Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,974
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Faroole is losing credibility and that's a fact and his Garowe clan can't control the will of the people of north Galkacyo as they openly support the TFG things that are Forbidden according to the Admin in Garowe. When was the last time Faroole Visited Galkacyo?
  2. Xisbiga KULMIYE Oo Mar Kale Ummadda U Soo Bandhigay Bisaylkiisa Shirkii Golaha Dhexena Cayimay April 6th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa maanta shaaciyay xiliga la qaban doono shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011. Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka. Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood.” Xisbiga KULMIYE oo hore u ahaa xisbigii shirweynihiisii iyo shirkii Golaha dhexeba u qabsaday si dimuqraadi ah, ayaa Talaabadani noqonaysaa in xisbigaasi mar kale ummadda Somaliland u soo bandhigay dimuqraadiyadiisa iyo sida uu u yahay xisbi furan oo dhexdiisa la iska soo sharixi karo. Waxa kale oo dadweynuhu u guuxeen tallaabadii madaxweyne Siilaanyo uu u wareejiyay Hoggaankii xisbiga maalmo ka dib markii uu la wareegay tallada dalka. Cumar Maxamed Faarax
  3. Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la Cayimay. Wednesday, 06 April 2011 Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa muddeeyey wakhtiga la qaban doono shirweynaha Golaha Dhexe ee xisbiga. Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Ismaaciil Shabeel, ayaa ku dhawaaqay in shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 6 June 2011-ka.War-murtiyeed Guddoomiyuhu soo saaray oo uu arrintaasi kaga hadlay, isla markaana ku wargeliyey xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;“Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011.Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka.Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood,” ayuu ku soo gebogabeeyey qoraalkiisa guddoomiyuhu.Togdhnews
  4. Weleh yarta angelina Jolie waxay ku jirta Dumarka ugu dabnaha Buux buuxsan
  5. General Duke;709427 wrote: Puntland population love the republic. The population can agree and disagree with their leadership. You mean the population from North galkacyo hate the Faroole Admin and they don't take the Admin in garowe serious and they rather support the TFG instead of the local Clan leader in Garowe. It's seems Faroole is losing it, he lost the people of galgala he lost the Darwiish Folks and now the support of North galkacyo.
  6. I thought faroole admin said TFG does not exist in the pirate state any more and we no longer support it , it seems like he losing the support of the People of north galkacyo and they rather support Sharif and farmaajo instead of faroole.
  7. Gaalkacyo:Banaanbax lagu taageerayo Mowqifku Ra’iisul Wasaare Farmaajo & dawladiisa oo Gaalkacyo ka dhacay.5. april 2011* APL * Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maanta gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ka dhacay Banaanbax aad u balaaran oo ay ka qeybgaleen dadweyne kamid ah kuwa kunool magaalada Gaalkacyo oo ay ka dhexmuuqdeen ururada bulshada & qaarkamid ah ardayday waxkabarata gobolka Mudug kaas oo lagu taageerayo xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) gaar ahaana tilaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay qaadatay oo ay ku jiraan qaadacistii shirka Nairobi & go’aankii hay’adaha lagu amrayey inay dalka si deg deg ah uga howl bilaabaan.Banaanbaxayaasha oo aad u badnaa islamarkaasna watay gaadiid kamid ah kuwa dadweynaha ee PL-ka loo yaqaano ay ka lusheen calanka Jamhuuriyada Soomaaliya & sawiro uu leeyahay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane,Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa socod ku maray gudaha magaalada Gaalkacyo iyagoo markii danbena meel fagaare ah isugutagay waxaana halkaas ka hadlay qaarkamid ah madaxda ururada bulshada.Dadkii banaanbaxan balaaran ka hadlay ayaa waxaakamid ahayd Marow.Dahabo Maxamed Barre (Dahabo Wadani) oo kamid ah haweenka gobolka Mudug ayaa ku dheeraataay taageerista xukuumada Soomaaliya & tilaabooyinki ay qaateen ra’iisulwasaaraha soomaaliya & xubnaha golaha wasiirada ee uu isagu madaxda u yahay,waxaana ay ka codsatay inay sii labajibaaraan go’aamadaas islamarkaasna ay sii wadaan dadalaadooda ay dalka xaaladiisa wax uga badalayaan taas oo ay sheegtay in kumanaan Soomaaliyeed ay iyaga sugayaan.
