-
Content Count
29,974 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
oba hiloowlow;705123 wrote: ICU iyo shabaab waa kala duwan yihiin mana isku dhaw.. sii fiicana aan uu kasaaya damacaada ee waxba hays wereerin.. ICU iyo Alshabaab wax u dhexeya ma jirto wa isla iyagi uun Kooxdi ICU qayb ba dalka ku sii hadhay qeyb na Eritrea bay u qaxday daahir aweys iyo sharifka kooxdi ku hadhay waxay ahayeen muqaawamo Shabaab bay noqdeen sh sharif na marki danbe wa ki ku biiray Dawladi TFG aweys na waki xisbal islam samaystey damacaad sheegeysid wamaxay -
Adis ababa(Pi)Waftigii uu horkacayey Madaxweyne faroole oo baryahaanba booqasho sahqo dalka uga maqnaa ayaa bari kusoo laabanaya Dalka, Madaxweynaha iyo waftiga weheliya oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Dalka Itoobiya ayaa bari imaanaya Garowe. Madaxweynaha iyo Waftiga la socda ayaa bishii hore dhamaadkeedii u safray dalka Talyaaniga iyagoo tan iyo xiligaas dalka ka maqnaa. Warar kale oo aan rasmi aheyn ayaa noo sheegey in Madaxweynaha iyo wafti kale ay u kicitimi doonaan dalka Kenya isniinta ka dib markey yimaadaan Garowe. Puntlandi.com
-
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
oba waan ogahay Alshabaab siyasad fiican kuma shaqeyaan laakin wa ereyo ay iskaga hadleen dad ka mid ah oo ka tirsan shabaabka Siyadasada Shabaab wala badali kara wa in meel dhexe la iskugu imaado , Dawlad Shabaab way raban laakin dawlad nooca TFG ayayse rabin sh sharifku so ma ahayn nin ka tirsananin jiray kooxdi islamic courts union isku wax bay raban sharciga islaamka laakin waxa weye inay ku heshiyeen qabki la isku xukumi laha it's that simple ma waxaas oo dhan aad ogtahay bay dad intaas u fara badani u barakacayan oo dhimanayan ilahow miirka iyo maanka hanaga qaadin,, aqoonsiga aad sheegeysid na halkeed kala soo baxday topica la qabso adeer -
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
This parliamentarian know was up he knows only through negotiations there will be a long lasting solution for Somalia -
Somaliland coastal guards arrest pirates from pirateland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somaliland seizes six Somali pirates“ After received intelligence reports from neighboring Yemen, we were keeping truck of the pirates and today our naval forces managed to intercept them” Ator explained. Source: (AHN) Reporter: Abdi Hajji Hussein Location: Erigabo, Somaliland, Somalia Published: March 24, 2011 09:35 am EDT Topics: Crime, Law And Justice, Crime, Gang Activity, Crime, Law And Justice, Police, Arrest The coast guards of the breakaway republic of Somaliland have seized at least six Somali pirates and their boat, according to Somali-language website Hadhwanaag.com. Read more: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90041861?Somaliland%20seizes%20six%20Somali%20pirates#ixzz1HXUAEXKT -
Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Luuq Luuq: (Sh. M. Network) Ciidamado ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah waxaa ay ku qaadeen degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaaso oo ay ku sugan yihiin Ciiamada dowladda KMG Soomaaliya. Weerarkaani xalay lagu qaaday degmada Luuq ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab, iyagoo kaga yimid dhinaca bari ee magaalada Luuq, waxaana la’ogayn qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudo inkastoo halkaasi ay dib ugu noqdeen ciidamadii ka tirsanaa Shabaab ee warar ku qaaday degmadaasi. Weerarkaan ayaa waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay ee Ciidamada Xarakada Shabaab ay ku qaadaan degmada Luuq tan iyo markii Ciidamada Shabaab ay halkaasi isaga carareen, iyadoo la tilmaamay in shacabka ku nool degmadaasi ay soo foodsaartay cabsi xoogan. Dagaalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa xili Ciidamada Shabaab ay go’doomin ku sameeyeen degmadaasi kadib markii ay ka celiyeen gawaari Xamuul ah oo ku wajahnaa degmadasi taasi oo saamayn xoog leh ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku nool degmada Luuq ee gobolka Gedo.
