Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Thankful Ethiopia had it's own interest and so did we , we wanted to get rid of Siyad barres Government and in these kind of cases your enemy's enemy is your friend it's part of politics Isiyas and melez were both armed By Siyad barres government so its all fair in the game my friend. My Aim was an independent Somaliland and i got what i want i don't care what Ethiopias deep interest were or not Somalidu waxay tidha war ku guur laakin yaan lugugu guurin. Moonlight Sure the dervishes can be remembered and their Mullah and their poets and Military leaders and their forts in taleeh and in Midhsisho and badhan and in their short lived dervish state they Fought the British In burco that's where it all started and then fardhidin and then Beerdhiga jidbaale But they were not successful they were defeated and Somaliland gained independence 40 years Later that's why the two cannot be compared besides the Topic is not Darawiish but it's SNM i have never see you celebrate the Darwiish in Mogadisho how come? is it because you destroyed the statue of the Mullah as for your Point USC fought the Siyad bare regime yes they did but they started fighting Siyad bare in the Begin 1990s and before that many of the usc members were Part of the SNM Like Cosoble and others. As for Cabdi aziz bare well we all know what happened to him in In balidhiig in 1989 he attacked balidhig 3 times and all the 3 Battles he lost men and lost his technicals That's when he fled in to Laascanood. All of Southern Somaliland in 1989 was in the hands of SNM from kalabaydh to wajaale to Maqaxida inanta allaybaday Balidhig all the way to lawyacade Baliguduble SNM head quarters From 1988 1991 and in 1990 Sayid cali faction of SNM reseized eastern Hargeysa, The last Stronghold the Siyad bare govt held was berbera and they lost Berbera 3 days before usc Boys Knocked on Vila Somalia.
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM, Xuska Ku Aadan Sanad-guuradii 30aad Ee Asaaska Jabhadaa Oo Ku Beegan Maalinta Bari. Hargeysa (Ramaas) Apr.05 , 2011 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Cabdi Yusuuf Gaboose, ayaa caawa hambalyo u diray guud ahaan mujaahidiinta SNM ee ka qaybgashay dagaaladi dalka lagaga xoreeyay tasliskii Maxamed Siyaad Barre oo xusuuq ba’an u gaystay shacabka Somaliland. Hambalyada wasiirku waxay ku aadan tahay maalintii asaasida jabhada oo ku beegan lixda bishan April oo ah maalinta bari, waana soddon guuradii ka soo wareegtay maalintii lagaga dhawaaqay magaalada London, taas oo ahayd 6-dii bisha April 1981. Waxaana uu Dr. Gaboose ilaahay ugu baryay mujaahidiinta SNM uu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, intii ku dhimatay dib u xorayntii dalkana uu ka waraabiyo naxrristiisa. Ramaasnews Desk
  3. A_Khadar;709193 wrote: Really? What happened to his body after he passed away? He was honored with a state burial in his country Somaliland ilaaahay ku naxariso
  4. The SNM guurti conference held in 1983 in Harar Ethiopia the elders invited some youth [/img]
  5. A_Khadar;709181 wrote: Kana maxaad ugu dartay to make some sort of balance.. Can't help but He was a member of the SNM the spokesmen of SNM in 1989 Muj fagadhe ilahay ku naxariiso
  6. A_Khadar;709176 wrote: Finally, you cann't help to say S/L after all is SNM with your own terms and words. The two are synonymous right ya XX? I knew you're hold on to anything cause of arguing one point SNM is history and gone, now posting pics that S/L celeberating SNM. What a crazy mind of you. I am expecting you defending this now saying what? plz.. SNM is part of the History of Somaliland and even that of Somalia and we remember the history of our Country i don't see a problem with that do you? TPLF is part of Ethiopian History EPLF is part of Eritrean History SPLM is part of the history of south sudan and north Sudan.
