-
Content Count
29,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Raysalwasaare Farmaajo oo ka duulaya Garoonka Muqdisho Photo: Xafiiska RW Raysalwasaaraha Dawladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u duuley dalka Kenya. War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in Mudane Farmaajo uu casumaad ka helay dhigiisan dalka Kenya Raila Odinga. Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafadda u sheegay waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan Raysalwasaaraha Kenya ka hor inta aanu ka duulin magaalada Muqidisho. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” ayuu yiri Farmaajo Waxaa lagu wadaa in todobaadka danbe dalka Kenya uu ka furmo shir heer caalami ah oo ay soo qaban-qaabisey, Qaramada Midoobey kaas oo ah mid waatashi kuna saabsan sidii dhinacyada Soomaalidu ay u wada hadli lahaayeen meelna isula dhigi lahaayeen marka la gaaro bisha Agoosto ee uu dhamaado xiliga sharciga ah ee Dawladda kumeelgaarka ah. Xukuumadda kumeelgaarka ah ayaa shirkaas qaadacdey, sidoo kale xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa ku baaqey in aan shirkaas laga qayb gelin. Ma cadda in Raysalwasaare Raila Odinga ku qancin doono Raysalwasaare Farmaajo in shirka Nairobi ka furmaaya 12 -13 April ay ka soo qaybgalaan iyo in kale, sidoo kale raysalwasaare Farmaajo ma sheegin in Beesha caalamka ee taageerta DFKG uu kula kulmi doono dalka Kenya mudada uu halkaas ku sugan yahay. Safarka Raysalwasaaraha ayaa ku soo beegmaya isaga oo laba maalmood ka hor ku dhawaaqey in Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku hawlan arrimaha Soomaaliya ay 90 maalmood gudahood ugu soo guuraan Muqdisho. Hooska aklhri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha: Horseed Media Warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo u ambabaxay Dalka Kenya si uu ula kulmo dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya (Muqdisho – Khamiis, 06 April 2011)—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay gegida dayuuradaha ee Aden Adde International Airport isagoo ku sii jeeda Dalka Kenya oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka C/qaadir X. Maxamed (Suldan lugadhere), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yarisow), waxaana la filayaa inuu dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu la qaato kulan rasmi ah maalinta Khamiista 7-da April 2011 si ay uga wada hadlaan arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee wallaalaha ah, sii xoojinta la dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee argagaxisada ah ee dhibka ku haya dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska ahba. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha Dalka Kenya uu igu casuumo dalkiisa isla markaana aan yeelano kulan muhiim u ah labada dalba. Kenya waa dal aan wallaalo nahay, runtiina u istaagan sidii ay u caawini lahaayeen shacabka soomaaliyeed iyo sidii waddanka Soomaaliya uu u yeelan lahaa Dowlad soo celisa amniga iyo kala danbeynta. Arrimaha aan kala hadli doono ayaa waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, arrimaha amniga, arrimaha qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya iyo arrimaha xilliga kala guurka ah iyo go’aamadii Dowladda FKMG ah ee la xiriira xilliga kala guurka ah iyo sidii xal loogu heli lahaa soo afjaridda dhibaatada dalka Soomaaliya.” Kulankan ayaa lagu wadaa inuu ku soo dhammaado afgarad iyo labada dal oo xiriirkooda wallaaltinimo sii xoogooba.