-
Xildhibaan: Waa lagama maarmaan in wada hadal lala galo Shabaab Nairobi: (Sh. M. Network) Mudane ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in wada hadal lala galo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab si loo helo nawad waarta. Xildhibaan C/raxmaan Salaad Cali (Qoryooley) oo ka mid ah Mudanayasha barlamanka KMG Soomaaliya oo mudo ku sugnaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda kala guurka ee xiligaan ay wajahayso dowladda KMG Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in Xarakada Shabaab oo mudo ay dagaalamayeen dowladda Federalka Soomaaliya wadahadal lala galo ay tahay lagama maarmaan, waxaana uu tilmaamay in dhiig lagu dhiiq uu san wax xal ah ugu jirin Umadda Soomaaliyeed. Mar Idaacadda Shabelle ay wax ka waydiisay Xildhibaan Qoryooley, kulamo maalmihii dambe la sheegayay inay ka dhacayeen magaalada Nairobi islamarkaana ay yeelanayeen Mudanayaal ka tirsan barlamanka oo la sheegay in looga soo horjeeday Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan Xildhibaanada ku sugan dalka Kenya todobaadkaan gudahiisa ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho si loo helo hogaan cusub maadaama uu tilmaamay in uu dhamaaday xiligii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida uu hadalka u dhigay. Inkastoo dhowr jeer Mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Federalka KMG Soomaaliya ay sheegeen inay wada hadal lagalayaan Xarakada Shabaab si loo helo nawad waarta ayaa hadana Mas’uuliyiinta Ururka Al Shabaab marka ay warbaahinta ka hadlayaan waxa ay sheegaan in dowladda KMG Soomaaliya ay kasaarayaan guud ahaan dalka islamarkaana ay la galayn wax wada hadal ah.
-
Melez turubka wu kala dhig dhigaya
-
News Thread on Galmudug state [Central recovery zone].
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Galmudug is making progress mashallah -
Somalina;704910 wrote: Awoowe google their names or go to the UN website and find out yourself what their titles are. Wax la is barbar dhigey malahan, stop making up stories. Buhoodle weli calanka baluuga ayaa ka taagan awoowe, waxaana dooneysaan inaad ku qasabtaan iney idin raacaan, cid Somaliya ka socota oo qori idin haysata ma jirto oo idin leh na soo raac. Marka get your stories together awoowe. haye qori ma wadatan eeh laakin afka hanaga sheeganina marka wa iska heshiinayna.. Buhoodle wa shuqul daakhiliya xita calanka Itoobiya ka tagan so ma ogid lol.
-
eeg dhibaatada idin haysata waxa weye anagu waxanu idin leenahay waxad tihin umad anu jaarnahay laakin idinku ta ma qadarisan oo waad xadgudubtan oo Somaliland waxad u haysatin , wax hadyad la idin siiyey lixdanadi oo loogu deeqay bakara market marka intay waxasi idinka dhadhacsantahay isla jaan qaadi kari meyno awoow mid labaad ,,magaca UNta Colaad lo qabo maha Somalia ileen magaca somalia na wu ku xusanyahay meesha labadi ba la is barbardhigay adigu laakinsie waxaad diidaysa in magaca somaliland la xuso dee awoow ta anagu wanu xuseyna ila yaw madiin.
