Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Duke what makes me happy is happy Somalis in the horn of africa 3 Somali countries side by side Djibouti Somaliland And Somalia working hard to become Something in Africa. Koonfurians need to stop wasting our time and make their country something successful but there are always some elements that are stopping the success of Somalia and the freedom of Somalia like they did During the Colonial era the italian Puppets (Sultans) from North galkacyo 100 Years later their descendants serve the interest of the enemies of Somalia just look @ Cabdilahi Yusuf used and Abused in his own so called Vila Somalia by general gabre and the international community General dukes biggest idol.
  2. Somalina you are right people Like you should be given a chance even though Sh dalxiis is not that old and faarmaajo is Wiilyar xita. everyday i see Somalina i have hope for Somalia noolow awoow Thankful Somalia will always be our neighbouring country no matter what happens Although piracy effects the horn of africa in general
  3. nuune;712241 wrote: Xaaji Xeyraan , waa hagaag hadduu Amiirkaagu imanayo, loo diidi maayo haduusan asaga diidin, waala soo dhaweyn, haduu diidana waa laga tashan loona tashiili maayo hadhowna tusbaxaa loo qoyn, jago haduu rabana waala siin, shirku waa Soomaali, Soomaali baa qabanqaabineysa, Soomaaliyaa lagu qaban, Soomaalidaa la iskugu keeni, waxa joogi doono waa Soomaali, wax kasta waa Soomaali, hal qofoo ajnabi ah waa ka xaaraan haduu Eebe Idmo. Nuuna waxaso oo dhani wa ogalaan kara Amiirku balse meel ay gacanta ay ku hayaan Dawlada meel ma gaadho iyo Abayashood Mahiga iyo bahuku shir lugu ma qaban karo Amiirku ma ogala Amiirku wuxu ogalyahay oo kaliya in shirka lugu qabto meel xor ah oo xalaal oo Somalida isugu timada Gaaalo iyo ajanabi na loom ogala.
  4. Nuuna Amiirku wu imanaya shirka hadanay gaalo iyo bahuku iyo inadeerki mahiga anay meesha joogin oo dad islaami ay shirayan Amiirku wa balan wa isi so xaadirinaya.
  5. Somalina awoow maxa odayasha kugu diray odayasho wax badan bay og yihin cilmi fara badan ba ka buuxa
  6. What's the point of having a reconciliation conference inside the country if the big stakeholder Alshabaab is not present, I am not sure there are no beefing clans in Somalia any more. it's all about groups and different clan states. Galmudug Puntland Ximan iyo xeeb Ahlu sunna Azania all want a federal Somalia there is no beef between them. You need Alshabaab if you want some progress.
  7. awoow wa tay raban inay ku tamaan laakin wiil hoog dalabay ba sheekada fashiliey;)
  8. General Duke;712207 wrote: ^^^I am not sure if I care if Faroole wins or not, the people of Somalia want good leadership, unity and development. They also dont want Anglo Saxon Somali's with different Genes. We all know how the mind of the pirate works Faroole to be placed under Bahuku and the Amisom Gangs and replace Faroole current admin in garowe with some one from north galkacyo probably gagaab . To balance the power struggle between the Pirate Clans, this is not what the People of Somalia need this Mentality destroyed Somalia for decades, Faroole and his garowe crew can't deliver for the people of Somalia he already failed in garowe. 3 things (objectives)for the Garowe clan state use piracy money to built their villages second use UN and international community EU arab league funds directed to the TFG and the full development of Somalia just for their garowe clan project just their Cities and villages use the bosaaso port revenue for garowe projects only and bosaso and north galkacyo even excluding all the non ssdf clans territories while at the same time using the Mogadisho revenue to build the pirate port in Eyl. At the same time trying to convince the world they are fighting piracy getting funds using those funds for new piracy and criminal activities. At the same time screaming the loudest for Somali reconciliation in garowe.No one is going to buy farooles nonsense. And certainly not the Somali people in particular the Mogadisho Community.