  7. The List of the Mujahidins Mujahid Axmed Jimcaale First Chairman aun
  8. SNM flag 1981 http://www.oodweynenews.com/uploads/images/Calankii%20SNM_1.JPG" frameborder="0" allowfullscreen>
  9. XUSKA APRIL 6: MAALINTA SNM IYO XUSUUS TAARIIKHEED Xuska April 6: Maalinta SNM Ahmed Arwo Maqaalkan hoos ku qoran waa mid xusuus ah oon qoray xuskii SNM ee 2005. Bal mar kale ila akhri oo ila qaado in wax badan oon saadinaayey yimaadeen, in xilka iyo xukunka maamulaa dalka uu hormood u yahay Guddoomiyihii ugu muddada dheer ee SNM Mujaahid Axmed Siilaanyo…weli se guushii lama wada gaadhin oo hadafii ahaa inaynu helno dal dunida ka mid ah, barwaaqo iyo degnaansho leh…waxbaa dhiman nolahuna ma leh guul dhan. Marba waxbaa dhiman..sideedaba waa geedi ee aan noqon dar geedigaas u sahay qaata if iyo aakhriba..aan idinku dhaafo maqaalka oo idin xusuusin doonaa dhacdooyinkii taagnaa 2005 iyo waxii aynu tebeynay.… XUSUUS IYO XUSKII SNM 2005: Waxay ahayd 6/6/1981, maalintii aasaaska SNM, goob joogbaan u ahaa. Waxaan ku jiray jaamacadda London oon ka samaynaayey MSc London School of Economics.Waxa gurigayga ku soo degay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii u horeeyey ee SNM, Muj. Axmed Jimcaale.Waxay ahayd maalin dareenka dadku isku jir yahay. Maalin farxad iyo werwer isagu jirtay. Waxa rag badan oo u badan odayaashii ku raagay dalkan oo dacaayad xoog leh laga dhaadhiciyey ay aad uga baqayeen waxa loogu yeedhay u shaqaynta cadowga iyo nabad la'aanta ka dhalan karta halganka. Dadka warka dalka u dhow, iyo dhallintu waxay u ahayd maalin guul iyo xorriyad saadinaysa. Socodku waa taalaabooyin isku biiray. Waxay arkayeen, in talaabada maanta la qaaday noqon doonto tii dalka ka badbaadin lahayd dulmiga iyo boobka gaamuray. Tii iftiimin lahayd dariiqa rajada iyo ididiilada.Waxay ahayd maalin wufuudda ka yimid qurbojooga reer Somaliland ayna midayn qabiil iyo qoys.Waxa ka soocay Soomali, waxay ahyd dulmi gaar loo calaamadsaday. Waxa isku keenay badbaado iyo naf la carar. Waxa loogu soo galay godkii ugu dambeeyey. Qiimaha iyo qiirada dhismaha SNM waxa si cad u muujiyey habka wacan ee wufuudda loo soo xulay. Waxa ka yimid Jeddah, Riyaad, Abu-Dhabay,Kuwait, Qadar iyo magaalooyinka Ingiriiska, rag aan loo qaybsan beelo, rag loo eegay kaalinta ay kaga jireen halganka. Ma jirin wafdiga imisaynu ku leenahay. May jirin golaha, ayaa inoogu jiraa, ma ay jirin wax ka badan magacaabid aan cidini ku tartamin. Waxay ahayd garasho sare, oo ka dhalatay damqasho taabatay dhammaantood. Reeraha maanta Internetka isu galay waxay ahaayeen rag isku duuban, runta isu sheega oon qabiil u xagliyin. Waxa loo dhaqmaayey sida qoys keliya oo walaal,aabe iyo hooyo ka kooban.Ixtiraam ka weyne leeyahay, ka wax yaqaan laga dambeeyo, ka jilicsan loo naxo, ka yar la taakuliyo, ka jiran loo jarmaado. Wa xusuus damqaysa xididada maskaxda oo kicinaysa garaaca wadnaha. Waxa aan xusuustaa maalin aanu fadhinay gurigayga oo nin galaha fulinta ee SNM loo doortay oonu qoys hoose isku nahay si xun ula hadlay guddoomihii SNM, kolkaas waxa si la yab leh u booday Xasan Ciise Jaamac oo isna ka tirsanaa golaha fulinta, isagoo hadal birta ka adag ninkii ku yidhi, kuna kalifay inuu xaal bixiyo. Waxa la ahaa walaalo, aan abtirsiin silsiladaysan lahayn. Ab keliya iyo hadaf keliya leh. Waxa soo