-
Somalina maan arkin Bowden oo ka cabanaya taas waliba waxan arkay in labada magac eeh dariska ah la is barbardhigo waba shay fiican oo walaaltinimo muujinaya ta webebka wa caadi idinkuba webebka reer Somaliland waad akhridan anaguna wanu akhrina wa iska caadi ileen isku af baynu wax ku qornayee webebka aad ka hadlaysey xita arimaha khuseeya dalkayaga wax wa ka so qoran marka dee wa inaynu eegno manay ahayn,. Wa inaynu derisnimada aynu xoojino manay sida ahayn awoow
-
Tababar Loo Soo Gunaanadday Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Booliska March 23rd, 2011 Mandheera (Somaliland.Org)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cilmi Rooble Fure oo uu wehelliyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdillaahi Cismaan (Geeljire), ayaa maanta saddex boqol (300) oo ka mid ah ciidamada Booliska tababar ugu soo xidhay dugsiga Lixle ee magaalada Mandheera. Munaasibadan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kalla socday, Wasaaradda arrimaha gudaha, gobolka Maroodi-jeex iyo marti sharaf kalle oo badan. tababarkan oo la xidhiidhay arrimaha amaanka, shuruucda, xuquuqda aadamaha iyo la dhaqanka bulshada. islamarkaana, ku tirsan talaabooyin la xidhiidha siddii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo aqoonta ciidamadda Booliska ayaa waxaa madaxda ka qaybgashay waxaa ay ka jeediyeen khudbaddo u badan dhiiri-gelin. Dufcaddan ciidamada Booliska oo noqonaysa tii shanaad ee ka faa’idaysata mashruucan oo ay iska kaashaddeen fullintiisa hay’ada UNDP iyo taliska ciidamaddu ayaa Wasiirka Kaluumaysiga oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa ciidanka kulla dardaarmay inay shaqadooda ciidanimo ku dabaqaan duruusta ay barteen. Yaasiin Maxamed Cabdi oo ah madaxa kulliyadda tababarka ciidamadda ee Lixle iyo saraakiil ka socotay wasaaradda arimaha gudaha ayaa iyana sidoo kalle xafladdaa qalinjabinta ka hadlay. Dhinaca kalle Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdillaahi Geel-jire waxaa uu xadhiga isla shalay ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay degmada Cadaadley. Saldhigan oo Taliska ciidamadda Boolisku hirgelintiisa iska lahaa ayaa waxaa wasiirka Kaluumaysiga oo haddal ka jeediyay tilmaamay qiimaha rugaha Boolisku ugu fadhiyaan amaanka qaranka guud ahaan iyo gaar ahaan baahida degmadda Cadaadley u qabtay saldhigan. waxaana uu wasiirku uga mahad-naqay cid kasta oo fulinta dhismaha saldhigaas ka qaybgashay.
-
Meel ala meel ay somali degto inay nabad iyo barwaaqo ku nooladan wa la wada raba Reer jabuuti nabad ku nooladaad reer Somaliland nabad ku nooladan reer Somalia nabad iyo xasilooni ku nooladaan reer Nfd saaso kale , Qof Somali oo diidani u malayn mayo inu jiro.. Somalina awoow magaca somaliya maxa loo dhibsanaya umalayn mayo inay cidi dhibsanayso Labbada dal eeh Somaliland iyo Somalia waxyaalo fara badan bay wadaagaan labada erey eeh dalalka magacyadooda ka bilaabman baba isku mid ah marka sidee loo nici kara awoow , taasi caqli ba maha
-
Somaliland coastal guards arrest pirates from pirateland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciiddammada Ammaanka Ee Xeebaha Sanaag Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Lix Nin Oo Budhcadbadeed Ah Hargaysa (HWN):-Ciiddammadda Ilaalada Xeebaha ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay Lix Nin oo sida la sheegay Budhcadbadeed ah, kuwaasoo la sheegay inay ku soo xadgudbeen Biyaha Somaliland, halkaasoo sida la sheegay soo gaadheen 30Km meel dhinaca bari ka xigta Magaalada Maydh. Waxaanu lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland aanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag. Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan Maraakiibta. Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu. Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda. Maaha markii ugu horeysay Ciiddammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay gacanta ku soo dhigaan Qawlasatada Budhcadbadeeda, hase yeeshee dhawr jeer oo hore ayaa la soo qabtay Kooxahaas budhcadbadeeda ah, kuwaasoo Maxkamad lagu saaray magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. -
Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray BAAQ NABADEED
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Taleexi;704823 wrote: Sheekooy ku nacay you mean nabaday ku nacay