-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Xarakada Shabaab oo qiratay inay burcad-badeedu ka amar qaataan
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Faroole + Fuaad shangoole = Budhcad badeed -
Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Botswana March 22nd, 2011 Botswana (Somaliland.Org)- Wefti uu ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) oo uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, oo Socdaal ku maraya dalka Botswana ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Xeer beegtida ee Baarlamaanka dalkaasi NLTO oo la yidhaahdo Ya Dikgosi. Weftigan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Botswana waxay ka wada hadleen sidii ay labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Bostwana ay iskaashi iyo wada shaqayn u yeelan lahaayeen iskuna dhaafsan lahaayeen wixii macluumaad ah ee la xidhiidha shaqada Goleyaasha Baarlamaanka. Waxaanay labada dhinac isku afgarteen inay sii xoojiyaan xidhiidkooda. Waxa kale oo weftigani la kulmi doonaan mudada ay socdaalka ku joogaan dalkaasi sadexda Guddi hoosaad ee baarlamaanka Bostwana. Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladdu waxa kale oo ay kulmeen xisbiyada siyaasada ee dalka Botswana oo ay uga warameen Marxaladihii ay Somaliland soo martay, Nabadeyntii, dhismihii Ha’yada dawliga ah iyo afartii doorasho ee ka dhacay dalka. Weftigaasi waxa uu ka kooban yahay toban xubnood oo ka kala socday Goleyaasha Baaralmaanka ee Wakiilada iyo Guurtida.waxaanay dalkaasi joogi doonaan illaa 26-ka Bishan March.
-
WAR DEG DEG AH: Gudoomiyahii Gudiga Amniga Galkacayo oo Caawa dil Toogasho Lagu dilay Print E-mail Be the first to comment! Gaalkacyo (SPR): Barmaha Magaalada Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dil Gaadmo ah loogu geystay Gudoomiyihii Gudiga Amniga ee degmada Galkacayo Nabadoon Xuseen Cali dude, waxaana wakhtigaasi uu ku sugnaa Aagama Masaajidka Raxma ee xaafada Garsoor. Dilka Gudoomiyaha ayaan ilaa hadda la ogayn sababata rasmiga ah ee ka dambaysa in la dil gaadmo ah lagu dilo balse waxaa ay Ciidamada Amaanka ee Galkacayo aagaasi ka sameeyeen howl galo baadhitaano ah oo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkaasi ka dambeeyey. Waxaa la shaaciyey in hubka Fudud loo adeegsaday dilka Nabadoonka oo wakhtigaasi ku sgunaa Xaafada Garsoor ee Galkacayo, waxaana isla markiiba baxsaday kooxihii shuftada ahaa ee dilkaasi Geystay, waxaana dilka nabadoonka uu qayb ka yahay dilal isa soo tarayey oo dhacayey Maalmihii Tegay.
-
Axmed Cali salaad oo sheegay in ay xaalada Galkacayo Tahay ka sii daraysa iyo Weriey liibaan oo uu sheegay in uu la mid yahay dadka Falalka loo soo qabtay. Gaalkacyo (SPR): Magaalada Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dabayaaqadii Toddobaadkii hore iyo xalayba waxaa ka dhacay Falal gaadmo iyo qaraxyo nooca rumuud ah oo Magaaladaasi ka dhacay, waxaana qarax lagu weeray Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland, iyo dil xalay loo geystay Nabadoon ka Tirsan Kuwa Gobolka Mudug. Axmed Cali salaad Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo goor dhowayto la hadlay warbaahinta Maxaliga ah ayaa waxaa uu ka hadlay Falalkaasi waxaana uu Tilmaamay in ay jiraan kooxo qas wadayaal ah oo inta badan Falal noocaasi oo kale ah ka sameeya Galkacayo, waxaa kaloo uu saxaafada