-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Magaalada Borama oo laga hirgalinayo Wado labaad oo Laamiya iyo Cida ku hawlan dhismaheeda+SAWIRO 29/03/11-Borama-(Bnn) Sida aan la wada socona Maayorka Borama C/raxmaan Shide Bile ayaa waxa uu ahaa shakhsigii ugu horeeyay ee wado laamiya ka hirgaliya Magaalada Borama wadooyinka ugu waawayn mid ka mid ah, mudo iminka laga joogo shan sano Ka hor. Taasi waxa ay dhalisay in Qof walba dareemay faa’idada ay leedahay wado laamiya, waxaana ku xigay Ururka ASARDA oo run ahaantii hir galiyay wado laamiya oo dhererkeedu yahay 3 KM, wadadaas oo ka baxday Magaalada una socota Magaalada Dilla, wadadaas oo ahayd Sidii uu Illaahy u goglay Mudo aan la qiyaasi Karin inta sanno ee ay ahayd. Hadaba aan u soo noqono wadadan labaad ee Laamiga ah ee laga hirgalinayo Magaalada oo iminka gacan ku haynteedu socoto, ayaa Qayb ka mid ah waxaa si gaar ah u dhisaya Dawlada Hoose ee uu gadhawdeenka ka yahay Maayork Degmada Borama ee Da’da Yar C/raxmaan Shide Bile, Qayb ka mid ah wadadan ayaa sidoo kale waxaa dhismaheeda iska kaashanaya Dawlada Hoose iyo dadka ku nool Xaafad waynta Sheekh Cali Jawhar , kaas oo gadhawadeen ka yahay Sheekh Cali Dheer oo ah Khadiibka Masjidka wayn ee Jaamucu taqwa. Si kastaba ha ahaatee wadadan ayaa dhererkeeda lagu qiyaasi karaa 2KM, hadii ay wadadani hir gasho waxaa ay noqonaysaa wadadii ugu dheerayd ee laamiya ee dhex marta Magaalada iyada oo tii hore ay ahayd 1Km iyo Badh, waxa ayna magaalada Ku soo kordhin doontaa Bilic iyo Ku dayasho ay ku daydaan Xaafadaha kale in ay la yimaadaan Agabka uu ka mika yahay gaamurku inta kalena ay Dawlada Hoose ugu darayso. Reporter:Khadar Maxamed Ibraahim(SAFAR) Borama/Office/Somaliland boramanews@gmail.comThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
-
Borama oo Maanta Laga Furay Xafiis laga Diiwaan galin Doono Dadka Sharciga Jabuutiyaanka Haysta Si Ay U soo Footeeyaan 29/03/11-Borama-(Bnn) Magaalada Borama ayaa waxaa ku dhaqan dad badan oo haysta Sharciga dalka Jabuuti,waxaanan ognahay in Maalmahan ay ka socdaan Magaalada Jabuuti Ololaha Doorashada Madaxyanaha oo bishan Soo socota 8 ka dhici doono Magaalada Jabuuti. Hadaba Maanta ayaa Magaalada Borama waxaa dadkaas looga furay Xafiis lagu diiwaan galin doono ka dibna loogu daad gurayn doono Gudaha dalka Jabuuti Si ay uga soo qayb qaataan Doorashada dalkaasi ka dhici doonta Bishan Soo socota ee Afaraad Sideedeeda. Hadaba Madaxa xafiiskan Cadaawe Ciise Cilmi ayaa waxa uu noo sheegay in ay u fureen Xafiiskan dadka reer Jabuuti ee Kaadhka haysta in ay iska diiwan galinayaan, oo ay dabadeed u diraan Foodka kaas oo uu sheegay si ay ugu foodeeyaan Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo uu sheegay in uu yahay Aabihii Jabuuti sheegayna in ay taageersan yihiin Madaxwayne Ismaaciil iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd. Sidoo Kale Cadaawe waxa uu sheegay in ay dadka iyagu qaadayaan marka ay soo Codeeyaana ay soo celinayaan, Waxa kale oo sheegay Kharashka intaas Le’eg ee ku baxaya dadkaas ay qaadayaan cida ka caawinaysa in ay tahay Dawlada Jabuuti oo uu sheegay Xisbiga Talada Haya. Ugu danbayn Cadaawe ayaa Baaq u diray dadka ku nool Borama iyo nawaaxigeeda ee Haysta Sharciga Jabuutiyaanka ah in ay yimaadaan Xafiiskan taas oo uu sheegay in ay soo dhawaynayaan diiwaan galina doonaan, dabadeedna ay maalmahan soo socday ay u qaadi doonaan Magaalada Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee Xafiiskan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah ee laga furo Magaalada Borama tan iyo intii ay Dawlada Jabuuti uu Hogaanka u qabtay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, tanina waxa ay fursad u noqonaysaa Dad badan oo foodka Doorashadu kaga dhici jiray waqtigu iyaga oo ku sugan Magaalada Borama.”