dhacaayey telefoono afarta jihaba ka imanaayay. Wa bushaare iyo bogaadin, waa farxad iyo reynreyn loo dhan yahay. Waxa toosay dareen wax badan hurday.Waxa is taagay geesiyadii naftooda nacay. Waxa bilaabmay dariiqii xoriyadda, waxaana isla markaas bilaabmay burburkii ******ta.Waxa laga ladi waayey, guryahii lagu dhistay booli qaran. Waxa bilaabmay gaaf-wareeg iyo hurda la'aan ku habsatay kuwii xaaraanta xalaashaday. Laba cisho ka dib, waxa aan arkay gabadh uu dhalay Xuseen Kulmiye oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii ******ta oo ahayd 2nd Secretary Safaaradda London.Waxay ahayd qof aad u fiican oo waxtar wadani leh.Waxaa dhacday in loo diido ragii bad maax aha (seamen) in loo jadiidiyo basaboorada. Iyada ayaan u gayn jiray oo si hoose noogu jadiidin jirtay. Hadaba maalintaas, waxay ii sheegtay in safaaraddii fadhi la'day oo canaan iyo cay uga imanayso Xamar, la leeyahay waa inaad wax kasta samaysaan ood ku joojisaan dhaqdhaqaaq SNM, waxa loo soo diray lacag siyaade ah oo arrintan lagu fuliyo. Waxa la adkeeyey basabooradii. Waxay se taasi dhalisay arrin la yaab leh. Badmaaxa oo ku faani jiaray Somalinimada diidaynay inay jinsiyadda dalkan qaataan, ayaa markiiba tan dalbaday. Waxay helayn dhalashada Ingiriiska si dhekhso ah. Waxaan bilaabantay in laga maarmo hanjabaadii iyo dulaysigii guriga jahliga iyo dulmiga.Waxayna dhaxantii ka duulisay intii arrinta baasaboorku ku kaliftay inay SNM ka maagaan. Bal sawirkaas ag dhig maanta.Waxaad arkaysaa inaan weli la gaaadhin hadafkii, in dad badani daalay, in ay jiraan dar ku hawlan jid goyn.Waxa jira cadow debed iyo gudaba u heelan burburka intan la gaaadhay.Waxaad arkaysaa sida loo kala jabinaayo raggii dhufayska ku walaaloobay.Waxaad arkaysa halyeeyadii halganka sida looga hor keenay rag ay is xigaan oo fikradda ay dhiibtaanba masaxa. Maxaa keenay in nin walba loo helo inaadeerkii oo u jawaaba.Ninka dalka iyo dadka ka hadla, maxaa reerkiisu ugu jawaaba. Ma af reerbuu ku hadlay, ma qoysbuu u hadlay.Qaran iyo qawmiyad ninka soo qaadaa, ma aha in qabiil iyo qoys u jawaabo. Waa tilmaamta nidaamka isticmaarka laga dhaxlay ee qaybi oo xukin. Geedigu wuu socdaa, waxaana horseed u ah isla kuwii hore u dhaqaajiyey dalka. Ninkii daalaa dalka kama dhalan. Bohol kasta,booraan kasta iyo buur kastaba waa la jiidhi oo la fuuli.Habka loo diriraa ma aha qorigoo keliya. Kaas weynu ka gudubnay. Waxa maanta loo bahan yahay inaan qalinka, iyo fikirka isu gayno. Inaan codka shacbiga uruurino. In foodka lagu muujiyo habkii lagu gaadhi lahaa hanashada himilada dadweynaha. Waa inaan iska jirnaa hebel hebal ka hor keen, reerna reer ka hor keen, qoyna qoys ka hor keen.Marka wax laguu sheego ha la boodin, baadh, ka baaran deg, oo miyir u qiimee. Is weydii waayo? Maxay? Halkee?Sidee?.Hubsiimo halbaa la siistaa.Talada aan la ruugin waa lagu rafaadaa. Maxaa dhacay dorraad. Waa astaanta dawlad bacaysan.Waa calaamadda dhammaadka diktaatooriyadda. Xooga lagu galay Xafiiska Kulmiye waxuu qaawiyey jahliga iyo cabsida ku xaydaaman ragga maamulka dalka loo igmaday. Waxay baadhayaan Idaacad Yurub taala. Kolka distoorka dalku u fasaxaayo in dalka gudihiisa laga furto.Maanta waxa ay ka gubanayaan in la helay idaacad ayna joojin karin. Mid xaqa iyo runta u taagan. Dhexdhexaadnimada idaacadda ha ka faa'idaystaan oo