Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Waxa magaaladda Hargeysa badhkeed galabta ka da’ay roob kooban oo meelaha qaarkood biyo dhigayHargeysa (Waaheen) waxa magaaladda Hargeysa galabta ka da’ay roob kooban oo magaaladda badhkeed biyo dhigay, kaasoo yididiilo galiyay dadweynaha oo kulayl badani haystay maalmahan. Roobkan oo da’ay salaadii Casar kadib ayaa biyo dhigay xaafadaha Jig-jiga yar iyo Xero Awr, halka xaafada shacabkana uu shuux yari helay. Waa gobolkii sadexaad ee uu ka da’o roob yar oo koobani waxaana la filayaa inuu cirku si rasmi ah u curto maalmaha soo socda
  2. Boqorka Beesha Subeer Awal oo Hambalyo iyo Mahadnaq U Diray Madaxwaynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele. Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee... Uk/Britain (Gabiley News): - Boqorka beesha Subeer Awal ee Somaliland Boqor Muxumed Geele Seed ayaa isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Gabiley News soo gaadhsiiyay hambalyo uu u dirayo madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Djibouti, isagoo ugu hambalyaynaya guusha uu ka soo hoyay doorashadii madaxtooyada dalkaasi ee jimcihii ina dhaafay ka dhacday. Baqor Geele waxaa kale oo uu madaxwaynaha jamhuuriyada Djibouti uga mahad naqay kaalmadii badnayd ee uu soo gaadhsiiyay Jaamacada Gabiley ee Timacadde, waxaanu illaahay uga baryay inuu ku asturo xilkaasi culus ee uu u qaaday shacabwaynaha dalka Djibouti. Boqor Muxumed Geele waxaa uu sidaa u sheegay mar uu shabakada Wararka ee Gabiley News kulasoo xidhiidhay khadka Telefoonka isagoo hawlo shaqo ugu baxay dalka ingiriiska mudana halkaasi joogi doona, sidoo kalena soo mari doona wadamo kale oo Europe ah. Boqorka Geele ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee hambalyeeya madaxwaynaha jabuuti ka dib guushii uu kasoo hooyay doorashadii dalkaasi ka dhacday jimcihii ina dhaafay.
  3. Xukuumada Somaliland Oo Hambalyo U Qadintay Madaxweynaha Djibouti Iyada Oo Aanay Guddida Doorashooyinka Dalkaas Ku Dhawaaqin Natiijada. Hargeysa (Ramaas) Apr.9, 2011- Xukuumada Somaliland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo la saadaalinayo in uu ku guulaystay doorashadii maalintii shalay ka dhacday dalkaas, iyada oo aanay guddida doorashooyinka Djibouti weli ku dhawaaqim natiijada doorshada. Afhayeen Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay xukuumadu ku soo bandhigaysay waxqabadkeeda saddex bilood ah, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan guusha Madaxweyne Geelle la sheegay in uu ka soo hooyay doorashadii maalintii ka qabsoontay wadanka Djibouti, isla markaana ay hambalyo u dirayaan Madaxweynaha oo markii saddexaad qabanaya hogaanka dalkaas. Hadalka afhayeenka ayaa imanaya wakhti aan la shaacin natiijada doorashada oo aanay ilaa weli soo saarin guddida doorashadu, lamina garankara sababta ay xukuumada Somaliland u soo qadintay hambalyadan. Mar wax laga waydiiyay sababta keentay in xukuumada Somaliland ay ka hadasho danaha dal shisheeye ah oo ka soo horjeeda jiritaanka dalkeeda, waxa uu ku jawaabay” Wax waa laga sheegi karaa dalka kale oo waanu soo dhawaynaynaa guusha Madaxweynaha” Madaxweyne Geelle ayaa isaga qudhiisa fiirinaya wax ka soo bixi doona natiijada, laakiin waxa ay arrintan u muuqanaysaa ismuujin siyaasadeed oo maamulka talada Somaliland hayaa uu ku doonayo in uu dalka Djibouti tuso sida uu diyaarka ugu yahay meelmarinta masaaliixda hogaamiyaha dalkaas oo saamayn ballaadhan ku leh jaangoynta siyaasadaha Somaliland. Waxa dhawaaqani uu meel ka dhac ku noqonayaa haybada qaranimada Somaliland,iyada oo Madaxweyne dalkaas uu ballanqaaday in aanay Djibouti marnaba Somaliland u aqoonsan doonin wadan madaxbanaan oo deris ah, waxaana uu si cad u diiday in xafiis diblumaasiyadeed uu ku yeesho Somaliland, iyada oo taas cagsigeedana uu Mr Geelle hawgal baxaad leh ugu galay sidii loo soo celin lahaa midnidamadii dhulweynihii Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay. Ramaasnews Desk Hargeisa
  4. Aun to Maxammad yasin Ciise May allah grant him jannah
  5. Jacpher;710355 wrote: Daahir Riyaale didn't make it to the tolka Mujahid list. No Former president rayaale was not part of the Halgan But His Cousin Mujahid Abduraxmaan aw cali Second vp of Somaliland was.