  8. NGONGE;709414 wrote: Notice how almost all the ones replying to this thread are all from SL? War safka hore ka baxa dee, waad na kashifteen. War dee Jb na wa wariye oo warku so tabiiyey aniga iyo salax na wanu tacsiyadayney Ninki geeriooday anigu sidan u arkay dadki ugu horeyey eeh tacsiiyey ninka la dilay baanu nahay marka hadanu reer Somaliland nahay waxanu isu haysana inaynu kheyr samayney mise Ngonge ma waxad leedahay yaan la tacsiyadayn reer puntland oo shib hala yidha taasina wa baab kale:D
  9. Xuska Sanad-Guuradda 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururka SNM Oo Maanta Loo Xusay Si Ka Qiimo Badan Xusaskii Siddeedii Sanadood Ee U Dambeeyay. Hargeysa (Ramaas) Ap 6,2011- Sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay ururkii SNM ee dhaliyey xoriyadda maanta Somaliland ku naaloonayso, isla-markaana shacabka ka dul-qaaday kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si wayn looga xusay Magaalo madaxda dalka ee Hargeysa. Xuskan sanad guurada 30-aad ee aasaaska ururkii SNM (Somali National Movement) ayaa maanta loo xusay si ka duwan sidii loo xusi jiray wakhtigii talada dalka uu hayay Madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, iyadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee shawqaalaha dawlada isla-markaana la soo bandhigay taariikhda ma guurtada ah ee SNM ku leedahay guud ahaan dhulka soomalidu degto. Munaasibadan ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka, qaar ka mid ah aasaasayaashii sanadihii siddeetamaadkii SNM kaga dhawaaqay Magaaladda LODON ee cariga Ingiriiska mujaahidiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin xuska maanta oo si wayn uga duwanaa xusaskii 8-deedii sanadood ee ugu dambeeyay. Guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta Sooyaal Mujaahid Xasan Axmed, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaynu joognaa 6-da bisha aprill ah oo maalintii ururkii SNM la aasaasay, waxaana laga joogaa 30 sanadood oo 10-na la halgamayay 20-na dalka aynu haysanay. Anagu SNM ahaan waanu soo taaganahay maadaama oo guddoomiyihii SNM uu yahay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay in dadka reer Somaliland gacmaha is qabsadaan, waxaanuna soo diyaarinay barnaamij horumarineed oo diyaar ah.” Cabdisalaan Yaasiin Gabay-xadi, oo ka mid ah aqoonyahanka dalka, kana mid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee SNM aasaasay oo isna xaflada hadal dheer ka jeediyay ayaa soo qaaday “SNM waxay keentay dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah, dawlada aynu haysanana cid inagu haysato, waayo waa dawladii aynu u dagaalanay ee aynu dhiiga u hurnay, sida aynu u sii adkaysanaynana inaga ayay inagu xidhan tahay, haddii la ina ictiraafo iyo haddii kaleba dalkan inaga ayaa leh ma yeelayno adduunimo, ma yeelayno cid dambe oo aanu maamulkeena iyo dawladnimadeena isku daba taagno, waa waxaa dadku u dhintay.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aynu keenay dawladnimadii cadaalad ayay dawladnimadeenu wax ku noqon karaysaa, dadkii, dalkii iyo dawladii xorta ahaydba waynu haynaa, waana inaynu diyaarsano quwadeena oo dhan oo aynu wax walba iska celinaa.”ayuu yidhi. Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka nool saddexdii mujaahid ee ugu horeeyay ee ka baxa ciidamadii kaligii taliyihii Siyaad barre ee u talaaba dhinaca dalka Itoobiya oo ay ku sugnaayeen kooxihii ugu horeeyay ee SNM oo isna halkaa kalmado muhiim ka yidhi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ILAAHAY naxariistee jano haka waraabiyo shuhaadadii u shahiiday halgankii aynu maanta dambarkiisii maalayno.