-
Content Count
29,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Awdal and selel clan elders and intellectuals spoke well and are fully behind their Nation. indeed Somaliland ha noolaato Somaliland ha is raacdo Somaliland Ha jirto. Bad news for saado cali and her crew her parties are not appreciated in awdal and selel. walalahayo kuwina xidhidh la sameyey buulasha gubanayow:D odaygaasi wuu asiibay
-
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^ wa gob nimankaasi wa niman dagaal yaqana nabad na yaqaana -
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
waxgaradka iyo cuqaasha Deegaanka widhwidh well done -
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waxgaradka Deegaanka Widhwidh oo *****lka Ka Qaaday inay Ka Qayb qaadanayaan Wada Hadalada Nabadda April 7th, 2011 Widhwidh (Somaliland.Org)- Waxgaradka Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa shalay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay aqbaleen baaqiii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu baaqay waxgaradka gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari. Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Widhwidh, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaaladaasi, waxay sheegeen inay doonayaan inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo sidii colaada ka jirtey deegaanadaasi loo soo afjari lahaa. Caaqil Cali Maxamed Xirsi oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shirar dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku yeesheen degmada Widhwidh, waxaanu yidhi “Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka shirar aanu yeelanay ka dib waxaanu gaadhnay nuxur ahaan saddexdan qodob oo kala ah: 1) In waxgaradka iyo bulshada deegaanka Widhwidh si buuxda uga shaqeeyaan nabadgelyada deegaanka Widhwidh. 2) In beesha deegaanka Widhwidh ay ka hortagto wixii nabadgelyada waxyeelaya ee hurinaya oo aanay gacan siinin cidii fadqalalo ka wada dalka. 3) Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka Widhwidh ay ka qaybgalaan wada hadalada nabadeed iyo kulamada turxaan bixinta ee madaxweynaha JSL hore ugu dhawaaqay.” Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta kooxda SSC Kayse Cabdi Yuusuf, oo ka hadlay shirkaasi ayaa uga mahadceliyay waxgaradka deegaankiisa, go’aankooda la xidhiidha inay ka qaybgalaan wada hadalada nabadaynta iyo kulamada turxaan bixinta ee madaxweynaha JSL uu dhowaan ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari. Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay wax la qabato dadweynaha deegaanka Widhwidh ee ay adeegyada bulshadu aad u liitaan. Kayse wuxuu uga xogwaramay cuqaasha iyo waxgaradka kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay inuu kala hadlay xukuumada sidii wax loogu qaban lahaa deegaanka Widhwidh. -
Another Bari Clan elder gunned down in bosaaso
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Hogaamiye Dhaqameed Caawa Lagu Dilay Bosaso Allaha ha u naxariistee nabadoon Saalax Cabdisalaam Axmed[******] ayaa caawa kooxo hubaysan ay ku dileen gudaha magaalada Bosaso. Dilkan ayey geysteen rag ku hubeysan bistoolado,kuwaasi oo xabbado ku furay marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed xili uu kasoo baxay salaadii makhrib masjid kuyaala xaafada Biyo Kulule oo lagu magacaabo Al-raxma. Sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray rasasaastii la furay labo nin oo dhalinyaro ah oo kasoo baxay masjidka,waxaana sida ay sheegeen laamaha caafimaadka in mid kamid ah uu geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray allaha ha u naxariistee Sadiiq. Falkaan ayaa markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray laamaha amniga ee Bosaso,iyagoona baaritaano ka bilaabay goobta uu falku ka dhacay. Allaha ha u naxariistee marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed ayaa ahaa nabadoon firfircon oo ka dhexmuuqan jiray bulshada dhexdeeda magac weyna ku lahaa. Marxuum Saalax ayaa ifka wuxuu uga tagey laba xaas iyo afar wiil iyo gabar kuwaasi oo aad u da’yar kuna nool magaalada Bosaso,waxaana xusid mudan in marxuumku uu kusoo biiray nabadoonada gobolka Bari 2006-dii, wararka qaar ayaa sheegaya in dhawaan loo dooran lahaa Suldaan, waxaana uu beddeli laha Suldaan Ciise Xassan oo bishii Nofember sanadkii hore lagu diley magaalada Bosaso -