dhankooda ha ka bixiyaan waraysiyo iyo warba. Oo ha joojiyaan baratanka ay ugu jiraan Idaacadaha Xamar. Si kale uma banaana.Waxa shacbiga u cadaatay garaadka iyo garashada cidda laga rabo inay dalka u hogaamiso qarniga 21naad. Waa taariikh mar kale is qoraysa. Waxa laciifay wada-tashigii, waxa la cadaystay in fikrad keliya la maqlo, waxa la sugaa qaraar qof keliya. Waxa shacbiga lagu xukuma gaajo iyo jahli. "Dadku ha baahdo, oo cashuurta aynu ka qaadno, aynu ku laaluushno ", waa siyaasad caan ku ah dalalka keli-talisku ka jiro.Cashuurta waxa laga qaadaa qofba qofkuu ka itaal daran yahay. Waxa maalin kasta la dul joogo caano diiqda milicdu dubtay, iyo xamaalka garabku madoobaaday. Waxa habeen iyo maalin lagu gaaf wareegaa landcruiser ay wasiirada iyo qoysyadoodu wataan. Dan yartu ma leh tacliin ay helaan, ma laha waxbarasho ay ubadkooda geeyaan, ma laha biyo iyo nal. Waa nolal dhiigooda lagu nool yahay. Cashuurta kama baxsan karaan, kamana faa'iidaysan karaan. Waa dar baahida haysaa u diidayso inay waqti u helaan ay qayb ka qaataan siyaasadda dalka. Waxa habboon in danyarta la tuso habka dimuquraadiyadda si ay u yeeshaan awood siyaasadeed oy xaqooda wadaninimo ku heli karaan.Waa in kor loo qaadaa garaad- siyaasiga ee dadweynaha.Iyadaa dhalinaysa in cidda dalka loo dhiibo lala xisaabtamo oo la xakameeyo. Maanta waxa inala gudboon inaynu wacyiga siyaasiga kor u qaadno. Inaan furfurnaanta shacbiga ka dheeraano. Inaynu qabsano tiirka distoorka iyo sharciga. Inaan cisayno ciddii halganka inoo horseeday, inaynu u mahadnaqno geesiyadii SNM ee guusha inta la gaadhay u dhimatay, u dhaawacantay una maal beeshay.Waa inaan baranaa sida aynu ugu mahadnaqno shaqaalaha dawladda inta hawshooda bogata, macalimiinta ubadka inoo korisa, siyaasiinta u badheedha inay hor joogsadaan dulmiga iyo talada qaloocan.Waa inaan kala garanaa ka u damqada dadka iyo kan dhabaqsada dhiigooda. Wa inaan u hiilinaa muwaadin kasta oo xaq darro loo dhaco, loo xidho loo hanjabo. Dadku waa inuu isu naxaa meel kasta ooy joogaan. Ha ku eekaan xaafadaada, degmadaada, iyo gobalkaaga. MIn Lowyacaddo ilaa Ceelaayo isu damqada oo isu naxa. Haysku wiirsanina, haddii shalayto lagu hiilin waayey, adigu dhaan si loo helo dal walaalo degaan oo midnimada qaranka loo dhidbo.Wanaaga maalin ayuunbaa la bilaabaa. Ku dhaqaaq maanta oo ha sugin berrito.Ha xusuusan shalayto. Eeg mustaqbalka.U hiili ubadkaaga, aayahooda ka tali. Taladaada ku toosi mayalka qaloocan. Ugu dambayn, waxaan tahniyad u diriyaa halyeeyadii SNM ee dhaliyey dalka Somaliland.La'aantood ma jirteen Somalilaand. Kumaankunkii dhintay Illaahay ha u naxariisto, kuwa dhaawacmay Illah ha daweeyo, agoonta Allah ha abaalmariyo. Ha la qiimeeyo agoonta, ha ixtiraamo qof kasta oo halganka qayb ka ahaa. Waxa iman maalin loo hiiliyo taariikhda oo qalin dahab ah lagu qoro masiirka ummadda. Maalin magaca SNM noqdo mid lagyu xardho taalooyin maagaalo kasta laga dhisi doono. Waa hubaal in la gaadhi guusha shacbigu u halgamo, Illaahna la kaashadu.Samir iyo soo-jeed isku wada.
  10. Jb Ninka walaan Bam gacmeeedka ma Marketki bacadlaha downtown bey ka dhacday qaraxu?
  11. Thankful;709122 wrote: 20 people Xaaji.....looool we got mothers and students on the list!! wow 20 people have spoken Thankful did you want saado cali on the list or something ?
