Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Salax we can't take the Jidbaale Boys serious remember when they said Garaad abshir was chased away when he welcomed talks with Somaliland officials last year in widhwidh . Non of that was true Garaad abshir was warmly welcomed by his people. The same way the Widhwidh caaqil was welcomed by his people today.
  2. Somalina;709514 wrote: Xagguu ka keeney grenade-ka? askari waashey miyuu ahaa? I am not sure mala garowe bu ka so ibsaday
  3. Khubaddii Wasiirka Arrimaha Guduhu Ka Jeediyay Xuskii Ururkii SNM April 6th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ku dedaalayo siddii uu uga dhabeyn lahaa himiladdii halgankii loo soo maray Dalka. Islamarkaana, waxaa uu tilmaamay in aan waqtigan la fileyn cabasho ka soo yeedha halgamayaashii SNM qaarkood. Dr; Gaboose oo ka hadlayay xaflad lagu xusayay Aas-aaskii ururkii SNM 1981 oo maanta oo kale ku beegneyd, taasoo lagu qabtay Caasimadda Hargeysa ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu ku tilmaamay in aan halganku dhamaan loona baahanyahay in la sii waddo oo aan laga niyadjabin. Hadalka Wasiirka Arrimaha guduhu waxaa ka mid ahaa oo uu khudbadiisa ku yidhi siddan: “Waxay himilladoodu ahayd in qaran cadaalad iyo dimuquraadiyad ah la hello, waxaana hor taalay nolol adag oo musuq maasuq cadaalad darro ku dhisan. Waxay ujeedadoodu ahayd oo ay dhiigooda u hureen, in dimuquraadiyad sinaan iyo cadaalad la hello. Sidaas awgeed, waxaynu hiigsaneynaa way ka balaadhan tahay nolol maalmeed waa qarankaa maanta caalamku ammaanayo ee wufuuda iska soo daba-dhacaysa aad arkaysaan, su’aalaha maanta caalamku is weydiinayaana waxaa ka mid ah, siddee ayaad halkan ku gaadheen. Guulahaana waxa dhaliyay, raga aan idiin sheegay ee qaar nool-yihiin, qaar geeriyoodeen kuwana dhaawacmeen. Markaa waa in himiladeenu noqotaa in ka gaadhi qurux badan watta uu gaadhigiisa wato inana aynu mid ka sii qurux badan kaxaysano. ..Horena dhaqankeena ugumay jirin, in aynu ka masayro wax qof kale wato, himiladeenu waa in ay noqotaa qaran qani ah oo cadaalad ah, markaas ayaynu wixii SNM u soo halgantay dhadhan yeelanayaa. Waxaan idiin sheegayaa, umad walba halgankeedu waa sil-silad., ilaa maalintii gumaysigii ingiriiska ragbaa dhiigooda hurayay oo hanti ku bixinayay waana sil-silad taxane ah, halganka SNM-na meel dhumuc leh ayuu ka galayaa, dhamaantoodna waa la xusayaa. Waxaa halkan fadhiya Boobe oo taariikh badan haya, mid wal oo taariikhdaas ka mid ahna quruxdeeda ayay yeelanaysaa taas ayaanay ku jirtaa danta Somaliland.” Waxaan idiin sheegayaa in aanu halgankii dhamaan, haddii kuwii dibada joogay ay ahaayeen kuwaa tanaasulay ee qarankii xukunkiisa ku wareejiyay dadka Somaliland, dhiseena qaran la wada leeyahay, kana tanaasuleen damacooddii iyagoo eegaya walaalnimadda ummadda halgankii intaas kuma dhamaan dagaal dheer ayaa ina sugaya. Geesiyaal danbe ayaana dhalan-doona, kuwa dhabarkeena ku jira ayaana Lixle, Maxamed Cali iyo Siilaanyo noqon doona. Waad ogtihiin Madaxweynaha maanta dalka haystaa inuu dhaxantii iyo daranyaddii qaxootiga idinla joogay, himiladdii kuwaasi lahaayeen ayuu leeyahay, mana aan fileyn in maanta SNM cabanayaan. Waxaan idiin sheegayaa, waa in aad ku riixdaan Madaxweynaha inuu cadaalada ka shaqeeyo, waa in aad ku riixdaan inuu Ilaaliyo agoonta Somaliland oo dhan koone kasta oo ay joogto, waa in aad ku riixdaan inuu ilaaliyo ka waalan ee Jidka maraya. waxaan idiin balanqaadayaa aniga oo xukuumadda maanta u jooga halkan in Madaxweynaha Somaliland oo aan ogahay dareenkiissu uu yahay in Agoonta iyo Taariikhda Somaliland wax weyni iska bedelaan.”