  9. Duke faroole is not welcome in Mogadisho the people of Mogadisho do not want him there are you going to force them ? If faroole does not want Sharifs position what's all the fuss about and don't come with a reconciliation conference should be held with in the country because that's what the prime Minister Farmaajo said he wants to invite the Somali people inside the country. What does faroole want other than pleasing Mahiga
  10. oba hiloowlow;712193 wrote: lool Duke madaxweyne inuu faroole rabo inuu noqda ani waa ogahay adi waa ogtahay and the rest of SOL, why would he endorse 2yrs extension without nothing back ? haduu imaamka saas yahay amisom looma baahnadeene ciidan ayuu ka keeni lahaa PL oo shabaab inaan ka xoreyno daalka ayuu naga caawin lahaaye. Oba faroole manu hada ahayn madaxweyne mise wa madaxweyne ku sheeg mise wa afayeenka beesha Garowe ama abaha budhcad badeedka eyl
  11. Xukuumadda Somaliland Oo Maanta Xayiraadii Ka Qaaday Telefiishanka Madaxa-banaan Ee Universal Kadib Markii Muddo Ka Hor Laga Mabnuucay Inuu Ciida Somaliland Wax War Ah Ka Baahiyo. Hargeysa(Ramaas) Apr.14, 2011 - Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday telefiishanka Madaxa banaan ee Universal oo hawlihii warbaahineed ee uu dalka ka hayay laga joojiyay 10 March ee sanadkan 2011-ka ka dib markii lagu eedeeyay inay warar xaqiiqada ka fog ka baahiyeen ciidamada qalabka sidda eek u sugan jiida Buuhoodle. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo Wacy-galinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsadde oo maanta ka hadlayay kulan ay wasaaradda ku yeesheen isaga iyo maamulka telefiishanka ayaa sheegay inay Telefiishanka Universal ka qaadeen xayiraadii ka dib markii mulkiilaha iyo maamulka telefiishanku raali-galin ka bixiyeen wararkii been abuurka ahaa ee wariyaha Tv-ga u jooga Magaaladda Buuhoodle uu ka baahiyey dagaalkii ciidamadda qaranka Somaliland la galeen kooxda nabad-diidka ah ee la baxday SSC. Wasiirka warfaafinta Md Axmed Cabdi Xaabsadde, waxa uu sheegay inay ka wada hadleen maamulka telefiishanka wixii keenay in la xayiro, maamulkuna balan-qaadeen inay ka waan-toobayaan tabinta wararka aan fiicnayn ee sababaya in dadku kacaan, isaga oo telefiishanka Universal uga digay inay baahiyaan wararka xaqiiqada ka fog ee la mid ah kuwii Buuhoodle. Md Xaabsadde, waxa kale oo uu sheegay inay la soo noqonayaan gal-dacwadeenkii ay maxkamadda u gudbiyeen ee la xidhiidhay kiiska loo haystay telefiishanka Universal. Mulkilaha telefiishanka oo isna ka hadlay xayiraad ka qaadista telefiishanka Universal Axmed Abu-bakar ayaa sheegay inay qaateen khaladkooda, isla-markaana ay tallaabo ka qaadeen wariyihii soo tabiyey warkii been abuurka ahaa ee keenay in telefiishanka laba mabnuuca gudaha Somaliland. Mr Axmed Abu-bakar, waxa uu balan-qaaday inay Somaliland ka baahin doonaan warar xaqiiqda ku salaysan oo aan durxaan iyo dhibaato lahayn, isaga oo sidoo kale shacabka reer Somaliland ka raali-galiyey wixii khalad ah ee telefiishankooda ka dhacay.