-
QURBAJOOGTA BEELAHA AWDAL IYO SELEL OO TAAGEERAYA QARANIMADA SOMALILAND CAMBAARAYNAYANA CIDA KA DAMBAYSA EE IS QARINAYSA AWDAL STATE. April 3, 2011 Anagoo ah qurbajoogta beelaha awdal iyo selel ee ku dhaqan dalalka waaweyn ee reer galbeedka waxaan si aad iyo aad u sareysa u taageeraynaa dawladdeena iyo qarankeena somaliland, anagoo hiil iyo hooba la garab taagan xukuumaddeena xorta ah ee uu hogaanka u hayo xisbigeena kulmiye ee kulmiyey dadkii dhan. waxaan habeen iyo maalin taageero buuxda siinaynaa madaxwenesiilaanyo iyo madaxweyne ku xigeen saylici, waxaan u huraynaa dhiigayaga iyo naftayada in aan diofaacno somaliland. sida aad u ogtihiinba somaliland dhiig ayaa u soo daatay oo beello fara badan ayaa wiilal badani ka dhamaadeen haddii ay tahay kuwii soo dagaalamayey iyo kuwii la dagaalamayey oo xiniinyo isku hayey laakiin kuwii GARAAXDA AMA ARAABIKHIDA cunayey waqtigaas ayaa maanta leh awdal state aan raadino . waa aakhirasaban waana rogmadkii nin aan waligii xataa aan qori uu isku difaaco aan iibsan siduu rag iskaga celin, muxuu awdal state ku raadin ma wuxuu moodayaa in basaasnimno iyo is daba marid dal lagu xoreeyo. ragan is qarinaya ee caruurta soo diraya waxaan dawladda ka codsaynaa in ay faro dhiig leh ku qabato,oo xataa haddii dambiga lagu helo si kuwa kale u qaxaan waa in la dilo. waxaan taageero aad u sareysa u diraynaa geesiga badhasaabka gobolka awdal oo galabta amar ku bixiyey in laba nin oo meelahaa wax ku qor qopra xabsiga dhexe loo dhaadhiciyey waxaan ku taageeraynaa maamulaha saldhiga dhexe ee boorama in uu hawshiisii sidii aan ugu yeedhinay u qabsaday , taasina waa dawladnimada. waxaan qarankayaga la garab taaganahay hiil iyo hooba., waxaa kalew oo aan taageero la garab joognaa laamaha amniga iyo sirdoonkasomaliland oo baryahan hawshoodii kor u qaaday.ka dib markay ka heleen tababaro iyo qalab muhiim ah dalka ingirioiska iyo maraykanka. SOMALILAND HA NOOLAATO SOMALILAND HA JIRTO OO HA JOOGTO. MAXAMED LIIBAAN CUMAR WASHINGTON DC/U S A
-
Breaking News: Brutal Killing in Garowe, Town is Tense
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, hase yeeshee waxaa in dhowaaleba magaalooyin ka tirsan Puntland ka dhacayay dilal qorsheysan oo qaarkood ay salka ku hayaan aano qabiil. So he was killed because of his clan that's sad -
No Awdalians don't share anything with Koonfurians Like you and your rebel cousins they fight piracy you are a pirate they are Somalilanders you are a koonnfurian. You are from wartorn Somalia they are from Civilized Somaliland , they are from where the civilization of Somalis started which is western Somaliland, no my friend there is nothing you share with the noble Awdalians try again.
-
^^ Another piece written by the ssc rebels this awdal stuff is supported more by the the likes of duke and his rebel cousins. Rather then the locals of awdal and selel.
-
Abokor Omar;709103 wrote: I bet you they have a statue of this old tool in Bossaso as gratitude from bringing the warring pirates together..lol ;)
-
^^ No that's saado cali and her crew
-
Sanadguuradii 30-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii Snm Oo Maanta Laga Xusayo Dalka Hargeysa, April 6, 2011(Haatuf) - Maanta oo laga xusayo dalka Somaliland, islamarkaana ku beegan sanadguuradii 30aad ee ka soo wareegtay maalintii ururkii SNM ee dalka xoreeyay lagaga dhawaaqay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa munaasabada sanad walba loo qabto, ay ka soo qayb galaan mujaahidiintii London shirweynihii u horeeyay kaga dhawaaqay inta ka nooli. Ku dhawaaqada wakhtigaasi ururkii SNM ayaa ka dambaysay, ka dib markii uu tacadigii iyo dhibaatooyinkii uu ku hayay shacabka reer Somaliland taliskii milatariga ahaa ee dawladii dhiigyo cabkii Siyaad Barre, islamarkaana dhibaatadaasi isa soo taraysay, iyadoo taliskii Rajiimkaasi ku hayay shacbiga Somaliland oo xilligaas ka tirsanaa dalkii la isku odhan jiray Somalia dil, dhac iyo xadhig, ka dib siyaasiyiintii reer Somaliland, aqoonyankii iyo saraakiishii xooga dalka kaga jiray sameeyeen xidhiidho iyo shirar is-daba qarsoodiya oo is daba joog ah dibad iyo gudaba, islamarkaana ay kaga arrinsanayaan halgan lagala hortago taliska macangaga ah ee dalka xukumayay. Hadaba waxa xusid mudan aqoonyano dibada joogay dhinaca Carabta iyo Yurub ay isla qaateen, ka dib shirar hore oo ay wada yeesheen oo ku saabsanaa ku dhawaaqida SNM ay ugu dambayntii 6-April 1981-kii London kaga dhawaaqeen ururkii SNM, kaas oo horseed u noqday halgankii hubaysnaa ee xaq u dirirka, islamarkaana dumiyay quwadii Af-weyne oo ka mid ahaa dalalka Africa kuwa ugu xoogga weyn. Ururkii SNM ayaa muddo halgan qadhaadh ku naafaysay, islamarkaana ku burburisay quwadii Siyaad Barre kaga xoraysay dalkan Somaliland 1991-kii. Mujaahidiintii shirweynihii London kaga dhawaaqay ururka SNM oo waxa ka mid ahaa:- Axmed Maxamed Guuleed oo noqday gudoomiyihii u horeeyey ee SNM, Xasan Ciise Jaamac, Xasan Aadan Wadaadiid, Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Ismaaciil Duqsi, Prof C/salaam Yaasiin Axmed iyo xubno kale.