Jacaylbaro;709636 wrote: Xaajiga was on his way to the Politics ,,, simply coz he had Shrimps for Dinner he mistakenly hit the "Women" Section ................. Waryaa anigu musqusha dumarka ma gallo xita haday calooshu ii rogmanayso waan isku haya ama keyntan la taga
-
General Duke;709688 wrote: Puntland indeed controls most of SOOL, SANAAG and CAYN without any doubts. Even the SSC group with all their talk are no more than an extension of Puntland, unionists and anti secessionists. Puntland does not control the capital city of sanaag nor do they control the capital city of sool what do you consider most of and the buhoodle city is run by the local elders and parts of it is run by the rebels. there is no Buntiland is is irrelevant
-
Boosaaso:Koox hubaysan oo xalay gudaha Boosaaso ku dishay midkamid ahaa Nabadoonada gobolka bari & Maamulka oo ka hadlay. 7. april 2011 Boosaaso:(Allpuntland)-Koox dabley ah oo hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland ku dishay Eebe ha u raxmadee Marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed (******) oo kamid ahaa Nabadoonada gobolka Bari,waxaana marxuumkan la dilay xili uu gurigiisa sii galayey. Goobjoogayaal ayaa APL u sheegey in marxuumka oo kasoo noqday masjid aan waxbadan u jirin gurigiisa oo uu Salaadii Maqrib kusoo tukaday ay dishay koox madaxa soo duubatay kuwaas oo dhowr xabadood ku boobtay marxuumka iyagoo markii danbena isla goobta ka baxsatay. Gudoomiyaha gobolka Bari ee dawlada Puntland Sheekh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf oo saaka APL la hadlay ayaa canbaareeyey dilkaas,isagoo sheegey inuu ahaa mid ay geysatay koox uu ugu yeeray Argagixiso isagoo sidoo kalena sheegey in ciidamada Amaanku ay wadaan baaritaano culus oo ay ku raadjoogaan cidii dilka Nabadoonkan ka danbaysay,Waxaana uu dilkani noqonayaa kii afraad oo mudo bil ah deegaanada Puntland loogu geysto nabadoonada Puntland iyadoo labo kamid ahna ay ka dheceen magaalada Boosaaso.
-
Ethiopia is not an Arab Country
-
Somalidi way washeen allow u sahal state ba washay
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
awoow ninku ma dhama badhitaan ba u socda dakhtarka weyn eeh hargeysa -
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Salax we can't take the Jidbaale Boys serious remember when they said Garaad abshir was chased away when he welcomed talks with Somaliland officials last year in widhwidh . Non of that was true Garaad abshir was warmly welcomed by his people. The same way the Widhwidh caaqil was welcomed by his people today. -
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somalina;709514 wrote: Xagguu ka keeney grenade-ka? askari waashey miyuu ahaa? I am not sure mala garowe bu ka so ibsaday -
Kenya creates new state to act as military, political buffer
Xaaji Xunjuf replied to Jacpher's topic in Politics
So this gandi guy is a kenyan puppet interesting -
Khubaddii Wasiirka Arrimaha Guduhu Ka Jeediyay Xuskii Ururkii SNM April 6th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ku dedaalayo siddii uu uga dhabeyn lahaa himiladdii halgankii loo soo maray Dalka. Islamarkaana, waxaa uu tilmaamay in aan waqtigan la fileyn cabasho ka soo yeedha halgamayaashii SNM qaarkood. Dr; Gaboose oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Aas-aaskii ururkii SNM 1981 oo maanta oo kale ku beegneyd, taasoo lagu qabtay Caasimadda Hargeysa ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu ku tilmaamay in aan halganku dhamaan loona baahanyahay in la sii waddo oo aan laga niyadjabin. Hadalka Wasiirka Arrimaha guduhu waxaa ka mid ahaa oo uu khudbadiisa ku yidhi siddan: “Waxay himilladoodu ahayd in qaran cadaalad iyo dimuquraadiyad ah la hello, waxaana hor taalay nolol adag oo musuq maasuq cadaalad darro ku dhisan. Waxay ujeedadoodu ahayd oo ay dhiigooda u hureen, in dimuquraadiyad sinaan iyo cadaalad la hello. Sidaas awgeed, waxaynu hiigsaneynaa way ka balaadhan tahay nolol maalmeed waa qarankaa maanta caalamku ammaanayo ee wufuuda iska soo daba-dhacaysa aad arkaysaan, su’aalaha