  6. Jacaylbaro;710343 wrote: Ha la hubsado .. waaheen run badan ma sheego
  7. Jacaylbaro;710346 wrote: That is also political ?? ,,,,,,, actually wa diiniyan ileen roobka ilahay baynu ka barinay
  8. Hadhwanaagnews) Saturday, April 09, 2011 Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo Ceerigabo (HWN(roobabka guga ayaa waxaa ay si toosa maanta uga curteen magaalada ceerigabo iyadoo waqtigana uu roobku hayo magaalada ceerigaabo waxaa muddo sadex cashoba ah ka da´ayay gobolka sanaag roobab kawaasoo markii ugu horaysay ka da´ay degaanada cal haleena ee degaanka ceerigaabo sidoo kale maraan shalay la xidhiidhay miyaga dhinaca xeebta oo u dhow degmada xiis ayaa waxaa la ii sheegay in roobab ay ka curteen buurta lashiidhe oo qiyasti 20 yee KM u jirta magalada xiis waxaana uu maanta roobku ka da´ayaa meelo ay ka mid yihiin siraadley iyo gudhmaan iyadoo ay ii xaqiijiyeen dad reer miyi ah oo gobahaa ka ag dhowaa
  9. Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Meelo Ka Mid ah Somaliland. iyada oo Maanta galinkii danbe uu roob aan badnayn oo lagu qabawsaday ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka.............. Hargaysa(GNS):- Roobka Gu’ga ayaa ka curtay meelo badan oo ka mid ah Gobolada dalkan Somaliland,iyada oo Maanta galinkii danbe uu roob aan badnayn oo lagu qabawsaday ka da’ay meelo ka mid ah Gobolka maroodi-jeex,gaar ahaan caasimada Hargaysa,kaasi oo markii danbe uga sii gudbay dhinaca galbeedka. Cirka ayaa maalmahan danbe si aad ah ay uga muuqdaan daruuraha roobka lagu yaqaano,iyada oo ay Maalmihii la soo dhaafay roobab ka da’een Deegaano ka tirsan Gobolada Gabiley iyo Awdal, waxaana la sheegay in Gobolka Gabiley uu khamiistii todobaadkii hore ka da’ay roob biyo dhigay deegaanada Kala-baydh, Wajaale,Alaybaday, iyo Gabiley, Roobabka ka da’ay jiidahaas ayaa la sheegay in ay si weyn ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaasi. Sidoo kale wararka laga helayo magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Maalintii shalay magaaladdaasi Borama uu helay Roob shuux ah oo qaboojiyay dadka magaaladaasi,waxa a kale oo roob weyn oo biyo dhigay ka da’ay tuuladda Magaalo cad oo qiyaastii 30 km dhinaca Koonfureed kaga began Magaalada Boorama. Dadwaynaha ku dhaqan deegaanadaasi ay roobabku ka curteen ayaa si weyn ugu farxay roobabka ka da’ay deegaanadaasi, kuwaasi oo ay saamaysay Abaaro iyo Biyo la’aan baahsan oo dalka soo food saartay kadib markii roobabkii gu’gu ay dib uga dhaceen wakhtigoodii. Curashada roobabkan ka da’ay meelo ka mid ah dalka ayaa ididiilo wayn ku abuuraysa dadka ku nool meelaha miyiga ah,kuwaasi oo ay bilihii u danbeeyay soo food saartay xaalad adag oo biyo la,aan iyo abaar is biirsday ah,waxaana ay roobabkani curteen iyada oo uu dib u dhacay xiligii la filayay gu’ga. Guud ahaanba Geyiga ay somalidu degto waxaa sanadkan ka jirta abaar baahsan oo si wayn u wada saamaysay dadka reer miyiga ah gaar ahaana kuwa xoolo dhaqatada ah,iyada oo ay meelaha qaar kood ka jirto biyo iyo caws la’aan haysata xoolaha nool taasi oo sababatay in ay xoolo tiro badan u dhintaan,halka ay meelaha qaar koodna ak jirto biyo la’aan.
  10. Roobkii Guga ayaa ka Curtay Magaalada Borama Iyo Nawaaxigeeda08/04/11-Borama-(Bnn) Waxaa goor Dhawayd Magaalada Borama iyo Nawaaxigeeda ka curtay Roobabkii in dhawaalaba la sugayay ee* Guga, roobkan ayaa si habsami ah oo Qabow uga Da'aya Magaalada isaga oo ay dadku ku Qabawsadeen.Roobkan ayaa ah mid Si degan u da'aya taas oo aan lahayn dabaylo, iyo onkod toona waxaana ay dadku isku hanbalyeynayaan Curashada Waqtigan Guga.Si kastaba ha ahaatee Roobkan ayaa imanaya xili ay Maalmihii u danbeeyay Dadwaynaha reer Borama ay illaahay Baryayeen in uu roob u keeno, kaas oo ay kaga baxaan Abaarta iyo Haraadka Ba'an ee soo fool saaray dadka intooda Badan.