-
This is awdal two days ago
-
Breaking News: Brutal Killing in Garowe, Town is Tense
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Alayaraxma -
Thankful Ethiopia had it's own interest and so did we , we wanted to get rid of Siyad barres Government and in these kind of cases your enemy's enemy is your friend it's part of politics Isiyas and melez were both armed By Siyad barres government so its all fair in the game my friend. My Aim was an independent Somaliland and i got what i want i don't care what Ethiopias deep interest were or not Somalidu waxay tidha war ku guur laakin yaan lugugu guurin. Moonlight Sure the dervishes can be remembered and their Mullah and their poets and Military leaders and their forts in taleeh and in Midhsisho and badhan and in their short lived dervish state they Fought the British In burco that's where it all started and then fardhidin and then Beerdhiga jidbaale But they were not successful they were defeated and Somaliland gained independence 40 years Later that's why the two cannot be compared besides the Topic is not Darawiish but it's SNM i have never see you celebrate the Darwiish in Mogadisho how come? is it because you destroyed the statue of the Mullah as for your Point USC fought the Siyad bare regime yes they did but they started fighting Siyad bare in the Begin 1990s and before that many of the usc members were Part of the SNM Like Cosoble and others. As for Cabdi aziz bare well we all know what happened to him in In balidhiig in 1989 he attacked balidhig 3 times and all the 3 Battles he lost men and lost his technicals That's when he fled in to Laascanood. All of Southern Somaliland in 1989 was in the hands of SNM from kalabaydh to wajaale to Maqaxida inanta allaybaday Balidhig all the way to lawyacade Baliguduble SNM head quarters From 1988 1991 and in 1990 Sayid cali faction of SNM reseized eastern Hargeysa, The last Stronghold the Siyad bare govt held was berbera and they lost Berbera 3 days before usc Boys Knocked on Vila Somalia.
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Hambalyo U Diray Mujaahidiintii SNM, Xuska Ku Aadan Sanad-guuradii 30aad Ee Asaaska Jabhadaa Oo Ku Beegan Maalinta Bari. Hargeysa (Ramaas) Apr.05 , 2011 - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi Cabdi Yusuuf Gaboose, ayaa caawa hambalyo u diray guud ahaan mujaahidiinta SNM ee ka qaybgashay dagaaladi dalka lagaga xoreeyay tasliskii Maxamed Siyaad Barre oo xusuuq ba’an u gaystay shacabka Somaliland. Hambalyada wasiirku waxay ku aadan tahay maalintii asaasida jabhada oo ku beegan lixda bishan April oo ah maalinta bari, waana soddon guuradii ka soo wareegtay maalintii lagaga dhawaaqay magaalada London, taas oo ahayd 6-dii bisha April 1981. Waxaana uu Dr. Gaboose ilaahay ugu baryay mujaahidiinta SNM uu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, intii ku dhimatay dib u xorayntii dalkana uu ka waraabiyo naxrristiisa. Ramaasnews Desk
-
A_Khadar;709176 wrote: Finally, you cann't help to say S/L after all is SNM with your own terms and words. The two are synonymous right ya XX? I knew you're hold on to anything cause of arguing one point SNM is history and gone, now posting pics that S/L celeberating SNM. What a crazy mind of you. I am expecting you defending this now saying what? plz.. SNM is part of the History of Somaliland and even that of Somalia and we remember the history of our Country i don't see a problem with that do you? TPLF is part of Ethiopian History EPLF is part of Eritrean History SPLM is part of the history of south sudan and north Sudan.
