-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
News Thread on Galmudug state [Central recovery zone].
Xaaji Xunjuf replied to Liqaye's topic in Politics
Galmudug is making progress mashallah -
Somalina;704910 wrote: Awoowe google their names or go to the UN website and find out yourself what their titles are. Wax la is barbar dhigey malahan, stop making up stories. Buhoodle weli calanka baluuga ayaa ka taagan awoowe, waxaana dooneysaan inaad ku qasabtaan iney idin raacaan, cid Somaliya ka socota oo qori idin haysata ma jirto oo idin leh na soo raac. Marka get your stories together awoowe. haye qori ma wadatan eeh laakin afka hanaga sheeganina marka wa iska heshiinayna.. Buhoodle wa shuqul daakhiliya xita calanka Itoobiya ka tagan so ma ogid lol.
-
eeg dhibaatada idin haysata waxa weye anagu waxanu idin leenahay waxad tihin umad anu jaarnahay laakin idinku ta ma qadarisan oo waad xadgudubtan oo Somaliland waxad u haysatin , wax hadyad la idin siiyey lixdanadi oo loogu deeqay bakara market marka intay waxasi idinka dhadhacsantahay isla jaan qaadi kari meyno awoow mid labaad ,,magaca UNta Colaad lo qabo maha Somalia ileen magaca somalia na wu ku xusanyahay meesha labadi ba la is barbardhigay adigu laakinsie waxaad diidaysa in magaca somaliland la xuso dee awoow ta anagu wanu xuseyna ila yaw madiin.
-
Somalina maan arkin Bowden oo ka cabanaya taas waliba waxan arkay in labada magac eeh dariska ah la is barbardhigo waba shay fiican oo walaaltinimo muujinaya ta webebka wa caadi idinkuba webebka reer Somaliland waad akhridan anaguna wanu akhrina wa iska caadi ileen isku af baynu wax ku qornayee webebka aad ka hadlaysey xita arimaha khuseeya dalkayaga wax wa ka so qoran marka dee wa inaynu eegno manay ahayn,. Wa inaynu derisnimada aynu xoojino manay sida ahayn awoow
-
Tababar Loo Soo Gunaanadday Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Booliska March 23rd, 2011 Mandheera (Somaliland.Org)-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cilmi Rooble Fure oo uu wehelliyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdillaahi Cismaan (Geeljire), ayaa maanta saddex boqol (300) oo ka mid ah ciidamada Booliska tababar ugu soo xidhay dugsiga Lixle ee magaalada Mandheera. Munaasibadan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kalla socday, Wasaaradda arrimaha gudaha, gobolka Maroodi-jeex iyo marti sharaf kalle oo badan. tababarkan oo la xidhiidhay arrimaha amaanka, shuruucda, xuquuqda aadamaha iyo la dhaqanka bulshada. islamarkaana, ku tirsan talaabooyin la xidhiidha siddii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo aqoonta ciidamadda Booliska ayaa waxaa madaxda ka qaybgashay waxaa ay ka jeediyeen khudbaddo u badan dhiiri-gelin. Dufcaddan ciidamada Booliska oo noqonaysa tii shanaad ee ka faa’idaysata mashruucan oo ay iska kaashaddeen fullintiisa hay’ada UNDP iyo taliska ciidamaddu ayaa Wasiirka Kaluumaysiga oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa ciidanka kulla dardaarmay inay shaqadooda ciidanimo ku dabaqaan duruusta ay barteen. Yaasiin Maxamed Cabdi oo ah madaxa kulliyadda tababarka ciidamadda ee Lixle iyo saraakiil ka socotay wasaaradda arimaha gudaha ayaa iyana sidoo kalle xafladdaa qalinjabinta ka hadlay. Dhinaca kalle Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane Cabdillaahi Geel-jire waxaa uu xadhiga isla shalay ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay degmada Cadaadley. Saldhigan oo Taliska ciidamadda Boolisku hirgelintiisa iska lahaa ayaa waxaa wasiirka Kaluumaysiga oo haddal ka jeediyay tilmaamay qiimaha rugaha Boolisku ugu fadhiyaan amaanka qaranka guud ahaan iyo gaar ahaan baahida degmadda Cadaadley u qabtay saldhigan. waxaana uu wasiirku uga mahad-naqay cid kasta oo fulinta dhismaha saldhigaas ka qaybgashay.