  4. Tell me about your different report Mr A khadar
  5. General Duke;709492 wrote: SNM, dont like this.. Koonfurians don't like this
  6. General Duke;709490 wrote: However reer Mudug are always champions of Somaliweyn and support Farmaajo's stance against the UN. That's right north galkacyo Folks Support Farmaajo and they Don't support Faroole,, In his political wars against the TFG faroole supports the UN conference led by mahiga in nairobi while the people of north galkacyo believe that Farmaajo represent them and not Mr garowe
  7. Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Oodweyne Oo Maanta La Furay Saddex Iyo Labaatan Sanno Ka Dib. Oodweyne (Ramaas) Apr.6, 2011- Cisbitaalka guud ee Magaalo madaxda gobolka Daad-Maadheedh ee Oodweyne, ayaa maanta si rasmi ah loo furay markii ugu horaysay muddo ka badan saddex iyo labaatan sanno oo uu xidhnaa ka dib markii uu ku buburay dagaaladii u dhexeeyay jabhadii SNM iyo ciidamadii dawladii kacaanka Soomaaliya. Furataanka cisbistaalkan oo dhismihiisa fuliyeen hay’adaha gargaarku waxa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland, madaxda gobolka Daad-Madheedh iyo dadweynaha ku nool Magaalada Oodweyne, iyada oo la dhamaytiray in badan qalabka loogu talagalay cisbitaalka sida ay sheegeen madaxdii ka hadashay furitaanka cisbitaalku. Wasiirka ku xigeen caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadashay munaasadaas, ayaa sheegtay in cisbitaalkan oo uu wax wey ka tari doono baahida caafimaad ee ay qabeen shacabka gobolka oo ah mid ay ballaadhan tahay baxaadeedu, waxa ay sheegtay in wasaarada caafimaadku ay gacan ka gaysan doonto socodsiinta adeegyada cisbitaalka oo ay bixin doonto agabka loo baahan yahay, isla markaana ay bixin doonaan mushaharka shaqaalaha. Dhanka kale isna xadhiga lag jaray cisbitaalka TB-da ee Magaalada Oodweyne oo xidhnaa muddo dheer oo hada u hawgali doona si toos ah oo lagu daaweyn doona bukaanka qaba xanuunka qaaxada. ku yeelan xidhiidhka ay Somaliland beesha caalamka, waxaana la rajaynayaa in dib loo soo celiya oo uu guddida ka mid noqdo
  8. Somaliland had 3 Presidents from burco only it's time for a president from other regions of Somaliland.
  9. ^^ Are you telling us the widhwidh caaqil and mustafe galaal and keyse were not be welcomed in their own city ?
  10. Faroole is losing credibility and that's a fact and his Garowe clan can't control the will of the people of north Galkacyo as they openly support the TFG things that are Forbidden according to the Admin in Garowe. When was the last time Faroole Visited Galkacyo?