-
XUSKA APRIL 6: MAALINTA SNM IYO XUSUUS TAARIIKHEED Xuska April 6: Maalinta SNM Ahmed Arwo Maqaalkan hoos ku qoran waa mid xusuus ah oon qoray xuskii SNM ee 2005. Bal mar kale ila akhri oo ila qaado in wax badan oon saadinaayey yimaadeen, in xilka iyo xukunka maamulaa dalka uu hormood u yahay Guddoomiyihii ugu muddada dheer ee SNM Mujaahid Axmed Siilaanyo…weli se guushii lama wada gaadhin oo hadafii ahaa inaynu helno dal dunida ka mid ah, barwaaqo iyo degnaansho leh…waxbaa dhiman nolahuna ma leh guul dhan. Marba waxbaa dhiman..sideedaba waa geedi ee aan noqon dar geedigaas u sahay qaata if iyo aakhriba..aan idinku dhaafo maqaalka oo idin xusuusin doonaa dhacdooyinkii taagnaa 2005 iyo waxii aynu tebeynay.… XUSUUS IYO XUSKII SNM 2005: Waxay ahayd 6/6/1981, maalintii aasaaska SNM, goob joogbaan u ahaa. Waxaan ku jiray jaamacadda London oon ka samaynaayey MSc London School of Economics.Waxa gurigayga ku soo degay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii u horeeyey ee SNM, Muj. Axmed Jimcaale.Waxay ahayd maalin dareenka dadku isku jir yahay. Maalin farxad iyo werwer isagu jirtay. Waxa rag badan oo u badan odayaashii ku raagay dalkan oo dacaayad xoog leh laga dhaadhiciyey ay aad uga baqayeen waxa loogu yeedhay u shaqaynta cadowga iyo nabad la'aanta ka dhalan karta halganka. Dadka warka dalka u dhow, iyo dhallintu waxay u ahayd maalin guul iyo xorriyad saadinaysa. Socodku waa taalaabooyin isku biiray. Waxay arkayeen, in talaabada maanta la qaaday noqon doonto tii dalka ka badbaadin lahayd dulmiga iyo boobka gaamuray. Tii iftiimin lahayd dariiqa rajada iyo ididiilada.Waxay ahayd maalin wufuudda ka yimid qurbojooga reer Somaliland ayna midayn qabiil iyo qoys.Waxa ka soocay Soomali, waxay ahyd dulmi gaar loo calaamadsaday. Waxa isku keenay badbaado iyo naf la carar. Waxa loogu soo galay godkii ugu dambeeyey. Qiimaha iyo qiirada dhismaha SNM waxa si cad u muujiyey habka wacan ee wufuudda loo soo xulay. Waxa ka yimid Jeddah, Riyaad, Abu-Dhabay,Kuwait, Qadar iyo magaalooyinka Ingiriiska, rag aan loo qaybsan beelo, rag loo eegay kaalinta ay kaga jireen halganka. Ma jirin wafdiga imisaynu ku leenahay. May jirin golaha, ayaa inoogu jiraa, ma ay jirin wax ka badan magacaabid aan cidini ku tartamin. Waxay ahayd garasho sare, oo ka dhalatay damqasho taabatay dhammaantood. Reeraha maanta Internetka isu galay waxay ahaayeen rag isku duuban, runta isu sheega oon qabiil u xagliyin. Waxa loo dhaqmaayey sida qoys keliya oo walaal,aabe iyo hooyo ka kooban.Ixtiraam ka weyne leeyahay, ka wax yaqaan laga dambeeyo, ka jilicsan loo naxo, ka yar la taakuliyo, ka jiran loo jarmaado. Wa xusuus damqaysa xididada maskaxda oo kicinaysa garaaca wadnaha. Waxa aan xusuustaa maalin aanu fadhinay gurigayga oo nin galaha fulinta ee SNM loo doortay oonu qoys hoose isku nahay si xun ula hadlay guddoomihii SNM, kolkaas waxa si la yab leh u booday Xasan Ciise Jaamac oo isna ka tirsanaa golaha fulinta, isagoo hadal birta ka adag ninkii ku yidhi, kuna kalifay inuu xaal bixiyo. Waxa la ahaa walaalo, aan abtirsiin silsiladaysan lahayn. Ab keliya iyo hadaf keliya leh. Waxa soo dhacaayey telefoono afarta jihaba ka imanaayay. Wa bushaare iyo bogaadin, waa farxad iyo reynreyn loo dhan yahay. Waxa toosay dareen wax badan hurday.Waxa is taagay