Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Wsaaradda Caafimaadka : Wasaaradda caafimaadku iyadoo ka duulaysa Nidaam tayo leh oo ay u dhigtay ha’yadaha samafalka ee caawimada ka gaysta adeegyada caafimaadka waxay heshiisyo ay ku kafaala-qaadayan cisbitaalada waaweyn ee xrumaha caafimaadka bobolada,iyo magaalooyinka bueco,oodweyne,saaxil. Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa siyaasada qaran oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka waxay dib-u habayn balaadhan ku samaysay nidaamka xogta caafimaadka ee dalka(Health Management information system) kaas oo suuta galinaya in la helo xog sugan oo wax ka tarta adeegyada caafimaad ee bulshada. · Wasaaraddu waxa dalbatay khabiiro ku takhakhusay siyaasadda caafimaadka, qorshaynta adeegyada caafimaadka iyo tababaradakhuburadaas oo farsamo ahaan wasaaradda ka caawin doona sidii loo heli lahaa siyaasad hufan iyo qorshe sugan oo haga hawl-galada caafiamadka dalka. Khabiiradan waxay dalka imanayaan bisha May 2011. Waxaa khabiiradan ku caawiyay wasaaradda hay’adda DfID. Ø MAAL-GELINTA IYO BAAHINTA ADEEGYADA CAAFIMAADKA: Waxaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland hirgelisay saddex-biloodkan baahinta adeegyada caafimaad ee hoos ku qoran: · Waxaa la ballaadhiyay barnaamijka xakamaynta cudurka qaaxada oo lagu kordhiyay 2 xarumood oo cusub oo ka dhigaysa tirade guud ee xarumaha lagu daaweeyo cudurka qaaxada 14 dhamaan waddankoo dhan. · Waxaa wasaaraddu heshiis la gashay hay’adaha MSF Belgium oo gabi ahaanba kafaalaqaaday baahida cusbitaalka Burco · Wasaaraddu waxay heshiis la-gashay hay’adda UNDP kaas oo lagu qalabaynayo cusbitaalka Oodweyne. · Wasaaraddu waxay heshiis la gashay hay’adda Health-un-limited oo gabi ahaanba la wareegaysa adeegyada caafimaadka ee gobolka Saaxil oo ka kooban 12 rugo caafimaad, 6 xannaano, 2 xarun caafimaad ama cusbitaal degmo (Goda iyo Sheikh Abdaal) iyo cubitaalka guud ee Berbera. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo 30 bilood ah waxaana maal-gelisay DfI Ø DAAWADA IYO QALABKA CAAFIMAADKA Si loo *****lo baahida daawo ee dalka, isla markaa loo xakameeyo soo dejinta iyo iibka daawada, wasaaraddu waxay soo saartay siyaasad qaran oo ku wajahan daawada oo wadata dhamaan xeerarka aasaasiga ee nidaaminta, isticmaalka, soo-dejinta, keydinta iyo ka-ganacsiga daawooyinka iyo agabka caafimaadka sida hoos ku cad: 1. (Somaliland National Drug Policy Document) oo qeexaysa habka daawo keenista, keydinta, qaybinta iyo isticmaalka. Siyaasadda waxaa ku qeexan hirgelinta shirkad u xilsaaran daawo keenista, keydinta iyo qaybinta 2. National Pharmacy Regulatory Authority, hay’addaas oo u xilsaarnaan doonta xakamaynta suuqa daawada, hay’addaas oo xeerkeedii la dhamaystiray lana horkeeni doono golaha. 3. Liiska Daawada Muhiimka ah ee Qaranka (National Essential Drug List). Siyaasaddu waxay sidoo kale qeexaysaa liiska daawada muhiimka ah ee qaranka oo wadanka la keeni karo daawada ku qeexan liiskan oo cilmiyan ku salaysan daaweynta curudarada ka jira Somaliland. 4. Xeerka daawooyinka deeqaha loo keeno 5. Xeerka diiwaan-gelinta daawooyinka Dhamaan xeerarkan, waxaa la horkeeni doonaa golayaasha si loo ansixiyo. · Wasaaraddu waxay wadaa tiro koobka iyo tayaynta goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay · Wasaaraddu waxay heshii la gashay ururka soo dejiyayaasha daawada, heshiiskaas oo si wada jir ah layskaga kaashanayo sidii loo ilaalin lahaa tayada daawada dalka soo galaysa. · Wasaaradda caafimaadku waxay si rasmi ah uga mamnuucday iibka daawada qaaxada ee goobaha gaarka loo leeyahay, taas oo ka hortegaysa adkeysiga jeermiska qaaxada. Ø TABABARKA HAWL-WADEENADA CAAFIMAADKA Shaqada caafimaadku waa mid ku xidhan farsamda dad (Labour based technology), waxaana hawsha caafimaadka wada 90% xirfadlayaasha caafimaadka ee kala duwan. Lix iyo tobankii sano ee u dambeeyey ma soo bixin xirfadlayaal caafimaad oo tababaran, waxaana machadyadii tababarka caafimaadka intooda badani ku yaaleen koonfur. Dugsiyadii tababarka caafimaadka ee Hargeysa iyo Burco iyo goobihii ay ardaydu seexanaysay waxay ku burbureen dagaalkii dib-u-xoreynta Somaliland. Haddaba: · Wasaaraddu waxay dadaal u u gashay sidii loo heli lahaa xoog cusub oo u tababaran xirfadaha caafimaadka ee kala duwan. Waxaana sannadkan la shaqaaleeyey 443 hawl-wadeen oo isugu jira dhakhatiir, kalkaaliyaal caafimaad iyo farsamayaqaanada kala