-
warar ba sheegeyaa inu Marxuun Jackie Chan dhintay , very sad day he was one of my fav actors
-
Somaliland will not take in foreign-seized pirates
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Press Release: Statement on Counter-piracy. Office of the Presidency. Somaliland adopts a proactive policy against the piracy. We have successfully convicted over sixty pirates who had been found guilty of committing sea crimes in our international territorial water who are now serving prison sentences. This has deterred pirates from violating Somaliland coast. Key instruments in this success include the fact that we have denied pirates of establishing bases on the ground in Somaliland. And we have a coastal guard force that is capable of safeguarding our sea. Somaliland also works with the international community in countering piracy. We are signatory to the Kampala Process and we participate the ICG – Working Group 2 meetings which offer regional forums for policy development and technical cooperation on counter-piracy programmes. We would like to enlarge this international cooperation and directly engage with EU member states, USA, Norway and the Gulf States to further consolidate our achievements. Somaliland is the frontline of the fight against piracy. We do not permit pirates to use our territory from which to launch their attacks on international shipping. Therefore, you will find us a reliable partner in the struggle against piracy. Given more resources, we could do even more to help. I should however state that Somaliland does not wish to become a prison for pirates arrested on the high seas or in other countries. This would pose risk to our security. We will however continue to arrest pirates who violate Somaliland territorial water and Somalilanders who commit act of piracy elsewhere. We express our grave concern over the growing number of people, including seafarers, held hostage. We think prosecution and detention of pirates are effective means of deterring piracy. However, we believe there is a need for increased international cooperation on eradicating the root causes of piracy. In this regard, Somaliland welcomes the report of the Special Advisor to the UN Secretary General on Legal Issues related to Piracy off the Coast of Somalia, and looks forward to further debate in the UN on the implementation of its recommendations. While looking forward to more cooperation in this area, please accept the assurance of my highest consideration. Ahmed Mohamed Silanyo President, Republic of Somaliland. -
http://www.youtube.com/watch?v=VBPFMHddy0M&feature=player_embedded
-
Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Socdaal Ugu Baxay Dalka Ingiriiska. Wasiirka Arimaha dibada oo war baahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha ee Hargaysa ayaa sheegay... Hargaysa(GNS):-Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo ka kooban saddex xubnood ayaa manta socdaal shaqo ugu kicitaimay dalka Ingiriiska. Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi , wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta, Xuseen Cabdi Ducaale. Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Somaliland Maxamed C/laahi Cumar oo war baahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha ee Hargaysa ayaa sheegay inay safar ugu baxayaan dalka Ingiriiska kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen xukuumada dalka Igiriiska. Waxaa kale oo uu wasiirka arimaha dibadu intaasi raaciyay inay la kulmayaan xubno ka tirsan dawlada Ingiriiska iyo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska,waxaana uu ku tilmaamay booqashadani mid ka turjumaysa isku soo dhawaan shaha iyo sii xoojinta xidhiidhka labda dal ee Ingiriiska iyo Somaliland
-
Hogaanka Dhaqanka Ee Degmada Xudun Oo Maanta Taageeray Baaqii Madaxweyne Siilaanyo Gogosha Nabada Ugu Fidayay Beelaha Gobolada Buhoodle Iyo Sool. Xudun (Ramaas)Mar.29,2011- Hogaanka dhaqanka beesha degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaa maanta sheegay in ay si rasmi ah u taageerayaan gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha gobolada Sool iyo Buhoodle. Odayaashan oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Xudun, ayaa sheegay in ay ayidsan yihiin qorshe kasta oo mabad loogu dhamaynayo colaadaha ka jira Bariga dalka oo curyaamiyay horumarka deegaanadaas, waxaana ay sheegeen in wakhtigan ay dadku u baahan yihiim nabad iyo xasilooni oo aanay taabacayn kooxaha ay sheegeen in nabada ka soo horjeedaan. Waxa ay odayaashani ballan qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa xukuumada iyo shacabka ku nool dhulkaas, taa soo dhabaha u xaadhi doonto in xal loo helo colaada iyo khilaafka ka oogan Bariga, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan dhinacyada ku lug leh arrimaha siyaasada in ay ka qayb qaataan hawlgalka nabad raadinta. Baaqa odayaashan ayaa daba socday koox hogaamiye dhaqameedyo ah oo ku dhawaaqay in ay taageeradoodii kala noqdeen falaagada SSC-da, kuwaas si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa, iyada soo dhaweyntooda aan loo kala hadhin.