  12. Awdal Diaspora speaks -------------------------------------------------------------------------------- BAAQ IYO CABAAREYN KA TIMID JAALIYADA AWDAL/SALAL EE WADAMADA HOLLAND IYO SWEDEN April 04, 2011 By: adal Category: Baaq Annaga oo ka faaiidaysanayna fursada ay nasiisay shabakadan caalamiga ee Saylicipress.net waxan halkan uga soo gudbinaynaa bulshoweynta reer somaliland , mawqifka ay beesha awdal iyo selel ee degan wadamada sweden iyo holland ee ku wajahan magaca riyada iyo been abuurka ku salaysan ee lagu sheegay AWDALSTATE. markii aan eegnay ee aan ogaanay fekerka , macnaha iyo waliba dadka ka dambeeya ku dhawaaqida magacan riyada iyo jaahwareerka ah oo u adeegaya dad iyo dano shisheeye markii aan eegnay danta iyo isku duubnida beelaha awdal iyo selel iyo waliba daris wadaaga beelaha kale ee somaliland inuu lid ku yahay ku dhawaaqidan laablakaca ahi markii aan dhegaysanay siyaasiyiin , waxgaradka iyo bulshoweynta maanta ku nool goboladaas iyo guud ahaan ba somaliland. markii aan ogaanay inuu magacan khaladka loo adeegsanayo uu halis galin karo nabadgelyada , xasiloonida iyo oodwadaaga beelaha soomaliland isla markaasna aysan waxba ka qaban karin nimanka maanta ku dhawaaqay hadiiba nabadgelyadu faraha ka baxdo sidii taariikhdu ina bartay 1991dii. Waxaan halkan cambaarayn uga soo jeedinaynaa nimanka ku dhwaaqay waxa ay ugu yeedheen AWDALSTATE oo aan marnaba ka turjumayn fekerka iyo rabitaanka bulshoweynta awdal iyo salal . Waxaan ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah uga noqdaan ku dhawaaqidaas oo aanu u aragno mid u adeegaysa dad iyo dano shisheeye . Waxaan bulshoweynta reer awdal ku boorinaynaa in aanay dhegta u raaricin been iyo feker qaldan oo uga yimaada dad , urur iiyo siyaasado aan haybtooda iyo mustaqbalkooda aan la ogeyn. Waxaa baaqan iyo cambaareyntan diray: 1-muuse aaden ducaale (odey dhaqameed) 2-axmed maxamed xudhuun( siyaasi) 3-haybe ciise ( baayacmushtari) 4-muxuyadiin axmed ducaale( siyaasi) 5-yaasiin maydhane geele ( xafiiska wacyi-galinta beelaha somaliland) 6-siciid muuse dixood( ururka dhalinyarada awdal iyo selel ee sweden) 7-abdiwahaab cali cismaan( siyaasi) 8-cumer saciid jaamac ( ardey) 9-mahad shide badmaax (suldaan 10-warsame cabdilaahi maydhane (cabaade) 11-xuseen awcali bulxan (odey dhaqameed) 12-cabdilaahi bare riiraash ( gaashaanle) 13-sacada faarax galab (hooyo) 14- ardo faatax diiriye ( hooyo) 15-saciid cali awcismaan suri) 16- xaaji jaamac muuse ( ururka dhalinyarada somaliland ee sweden) 17- caasha ibraahim caateeye 19-faarax cadaane saban 20- sahra awxasan jaamac Jaaliyada Sweden and Holland Trackback URI | Comments RSS Leave a Reply Name (required) Mail (will not be published) (required) Website
  13. Guddida Abaaraha Somaliland lacag dhan boqol kun oo Dolar($100,000)Hargeysa(Waaheen) Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Indha-deero Naasir Cabdi Cawada ayaa maant Qasriga Madaxtooyadda ku Guddoonsiiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici lacag dhan boqol kun oo Dollar($100,000), oo ay ugu deeqeen dadka reer miyiga ah ee ay abaaruhu saameeyeen.Deeqdan ay Shirkadda Indha-deero ku wareejisay guddida Abaaraha ee Qaran waxay ka koobnayd konton kun oo Dollar ($50,000) oo kaash ah oo maanta lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayeen Culimo ka mid ah guddidaasi, halka kontonka kun ee kale ($50,000) Raashin ahaan ay Shirakadda Indha-deero ugu wareejinayso guddida Abaaraha ee Gobolka Tog-dheer.Naasir Cabdi Cawad waxa kale oo uu sheegay inay shirkadoodu ku jirto hawl gal balaadhan oo ay Booyadahoodu ugu dhamaaninayaan dadka reer miyiga ah ee haraadan biyo kale oo aan ku jirin lacagta $100,000 ee Dolar ah, kaasoo ay shaqaalahoodu hadh iyo habeen ku gaalaa baxayaan meelaha ugu liita.Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo ka hadlay munaasibadii lagu guddoonsiinayay Lacagtaas ayaa shirkadda Indha-deero uga mahadnaqay dedaalka xilkasnimada leh ee ay dadkooda baahan ugu gurmanayaan, waxaanu ka codsaday ganacsatada kale iyo bulshada reer somalilandba inay ku daydaan Shirkaddaasi.Shirtkadda Indha-deero waxay ka mid tahay Shirkaddaha ugu waaweyn Somaliland dhinaca Ganacsiga, gaar ahaana waxay tahay shirkadda ugu weyn ee dhoofisa Xoolaha Nool, sidoo kale waxay tahay shirkadaha ugu waaweyn ee soo dajisa raashinada kala duwan, taasoo u saamaxday inay gaadho oo ay ka war hayso meel kasta oo uu joogo qof Somaaliyeen.sidoo kale Shirkadda Indha-deero waxa ay leedahay Wershada Taydha burco