geesiyadii naftooda nacay. Waxa bilaabmay dariiqii xoriyadda, waxaana isla markaas bilaabmay burburkii ******ta.Waxa laga ladi waayey, guryahii lagu dhistay booli qaran. Waxa bilaabmay gaaf-wareeg iyo hurda la'aan ku habsatay kuwii xaaraanta xalaashaday. Laba cisho ka dib, waxa aan arkay gabadh uu dhalay Xuseen Kulmiye oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii ******ta oo ahayd 2nd Secretary Safaaradda London.Waxay ahayd qof aad u fiican oo waxtar wadani leh.Waxaa dhacday in loo diido ragii bad maax aha (seamen) in loo jadiidiyo basaboorada. Iyada ayaan u gayn jiray oo si hoose noogu jadiidin jirtay. Hadaba maalintaas, waxay ii sheegtay in safaaraddii fadhi la'day oo canaan iyo cay uga imanayso Xamar, la leeyahay waa inaad wax kasta samaysaan ood ku joojisaan dhaqdhaqaaq SNM, waxa loo soo diray lacag siyaade ah oo arrintan lagu fuliyo. Waxa la adkeeyey basabooradii. Waxay se taasi dhalisay arrin la yaab leh. Badmaaxa oo ku faani jiaray Somalinimada diidaynay inay jinsiyadda dalkan qaataan, ayaa markiiba tan dalbaday. Waxay helayn dhalashada Ingiriiska si dhekhso ah. Waxaan bilaabantay in laga maarmo hanjabaadii iyo dulaysigii guriga jahliga iyo dulmiga.Waxayna dhaxantii ka duulisay intii arrinta baasaboorku ku kaliftay inay SNM ka maagaan. Bal sawirkaas ag dhig maanta.Waxaad arkaysaa inaan weli la gaaadhin hadafkii, in dad badani daalay, in ay jiraan dar ku hawlan jid goyn.Waxa jira cadow debed iyo gudaba u heelan burburka intan la gaaadhay.Waxaad arkaysaa sida loo kala jabinaayo raggii dhufayska ku walaaloobay.Waxaad arkaysa halyeeyadii halganka sida looga hor keenay rag ay is xigaan oo fikradda ay dhiibtaanba masaxa. Maxaa keenay in nin walba loo helo inaadeerkii oo u jawaaba.Ninka dalka iyo dadka ka hadla, maxaa reerkiisu ugu jawaaba. Ma af reerbuu ku hadlay, ma qoysbuu u hadlay.Qaran iyo qawmiyad ninka soo qaadaa, ma aha in qabiil iyo qoys u jawaabo. Waa tilmaamta nidaamka isticmaarka laga dhaxlay ee qaybi oo xukin. Geedigu wuu socdaa, waxaana horseed u ah isla kuwii hore u dhaqaajiyey dalka. Ninkii daalaa dalka kama dhalan. Bohol kasta,booraan kasta iyo buur kastaba waa la jiidhi oo la fuuli.Habka loo diriraa ma aha qorigoo keliya. Kaas weynu ka gudubnay. Waxa maanta loo bahan yahay inaan qalinka, iyo fikirka isu gayno. Inaan codka shacbiga uruurino. In foodka lagu muujiyo habkii lagu gaadhi lahaa hanashada himilada dadweynaha. Waa inaan iska jirnaa hebel hebal ka hor keen, reerna reer ka hor keen, qoyna qoys ka hor keen.Marka wax laguu sheego ha la boodin, baadh, ka baaran deg, oo miyir u qiimee. Is weydii waayo? Maxay? Halkee?Sidee?.Hubsiimo halbaa la siistaa.Talada aan la ruugin waa lagu rafaadaa. Maxaa dhacay dorraad. Waa astaanta dawlad bacaysan.Waa calaamadda dhammaadka diktaatooriyadda. Xooga lagu galay Xafiiska Kulmiye waxuu qaawiyey jahliga iyo cabsida ku xaydaaman ragga maamulka dalka loo igmaday. Waxay baadhayaan Idaacad Yurub taala. Kolka distoorka dalku u fasaxaayo in dalka gudihiisa laga furto.Maanta waxa ay ka gubanayaan in la helay idaacad ayna joojin karin. Mid xaqa iyo runta u taagan. Dhexdhexaadnimada idaacadda ha ka faa'idaystaan oo dhankooda ha ka bixiyaan waraysiyo iyo warba. Oo ha joojiyaan baratanka ay ugu jiraan Idaacadaha Xamar. Si kale uma banaana.Waxa shacbiga u