duwan ee caafimaadka, kuwaas oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal cusub oo ka soo qalin jabiyay dugsiyada caafimaadka iyo jaamadaha dalka iyo shaqaale hore oo caafimaad oon ku jirin liiska shaqaalaha . · Wasaaraddu waxay heshiis la gashay hay’adda UNFPA kaas oo lagu tababri doono 80 umulisooyin muddo 18 bilood ah kuwaas oo laga soo xulay tuulooyinka lixda gobol ee Somaliland. · Waxaa bishan March ka qalin jabiyay machadka tababrka caafimaadka ee Hargeysa sodon gabdhood oo ah umuliso sare oo wax weyn ka tari doona adeegyada caafimaad ee loo qabto hooyada uurka leh iyo ilmaheeda. Umulisooyinka sare waxay leeyihiin aqoon kalkaaliso iyo mid umuliso. · Wasaaraddu waxay ku dadaashay 3 bilood ee u dambeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda hawl-wadeenada caafimaad ee kala duwan sida koorsooyin wax-barasho dibadda ah, seminaro joogto, iyo dhiiri-gelinta cilmi-baadhista caafimaadka. Ø BARNAAMIJYADA XAKAMAYNTA CUDURADA FAAFA · Wasaaraddu iyadoo ka duuliyasa Siyaasadda Caafimaadka Qaranka oo xoogga saaraysa ka hortagga iyo xakamaynta cudurada faafa, waxay hirgeliyasay barnaamijyada hoos ku qoran si loo yareeyo khatarta cudur dilaaca iyo saameynta ay cudurada faafaa ku leeyihiin mujtamaca Somaliland. · Wasaaraddu waxay heshiis la gashay IGAD oo inaga caawinaysa mashruuc lagu xakamaynayo isugudubka cudurka HIV/AIDS ee wadamada aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Djibouti. Mashruucan oo socon doona shan sanno waxaa maal-gelisay World Bank waana markii u horeysay sannadkan aynu heshiis iskaashi oo toos ah aynu la galno IGAD. · Waxaa taageero caalami ah loo helay xakamaynta cudurka duumada faafa (Global Fund round 10) · Waxaa Somaliland ku guulaysatay cidhib-tirka cudurka dabaysha oo aan afartii sanno ee u dambeeyey lagu arag dalkeena. Waxaanay bishan March 2011 la soo gebo-gebeeyey wareegii kowaad oo lagu tallaalay caruur ka badan nus milyan. Olalahan qaran sannadkii laba jeer ayaa la qabtaa si looga hortago khatar ka iman karta wadama jaarka sida Ethiopia iyo Yemen. · Wasaardu waxay go,aansatey in la sameeyo kormeer xoogan, si adeega caafimaad loo dardar geliyo. Goob-kasta oo caafimaad oo dalku leeyahay waxay xarunta dhexe kormeertaa ugu yaraan sadexdii bilood ba hal mar.Isuduwayaasha goboladuna waxay kormeeraan goobaha caafimaad ee goboladooda ugu yaraan bishiiba hal mar.Goob kastoo caafimaad waxa yaala diiwaanka kormeerka (Visitors register) oo uu saxeexo kormeere kastaa Wasaaradda Qorshaynta: Waxa maanta la dhamaystiray qorshaha 5 sanadood ee nuqulka koowaad. Kaasoo noqonaya kii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato intii ay jirtay. Waxa bilaw ah qorshe cadna loo sameeyay gudiyada horumarinta gobollada. Waxa la dhamaystiray tira-koobka iyo diiwaan-gelinta Hay’adaha iyo Ururada ka shaqeeya Sama-falka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ahba. Waxa la sameeyay xeerka lagu dhaqayo Hay’adahaas. Waxa la diyaariyay oo la dhamaystiray siyaasada lagu maamulayo deeqaha iyo kaalmada uu dalku helo. Kuwaas oo aan hore u jirin. Wasaaradda Qorshaynta ayaa markii u horaysay loo sahamiyay qorshe loogu daadajinayo gobolada dalka. Iyada oo kor loo qaadayo tayada wasaarada qorshaynta Qaranka oo muhiim u ah siyaasada cusub ee horumarinta ee xukuumada waxa laga shaqaalaysiiyay 34 xirfadlayaal ah, 12 qof oo isugu jira 3 khabiir iyo 9 ka mid ah Ardayda Jaamacadaha dalka ka qalin-jebisay
  2. Wasaaradda Warfaafinta:- Warfaafintu waxay door muhiim ah ka qaadataa isku-xidhka xukuumada iyo dadweynaha, barbaarinta dareenka wadaniga ah, kobcinta dimuqraadiyada, xoojinta amniga iyo horumarka bulshada. Inkasta oo aanay jirin idaacad wayn oo dalka oo dhan wada gaadha, hadana waxa ay xukuumada cusubi xooga saartay sidii looga bixi lahaa baahida umadu u qabto helitaanka Idaacad ku filan oo dalka oo dhan wada gaadha, hadaba iyada oo laga duuliyo balanqaadkii Madaxweynaha ee uu ku soo qaatay khudbad-sanadeedkii Goleyaasha Qaranka, ee uu ku sheegay in sanadkan gudihiisa la keenayo Idaacad awood leh, waxay ku jirtaa miisaaniyada sanadkan, iyada oo lagu rajo-wayn yahay in sida ugu dhakhsaha badani Idaacadaasi u soo gaadho dalkeena. - Warfaafintu waxay la gashay Heshiis sanad iyo badh mudadiisu tahay Hay’ada BBC World Trust Service, taasoo lagu tababari doono shaqaalaha barnaamijyada Idaacada, iyada oo sidoo kalena qalab ku soo kordhin doonta Studio-yada Idaacada.
