Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashadii Jabuuti Iyo Xidhiidhka Labada Dal April 10th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Jimcihii dalka Jabuuti, taasi oo uu markii sadexaad ku guulaystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynuhu wuxuu qaabkii ay doorashadaasi u dhacday iyo natiijadii ka soo baxdayba uu kaga hadlay dhambaal uu u diray Madaxweynaha Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu saaka soo saaray Afhayenka Madaxtooyada Cabdilahaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti, Guushii ay ka Gaadheen Doorashadii Madaxtinimada Dalka. Madaxweynuhu waxa uu Dhambaalkiisa oo Qoraala ku yidhi:-“Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kuuga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti. Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kale oo aan aaminsan nahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehan tahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada. Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar.”
  2. I don't understand why are the pirates against Azania , i mean Azania wants to fill the vacuum when Shabaab leaves
  3. Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Guubaabin Isugu Jira U Diray Madaxwaynaha Djabuuti Ee Marka Saddexaad Ku Guuleystay Madaxwaynenimada Dalkaas. Hargeysa (Ramaas) Apr 10,2011- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo iyo guubaabin ah u diray Madaxwaynaha dalka Jamhuuriuyadda Djabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle oo mar saddexaad ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii todobaadkii hore. Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya Magaca dawlada iyo shacabka reer Somaliland waxa uu Madaxwayne Geelle iyo shacabka reer Djabuutiba u rajeeyay inay ku waraan nabadgalyo iyo barwaaqo isaga oo rajeeyay in xidhiidhka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti sii xoogeysto. War-saxaafadeed kooban oo mar dhawayd laga soo saaray Madaxtooyadda kuna saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla-markaana soo gaadhay xafiiska wararka ee Ramaasnews ee Magaaladda Hargeysa ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Dawladda iyo kan Shacbiga Somaliland, waxaan Madaxweyne kugu Hambalyeynayaa Doorashadii sida Nabad-gelyada leh uga dhacday Dalka Jabuuti Jimcihii oo ay Taariikhu ahayd 08/04/2011, waxaanan si gaar ah kaaga tahniyadaynayaa guusha aad ka gaadhay in shacbiga Dalka Jabuuti ku doorteen Madaxweynaha Dalka Jabuuti. Madaxweyne waxaan ku kalsoonahay in horumarka muuqda ee ay Jabuuti ku talaabsatay Mudadii aad hogaaminaysay uu sii socon doono, Waxaan kaloon aaminsanahay in xidhiidhka ka dhaxeeya labadeena Dal uu noqon doono mid midha dhal ah oo sii xoogaysta. Waxaan mar labaad si farxadi ku dheehantahay kugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee aad ka soo hooysay doorashada. Waxaanan idiin rajaynayaa Mudane Madaxweyne adiga, Xukuumada iyo Shacabka reer Jabuuti ee aanu Walaalaha nahay in aad ku waartaan Barwaaqo, Nabadgelyo iyo Horumar" Ramaasnews Desk Hargeisa
  4. Jiiroow Bakaal;710516 wrote: Somaliland should never listen TFG and go to Erbil there will be big conference for the worlds unrecognised countries Kurdistan Somaliland Northern Cypern Northern Ossetia Abkhazia Azania etc ;);)
  5. Xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Cod ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta Qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. + DHAGEYSI Halkan ka Dhageyso Fadhigii Golaha ee Maanta Hargeysa(Waaheen) Xildhibanada Golaha wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta Cod yar ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. Fadhigaasi maanta ay yeesheen Xildhibanadu ayaa waxa shirgudoominayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad Md. C/casiis Maxamed Samaale, waxa ka soo xaadiray 67 mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha wakiiladu. Fadhigan ayaa ahaa mid aad u xaasaasi ah iyada oo amaanka guud ee golahana aad loo adkeeyay, waxana iyaguna ka soo xadiray fadhigaasi marti sharaf aad u badan iyo Masuuliyiin ka kala socoday Shirkadaha Somcable iyo Dalkom. Xildhibanada Golaha Wakiilada ayaa cod gacantaaga ah ku Meel mariyey Xeerka Isgaadhsinta Qaranka waxan u codeyay 34 mudan, waxaana diiday 29 mudane, halka ay ka aamuseen 3 mudane, gudoomiyuhuna Mu codeynin, sidaasina uu ku ansaxay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka. Waxanu yidhi Samaale“xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Somaliland Xeer Nomber 50, 2011. waxa uu ka kooban yahay 81qodob, waxa uu xeerkani ka soo gudbay Xukumada, waxana la galiyey Isbedelkii ay guddida dhaqaluhu ay soo sameeyen, waxa madasha ku sugan 67 mudane, 34mudane ayaa xeerkasi u codeyay, 29 mudane ayaa xeerkasi ka soo horjeedsaday, 3mudane ayaa ka aamusay Gudomiyuhuna muu codeyaynin Xeerkasina sidaas ayuu ku ansaxay”.Ayuu yidhi Samaal.