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waxa muhiim ah in taariikhdaa la ilaaliyo, ma waxaynu odhan karnaa dadka Soomaliyeed ee aynu soomalida isku ahayn ee aynu isku dawlada ahayn, haddii aynu nahay intan maanta Somaliland ah ama reer Waqooyiga nahay ma waxaynu odhan karnaa waynu ka wanaagsanayn ama waynu ka muslimsanayn, farqiga maanta jira ee ta nabada ka dhigay Xamar iyo hareerahadana aynu wax ka socda aynu ognahay, waxaynu odhan karnaa waa biseylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa garashadii mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka, sida ay xoriyadda aabo iyo hooyo ugu yihiin ayay nabadana aabo ugu yihiin, haddii maalintii la wada kala aar-goostoo oo qabiil la wada noqon lahaa oo aynaan dawlad lahaan lahayn sidaa Xamar ayaynu ahaan lahayn ILAAHAY inagama dhigee.” Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) isaguna ka mid ahaa dadkii halganka sida wayn uga qayb-qaatay isla-markaana isku hawla inuu ururiyo taariikhda mujaahidinta SNM ee shahiiday halganka ayaa isaguna tilmaamay “Intii SNM jirtay 6 guddoomiye ayaa is badalay, taasina dimuqraadiyadda SNM ayay ahayd.”ayuu yidhi Muj. Boobe. Munaasibadan loo sameeyay xuska sanad guurada oo uu sidoo kale ka hadlay Maxamed Xasan Yoonis Habane oo uu dhalay taliyihii ciidanka qaranka Somaliland ee dhawaanta geeriyooday ayaa iyaguna waxa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Wasiirka daakhliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose. Ramaasnews Desk
  10. Weftigii Sarkaalkii Ka Goostay Kooxda SSC Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Widh-widh April 6th, 2011 ‘Waxaan Burco Iyo Hargeysa Kala Kulanay Walaaltinimo Iyo Jacayl Loo Qabo Dadka Deegaanka Widh-widh, Waxaanan Madaxweynaha Kala Hadlay’ Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta ee Kooxda Nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf iyo sodameeye ka mid ah waxgaradka deegaanka Widh-widh, muddo sadex todobaad ah socdaal nabadeed ku joogay Somaliland ayaa Isniintii si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Widh-widh ka dib markii ay dib ugu laabteen deegaankoodii. Keyse Cabdi iyo odayaasha kale waxa lagaga hor yimid duleedka deegaanka Widh-widh. Weftigan ayaa habeen hore shir qaatay saacado la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degmada Widh-widh waxaana hadal uu ka jeediyay shirkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf waxaanu uga waramay socdaalkii nabadeed ee uu ku yimid Burco iyo Hargeysa waxaanu sheegay inay kala kulmeen shacbiga Somaliland soo dhawayn iyo jacayl ay u qabaan dadka degan deegaanka Widhwidh, Buuhoodle iyo Soolba. Keyse waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen masuuliyiinta Somaliland oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay kala hadleen sidii loo horumarin lahaa degmada Widh-Widh. “Socdaalkii aan ku tagay Burco iyo Hargeysa wuxuu ahaa ceelalyo iyo sahan nabadeed, waxaanu kala kulanay Burco iyo Hargeysa soo dhawayn aan la qiyaasi Karin, walaaltinimo iyo jacayl ay u hayaan dadka ka soo jeeda deegaanka Widh-widh, Buuhoodle Iyo Soolba. Waxaan la kulmay masuuliyiin badan oo Madaxweynaha Somaliland ka mid yahay waxaan kala hadlay 12 qodob oo salka ku haya horumarinta deegaanka Widh-widh, waana ay naga aqbaleen,”ayuu yidhi Xoghayihii hore ee Kooxda ee SSC. Keyse waxa uu sheegay inay iyaguna ka balan qaadeen Madaxweynaha in shacbiga degmada Widh widh ay kaalin ka geystaan nabadeynta “Anaguna waxaanu ka balan qaadnay in deegaanka Widh-widh noqdo xudunta Nabadgelyada, waxaan jecelahay in waxgaradka deegaanku ay nala qaataan arrintaasi,”ayuu yidhi Sarkaalkaasi. Sidoo kale, xubno ka mid ah waxgaradka deegaanka Widhwidh ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la soo afjaro colaada ka taagan deegaamo ka mid ah bariga dalka, waxaanay balan qaadeen inay xukuumada Somaliland kala shaqaynayaan nabadda. Waxaanay sheegeen inay war murtiyeed rasmi ah soo saari doonaan Arbacada maanta. Dhinaca kale, odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa habeen hore afar nin oo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ka yimid Buuhoodle kulan ay la yeesheen waxay ugu baaqeen inay ka baxaan deegaanka Widhwidh haddii kale waxgaradka deegaanku go’aan ka soo saari doonaan. Waxaanay nimankaasi markii dambe ku noqdeen magaalada Buuhoodle.