  3. W. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: · Dal kasta oo Caalamka ka tirsan waxa umadiisa lagu qiimeeyaa heerkooda aqooneed, hadaba si loo kobciyo heerka aqooneed ee bulshadeena ayaa waxa lagu talaabsaday sidii loo horumarin lahaa waxbarashada iyo tacliinta Sare ee umadeena. Hadaba 3-bilood ee u dambeeyay waxa la shaqaaleeyay 2233 macalin oo 1500 oo ka mid ah ay dawladu bixinayso mushaharkooda, halka ay 733 ka mid ahna ay naga caawisay dawlada Denmark. · Iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul-wanaaga, waxay Wasaarada Waxbarashadu ku guulaystay in la sameeyo Sanduuqyo (Accounts) u gaar ah macalin kasta oo mushaharkiisa loogu shubo, taasoo meesha ka saaraysa caaglihii iyo lacagihii la lunsan jiray. · Wasaaradda Waxbarashadu waxay 300 oo Arday oo ka baxay Dugsiyada Sare ee dalka u fidisay deeq-waxbarasho (Scholarships). · Waxa markii u horaysay la dhisay Studio loogu talo-galay in lagu duubo barnaamijyo loo diyaarayo waxbarashada Radio-ga. · Waxa la dhamaystiray. · Madbacadii Buugaagta ee Wasaarada Waxbarashada oo la keenay 2008 ayaa markii u horaysay laga shaqaysiiyay oo hawl-gashay. · Waxa la dhisay Hool wayn oo lagu saxo Imtixaanada laguna kaydiyo.
  4. W. Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga: - Iyada oo laga duulayo Balan-qaadkii Madaxweynaha waxa gobollada iyo degmooyinka dalka loo kala diray 30 kooxood oo ka tirsan Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Dhakhaatiir madaxbanaan oo iska kaashanaya daawaynta iyo daryeelka xoolaha, kooxahaas oo ka kala hawl-galay Afar gobol ee xuduudka la leeyahay Itoobiya (Sool, Togdheer, Maroodi-jeex, Awdal iyo Gobolka Saaxil oo ah marinka Xoolaha ee ugu wayn Geeska Afrika. Kooxahaas gurmadku waxay u kala hawl-galeen Saddex weji oo kala duwan, iyada oo weji kastana ay goboladaasi uga hawl-galayeen min 10 kooxood. - Dawooyinka ay kooxuhu ku hawl-galeen ka sokow waxa gobolka Sanaag loo diray dawooyin badan si loola tacaalo cudurada ka dhashay abaaraha, iyada oo ay u qorshaysan tahay weliba in laba kooxood xarunta lagaga daro si loo xoojiyo hawlaha gobolkaasi. - Intii lagu guda-jiray gurmadka iyo daawaynta xoolaha Somaliland, waxa lagu guulaystay inay ka soo baxdo natiijo wax ku ool ah,kuwaasoo u kala dhignaa sidan hoos ku xusan: D. Natiijada Mashruuca Gurmadka Deg dega ah ee Daaweynta No Wajiga Mudada Gobolka Adhi Geel Lo Dameero H/H 1 1AAD 25 Dec -12 Jan (17 days) Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex 270025 8831 1285 285 2 2aad 24 Feb – 10 March (15 days) Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex 204805 9337 1225 126 3 3 aad 15march -31 March(15days) Sool, Saxil, Awdal, tog, M/jeex 203915 9045 1263 182 12374 TOTAL 418745 27213 3773 593 - 3 bilood ee sanadkan waxa Dekedda Berbera ka dhoofay xoolo caafimaadkooda Xukuumadu hubisay oo tiradoodu dhan tahay Geel, 22274, Adhi 227670, Lo 22857. - iyada oo la ogsoon muhiimada ay xooluhu bulshadeena u leeyihiin oo ah laf-dhabarta dhaqaalaheena waxa ilaa hada lagu guulaystay in xoolaha laga daweeyo cuduradan hoos ku xusan:- - - Caalka, Dhukatada Geela, Raaf-dilaaca, Dhukaanka Geela, Cadhada, Sangaalaha, Sanbabka Riyaha, Hiinkaarka iyo furuqa adhiga. - Sidoo kale iyada oo la fulinayo balanqaadkii Madaxweynaha ee daryeelka deegaanka, waxa la abuuray deegaan ilaaliyaal si loo badbaadiyo deegaanka, loona ilaaliyo seerayaasha. - Deegaan ilaaliyaasha iyo dhiryaqaanada shaqaaleysan:- - - 1. Gobolka Awdal 7 xubnood - 2. Gobolka Maroodi jeex 25 xubnood - 3. Gobolka Saaxil 4 xubnood - 4. Gobolka Togdheer 11 xubnood - 5. Gobolka Sool 13 xubnood - 6. Gobolka Sanaag 41 xubnood