  12. Maareeyaha Universal Tv oo Raali galin ka bixiyay Warkii Buuhoodle ee ay Baahiyeen Qirayna inuu Friday, 15 April 2011 Hargeysa (Togdhnews)- Xukuumada Somaliland, ayaa dib oggolaansho u siisay telefishanka Universal oo muddo ka badan bil ka hor laga mamnuucay inuu ka shaqeeyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaana waxa shaaciyey Wasiirka Warfaafinta iyo wacy-gelinta Axmed Cabdi Xaabsade oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, kadbi markii wadahadal dhexmaray maareeyaha telefishankaasi oo ku sugan magaalada Hargeysa. Wasiirka oo shirkaa jaraa’id ay ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaasaradda Warfaafinta Faysal Cali Sheekh iyo Maareeyaha Telefishanka Universal, waxa uu halkaasi ka sheegay in kadib markii masuulka telefishanku raaligelin ka bixiyey war barobagaandho ah oo ay ka baahiyeen Somaliland, isla markaana ay heshiis cusub la saxeexdeen ay go’aansadeen in dib loogu oggolaado hawlahoodii shaqo ee ay ka hayeen Somaliland. Wasiir Xaabsade waxa uu sheegay in gal dacwadeedkii ay u gudbiyeen Xeer-ilaalinta la soo noqonayaan si ay dacwadaas u xidhanto. Maareeyaha UniversalTv Axmed Abuubakar oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa cadeeyey in warkii ay faafiyeen ee dhacdadii Buuhoodle uu ahaa been abuur uu sameeyey warayihii wakiilka u ahaa, tallaabona ay ka qaadeen imikana ay heshiis cusub la galeen Wasaarada Warfaafinta Somaliland. TogdheerNews..Hargaysa
  13. Some cute ladies there. laakin reer puntland mid an u sheego heesta heyaa maha hees lugu dhanteyo lolz
  14. Itoobiya oo Ciidan la dagaalama Burcad Badeeka u tababareysa Puntland,Ciidankii u horeeyey oo ambabaxey saaka Posted by Farxaan on April 14th, 2011 Garowe(Puntlandi.com) Waxaa maanta ka ambabaxey Puntland Ciidan gaaraya 355 askari oo kusii jeeda Dalka Itoobiya, halkaasoo tababar uga furmi doono, Ciidanka ayaa saaka Aroornimadii iyagoo gadiidkooda wata ka lexdey magaalada Bacaadweyn halkasoo ay Itoobiya ka galayeen. Ciidankaan ayaa loosoo tababarayaa la dagaalanka Burcad badeedka, waxaana sida aan warka ku helney tababarka bixinaya Cidamoka Mareykan iyo Itoobiyaan ah, iyadoo qorshuhu yahey iney tababarka ugu dambeeya ay ku qaataan Puntland gudehgeeda, lama sheegin inta ay ciidankaan ku maqnaanayaan Itoobiya iyo xilig Tababarku usoo xirmayo. Waxaa Ciidanka saaka u ambabaxey Tabarka hogaaminayey saraakiil ka tirsan Wasaaraa Abniga Puntland iyo Wasaarada Dekadaha o ay hoos yimaadaan barnaamijka ladagaalanka Burcad Badeedka. Waa markii ugu horeysey oo Ciidan Puntland leedahy tababar u aadaan Itoobiya tan iyo xiligii SSDF. Puntlandi.com Garowe
  15. Sharif Siyasad weyn bu ciyaarayaa ,, wuxu tageeero ka raadiiyey Uganda Burundi Nimanka Askarta dawlada Kumeel gaadhka ilaaliyaa Ismacil cumar gelle tageero Buuxda bu ka haysta , ato Melez zanawi bu gaadhay si u shabada ugu dhufto inu xilka si hayo , Xita qolyahan beesha calaamka isku sheega xita ma didi karan Sharifka iyo Farmaajo sabab wax hada ay ku badalan ma hayan sharif na wuxu odhanaya its me or Amiir godane beesha calaamku wa tageereysa sharifka. waxad yara mooda nimanki gaalada inay iyagu isku khilaafsanyihin Yurubian Union waxay raban in aan loo kordhin sharifka halka ay dalalka africanka daneyaa Somalia ay tageersanyihin dawlada hada jirta.