  6. no the news is : granade attack hits southern laascanood Just like it did hargeysa 2 days ago
  7. Hablaha Jaaliyada Deegaanada SSC ee ku sugan Cardiff Oo Deeq lacageed Sogadhsiyay Cusbitalka magaalada laascaanood+ Video) Posted to the web on Apr 09 Deeq lacageed ay maanta soo gaadhsiyeen haweenka udhayshay Gobolada SSC ee ku nool cariga Ingirska Gaar ahaan magaalada Cardiff Cusbitaalka magaalada laascaanood oo ay ku soo hagaajiyeen,wakiilka Xawalaada amal Siciid (LG) ayaa kuwareejiyay agaasimaha cusbitaalka magaalada laascanood Ismaaciil Muuse ciise (ilka case) Wareejintii lacagta oo goob joog ahaayeen masuuiyiin kale oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Ruush iyo Cabdiwali oo ah madaxa shaqaalaha isbitaalka laascaanood ayaa waxaa ka hadalay Agaasimaha Cusbitaala Ismaaciil muuse (ilka case) oo mahad balaadhan u soojeediyay hablaha Deeqdan soo gaarsiyay cusbitaalka magaalada laascanood,lacagtan oio dhamayd kun labaatan iyo shan dolar ,Sidookale waxa uu ugu baaqay Qurbajoogta kusugan Daafa dunida ee udhashay gobolda ssc inay ka qaybqataan u gargaarka bukaan jiifka isbitaaka laascaanood oo aan cidina waxba u qaban.
  8. War Deg Deg ah Qarax Bamgacmeed ah oo lala Beegsaday Saldhiga Wadnaha Magaalada laascaanood on Apr 09 Qarax bam gacmeed ah ayaa Waxaa Caawa lala beegsaday Saldhiga Boliska ee ku yaala Koonfurta magaalada laascaanooda,iyadoo Kooxdii gaystay Werarkan ay baxsadeen Khasaaraha qaraxa bam gacmeedkan ayaa ilo xog ogaal ah ay sheegayaan dhaawaca Taliyihii Saldhigaasi askari ka tirsanaa ciidanka saldhiga iyo wiil dhalinyaro ah oo ku xidhnaa kuwasaoo lagu dabiibayo cusbitaalka Guud ee magaalada laascanood Qaraxan, ayaa ahaa mid xoog badan oo laga dareemay magaalada lamana garanayo cida ka dambaysa Qaraxa sidookalena aan cidloqaban
  9. Saldhiga Koonfureed ee Laascaanood oo goor dhaweyd qarax lala beegsaday iyo dhaawac soo gaadhay sadex qof Laascanood(Waaheen) Koox aan ilaa hada la aqoonsan ayaa goor dhaweyd qarax la beegsatay saldhig Booliis oo ku yaala koonfurta magaaladda Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay taliyihii saldhigaasi, askari iyo Maxbuus ku xidhnaa saldhigaas. Wariyaha waaheen ee magaaladda Laascaanood ayaa sheegay qaraxaasi inuu ahaa mid weyn oo gilgilay magaaladda, waxaanu intaa ku daray inaan ilaa hada la ogayn khasaare kale oo intaa ka badan sida uu sheegayna waxa xaaladiisu adag tahay Taliyaha Saldhigaasi oo la yidhaahdo Cali Axmed Shire, waxaana uu ku jiraa koomo iyadoo isla imikaba si deg-deg ah loogu qaado doono dhinaca Hargeysa.
  10. Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Laascaanood . Saturday, 09 April 2011 Laascaanood(Togdhnews)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegayaa in caawo fiidkii qarax bambaano uu ka dhacay saldhiga Boolis oo ku yaala dhinaca koonfureed ee magaaladaasi,halkaasoo ay ku dhaawacmeen Taliyihii saldhigaasi Cali Axmed Muuse,waxa kale oo iyaguna dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid askartii saldhigaasi iyo maxbuus ku xidhnaa . Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdullaahi Jaamac Diiriye ,ayaa xaqiijiyay in falkani qaraxa ahi ka dhacay saldhigaasi,islamrkaana aan lahayn cidii gaystay balse la raadinayo kuwii ka dambayay qaraxaasi. TogdheerNews..Laascaanood.