-
21 Ka Mid Ah Waxgaradka Degmada Xudun Oo Soo Dhaweeyay Baaqa Nabadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo March 29th, 2011 Xudun (Somaliland.Org)- Cuqaasha iyo nabad doonadda degmada Xudun ee gobolka Sool, ayaan bayaan ay maanta soo saareen waxay ku sheegeen inay taageersan yihiin oo ay ka qeyb galayaan gogosha nabadda iyo baaqii Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyay waxgaradka gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle. Bayaankaasi wuxuu u dhignaa sidan “Haddii aanu nahay Cuqaasha iyo odayaasha degmada Xudun ee gobolka Sool, waxaanu leenahay waanu aqbalaye’e ha la tixgeliyo baaqa nabadeed iyo gogosha uu shacbigayaga u fidiyay madaxweynaha Somaliland. Xukuumadihii Somaliland iskaga dambeeyay oo dhami may furin gogol nabadeed, waxaanu qabnaa inay xukuumadda Somaliland tahay ta kaliya ee baaq nabadeed iyo wada hadal inoogu baaqday hala yeelo.” Cuqaasha iyo odayaasha saxeexay bayaankaasi waxay ahaayeen:- 1) Chief Caaqil Saleebaan Jaamac Baruur-doon. 2) “ “ Maxamed Aadan Cadde. 3) “ “ Muuse Xasan Falaalug. 4) Samadoon Axmed Yuusuf Aadan. 5) “ Maxamed Nuur Muuse 6) “ Axmed Xirsi Xasan. 7) “ Maxamed Xasan Saleebaan. 8) Oday Jaamac Nuur Cali Bandcadde. 9) “ Cali Faarax Warsame. 10) “ Cali Iid. 11) “ Jaamac Maxamuud. 12) “ Maxmaed Xasan. 13) “ Casbdi Maxamed Xasan. 14) “ Maxamed Jaamac Dhiilood. 15) “ Maxamed Saleebaan Diriri. 16) “ Jaamac Warsame Ismaaciil. 17) “ Maxamed Jaamac. 18) “Askar Aadan Hadhi-waa. 19) “ Saleebaan Cali Cabdi 20) “ Cabdilaahi Maxamed Liibaan. 21) Xuseen Bille Maxamed Cumar Maxamed Faarax
-
Hargeisa - Somalia's breakaway region of Somaliland on Tuesday inaugurated a UN-funded prison aimed at holding pirates but also warned it was not yet accepting those detained by foreign powers. The prison was refurbished by the United Nations at a cost of about $1.5m with the aim of making conditions there acceptable to countries wishing to repatriate Somali pirates. But the region has backed away from accepting pirates seized by foreign forces, in what is likely to prove the latest setback to attempts by the international community to repatriate Somali pirates arrested on the high seas to east Africa or the Horn of Africa for trial. The Somaliland justice minister, Ismail Moummir Aar, said: "The transfer issue has not yet been accepted." He was addressing a UN Office on Drugs and Crime team headed by its director Yury Fedotov. Fedotov's team came for the official opening of the facility, which has the capacity to house about 425 inmates and which has actually been up and running for the past several weeks. Of the 297 detainees currently in the facility, 88 are pirates from various regions of Somalia. All of them were intercepted by the Somaliland coastguard or by locals.
