur iyo Axmedba labadaa nine e walaalah ah.waxa isna halkaa ja hadlay Siciid Cartan oo ah khabiir ku takhasusay beerista bariiska mudo badan ka soo shaqeynaayay wakhtiyadii dawladii somaliya waxaanu siciid aad ugu dheeraaday qiimaha bariiska manta halkan ka baxay iyo siyaabaha loo bahanyay in loo beero amaba loo wada gaadhsiiyo wadanka oo dhan dadkana loo baro beerista bariiska isaga oo wasiirka wasaarada beerahana talooyin badan oo ku waajahan dhinaca beerista bariiska iyo horumarintiisa siiyay siciid cartan waxaanu aad ugu dardaaray wasiirka siciid in labadiyo fidinta mashruuca bariiska iyo waliba in la furo iskuulo lagu baro dadka habka bariiska loo beero hadii aan sidaa layeelina aanay suuragal aheyn in bariisku iyo baristiisu sii socoto hakadna gali doono ayuu yidhi Duqa Magaaladda Berbera. Waxa isna taariikhda biyo guure iyo wakhtigii beeraha lagu bilaabay ka hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee Golayaasha qaranka Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo sheegay in beerihii ugu horeeyay ee biyo guure uu lahaa mulkiilaha beertan maanta bariisku kasoo go.ay ee Cabdishakuur awowgii oo walibana uu ganacsigii uu magaalada ku laahan ka door biday beerista saracyada kala duwan iskastoo aanu barigaa bariisku jirin hadana waxyaabo kale oo badan ayaa la beeran jiray laakiinse waxa uu lataliyuhu uga socday in beeruhu ay yihiin qaar hide ah ugu danbeyntiina waxa uu amaan usoo jeediyay mulkiil;aha beerta cabdishakuur cidin.