  14. Who is this Mad man ma dakhtarka dadka walaan bu ka so goostay?
  15. Maya iley zanawi ba amar siiya inu tolkis so qa qabto oo u jeelasha ka buuxiyo he is Zanawis pet
  16. awdal wa dalkeygi wa run ila dila ila borama ila lughaye ila seylac iyo qulijeed ila jaarahoroto.
  17. Wefti ka socda Somaliland oo ay horkacayaan taliye mustafa Galaal Iyo keyse cabdi yusuf oo si diiran loogo so dhaweyey Magaalada widhwidh *iyo saraakil *ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland oo so gaadhay degmada widhwidhXubnahan oo ka so kicitimay magaalada oog oo fiidnimadi xalay so gaadhay Magaalada widhwidh koley magaalada so gaadheen ayaa waxa so dhaweyey haween caruur* iyo dhaliyaro ka so jeeda degmada widhwidh. Bishi november sanadki ina soo *dhaafay aya shirweyne nabadeed lugu qabtay magaalada widhwidh oo ay ka so* qeyb galeen cuqaal waxgarad garaado *ka so jeeda degmada widhwidh iyo xubno Gudiga arimaha bariga eeh Somaliland eeh *u madaxweyne Siilaanyo magacaabay* oo lugu xaliiyey Mushkuladihi ka taagna degmadaas *wararku waxay kalo ay *sheegeyaan Saraakisha ciidamada qaranka ee so gaadhay Magaalada widhwidh inay ka* ariminayan siday magaaladu ay u yeelan lahayd Boolis ku filan oo nabada iyo amniga suga.Dhanka kale Keyse cabdi yusuf oo hore uga tirsanan jiray koox nabadiid ayaa dhawaan qaatay nabad wuxuna u sheegey dadweynaha widhwidh in anay magaalada widhwidh cidi na ka xigin ay maanta na ay tahay magaalada ugu nabada badan Somaliland. Isago* hadalkisa si wata ayu wuxu sheegey* in shuftada buhoodle joogta anay wax dan u hayn bulshaweynta sool sanaag iyo cayn gaar ahaan kuwa ka so jeeda widhwidh. Wuxu sheegey in ay dadku u nabad iyo horumar u baahanyihin iyo mashariic laga hirgaliyo widhwidh eeh widhwidh dagaal uma baahna *eeh yaan Degmooyinkeena Dad dibada ka yimi dadkeena dib u celin Abaara dalka ka jira Shuftada Buhoodle maxay idinka la caawisay abaaraha bu Keyse weydiye shacabweynaha Widhwidh.Maanta la filaya inay saarakishan *iyo waftigan ay la kulman waxgaradka iyo cuqaasha degmada widhwidh
  18. Naxar Nugaaleed;709002 wrote: wheres the pictures xaji, lol ;) Haa sugi wayin
  19. Jerusalem waan joogay Shaqaan u joogay for a long time Jerusalem na Wax Israil ay iska leedahay maha Jerusalem wa dhul Islam sidan u aqaano hadaad adigu Yuhuud siisay dee wa mid adiga ku taal.
  20. ^^ war been ha iga sheegin israiil madow maan sheegan laakin Ethnic gaara inanu nahay muran kama jiro:D
  21. Che anigu sideen Somali iskaga saaray lol sawnigan afsomaliga kugu la hadlayo war hadalku halku ka maray somalidu waxa tidha Nin na hadal si u yidhi nina si u qaaday Anigu Somaliga uun baan sharaxay oo aan qeexay, Adigu laakin ma sharixi kartid.