  11. How can we forget Mujahid General Cali Xuseyn 1988 Somaliand Baligubudle video
  12. Raysalwasaare Farmaajo oo ka duulaya Garoonka Muqdisho Photo: Xafiiska RW Raysalwasaaraha Dawladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u duuley dalka Kenya. War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Farmaajo uu casumaad ka helay dhigiisan dalka Kenya Raila Odinga. Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Raysalwasaaraha Kenya ka hor inta aanu ka duulin magaalada Muqidisho. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” ayuu yiri Farmaajo Waxaa lagu wadaa in todobaadka danbe dalka Kenya uu ka furmo shir heer caalami ah oo ay soo qaban-qaabisey, Qaramada Midoobey kaas oo ah mid waatashi kuna saabsan sidii dhinacyada Soomaalidu ay u wada hadli lahaayeen meelna isula dhigi lahaayeen marka la gaaro bisha Agoosto ee uu dhamaado xiliga sharciga ah ee Dawladda kumeelgaarka ah. Xukuumadda kumeelgaarka ah ayaa shirkaas qaadacdey, sidoo kale xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ku baaqey in aan shirkaas laga qayb gelin. Ma cadda in Raysalwasaare Raila Odinga ku qancin doono Raysalwasaare Farmaajo in shirka Nairobi ka furmaaya 12 -13 April ay ka soo qaybgalaan iyo in kale, sidoo kale raysalwasaare Farmaajo ma sheegin in Beesha caalamka ee taageerta DFKG uu kula kulmi doono dalka Kenya mudada uu halkaas ku sugan yahay. Safarka Raysalwasaaraha ayaa ku soo beegmaya isaga oo laba maalmood ka hor ku dhawaaqey in Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku hawlan arrimaha Soomaaliya ay 90 maalmood gudahood ugu soo guuraan Muqdisho. Hooska aklhri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha: Horseed Media Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya (Muqdisho – Khamiis, 06 April 2011)—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay gegida dayuuradaha ee Aden Adde International Airport isagoo ku sii jeeda Dalka Kenya oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka C/qaadir X. Maxamed (Suldan lugadhere), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow), waxaana la filayaa inuu dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu la qaato kulan rasmi ah maalinta Khamiista 7-da April 2011 si ay uga wada hadlaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, sii xoojinta la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee argagaxisada ah ee dhibka ku haya dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska ahba. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ku soo dhammaado afgarad iyo labada dal oo xiriirkooda wallaaltinimo sii xoogooba.