-
war dee nuune anigu cid maan habaarin anigu warlord baan ku sheegey iyo inu hadana ka qaxayo Yemen taasina dee wararka sheegeya warlordku na micnihisu waxa weye dagaal ooge dee wana dagaal ooge , ama sanca ha ku noolado ama xaramka ha ku noolado dee wa dagaal oogo anigu cidna maan habaarkin habaarku waxa weye markan idhaho ilahay ha Cadabo ama ilahay cudur xun haku rido ama wax la mid ah laakin anigu ma habaartamo sida ula soco.
-
Galgala Clan chief Axmed salax caynab assassinated in bosaaso
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War Deg Deg ah Oday Reer GalGal ah ayaa la dilay Posted by Boosaaso on March 28, 2011 Wararka aanu Helayno ayaa sheegaya in Bosaaso Caawa lagu dilay Nabadoon Axmed Saalax Caynab oo ka mid ah Odayaasha degmada GalGala, dilka Caynab ayaan la Xaqiijin ilaa haatan Cid sita Toos ah uga danbaysa waxana ay wararku sheegayaan inay Baxsadeen Kuwii Falkaasi Foosha Xun Maleegay. Axmed Saalax Caynab waxay Walaalo ahaayeen Siciid Saalax Caynab oo ku Dhintay dagaalkii PL Maxamed Siciid Atam waxana uu Taageersanaan Garabka Hubaysan ee Maxamed Atam. Sidoo kale Marxuunka La dilay Caawa waxa uu dhalay Sarkaal Sare oo Iska soo dhiibay Xoogaga Atam isla markaana Lagu Magcaabo Cali Daahir Axmed Saalax Caynab kaasi oo Daacad u ah Maamulka Puntland waana Shakhsi ay aad Saxiib u Yihiin Madaxwayne Faroole Alla Naxariistii ha geeyee Nabadoon Axmed Saalax Caynab wuxuu ahaa Odayaashii Reer Hayland ee aadka uga soo Horjeeda Siyaasada Maxamed Siciid Atam oo Mudo PL ay ku Dagaalamayeen Buuraha GalGala. -
Galgala Clan chief Axmed salax caynab assassinated in bosaaso
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Mid kamid ah Nabadoonada Gobolka Bari oo Boosaaso lagu Dilay By Cali on Mar 29, 2011 koox hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dishay eebe ha u raxmadee Nabdoon Axmed Saalax Ceynab oo kamid ahaa nabadoonada gobolka Bari ee Puntland kana mid ahaa isimada taladu ka go’do ee gobolkaas………………….. gaar ahaana degmada Galgala ee gobolka Bari oo sanadkii hore ay dagaalo ba’ani ku dhexmareen ciidamada Puntland & malayshiyaadkii daacada u ahaa Maxamed Siciid Atam. Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Marxuumkan geeryooday wuxuu kamid ahaa isimo ku mashquulsanaa mudooyinkii lasoo dhaafay dib u magaaleynta magaalada Galgala oo uu qax badani ka dhacay waqtigii uu dagaalku ka dhacay,isagoo sidoo kalena maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada Boosaaso,waxaana dilkiisu uu kamid noqonayaa ugaarsi joogto ka noqday gobolkaas oo si gaar ah mudooyinkii lasoo dhaafay loo beegsanayey isimada reer Galgala ee aan fikir ahaan taageersanayn kooxdii Atam ee awooda lagu muquuniyey. Nabadoonku wuxuu dhalay sarkaal sare oo katirsanaan jiray ciidamadii taabacsanaan Atam kaas oo lagu magacaabo Cali-daahir Axmed Saalax kaas oo ay saaxiibo dhow ahaan jireen hogaamiye Atam walow uu markii danbena isku soo dhiibay ciidamada Puntland isagoona kamid ah saraakiisha ka shaqaysay howlgalada culus ee Boosaaso ka socda,waxaana isa soo taraya warar kaladuwan oo kasoo baxaya dilka Nabdoonkan oo loo aaneynayo taageeristiisa dawlada Puntland & wiilka uu dhalay oo ciidamada Puntland sir badan siiyey kana saaciday in ay waxbadan amaanka ka qabsoomaan. -