  11. Ganacsatada Gobolka Saaxil Oo Qado-sharaf U Sammeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE | | Berbera, April, 09, 2011-(Berberanews)- Qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Saaxil, ayaa munaasibad qado-sharafeed u sammeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku sugan magaalo-xeebeedda Berbera oo uu u joogay dano shakhsiyadeed. Qado-sharafeedka loo sammeeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu qabtay Hudheelka Xeebsoor waxa ka soo qaybgalay Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Maareeyaha Dekedda Axmed Y. Dirir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiraxmaan Xasan Cawil, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Gadhweyne iyo ganacsato tiro badan. Munaasibadan oo ka fogayd arrimo siyaasadeed waxa laysku weydaarsaday weedho kaftan iyo duurxul u badnaa oo dhexmaray Guddoomiyiyaha iyo qaar ka mid ah ganacsatada uu martida u ahaa oo ku saabsanaa dhacdooyin taariikhiya oo hore u dhacay iyo isdhexgalka xidhiidhka bulshada iyo xadaaradaha deegaannada Somaliland ku kala horeeyaan. Guddoomiye Muuse, ayaa si weyn ugu mahadceliyay Ganacsatada Berbera ee casuummadda u sammasay iyo maamulka gobolka oo uu xusay inay waxqabad la taaban karo muujiyeen mudadii xukuumadda xisbiga KULMIYE talada haysay. Goor dhow ayaanu idiin soo gudbn doonaa sawiradda warkan
  12. Salaan carabay was one of the best Somali poets of the 20th century I like His Gabay Gooshaash Iyo gabaygu marku Gabadha reer Buhoodle doonanayo eeh lugu odhanyo Waxad no keenta faraska abtiyasha ay leeyihin markasu cuqaasha reer abtigi gabay ka tirinaya goobta faraski bay so siiyeen halki ba inanti lugu siiyey. besides Salaan carabay was one of the few Golle Ka fuul Poets him salax malaydiray and raage ugaas were top 3 Gole ka fuul poets.
  13. Ciidanka Qaranka Oo Degmada Widh-widh Ka Saaray Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Puntland April 9th, 2011 Ciidanka Qaranka Oo Degmada Widh-widh Ka Saaray Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Puntland Iyo Xildhibaano Kale Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidammada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida deegaanka Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa maanta ka saaray degmada Widh-widh Wasiir Ku Xigeenka maamul goboleedka Puntland C/Raxmaan Diiriye Carab iyo Laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Garoowe, kuwaasi oo deegaankaasi ka waday maalmihii la soo dhaafay abaabul lagu carqaladaynayo dedaalo nabadeed oo ka socda deegaankaasi. Kooxdan ka socotay maamulka Puntland oo ka soo jeeda deegaankaasi ayaa Ciidanka qaranku saaka ka saareen degmada Widh-widh ka dib markii Gurigii ay deganaayeen loogu tagay waxaanay u kicitimeen magaalada Buuhoodled, siday maanta shabakada wararka ee Somaliland.Org u sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka magaalada Widh-widh. “Wasiir Ku Xigeenkan iyo Xildhibaanadan maamulka Garoowe, waxay yimaadeen Magaalada afar cisho ka hor, waxaanay u socdeen inay carqaladeeyaan shirar waxgaradka iyo cuqaasha deegaankaasi ay yeesheen oo lagaga hadlayay in waxgaradka Deegaanka Widh-widh ay ka qeyb qaataan gogosha nabadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay reer Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari, markaa odayaashuna waxay nimankan u caddeeyeen mowqifkooda,”ayuu yidhi Oday Jaamac Gaydh oo ka mid ah waxgaradka deegaankaasi ee taageersan in laga qeyb qaato wada hadalada nabadeed iyo turxaan bixinta.. Dadweynaha deegaanka Widh-widh ayaa taageeray Xoghayihii Warfaafinta iyo Birmadka ee kooxda SSC Kayse Cabdi Yuusuf iyo saddameeye ka mid ah waxgaradka deegaankiisa oo dhawaan socdaal nabadeed ku yimd caasimada Hargeysa isla markaana kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada waxaanay isla qaateen in deegaanka Widhwidh ay ka qeyb galaan wadahadalada nabada isla markaana kor loo qaado adeegyada bulshada ee degmadaasi.