  13. QURBAJOOGTA BEELAHA AWDAL IYO SELEL OO TAAGEERAYA QARANIMADA SOMALILAND CAMBAARAYNAYANA CIDA KA DAMBAYSA EE IS QARINAYSA AWDAL STATE. April 3, 2011 Anagoo ah qurbajoogta beelaha awdal iyo selel ee ku dhaqan dalalka waaweyn ee reer galbeedka waxaan si aad iyo aad u sareysa u taageeraynaa dawladdeena iyo qarankeena somaliland, anagoo hiil iyo hooba la garab taagan xukuumaddeena xorta ah ee uu hogaanka u hayo xisbigeena kulmiye ee kulmiyey dadkii dhan. waxaan habeen iyo maalin taageero buuxda siinaynaa madaxwenesiilaanyo iyo madaxweyne ku xigeen saylici, waxaan u huraynaa dhiigayaga iyo naftayada in aan diofaacno somaliland. sida aad u ogtihiinba somaliland dhiig ayaa u soo daatay oo beello fara badan ayaa wiilal badani ka dhamaadeen haddii ay tahay kuwii soo dagaalamayey iyo kuwii la dagaalamayey oo xiniinyo isku hayey laakiin kuwii GARAAXDA AMA ARAABIKHIDA cunayey waqtigaas ayaa maanta leh awdal state aan raadino . waa aakhirasaban waana rogmadkii nin aan waligii xataa aan qori uu isku difaaco aan iibsan siduu rag iskaga celin, muxuu awdal state ku raadin ma wuxuu moodayaa in basaasnimno iyo is daba marid dal lagu xoreeyo. ragan is qarinaya ee caruurta soo diraya waxaan dawladda ka codsaynaa in ay faro dhiig leh ku qabato,oo xataa haddii dambiga lagu helo si kuwa kale u qaxaan waa in la dilo. waxaan taageero aad u sareysa u diraynaa geesiga badhasaabka gobolka awdal oo galabta amar ku bixiyey in laba nin oo meelahaa wax ku qor qopra xabsiga dhexe loo dhaadhiciyey waxaan ku taageeraynaa maamulaha saldhiga dhexe ee boorama in uu hawshiisii sidii aan ugu yeedhinay u qabsaday , taasina waa dawladnimada. waxaan qarankayaga la garab taaganahay hiil iyo hooba., waxaa kalew oo aan taageero la garab joognaa laamaha amniga iyo sirdoonkasomaliland oo baryahan hawshoodii kor u qaaday.ka dib markay ka heleen tababaro iyo qalab muhiim ah dalka ingirioiska iyo maraykanka. SOMALILAND HA NOOLAATO SOMALILAND HA JIRTO OO HA JOOGTO. MAXAMED LIIBAAN CUMAR WASHINGTON DC/U S A
  14. Lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, hase yeeshee waxaa in dhowaaleba magaalooyin ka tirsan Puntland ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood ay salka ku hayaan aano qabiil. So he was killed because of his clan that's sad
  15. No Awdalians don't share anything with Koonfurians Like you and your rebel cousins they fight piracy you are a pirate they are Somalilanders you are a koonnfurian. You are from wartorn Somalia they are from Civilized Somaliland , they are from where the civilization of Somalis started which is western Somaliland, no my friend there is nothing you share with the noble Awdalians try again.
  16. ^^ Another piece written by the ssc rebels this awdal stuff is supported more by the the likes of duke and his rebel cousins. Rather then the locals of awdal and selel.
  17. Abokor Omar;709103 wrote: I bet you they have a statue of this old tool in Bossaso as gratitude from bringing the warring pirates together..lol ;)
  18. ^^ No that's saado cali and her crew
  19. Sanadguuradii 30-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii Snm Oo Maanta Laga Xusayo Dalka Hargeysa, April 6, 2011(Haatuf) - Maanta oo laga xusayo dalka Somaliland, islamarkaana ku beegan sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii ururkii SNM ee dalka xoreeyay lagaga dhawaaqay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa munaasabada sanad walba loo qabto, ay ka soo qayb galaan mujaahidiintii London shirweynihii u horeeyay kaga dhawaaqay inta ka nooli. Ku dhawaaqada wakhtigaasi ururkii SNM ayaa ka dambaysay, ka dib markii uu tacadigii iyo dhibaatooyinkii uu ku hayay shacabka reer Somaliland taliskii milatariga ahaa ee dawladii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, islamarkaana dhibaatadaasi isa soo taraysay, iyadoo taliskii Rajiimkaasi ku hayay shacbiga Somaliland oo xilligaas ka tirsanaa dalkii la isku odhan jiray Somalia