Nabadoon Axmed Saalax Ceynab ayaa Boosaaso lagu toogtay News/Articles Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee Boosaaso (SPR): Waxaa maanta toogasho gaadma ah lagu dilay Nabadoon ka mid ah Nabadoonada Puntland gaar ahaana kasoo jeeda Degmada Galgala ee gobolka Bari Nabadoon Axmed Saalax Ceynab. Axmed Saalax Ayaa ahaa nabadoonkii ugu horeeyey oo ka hadla markii ay ciidamada Puntland galeen magaalada Galgala isla markaana taageera. Waxaa todobaad ka hor miina lala beegsaday Nabadoon Xuseen Gurxan oo kasoo jeeda isna degmada Galgala isagoo dhaawac halkaasi kasoo gaarey, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku nafwaaye. Nabadoon Axmed Saalax wiil uu dhalay ayaa ah saraakiisha sarsare ee ciidamada PIS'ta isla markaana qeyb kamid ah gobolka Bari heysta. Arintan ayaa waxaa ay dadka qaar ay u badinayaan in ay dilka ka dambeeyaan ciidamadii buurta ka dagaalamayay Galgala ee isla markaana la dagaalamayay Puntland. Si kastaba ha ahaatee ugaarsiga dadka kasoo jeeda Galbeedka Bari ayaa maalmahan ka bilowdey gobolka xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo mudadii labadii bilood lasoo dhaafey dhowr qof lagu toogtey. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa waxay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaasi oo aan wali cid loo heyn.
-
Madaxwaynihii Hore Ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa Qorshaysanaya in uu iskaga Guuro Dalka Yemen 29/03/11-Yemen-(Sanca) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku noolaa dhulka Yeman tan iyo sidii uu uga tagay xilka Madaxweynenimo, ayaa la sheegayaa inuu haatan ku tala jiro inuu wadaankaas isaga baxo, sababo la xiriira rabshadaha ka taagan wadaanka, iyo kacdoomada looga soo horjeedo Madaxweynaha Dalkaas Cali Cabdalla Saalax. Waxaa sii xoogaystay kacdoonkaas, iyadoo la filayo in dhowaan xilka laga tuuro Cali Cabdalla Saalax oo ay saxiibo hoose yihiin Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo ku nool meel aan saas uga fogeen qasriga madaxtooyada Yemen. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo iska xanuunsanaa waayahan danbe ayaa ku noolaanshaha dalka Yeman u doortay arimo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Yeman isku Cimilo yihiin iyo inuu isaga soo fogaaday dhibaatada ka socota Soomaaliya si aan loo oran Oday Cabdullahi ayaa wax ka Maleegaya. Dad qaraabo la ah ayaa ku howlan sidii Madaxweynaha looga soo rari lahaa wadankaas oo meel kale loogu wareejinlahaa, waxaanse wali la isku raacin halka uu dagi lahaa. Dalal kala duwan ayaa la isku soo hadal qaaday oo ay ka mid yihiin emaaraatka iyo Sacuudiga, waxaase jira kuwo ku adkaysanaya in Madaxweynaha London loo wareeji madaama uu inta badan u yimaado dhaqtar baara dhowrkii bilood mar. Waxaase jira warar sheegaya in Madaxweynaha ku adkeysanayo inuu Yemen ku sii noolaado, uusanna dhib u arag isbedelka siyaasadeed ee la filayo inuu yemen ka dhaco, asagoo ku tilmaamay xukuumada Yeman mid walaaltinimo leh oo aan hoojin doonin. Dhinaca kale wuxuu walaac ka muujiyay hadii wadanka Dagaal ahli ah ka dhaco in xaaladu ay qatar gali karto, markaasna lagama maarmaan tahay in meel nabdoon uu dego oo uu ku cibaadaysto inta noolashiisa uga hartay. Madaxweynaha Soomaaliya waxaan Alle uga baryaynaa inuu Xaaladiisa caafimaad wanaajiyo, Allana u dambi dhaafo oo waxkasta oo xun ka ilaaliyo.
-
is he trying to mock the Amiir Godane?