maanta caalamku is weydiinayaana waxaa ka mid ah, siddee ayaad halkan ku gaadheen. Guulahaana waxa dhaliyay, raga aan idiin sheegay ee qaar nool-yihiin, qaar geeriyoodeen kuwana dhaawacmeen. Markaa waa in himiladeenu noqotaa in ka gaadhi qurux badan watta uu gaadhigiisa wato inana aynu mid ka sii qurux badan kaxaysano. ..Horena dhaqankeena ugumay jirin, in aynu ka masayro wax qof kale wato, himiladeenu waa in ay noqotaa qaran qani ah oo cadaalad ah, markaas ayaynu wixii SNM u soo halgantay dhadhan yeelanayaa. Waxaan idiin sheegayaa, umad walba halgankeedu waa sil-silad., ilaa maalintii gumaysigii ingiriiska ragbaa dhiigooda hurayay oo hanti ku bixinayay waana sil-silad taxane ah, halganka SNM-na meel dhumuc leh ayuu ka galayaa, dhamaantoodna waa la xusayaa. Waxaa halkan fadhiya Boobe oo taariikh badan haya, mid wal oo taariikhdaas ka mid ahna quruxdeeda ayay yeelanaysaa taas ayaanay ku jirtaa danta Somaliland.” Waxaan idiin sheegayaa in aanu halgankii dhamaan, haddii kuwii dibada joogay ay ahaayeen kuwaa tanaasulay ee qarankii xukunkiisa ku wareejiyay dadka Somaliland, dhiseena qaran la wada leeyahay, kana tanaasuleen damacooddii iyagoo eegaya walaalnimadda ummadda halgankii intaas kuma dhamaan dagaal dheer ayaa ina sugaya. Geesiyaal danbe ayaana dhalan-doona, kuwa dhabarkeena ku jira ayaana Lixle, Maxamed Cali iyo Siilaanyo noqon doona. Waad ogtihiin Madaxweynaha maanta dalka haystaa inuu dhaxantii iyo daranyaddii qaxootiga idinla joogay, himiladdii kuwaasi lahaayeen ayuu leeyahay, mana aan fileyn in maanta SNM cabanayaan. Waxaan idiin sheegayaa, waa in aad ku riixdaan Madaxweynaha inuu cadaalada ka shaqeeyo, waa in aad ku riixdaan inuu Ilaaliyo agoonta Somaliland oo dhan koone kasta oo ay joogto, waa in aad ku riixdaan inuu ilaaliyo ka waalan ee Jidka maraya. waxaan idiin balanqaadayaa aniga oo xukuumadda maanta u jooga halkan in Madaxweynaha Somaliland oo aan ogahay dareenkiissu uu yahay in Agoonta iyo Taariikhda Somaliland wax weyni iska bedelaan.”
-
Somaliland delegation arrives in Widhwidh..
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Tell me about your different report Mr A khadar -
Pro Sh sharif and farmaajo protests in north Galkacyo
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
General Duke;709490 wrote: However reer Mudug are always champions of Somaliweyn and support Farmaajo's stance against the UN. That's right north galkacyo Folks Support Farmaajo and they Don't support Faroole,, In his political wars against the TFG faroole supports the UN conference led by mahiga in nairobi while the people of north galkacyo believe that Farmaajo represent them and not Mr garowe -
Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Oodweyne Oo Maanta La Furay Saddex Iyo Labaatan Sanno Ka Dib. Oodweyne (Ramaas) Apr.6, 2011- Cisbitaalka guud ee Magaalo madaxda gobolka Daad-Maadheedh ee Oodweyne, ayaa maanta si rasmi ah loo furay markii ugu horaysay muddo ka badan saddex iyo labaatan sanno oo uu xidhnaa ka dib markii uu ku buburay dagaaladii u dhexeeyay jabhadii SNM iyo ciidamadii dawladii kacaanka Soomaaliya. Furataanka cisbistaalkan oo dhismihiisa fuliyeen hay’adaha gargaarku waxa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland, madaxda gobolka Daad-Madheedh iyo dadweynaha ku nool Magaalada Oodweyne, iyada oo la dhamaytiray in badan qalabka loogu talagalay cisbitaalka sida ay sheegeen madaxdii ka hadashay furitaanka cisbitaalku. Wasiirka ku xigeen caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadashay munaasadaas, ayaa sheegtay in cisbitaalkan oo uu wax wey ka tari doono baahida caafimaad ee ay qabeen shacabka gobolka oo ah mid ay ballaadhan tahay baxaadeedu, waxa ay sheegtay in wasaarada caafimaadku ay gacan ka gaysan doonto socodsiinta adeegyada cisbitaalka oo ay bixin doonto agabka loo baahan yahay, isla markaana ay bixin doonaan mushaharka shaqaalaha. Dhanka kale isna xadhiga lag jaray cisbitaalka TB-da ee Magaalada Oodweyne oo xidhnaa muddo dheer oo hada u hawgali doona si toos ah oo lagu daaweyn doona bukaanka qaba xanuunka qaaxada. ku yeelan xidhiidhka ay Somaliland beesha caalamka, waxaana la rajaynayaa in dib loo soo celiya oo uu guddida ka mid noqdo