  14. Berbera:- Muuse Biixi Oo Kulan Qarsoodi ah Hotel Maan-Soor Kula yeeshay Cuqaasha IYO ODayaasha Deegaanka Berbera.‏ Kulankan ayaa waxa uu qaatay mudo laba saacadooda waxaana ka qeyb qaatay Cuqaal iyo Odayaal Tiradoodu aheyd ilaa(25)shan iyo .... Berbera(GNS): Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii ay doorashada ku guuleystay xisbigiisu bishii juun 2010 ayaa markii uhoreysay booqasho ku yimi magaalada berbera ee xarunta G/saaxil waxaanu ku sugnaa berbera labadii casho ee udanbeysay iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada berbera iyada oo aan si saxa loo ogeyn sababaha dhabta ah ee uu xiligan ku yimi magaalada berbera balse waxa laysla dhex maraayay ama ay dadka qaar dareenkooda ku muujinayeen usii golgol xaadhka shir wanaha xisbiga kulmiye ee dhawr jeer baaqday balse dhawaanta la mudeeyay waxa se cadaatay in uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi in uu xog ka helo degaanka berbera iyo arimaha warshadaha shamiitada ee is dhinac socda halka ay ka taagan yihiin bulshada reer berbera. waxaanay taas xaqiiqadeedu soo ifbaxaday caawa markii uu kulan laba saacadood socday uu la kula qaatay Caaqilada iyo odayaasha berbera Hotel maansor halkaas oo uu casho sharaf ugu sameeyay Haddaba sida ay saxaafada usheegeen ilo xogogaala kulankaa ka qeygalay oo ka gaabsaday in ay magacooda sheegan ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen kulankaasi iyo waxyaabaha lagaga wada hadlay iyaga oo ugu horeyn xubnahaasi sheegay in uu horeyn madashaa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixii Cabdi isaga oo sheegay in uu safarkiisani aha mid shaqsi ah balse aan jecleystay i aan la kulmo odayaasha magaalada marhadii aan magaaladii soo gaadhay si aan isu barano ayuu yidhi Muuse biixi gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye maadaama oo aad thiin odayaashii magaalada anagu aanu nahay xisbigii cusbaa ee talada dalka qabtay xidhiidhkeenuna uu cusub yahay waxa kale oo uu intaa kudaray gudoomiyuhu in ay doonayaan xukumad ahaan in ay odayaasha deegaanka berberi si wanaagsan ula shaqeeyaan xukumada xisbiga kulmiye wixii hore ee tageyna layska ilaawo loona tafa xaytu sidii xukumada loola shaqeyn lahaa waxaanu odayaashaa uu la kulmay Gudoomiyuhu ka codsaday wada shaqeyn buuxda in ay xukumada la yeeshaan sida ay xubnahaa shirka ka qeyb galay saxaafada uxaqiijiyeen iyaga oo ka cudurdaaratay in magacooda la shaaciyo. Dhinaca kale odayaasha iyo Caaqilada kulankaa ka qeyb galay oo iyaguna madashaa kulanka hadalo ka jeediyay ayaa waxay iyaguna dhinacooda aad ugu mahad naqeen booqashadaa uu Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu ku yimi Gobolka saaxil gaar ahaan magaalada berbera balse waxay odayaasha iyo Caaqiladu Gudoomiyaha iyana xagooda ka codsadeen in uu fariin ka gaadhsiiyo Madaxweynaha fariintaas oo ah amaba ku saabsan warshadaha sibidhka ee is dhinac socda ee muranka badanina ayaamahan danbe ka taagnaa waxaanay odayaasshaasi iyo Caaqiladaasi iska daba mareen oo ay madaxweynaha ufareen Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye in uu madaxweynuhu tixgalin siiyo cida ruqsada hore uhaysatay sameynta warashada sibidhka soosaarta waxaanay intaa ku dareen odayaashu in aanay sakaaro laba tun oo laka qalo laheyn ee cida hore ee ruqsada haysatay lagu daba feylo amaba saami laga dalbado si loogu biiro qoladaa ruqsada hore haysatay waxaa odayaasha qaar kamidi si adag uga hadleen in ay xaq uleeyihiin in lagala tashado arimaha sibidhka berbera dadka deegaanka ilaahay ku beeray Waxaana caawa madashaa kulanka dhacay ka muuqatay in ay odayaasha iyo caaqilada madashaa isugu ay meel uga soo wada jeedeen ruqsada labaad ee la soo siiyay labada shirkadood ee dahabshiil iyo telsoom si ay warshada sibidh berbera uga sameystaan waxaanay odayaashaas iyo Caaqiladaasi mar labaad ka codsadeen Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi in uu Badheedhahooda Gaadhsiiyo Madaxtooyada Somaliland una badhiga madaxweynaha fariintaa. Kulankan ayaa waxa uu qaatay mudo laba saacadooda waxaana ka qeyb qaatay Cuqaal iyo Odayaal Tiradoodu aheyd ilaa(25)shan iyo labaatan waxaana wehelinaayay ooo kulankaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirrir.
  15. Ø Daraasad cilmi baadhis ah. Guddigu waxay daraasad cilmi baadhis ah oo ku saabsan maamulwanaaga iyo sababaha keena ama dhaliya musuqmaasuqa ka samayn doonaa dhamaan gobolada dalka, waxaana kala qayb qaadan doona jamacadaha wadaniga ah sida Hargeisa, Camuud, iyo Burco. Waxaanu filaynaa in dhaqaali ahaana ay naga caawin doonto ha’yada UNDP oo naga dalbatay in aanu u gudbino mashruuc qeexaya qaabka iyo hanaanka aay u qabsoomayaan daraasadaha cilmi-baadhiseed. Intii guddigani uu jiray, waxa uu kulamo la yeeshay haayadaha daawliga ah khaasatan kuwa shaqooyinku ka dhexeeyaan xafiiska guddiga sida, guddiga qandaraasyada qaranka, guddiga shaaqalah qarank iyo wassaaradda qorshaynta qaranka. Waxa kale oo kulano aanu la yeelanay haayadaha caalamiga ah ee IOM, UNDP and CARE. Dhamaan haayadani waxa aanu ka wada hadlnay