  16. Somalina;711904 wrote: First Faroole's nephew writes Then he comes back today and writes on the same page Aniga maa waalan mise Mudug ayaa laga buraanburaayaa. Quuqlayaasha halkan isugu yimid oo dawlada dacaayadeynaa, walaalayaal Soomaalida aduunka gees ka gees ayaa garab taagan dawladan hadalkiina qiimo kuma fadhiyo. Don't worry jago ayaa la idin siinayaa soon, idinkoo sacbinaaya waa la arki markaas. :D:D:D
  17. Socdaalkii madaxwayne Siilaanyo ku tagay magaalada Berbera kana dhoofay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa manta sirasmiya uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa manta sirasmiya uga dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada berbera waxaana waftiga madaxweynuhu kusii jeedeen qaar kamida wadamada khaliijul Carab sida uu madaxweynuhu sheegayna waxa ay booqashadani ka danbeysay marti qaad rasmiya oo ay marti qaadeen waftiga Madaxweynaha Dawlada boqortooyada Kuwait iyo Madaxda wadan imiraatka Carabta waxaana waftiga Madaxweynaha kamida ahaa Wasiirka wasaarada Arimaha debeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.Wasiirka. Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif.Marwada koowaad ee somaliland marwo Aamina sheekh Maxamed(Jirde)afhayeenka madaxaweynaha Cabdilaahi Maxamed daahir(Cukuse) Madaxa citiraaf raadinta Somaliland Dr Max.edRashiid Sheekh Xassan.Chief of Cabinet ka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xassan. Taliyayaasha ciidamada Qaranka Nuux Ismaaciil Tani.taliyaha ciidanka booliska somaliland General Cilmi Rooble Fure iyo xoghayaha gaar ka ah ee Madaxweynaha Waftiga madaxweynaha oo saaka subaxnumadii hore ka soo kalahay xarunta magaalo madaxda dalka ee Hargeysa ayaa waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera waxaana soo dhaweynta madaxweynaha ka qeyb qaadanaayay madaxda heer Gobol iyo heer Degmo oo ay hogaaminaayan Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) duqa Degmada berbera Cabdalla Maxamed Carab(Sandheere) Maareyaha Dekeda berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo dhamaan madaxda laamaha dawlad ee magaalada berbera waxa kaloo iyana soo dhaweynta Madaxweynaha ka qeyb qaadanaayay qeybo kamida shacbiga ku dhaqan tuulooyinka udhexeeya hargeysa iyo Berbera oo laamiga dhinacyadiisa lataagnaa caleemo qoyan Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay kaantaroolka berbera soo gaadheen abaara 9:00Am subaxnimo waxaanay qadar nusa saace ah ku nasteen xarunta Madaxtooyada ee berbera waxaanay isla markiiba usoo boqooleen dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaalad berbera madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilanyo) ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee berbera ayaa waxa uu saxaafada kula hadlay qolka V.I.P.da ee madaarka berbera waxaanu halkaa kaga waramay socdaalka waftiga uu hogaaminayo iyo wadamada uu socdaalka kusoo marayo iyo sababaha keenay socdaalkiisa waxaana hadaladii madxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud kamid ahaa"waxa aanu maanta u amba baxaynaa wadamada Kuwait iyo Emiraatka halkaas oo nalagu marti qaaday waxaananu maqnaanaynaa ama ay booqashadayadaasi qaadanaysaa mudo wiig iyo dheeraada ama wiiga waxa aanu halkaa utagaynaa nalagu marti qaaday in aanu la soo xaajoono oo aanu kala hadalo wadamadaa aanu tagayno qadiyada arimaha somaliland iyo horumarka dalka waxa aanu ku marti qaadaynaa in ay yimaadaan wadankeena oo ay maalgashadaan waxa kale oo aanu kala hadli doonaa wixii horumarka dalka somaliland ah iyo siyaasadiisa kale iyo maslaxada dhaqaalaha waxaananu doonaynaa in ay nagala hawgalaan mid walba inaga oo og in aynu dhulkaa xidhiidh badan iyo taariikhba wada leenahay bulsho badan oo somaliland ahina ay joogto waliggodna ay ku dhaqneyd mandaqadna aynu wada leenahay dalalkaa iyada oo waxaasi oo dhamiba jiraan ayaa waxa aanu jecelay in aanu sii xoojino xidhiidhkeenaa oo aanu ka faa.iideysano waxa wada qabsi iyo hurumarna la sameyno dhinacyadabkala duwan leh waxaananu ilaahay ka baryaynaa in uu nagu guuleeyo. Madaxweynaha oo aan la weydiin su.aalo doora ayaa waxa uu