  5. Wasaarada Duulista iyo Hawada 1. Waxa laga Hirgeliyey Madaarka Caasimada Dhismayaal Cusub oo badna iyo Dib u habayn badan kuwaas oo looga golleeyahay in korlooqaado tayada adeegyadiisa iyo in la Buuxiyo Shuruudaha Madaarada Caalamiga ah. 2. Sidoo kale wax Dib u habayn lagu sameeyey Madaarka Magaalada Berbera Adeegyadiisa kala duwan tusaale ahaan Barxada wayn ee u dhaxaysa dhismaha Madaarka iyo dhabada Diyaaradaha oo Ciid ahaan jirtay waxa loo dhalan gediyey Wado laamiya iyo Marmar Bilic leh oo lagu dhex beeray Geedowaxa kale oo Madaarka lagu Qalbeeyey Kamaradaha (Camera ) ee loo adeegsado Nabad-gelyada iyo Agab Casriya oo isugu jira kuwo wax lagu baadho iyo kuwo lagu wada hadlo, waxa kale oo Dhirgoyn lagu sameeyey Ranway-ga dheer ee 5-ta Km ah talaabdan oo xoojin u ah Abniga Diyaaradaha 3. Waxa la ansixiyey Lacagtii 3-da Dollar ahayd ee adeegyada Madaarada lagu Filin jiray iyadoo aan marka hore laga qaadi jiray aanay Ansax ahayn. 4. Waxa la suurto geliyey in la Bilaabo Hordhici Mashruucii ay Dawlada Kuwayt inoogu deeqday, iyada oo la hawl geliyey Shirkad talo bixineed oo heer caalami ah oo hada gacanta ku ahaysa Qiimaynta, Nashqadaynta iyo Diyaarinta qandaraasyada dib u dhiska madaarada Hargeisa iyo berbera Wasaaradda Maaliyada: Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Qaranka Somaliland ugu xil saaran tahay kobcinta dhaqaalaha oo ku fadhiya ururinta dakhliga kuwaas oo ku salaysan tacriifadaha dakhliyeed ee Golaha sharcigu ansixiyaan. Wasaaradda Maaliyaddu iyadoo shan bilood oo hawl adag 2010 ka soo gudubtey ayay hadana ka dhabaysay inay Miisaaniyaddii 2011, hor geyso Golaha wakiiladda waqtigeedii. Miisaaniyaddaas oo xambaarsanayd dhamaan balan-qaadyadii xukuumada ee waqtigii ololaha Doorashada:- a) Kordhinta Mushaarooyinka Shaqaalaha Dawladda, Ciidamada iyo Golayaasha Qaranka. b) Jaangoynta Mushaharka Golayaasha Qaranka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. c) Ka dhaafida fiiga iskuuladda Hoose/Dhexe ee dugsiyada Dawladda. d) Soo xarayn Dakhliyadii aan hore ugu dhici jirin Khasnada Dawladda Dhexe, sida Dekedda, Maxjarka iyo Haamaha Shidaalka Berbera. e) Ku darida Miisaaniyadda ee Mashaariicda Horumarineed, sida dhamaystirka Brigka Hargeisa oo 5 sano qabyo ahaa, bilawga waddada Dila, Idaacad cusub oo dalka ku baahda, mashruuca wajaale/Aburiin, Qaboojiyaha Berbera I.W.M. f) Bixinta kharashka daabacaada lacagta som.lnd.sh. ee bangiga dhexe. g) Qorshaha 11 xafiis oo cusub laga dhisayo gobolada dalka iyo xafiiska dhexe (main office) oo Hargeisa ah, waxa qayb ka mid ah naga taakuleeyey USAID. W. Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah: Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxa u suuro galay sadexdii bilood ee sanadkan ugu horeeyey wax-qabad kor u qaaday Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Bulshada Caalamka. Meeqaamka iyo xurmada ay Somaliland ku lahayd aduunka ayaa gaadhay heerkiisii ugu sareeyey sadexdii bilood ee ugu dambeeyey Sanadkan, waxaana sare u kacay wada shaqaynta iyo is-dhexgalka ka dhaxeeya Somaliland iyo Bulshadda Caalamka, taas oo ku soo kordhisay Qadiyada Siyaasadeed iyo Himiladda Shacabka Somaliland ididiilo hor leh. Ø Waxaa bishii Koowaad ee sanadkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka qayb gashay shir-goboleed ay IGAD ku qabatay Adis-ababa oo lagaga hadlay Arimaha mandaqada Geeska Afrika. Waa markii ugu horeeysay ee ay Xukuumad Somaliland ka qayb gasho Shir-goboleed, waxaanay Somaliland madashaasi ka soo jeedisay Qorshayaasha iyo Himilooyinka Qaran ee Somaliland ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgalyada. Ø Isla Bishii Koowaad ee Sanadkan, waxaa u suurogashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland in ay si dadban aragtideeda siyaasadeed u gudbiso shirwaynihii ururka Midowga Afrika uu ku yeeshay Sanadkan Magaalada Adis-abeba. Somaliland waxay fariinteeda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ku wajahan Geeska Afrika iyo Himiladeeda Siyaasadeedba u marisay shirwaynaha Masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD oo madasha Shirwaynaha ka dhex-akhriyey, arintaas oo uu ka unkamay xidhiidh cusub oo hor leh. Ø Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland Booqasho rasmi ah ku yimid wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee fulinta IGAD. Waxay masuuliyiinta IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku heshiiyeen nidaam iskaashi oo ay Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD ka yeelan doonaan talo-wadaag, iskaashi, iyo xidhiidh dhexmara labada geesood. Waa markii koowaad ee wafti meeqaamkaa leh oo ka socda Urur Goboleedka IGAD uu ku