sidii loo midayn lahaa dadaalada lagu dhisayo haayadaha dawliga. Guddida ka soo talo Bixinta Furashada ururada. Waxa la Bilaabay Furdaaminta Waxa alle wixii Caqabad ku noqon kara inay Doorashada Golayaasha Deegaanadu qabsoonto Sannadkan Gaar ahaan Suaasha ka Taagan Furashada Ururada Siyaasada. Madaxweynuhu, Isaga oo Tixgelinaaya Rabitaanka inta Badan ee Shacbiga waxa uu Magacaabay Guddi 20 xubnood ka kooban oo ka kala yimid Qaybaha Bulshada Sida aqoon yahanada, Dhaqanka, ururada Bulshada, Culimada, haweenka Dhalinyarada iyo Xisbiyada Siyaasada iyo Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka. Guddidaaas waxa uu madaxweynuhu u xilsaaray inay Rayi ururin buuxda ka soo qaadaan Qaybaha Bulashada oo Dhan Gobolada Dalka ooo Dhan. Gudidaasina waxay ku guda Jirtaa Hawshii loo Igmada iyada oo imika in badan aragtay waxaana la sugayaa talada ka soo baxda Gudidaas iyo Codbixinta ay Qaadeen oo uu Madaxweynuhu Tixgelinaayo kuna go’aan qaadanaayo markaa Ka dibna uu gudbin doono Golaha Sharci dejinta. Xukuumadu waxay ay Shacabiga Somaliland uga mahad-naqaysaa taageerada ay la Garab jooogan waxaany u baaln qaadaysaa Hogaamin Daacada iyo Waxa qabad Dhaba. Sidan oo kale ayaanay xukuumadu Saddexdii Biloodba mar u soo ban dhigaysaa Waxay qabatay. Abaaraha Waxaynu ognahay inay Dalka ka Dheceen Abaaro Baahsan iyo biyo la’aan Saamaysay Dadka iyo Xooolahaba Xukuumadu waxay samaysay Dedaal balaadhan oo ay Ganacsatada iyo Qaybaha Qaybaha kale ee Bulshada ku abaabushay inay Gacan ka gaystaan Samata Bixinta Dadkeeda iyo Xoolaha ay abaartu saamaysay waxa aanu uga maahd celinaynaa intii gacan ka gaystay, Xukuumaduna waxay bixsay in ka badan 700 oo lawdh oo biyo ah, waxa dadka loo qaybiyey Raashin Kaalmadaas abaaraha laga gaysanaayey oo gaadhay Gobolada oo dhan waxa loogu qaybinaayey sida ay u kala Daran yihiin. ALLAA MAAHD LEH.
  16. Waxqabadka Berbera· Sadexdii Bilood ee waxqabadka waxay Dawladda Hoose ee Berbera samaysay 8 wado oo Cusub, kuwaasi oo Halbawle u ah Magaalada Berbera. · Waxa kale oo ay Olole wayn ku qaaday Bilicda iyo Wadooyinka Suuqyada Magaalada Berbera oo si wayn looga Dareemay Muuqaalka Quruxda badan ee ay hada leedahay. · Dekedu waxay samaysay Waax Cusub oo la yidhaahdo Waaxda Doonyaha si ay ugu Fududaato Ganacsatada isticmaasha Doonyaha Raristooda iyo Dejintoodaba. · Dekedu waxay Banaysay Meheradihii ka Agdhawaa Afaafka laga Galo dekada waxaanay Dayactir ku samaysay Dayrka weyn ee dekada iyo Nawaaxigiisa ee banaanka ku yaalay iyada oo ka Duulasya Ilaalinta Amaanka. · Waxa Afar Mashquur oo Biyo Gelina laga Sameeyey Magaalooyinka Sheekh, Xagal iyo Beeyo Dhaadheer. Hay’ada Shaqaalaha Dawlada: Hay’adaha Shaqaalaha Dawladu waxay u xil-saaran tahay dhamaan shaqaalaha kala duwan iyo jaan-gooynta qaab-dhismeedka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada. - Hay’ada Shaqaaluhu waxay ku guulaysatay dedaalkii ay ugu jirtay mushaharka shaqaalaha dawlada oo loo kordhiyay 100%. - Waxa la diyaariyay dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka sharciga shaqaalaha dawlada. - A- Waxa la sameeyay sharciga shaqaalaha dawlada (Civil Service law), - B- Sharciga Shaqaalaha hawl-gabka ah (Pension law) - C- habka iyo hanaanka qorista shaqaalaha (Requitment procedure). - D- habka iyo hanaanka imtixaan iyo qiimaynta (Examination/Evaluation procedure) - Waxa la fuliyay qiimaynta shaqaalaha iyada oo loo eegayo - Waxa la imtixaamay shaqaalaha 4 Wasaaradood oo kala ah, Maaliyada, Cadaalada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Qorshayta iyo Horumarinta Qaranka. - Shaqaalihii imtixaanka laga qaaday aan gudbin waxa loo bilaabay waxbarasho Machadka tababarka shaqaalaha Dawlada (Civil Service Institute), iyada oo ay wakhtigan ku guda jiraan waxbarashadooda 63 qof oo qaadanaya waxbarasho 6 bilood ah, iyada oo magaalada Boorama ee gobolka Awdalna waxbarasho Hay’adaha Shaqaaluhu u furtay 16 qof, kuwaasoo dhamaantood mushaharkoodii qaadanaya iyada oo waxbarashaduna u socoto. - Waxa la xulay 120 shaqaale oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ee madaxabanaan oo ka qayb-qaadanaya tababarada gaagaban iyo kuwa heer Diploma ah ee Machadka tababarka shaqaalaha dawladu bixiyo oo kala ah; - A- Budgeting Course - B- Supervision and Communication - C- English Course - D- ICT Course. - Waxa la hir-geliyay saacada shaqada ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada. - Waxa la qaybiyay, lana faafiyay nuqulka sharciga shaqaalaha dawlada Law No. 7, loona qaybiyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Xoghayayaasha, Gudoomiyeyaasha Hay’adaha Dawlada ee madaxabanaan. - Hay’ada Shaqaaluhu waxa ay 20 ka mid ah shaqaalaha Dawlada u dirtay waxbarasho wadanka Itoobiya inoogu deeqday Machadka tababarka shaqaalaha dawlada ee dalkaasi, kuwaasoo ah koorsooyin isugu jira Degree iyo Masters. - Waxa la diyaariyay istiraatijiyada dib u habaynta arrimaha maamulka shaqaalaha dawlada (Somaliland Civil Service Reform Strategy). Guddida Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa: Xukuumada Somaliland iyada oo ka duulaysa rabitaanka shacbiga ee ku aadan helitaanka dawlad tayo leh, oo ka caagan musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, waxay go’aansatay in la abuuro Ha’yada maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, taasi oo jiritaankeeda iyo habsami u shaqaynteedu ay door muhiim ah ka qaadanayso toosinta maamulka. Waxqabadka Hay’adan ugubka ah ee saddexdii bilood ee u danbaysay waxa uu koobanyahay dhismiha xafiiska guddiga iyo qorshaynta sidii loo taabo gallin lahaa waxqabad samayn ku yeesha nidaamka dawladeed ee xukumadeena. Ø Waxqabadka: § Diyaarinta siyaasada Gudidda oo aanu ugu magac darnay Documentiga bilaabista gudidda “Establishment Document” § Diyaarinta sharciga lagu aasaasayo gudidda oo qeexaya ujeedooyinka gudidda, charciyada loo cuskaday, awoodaha, qaab dhismeedka iwm – waxa soo diyaariyay sharci yaqaan madaxbanaan, waxa loo qabtay kulano talo urursi laba jeer cidaha ay khusayso oo dhan si ay uga talo bixiyaan. § Diyaarinta qorshaha shanta sano ee gudidda.
  17. Wasaaradda Isgaadhsiinta Boosaha v Isku-xidhka shirkadaha Isgaadhsiintu waa ahmiyada ugu wayn ee ay xukuumadani ku taamayso, si loogu adeego dadweynaha macaamiisha shirkadaha, loogana baxo kala qoqobnaanta shirkadaha, isla-markaana looga maarmo adeegsiga telefoonada kala duwan, si uu qof kastaaba ugu koobnaado Hal Telefoon, isla-markaana uu kula xidhiidhi karo dhamaan shirkadaha kala duwan ee Telefoonada, ayaa waxa lagu dhaqaaqay sidii loo meel-marin lahaa isku xidhka adeegsida isgaadhsiin tayo leh oo qiimo jaban. v Hawl-galka isku-xidhkaas oo bilaabmay 21-kii December 2010-kii, xililgaas oo qalabka la rakibay, tijaabadaasi la sameeyay waxay soo jarantay 25 March 2011 markii si mug leh loogu guulaystay isku xidhka shirkadaha Telesom iyo Somtel, waxaana haatan lagu guda jiraa sidii loo dhamaystiri lahaa shirkadaha hadhsan iyagana in lagu soo xidhiidhiyo isku xidhkaa hore ee tijaabada ku fulay. v Xeerka Isgaadhsiinta ee imika Horyaala Golaha Wakiilada oo ay doodiisu socoto waxa loo qabaa Baahi badan waayo Xeerkani Muhiimada uu leeyahay ka sakow wuxuu qayb ka yahay misaaniyada Sanadka oo ay isgaadhsiintu ka mid tahay Illaha ugu mudan ee Dakhliga lag Sugaayo sidaa awgeed anaga oo ixtiraam u hayna Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xil gudashadooda distuuriga ah ee ay ka gudanayaan Xeerka waxa aanu ku dhiiri gelinaynaa oo aanu ka Codsanaynaa in ay Xeerka hore u sii daayaan. Waxa ay xukuumadu u hawl-gashay sidii looga baraan-degi lahaa qalab lagu fulin karo xal u helida dakhliga cashuuraha isgaadhsiinta, sugidda ammaanka iyo kobcinta awoodda Qaranka ee isgaadhsiineed. Waasaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Jidadka iyo Biriijyada: - Wadooyinku, gaar ahaan kuwa xidhiidhiya deegaamada kala durugsan ee dalka gudihiisa waxay muhiimad wayn u leeyihiin dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo xidhiidhka bulshada. Hadaba, 3-dii bilood waxqabadka dhinacyada jidadka iyo biriijyada ee balanqaadkii Madaxweynuhu ee ku jiray khudbadii uu ka jeediyay labada gole sanadkan waxa uu fulay 90%, Madaxweynaha Somaliland ayaa xadhiga ka jiray 7-dii bisha 3-aad ee sanadkan Biriijka Maroodi-jeex ee caasimada Hargeysa, kaasoo bulshadu ay baahi wayn u qabtay, in badana naawilaysay. Waxa meel wanaagsan maraysay oo haatan gebo-gabo ku dhaw, wadada Dila ilaa Boorama. Waxa kale oo la dhamaystiray dayactirka wadada isku xidha Dila ilaa Hargeysa oo dadku dhibaato badan kala kulmi jireen. Sidoo kale, waxa dayactir laba qaybood ah, laba shirkadood lagu kala siiyay, haatana socda wadada Laascaanood, Gambadha iyo Laascaanood iyo Oog 75% ayaana dhamaystirmay. Waxa socota oo gacanta lagu hayaa adkaynta Bariijka Burco oo dhismihiisa lagu ladhayo derbiyo iyo kaabado lagaga xidhayo daadka iyo weliba derbi ciid-celiye ah oo laga dhisayo bariijka agtiisa, dhinaca ay biyuhu u socdaan, si wanaagsan ayay hawshaasi u socotaa, waxaana lagu wadaa inay dhamaato bishan.