ka cadeeyey in ay jiraan kooxo arintaasi ku lug leh oo Magaalada ku soo badanaya. Gudoomiyaha Gobolka Mudug waxaa uu canbaarayn iyo dhaleecayn dusha uga Tuuray kooxahaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo bulshada ku dhex jira isla markaasna markasta isku deyaya in ay Fuliyaan Ficilo xun xun oo lagu dhawacayo bulshada Gobolka Mudug. Waxaa kaloo uu ka hadlay dad ay ciidamada Amaanka ee Puntland u soo qabteen qarax lagu beegsaday Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland kaasi oo ahaa mid geystay khasaare dhaawac ah oo Afar qof ah, balse dad badan ayaa loo qabtay waxaana ku jira Weriye Liibaan Qaran oo ka Tirsan weriyaasha Galkacayo. Axmed Cali salaad oo weriyaha xidhan arinta wax laga waydiiyey ayaa si wayn isaga leexiyey in uu war dheer oo ku saabsan weriyaha bixiyo waxaana uu sheegay in uu weriyuhu ku jiray dadkii la qabqabtay balse uu xaq u leeyahay in uu Maro baadhitaaka ay marayaan dadka kale ee lala xidhay. Saxaafada waxaa uu ka codsaday in aysan qod qodin sababata loo xidhay iyo waxyaalaha uu u xidhan yahay balse waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay dadka lagu Tuhmay in uu qaraxaasi ka dambeeyey isla wakhtigaasi xabsiga ay u taxaabeen ciidamada Amaanka. Weriye liibaan Qaran oo ay saxafiyiinta Galkacayo ku booqdeen Xabsiga uu ku xidhan yahay ayaa sheegay in uusan garanayn ujeeda loo xidhay wakhtiga la soo qabtayna uu ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah warshadii hore ee Galayda Galkacayo halkaasi oo uu u joogay in uu hello Xog buuxda oo ku aadan qaraxaasi basle ay ciidamada Amaanka xidheen. Laamaha Amaaka ee Gobolka Mudug ayaa haatan waxaa ay ku jiraan heegan sarre oo ku aadan sidii ay ula socon lahaayeen dhaqdhaaqyada bulshada Magaalada Galkacayo iyo dadka iyagu ka dambeeya qaraxyada iyo dilalka qorshaysan waxaana aan jirin cid ilaa hadda loo soo qabtay dilka Gudoomiyihii Gudiga Amniga ee Gobolka Nabadoon Xuseen cali Dude' oo xalay ay kooxo hubaysan ku dileen Aaga Masaajidka raxma ee Xaafada Garsoor ee Gakacayo.
-
Gaalkacyo:Koox hubaysan oo weerar khasaaro geystay ku qaaday gaari Rakaab ah oo marayey inta u dhaxaysa Galinsoor & Gaalkacyo. 22. marts 2011 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wararka laga helayo Koonfurta gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in halkaas ay koox hubaysani weerar ku qaadeen midkamid ah gaadiidka waaweyn ee rakaabka qaada kaas oo kasoo ruqaansaday koonfurta soomaaliya kuna soo wajahnaa gobolka mudug,waxaana ay wararku intaas kudarayaan in weerarkaas oo ahaa mid si bareer ah loo qaaday ay khasaaro kaladuwan ka dhalatay. Warar hufan oo ay APL ka helayso Konfurta gaalkacyo ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen Labo ruux ayna jiraan dhaawacyo intaas kabadan,waxaana ay wararku hoosta ka xariiqayaan in dhaawacyadii weerarkaas lagu dabiibayo isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu wanaagsantahay. Dadka khasaaradu soo gaartay ayey wararku xaqiijinayaan in ay qeybo kamid ahi gaariga kasoo raaceen magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaanan weli la garan ujeedada weerarkan gaariga dadweynaha lagu qaaday,iyadoo ay taasi kamid noqonayso weerar isdabajoog ah oo gaadiidka dadweynaha ay kuqaadaan kooxo isbaarooyin badani ay u yaalaa deegaano kamid ah Mudug koonfurteeda & Galguduud.