afhayeenkiisu Cabdilaahi Cukuse saxaafada ku wargaliyay in madaxweynaha la weydiin karo sadex su.aalood oo qudha sadexdiina waxa madaxweynaha weydiiyay laba kamida asxaabta Tvga qaranka waxaanay kala ahaayeen. Maxay danaynayaa wadamadan idin marti qaaday ee maalgashiya ta labaad maxase wadamadaasi inaga caawin karaan.waxaananu kaga jawaabay madaxweynuhu waxay wadamadaasi daneynayaa maalgashiyada dhinaca ganacsiga iyo baayac mushtarka waana waxa aanu doonayno ee uu horumarka wadanku ku xidhan yahay qaarkood waxay daneynayaan ganacsiga kaluunka su.aasha labaad oo aheyd inta badan wadamada carabtu somaliland uma dhega taagan inaga qudheenuna xidhiidh fiican lamaynan laheyn maxaad isleedahay wuu soo kordhin kartaa marti qaadkaagani. Waxa uusoo kordhinayaa xaga dhaqaalaha oo aanu wax kawada qabsano iyo xaga siyaasada oo aanu wixii suuragala kawada hadalo Su.aasha sadexaad waxa weydiiyay Wariyaha shabakada wararka ee Hadhwanaagnews berbera u jooga waxaanay aheyd mid iska kooban oo la xidhiidha wadamada uu soo marayo inta ay yihiin waxaanu Madaxweynuhu ku soo koobay waa wadamada Kuwait iyo Emiraatka carabta. waxaanu Madaxweynuhu salaan sharaf kaga qaatay madaarka berbera ka hor intii aanu dhoofin cutubyo katorsan ciidamada qaranka somaliland oo halkaa kusii diyaar ahaa Wasiirka wasaarada Arimaha debeda somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isna waxa uu isla madashaa ka beeniyay warar uu sheegay in ay qaar kamida Saxaafada ay ayaamahan qoraayeen oo kusaabsan socdaalka madaxweynaha iyo sababaha uu utagayo kuwaas oo uu ku sheegay warar iska been abuura waxaana hadaladii wasiirka kamid ahaa"waxan doonayaa inaan halkan kaga hadlo warar ay saxaafada maxaliga ah ee somaliland qaar kamidi ay qorayeen waxaanay wararkaasi sheegayeen in waftiga madaxweynuhu uu utagayo wadamada khaliijka in uu yahay shirkado ay sheegeen in yihiin shirkado shisheeye oo heshiis lala soo saxeexanayo waxaanay sheegen in ay shirkadahaa kamid tahay shirkada Saarseen International markaa waxan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin wararkaa oo aanay sal iyo raadtoona laheyn mana aha warar xaqiiqo ah waftiga iyo ujeedadiisuna waa taa uu madaxweynahu sida waadaxa ah halkan uga cadeeyay waxa kale oo aan doonayaa inaan raaciyo arinta waftiga madaxweynuhu waxay ka danbeysay marti qaad rasmiya oo ay wada madaasi xukumada ku casuumeen waa wadamada kuwait iyo emiraatka carabta. Booqashadan ama socdaalka madaxweynaha ayaa noqonayaa kii sadexaad intii uu xukunka dalka la wareegay isaga oo hore socdaalo ugu tagay wadamada Jabuuti iyo Britan
  18. oba good point dalka la nabadaynayo wa Somalia , dadka la nabadaynayo wa Somali dadka la isku so dhaweynayo wa somali marka wa caqli gal in shirka dalka gudihisa lugu qabto faarmaajo si fiican bu yeelay
  19. War Deg-Deg Ah: Madaxwaynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaminayo Oo Saaka Ka Dhoofay Madaarka Diyaaradaha Ee Berbera, Iyagga Oo Ku Sii Jeeda Dalalka Imaaraadka Iyo Kuwayt Berbera (Ramaas* Apr 14,2011 Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa saaka ka dhoofay Madaarka diyaaradaha ee Magaaladda Berbera isaga oo u sii jeeda dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt. Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud oo ay safarkiisa ku weheliyaan wasiirada arimaha dibada iyo ganacsiga ayaa waxa la sheegay inuu ku jihaysan yahay wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt oo ay ka heleen marti qaad rasmi ah. Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka diyaaradaha Magaaladda Berbera ayaa sheegay inuu safarkiisan ku tagayo dalka kuwayd iyo Imaaraadka Carabta, halkaana ay kula kulmi doonaan madaxda dalkaa. Ramaasnews Desk