yimaado Somaliland. Waana markii ugu horeysay ee iskaashi iyo wada-shaqayni dhex marto Dawlada Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD. Ø Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland booqasho hawleed oo rasmi ah ku yimid 17 danjire oo ka kala socda wadamo ka tirsan Yurub, Aasiya iyo Afrika. Dalalka Safiiradan ay ka socdeen waxaa ka mid ahaa wadamada Japan, brazil, Turkiga, Spain, Holland, Belgium, Finland, oo dhamaantood ahayd markii ugu horeysay ee ay wadamadaasi booqasho rasmi ah ku yimaadaan Somaliland. Waxay booqashadani dhalisay xidhiidh ugub ah oo u bilawda Somaliland iyo wadamada ay ka socdeen Danjirayaashaasi. Ø Dabayaaqadii Bishii labaad ee Sanadkan waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland marti-galisay oo booqasho rasmi ah oo shaqo ku yimid wafti sare oo ka socda Dawlada Norway oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Norway oo ay weheliyaan Masuuliyiinkale oo ka socda Dawlada Norway. Booqashada waftigani ay abuurtay xiiso horleh oo ay Qadiyadda Somaliland ka heshay Wadanka Norway, oo ay ugu horayso iskaashiyo la xidhiidha la dagaalanka Budhcad-badeeda, horumarinta caafimaadka, iyo Nabadgalyada. Ø Bilawgii Bishii sadexaad ee Sanadkan waxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku guulaysatay codsi ay u jeedisay in Ingiriisku u soo diro Wafti sare Somaliland, waxaana Dalka booqasho rasmi ah ku yimid Wasiirka Wasaaradda Mucaawinada Dibada iyo Iskaashiga ee Dawladda Ingiriiska. Intii uu wasiirku joogay Somaliland waxaa uu *****lka ka qaaday in ay Dawladiisu ay Sadex-jibaartay Mucaawinadii ay siin jirtay Somaliland oo lagu soo daray Dalalka ay Dawlada Ingiriisku sida rasmiga ah u taageerto, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay samayn doonaan Sanduuq Dhaqaale oo ay si wada jir ah Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland u wada maamulaan, oo lagu shubo qayb ka mid ah mucaawinada Ingiriiska. Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee abid yimaada Dalka tan iyo intii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska. Ø Isla bishii sadexaad ee sanadkan waxaa Somaliland si rasmi ah loogu casuumay oo ay ka qayb gashay shirwayne caalami ah oo ka dhacay Dalka Ingiriiska kana soo qayb galeen wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 16 dal, oo lagaga hadlayay nabadgalyo darada ka jirta Geeska Afrika ee ka soo unkamaysa Soomaaliya iyo sidii loo yarayn lahaa Saamaynta ay Nabadgalyo-daradaasi ku leedahay Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamkaba. Waftigii ka socday Somaliland wuxuu shirka ka soo jeediyey Khudbad nuxurkeedu taabanayay Aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax ka qabashada Xasilooni Darada ka aloosan Mandaqada Geeska Afrika. Ø Dhinacakale waxay wasaaradda Arrimaha Dibaddu horaantii sanadkan Ashkato ka dhan ah Shirkadda SARACEN INTERNATIONAL u gudbisay Golaha Amaanka ee Jumciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyada oo la kaashanaysa Xafiiska uu Golahaasi u wakiishay xakamaynta Hubka ee Geeska Afrika. Shirkadda Saracen waxa ay ka bilawday Gobolka Puntland hawlgalo la xidhiidha tababar iyo qalabayn Milatari oo laxaad leh. Waxayna Dawlada Somaliland qabatay Diyaarad Saanad milatari u siday puntland oo ay lahayd Shirkaddani, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland iyadoo adeegsanaysa Diyaaradaasi iyo saanadii ay siday ayay u yeedhay Khubaro ka tirsan xafiiska xakamaynta Hubka ee Golaha Amaanka. Dhamaadkii bisha sadexaad ee sanadkan wuxuu Golaha Amaanka ee Quruumaha ka dhaxaysaa ku amray Shirkadda Saracen in ay Gabi-ahaanba joojiso hawlgaladii ay ka waday Puntland kana daad-guraysato Hawl-wadeenadeeda. Shirkadda SARACEN INTERNATIONAL waxay cadaysay inay u hogaansantay Go’aankaa ka soo baxay Golaha Amaanka. Ø Waxaa kale oo ka mid ah Hawl-galada fulay Wasaaradda in ay dib u soo celisay xidhiidhkii Diplomaasiyadeed ee wadanka Jabuuti, waxaana dib loo furay xafiiska wakiilka Somaliland ee Jabuuti oo hadda si buuxda u shaqeeya. Waxaa kale oo ay Somaliland markii ugu horeysay taariikhda ay xafiis ku yeelatay Dalka Kenya oo isna dhawaan la furay.