  18. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada:- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu waxay u xil-saaran tahay, masuuliyad qiimo wayn ugu fadhida nolosha mujtamaca. Wasaaradu waxay ka kooban tahay;- Wasaaradii hore ee Qoyska oo lagu daray agaasinkii shaqaalaha ee hore u hoos iman jirtay Wasaarada Caafimaadka. Sida muuqatana xilkaa culus ee ay wasaaradu haysaa wuxuu u baahan yahay dhaqan-gelin cidhiidhyoon, maadaama aanay bulshadeenu u bislayn imkaaniyaad badan oo ay hawshaasi u baahan tahayna gacanta lagu hayn. 3-dii bilood ee u dambeeyay Wasaaradan oo ka mid ah wasaaradaha cusub marka dhinac laga eego waxa ay door-biday inay hawsha ka bilawdo diyaarinta siyaasada, xeerarka iyo qawaaniinta kale ee kaabaya xilkeeda, nolosha qoyskeeda iyo ta shaqada iyo shaqaalahaba, sidaa awgeed 3-dii bilood ee u dambeeyay waxay Wasaaradu qabatay;- 1- Dhamaystirka nuqulka 1-aad ee xeerka Qoyska oo gebi ahaanba laga soo dheegay shareecada Islaamka. 2- Siyaasada Qaranka ee ku wajahan gudniinka fircooniga ah, diiwaan-gelinta shaqaalaha aan dawliga ahayn oo bilaw ah. 3- Hir-gelinta xarunta lagu dhaqan-celinayo laguna xanaanaynayo caruurta darbi-jiifka ah, taas oo dhismaheeda oo ay Wasaaradu gacan ka gaysatay, lana kaashatay ganacsatada Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba gacanta lagu hayo. 4- Wasaaradu waxay bilawday fulinta siyaasada Qaran ee lamaanaha (National Gender Policy) 5- Hubinta u sinaanshaha muwaadiniinta ee fursadaha shaqo; Wasaaradu waxay 3-dii bilood ka qayb-gashay xulashada 39 jago oo ka banaanaaday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo ahaa fursado shaqo oo banaanaaday loona qaatay muwaadiniin reer Somaliland. Wasaarada waxa ilaa iminka ku adag ka qayb-galka nidaamka shaqaalaynta ee goobaha ganacsiga, taasoo ay sabab u yihiin ganacsatada meheradaas iyo shirkadaha iska leh oo aad moodo in aanay fahmin ama ay ka dhego-adaygayaan muhiimada ay leedahay in lala ogaado muwaadinka ay shaqaalaysanayaan habka ay u shaqaalaysanayaan. 6- Hogaaminta iyo garab-siinta farsamo-baradka; Wasaaradu iyadu oo maanka ku haysa heerka shaqo-la’aaneed ee dalka waxay xooga saartaa sidii farsamo baradka loogu xidhi lahaa goobaha shaqo ee ku haboon, si ay tababar-shaqo ugu qaataan shaqaalayna ugu noqoto. 3-dii bilood ee u dambeeyay waxa goobaha shaqada lagu xidhay 475 muwaadiniin ah oo bartay xirfado kala duwan, magaalooyina Hargeysa, Berbera iyo Boorama. Waxa la aasaasay qaybta badbaada shaqaalaha ee waaxda shaqada, iyada oo loo go’leeyahay in la kormeero goobaha shaqo si loo xaqiijiyo xaalada shaqo ee shaqaalaha. Ø Qorshaha 3-da Bilood ee soo socda:- 1- Dhamaystirka waxyaabaha hada socda ee kor ku xusan. 2- Dib-u-eegis iyo wax ka bedelida xeerka shaqaalaha rayidka ah, si loo suurto-geliyo jawi ku haboon shaqaalaha ajaanibka ah iyo kuwa wadaniga ah,lana jaanqaadi kara diinta Islaamka, dhaqanka dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Iyada oo la xayaysiinayo qof khabiir oo hawsha qabta, dhawaana hawsha bilaabi doono. 3- Isku-duba-ridka, xidhiidhinta iyo hogaaminta Hay’adaha iyo ururada ka shaqeeya arrimaha hoos yimaada masuuliyada hawlaha arrimaha bulshada iyo shaqada. 4- Meelaynta 150 arday oo ka baxay Jaamacada Hargeysa, qaatayna tababar xirfadeed, kuwaasoo lagu xidhi doono Wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah Somaliland si ay waayo-aragnimo shaqo uga helaan, dawladuna aqoontooda uga faa’iidaysato. 5- U abuurida fursado shaqo 160 arday oo ka baxay jaamacadaha kala duwan ee dalka iyada oo loo abuurayo ganacsiyo yar-yar (youth entrepreneurship program).