  11. Xisbiga KULMIYE Oo Mar Kale Ummadda U Soo Bandhigay Bisaylkiisa Shirkii Golaha Dhexena Cayimay April 6th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa maanta shaaciyay xiliga la qaban doono shirkii Golaha Dhexe ee xisbigaasi. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011. Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka. Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood.” Xisbiga KULMIYE oo hore u ahaa xisbigii shirweynihiisii iyo shirkii Golaha dhexeba u qabsaday si dimuqraadi ah, ayaa Talaabadani noqonaysaa in xisbigaasi mar kale ummadda Somaliland u soo bandhigay dimuqraadiyadiisa iyo sida uu u yahay xisbi furan oo dhexdiisa la iska soo sharixi karo. Waxa kale oo dadweynuhu u guuxeen tallaabadii madaxweyne Siilaanyo uu u wareejiyay Hoggaankii xisbiga maalmo ka dib markii uu la wareegay tallada dalka. Cumar Maxamed Faarax
  12. Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo la Cayimay. Wednesday, 06 April 2011 Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa muddeeyey wakhtiga la qaban doono shirweynaha Golaha Dhexe ee xisbiga. Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Ismaaciil Shabeel, ayaa ku dhawaaqay in shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga la qaban doono 6 June 2011-ka.War-murtiyeed Guddoomiyuhu soo saaray oo uu arrintaasi kaga hadlay, isla markaana ku wargeliyey xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;“Waxaan maanta oo ay bishu tahay 6/04/2011 ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu marka ay tahay 6 june 2011.Sidaas darteed waxaan ka rajaynayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay u diyaar garoobaan siday uga soo qayb geli lahaayeen shirka.Iyada oo shirka wakhtigiisu dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood,” ayuu ku soo gebogabeeyey qoraalkiisa guddoomiyuhu.Togdhnews
  13. Weleh yarta angelina Jolie waxay ku jirta Dumarka ugu dabnaha Buux buuxsan
  14. General Duke;709427 wrote: Puntland population love the republic. The population can agree and disagree with their leadership. You mean the population from North galkacyo hate the Faroole Admin and they don't take the Admin in garowe serious and they rather support the TFG instead of the local Clan leader in Garowe. It's seems Faroole is losing it, he lost the people of galgala he lost the Darwiish Folks and now the support of North galkacyo.
  15. I thought faroole admin said TFG does not exist in the pirate state any more and we no longer support it , it seems like he losing the support of the People of north galkacyo and they rather support Sharif and farmaajo instead of faroole.
  16. Gaalkacyo:Banaanbax lagu taageerayo Mowqifku Ra’iisul Wasaare Farmaajo & dawladiisa oo Gaalkacyo ka dhacay.5. april 2011* APL * Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maanta gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ka dhacay Banaanbax aad u balaaran oo ay ka qeybgaleen dadweyne kamid ah kuwa kunool magaalada Gaalkacyo oo ay ka dhexmuuqdeen ururada bulshada & qaarkamid ah ardayday waxkabarata gobolka Mudug kaas oo lagu taageerayo xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) gaar ahaana tilaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay qaadatay oo ay ku jiraan qaadacistii shirka Nairobi & go’aankii hay’adaha lagu amrayey inay dalka si deg deg ah uga howl bilaabaan.Banaanbaxayaasha oo aad u badnaa islamarkaasna watay gaadiid kamid ah kuwa dadweynaha ee PL-ka loo yaqaano ay ka lusheen calanka Jamhuuriyada Soomaaliya & sawiro uu leeyahay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane,Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa socod ku maray gudaha magaalada Gaalkacyo iyagoo markii danbena meel fagaare ah isugutagay waxaana halkaas ka hadlay qaarkamid ah madaxda ururada bulshada.Dadkii banaanbaxan balaaran ka hadlay ayaa waxaakamid ahayd Marow.Dahabo Maxamed Barre (Dahabo Wadani) oo kamid ah haweenka gobolka Mudug ayaa ku dheeraataay taageerista xukuumada Soomaaliya & tilaabooyinki ay qaateen ra’iisulwasaaraha soomaaliya & xubnaha golaha wasiirada ee uu isagu madaxda u yahay,waxaana ay ka codsatay inay sii labajibaaraan go’aamadaas islamarkaasna ay sii wadaan dadalaadooda ay dalka xaaladiisa wax uga badalayaan taas oo ay sheegtay in kumanaan Soomaaliyeed ay iyaga sugayaan.