  6. Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Waxqabadkeedii Boqolkii Cisho Ee La Soo Dhaafay April 9th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay Janaury illaa March u qabsoomay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumaddan cusub. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyada waxa uu halkaasi ka akhriyay qoraal ka kooban labaatameeye bog oo la xidhiidhay waxqabadkii xukuumadda ee boqolkii labaad ee xukuumaddani xilka haysay. Waxaanu si faah faahsan uga waramay waxyaabo badan oo u qabsoomay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxaanu halkan si joogto ah idiinku soo gudbinaynaa waxqabadka wasaaradaha iyo Ha’yadaha madaxa banaan oo qoraal ah. Waxaanse maanta ku bilaabaynaa Wasaarada Arrimaha Gudaha. Waxaanu waxqabadka wasaaradaasi u dhignaa sidan:- Ø Nabadgelyada: Xukuumadu waxay ku guulaysatay iyada oo la kaashanaysa shacbiga, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo odayaada xiisadii Kalshaale, waxa kale oo suurto-gashay in ay inta badan shacbiga Buuhoodle dareen wanaagsan ka muujiyeen talaabadii xukuumadu ku soo afjartay xiisadii Kalshaale waxa aanu uga mahad naqaynaa Odayaasha, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada, iyo Waxgarka dhan walba ee Gacan ka gaystay in Xasilooni iyo Nabad gelyo lagu soo Dabaalo Deegaamadaasi sidaasi si la mida waxa aanu u mahad naqaynaa Beesha widh-wdh oo si muuqata Dedaalkaa Qayb ku lahaa waxa aanu ku rajo waynahay inta inta ka dhiman ama Hadhsan hawshaa nabad-doonimo in ay iyaduna ku soo afjarmi doonto Gogoshii nabada ee uu madaxweynuhu fidiyey. Ø Booliska 1- waxa Dugsiga Tababarka Booliska ee Mandheera ka soo baxay 7 Dufcadood oo ay mid waliba ka kooban tahay saddex boqol oo askari (300) oo ka kala yimid gobolada dalka Ciidankaasi waxa Hubaala in uu Xooojinta Nabad gelyada wax wayn ka tari doono. 2- Waxa kale oo tababar gaara (special training) heerkiisu sareeyo looga furay dugsiga Mandheera ciidanka SPU-da (Ciidanka Ilaalada Hay’adaha caalamiga ah, wufuuda iyo wakiilada dalalka aynu saaxiibka nahay u jooga Somaliland ,Huteelada waaweyn,Jaamacadaha). a- waxa la dhisay Guddiyadii Ilaalinta Nabadgelyada ee xaafadaha magaalooyinka dalka oo wada Shaqayn. b- Waxa la diyaariyay mashruuc ay nala wado Hay’ada UNDP oo lagu dhisayo guddiyada nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka (Peace Building and Conflict Management Committees) ee heer qaran/gobol iyo degmo, wada shaqeyna la yeelanaya wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada/Degmooyinka, muddo dhowna la heli doono dhaqaalihii lagu dhaqaajin lahaa hawshaasi. 3- Waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu qabatay shir-hawleed heer qaran ah (National Convention of the Police Reform) oo ay kasoo qayb galeen wakiilada wadamo badan oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Deeq-Bixiyayaasha iyadoo ay fulinayso Hay’ada UNDP, midhaha ka dhasheyna noqdeen in sideg dega isbedel laxaad leh loogu sameeyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliska, lana dhaqan geliyo Sharciga Booliska (Somaliland Police Law), Qaab dhismeedka iyo Darajooyinka Ciidanka, Tababar saameeya dhamaan qaybaha kala gedisan ee ciidanka, Unifoomka ciidanka, Qaabka qorista oo siddii hore ee ciidanka loo qori jiray laga guuro iyadoo laga qayb galinayo ardayda dhameysata dugsiyada sare, Dhisme cusub oo ay leedahay xarunta booliska iyo in laga haqab tiro agabka hawl-galka ciidanka amniga. 4- Waxa si aan nasasho lahayn ay ciidamada Boolisku u wadaan hawl- galo ay kula jiraan tuugta, murano ka dhasha dhulka,biyaha iyo daaqsinka,argagixisada iyo fashilinta tabaha cadowgu ku doonayo inay ku khalkhaliyaan xasiloonida iyo dhaqaalaha dalka,sida gubistii guryaha, daabacaada lacagaha faalsada ah,kootarabaanka,tahriibka,ugaadha loo dhoofiyo sida sharci darada ah iyo la dagaalanka dhaqan xumida sida khamriga iyo mukhaadaraadka, waxaana xusid mudan sida laxaadka leh ee ciidamada boolisku uga qayb qaateen difaaca qaranka iyagoo buuxiyay kaalintii ka banaanaatay ilaalinta haamaha shidaalka iyo Dekedda Berbera, sugayna amniga magaalada Laascaanood mudadii ciidanka milatarigu ku jiray dagaalka. 