-
Somaliland vice president opens new university laboratory + PICS
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Oo Jaamacada Hargeysa Laga hirgaliyey. Hargeysa (Ramaas) Mar.22, 2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray saddex mashaariic horumarineed oo lagu soo kordhiyey jaamacadda Hargeysa. Madaxwayne ku xigeenka ayaa furay qayb-shaybaadh oo lagu soo kordhiyay kuliyadda sayniska ee Jaamacadda iyo laba dhisme oo midna lagu kordhiyey maktabada jaamacada iyo dhisme gaar ah oo loogu tallo-galay xalinta khilaafaadka Soomalida. Furitaanka mashaariicdaan oo ay fuliyeen shirkadda telefoonada ee Nation-link oo iyaddu qalabka shaybaadhka hirgalisay iyo hay’addaha UNDP iyo Care oo kuwa kale hirgaliyey Ka dib markii uu Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi xadhiga ka jaray mashaariicdan horumarineed ayaa hoolka xalinta khilaafaadka Soomalida ee maanta xadhiga laga jaray munaasibad kooban lagu qabtay, isla-markaana waxa ka hadlay masuuliyiinta jaamacada iyo shakhsiyaad kooban oo amaanay dadkii gacanta ka geystay hirgalinta mashaariicdan. Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof Mubaarak Ibraahim Aar, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey jaamacada Hargeysa iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu sheegay in jaamacada Hargeysa horumar balaadhan oo dhinacyo badan ah samaysay, isaga oo xusay in hadda maamulka jaamacadu aanu ka fikirayn sidii uu macalimiinta jamacada mushaharooyinkooda u kafaalo qaadi lahaayeen, balse ay hadda ka fikirayaan sidii jaamacada horumar dhinacyo badan ah ay u gaadhsiin lahaayeen. Waxaana kamid ahaa hadaladiisi “Jaamacadda Hargeysa macalimiinteeda iyo shaqaalaheedu kama fikiraan mushaharkooda oo waxay u socdaan si wanaagsan, imikana jaamacadu waxay ka fikiraysaa horumar.” Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in dhawaan jaamacada lagu xidhayo Internet wada gaadha guud ahaan jaamacada, taasina ay ka mid tahay talaabooyinka horumarka leh ee ay qaaday. Guddoomiye ku xigeenka shirkada telefoonada ee Nation-link Mr Mahdi Daahir Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan shaybaadhka ee ay siiyeen kuliyadda sayniska ee jaamacada Hargeysa ugu tallo-galeen in dhalinyarada sayniska baranaysa ay ka faa’idaystaan maadaama oo ay in badan raadinayeen qalab noocan oo kale ah. Masuulkani waxa kale oo uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay ula diyaar yihiin wax kasta oo ay uga baahdaan, isaga oo tilmaamay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin. Munaasibadan oo uu sidoo kale ka hadlay agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Khadar Maxamed Diiriye, ayaa waxa soo gabogabeeyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay in talaabooyinka jaamacadu qaaday ay yihiin ku lagu farxo oo horumarineed loona baahan yahay in intaa laga sii kordhiyo “Waxaan ku faraxsanahay in jaamacada Hargeysa kala soo qayb-gallo horumarka balaadhan ee fidida ay fidayso iyo mashaariicda ay ku deeqdeen shirkadda Nation-link iyo hay’adda caalamiga ah ee Care iyo UNDP, aad ayay farxad iigu tahay.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Awal Wasaaradda waxbarashadu miisaaniyadda dalka waxay ku lahayd 3%, laakiin maantana waxay ka tahay 9%, taas lafteeduna waa horumar oo waa talaabo hore loo qaaday, sanadka dambana waxaanu rajaynaynaa intaa ka badan la sii qaado.” -
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Lap Cusub Oo Ay Shirkada Nation Link U Qalabaysay Jaamacadda Hargeysa Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa saaka xadhiga ka jaray laab casri ah oo ay shirkada isgaadhsiinta Nation Link u qalabaysay jaamacadda Hargeysa iyo dhisme cusub oo ay hayadda Care International u dhistay jaamacada Hargeysa. Hargeysa (HWN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa saaka xadhiga ka jaray laab casri ah oo ay shirkada isgaadhsiinta Nation Link u qalabaysay jaamacadda Hargeysa iyo dhisme cusub oo ay hayadda Care International u dhistay jaamacada Hargeysa. Xaflad loo sameeyay furitaanka dhismaha cusub iyo laabka oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xuseen Maxamuud Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi, Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacada Mubaarak Ibraahim Aar, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, masuuliyiin iyo waliba macalimiinta wax ka dhigta jaaamadda Hargeysa. Ugu horeyn hadal kooban oo uu halkaas ka soo jeediyay Prof. Axmed Maxamed Cadaad oo ah Deanka qaybta sayniska ee jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in ay farxad iyo rayn-rayn u tahay mar haddii jaamacadii Hargeysa ay yeelatay Lap u gaar ah, waxaanu maamulka shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link ku bogaadiyay sida ay xilka isaga saareen in ay u qalabeeyaan jaamacada. Waxa kale oo uu amaan aad ah u soo jeediyay Maamuladda Cusbitaalada Edna Aadan Maternity Hospital, Manhal iyo waliba dugsiga caafimaadka ee Shifo oo uu sheegay in ka hor intii aanay yeelan laabkan ay tagi jireen isla markaana Maanta waxa farxad noo ah in aanu yeelano laab, waxaanan uga mahadnaqayaa shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link oo iyadu gacan wayn ka geysatay sidii ay Laapkan noogu qalabayn lahayd, waxa kale oo aanaan marnaba ilaabi karin sidii mudadii aanu ku soo dhex jirnay waxbarashada ardayda uga caawin jireen in dhinacyada shaybaadhka Cusbitaalka Edna, Manhal iyo waliba dugsiga caafimaadka ee Shifo ayuu yidhi. Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa Prof. Mubaarik Ibraahim Aar, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulka cusub ee jaamacadu uu ku talo jiro sidii ay waxbarashadeeda sare ugu qaadi lahayd Waxa aanu runtii ku talo jirnaa sidii aanu waxbarashada jaamacadda Sare ugu qaadi lahayn, waxaanan uga mahadnaqayaa maamulka shirkada Nation Link oo iyadu qaybta sayniska oo runtii cadibnayd ka caawisay in ayu soo qalabayso laabkii, waxaanan ilaahay ka baryayaa in shirkadaas halkii ay lacagtaasi kaga baxday ugu soo bedelo mid ka badan oo khayr wadata. Runtii jaamacada oo maalmo uun ka hor loo soo magacaabay guddoomiye Muuse Cabdi Cilmi waxa ay hadda u muuqataa in ay dedaalkeedii sii laban laabtay, guddoomiyaha oo runtii ah nin wanaagsan oo dhinaca maamulkana waxa badan ka bedelay ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Hargeysa ee dhinaca maamullka iyo maaliyadu. Waxa isna halkaas ka hadlay masuul sare oo ka socday shirkada Isgaadhsiinta ee Nation link Mr. Mahdi Ibraahim Faarax, waxaanu sheegay markii ay arkeen baahida ay ardayda wax ka barata jaamacada Hargeysa ay u qabaan in ay helaan laab ay ku talo galeen in ay iyagu noqdaan shirkada ugu horeysa ee ka caawisa laabkaas, waxaanu ardayda u soo jeediyay in ay ilaashadaan oo aanay iska haleynin qalabkoodan cusub. Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii saaka halkaas ka hadashay ayaa sheegay in jaamacada hargeysa ay abaal badan u hayso dhamaanba dadkii gacanta ka geystay in ay jirto, kuwaas oo buu yidhi ay ugu horeeyaan shirkada Nation Link, Edna aadan iyo waliba kuwo kale oo badan. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay habeen iyo maalinba dedaal ugu jiraan sidii ay jaamacadu u noqon lahayd mid cagaheeda ku sii taagnaata muddo dheer Waxa ay maanta Ii tahay maalin wanaagsan waxaanan aniga oo ku hadlaya maamulka jaamacadda shirkada Nation Link oo runtii wax fiican qabatay isla markaana noo qalabaysay laabkii oo nagu hayay dhibaato laxaad leh ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxa uu xusay in inta ay xilka hayaan ay ku dedaali doonaan siddii ay uga midho dhalin lahaayeen dedaalkooda ah in ay waxbarashadu meel fiican gaadho. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Khadar Axmed Diiriye oo sheegay in mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen ay wax badan ka qabteen dhinaca waxbarashada sare. Waxa uu xusay in ay wadaan qorshe loo samaynayo sidii loola socon lahaa heerka ay taagan tahay waxbarashada sare iyada oo uu buu yidhi aanu samayn doono guddi sare. Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay masuul ku hadlayay afka hayadda Care oo iyadu jaamacada hargeysa u samaysay hool wayn, waxaanu tilmaamay in aanu dedaalkooda intaas uun ku koobnayn ee ay wadaan qorsheyaal kale oo ay wax kaga qabanayaan jaamacadda Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabogabadii xafladaas hadal kooban ka soo jeediyay ayaa tilmaamay in xukuumadda cusubi ay ka goan tahay sidii loo tayayna lahaa waxbarashada, waxaanu carabka ku dhuftay in ay sare aad ugu qaadeen miisaaniyadda wasaaradda waxbarashada Si loo tayeeyo waxbarashada dalka waxa aanu sare u qaadnay miisaaniyadii Wasaaradda waxbarashada oo awalkii hore ahayd 3%, Laakiin maanta waxa aanu ka dhignay 8%, waxaanan ku dedaalaynaa in aanu sare u qaadno waxbarashada dalka oo wakhtiyadii hore ahayd mid aad u liidata ayuu yidhi. Waxa kale oo uu balan qaaday in ay jaamacadda hargeysa ka caawin doonaan dhinacyada ay u baahan tahay oo dhan Sidii uu inankii hadlayay u sheegay, waxaanu balan qaadanaynaa in marka aanu dib isugu noqono aanu talo ka yeelan doono, diyaarna waxa aanu u nahay in aanu wixii karaankayaga ah bixino ayuu yidhi.
-
:D:D selections will be interesting this year in august Somalida beri la yidhi war hebel yaa wata, kenyatiga wata,hebel na yaa wata itoobiyanka wata ,hebel na yaa wata Eritreanka wata, hebel na yaa wata Maraykanka wata ,hebel na yaa wata yurubian unionka wata, hebel na yaa wata carabta wata, Markasu weydiyey War Somalidu yey watan baa la weydiyey markasu yaabay suaasha maba sugeyn:D
-
I am not hiding anything that's history and that's how it was done wether you like or not this bogus article was written by some confused person and it's baseless Godane has nothing to do with Somaliland and that's a well know fact and there are no sleeping cells in burco or else where in Somaliland. I don't know what my kid will be only allah knows i am not calaamul qeyb, President Siilaanyo is a man of principle he sticked with Somaliland the past two decades and he helped liberate the country from the dictator and he is now our leader. Somali is an ethnic group a group of tribes and they share a similar culture and language to some extent yes but they live across the entire east africa and yemen they live in the following countries Djibouti Ethiopia kenya Somaliland Yemen Somalia, the days of Pan Somalism is gone my friend you're 50 years to late. Wake up and smell the coffee it's 2011 23 march
-
Bashir sure the SNM was a Somali movement and it had many leaders since 1981 the first two Chairmans were against the union of 1960 while the last two chairmans were indifferent and wanted what the people decided which led to the independence of Somaliland in 1991 that said President Siilaanyo is not the problem he can only be a solution for his people and his country Somaliland, not for his neighbouring countries, Somalia Djibouti or Ethiopia.
-
He is talking about this awdal group mala lol
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Somalina anigu uumaaan badalin that's what the letter says , Awoow mark bowden dee isaga jecel inu Somaliland yimado maxanu ku sameyna send him back to xammar dee wu diiday wuxu yidhi humanitarian shuquladeyda nairobi baan ka wadayaa iyo Burco;) -
i can not be part of the solution since i am not part of the problem nor am i part of Somalia or it's politics . Amiir godane has nothing to do with Somaliland politics nor does he take orders from hargeysa so there is little we can do about him. Somalia solution lies between Alshabaab and TFG and Ahlu suna waljamaca and the various clan states Puntland galmudug ximan iyo xeeb etc
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Not really Pakistan will open a trade office in Somaliland Hargeysa , and Somaliland will open a trade office in pakistan islamabad another step forward as for Mark bowden atleast he is safe in burco -
^^ it's been 20 years but we shall see in 5 years;)
-
Pakistan to support Somaliland recognition – Letter
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Did you send him an email;) -
Somalina;704097 wrote: Liqaye is from Somalia and he is on Somalia Online. Awoowo beryahan internetki xita waad naga xiigsanaysa maxa jira