dil, dhac iyo xadhig, ka dib siyaasiyiintii reer Somaliland, aqoonyankii iyo saraakiishii xooga dalka kaga jiray sameeyeen xidhiidho iyo shirar is-daba qarsoodiya oo is daba joog ah dibad iyo gudaba, islamarkaana ay kaga arrinsanayaan halgan lagala hortago taliska macangaga ah ee dalka xukumayay. Hadaba waxa xusid mudan aqoonyano dibada joogay dhinaca Carabta iyo Yurub ay isla qaateen, ka dib shirar hore oo ay wada yeesheen oo ku saabsanaa ku dhawaaqida SNM ay ugu dambayntii 6-April 1981-kii London kaga dhawaaqeen ururkii SNM, kaas oo horseed u noqday halgankii hubaysnaa ee xaq u dirirka, islamarkaana dumiyay quwadii Af-weyne oo ka mid ahaa dalalka Africa kuwa ugu xoogga weyn. Ururkii SNM ayaa muddo halgan qadhaadh ku naafaysay, islamarkaana ku burburisay quwadii Siyaad Barre kaga xoraysay dalkan Somaliland 1991-kii. Mujaahidiintii shirweynihii London kaga dhawaaqay ururka SNM oo waxa ka mid ahaa:- Axmed Maxamed Guuleed oo noqday gudoomiyihii u horeeyey ee SNM, Xasan Ciise Jaamac, Xasan Aadan Wadaadiid, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Ismaaciil Duqsi, Prof C/salaam Yaasiin Axmed iyo xubno kale.
  20. This is awdal two days ago
  21. Thankful Ethiopia had it's own interest and so did we , we wanted to get rid of Siyad barres Government and in these kind of cases your enemy's enemy is your friend it's part of politics Isiyas and melez were both armed By Siyad barres government so its all fair in the game my friend. My Aim was an independent Somaliland and i got what i want i don't care what Ethiopias deep interest were or not Somalidu waxay tidha war ku guur laakin yaan lugugu guurin. Moonlight Sure the dervishes can be remembered and their Mullah and their poets and Military leaders and their forts in taleeh and in Midhsisho and badhan and in their short lived dervish state they Fought the British In burco that's where it all started and then fardhidin and then Beerdhiga jidbaale But they were not successful they were defeated and Somaliland gained independence 40 years Later that's why the two cannot be compared besides the Topic is not Darawiish but it's SNM i have never see you celebrate the Darwiish in Mogadisho how come? is it because you destroyed the statue of the Mullah as for your Point USC fought the Siyad bare regime yes they did but they started fighting Siyad bare in the Begin 1990s and before that many of the usc members were Part of the SNM Like Cosoble and others. As for Cabdi aziz bare well we all know what happened to him in In balidhiig in 1989 he attacked balidhig 3 times and all the 3 Battles he lost men and lost his technicals That's when he fled in to Laascanood. All of Southern Somaliland in 1989 was in the hands of SNM from kalabaydh to wajaale to Maqaxida inanta allaybaday Balidhig all the way to lawyacade Baliguduble SNM head quarters From 1988 1991 and in 1990 Sayid cali faction of SNM reseized eastern Hargeysa, The last Stronghold the Siyad bare govt held was berbera and they lost Berbera 3 days before usc Boys Knocked on Vila Somalia.
  22. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM, Xuska Ku Aadan Sanad-guuradii 30aad Ee Asaaska Jabhadaa Oo Ku Beegan Maalinta Bari. Hargeysa (Ramaas) Apr.05 , 2011 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Cabdi Yusuuf Gaboose, ayaa caawa hambalyo u diray guud ahaan mujaahidiinta SNM ee ka qaybgashay dagaaladi dalka lagaga xoreeyay tasliskii Maxamed Siyaad Barre oo xusuuq ba’an u gaystay shacabka Somaliland. Hambalyada wasiirku waxay ku aadan tahay maalintii asaasida jabhada oo ku beegan lixda bishan April oo ah maalinta bari, waana soddon guuradii ka soo wareegtay maalintii lagaga dhawaaqay magaalada London, taas oo ahayd 6-dii bisha April 1981. Waxaana uu Dr. Gaboose ilaahay ugu baryay mujaahidiinta SNM uu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, intii ku dhimatay dib u xorayntii dalkana uu ka waraabiyo naxrristiisa. Ramaasnews Desk