1- Waxa deeqdii waxbrasho ee ugu weyneyd taariikhda Somaliland saraakiisha laanta socdaalku ka heleen (25 sarkaal) safaaradda Mareykanka ee Nairobi, kuwaas oo dufcado isdaba joog ah ugu bixi doona Nairobi. 2- Waxa ciidanka Laanta Socdaalka laga haqab tiray gaadiid isugu jira kuwo cusub iyo qaar la dayac tiray kuwaasoo ay baahi u qabeen, wax weyna ka bedeli doona tayada hawl maalmeedkooda. 3- Waxa la kordhiyay tirada ciidanka Laanta Socdaalka (67) oo lagu daray miisaaniyada sanadkan 2011 si goob kasta oo ka mid ah xuduudaha, madaarada iyo dekedaha,huteelada la seexdo, IWM, ay uga hawl galaan. 4- Iyadoo la hubinayo sugnaanshaha dhalasho iyo dembi la’aaneed,waxa muwaadiniinta loo fududeeyay xaqa ay u leeyihiin inay helaan baasaboorka JSL wakhti kooban oo munaasib ah. Ø Ciidanka Ilaalada Xeebaha 1- Waxa dib-u-habeyn lagu sameeeyay qaab dhismeedkii ciidanka Ilaalada Xeebaha lana asteeyay fadhiisimihii ciidanku ka hawl galayay oo ka kooban baro ilaalo oo ku teedsan xeebta dheer ee ciidamadu ka hawl galaan, xarumaha waaweyna ay yihiin saldhigga galbeed (Saylac), saldhiga dhexe (Berbera) iyo saldhigga bari (Maydh) lana sameeyay xarunta Taliska Guud (Hargeysa) oo la qalabeeyay. 2- Waxa dayactir lagu sameeyay haddana hawl gala gaadiidka badda (8 laashash) iyo dekedda dabaalata ee saldhiga dhexe ee Berbera oo ay kusoo xidhaan raxanta maraakiibta iyo doonyaha ciidanka. 3- Waxa dhisme cusub oo fooq ah laga dhisay saldhiga galbeed xaruntiisa Saylac,iyadoo dayactir laxaad leh lagu sameeyay xarunta saldhiga dhexe ee Berbera iyo ka bari ee Maydh. 4- Waxa Ciidanka Ilaalada Xeebaha u yimid gawaadhi (14) iyo qalab isgaadhsiineed oo isku xidhaya dhamaan laba iyo tobanka (12) barood ee ku teedsan xeebta. 5- Waxay madaxda Ciidamada Ilaalada Xeebuhu ka qayb galeen shirar caalami ah iyo Siminaaro lagaga hadlayay arrimaha Budhcad Baddeeda iyo guud ahaanba tayaynta ciidamada Ilaalada Xeebaha. 6- Waxa la qabtay 52 doonyood oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaheena kuwaasoo la hor- geeyay sharciga. 7- Waxay ciidanku qabteen 14 xubnood oo ka mid ah budhcadbadeeda kuwaasoo haatan ku xidhan jeelasha dalka, taasoo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah raga ugu caansan budhcad baddeeda Puntland oo magaciisa la yidhaa, Cumar C/laahi Cabdi, fashiliyeena 11 iskuday budhcad baddeed saldhiga bari, dhinaca saldhiga galbeed waxa la qabtay 8 doonyood iyo 3 baabuur oo siday tahriibayaal. 8- Waxa ciidanka ilaalada Xeebaha muddo dhow u imanaya 19 engine-da doonyaha oo cusub,3 raadaal oo casri ah oo isku xidhan, waxaana laga bedelayaa dekedda dabaalata (floating jetty), waxana loo dhisayaa xarun taliska guud oo saddex dabaq ah. Ø Hay’adda Miino –Saarka Qaranka (NDA) 1- Waxay Hay’adu si joogto ah u wadaa dadaalka ay ugu jirto siddii Somaliland looga sifeyn lahaa walxaha qarxa sida miinada,khasharka baaruuda,rasaasta IWM. 2- Waxa kale oo Hay’da NDA wadaa wacyigelin bulshada qaybaheeda kala duwan si ay u noqdaan kuwo ka feejigan walxaha qarxa. Ø Dhismaha 12 Saldhig Waxaa la dhisay 12 saldhig Boolis oo loogu talo galay inay Shaqeeyaan 2011-ka Horaantiisa waana la Dhamaystiray Waxaanay kala yihiin 1. Gobolka Selal Hal Saldhig – Garbo-dadar 2. Gobolka Awdal Hal Saldhig – Cali Xaydh 3. Gobolka Maroodi-jeex Laba Saldhig – Ex. Badhka, Sal. Cali Rooble 4. Gobolka Saaxil laba Saldhig –Bulaxaar, iyo Laasciidle 5. Gobolka Togdheer 3 Saldhig – B/dhiig,khaatumo, iyo Kalbare 6. Gobolka Saraar Hal Saldhig – War-idaad.”