-
Meel ala meel ay somali degto inay nabad iyo barwaaqo ku nooladan wa la wada raba Reer jabuuti nabad ku nooladaad reer Somaliland nabad ku nooladan reer Somalia nabad iyo xasilooni ku nooladaan reer Nfd saaso kale , Qof Somali oo diidani u malayn mayo inu jiro.. Somalina awoow magaca somaliya maxa loo dhibsanaya umalayn mayo inay cidi dhibsanayso Labbada dal eeh Somaliland iyo Somalia waxyaalo fara badan bay wadaagaan labada erey eeh dalalka magacyadooda ka bilaabman baba isku mid ah marka sidee loo nici kara awoow , taasi caqli ba maha
-
Somaliland coastal guards arrest pirates from pirateland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciiddammada Ammaanka Ee Xeebaha Sanaag Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Lix Nin Oo Budhcadbadeed Ah Hargaysa (HWN):-Ciiddammadda Ilaalada Xeebaha ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay Lix Nin oo sida la sheegay Budhcadbadeed ah, kuwaasoo la sheegay inay ku soo xadgudbeen Biyaha Somaliland, halkaasoo sida la sheegay soo gaadheen 30Km meel dhinaca bari ka xigta Magaalada Maydh. Waxaanu lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland aanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag. Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan Maraakiibta. Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu. Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda. Maaha markii ugu horeysay Ciiddammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay gacanta ku soo dhigaan Qawlasatada Budhcadbadeeda, hase yeeshee dhawr jeer oo hore ayaa la soo qabtay Kooxahaas budhcadbadeeda ah, kuwaasoo Maxkamad lagu saaray magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. -
Madaxweyne Siilaanyo oo Soo Saaray BAAQ NABADEED
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Taleexi;704823 wrote: Sheekooy ku nacay you mean nabaday ku nacay -
Wefti Ka Socda Baarlamaanka Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Dhigooda Dalka Botuswana Iyo Nuxurka Wada Hadalka Dhexmay Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen. Hargeysa(HWN):-Wefti ka kooban 12-xubnood oo ka socda Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta kulamo kala duwan la yeeshay dhigooda dalka Botuswana qaarada Africa.kadib markii ay Shalay halkaasi gaadheen. Weftigan oo ka kooban 8-Mudane ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland labada xoghaye ee labada aqal (Guurtida iyo Wakiillada), laba xubnood oo kale, ayaa waxa hogaaminaya guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali, waxaanay xuseen in si diiran loogu soo dhaweeyey dalkaasi ay tageen. Waxa na soo dhaweeyey Guddoomiye kuxigeenka aqalka Wakiillada dalka Botuswana oo si fiican noo qaabilay,waanan ku faraxsanay sida diiran ee dalkaasi la noogu soo dhaweeyey, waxaanu saaka la kulanay Afhayeenka baarlamaanka, waxa uu noo sameeyey qado-sharaf, kadibna kulan ayaanu la yeelanay,kaas oo uu noogu waramay taariikhda dalka Botuswana, iyo sida ay dawlad ahaan u shaqeeyaan,waxaanu na gudoonsiiyey hadyado aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo] u keeni doonoayuu yidhi Cabdilaahi Ibraahim Habane. Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) oo ku sugan dalkaasi Botuswana o khadka telefoonka caawa kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay inay u jeedada safarkoodu tahay sidii ay aqoon isku waydaarsan lahaayeen Barlamaanada dalalka Botuswana iyo Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi U jeedada Safarkayagu waxa weeyaan sidii aanu Africa u bari lahayn dhaqanka iyo Dawladnimadu sida ay u wada shaqeeyaan, iyagana inanu ka faaiideysano sida ay baarlamaanada u shaqeeyaan oo aan aqoon ka soo korodhsano, iyo weliba sida la isku waafajiyo dhaqanka iyo dimuqraadiyada. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo kamid ah Weftigaasi ayaa waxa uu sheegay inuu Weftigooda hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, isla markaana Weftigoodu ka kooban yahay 12-qof oo 8-Ka Mid Ah ay yihiin Mudanaayasha Golaha Guurtida, laba xubnoodna Waa labada Xoghaye ee labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo laba xubnood oo kale. Waxa uu safarkayagu qaadan doona muddo todoba Cisho ah,waxaanan rajeynayna inaanu la kulano sadexda Gole ee dalkaasi Botuswana ka kooban yihiin, isla markaana waxaanu rajeynayna inaanu ila kulano Ilaa madaxweynaha dalkaasi Botuswanaayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan [indho-indho] Weftigan oo noqonaya Weftigii ugu horeeyey ee noociisa ah oo safar shaqo ku tagay dalkaasi Bostuswana oo ku yaala qaarad ahaan Koonfur Africa