cadaatay garaadka iyo garashada cidda laga rabo inay dalka u hogaamiso qarniga 21naad. Waa taariikh mar kale is qoraysa. Waxa laciifay wada-tashigii, waxa la cadaystay in fikrad keliya la maqlo, waxa la sugaa qaraar qof keliya. Waxa shacbiga lagu xukuma gaajo iyo jahli. "Dadku ha baahdo, oo cashuurta aynu ka qaadno, aynu ku laaluushno ", waa siyaasad caan ku ah dalalka keli-talisku ka jiro.Cashuurta waxa laga qaadaa qofba qofkuu ka itaal daran yahay. Waxa maalin kasta la dul joogo caano diiqda milicdu dubtay, iyo xamaalka garabku madoobaaday. Waxa habeen iyo maalin lagu gaaf wareegaa landcruiser ay wasiirada iyo qoysyadoodu wataan. Dan yartu ma leh tacliin ay helaan, ma laha waxbarasho ay ubadkooda geeyaan, ma laha biyo iyo nal. Waa nolal dhiigooda lagu nool yahay. Cashuurta kama baxsan karaan, kamana faa'iidaysan karaan. Waa dar baahida haysaa u diidayso inay waqti u helaan ay qayb ka qaataan siyaasadda dalka. Waxa habboon in danyarta la tuso habka dimuquraadiyadda si ay u yeeshaan awood siyaasadeed oy xaqooda wadaninimo ku heli karaan.Waa in kor loo qaadaa garaad- siyaasiga ee dadweynaha.Iyadaa dhalinaysa in cidda dalka loo dhiibo lala xisaabtamo oo la xakameeyo. Maanta waxa inala gudboon inaynu wacyiga siyaasiga kor u qaadno. Inaan furfurnaanta shacbiga ka dheeraano. Inaynu qabsano tiirka distoorka iyo sharciga. Inaan cisayno ciddii halganka inoo horseeday, inaynu u mahadnaqno geesiyadii SNM ee guusha inta la gaadhay u dhimatay, u dhaawacantay una maal beeshay.Waa inaan baranaa sida aynu ugu mahadnaqno shaqaalaha dawladda inta hawshooda bogata, macalimiinta ubadka inoo korisa, siyaasiinta u badheedha inay hor joogsadaan dulmiga iyo talada qaloocan.Waa inaan kala garanaa ka u damqada dadka iyo kan dhabaqsada dhiigooda. Wa inaan u hiilinaa muwaadin kasta oo xaq darro loo dhaco, loo xidho loo hanjabo. Dadku waa inuu isu naxaa meel kasta ooy joogaan. Ha ku eekaan xaafadaada, degmadaada, iyo gobalkaaga. MIn Lowyacaddo ilaa Ceelaayo isu damqada oo isu naxa. Haysku wiirsanina, haddii shalayto lagu hiilin waayey, adigu dhaan si loo helo dal walaalo degaan oo midnimada qaranka loo dhidbo.Wanaaga maalin ayuunbaa la bilaabaa. Ku dhaqaaq maanta oo ha sugin berrito.Ha xusuusan shalayto. Eeg mustaqbalka.U hiili ubadkaaga, aayahooda ka tali. Taladaada ku toosi mayalka qaloocan. Ugu dambayn, waxaan tahniyad u diriyaa halyeeyadii SNM ee dhaliyey dalka Somaliland.La'aantood ma jirteen Somalilaand. Kumaankunkii dhintay Illaahay ha u naxariisto, kuwa dhaawacmay Illah ha daweeyo, agoonta Allah ha abaalmariyo. Ha la qiimeeyo agoonta, ha ixtiraamo qof kasta oo halganka qayb ka ahaa. Waxa iman maalin loo hiiliyo taariikhda oo qalin dahab ah lagu qoro masiirka ummadda. Maalin magaca SNM noqdo mid lagyu xardho taalooyin maagaalo kasta laga dhisi doono. Waa hubaal in la gaadhi guusha shacbigu u halgamo, Illaahna la kaashadu.Samir iyo soo-jeed isku wada.
-
Breaking News: Mad Man Throws Grenade Into Hargeisa's Busy Market
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Jb Ninka walaan Bam gacmeeedka ma Marketki bacadlaha downtown bey ka dhacday qaraxu? -
Thankful;709122 wrote: 20 people Xaaji.....looool we got mothers and students on the list!! wow 20 people have spoken Thankful did you want saado cali on the list or something ?