  7. Well done we suppport you President Ismacil Cumar geele and his RPP party
  8. bilan;710163 wrote: XX, maxaa is badalay, you told us few months ago that you were closing the border, did that happen? you told us Buuhoodle will soon be singing Somaliland dalkayga and no more Blue flag , did that happen? Marka you know and I know if you had the power maalin maadan sugteen oo Buuhoodle baa dhex fadhin lahayd, laakiin awood baa kuu diiday, marka su’aashu waxay tahay if I add up inta goostay ee aad adigu soo dhajisay, iyo Saalax iyo waliba JB, hade ciidanba meesha kuma harine, yaa idiin diidin Cayn. ma jiniyo Buhoodle shacab ba ku nool Ciidanka qaranka is just there inu shacabka ilaaliyo sadexda koona ba wa ka fadhiye maalinta dagaalku dhacay laakin lama rabin in shacabka ku nool la wax la yeelo waxa la ogolyahay uun in nabadiidka iyo qarandiidka meesha laga siifeyo hada laakin haday maalin ba maalin so goosanayaan dee nabadiiid hadanu joogin buhoodle wax loo qabsado maba jirto meesha , hada Buhoodle waxa joogay qaar ka tirsan kooxaha Budhcad badeedka waxa joogay odayaal dhaqan waxana joogay nabadiid nabadiidki hada wa ka guureen qaar isi so dhibay iyo qaar bocame u yaacay marka anagu hadafkayagi wanu gaadhnay inaynu ka saarno nabadiidka buhoodle
  9. bilan;710161 wrote: For Last 2 years wax uun baa goostay baa lagu hayaa, hadiiba dadkii soo wada goosteen yaa idinla dagaalamaya, ma jiniyo, Allow kuu naxariiso Aabe Siyaad wax baad ka barateen laakiin abaal baydaan ugu hayn. dagaalki sooki joogsaday ma dagaal baad maqashay imika biil iyo dhowr weeg ba , dagaalki Axmed karaash iyo Buntiland ba ugu danbeysey dagaaal
  10. A_Khadar;710087 wrote: :D ^^ You need help XX. Brotherly advice, seek pro help. We are in one nation?? Really, why Soomaali ugu cararaysaan if we are one nation? You and many succissionists here are completely confused. I believe this project is something you spoon fed in your childhood and now you all so confused and close to break down mentally. Take a break like your old friend Libaaaha did. God help you saaxiib nothing else I can say to you. How do i need help the nabadiid need help they love death and destruction and call for war everyday , While the Somaliland govt Calls everyday for peace , Somalida ma koonfurianska ayaad sheegeysa kuwaaas iyaga ba si kala cararay Somalidu waxay tidha tiisa daryeela tu kalana ku dara.
  11. A khadar we want to help the people of hargeysa burco berbera widhwidh buhoodle laascanood badhan hadaaftimo laasqoray there is no difference between burco and badhan there is no difference between caynabo and laascanood we are all one nation. And we should all help each other.
  12. Gah Gah Gah Gah Gah Gah
  13. Good stuff Soo hoowyda Soo hoowyda albaaku wali wu furanyahay
  14. Kamaavi;710036 wrote: Ragiinan danbe waan idin la yaabay mid faraxsan mooyee mid xanaaqsan idinkuma jiro say ku dhacday? ,,, oo maxa lala cadhoon laha saaxib?
  15. You should listen to both of the videos and then see it your self the dude is a nutcase he can't go to Borama and he can't have it that the elders of Borama awdal selel support Somaliland 100%
  16. Somalina waxasi wa iska huhaa awoow ismacil ba wu yidhi berigi 1999 waan idin aqoonsan lolz cod bu ka rabay dadka reer galbeedka Somaliland dega eeh reer jabuutiga ah aa siyasad awoowe. geele wa rageedi wa nin dalka wax u qabtay hormar gaadhsiyey mil adag
  17. AfricaOwn;709927 wrote: ^^^What an ugly azz dude. Who convinced him to record a video? Tell him his a nobody, he can't even come to Borama. All these nobody barking over the internet...comical. the dude is a paltalk member looool
  18. It's called Haramouse a newly built suburb one of ismacils projects.
  19. Salaax no Canfar guy is running against him but some other guy is running but he is not that popular his name is Maxamed Warsame Raage he is from the Same clan as President ismacil Cumar.
  20. Ismacil Cumar geele is the president to be to lead Djibouti another 5 years Let's Support the president in his elections tomorrow he transformed the Djibouti infrastructure last time i was in Djibouti i could not even recognize Djibouti city he is building another port and ali sabix looks Amazing to Djibouti is getting back it's Somali heritage he is working hard on that field to the people of Djibouti are benefiting from IOG is a man that serves his country let's Support him.
  21. Somalina awoow Sharif did well the last few months ever since mr cheese arrived from buffalo Wadaadki Sharifka aha Bahal Quule ba lo qoshay But the azania crew have a point if you look it from strategic position if Alshabaab leaves the the two jubbas and gedo then someone needs to fill the vacuum unless deep inside you want the Amiir to regroup and retake all the territory perhaps then the sharif can get another 2 years extension wa halki jb eeh wa mashruuc.
  22. Kamaavi;709896 wrote: ^Adu inta koonfur is haysato ama Qorahay ka rafaadi iska dhaasho ,,... ceebtaa ma ahan waa caadadaa iyo siyaasada ictiraafkee ,, .... haday taasi shaqeyneyso beri hore ba la i ictraafi laha war dee maskaxda yara isticmaal dawlad haday ka dhalato oo si buuxda gacanta ku haysa Somalia ana wax waan heleya reer Somalia na wa heleyaan
  23. The Zack;709894 wrote: Xaji, runta iska sheegoo call a spade a spade! Anaa saxsan waad u jeeddaa. bal yara wada hadhow baan garta qaaadi doona Sharif versus Gandi TFG versus Azania Mogadisho versus Og'adania Ha dhakhleyso:D