-
bilan;704771 wrote: loool, XX maadan fahmin, qofku markuu cimrigiisu koro waa inuu caqliguna la koro, laakiin hadaad iska wayaanto laakiin caqligaagu uu wali 15 jir yahay hade waa khasaaro, marka xaajigu seems inuu wali caqliyan u korin. Caqliga xaajigu wa mid mizaan leh bilanay wuxu na ku hadlay wuxu oday weyn ku hadli laha wuxu na ku baaqay in Umada Somaliland gacmaha is qabsadan ay tafararuqa iska dayaan Xaji cabdikarim caqli salim bu ku hadlay
-
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin Oo Budhcad Badeed Ah March 23rd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag, ayaa galabta lix nin oo budhcad badeed ah ku qabtay biyaha rabshiga oo 30KM dhinaca Bari ka xigta Magaalada Maydh, sida uu shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Otor. “Waxaanu lixdan nin ee budhcad badeedka ah oo u dhashay maamul goboleedka Puntland aanu ku qabanay galabta abbaaro 4:00 galabnimo Biyaha Rabshiga oo 30Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Maydh,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag. Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay in lixdan nin ee budhcad badeedka ahi ay ku qabteen dooni dheeraysa oo ah nooca ay ku eryadaan maraakiibta. “Nimankan waxa watay ninka la yidhaahdo Cumar Cabdilaahi Cabdi, oo aanu muddooyinkan oo dhan magaciisa haynay, waxa nala soo socod siiyay oo biyahooda ka soo eryay Ciidanka Xeebaha ee dalka Yeman oo aanu wada shaqayn leenahay,”ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Otor oo u waramayay Waraabintu. Taliyuhu wuxuu ammaanay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Sanaag ee hawl galka budhcadaasi lagu soo qabtay fuliyay waxaanu sheegay in nimankan oo ku xidhan saldhiga degmada Maydh la horgeyn doono maxkamadda. Ma aha markii u horaysay ee Ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ay gacanta ku dhigaan kooxaha budhcad badeeda waxaana jiray illaa shan kooxood oo hore oo lagu qabtay biyaha Somaliland isla markaana lagu maxkamadeeyay dalka.
-
Madax Dhaqameedka Sool Ee Uu Ka Mid Yahay Garaad Saleebaan Waxay Ku Shaqaynayaan Wax Munaasib Ah Maha, Somaliland Xuduud Qadiim Ah Ayay Leedahay". Xaji Cabdi Waraabe. HNW) Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu dada wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga furaa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada Dhul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareegooda, isla (HNW) Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu dada wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga furaa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada Dhul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareegooda, isla markaana uga digay inay baayactan galiyaan xuduudaha iyo qaranimada Somaliland. Xaaji Cabdi Kariin waxa kale oo uu haweenka ku jira golaha wasiirada ee madaxwayne Siilaanyo magacaabay ay mudadii xilka ay hayeen ay ku talaabsadeen waxqabad la taaban karo, gaar ahaan waxa uu tusaale u soo qaatay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo uu sheegay inay baro dhaafisay wasiirkii hore ee xukuumadii Rayaale Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhwayne). Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu sheegay in kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo qabyada xeerarka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo labada aqal ee baarlamaanka ay tahay arin u taala golayaasha sharci dajinta iyo xukuumadda. Xaji Abdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) Oo Ah Xildhibaanka Ugu Dada Weyn Labada Gole Ee Baarlamanka Somaliland Oo La Hadlay Garaadada Sool. Xaaji Cabdi waxa uu sidaas ku sheegay mar aanu xalay khadka tilifoonka xogwaraysi kula yeelanay, isla markaana uu jawaab kulul kaga bixiyey, bayaankii garaadada *********** ay dhawaan soo saareen, isla markaana ay ku baaqeen in ciidamada qaranka Somaliland laga saaro gobolka Sool, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi Madaxdhaqameedada Sool ee uu ka mid yahay garaad Saleebaan garaad Maxamed, wixii ay ku hadleen muu ahayn wax u cuntami kara Somaliland, Garaad Saleebaan-na waxaa uu ka shaqaynayaa