  17. NGONGE;709414 wrote: Notice how almost all the ones replying to this thread are all from SL? War safka hore ka baxa dee, waad na kashifteen. War dee Jb na wa wariye oo warku so tabiiyey aniga iyo salax na wanu tacsiyadayney Ninki geeriooday anigu sidan u arkay dadki ugu horeyey eeh tacsiiyey ninka la dilay baanu nahay marka hadanu reer Somaliland nahay waxanu isu haysana inaynu kheyr samayney mise Ngonge ma waxad leedahay yaan la tacsiyadayn reer puntland oo shib hala yidha taasina wa baab kale:D
  18. Xuska Sanad-Guuradda 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururka SNM Oo Maanta Loo Xusay Si Ka Qiimo Badan Xusaskii Siddeedii Sanadood Ee U Dambeeyay. Hargeysa (Ramaas) Ap 6,2011- Sanad guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay ururkii SNM ee dhaliyey xoriyadda maanta Somaliland ku naaloonayso, isla-markaana shacabka ka dul-qaaday kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta si wayn looga xusay Magaalo madaxda dalka ee Hargeysa. Xuskan sanad guurada 30-aad ee aasaaska ururkii SNM (Somali National Movement) ayaa maanta loo xusay si ka duwan sidii loo xusi jiray wakhtigii talada dalka uu hayay Madaxwaynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, iyadda oo lagu qabtay hoolka shirarka ee shawqaalaha dawlada isla-markaana la soo bandhigay taariikhda ma guurtada ah ee SNM ku leedahay guud ahaan dhulka soomalidu degto. Munaasibadan ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, axsaabta qaranka, qaar ka mid ah aasaasayaashii sanadihii siddeetamaadkii SNM kaga dhawaaqay Magaaladda LODON ee cariga Ingiriiska mujaahidiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin xuska maanta oo si wayn uga duwanaa xusaskii 8-deedii sanadood ee ugu dambeeyay. Guddoomiyaha jimciyadda mujaahidiinta Sooyaal Mujaahid Xasan Axmed, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxaynu joognaa 6-da bisha aprill ah oo maalintii ururkii SNM la aasaasay, waxaana laga joogaa 30 sanadood oo 10-na la halgamayay 20-na dalka aynu haysanay. Anagu SNM ahaan waanu soo taaganahay maadaama oo guddoomiyihii SNM uu yahay Madaxwaynaha Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay in dadka reer Somaliland gacmaha is qabsadaan, waxaanuna soo diyaarinay barnaamij horumarineed oo diyaar ah.” Cabdisalaan Yaasiin Gabay-xadi, oo ka mid ah aqoonyahanka dalka, kana mid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee SNM aasaasay oo isna xaflada hadal dheer ka jeediyay ayaa soo qaaday “SNM waxay keentay dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah, dawlada aynu haysanana cid inagu haysato, waayo waa dawladii aynu u dagaalanay ee aynu dhiiga u hurnay, sida aynu u sii adkaysanaynana inaga ayay inagu xidhan tahay, haddii la ina ictiraafo iyo haddii kaleba dalkan inaga ayaa leh ma yeelayno adduunimo, ma yeelayno cid dambe oo aanu maamulkeena iyo dawladnimadeena isku daba taagno, waa waxaa dadku u dhintay.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Haddii aynu keenay dawladnimadii cadaalad ayay dawladnimadeenu wax ku noqon karaysaa, dadkii, dalkii iyo dawladii xorta ahaydba waynu haynaa, waana inaynu diyaarsano quwadeena oo dhan oo aynu wax walba iska celinaa.”ayuu yidhi. Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo ka nool saddexdii mujaahid ee ugu horeeyay ee ka baxa ciidamadii kaligii taliyihii Siyaad barre ee u talaaba dhinaca dalka Itoobiya oo ay ku sugnaayeen kooxihii ugu horeeyay ee SNM oo isna halkaa kalmado muhiim ka yidhi ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ILAAHAY naxariistee jano haka waraabiyo shuhaadadii u shahiiday halgankii aynu maanta dambarkiisii maalayno.”