  20. Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo U Kicitimay Kuwayt Iyo Imaaraadka Carabta April 14th, 2011 Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay socdaal shaqo oo uu ku tagay lugtii ugu horaysay ee uu ugu baqoolo dunida carabta tan iyo markii la doortay doorashadii dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay. Madaxweynuhu wuxuu saaka ka dhoofay madaarka Berbera waxaanu u kicitimay dalalka Kuwayt iyo imaaraadka carabta. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay Saxaafada wuxuu sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi iyo wax wada qabsi ee Somaliland la leedahay dalalka carabta. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in labada dalba uu ka helay marti qaad rasmi ah isla markaana uu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta wadamadaasi oo uu kala hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland. Md. Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu kala hadli doono masuuliyiintaasi sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga iyo sidii maal qabeenada dalalkaasi ay u maal-gashan lahaayeen Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu madaarka Berbera salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, waxaana sii sagootiyay Wasiirro iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda. Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa socdaalkiisan ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axmed, Chief of Cabinet-ka Md. Xirsi Cali X. Xasan, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.waxaanu sii raacay diyaarad khaas ah oo ay u keentay dawlada Kuwayt.
  21. Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo La Filayo Inuu Maalinta Beri Oo Khamiisa Safar Ugu Kicitimo Dalalka Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait (Hadhwanaagnews) Wednesday, April 13, 2011 Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait. Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay maalinta beri oo Khamiis ah safar ugu kicitimaan dalalka Imaaradka carabka Iyo waddanka Kuwait. Sidaa waxa shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyey ilo-wareedyo ku dhodhow Qasriga Madaxtooyada Somaliland, Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuummada Somaliland, lamana garanayo inta uu qaadan doono,hasayeeshe Wararku waxay tibaxayaan inuu Madaxweynaha Somaliland casuumad ka helay waddamada Imaraadka Crabta iyo waddanka Kuwait. Safarka la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland ugu kicitimayo dalalkaasi ayaa waxa ku wehelin doona Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan,iyo Marwada kowaad Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-Waris).Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Madaxweynaha loo soo direy diyaarad khaas ah, taasi oo Madaxweynaha ka qaadi doonta Madaarka Magaalada Berbera. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Safarkan la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)m iyo Weftiga uu hogaamin doono ugu kicitimo dalalkaasi ayaa noqonaysa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ugu safro dalalkaasi tan iyo markii xilka madaxweynanimada loo dhaariyey 27-July-2010. Si kastaba ha ahaate, Waddamada caalamka badidooda ayaa daneynaya dalka Jamhuuriyada Somaliland tan iyo markii ay doorashada madaxweynanimada si xalaal iyo xor ah dalka uga qabsoontay 26 June 2010, taasi ay keentay inay muddooyinkii ugu danbeeyey ay dalka wufuud tiro badan dalka ku soo qul-qulayaan.
  22. War deg deg ah. April 13, 2011 Awdalpress – London *- War immiga naga soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo waddanka UAE, ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo oo wata wafdi ka kooban 12 isugu jira wasiirro iyo madax sar sare oo dawladda Somaliland ah ay barrito booqasho ku tegi doonaan waddanka Imaaraadka Carabta. Socdaalkan oo ay ka dambeysey marti qaad ay u fidisay dawladda Imaaraadku, ayaa la sheegayaa in diyaarad khaas ah ay dawladda Imaaraadku u dirtay wafidiga madaxweynuhu uu hoggaaminayo oo barrito ka soo kicitimi doona magaalada Hargeysa. Wafdiga oo uu ka mid yahay wasiirka Macdanta iyo Biyaha oo isagu immiga ku sugan waddanka Imaaraadka ayaa la filayaa in ay labada dawladood ka wada hadli doonaan arrimo horumarineed iyo mid wax wada qabsi.
  23. This is great news now i don't need to drive 2 hours to some Somali xawalaaad to drop the Money i can just send the money trough Western union around the corner to capital hargeysa makes my life easier