wax u munaasib ah maaha, Somaliland xuduud qadiimi ah ayey leedahay wax la odhan karo ha lakala gooyana way ka wayn tahay, rag badan oo u dhashay Somaliland ayaa dibadaha ku maqan laakiin wax la yidhaahdo dhulka ha laga kaco Somaliland aqbali mayso, garaad Saleebaan-na aabihii-buu ka dhaxlay garaad-nimada, aabihii iyo awoowgiina waxay ka mid ahaayeen ragii guntinta u ahaa Somaliland xiligii ay madaxbanaanida qaadatay ee guumaysigii Ingiriiska, wax lagu baayactamana Somaliland way ka wayntahay, markii aynu gobonimada iyo madaxbanaanida aynu ka doonaynay Ingiriiska garaad Jaamac iyo garaad Maxamed sidii Alle inoo abuuray-ba isku dal baynu ahayn oo marxuum Ismaaciil Mire-ba Hargeysa ayuu ku aasan yahay. In maanta la yidhaahdo ciidamadu ha ka kacaan dhulka Sool iyo sidaa ha la yeelo looma baahna, intii dadwaynaha aad u samayn lahaydeen wadooyin, biyo, iskuulo ee aa aakhiro cimri-baynu nahaye aad uga tagi lahaydeen dardaaran ayaad dariiq khaldan haysaan oo dibad wareeg noqoteen, rag dib jir noqdana ma tihidin, adeerayaalow danta dalka iyo dadka garta, Alle-na ha idin garansiiyo. Xaaji C/kariin mar uu ka hadlayey xubnaha haweenka ah ee golaha wasiirada madaxwayne Siilaanyo u magacaabay, waxa uu yidhi Wakhtiga isbadalaya ayaa keenay in dumarku ay xilal ka qabtaan siyaasada, waxaana hore loo yidhi marti aan gabadhaadu kula soorin iyo magan aan tolkaa kula barini midkoodna looma taag helo, waligoodba haweenku gaashaan qaadbay ahaayeen, haweenka reer Somaliland ee xilalka loo magacaabay wasiirnimaduna waa haween mudokar ah oo aqoon badan leh, meeshii loo magacaabana way istaahilaan, marwadaa wasiirka waxbarashada loo magacaabay marwo Samsam Cabdi Aadan, wasaaradii waxbarashada cirkaasay marisay, wasiirkii hore ee mudakarka ahaa ee Xasan Gadhwaynana way baro dhaafisay, cilmi iyo aqoonbaanay u leedahay, madaxwayne Siilaanyo-na markuu wasaaradaas u magacaabay wuu asiibay. Haweenka ka danbeeya ee kalena sidaa si leeg ayuunbay wax u qaban doonaan oo barigii hore cilmigu wuu inagu yaraa, balse mudooyinkan danbe haweenkii waxbay barteen. Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu waydiinay sida uu u arko asxaabta siyaasadeed ee la filayo in madaxwayne Siilaanyo furi doono ee gudida talobixinta loo saaray, waxa uu yidhi Axsaab siyaasadeed oo badan oo maanta la furaa, munaasib dalkeena kuma aha, ilaa aynu ictiraaf helayno oo aynu badhida si rasmiya u dhigayno, oo ay dawladnimadeenu adkaanayso munaasib maaha in asxaab qaran aynu isku furno, maxaa yeelay maanta hadii ururo badan la furo qoys waliba meelbuu istaagi doonaa oo fidmo ayaa ka dhalanaysaa. Waxaan soo jeedin lahaa sadexdan xisbi qaran ee dalka ka jira ha laga dhex abuuro tartan dimuqraadiyadeed oo yaan la odhanin sadex nin ayuun baa hortaagan, waa in lagula tartamo oo qofkii doonaya jago madaxnimaba sadexda xisbi kuu doono uu iska soo dhex sharaxo, nasiibkiisana ka qaado, aniga taladayda kuma jirto xisbiyo badan oo tafaruq maanta ina galiya in la furo, kuna talin maayo. Madaxwaynuhuna waa kaa gudida talo bixinta u saaray ee taladii balaadhiyey mawqifkiisuna isaguu u yaalaa oo anigu tilmaami maayo waxa uu yeeli doono, aniguse rayigaygu wuu ka soo horjeedaa asxaab tiro badan oo la furo. Xaajiga mar aanu waydiinay sida uu u arko qabyada kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo shuruucdii aas aaska u ahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golayaasha sharci dajinta, waxa uu uga meel yaala golayaashooda, waxa uu yidhi Arintaasi waxay u taalaa xukuumada iyo golayaasha, marka wakhti loo helo ayuunbaana la samayn doonaa. Mar aanu waydiinay sida uu u arko dhaliilaha xukuumada Siilaanyo looga soo jeediyo isbadalka masuuliyiintiii hore ee xukuumada iyo shaqaale hoosaadkii hayadaha dawlada lagu sameeyey ee lagu tilmaamo inaan lagu xulanin aqoon iyo karti, balse lagu soo xushay arino ujeedo badan ah, waxa uu yidh Dawladi nin aqoon lehna xilkii uu hayey ayey ka casishaa nimanaan aqoon lahayn oo aan waxba lagu aamini karina way dalacsiisaa, taasina waa shaqada xukuumadaha.
-
Ofcourse they should work on the creation of a new Somalia central govt that will benefit the people of Somalia in the long term. but they should also improve the lives and the security in their towns which is a good initiative done by the regional states ximan iyo xeeb and galmudug so kudos to them for their achievements