  11. Waxa magaaladda Hargeysa badhkeed galabta ka da’ay roob kooban oo meelaha qaarkood biyo dhigayHargeysa (Waaheen) waxa magaaladda Hargeysa galabta ka da’ay roob kooban oo magaaladda badhkeed biyo dhigay, kaasoo yididiilo galiyay dadweynaha oo kulayl badani haystay maalmahan. Roobkan oo da’ay salaadii Casar kadib ayaa biyo dhigay xaafadaha Jig-jiga yar iyo Xero Awr, halka xaafada shacabkana uu shuux yari helay. Waa gobolkii sadexaad ee uu ka da’o roob yar oo koobani waxaana la filayaa inuu cirku si rasmi ah u curto maalmaha soo socda
  12. Boqorka Beesha Subeer Awal oo Hambalyo iyo Mahadnaq U Diray Madaxwaynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele. Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee... Uk/Britain (Gabiley News): - Boqorka beesha Subeer Awal ee Somaliland Boqor Muxumed Geele Seed ayaa isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Gabiley News soo gaadhsiiyay hambalyo uu u dirayo madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Djibouti, isagoo ugu hambalyaynaya guusha uu ka soo hoyay doorashadii madaxtooyada dalkaasi ee jimcihii ina dhaafay ka dhacday. Baqor Geele waxaa kale oo uu madaxwaynaha jamhuuriyada Djibouti uga mahad naqay kaalmadii badnayd ee uu soo gaadhsiiyay Jaamacada Gabiley ee Timacadde, waxaanu illaahay uga baryay inuu ku asturo xilkaasi culus ee uu u qaaday shacabwaynaha dalka Djibouti. Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee Gabiley News kulasoo xidhiidhay khadka Telefoonka isagoo hawlo shaqo ugu baxay dalka ingiriiska mudana halkaasi joogi doona, sidoo kalena soo mari doona wadamo kale oo Europe ah. Boqorka Geele ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee hambalyeeya madaxwaynaha jabuuti ka dib guushii uu kasoo hooyay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii ina dhaafay.
  13. Xukuumada Somaliland Oo Hambalyo U Qadintay Madaxweynaha Djibouti Iyada Oo Aanay Guddida Doorashooyinka Dalkaas Ku Dhawaaqin Natiijada. Hargeysa (Ramaas) Apr.9, 2011- Xukuumada Somaliland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo la saadaalinayo in uu ku guulaystay doorashadii maalintii shalay ka dhacday dalkaas, iyada oo aanay guddida doorashooyinka Djibouti weli ku dhawaaqim natiijada doorshada. Afhayeen Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay xukuumadu ku soo bandhigaysay waxqabadkeeda saddex bilood ah, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan guusha Madaxweyne Geelle la sheegay in uu ka soo hooyay doorashadii maalintii ka qabsoontay wadanka Djibouti, isla markaana ay hambalyo u dirayaan Madaxweynaha oo markii saddexaad qabanaya hogaanka dalkaas. Hadalka afhayeenka ayaa imanaya wakhti aan la shaacin natiijada doorashada oo aanay ilaa weli soo saarin guddida doorashadu, lamina garankara sababta ay xukuumada Somaliland u soo qadintay hambalyadan. Mar wax laga waydiiyay sababta keentay in xukuumada Somaliland ay ka hadasho danaha dal shisheeye ah oo ka soo horjeeda jiritaanka dalkeeda, waxa uu ku jawaabay” Wax waa laga sheegi karaa dalka kale oo waanu soo dhawaynaynaa guusha Madaxweynaha” Madaxweyne Geelle ayaa isaga qudhiisa fiirinaya wax ka soo bixi doona natiijada, laakiin waxa ay arrintan u muuqanaysaa ismuujin siyaasadeed oo maamulka talada Somaliland hayaa uu ku doonayo in uu dalka Djibouti tuso sida uu diyaarka ugu yahay meelmarinta masaaliixda hogaamiyaha dalkaas oo saamayn ballaadhan ku leh jaangoynta siyaasadaha Somaliland. Waxa dhawaaqani uu meel ka dhac ku noqonayaa haybada qaranimada Somaliland,iyada oo Madaxweyne dalkaas uu ballanqaaday in aanay Djibouti marnaba Somaliland u aqoonsan doonin wadan madaxbanaan oo deris ah, waxaana uu si cad u diiday in xafiis diblumaasiyadeed uu ku yeesho Somaliland, iyada oo taas cagsigeedana uu Mr Geelle hawgal baxaad leh ugu galay sidii loo soo celin lahaa midnidamadii dhulweynihii Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay. Ramaasnews Desk Hargeisa
  14. Aun to Maxammad yasin Ciise May allah grant him jannah
  15. Jacpher;710355 wrote: Daahir Riyaale didn't make it to the tolka Mujahid list. No Former president rayaale was not part of the Halgan But His Cousin Mujahid Abduraxmaan aw cali Second vp of Somaliland was.
  16. Jacaylbaro;710343 wrote: Ha la hubsado .. waaheen run badan ma sheego
  17. Jacaylbaro;710346 wrote: That is also political ?? ,,,,,,, actually wa diiniyan ileen roobka ilahay baynu ka barinay
  18. Hadhwanaagnews) Saturday, April 09, 2011 Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo waxaa muddo sadex cashoba ah ka da´ayay gobolka sanaag roobab kawaasoo markii ugu horaysay ka da´ay degaanada cal haleena ee degaanka ceerigaabo sidoo kale maraan shalay la xidhiidhay miyaga dhinaca xeebta oo u dhow degmada xiis ayaa waxaa la ii sheegay in roobab ay ka curteen buurta lashiidhe oo qiyasti 20 yee KM u jirta magalada xiis waxaana uu maanta roobku ka da´ayaa meelo ay ka mid yihiin siraadley iyo gudhmaan iyadoo ay ii xaqiijiyeen dad reer miyi ah oo gobahaa ka ag dhowaa