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey “Waxa muhiim ah in taariikhdaa la ilaaliyo, ma waxaynu odhan karnaa dadka Soomaliyeed ee aynu soomalida isku ahayn ee aynu isku dawlada ahayn, haddii aynu nahay intan maanta Somaliland ah ama reer Waqooyiga nahay ma waxaynu odhan karnaa waynu ka wanaagsanayn ama waynu ka muslimsanayn, farqiga maanta jira ee ta nabada ka dhigay Xamar iyo hareerahadana aynu wax ka socda aynu ognahay, waxaynu odhan karnaa waa biseylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa garashadii mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka, sida ay xoriyadda aabo iyo hooyo ugu yihiin ayay nabadana aabo ugu yihiin, haddii maalintii la wada kala aar-goostoo oo qabiil la wada noqon lahaa oo aynaan dawlad lahaan lahayn sidaa Xamar ayaynu ahaan lahayn ILAAHAY inagama dhigee.” Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) isaguna ka mid ahaa dadkii halganka sida wayn uga qayb-qaatay isla-markaana isku hawla inuu ururiyo taariikhda mujaahidinta SNM ee shahiiday halganka ayaa isaguna tilmaamay “Intii SNM jirtay 6 guddoomiye ayaa is badalay, taasina dimuqraadiyadda SNM ayay ahayd.”ayuu yidhi Muj. Boobe. Munaasibadan loo sameeyay xuska sanad guurada oo uu sidoo kale ka hadlay Maxamed Xasan Yoonis Habane oo uu dhalay taliyihii ciidanka qaranka Somaliland ee dhawaanta geeriyooday ayaa iyaguna waxa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Wasiirka daakhliga Dr Maxamed Cabdi Gaboose. Ramaasnews Desk
  19. Weftigii Sarkaalkii Ka Goostay Kooxda SSC Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Widh-widh April 6th, 2011 ‘Waxaan Burco Iyo Hargeysa Kala Kulanay Walaaltinimo Iyo Jacayl Loo Qabo Dadka Deegaanka Widh-widh, Waxaanan Madaxweynaha Kala Hadlay’ Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta ee Kooxda Nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf iyo sodameeye ka mid ah waxgaradka deegaanka Widh-widh, muddo sadex todobaad ah socdaal nabadeed ku joogay Somaliland ayaa Isniintii si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Widh-widh ka dib markii ay dib ugu laabteen deegaankoodii. Keyse Cabdi iyo odayaasha kale waxa lagaga hor yimid duleedka deegaanka Widh-widh. Weftigan ayaa habeen hore shir qaatay saacado la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degmada Widh-widh waxaana hadal uu ka jeediyay shirkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf waxaanu uga waramay socdaalkii nabadeed ee uu ku yimid Burco iyo Hargeysa waxaanu sheegay inay kala kulmeen shacbiga Somaliland soo dhawayn iyo jacayl ay u qabaan dadka degan deegaanka Widhwidh, Buuhoodle iyo Soolba. Keyse waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen masuuliyiinta Somaliland oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay kala hadleen sidii loo horumarin lahaa degmada Widh-Widh. “Socdaalkii aan ku tagay Burco iyo Hargeysa wuxuu ahaa ceelalyo iyo sahan nabadeed, waxaanu kala kulanay Burco iyo Hargeysa soo dhawayn aan la qiyaasi Karin, walaaltinimo iyo jacayl ay u hayaan dadka ka soo jeeda deegaanka Widh-widh, Buuhoodle Iyo Soolba. Waxaan la kulmay masuuliyiin badan oo Madaxweynaha Somaliland ka mid yahay waxaan kala hadlay 12 qodob oo salka ku haya horumarinta deegaanka Widh-widh, waana ay naga aqbaleen,”ayuu yidhi Xoghayihii hore ee Kooxda ee SSC. Keyse waxa uu sheegay inay iyaguna ka balan qaadeen Madaxweynaha in shacbiga degmada Widh widh ay kaalin ka geystaan nabadeynta “Anaguna waxaanu ka balan qaadnay in deegaanka Widh-widh noqdo xudunta Nabadgelyada, waxaan jecelahay in waxgaradka deegaanku ay nala qaataan arrintaasi,”ayuu yidhi Sarkaalkaasi. Sidoo kale, xubno ka mid ah waxgaradka deegaanka Widhwidh ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la soo afjaro colaada ka taagan deegaamo ka mid ah bariga dalka, waxaanay balan qaadeen inay xukuumada Somaliland kala shaqaynayaan nabadda. Waxaanay sheegeen inay war murtiyeed rasmi ah soo saari doonaan Arbacada maanta. Dhinaca kale, odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa habeen hore afar nin oo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ka yimid Buuhoodle kulan ay la yeesheen waxay ugu baaqeen inay ka baxaan deegaanka Widhwidh haddii kale waxgaradka deegaanku go’aan ka soo saari doonaan. Waxaanay nimankaasi markii dambe ku noqdeen magaalada Buuhoodle.
  20. How can we forget Mujahid General Cali Xuseyn 1988 Somaliand Baligubudle video