  19. W. Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka: Somaliland waxay markii u horaysay ka qayb-gashay tartan heer caalamiya oo orodada ah, kaasoo 14 march sanadkan ka qabsoomay Jamhuuriyada Jabuuti. Sidoo kale, waxa ay Somaliland markii ugu horaysay ka qayb-galaysaa tartanka ciyaaraha kubada kolayga ee bariga iyo badhtamaha afrika oo bishan gudaheeda ka dhici doona magaalada Nairobi ee wadanka Kiiniya. Waxa kale oo ay Somaliland ka qayb-gashay bandhig-faneedkii Bariga Afrika ee sanadkan oo isna lagu qabtay Jabuuti. 3-dan bilood ee sanadkan waxa ka dhacan magaalada Hargeysa lagu qabtay tartanka ciyaaraha fudud gaar ahaan orodada oo lagu magacaabo Hargeisa Half Maraton, tartankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan. Inkasta oo Wasaaradani ka mid ahayd kuwii hore u jiray, hadana waxa la dhamaystiray dhismaha xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha. Gobolada Togdheer iyo Saaxil waxaanu ka qabanay tartanada ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka koowaad iyo heerka labaad. Sidoo kale, waxa hada socda tartan kubada cagta ah oo loo qabtay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada Hargeysa, kaasoo ka socda garoonka labaad ee caasimada, waxaana loo yaqaanaa The Cultural Week of the Hargeisa University. Waxay Wasaaradu diyaarisay warbixin mug leh oo laga soo minguuriyay daraasad laga sameeyay dhalinyarada oo bar-bilaw u noqon doonta hawlaha loo qaban doono dhalinyarada sida awoodooda shaqo, xirafadeed IWM. Daraasadan waxa Wasaaradu la kaashatay Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.
  20. Wasaardda Gaashaandhigga: waxa la dhamaystiray Dhisme 2 dabaq ah oo ay leedahay Wasaaradda Gaashaan-dhiggu. Waxa la dhamaystiray dugsiga tababarada ciidamada Dararweyne iyo guryihiisa. Waxa dayactir lagu sameeyay cisbitaalka ciidanka Qaranka ee Caasimada Hargeysa Ø Abaabul-ka-saarka iyo Jihaynta Qaranka: - Waxa lagu guulaystay in la diiwaan-geliyo ciidamada kala duwan ee dalka, sida Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta. _- Tirakoobkaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Askari kasta oo ka tirsan ciidamada dalku uu u yeelan lahaa aqoonsi u gaar ah iyo File lagu ururiyo macluumaadkiisa, si ay u fududaato tirada saxda ah ee ciidamadu, waxaana arrintaas iska kaashaday Gudiga abaabul ka saarka iyo JIhaynta Qaranka (NDRC), Wasaaradaha Maaliyada, Arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhiga iyo Saddexda Ciidan Qaranka
  21. W. Cadaalada iyo garsoorka Sida laga wada warqabo cadaaladu waa saldhiga koowaad ee mushtamac doonaya inuu unko ama dhidibka u taago dawladnimo uu dadkeedu haakah yidhaahdo ,xukuumadu iyadoo taa ka duulaysa horena u soo bandhigtay siyaasada cad ee ay ka leedahay cadaadalada iyo garsoorka waxaa muuqtay baahida loo qabo in daraasad mug leh laga sameeyo xudunya yabashada garsoorka ee shacabka isla markaana la miisaamo kaalinta ay hay’adaha garsoorku kaga jiraan qarinamdeena iyo duruufaha ay ku soo shaqyanayeen mudadadii ay 20-sanoadood ahay ee ay Somaliland jirtay. Waxaa dalka ka qabsoomi doona shir qaran oo lagu naaqishayo cadaalada iyo garsoorka kaasi oo noqon doona kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka ka qabsooma waxaana laga filayaa in ay shirakaa ka soo bixi doonaan talooyin dhaxal gal ah oo ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo iyo qiimayn dhaba oo run ku dhisan lagana amba qaadi karo talooyin dawo u noqda tabashada jirta. Waxa la bilaabay, haatana dhamaad ku dhow qorshihii istiraatijiyada cadaalada iyo garsoorka 2011-2015, kaasoo qeexaya jidka mustaqbalka dhow loo qaadayo isbedelka iyo horumarinta cadaalada iyo garsoorka. Waxa boodhka laga tumay oo la nooleeyay shuruuc ay hore u ansixiyeen goleyaasha sharci-dejintu loona baahnaa balse aan hawl-gelin. Sida sharciga qareenada iyo xeer-nimiyeyaashiisa, sharciga caruurta. Waxa la diyaariyay shuruucdii lagu dhaqi lahaa xarumaha caruuraha Somaliland, kaasoo wax ka taraya nolosha caruurta ku nool xarumaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn. Si loo dardar-geliyo, loona sugo xogta Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaalada, waxa ay guddiga cadaaladu dhamaystireen warbixin ay ka diyaariyeen kormeer muddo bil ku dhow qaatay oo ay ku soo mareen gobollada iyo degmooyinka oo dhan., iyaga oo u kuur-galayay duruufta hay’adaha garsoorka ee degmooyinka, magaalooyinka iyo gobollada dalka oo dhan, islamarkaana aan ku koobnayn garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee Maxkamada oo kaliya, balse shacbiga deegaamadaasna waraysanayay.